-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guban View: How Ministry of Interior bullies the elected district councils Guban View: How Ministry of Interior bullies the elected district councils This week, Somaliland police arrested four councilors of the Gabiley district Council. They are being held at the headquarters of the Criminal Investigations Unit of the police in Hargeisa. So far, the charges against them are unknown. There is speculation that the councilors were calling for a vote of no confidence against the mayor of Gabiley. But, Col. Kahin, the Interior Minister, has issued a decree banning any meetings for all Somaliland district councils. Col. Kahin, a veteran of the liberation war, is borrowing a playbook from “Faqash” era tactics to “punish and suppress “our elected officials. Interior Ministry has no business meddling with how the local governments are conducting their own affairs. What Col. Kahin is doing is a classic example of power abuse, and he must be held accountable. GubanMedia is calling for immediate release of the four councilors. These new round of arrests are a hugely repressive move and risk moving Somaliland into a police state and toward authoritarianism. The councilors are duly elected local officials; all councilors must be immediately released and if there are charges against them it must be unconditionally dropped. The arrests are nothing more than a distraction and noise to cover the failure of Col. Kahin to effectively run the sprawling Interior Ministry, which has jurisdiction over the national security and local municipalities matters. Instead, Col Kahin and his “Faqash” style Interior Ministry should concentrate on keeping the homeland safe, cracking down on terrorists and their sympathizers, and restoring law and order in the carnage of Eil-Afwein communal violence, in which some people are alleging that he is complicit in the repeated violence. Since 1993, the Ministry of interior has been having unchecked power to bully the local governments. The constitution did not clearly set up a system of devolved authority and responsibility for the elected councils. Consequently, the Interior Ministry bureaucrats are constantly busy controlling the day to day operations of the local elected governments. To keep their jobs, most of the councilors are busy appeasing the Interior Minister or his representative, instead of serving for the people. The electorate do not directly elect the mayors, instead the councilors elect among themselves the mayor. The Ministry of Interior meddles with the election process of the mayor to back its favorite. As a result, some councilors are constantly fighting among themselves For example, Gabiley district or county is a large swath of land between Hargeisa and Borama, which has towns, townships, villages, and farms. It has four major towns: Wajaale, Gabiley, Alleybadey and Arabsiyo.The electorate of the district elect 21 councilors, who conduct the district’s business in Gabiley, the largest town of the district. To better serve and to bring government closer to the people, each town of Gabiley district should have its own elected district council, including a directly elected mayor and maybe (2-3) councilors by the voters. The councils must operate as government authorities with responsibility to run the affairs, the interests, and the needs of the people that live in the council Jurisdictions areas. Moreover, Wajaale is a vast growing town : It’s a trading place, a logistical hub and the gateway connecting Somaliland to Ethiopia.It does not have a district council or elected mayor and council. Wajaale, Arabsiyo and Alleybadey deserve to have district councils more than other small, rural villages the Interior Ministry declared as district councils. But in today’s Somaliland they way to have leverage on the government is through “Violence and the threat of using violence” or mob rule. The residents of Gabiley have been used as a vote bank by unscrupulous politicians like Abeeb Time-Ade and others during the election cycles, for their parochial interests. In return, their pressing issues have been ignored repeatedly by all respective Somaliland administrations election after election. In 2017 election, without the votes of Gabiley, Bihi would not have become the 5th president of Somaliland. We should reform how we evaluate and run our municipalities and regions because what we have now is chaos. The constitution in vague terms specifies that the district councils are responsible to deliver basic services: water, electricity, education, healthcare and even public safety and communications. But up to now, no district council in Somaliland is serving its people those services because the central government is afraid to lose power. The closer local governments are to the people, the more effective and efficient in delivering services. The central government should share power with district councils. The legislature should also pass laws defining the devolving power of the district council in urban and rural areas. Finally, we should reign in the power of the Ministry Interior, to issue decrees, suspend, dismiss or even arrest duly elected councilors because Somaliland was born out of the struggle against an unresponsive, authoritarian regime. Our people deserve a tentative and more accountable government based on the rule of law. Ali-Guban Mohamed Editor Gubanmedia.com Guban Media – Covering Horn of Africa Region Ali Muhammad Gubanmedia is a 24-hour source of news analysis, commentary, and breaking news about Somaliland, Somalia, Eth… Covering the Horn of Africa aliadm@gmail.com Qaran News
-
Marka (SMN) – Maamulka magaaladda Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa beeniyay in ciidamo kawada tirsan dowladda ay ku dagaalameen halkaasi. Cabdullaahi Cali Axmed Waafow, gudoomiyaha magaaladaas oo la hadlay Shabelle ayaa xusay in rasaas shalay la maqlay ay ahayd shaqaaqo. Sidda uu sheegay Waafow, shaqaadada ayaa timid markii askari uu xabad gannay, taasi oo ay ka fal-celiyeen ciidamo kale oo halkaasi ka akdhowaa. Gudoomiyaha oo qiray in xabadaasi ay sababtay iska hor-imaad ayaa sheegay in laba askari oo uu ku jiro midka xabadda riday ayaa ku dhimatay dhacdadaasi. Xaaladda magaaladda ayuu tibaaxay in ay haatan tahay mid degan, isla markaana la xaliyo xiisad ka dhalatay shaqaaqadaasi. Shalay ayay ahayd markii ciidamo kuwada sugan goob Khaad lagu iibiyo oo ku taala Marka ay is-rasaaseyn kooban ay ku dhex-martay ciidamo ka tirsan dowladda. Halkan hoose ka dhageyso wareysiga https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Cod-Marka-.mp3 View the full article
-
Police have destroyed an improvised explosive devices (IEDs) assembly site believed to be that of Al-Shabaab at Gaame, Ijaara area in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – QM ayaa Muqdisho keentay ciidamo ka socda dalka Uganda oo qeyb ka ah ciidamada UNGU (United Nations Guard Unit), kuwaas oo howshoodu tahay sugidda amniga shaqaalah QM ee ku sugan magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxaa xaflad soo dhoweyn ah iyo la-wareegis amni loogu qabtay Muqdisho, ayaga oo beddelay ciidamo kale oo horey u joogay magaalada. Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay ergeyga QM ee Soomaaliya James Swan, iyo taliyaha guud ciidamada Uganda, General Peter Elwelu. Cutubkan ka socda dalka Uganda oo loo yaqaan UNGU VI ayaa ka kooban 625 askari, oo 86 ka mid ah ay yihiin haween. Ciidamadan oo shalay yimid ayaa kusoo aaday maalin kadib markii wakiilka QM ee Soomaaliya uu ka badbaaday qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, oo uu ka tagay waxyar un ka hor, ayada oo Al-Shabaab ay sheegtay inuu ahaa bartilmaameedka. Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in imaatinkooda uu horey u qorsheysnaa maadaama ay beddeleen ciidamo kale oo horey ugu sugnaa xerada Xalane ee ay QM dhex degan tahay. Ciidamadan ayaa Muqdisho joogi doona muddo hal sano ah, markaas oo kadib ciidamo kale lagu beddeli doono. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Garowe (SMN) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu ku guda jiro diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee munaasabada sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay aas-aaska maamulkaasi. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga maamulkaasi ayaa wuxuu shaaciyey in nabad-gelyadda degaanada dowlad goboleedkaasi sare loo qaadayo inta lagu guda jira maalmaha munaasabada oo la qaban-qaabinayo. Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka codsaday dadweynaha in ay kala shaqeeyaa laamaha amniga sidii ammaanka loo sugi lahaa ayaa u digay shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin falal liddi ku ah xasiloonida. Dhinaca kale, qof kamid ah dadka degaanka oo la hadlay idaacadda Shabelle ayaa shaaciyey in ciidamada oo heegan sarre la geliyay ay bilaabeen howlgalo lagu adkeynayo nabad-gelyadda, kuwaasi oo rayidka saameeyay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Puntland.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in uu dowladda federaalka Soomaaliya ka gacan-siin doono xasilinta magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Francisco Madeira, madaxa AMISOM, oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa tilmaamay in xukuumadda ay illaa iyo haatan horumar ka sameysay ammaanka, balse ay jiraan caqabado. Cabaqadahaasi oo uu ku tilmaamay weerarada Al-Shabaab ee qaraxyadda iyo dilalka u badan ayuu xusay in ay diyaar u yihiin in ay kala shaqeeyaan dowladda sidii loosoo afjari lahaa. “Waxaan ku kalsoonahay in aan ka guuleysan doono. AMISOM waxay tababareysaa boolis, kuwaasi oo aan rajeynayo in ay xasiliyaan Soomaaliya iyo caasimada Muqdisho,” ayuu yiri. Hadalkan taliska AMISOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo mudooyinkii dambe ay qaraxyo dad badan ay ku dhinteen ay ka dhaceen Muqdisho, oo ay dowladdu sheegtay in ay baareyso. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag wuxuu u cambaareeyay qaraxii lagu weeraray xarunta gobolka Banaadir. António Guterres ayaa wuxuu falkaasi ku tilmaamay “mid bahalnimo”, isaga oo tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo kabasho degdeg ah uu u rajeeyay dadka ku dhaawacamay dhacdadaasi. Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Eng Yariisow] ayaa ku jira dadka dhaawaca ah. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku garab taagan nahay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo nabaddeynta dalka,” ayuu raaciyey. Todoba mas’uul ayaa ku geeriyootay qaraxaasi oo Arbacadii dhacay, iyadda ay ku dhaawacmeen tirro kale xili Al-Shabaab ay sheegatay weerarkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/07/Warka-Duhur-26072019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay markii ugu horreysay qirtay in dowladda ay ku dhex-jiraan xubno gacan siiya Al-Shabaab oo ka caawiya weerarada. Arrintan ayuu madaxweynaha xalay ka shegeay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Al-Shabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Al-Shabaab ayaa ku guuleysatay in dowladda ka dhex fuliso weeraro dhowr ah oo qaarkood ay adag tahay in la sameeyo, ayada oo aan gacan laga heleyn gudaha, taasi oo sare usii qaaday tuhunka laga qabo in xubno dowladda ku jira ay la shaqeeyaan kooxdan. Waxaa ugu dambeeyey weerarkii 24-kii bishan laga fuliyey gudaha xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wararka laga helayo Magalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlad Goboleedka Puntland la dhigay Wadooyinka iyo Xaafadaha Magaaladaas. Ciidamadaan oo u badan Boolis ayaa la sheegay inay sugayaan Amniga munaasabad loogu dabaal-degayo sanad-guurdii 21aad oo ku beegan markii la Aas-aasay Dowlad goboleedka Puntland 4-tii Bisha Agoosto Sanadkaan 2019 taas oo la filayo in lagu qabto Magalada Garoowe. Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxaa ay soo sheegayaan in Ciidamada ay yihiin kuwo heegan ku jira,isla markaana mararka qaar ay baaritaan ku sameynayaan Gaadiidka iyo qofkii ay ka shakiyaan. Magaalada Garoowe ayaa siweyn looga dareemayaa u dabaal-degida 21-guurdii kasoo wareegtay Aas-aaskii Maamulka Puntland,waxaana munaasabada ka qeyb geli doona madax badan,waxaana munaasabadii la soo dhaafay ee sanadkii 2018 ka qeyb galay Ra’iiusl Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Amniga Guud ee magalada Groowe ayaa aad loo adkeeyay,waxaana ciidamada lagu daadiyay wadooyinka ay wadaan dhaq dhaqaaq ku aadan sugida Amniga,waxana Magalada Garoowe ay ka mid tahay magaalooyinka ugu Amniga wanaagsan deegaannada Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan muhiim ah isugu yeeray Taliyeyaasha laamaha amniga ee u xilsaaran sugidda amniga Caasimadda ayaa su’aalo ka waydiiyay qaraxii ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar. Madaxweynaha ayaa ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska warbixin gaar ah oo ku saabsan masuuliyadda gaabiskii amni ee dhacay iyo halka ay marayaan baaritaannadii ay ku sameynayeen qaraxii Arbacadii. Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda in ay si degdeg ah ula timaaddo qorshe dhammeystiran oo ku aaddan hannaanka la dagaallanka dadka sida tooska ah iyo sida dadban u gacan siiya argagixisada Alshabaab. “Suurta gal maha in ay nagu dhex jiraan dadka gacanta siinaya argagixisada dadkeenna dhibaataynaya. Waxaa laga sugayaa Xukuumadda in ay la timaado qorshe lagula dagaallamayo dadkaas.” Ayuu yiri Agaasimaha Warfaafinta. Dhankooda, Guddiga Gurmadka Caafimaad ee dhaawacyadii qaraxan naf-hallignimada ahaa ayaa la wadaagay Madaxweynaha xogta xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo dadaalkii ballaarnaa ee ay Xukuumaddu ku bixisay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran. Xubnaha Guddigan ayaa tilmaamay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarradii argagixisanimo ee ka dhacay magaalooyinka Kismaayo iyo Boosaaso ay qayb ka ahaayeen dhaawacyadan caawa la qaaday. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo dhammaan masuuliyiintii ku dhaawacmay falkan waxashnimada ah ee ay geysteen argagixisadu, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey masuuliyiintii ku shahiiday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
More than 100 migrants were missing after their boat sank off the coast of Libya in what might be the worst tragedy in the Mediterranean this year, aid agencies said Thursday. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga arrimaha dibadda golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka golahaasi ka dalbaday in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo eedeynta loo jediyey dowladda Qatar. Xubnaha gudiga ayaa soo jeediyey in la dabagalo warbixintii uu dhawaan qoray Wargeyska The New York Times, kadib qoraal ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Wargeyskan oo ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa shaaciyey in Qatar ay ku lug leedahay qaraxyada iyo falalka Argagixisanimo ee ka dhaca Sooomaaliya. Warbixintani oo dhawaan soo shaac baxday ayaa lagu sheegay in Qatar ay dooneyso in Soomaaliya ay ka saarto dalka Isu Taga Imaaraadka Carabta. Qatar oo ka mid ah dalalka taageero dowladda Soomaaliya ayaa iska foogeysay dhammaan eedeymaha loo jeediyey. Sidoo kale waxa ay shaacisay inaysan faragelin arrimaha dalalka madax banaan, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysay aysan ka wakiil ka ahayn. Arrintan waxa ay dhalisay shaki weyn, taas oo keentay in Puntland ay ku dhawaaqdo in baaritaan ay ku sameyneyo dilkii Paul Anthony Farmosa oo ahaa maareeyihii shirkadda P&O Ports ee marsada Dekedda Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Washington ayaa ayaa ballan-qaad ka dhan ah ururka Al-shabaab u sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaddib qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaasoo ay ku dhinteen xubno badan oo ka tirsan maamulkaas. Safiirka Mareykanka ee Somalia, Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaas ayaa u tacsiyeeyay ehellada dadkoodu ay waxyeelooyinka kala duwan kasoo gaareen, wuxuuna dhaawacantay u rajeeyey caaafimaad dhaqso ah. Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso Weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah oo ay fulisay kooxda Al-shabaab oo xiriir dhaw la leh Al-Qaacida, uusanna ahayn midkii ugu horreysay ee khasaare badan geystay oo ay ka fuliyeen Somalia. Dhanka kale, Danjiraha ayaa xusay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Somalia, isla markaana uu ka gacan siinayo baabi’inta kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab oo uu ku tilmaamay kuwo aan shacabka Soomaaliyeed u naxariisanayn. “Xukuumadeydu waxay ballan-qaadaysaa sidii aan garab uga siin lahayn DF la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, isla markaana dalka aan dib u dhis uga sameyn lahan,” ayuu yiri Yamamoto oo intaas ku daray in Somalia ay u baahan tahay in gacan laga siiyo la tacaalidda argagaxisada. Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ammaan iyo boggaadin u jeediyay ciidamada amniga iyo kooxaha gurmadka deg-dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir. Ugu dabmeyn, Weerarkan oo is-miidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad toban qof oo uu ka mid yahay guddoomyaha gobolka Banaadir oo haatan dhaawiciisa lagu daweynayo dalka Qatar. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo sheegay inay si adag u garab-is-taagayaan shacabka iyo Dowlada Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Garowe (Caasimada Online) – Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa saaka lagu soo daadiyey waddooyinnka magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal. Ciidamadani ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan iyo howlgallo lagu xaqiijinayo amniga ka bilaabay xaafadaha magaaladaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo aan la xariirnay ayaa u jeedada ka dambeysa arrintan ku sheegay u diyaar garowga xuska aas aaska Puntland oo ku beegay 1-da bisha soo socota ee Augusto. Madaxda iyo shacabka Puntland ayaa sanadkan u dabaal degaya 21 sanad guuradii ka soo wareegtay aas aaska maamulkaasi. Munaasabado lagu maamuusayo maalintan ayaa la filayaa inay ka dhacaan magaalooyinka Puntland, kuwaas oo ka qeyb geli doonaan mas’uuliyiin kala duwan. Ammaanka ayaa aad loo xoojiyey, iyadoona saraakiisha iyo ciidamadaba loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah . Sanadkii la soo dhaafay waxaa munaasabaddan ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, balse lama oga sanadkan, sida ay uga qeyb geli doonto dowladda Soomaaliya, maadaama uu jiro mad madow u dhexeeya madaxda dowladda dhexe iyo Madaxweyne Siciid Deni. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin qaraxii maalin ka hor ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee Xamar ayaa sharraxaad dheeraad ah ka bixisay qaabkii ay qaraxaas u filiyeen. War ay kooxdu ku daabacday shakabadaha taageera ayaa lagu sheegay in qaraxaas ay doonayeen inay ku dilayaan ergayga QM ee Somalia, James Swan, balse uu ka badbaaday, kaddib markii qaraxa ay lasoo gudboonaatay cillad sababtay inuu qarxi waayo. Kooxda ayaa sheegtay in qaraxa uu goor-dambe oo maalintaas ah qarxay, ayna dhibaato kasoo gaartay xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo uu ku jiro guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cismaan [Inj. Yariisow] oo dhaawiciisa loo qaaday dalka Qatar. Sidoo kale, kooxda ayaa sheegtay in qaraxaas uu ahaa mid horay loogu sii diyaariyay miiska shirarka xarunta maamulka Gobolka Banaadir, balse ma sheegin cidda gacan ku siisay in qaraxaas ay goobta ku diyaariso. Hadalka Al-shabaab ayaa wuxuu meesha ka saarayaa hadallo dhawaan la isla dhex-marayay oo sheegayay in qaraxaas ay fulisay haweeney indhaha naafo ka ah oo ka tirsan shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir, taasoo isla goobta ku dhimatay. Dhanka kale, Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya – ayaan weli waxr ah kasoo saarin qaraxaas iyo sidii uu u dhacay, waxaase socda baaritaanno lagu sameynayo cidda gacan ka geysatay iyo qaabka xarunta maamulka loo geliyay walxahaan qarxa. Ugu dambeyn, Weerarkaas oo noqonaya kii ugu xumaa noociisa ee si toos ah loola beegsado xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ku naf-waayay agaasimayaal iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maamulka gobolka oo ay ku jiraan kuwo muhiim ah, waxaana ku dhaawamay tiro kale oo uu ka mid yahay Inj. Yariisow, kuwasoo dhaawacooda loo qaaday dalka Qatar. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo Faah-faahisay sidii loo fuliyay Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir appeared first on Puntland Post.
-
Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland ayaa shaacsisay in liiska odoyaasha dhaqanka soo xulaya xildhibaannada maamulka ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland uu yahay mid sax ah oo waafaqsan diiwaanka wasaaradda ee odoyaasha dhaqanka. Wasaaaradda ayaa sheegtay in ay ku tix gelinayso guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Jubaland waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ay ugu horreeyaan qabashada iyo kala hormarinta jadwalka doorashada Jubaland. Jubaland waxay sidoo kale caddaysay in aysan wax wada-shaqeyn ah oo ku saabsan doorashada Jubaland oo dhexmaray ama dhexmari kara Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta dowlad goboleedka Jubaland iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dib u-heshiisiinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay fara-gelinta ka dayso doorashad Jubaland islamarkaana ay ixtiraamto Dastuurka iyo Nidaamka dalka u yaalla ee kala qeexaya awoodaha heer Federaal iyo heer dowladgoboleed. Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka PUNTLAND POST The post Jubaland oo sheegtay in doorashadeeda aysan meelna ka soo geli karin dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in adeegyadii uu maamulku bixin jiray ay si caadi ah ku socdaan. Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa shaaca ka qaaday in laamaha ammaanka ay ku howlan yihiin baaritaanka qaabkii u dhacay weerarkii Arbacadii. Ku simaha gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa intaasi raaciyey in aysan waxba iska bedelin shaqadii gobolka, muwaadiniintana loogu shaqeyn doono sidii hore. Gudoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa yiri “ugu dambeyntii, [AlShabaab] waan ka adkaan doonaa”. Dadweynaha ayuu ku booriyey in ay is-dejiyaan, kana dhowr-sugaan warbixinta baaritaanka ay sameynayaa laamaha ammaanka. Weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir ayaa wuxuu galaaftay todoba mas’uul, iyadda oo uu ku dhaawacmay duqa caasimada oo Qadar loo qaadey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab u sameysay dowladda Soomaaliya, kadib qaraxii Arbacadii ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Safiirka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donald Yamamoto oo ka hadlay weerarkaasi ayaa marka hore Tacsi u diray ehellada ay dadkoodu ku dhinteen, isagoona ku dhaawaca ah u rajeeyey caaafimaad deg deg ah. Donald Yamamoto ayaa sheegay in dowladdiisu cambaareyneyso weerarkaasi oo uu ku tilmaamay mid baahalnimo ah. Dhanka kale wuxuu carabka ku dhuftay in Mareykanka uu xoojinayo taageerada Soomaaliya, islamarkaana uu ka gacan siinayo baabi’inta Argagixisada. “Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.” ayuu yiri Yamamoto. Ugu dambeyn waxa uu amaan iyo boggaadin u jeediyey ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ah, siday u caawiyeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii gobolka Banaadir. Weerarkan oo ismiidaamin ahaa ayaa waxaa sheegatay Al-Shabaab, waxaana ku dhintay ku dhawaad 10 Qof oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo agaasimeyaal heer gobol. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ka codsatay shacabka in ay laba jibaaraan la shaqeynta hay’addaha ammaanka. Cabdinaasir Saciid Muuse, wasiir ku xigeenka amniga ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka Al-Shabaab. Mr Muuse ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in weerarada kooxdaasi aysan u hakan doonin howlaha dib u dhiska dalka, sidda uu hadalka u dhigay. Arbacadii ayey ahayd markii weerar is-miidaamin oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu beegsaday xarunta gobolka Banaadir. Dhacdadaasi ayaa galaafatay nolosha todoba mas’uul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan tiradaasi oo uu ku jiro duqa caasimada, Cabdiraxmaan Eng Yariisow. View the full article
-
Wanlaweyn (SMN) – Howlgalo ay sameynayaan ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa ka socdo qaybo kamid ah degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose. Dhaqdhaqaaqan ayaa ka dambeeyay markii askari ka tirsan ciidanka Bangaraafta lagu dilay shalay gelinkii dambe magaaladaasi. Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dabley qaab beeleed u abaabulnaa, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday durbadiiba. Xoogaga dowladda ayaa isla shalay dhowr qof u soo xiray falkaasi, waxaana saaka la sheegayaa in ay wadaan howlgalka. Qof kamid ah dadka degaanka ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in howlgaladda ay sameeyeen isu socodka degmadda. Mudooyinkii dambe degmada Wanlaweyn waxaa kusoo badanayey dilalka ay maleyshiyaadka hab beeleed u geysanayaan ciidamada dowladda. View the full article