Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Shan injineer oo u dhashay Ruushka, oo ka mid ahayd khubarada nukliyeerka oo ku dhintay qarax ka dhashay matoorka madfac wayn ayaa lagu aasay Sarov oo ah magaalo u dhow Moscow. Waa meesha lagu sameyo qeybta sare ee madaafiicda nukliyeerka. Hay’adda qaran ee Ruushka u qaabilsan nukliyeerka, Rosatom, waxay sheegtay in khubarada ay tijaabinayeen matoor laga sameeyay nukliyeer. Balse ma aysan bixin faafaahin dheeraad oo la xiriirta dhanka farsamada. Ruushka wuxuu horey u tijaabiyay gujis ku shaqeeya tamarta nukliyeerka oo loo yaqaano “Burevestnik”. Laakiin saraakiisha Ruushka ma aysan cadeyn hannaanka dhabta ah ee qeybta ka ahaa tijaabadii musiibada isu badashay ee Khamiistii. Qaraxa waxaa ka dhashay shucaac halis ah oo hawada ku jiray muddo 30 daqiiqo ah kaas oo cabsi geliyay magaalada Severodvinsk, oo 40km u jirta heerka tijaabada la sameeyay, waxayna saaran tahay Badda Cad. Seddax injineero kale ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaana hadda lagu daweynayaa cisbitaal, sida ay sheegtay hay’adda Rosatom. Severodvinsk map Khubarada ku sugan Ruushka iyo dalalka Reer Galbeedka waxay sheegayaan in tijaabada ay noqon karto gantaalka M730 Burevestnik, oo ah mid ku duuli kara biyaha badda hoostooda. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa madfacaas kaga hadlay khudbaddiisii Baarlamaanka ee bishii March 2018. NATO waxay siisay magaca ah SSC-X-9 Skyfall. Mark Galeotti, oo ah falanqeeye iyo cilmi baare sare oo ka tirsnan machadka Royal United Services Institute (Rusi), wuxuu sheegay in fidinta nukliyeerka ay keeneyso caqabad weyn oo dhanka farsamada ah. “Waxaa jiro xawaare iyo xajmi is ka soo horjeeda, iyo halista gantaal leh shucaac xawaare sare ku socda oo daalikara meel kaste ee uu gaaro,” ayuu u shegay BBC. “Hannaankan cusub wuxuu asal ahaan ka yimid xilligii midowgii Soviet. Birihii daxaleystay ayaa la soo qaatay dib ayaana loo maalgeliyay.” Mareykanka, kana baxay heshiiskii Nuclear-ka Ruushka oo tijaabiyay gantaal xambaari kara Nuyuukleer Calooshood u shaqeystayaal Ruushka u dhashay miyaa ka howlgala Afrika Sida uu sheegay Putin gantaalka meesha uu gaarayo “ma xadidna”. Balse qaraxa wuxuu noqon karaa hub kale oo awood u leh qaadidda madaxyada nukliyeerka Madfac rido dheer oo maraakiibta lagu rido oo loogu yeero Zircon – Wuxuu siddeed jibbaar xawaarihiisu ka dheereeyaa guuxa, sida militariga Ruushka laga soo xigtay. Diyaarad duuliya la’aan ah oo meeelo fog oo biyaha badda hoostooda ah gaari karta oo lagu magacaabay Poseidon Maxaa laga ogyahay qaraxa? Shanta injineer ee dhimatay waa khubaro “hoggaan ah” iyo “geesiyaal” kuwaas oo ka warhayay halista. Waxay horey u sameeyeen tijaabooyiin “si xad dhaaf halis u ahaa”, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Rosatom oo lagu magacaabo Valentin Kostyukov. Wuxuu madax ka yahay xarunta nukliyeerka ee Sarov – meel sir aheyd xilligii dagaalkii qaboobaa halkaas oo laga maamulayay hubka ka sameysan hydrogen ee Ruushka. Markii hore, wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in qaraxa uu ka dhashay matoorka madfaca oo dareere ku shaqeeya, tirada dhimashadana waxay ku sheegeen laba qof. Ka dib, Rosatom ayaa sheegtay in tijaabadu ay ahayd “isha ganidda shucaacyo isu dhigma” oo laga fuliyay meel gudaha badda ah. Injineeradu way dhammeeyeen tijaabada, balse si lama filaan ah ayuu dab uga kacay matoorka wuuna qarxay, waxayna ragga ku dheceen badda, sida saraakiisha Rosatom ay sheegeen. Image copyright REUTERS Nyonoksa test site hoarding, Oct 2018 Image caption Tijaabada Nyonoksa waxay soo billaabatay xilligii Soviet-ka Waxaa jiro warar la isla dhexmarayo oo la xiriira in markab la geeyay goobta si uu uga hortago shucaac kastoo ka dhasha haraaga, haddii fashil uu dhaco, waxaana hadda muuqato in ay suuragal tahay in howshaas uun uu qabtay. Balse waxaa dhici karta in meesha ay xireen ay ula jeedeen ka hortagga sun kastoo soo baxsata ee biyaha gasha, halkaas oo dadka deegaanka ay ka kalluumeystaan. Gantaallada lagu xoojiyay nukliyeerka ma isbedel cusub baa? Mark Galeotti oo ka tirsan machadka Rusi ayaa yiri: “Waxaa jiro shaki badan oo ah haddii Burevestnik uu mar uun arki doono iftiinka maalinta”. Wuxuu qiray in gantaal kale oo Ruushka muhiim u ah, Bulava, “uu soo maray tijaabo sanado badan ah oo fashilantay”. Madaafiicda Zircon iyo Poseidon waa mashaariic aad u horumarsan. Gantaalka Poseidon ee biyaha hoostooda ku duula waa tusaale weli. Balse Poseidon, si la mid ah Burevestnik, wuxuu u muuqdaa in uu yahay “burburiye wayn”, Mr Galeotti ayaa sidaa sheegay. Waa arrin aan macquul ahayn, wax kastoo yar oo la xiriira dagaalka nukliyeerka. Image copyright AFP Sarov nuclear museum, 1997 archive pic Image caption Madxafka Sarov (Sawirka 1997) Wargeyska dowladda Ruushka Rossiiskaya Gazeta ayaa bishii la soo dhaafay qoray warbixin uu madfaca ugu tilmaamay “hubka aargudashada”. Taasi waa oraahda ay Nazi-ga ugu yeeri jireen hubkii ay UK ku garaaceen Dagaalkii Labaad ee Dunida. Wargeyska waxaa lagu qoray: “Burevestnik wuxuu awoodaa duullimaad dheer, wuxuuna ka baxsan karaa qalabka difaaca hawada. Waxaa lagu garaaci karaa horumar kastoo muhiim ah, ka dib gantaalkii Ruushka ee caagga ahaa ee qaaradaha isaga gudba ee horey u gaaray dhulka cadowga.” Bbcsomali Qaran News
  2. Somali journalists on Wednesday mourned the death of a fellow media practitioner who was killed during a fierce fighting between Somalia National Army (SNA) and al-Shabab militants in the country’s southern region. Source: Hiiraan Online
  3. SOMALILAND IYO WADAMADA MARIN BIYOODKA BADDA CAS OO LA SAADAALINAYO IN AY NOQDAAN MEELAHA IYO SAYLADAHA GANACSI EE UGU MUHIIMSAN ADUUNKA EE LA ISUGU IMANAYO BOQOLAALKA SANO EE SOO SOCDA !!! Waxa aduunka ka dhacda in dhawrkii boqol ee sanoba gobol la isugu tago oo tartanada dhaqaalaha, ganacsiga iyo awoodaha aduunku isugu yimaadaan halkaasi oo ah meel dihin oo ahmiyad u leh dalwalba isla markaana aanu ka qadin joogitaankeeda iyo wax ka qabsashadeeda , haddaba waxa hada la saadaaliyaa oo saan-saanteedii muuqataa in Gobolka Geeska Africa iyo Marin biyoodka bada cas oo waligoodba aduunka laga yaqaanay ahmiyadooda ay noqonayaan halka aduunku u soo guurayo boqolaalka sano ee soo socda. Gobolkan aynu ku noolahay gaar ahaan dhulka Somaliland waxa uu ahaa dhul aad ugu muhiima ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii aduunyada ee hore gaar ayaan Masar , Ethiopia , Geeska Africa , Jaziirada carabta, Bariga dhexe Beershiya iyo Hindiya oo sida buugta taariikhda ee kala duwani ay qoraan midiba magac gaar ah ayuu u yaqaanay dhulkan iyo dadkii ku noolaa waxaana ka mid ahaa magacyadaa sida; Kush , Bunt , Aroma , dhulkii ilaahyada , sidaasi oo kale carabtu waxa ay u taqaanay Barajam , Bar-as-Somal iyo magacyo kale. Magaalooyinka Zeylac , Bulaxaar, BerBera , xiis , Maydh iyo Laasqoray waxa ay ahaayeen magaalooyin ahaa saylado wax lagu kala badasho oo wadamada kale ee aduunyaduna keenaan waxa ay sameeyaan ee dadka Africa u baahnaayeen sida Hu’ga iyo Cunooyinka iyaguna ay geeyaan xoolaha iyo waxii ka soo baxa sida subaga , hargaha , saamaha iwm , waxa kale oo dhulkan hodan ku ahaa xiliyada taariikhaha boqortooyooyinkana muhiim u ahaa fooxa, maydiga, xabagta iyo guud ahaan beeyada , waxa sadexaad oo soo raaci jiray baal goray , fool maroodi , beedka gorayada , harimacad iwm. In uu dhulkani muhiim ahaa waligiiba waxa kuu cadaynaysa 2800 Bc Nebi ciise hortii iyo taariikho ka sii horeeyey ayaa lagu soo bandhigaa buugta taariikhda iyo madxafyada taariikhaha ugu waaweyn ee dalka masar sida luxor , sida uu Alle ha u naxariisto e Cali Jamac Qalinle ku qoray Buugiisa taariikhda umadda soomaaliyeed oo uu ka soo xigtay buug badan oo ay qoreen sahamiyayaal iyo qoraayo aduunyada ee wax ka qoray dhulkan iyo dadkiisa, kuwaasi oo u badnaa Giriig , Ingiriis , iyo Carab . Haddaba marka aad eegto ahmiyada marin biyoodka badda cas aduunka u leeyahay iyo tartanada ganacsi ee u dhexeeya Shiinaha ( China ) iyo Maraykan ( USA ) iyo waliba tartanada is xulafaysiyada awoodeed ee aad moodo in aduunku soo miisaanmayo oo wadamada bariga aduunku horumar badan sameeyeen oo dhinacwalba ah , marka lagu daro danaynta dhulka Somaliland ee wadamada carbeed ee Saudi Arabia iyo imaaraatka , Turkiga , Russia , maraykan , Masar , Israel, UK iyo Iran . Marka la eego maalgashiga Dekedaha Gobolkan ku yaalla ee lagu tartamayo iyo Free zone ka ama dhulka alaabada la dhigto oo suuq ah laga hirgalinayo Djibouti oo China ka wado iyo Somaliland oo Dp world laga yaabo in ay ka samayso freezone nasiya Dubai oo alaabta la dhigo isla markaana noqda mid alaabta dalka Ethiopia iyo Africa u gudbaysaa ama ay rabaan laga heli karo oo ah suuq dhow oo cidwaliba alaabteeda keensan doonto iyo waliba Deked isku xidha marinka Badda cas marka la eego meesha haboon ee ay ku taallo. Marka lagu daro sida dunidu u danaynayso marinkan ee hadda la leeyahay waxa loo sameeynaya ciidamo la yidhaahdo Badda Cas , iyo tirada saldhigyada ciidamada aduunka ee ku soo badanaya gobolka oo ay dalka Djibouti dhawr saldhig ciidan ku yaalaan , Somaliland na uu ku yaallo saldhiga ciidamada UAE iyo wadamo kale oo badan oo danaynaya in ay saldhigyo iyo ka helaan dekado ay dhistaan oo ay ka mid yihiin , UK , USA , RUSSIA , CHINA , TURKEY , MASAR , IRAN , ETHIOPIA , ISRAEL iyo waliba qaar kale oo badan oo EUROPEAN iyo ASIAN ah , ayaa waxa ay ku siinaysaa ama ku tusaysaa in uu gobolkani yahay halka dunidu u soo guurayso boqolaalka sano ee socda ee ugu muhiimsan aduunka . Waxa haddaba isweydiin leh dadka iyo dawlada Somaliland ma ku baraarugsan yihiin waxa ka socda gobolka ay ku nool yihiin iyo sida dhulkoogu muhiim ugu yahay dalkasta oo aduunka ah , marka lagu daro waliba in ay tahay Somaliland wadamada khayraadkeega oo dhami u yaallo oo aan waxba laga isticmaalin hadii ay shidaal tahay, macdan, khayraadka badda iyo khayraadka barriga, sida xoolaha nool, kalluunka, beeraha, beeyada macdanaha kala duwan , saliidaha kala duwan , dhirta laga sameeyo dawooyinka, dhirta laga sameeyo waxa la isku qurxiyo, xoogaga tamarta ee dhuxul dhagaxda, cadceeda iyo dabaysha , dhirta laga sameeyo cadarada iyo waxyaabaha uduga ah oo dhan , goobaha taariikhaha iyo dalxiiska iwm . Waxa aynu u baahanahay in aynu u diyaar garowno oo gaawaha u culano sidii aynu ugu maali lahayn tartanada kala faaiideysi iyo maalgashi oo gobolka iyo wadamada marin biyoodka badda cas ka socda , waxa aynu u baahanahay in dalkeena oo ah ka ugu muhiimsan waxyaabaha dunidu danaynayso oo dhan in uu gadhwadeen isagu ka noqdo hadii gobolku wax qaybsanayo ama wax samaysanayo ee aanay ina dilaalin ama wakiil inaga noqon dawlado aan ahmiyada Somaliland leedahay iyo mid u dhow toona lahayni . Waxa aynu u baahanahay in aynu sharciyadii aynu aduunka wax kula qaybsan lahayn , kuwii la inagu maalgashan lahaa iyo kuwii aynu dadyowga kale kula macaamili lahayn diyaarsano oo waliba ka fiican kana furfuran oo ka fudud wadamada tartanka inagula jira si dalka Somaliland u noqdo ka ugu wanaagsan ee aduunka oo dhami danaynayo ee la isugu imanayo , Isla markaana noqonaya saylada isku xidhaysa Africa, Jaziirada Carabta , dawladaha bariga ee wax soo saarka warshadaha hada hogaanka u haya sida China, Japan, Hindiya iyo dunida kale ee reer galbeedka ee danaynaysa Suuqa Africa. Mohamed Abdi Jama ( Muhamed Dhimbiil ) hormood@hotmail.com @dhimbiil Image Qaran News
  4. Sawirka Xaramka ee ka hadalka badan keenay Afar ba waxtar weyn ayuu u leeyahay iyo Heykalka Qaynuunka amma Dastuurka oo dhowrsanan heli doonna la siiyo si buuxda. 1) Halka waxa daawadeedii la helay Xisbiga Wadani canbaartii iyo eededii la la dabbo socday. 2) Golaha Wakiilada oo Bu-saaradii abid ugu xumayd ay ku habsatay halka iyagga waxa ugu jirta dheri-weyn hilbo ah. 3) Saleeban Maxamuud Aadan Madaxtinamdii cadhadda badan u qabay iyadda oo soconaysa ayey albabkiisa Golaha isa soo hortaagtay. … Marka Wadani waxa uu leeyahay Ummaday annaga iyo kulmiye kee yaa Soomaliya la showra oo la shaaha Soomaliya ? … Golaha Wakiiladu waxa la gudboon denbi ku oogis Madaxweyne Muuse Bixii iyo inta kala socotay ee sawirka kula jiratay halkaan dacwada budhigeedu waxuu yahay Adhax -jabin Qaranka oo Madaxweynuhu si badheeh ah ugu kacay. Waanna halka quruska qaniiyada iyo cantuugaduba ku jirto ee Golaha. … . Saleeban Maxamuud Aadan isaggan Maanta ayaa Madaxtinimo Madaxweyne you dhow dahay waa inuu is garab taaga Dacwada halkaan Madaxweynaha loo diyaariya siddii Maxkamada loo horgeyn lahaa isaggunna uu noqon laha Madaxweynaha ku meel gaadhka ee ilaa doorashadda Madaxweyne 2022 la gaadhaayo. …. 4) Ka afraad waxa halka heykal iyo karaamo ilaalsan ugu soo hoyeynaysa Qaynuunka amma dastuurka dalka Jamhuuriyada Somaliland waxana mabnuuc noqonaysa in qof si yar oo fudud ugu kaco wax kast heykal iyo jiritaanka qaranka wax u dhimaaya sidda sawiraka Madaxweynuhu sidda aan fejignaanta lahayn ula galay wasiiro- soomaliya ah oo ay Xaramka isku arkeen amma ay ka soo wada qayb galeen qoloba dhinaceed. …. Siddo kale waxyaabo badan oo hore loogu dhiiraday ayaa albaabkoodu soo xidhmaya sidda waxa looga danbeyn doona Dastuurka amma Qaynuunka guud ee dalka iyo sidda u dhidban yahay. kuwo kale oo u baahna ka run-sheegid waxa ay noqonayaan kuwo la dhugto oo la dheysto lana tixgelyo sidda ugu haboon ee ugu hagaagsan sidda qadiyada saamiga iyo kuwa kale fara iyo tirad badan ee ku xeeran oo kow ay ka noqonayso in Jamhuuriyad Somaliland hal-reer oo kali ahi noqdo ka ah jaan-gooyaha siyaasad iyo ka talinteeda oo saxideed iyo wax ka qabashadeed u tahay daawad ugu wanaagsan ee Jamhuuriyad Somaliland ku heli karto xaquuqo aad u tirad iyo tayada badan ee ka maqan gaar ahan xagga aduunka marka laga hadlaayo . … . Marka sidda wax u dhacan sheekooyinkii waxyaabo badan ayaa is bedelaya ,tusaale ahaan Waa inaad la jaan-qaada isla markaan la tallabsataa Jamhuuriyada Somaliland ee qaynuunkeedu yahay lamma taabtaan la tijaabiyey isla markaan u hogaansanata. …. Waxba lagga yaabba in yidadiilo cusub iyo xoog badan yimaado kaas oo kaa imanya Ummada markaan caqabado badan oo Dalka ka jira la helo daawadooda sidda Arimaha Ceel-afweyn iyo kuwa kale mid ka xagga Cadalaad iyo Garsoorka isaggan la sii daayo dhamaanba Dadka cidh xidhan ee lagu xidhay waxa aan aad u sii weyn siddo kale kuwa kale oo farro-badanna dignin iyo cashar lama ilaawan ah inanay ku fududadan qadiyad iyo karaamka Ummad jamhuuriyad Somaliland balse ay ilaaliyan qaderin iyo xumo weyn ay siiyaan waxii maanta ka danbeeya . … . Xagga Caalam iyo Geeska, waxay tusi karta in qadiyad iyo hadafka Jamhuuriyad Somaliland ummadeed yahay mid ah lama taabtaan cid kast hore si wax isu moodsisay ay wax hada ka danbeeya noqdaan kuwo ixtiraam iyo maamus weyn u haya qadiyada iyo Ummad gaar u leh ba . .. Aragtida Muwaadinka. Abokor I Mohamud. Qaran News
  5. At least six Somali government soldiers and a cameraman were killed and 13 others were injured Wednesday when al-Shabab militants attacked a military base near the capital, officials say. Source: Hiiraan Online
  6. Kismaayo (Caasimada Online) – Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo ka koobnaa lix sarkaal ayaa maanta tagay magaalada Kismaayo, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweyne Axmed Madoobe iyo madaxda kale ee maamulka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Wafdigan oo horey usoo maray magaalada Muqdisho, ayaa maamulka Jubaland kala hadlay xiriirka xumaaday ee dowladda iyo doorashada madaxweynaha ee dhowaan ka dhaceysa Kismaayo. Sida aan xogta ku helnay, wafdiga ayaa madaxweyne Axmed Madoobe hor-dhigay oo laba qodob oo kala ah: 1 – In mas’uuliyiinta DF oo horey looga mamnuucay Kismaayo loo ogolaado inay yimaadaan, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya ku lug yeelato hanaanka doorashada Jubaland. 2 – In dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Jubaland si musharaxiinta mucaaradka ah loo siiyo waqti dheeri ah oo ay isku diiwaan geliyaan, kadib markii uu dhammaaday waqtigii horey loo qabtay, ayaga oo diiday inay is-diiwaan geliyaan. Ilo-wareedyo ka tirsan maamulka Jubaland, ayaa Caasimada Online u sheegay in wafdiga Itoobiya loo sheegay in labada qodobba ay yihiin kuwa ka baxsan gacanta madaxweynaha, oo uusan wax ka qaban karin Waxaa lagu war-geliyey in go’aanka ka dhanka ah dowladda lagu qaatay kulankii golaha wasiirada, sidaas darteedna aysan ahayn arrin uu wax ka beddeli karo madaxweynaha, halka go’aanka la xiriira waqtiga doorashada loo sheegay inuu yahay mid u yaalla guddiga doorashada, oo haddii ay doonayaan ay kala hadli karaan. Wafdiga Itoobiya ayaa isla galabtaba isaga tagay Kismaayo, kuna laabtay Addis-Ababa, waxaana la sheegay inay ahaayeen isku daygii ugu dambeeyey ee dowladda federaalka ay ku hor-istaagi lahayd doorashada Jubaland, taasi oo hadda u muuqata inaysan shaqeyn. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  7. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan hay’ado caalami ah oo dalalkooda u qaabilsan inaysan shaqaysan dhalinyarada qaaradda Africa. Arrintaan ayuu u sababeeyey in looga golleeyahay inaysan dhalinyarada Africa isla markaana la siiyo wax uun dhaqaale si badeecada dalalka ay shirkadahaasi ka soo jeedaan loogu suuq geeyo dalalka kuyaal qaaradda Africa. MUUQAAL PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Puntland,”Hay’adaa waxay u dhisan yihiin dhalinyarada Africa inay baabi’iyaan” appeared first on Puntland Post.
  8. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug. Diktreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo loo cuskaday Tala-soojeedinta guddiga sare ee Garsoorka dowladda Puntland ayaa lagu magacaabay mas’uuliyiinta laamaha Garsoorka iyo Maxkamadaha gobolka Mudug. Madaxweynaha ayaa Maxamed Cismaan Aadan u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug halka uu Cabdinaasir Maxamed Cali u magacaabay guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug. Sidoo kale madaxweynaha ayaa magacaabay laba Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Cabdifitaax Maxamed Maxamuud iyo Cabdicasiis Maxamed Faarax. Waxaa kale oo uu magacaabay laba garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Derejada kowaad ee gobolka Mudug kuwaasi oo kala ah Maxamed Maxamuud Jaamac iyo Ciise Cabdi Daahir halka uu Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug u magacaabay Cabdisalaan Muuse Cali. Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Laamaha Garsoorka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  9. Shacabka kunool magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen doorashada madaxtinimada Jubbaland iyo arrimaha siyaasadeed ee ka taagan magaalada Kismaayo. Inta badan shacabkii la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan xildhibaanadii ay ku dhawaaqeen guddiga xuduudaha iyo doorasshooyinka Jubbaland ee shalay lagu dhawaaqay. Shacabka ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka, siyaasiyiinta iyo madaxda Jubbaland inay ilaashadaan nabadda iyo midnimada isla markaana ay iska ilaaliyaan in laga dhex faa’iidaysto. MAQAL CODADKA PUNTLANDPOST The post Shacabka Garoowe oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  10. Awdheegle (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maanta waxay khasaare xoog leh kala kulmeen weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugan degmada Awdheegleee gobalka shabeelada hoose. Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya ayaa noo sheegay in Al-Shabaab tirada badan ee dhimashada ah ay keentay kadib markii ay isku dayeen in ay qaataan 3 sarkaal oo dhaawacyo culus uu ka soo gaaray dagaalka. Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalka ugu culus uu ka dhacay halkii ay ku sugnaayeen 3-da qof ee Shabaab ka dhaawacmay, kuwaas oo loo arko in ay yihiin xubno sare balse waxaa la sheegay in markii dambe Al-Shabaab ay toogteen markii ay qaadi waayeen dhaawacyada xubnahaasi. Awdheegle maanta waxaa ka dhacay dagaal lagu riiqmay oo qaatay saacado badan iyo qaraxyo gaaraya ilaa 3 qarax oo ismiidaamin ah, kuwaas oo la sheegay in meel banaanka ka ah xarunta ciidamada lagu qarxiyay. Al-Shabaab ayaa juhdi iyo xoogba isugu geeyay sidii ay u qabsan lahaayeen Awdheegle balse waxaa la sheegayaa in milateriga Soomaaliya ay halkaasi ka sameesteen difaacyo adag oo aan laga dhaqaajin karin. Dagaalkii ka dhacay Awdheegle ayaa waxaa ku jiray ciidamada 14-ka october oo dhawaan lagu wareejiyay Awdheegle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole iyagoo hore u heestay degmada marka ee gobalka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. August 2019 – The government of Ethiopia and the African Development Bank Group have signed a $98 million grant agreement from the African Development Fund (ADF) to help finance phase one of the Ethiopia–Djibouti Road Transport Corridor Project. The agreement was signed by Ahmed Shide, the Minister of Finance, on behalf of the government of Ethiopia, and Abdul Kamara, the African Development Bank Group’s country manager in Ethiopia. The total cost of the project is $255 million, comprising an ADF grant of $98 million to the government of Ethiopia, an ADF grant of $5.3 million to the government of Djibouti and a co-financing contribution of $151 million by the government of Ethiopia. The project will kick off in 2020 and be implemented over a five-year period. The ADF grant to land-locked Ethiopia’s road transport sector is part of the Bank’s efforts to boost regional integration and connectivity, especially access to seaports. The project consists of the construction of the first 60 km of a 4-lane expressway section of the new 126 km stretch from Adama to Awash and includes the design of a one-stop border post at Dewele. The project will enhance trade by significantly reducing transport costs, thereby accelerating the economic growth of Ethiopia and its neighbour Djibouti, as it is part of the main import-export corridor. The expressway is expected to improve access to markets for farmers and rural communities. Other beneficiaries include some 3,000 truck-drivers who work the 900 km between Djibouti and Addis Ababa, and youths, who will receive over 95% of the job opportunities during the construction phase. The Bank’s portfolio in Ethiopia comprises 24 operations worth about $1.7 billion, largely in transport, energy, water and sanitation infrastructure, governance and accountability, private sector, and agriculture and food security. About 32% of the Bank’s operations are in road projects, amounting to $515 million, including four on-going projects covering about 610 km in different parts of the country Qaran News
  12. Xubnaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ku jira diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ka mira dhalinta gogosha nabadeed ee laga fidiyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta waxaa booqasho ugu yimid wasiirka arrimaha gudaha XFS, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxa xukuumadda Galmudug, Sh. Maxamed Shaakir. Kulanka oo ka dhacay xarunta ay guddigu ku shaqeeyaan ayaa looga haday soo dhaweynta ergada, amniga magaalada iyo furitaanka shir-weymaha. Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxamaan Cabdullaahi Baadiyow oo kulanka ka war bixiyay ayaa sheegay in Sheekh Maxamed Shaakir uu u caddeeyay guddiga in guud ahaan bulshada Dhuusamareeb ay u diyaar garowday soo dhaweynta, la diyaariyay deegaanka ergada, amniga magaaladana aad loo adkeeyay. Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa shaaciyay in beelahada badankood ay soo gudbiyeen ergada uga qayb geleysa shirka, waxa uuna beelaha kale ka codsaday in ay soo gudbiyaan liiska ergada, maadaama shirku uu furmayo August 17, 2019. Guddoomiye Baadiyow ayaa Sheekh Shaakir iyo dhammaan reer Dhuusamareeb uga mahad celiyay sida ballaaran ee ay isaga xil saareen qorshaha diyaar garowga shirka, waxa uuna reer Galmudug guud ahaan ugu hambalyeeyay heerka wanaagsan ee lasoo gaarsiiyay dadaallada loogu jiro dib-u-heshiisiinta bulshada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray laguna soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada oo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa la sheegay inay halkaasi u tageen sida ay gooboog ka noqdaan doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland iyo tan Madaxweynaha. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa saddex qodob inay ku weyn tahay ku sheegay socdaalka ay ku tageen taas oo la xiriirta doorashada Jubbaland, waxaana ay kala yihiin. In hey’adaha Dastuuriga ah ee dawlad federaalku gaar ahaan hey’adda sharcidejintu oo aan ka tirsanahay ay goobjoog ka ahaadaan doorashada hey’adaha dastuuriga ah ee Jubaland. U kuurgalidda habsami u socodka hanaanka iyo Geedi-socodka doorashada Jubaland ka dhacaysa maalmaha nagu soo fool leh. In aan dhiiragalinno nabadda iyo xasiloonida Jubaland In la ilaaliyo. Doorashada Madaxtinimo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan ka duwan doorashooyinkii hore,waxaana Madaxweynaha Jubbaland uu markaan dareemayaa loolan adag wallow wax walba isbeddeli karaan.
  14. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa waxay maanta soo gasten Kismaayo si ay uga qayb Galaan goobjoognimada Doorashada Jubbaland. Axmed Calin Fiji ayaa wuxuu sheegay [...] Source
  15. MOGADISHU (Reuters) - Militant Islamist group al Shabaab struck a Somali government military base on Wednesday with car bombs and gunfire in a battle that both sides said caused multiple deaths to the other. Source: Hiiraan Online
  16. MOGADISHU (Reuters) – Militant Islamist group al Shabaab struck a Somali government military base on Wednesday with car bombs and gunfire in a battle that both sides said caused multiple deaths to the other. Witnesses said some local residents were also killed by stray crossfire during the mid-morning attack on the base in Awdheegle, 70 km (43 miles) southwest of the capital Mogadishu. Al Shabaab is fighting the weak, U.N.-backed Somali government and its international allies in a quest to impose its strict interpretation of Islamic law. The Horn of Africa nation has been riven by civil war since 1992, when clan-based warlords overthrew a dictator, then turned on each other. General Yusuf Rage Odowa, commander of operations in Somalia’s army, said troops had repelled the jihadists in Awdheegle. “The forces knew the cunning of the militants and so they foiled the attack,” he said, adding that various of the attackers’ corpses lay at the scene while others were captured. Captain Hussein Ali, a military officer from a nearby town, said soldiers behind sandbags had successfully stopped the car bombs from reaching the base, in an agricultural district along the Shabelle River, by firing to detonate them. “There are casualties from al Shabaab and government forces, but we have no exact figure,” he said. JOURNALIST KILLED The al Qaeda-linked group said it had killed 50 soldiers and only suffered two losses of militants who drove the car bombs. Army vehicles were burned, it also said. Al Shabaab and government officials routinely give different versions and casualty figures for attacks. Among those killed was a journalist working with the army’s radio station, the Federation of Somali Journalists said. The attack came after Somali government forces had last week captured most parts of Awdheegle district. “We heard two huge blasts and gunfire from the direction of the Somali military base. I saw several soldiers running away from the base to escape but we cannot know how many were killed,” elder Aden Abdullahi told Reuters from the scene. Shopkeeper and mother-of-four Halima Farah told Reuters that government troops were in control of the town after the attack. “We have now come out of the houses,” Farah said by phone. “We believe both the militants and government suffered great losses of lives today but we cannot see their casualties. Stray bullets killed people in their houses,” she added, saying a relative of hers died after being hit in the head. Al Shabaab was forced out of Mogadishu in 2011 and has since lost most of its other strongholds. But its fighters frequently carry out attacks in Somalia and neighboring Kenya, whose troops form part of an African peacekeeping force. Reporting by Abdi Sheikh and Feisal Omar; Writing by George Obulutsa; Editing by Andrew Cawthorne REUTERS
  17. Katibo Abdikadir Sheik Ali runs a thriving business transporting mangoes, pawpaw, and watermelons from southern Somalia’s Lower Shabelle region to sell in the capital Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dammaanad qaaday in aan la joojin doonin mushaaraadkii ay qaadan jireen dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay aqalka dowladda Hoose, si loogu daryeelo agoontii ay ka tageen. Sii-hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye ku xigeen maamulka Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) oo kulankaan garab istaagga ah u sameeyey agoontii ay ka tageen dadkii ku shahiiday Qaraxii argagixiso ee 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir, ujeedada kulanka ayaa aheyd in lagu muujiyo sida maamulka Gobolka ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada iyo dareelka agoontaas. Sii hayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xog wareysi uu ugu kuurgalayey xaaladda agoonta mid mid ula yeeshay carruurta kulanka loo sameeyey, mudane Ibraahim Dheere ayaa mar kale uga tacsiyaddeeyey agoonta in waalidiintooda ay ku dhinteen iyagoo u adeegaya ummaddooda, taasna ay sharaf iyo cisi u tahay iyaga iyo caa’illadooduba. Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa sheegay in inta uu joogo xafiiska uu dadaal xooggan ku bixin doona joogteynta daryeelka Agoonta, isla markaana ay si wadi doonaan bixinta mushaaraadkii ay qadan jireen waalidiinta Agoontan. Tallaabadan ayaa ah mid ugub ah, tan oo masuuliyad gaar ah saareysa dhammaan masuuliyiin kala duwan ee dowladda gaar ahaan maamulka gobolka Banaadir. Agoonta kulanka ka soo qeyb-gashay ayaa soo dhoweeyey tallaabadan kuna tilmaamay mid muujineysa beni’aadannimo danqasho, loona baahan yahay in cid walba oo masuul ah ay sidaas oo kale u qaaddo tallaabooyin lagu daryeelayo ubadkii ay ka tageen dadkii mudada dheer u adeegayey shacabka caasimadda.
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magacaabay saddex agaasime-waaxeed oo ka tirsan wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Beexaani Axmed Barre ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Daryeelka Bulshada (IDP’s& Refugee) ee wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Sidoo kale, Hodan Siciid Xassan ayaa madaxweynuhu u magacaabay agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta ee wasaaradda, halka uu Cabdulqaadir Cabdimaalik Maxamuud u magacaabay agaasimaha Waaxda Nabadeynta iyo Dib u-heshiisiinta wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyaynta Puntland. Hoos ka akhriso dikreetada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay agaasime-waaxeedyo cusub appeared first on Puntland Post.
  20. Alla naxariistii Jano haka waraabiyee waxaa maanta Magaalada Aarhus Dalka Denmark ku geeriyooday Marxuum Cabdullaahi Sheikhdoon Guuleed Cade (Cabdullaahi Gaalkacyo).Waxaa Ehelka lagu wargalinayaa Geerida Marxuumka. [...] Source
  21. Xubno ka tirsan Alshabaab ayaa barqadii maanta waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Owdhiigle ee gobalka Shabeelllaha Hoose. Weerarka oo ku bilaawday Qarax gaari oo ay fuliyeen naftood hurayaal ayaa waxaa xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda ee ku sugnaa goobta iyo qolyihii weerarka soo qaad. Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isgu jira dhaawac iyo dhimasho, in kastoo aan la helin tirade saxda ah ee wax ku noqotay Qaraxa iyo weerarka maanta ka dhacay degmada Owdheegle. Sidoo kale taliyaha ciidanka luqta general Yuusuf Raage Odawaa oo lahadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in degmada Owdheegle yaallaan hadda meydadka raggii weerarka soo qaaday kuwaas oo aan xisaab laheyn waa sida uu hadalka u dhigay. Dhaka kale Alshabaab ayaa sheegtay weererka ka dhacay Owdheegle, war qoraal ah ay ku soo dhigeen barahooda ayeey ku sheegay in laba Qarax ay ku weerareen goobta khasaare badan ay ku gaarsiiyeen ciidamadii ku sugnaa saldhigga uu weerarku ka dhacay. Goobjoog News Source: goobjoog.com