-
Content Count
213,491 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Soomaaliya James Swan iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay tegaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG dowlad goboleedka Jubaland. Wefdiga Beesha Caalamka ee uu hoggaaminayo Mr Swan ayaa sida la sheegayo magaalada Kismaayo kula kulmi doona Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaan oo mar kale u tartamaya doorashada madaxtinimada Jubaland iyo sidoo guddiga doorashooyinka iyo musharaxiinta mucaaradka ah. Xubnaha ka socda Beesha Caalamka ayaa doonaya in ay dadaal ku bixiyaan xallinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada madaxtinimada si doorashadu ugu dhacdo jawi nabdoon oo lagu wada qanacsanyahay. Dadaalladan ay Beesha caalamku bilowday ayaa ku soo beegmay xilli musharrixiinta aan is diiwaan gelin iyo guddi ay magacowdeen ay maalmo ka hor ku dhawaaqeen liis xildhibaaanno kale kadib markii ay diideen xildhibaaannada uu shaaciyay guddiga doorashooyinka Jubaland. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobay iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wufuud caalami ah oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro xubnahan ayaa ka socoto Kismaayo, iyadoo si aad ah loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Ujeedada socdaalka wafdigan ayaa la xariirta arrimaha doorashooyinka maamulka Jubbaland. James Swan iyo xubnaha la socda ayaa marka ay tagaan Kismaayo la kumi doono madaxweynaha Jubbaland, guddiga doorashooyinka iyo musharraxiinta mucaaradka ee maamulkaasi. Kulamadan ayaa intooda badan diirada lagu saari doonaa xalinta tabashooyinka ka jira doorashada Jubbaland oo haatan watigeeda laga soo hormariyey, iyadoona ay dhici doonto 19-ka bishan August oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee soo socota. Waa markii labaad ee uu ergeyga QM tegayo Kismaayo, tan markii la soo magacaabay, isagoona horay kormeer ugu tagay magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Burcad Madow Koonfur Afrikaan ah ayaa lagu soo waramayaa in ay boob xooggan kula dhaqaaqeen dukaamo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed. Boobkan ayaa ka dhacay deegaanka Soweto ee magaalada Johannesburg , waxaana la boobay dhowr dukaan, sidey inoo sheegeen ganacsato ku sugan halkaasi. Boobkan ayaa yimid kadib markii ganacsade Soomaaliyeed ay isku dhaceen shaqsi la sheegay inuu wax ka iibsanayey, taasina ay keentay iney ka caroodaan dadka deegaanka, sidaasina lagu boobo ku dhowaad Boqol Dukaan. Dukaamada la boobay waxaa ku jira kuwo ay leeyihiin ganacsato Itoobiyaan ah, waxaana jira dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ganacsatadaasi. Soomaalida ganacsiga ku haysta dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan dhibaato kala kulma dadka madowga ah ee u dhashay dalkaasi, waxaana mararka qaar ay la kulmaan weeraro sabab dhimasho iyo dhaawac. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar xalay kooxda la magac baxday Macaawisley ay ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Luuq Jeelow gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinaca, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Maxamed Cali Istakiin oo ah sarkaal ka tirsan kooxda Macaawisley ayaa sheegay in dagaalkaasi looga dilay hal ruux, mid kalena looga dhaawacay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab weerarkan iyo dagaalka xigay ay uga dileen illaa 7 xubnood, sida uu hadalka u dhigay. Istakiin oo hadalkiisa sii wata ayaa sababta ay u qaadeen weerarkaasi ku sheegay in ay la xariirto cabasho ka timid dadka deegaanka. Macaawisley ayaa ah koox la dagaalanta Al-Shabaab, waxaana ay ka howlgasha gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle, iyadoona taageedo dhinaca hubka ah ka hesho dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Washington (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeri ah ayaa ka soo baxaya toogasho iyo weerar toos ah oo dabley hubeysan shalay, illaa xalay ay ka fulisay magaalada Philadelphia ee dalka Mareykanka. Weerarka oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa xigay iska hor imaad dhexmaray dableydaasi iyo ciidamada Booliska dalkaasi. Ugu yaraan illaa 6 askari ayaa ku dhaawacmay weerarkan, sida ay baahisay warbaahinta gudaha dalka Mareykanka. Sidoo kale Booliska ayaa si nabadgalyo ah dad shacab ah uga soo badbaadiyey meesha uu weerarku ka dhacay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta la weeraray ay tahay meel mashquul badan, islamarkaana ay ku badan yihiin Arday. Sanadkan 2019 ayaa waxaa la sheegay in dalka Mareykanka ay ka dhaceen ku dhowaad 5o weerar oo ay ku dhinteen dad u badan rayid aan waxba galabsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Washington caasimada@live.com
-
Xukuumadihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland ayaa ku guul daraystay in xal-waara laga gaaro dagaal beeleedyada soo laalaabtay ee gobolka Sanaag gaar ahaan Ceel-afweyn iyo Darar-weyne oo hoosyimaada magaalada Ceerigaabo. Xiisadda beelaha walaalaha ah ee deegaamadaasi wada dega ayaa ah mid hadda taagan kadib markii malayshiyaad hubaysan ay dad biri mageyda ah ku laayeen gudaha magaalada Ceel-afweyn. Saleebaan Cali Koore wasiirka tamarta iyo biyaha Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda hadda jirta ay ku fashilantay xallinta dagaalka Ceel-afweyn, isagoona guddoomiye Cirro ka codsaday inay wax ka qabato arrintaasi. Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo walaac ka muujiyey xaalaadda deegaanka Ceel-afweyn ayaa sheegay in xiisadaha deegaamadaasi ay noqdeen boog kutaal Somaliland una baahan wadajir iyo niyad sami in wax looga qabto. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Xukuumadda Muuse Biixi oo ku fashilantay xallinta dagaalada Ceel-afweyn codsina u dirsatay guddoomiye Cirro. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay inay ugu yaraan 50 ka irsan ciidamada xoogga dalka Somalia ku dishay weerarro is-daba-joog ahaa oo ay ku qaadeen shalay saldhig ay ciidamada DF ku lahaayeen Aw-dheegle oo 70-km u jirta Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Warbixin uu daabacay wargeyska Arab News ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay weerarkaas ku naf-waayeen dad shacab ah, waxaana weerarka uu soday muddo dhawr saacadood ah, inkastoo DF ay iyaduna dhankeeda dagaalkan ka sheegatay guulo. “Qaraxyo waaweyn ayaan maqalnay, waxay ahaayeen laba qarax, waxaana xigtay dagaal saacado socday, waxaana arkay dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta. Xaliimo Faarax oo dukaan ku leh deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u sheegtay iyaduna warbaahinta in ciidamada DF ay gacanta ku hayeen Aw-dheegle, isla markaana weerarka dhacay uu sababay khasaare xoog leh oo soo gaartay labada dhinac. Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ay ku dileen 50-askari oo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, iyaguna ay ku waayeen labadii ruux ee waday labadii gaari ee saldhigga lagu qarxiyay, balse wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in khasaare badan uu gaaray Al-shabaab. Dhaka kale, Taliyaha hawl-gelinta ciidamada xoogga Somalia, Jen. Yuusuf Raage Odawaa oo isaguna warbaahinta Dowladda la hadlay ayaa sheegay in weerarradii Al-shabaab ay iska difaaceen, ayna ka dleen malleeshiyo aad u badan, dhankoodana ay waayeen tiro ciidammo ah. “Qaraxyada kaddib waxay isku dayeen inay saldhigga galaan, laakiinse jab ayaan u geysannay, welina waan ku daba-jirnaa. Ciidamada ay sheegeen inay dileenna waxba kama jiraan,” ayuu yiri Jen. Yuusuf Odawaa. Waxaa kaloo isagana warbaahinta la hadlay Cap. Xuseen Cali oo isagana ka tirsan ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa sheegay inay jiraan khasaare aan kala yareyn soo kala gaaray labada ciidan, balse ma bixin faahfaahinno inaas ka badan. Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay wariye ka tirsaaa Raadiye ay leeyihiin ciidamada xogga dalka, kaasoo halkaas u joogay inuu soo tabiyo warbixinno la xiriira hawl-gallo ay ciidamada Somalia kula wareegeen dhawr deegaan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. PUNTLAND POST The post Maxay Al-shabaab ka tiri Weerarkii ay shalay ku qaadeen Saldhigga CXDS ee Aw-dheegle? appeared first on Puntland Post.
-
The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) today called for safety and improvements in working conditions as a top priority for Somali journalists who are traveling with armed forces after confirmation that a journalist was among the victims of the terrorist bombings at government military base in Somalia's Lower Shabelle region. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (PP) ─ Musharrax ka tirsan kuwa u tartamaya xilka madaxnimo ee Jubbaland ayaa xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia ku eedeeyay inay fara-gelin ku hayaan maamulka Jubbaland, isagoo codsaday in xildhibaannadaas ay dib ugu laabtaan Muqdisho. C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in Jubbaland aysan u baahnayn xilligan fara-gelin, balse loo baahan yahay in gacan lagu siiyo sidii ay marxaladda ay ku sugan tahay uga gudbi lahayd, isagoo sheegay in ciddii aan Jubbaland wax ku kordhinayn ay dhibkeeda ka dayso. Sidoo kale, Musharraxa ayaa sheegay in xildhibaannada ka tirsan DF ay ku fashilmeen shaqooyinkii loo igmaday, isla markaana ay doonayaan inay DF kala dagaalamaan Kismaayo, isagoo xusay inaysan aqbalayn arrintaas. “Dowladda Federalka ah in Kismaayo lagala dagaallamo ka aqbalayno, mana yeelayno. Senator-rada ka yimid Xamar, waxaan ugu baaqayaa inay dib ugu laabtaan shaqooyinkooda oo aysan sii hurin xaaladda ka taagan Jubbaland,” ayuu hadalkiisa ku daray musharrax C/naasir Seeraar. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa shalay gaaray senator-ro ka tirsan kuwa DF, kuwaasoo kuwaasoo intooda badan ka mid ah xildhibaannada kasoo horjeeda hoggaanka sare ee Dowladda Somalia, waxayna ka tirsan yihiin xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ka jira. “Senator-rada ku sugan Kismaayo waxaa ka mid ah Cumar C/rashiid Cali iyo C/raxmaan Faroole, waxaana uu ugu baaqay inay fara-gelinta ka joojiyaan dowlad-goboleedka Jubbaland, loona madax-banneeyo inay aayaheeda ka tashato,” ayuu hadalkiisa ku daray musharrax C/naasir Seeraar. Dhinaca kale, Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in inta badan deegaannada Jubbaland ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, wuxuuna Ciidamada Jubbaland ka dalbaday inay amniga adkeeyaan, aysanna ku mashquulin xaaladaha ka taagan Kismaayo. Ugu dambeyn, Musharraxa madxweynaha Jubbaland, C/naasir Seeraar Maax ayaa horay u ahaa la taliyaha madaxweynaha Jubbaland, inkastoo uu khilaaf soo dhex-galay, wuxuuna xildhibaannada aqalka sare ee DFS ka tirsan ugu baaqay inay horumarka iyo difaaca dalka gacan-siiyaan oo aysan qayb ka noqon xmurannada jira. Iyadoo aysan jirin wax jawaab ah oo ay hadalkaan ka bixiyeen xildhibaannada aqalka sare ee gaaray Kismaayo. PUNTLAND POST The post Musharax ka mid ah kuwa Jubbaland oo baaq u jeediyay Xildhibaanno ku sugan Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Kulamo xasaasi ah oo saacadihii ugu dambeeyey ay Kismaayo ku lahaayeen saraakiil ka socda dalka Itoobiya iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu soo waramayaa inay is afgaran waa ku soo dhammaadeen. Inkastoo aan warbaahinta loo ogolaan inay goob joog ka noqdaan shirka haddana xog hoose ayaa sheegaysa in diiradda lagu saarayey sidii xal looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee Jubbaalnd. Saraakiishan oo ka socdey sirdoonka Itoobiya ayaa madaxweynaha Jubbaland iyo wasiiro weheliyey waxa ay hordhigeen in markale dib loo furo waqtiga isdiiwangelinta musharixiinta isla markaana fursad la siiyo musharixiinta mucaaradka iyo in la qaado xayiraadii xukuumadda Soomaaliya laga saaray Kismaayo. Maddaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay waftigaan uu la kulmay in arrinta isdiiwaangelinta musharixiintu ay u taal guddiga doorashooyinka haseyeeshee arrinta xayiraaddu ay tahay go’aan xukuumaddiisa lagu celin karo. PUNTLANDPOST The post Kulamo ka socdey magaalada Kismaayo oo natiijo la’aan ku dhammaaday. appeared first on Puntland Post.
-
Film claims group plotted to infect black Africans with HIV
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A plot by white mercenaries to spread HIV through black South Africa via a phony vaccination program: it sounds like the stuff of pulp spy novels, but documentary-maker Mads Brugger is clear that this is one sensational conspiracy that actually happened. Source: Hiiraan Online -
Ethiopia eyes co-op with Alibaba to promote digital economy
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Ethiopian Ministry of Innovation and Technology on Wednesday announced cooperation with Chinese e-commerce giant Alibaba Group on building its digital economy sector. Source: Hiiraan Online -
Canada is failing Abdilahi Elmi, a Somali former child-refugee who is facing deportation to Somalia on Wednesday. Elmi’s case, in fact, is one that demonstrates how Black people — especially those without citizenship — continue to be subjected to multiple forms of state neglect. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa weydiistay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping in uu la qaato kulan ay kaga wada hadlayaan xasaradda siyaasadeed ee ka taagan Hong Kong. Mr Trump ayaa Qoraal uu barta Twitter-ka soo geliyay , waxaa uu sheegay in uu ku kalsoon yahay madaxweyne Shiinaga marka laga hadlayo xal u helidda qalalaasaha ka aloosan Hong Kong, kaddib markii ay mudaharaadyo waaweyn ay halkaas ka dhigeen shacabka reer Hong Kong ee dimuqraadiyadda u ololeynaya. “Waxaan rumeysanahay in madaxweyne Xi uu xaaladda si deg deg ah u xallin doono iyadoo la ilaalinayo xuquuqda adaanaha” ayuu yiri madaxweyne Donald Trump isagoo xusay Mr in Xi Jinping uu yahay hoggaamiye wanaagsan oo ay si weyn dadkiisa u qaddariyaan. Hadalka Madaxweyne Trump ayaa ku soo beegmaya, asbuucyo kaddib markii dibadbaxyo rabshado watay ay ka dhaceen Hong Kong,kuwaasi oo horseeday in la hakiyo duulimaadyadii caalamiga ah ee garoonka diyaaradaha Hong Kong. PUNTLAND POST The post Trump oo weydiistay madaxweynaha Shiinaha in uu kulan la yeesho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa aad magaalada Muqdisho ugu soo dhoweysay xarunta ay canshuurta uga qaaddo ganacsatada dekedda magaalada Muqdisho, sida ay ogaatay Caasimada Online. Ganacsatadan oo markii horre loogu yeeri jiray lacagtana looga qaadi jiray deegaanka Mubarak ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa hadda lacagta looga qaadaa deegaanka Ceelsha Biyaha oo aad ugu dhow Muqdisho. Ilaa iyo hadda ma cadda sababta Al-Shabaab u bedeshay xaruntii canshuur qaadista, hase yeeshee waxaa loo badinayaa inay ugu wacan tahay ciidamada dowladda oo qabsaday deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Awdheegle, sidaas darteedna ay soo gashay cabsi ah in dowladda kusoo socoto Mubaarak. Tobaneeyo ka mid ah ganacstada dekedda Muqdisho ayaa talaadadii la isugu geeyey quracyo ku yaalla banaanka Ceelasha Biyaha, halkaas oo lacagta looga qaaday, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah gacanstada halkaas tagtay ee lacagta bixiyey, balse codsaday inaan magacyadooda la shaacin. Dowladda Soomnaaliya ayaa u muuqatay inay arrintan ka war-haysay, waxaana dhammaan dadweynaya baabuurta looga dejinayey laguna baarayey Siinka Dheer, ayaga oo la weydiinayey inay wadaan lacag dollar ah iyo in kale iyo inay u socdaan inay canshuur soo bixinayaan iyo in kale. Si kastaba, inta badan dadka ayaa la iska sii daynayey ayada oo ay adkeyd in lagu caddeeyo inay u socdaan canshuur bixin, islamarkaana ganacsatada badankood ay lacagaha ku bixinayeen siyaabo kale, sida taleefon lagu tuuro ama account bank ay toos ugu shubayeen. Qaar ka mid ah ganacstada ayaa sidoo kale halkaas u tagayey kaliya inay soo qaataan go’aanka inta ay la egtahay lacagta laga rabo kadibna dib ka bixinayaan. Ganacstada ayaa waxaa laga qaadayey lacag kala ah 100 iyo 160 dollar halkii konteenar ee dekedda uga soo dega. Konteenarada yaryar ayaa waxaa laga qaadayey 100 dollar midkiiba, halka kuwa waa weyn lagu soo rogay 160 dollar. Ganacstada ayaa sidoo kale lagu qasbay inay bixiyaan dhammana canshuurta konteenaradii usoo degay afartii bil ee lasoo dhaafay oo kasoo billaabata bishii April. Ma cadda sababta, Al-Shabaab u qaadatay go’aanka ah in la bixiyo canshuurta afarta bil. Ganacstada ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay u muuqatay inay haysay xogta dhammaan tirada konteenar ee usoo degay, sidaas darteedna ay badankood ka cabsadeen inay been sheegaan. “Mar ayaan isku dayey inaan iraahdo waxaa isoo degay kaliya 4 konteenaro aniga oo is-leh hal meesha ka saar, balse qofkii canshuurta qaadayey ayaa igu yiri, waxaa lagu laabanaa diiwaanka, haddaa been sheegto iska jir” ayuu yiri ganacsade la hadlay Caasimada Online. Ilaa iyo hadda ma cadda sida Shabaab ku hesho alaabta kasoo degto dekedda Muqdisho. Inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in xogta ay bixiyaan shaqaalaha dekedda qaarkood, haddana ganacstada qaar ayaa rumeysan in xogta ay bixiyaan ganacsatada waa weyn ee iska leh ama ay u kireysan yihiin maraakiibta soo qaada konteenarada. Ganacsatada ayaa lasoo siinayey receipt ama warqad caddeyn u ah inay bixiyeen canshuurta. Waxaana kadib loo sheegayey in haddii ay ka baqayaan dowladda warqadda iska tuuraan oo ay ka qortaa kaliya lambarka, si marka la weydiiyo inay lacagta bixiyeen iyo in kale ay caddeyn ugu noqoto. Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadihii dhowaa aad sare ugu qaadday dakhliga kasoo gala magaalada Muqdisho, waxaana adkaan doonta in laga adkaado inta ay sidan lacag ugu soo galeyso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay in wadada horumarta madaxtooyada Soomaaliya lagu soo maro aqoonsiyada wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan shaqsiyaadka wata gaadiidka nuucyadiisa kale duwan. Mas’uuliyiin ka tirsan shaqaalaha dowladda oo wata gaadiidka raaxada ayaa Caasimada Online u sheegay in laga soo billaabo dorraad ilaa maanta la diiday in wadadaasi ay hormaraan gaadiidka shaqaalaha dowladda. Dhammaan wadadan hormarta madaxtooyada Soomaaliya lagama mamnuucin gaadiidka balse waxa kaliya laga diiday in ay ka soo galaan kontaroolka Godka Jilacow lamana oga sababta arintaan keentay. Lama filayo in go’aankaan uu ka soo baxay ciidamada Koofiya Casta ee madaxtooyada balse waxaa la aaminsan yahay in uu yahay amar kale oo ka yimid hey’adaha ammaanka Soomaaliya islamarkaana ay qaadan doonto dhowr maalmood. Warar kale ayaa sheegayaa in ay jirto digniin dhanka ammaanka ah oo ay soo saareen saraakiisha amaanka Soomaaliya, taas oo sheegeysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen in ay weerar ku qaadaan xarunta Godka Jilacow ama kontaroolka laga galo Godka Jilacow ee taalada Daljirka Daahsoon. Shaqaalaha wasaaradaha dalka ee gaadiidka wata ayaa maanta iyo shalay ka soo wareeganayay dhanka Ceel-Gaabta waxaana dhacda in waqtiyada qaar halkaasi loo diido. Al-Shabaab ayaa hore weerar qarax ismiidaamin ah loo adeegsaday waxay ugu qaadeen kontaroolka Godka Jilacow iyagoo halkaasi ku dilay dad badan oo shacab ah, waxaana dadkaasi ku jiray Faadumo Cali Raage oo ka tirsaneyd saraakiisha milateriga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wallow aysan lahayn awood baahsan sidda Al-Shabaab, haddana Daacishta Soomaaliya, waa khatar muuqata oo ka jirta qayb kamid ah Soomaaliya, taasi oo fulisa weeraro wejiyo kala duwan leh. Maleyshiyaadkan oo 2015-kii uu aas-aasay Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa ku dhuumaaleysata buuraleyda gobolka Bari, halkaasoo ay ku haysato tirro dagaalameyaal ah. Xubnaha ka barbar-dagaalama kooxdan oo ay ku jiraan ajaaniib ayaa ka kala yimaada gobolada Soomaaliya, iyaga oo xeelado kala duwan lagu geeyo Boosaaso, halkaasoo ay uga sii gudbaan saldhigyadooda. Sanadihii u dambeeyay falaagadan waxay waday dedaalo uu isugu baahinayso goboladda kale ee dalka, balse dhabar-jebin uga timid ciidamada Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa dib u riixday isku daygaasi oo gaabis noqday. Laamaha amniga Puntland iyo federaalka ayaa magaalooyinka Muqdisho iyo Boosaaso ku qabqabtay xubno dedaaladaasi waday, halka ay Al-Shabaab dishay dagaalameyaal damac-sanaa in ay baahiyaan ururkooda. Aadan Maxamed Cali, waa mid kamid ah xubnaha qaybta ka ah ISIL-Soomaaliya, kuwaasi soo galay gacanta hay’addaha nabad-gelyadda, isla markaana kasoo howlgalay magaalooyin kala duwan. Aadan oo magaciisa afgarashadda uu yahay Saciid iyo Jaabir horeyna xubin uga ahaa Al-Shabaab ayaa kasoo jeeda HirShabelle, wuxuuna ku dhashay tuuladda Baarey Galbeed, duleedka Beledwayne ee gobolka Hiiraan. Jaabir oo beeraley ahaa kadibna noqday dadka ka shaqeysta iibinta qoryaha dabka lagu shido ayaa AlShabaab kaga biiray halka uu ku dhashay kahor inta aanan loo wareejin degaano kala duwan. Wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha dowladda Soomaaliya ayuu ku sheegay in nin lagu magacaabo Cabdiwali Muuse Barre uu ka dhaadhiciyey in kooxda argagixisadda ah uu kamid noqdo kahor inta aan loo geyn ruux kale, Shiikhey. Isaga iyo tobanaan kale oo dagaalameyaal cusub ah ayaa la geeyay xarun lagu magacaabo Imaamu Shaafici, halkaasi oo tababar ay kusoo qaateen muddo laba bilood ah, sidda ay xusayaan warbixinada dhinaca ammaanka. Shiikhey ayaa kolkii dambe u dhintay dhiig-kar. Halka ruux kale oo lagu magacaabo Muuse Biyow oo isana kamid ahaa isku daba rideyaasha xeradaasi isana lasoo wariyey in uu ku geeriyoodey Guriceel. Kadib markii uu tababarka u soo dhamaadey, waxaa xeradda ugu yimid horjoogyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo kala ah; Fu’aad Shongole iyo Cali Dheere, afhayeenka, kuwaasi oo abaalmarinayo gudoon-siiyey. “Qofkii waxaa la siiyey min 20-dollar,” ayuu Saciid ku yiri wareysiga, isaga oo intaasi raaciyey in isaga uu go’aan saday in uu noqdo guutada wacyi gelinta dadweynaha ee Xisbida kana howlgasha gudaha Beledwayne. Kadib markii uu xarunta gobolka Hiiraan uu muddo ka howlgalayey, waxaa marar kala duwan loo wareejiyay Buula Burdey, Xarar dheere, Buula Fuulay iyo degaano kale, illaa iyo uu go’aan saday in uu isaga baxo kooxdaasi. Sababta bixitaankiisa Dhagar-qabahan ayaa guutada uu ka tirsanaa waxaa madax u ahaa nin lagu magacaabo Cabdullaahi Yarre, kaasoo kolkii dambe lagu khaarijiyey duqeyn ka dhacday gobolka Gedo, koonfurta Soomaaliya. “Kadib muddo, waxaan codsaday in la ii gudbiyo codsi guur, waana la ii gudbiyey,” ayuu raaciyey, balse lacagtii uu ku aqal-geli lahaa oo uu musuq-maasuq Cabdullaahi ayaa ku dhalisay in uu qaato go’aanka bixitaanka. Codsiga guurka ayaa waxaa loo gudbiyey shaqsi kale oo magaciisa lagu soo koobay Ugaas, kaasi oo ka sareeyay Cabdullaahi, isla markaana u sheegay Aadan in lacagta uu mar horey u soo diray. “Markan intaasi ogaadey ayaa waxaan qaatay fasax bil ah. Aniga oo ku darsaday 20 maalmood oo kale ayaa waxaan aaday Boosaaso, halkaasi oo aan ka shaqeysanayay kana ahaa fuundi,” ayuu xusay. Qaabka uu Daacish uga mid noqday Ruux kale, Dalmar, oo ay horey isaga tirsanaayeen Al-Shabaab ayay maalin isku arkeen goob uu ka shaqeynayey. Kadib telefoon iska qorasho, waxaa habeenkii soo wacay laba kale oo lagu magacaabo Muuse iyo Dalxa. Dalxa, oo ahaa amiirka, wuxuu u sheegay in ay doonayaan la shaqeyntiisa, isla markaana ay ku bilaabayaan howlo fudud oo ay kamid tahay u soo iibinta khudaarta, maadaama uu ganacsade dhankaasi horey u ahaa. “Nin kale oo reer Puntland ah, oo la yiraahdo Bishaar, ayaa adeega iga qaadi jiray,” ayuu daba dhigay, isaga oo carabka ku adkeynaya. Kadib muddo uu qaybtaasi ka shaqeynayey, waxaa uu helay wicitaan kale, isaga oo loogu yeeray goob uusan magaceeda shaacin, halkaasi oo uu ku qaatay tababar socday muddo laba bilood ah oo ku aadan ganidda bastooladaha. Intii ay tababarka ku jireen marbaa la isku dayey in la khaarijiyo markii uu su’aal ka keenay joogitaankooda goobtaasi, sidda ay aaminsan yihiin laamaha sirdoonka. Markii uu tababarka u soo idlaaday isaga iyo xubno kale oo ay ku jiraa; Cabdimaalik, Gar-wayne, Cismaan iyo Axmed ayaa maalintii qalin-jabinta waxaa u yimid Cabdiqaadir Muumin. “Isaga oo madoobaadey oo rafaadsan wuxuu nagu yiri ‘hala dulqaato rag kale baa hortiina halkaan joogay’ waxaa la socday nin kale oo la yiraahdo Af-yare oo u qaabilsan sameynta qaraxyadda,” ayuu Aadan shaaciyey. Dilalka uu Aadan qayb ka ahaa Kooxaha argagixisadda ayaa ka mideysan in marka daleydooda ay fulinayaan falalka khaarijinta ah in midka dilaaga ah ay wehliyaan rag kale, kuwaasi oo ka difaacaya hadii uu la kulmo iska cabin balaaran. Khaarijintii ugu horeysay ee uu Saciid qayb ka ahaa ayna ka geysteen Boosaaso ayaa waxay ku beegsadeen Axmed Jaamac Barre, laba xidigle ka mid ahaa saraakiisha ciidamadda dowladda Puntland. Falkii labaad waxay ku dileen Ganacsade Cabdiraxmaan Aadan Barre ayaa laga soo wariyey xaafadda Natko gaar ahaan agagaarka huteel lagu magacaabo Naqiil oo ay degaaan dadka ka yimaada Koonfurta. Isaga oo sharaxaya qaabka dagaalameyaasha Daacish ku yimaadan degaanadda Puntland gaar ahaan Boosaaso ayaa wuxuu yiri: “Qof baa damiinaya oo oranaya ‘waa shaqaale aan dalbaday ama Adeer baan u ahay”. Dilalka Muqdisho Boosteejadda Ceelasha Biyaha ee Suuqa Bakaaraha ayuu qayb kaga ahaa dilkii ugu horeeyay ee ay caasimadda Soomaaliya ka fuliyaan shabakadiisa oo ay kamid yihiin; rag lagu magacaabo Ibraahim iyo Axmed. “Waxaan dilnay nin lagu magacaabo Bishaar oo noola sheegay in uu ka tirsanaa Al-Shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray. “Kadib markaan howsha fulinay, waxaa noola tuuray hal dollar, gurigeyga ayaan ku aaday”. Dilka labaad oo uu Aadan gacantiisa ku geystay ayaa waxaa isla gudaha Suuqa Bakaaraha uu ku naf-gooyay ruux kale oo la yiraahdo Axmed Shiikhaal, oo ahaa gudoomiye laameed kana ka tirsanaa saldhiga Baar Ubax Isla maalintaasi shabakadiisa waxay isla suuqa Bakaaraha ku dishay Cabdullaahi Dheere, oo isana ahaa sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya. Arrimaha naadirka ah Sheekooyinka aadka ugu cusub falalka argagixiso ee Soomaaliya ayna soo kordhisay Daacish ayaa waxaa qayb ka ah in ay muuqaalo ka duubto xubnaha ay dilayso, kadibna ay baahiso, taasi oo argagax abuurtay. “Waxay u adeegsadaan duubista muuqaaladda moobeelada waaweyn ama kaamirooyinka yar-yar, waxaana qaabilsanaa Cismaan,” ayuu daba dhigay. Aadan, oo isaga oo dhaawac ah lagu qabtay fal dil ah oo degmadda Yaqshid ugu geysteen askari, ayaa haatan ah suge dil toogasho, maadaama ay maxkamadda xukunkaasi garka u gelisay. Xigasho: Garowe Online
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo ku soo gaba-gaboobey kulanka wadatashiga ka faa’ideystayaasha mashruuca taakulaynta isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen), islamarkaana uuna soo xirey Gudoomaha baarlamaanka Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa ayaa waxaa ka soo qeybgaley Wasirka Wasaaradda WBI&T, Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan iyo Wasiir-dowlaha WBI&T, Mudane Xildh. Cabdullaahi Bile Nuur; Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee HirShabeelle, Mudane Xildh. Eng. Cabdiwali Sheekh Cali; Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Xildh. Mohamednuur Sheekh Cadde; Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta & Dalxiiska ee Puntland Mudane Cali Xassan Axmed ayaa waxaa looga hadlay waxyaabihii ka qabsoomey shirkii wadatashiga ahaa ee ka qabsoomay Magaaladda Muqdisho intii u dhaxaysay 16-18, Abriil 2019. Shirkan oo muddo seddex maalmood ah ka socday Magaalada Baydhabo oo ay ka soo qeybgaleen sidoo kale Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Boostada, Isgaarsiinta ee heer federaal iyo heer Dawlad-goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta, Bahda Waxbarashada sare, Jaamacadda Ummada iyo Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa waxa ay masuuliyiinta ka soo qeybgalay Shirka wada-tashiga isla meel-dhigeen qodobadan hoos ku xusan: Waxa ay uga mahadceliyeen Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee DFS kulankan wadatashiga ah iyo kii ka horeeyeyba waxa ayna soo jeediyeen in la joogteeyo kulamada nuucan oo kale ah. Waxa ay bogaadiyeen shaqooyinkii qabsoomey intii u dhaxeysay labada shir weyne taasi oo la fuliyey shaqooyinkii lagu balamay badankooda inta harsanna ay socoto shaqadoodu iyada oo ay ka wada shaqaynayaan WBIT heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta iyo Bankiga Aduunku. Waxa ay soo dhaweeyeen sida quruxda badan ee Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadd heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed uga wada shaqeeyeen ka howl gelidda iyo dardar gelinta Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta wejigiisa Labaad iyo kan Sadexaad ee la rajaynayo. Waxa la isla qaatay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo ka faa’ideysashada mashruuca Cusub ee Dadaalka Geeska Afrika, kaasi oo war bixin ku saabsan goobta uu MTI ku soo bandhigey. Dhamaan kasoo qeyb galayaashuna ay soo dhaweeyeen mashruucaa laguna balamay in dhamaan ka faa’ideystayaasha kala duwan ay si mug leh uga qeyb qaataan. Waxaa la’isku raacay in shirka kan xiga lagu qabto magaala madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabeella ee Jowhar. Waxaa Shirku uu u mahadceliyey Mashruuca taakuleynta Isgaarsiinta oo gacan ka geystay qabsoomida shirweynahan wada-tashiga ah iyo waxyaabihii tiradda badnaa ee ay u qabteen dalka guud ahaan. Ugu danbeyn waxaa loo mahad celiyey Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay u marti geliyeen shirkan. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Kuala Lumpur (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Malaysia ayaa maanta ka wada-hadlay waxa laga yeelayo degenaanshaha joogtada ah ee uu dalkaas ku leeyahay Sheekha u dhashay India ee Zakir Naik, ayada oo saddex wasiir ay dalbadeen in dalka laga cayriyo sababo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu jeediyey hadallo jinsiyeed xasaasi ah. Sheekh Zakir Naik, oo Malaysia ku noolaa saddexdii sano ee tagay, ayaa dalka India ku wajahaya dacwado la xiriira been xalalaeyn lacageed iyo inuu jeediyey hadallo naceyb ah. Waxa uu dhowaan jeediyey hadal aad looga dhalleeceeyey Malaysia, oo ah in dadka Hindus-ka ah ee ku nool dalkaas ku yaalla Koonfur Bari Asia ay “100 mar ka xuquuq badan yihiin” Muslimiinta laga tirada badan yahay ee India. Ka hadalka arrimaha jinsiga iyo diinta ayaa xasaasi ka ah Malaysia, oo ah dal Muslimiinta ay yihiin 60% ee 32-ka milyan ee ku nool. Inta soo hartay ayaa badankood ah Shiinees iyo Hindi badankood ah Hindus. Wasiirada Malaysia ayaa sheegay in hadalka Zakir laga yaabo in looga dan lahaa in xiisad looga dhex abuuro Muslimiinta iyo kuwa aan Muslimka ahayn ee Malaysia. Sheekh Zakir waa uu beeniyey eedeymahaas. “Waxaan caddeenay mowqifkeena, waana in tallaabo la qaadaa, oo Zakir Naik aan loo ogolaan inuu sii joogo Malaysia” Waxaa sidaas bayaan uu soo saaray ku yiri wasiirka is-gaarsiinta Malaysia Gobind Singh Deo. “Ra’iisul wasaaraha waa uu dhageystay walaaceena. Isaga ayey u taallaa inuu mowqif qaato oo sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaro waxa lagu xalin lahaa dhibaatadan” ayuu yiri. Wasiirka shaqada iyo shaqaaleynta M. Kulasegaran iyo wasiirka biyaha, macdanta iyo kheyraadka dabiiciga ah Xavier Jayakumar, ayaa iyagana ka dalbaday ra’iisul wasaare Mahathir Mohamad in la eryo Sheekh Zakir Naik. “Ammaantii aan dowladda Malaysia ugu jeediyey sida Islaamiga ah ee wanaagsan ee ay ula dhaqanto dadka Hindus-ka ee laga tirada badan yahay ayaa si kale loo beddelay ayada oo dan siyaasadeed laga leeyahay” ayuu Sheekh Zakir ku yiri bayaan uu soo saaray. Wakaaladda warraka Malaysia ee Bernama ayaa kasoo xigatay ra’iisul wasaare Mahathir inuu sheegay in Zakir aan dib loogu celin karin Malaysia sababo al xiriira amnigiisa. “Haddii dal kale uu doonayo inuu mart-geliyo, waan soo dhoweeneynaa” ayuu yiri Mahathir. VOA
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiiro ka tirsan Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta ka hadlay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonatay deegaanada Ceel-Afweyn. Wasiiradan ayaa si wada jira ilaahay uga baryay inuu Naxariistii jano siiyo intii ku dhimatay shaqaaqadaasi, intii dhaawacana uu siiyo caafimaad sariica. Wasiiradan oo kala ahaa Wasiirka Ciyaaraha iyo wasiirka golayaasha iyo dastuurka Somaliland, ayaa si wada jira waxay shacabka Ceel-Afweyn ugu baaqeen inay xukuumada ku garab siiyaan sidii xaalada deegaanadaasi loogu soo dabaali lahaa nabad waarta. Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed oo ugu horeyntii la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Dhacdadii foosha xumayd ee ku soo biiray dhacdooyinkii midba mid ka foosha xumayd ee aad moodayso in hadba ta ugu danbaysaa ay noqonayso tii ugu foosha xumayd ee ka dhacday Ceel-afweyn”. “Umadaas waxa alle iyo waxay ku dhimatay iyo wax lagu dilay midna lama garanaayo, waxa dhintay marka dhaawacyadii dhintay marka lagu daro 4 hablood iyo saddex nin. Qolo qurba joog ah oo dibada joogta inta badan muuqaalada Whatsapp-yada ayaad ka daawataan iyaga oo leh waa la dagaalamayaa waxbaa dhacaaya, mana wada xumo oo inta iimaanka lahayd waa inta dalkooda wax soo galinaysa iyaguna wax qabsanaaya”. “Ninbaan la hadlay oo waxa uu igu yidhi qoladayada Maraykanku kuma jirno dadka meeshaas ka hadlaaya waxaanu nahay shaqaale oo waanu xoogsanaa waxayaga meeshii sax ahaana waanu ku bixinaa waa nimanka caydha qaata ee Yurub u badan, dhalinayrada meelahaas jooga ee maqlaaya iyaga oo leh waxaabanu samaynaynaa waar qaar wax samayn karaba maaha oo iyagii ayaa khaati taagan ee dhibrashankii ayaa la galay waxaabanu dilaynaa, yaanay maskaxda idinka xadin.” Wuxuuna intaas kusii daray “Dawladu waxay soo saartay xukun deg deg ah xukunka deg dega ah intii ka hortagtay ha ogaadaan maanta waxii ay ka hortageen waxa uu ahaa meelintii ay ugu dhawayd ee talaabo la qaadayay ayay ahayd.” Dhinaca kalena, Wasiirka golayaasha iyo arimaha dastuurka Somaliland, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Dadkii ku geeriyooday ama ku dhaawacmay shilkii dhacay ee ugu danbeeyay ee Ceel-afweyn inta dhimatay in alle u naxariisto inta noolna in alle caafiyo, dhamaanba eheladii iyo shacbiga Somalilandba inuu alle samir iyo iimaan uu ka siiyo”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Amid the blessings of Eid, the emotional behavior of Yemen’s Southern Transitional Council (STC) almost resulted in a tragedy that would have lasted for years to come. The council came close to destroying recent achievements in the country and all but ruined its political project of independence from Sanaa in the future — a goal that cannot be achieved by defiance, fueling enmity and creating chaos. The battle on Eid’s eve erupted following two attacks on Thursday when an Al-Qaeda suicide car bombing on a police station killed 13 people and a Houthi strike using a ballistic missile or drone targeted a training center, killing 32, including the commander of the First Brigade, who is from the south. Aden was filled with funerals and calls for revenge, but the anger was directed at the Saudi-led coalition forces, which have chosen Aden as the provisional capital and the seat of the government. The STC, a political movement that was established during the Cold War and which later collapsed with the fall of the former USSR in 1990 and which hopes to establish an independent state in South Yemen, led the retaliation. South Yemen has the right to seek to establish an independent state, but the STC’s actions reinforce the Houthi coup and Iran’s infiltration, perpetuate the civil war, and threaten to open new war fronts in Yemen with the support of Qatar and Turkey. It is a dangerous development that also threatens the security of the regional countries, primarily Saudi Arabia. Perhaps the STC thought it could take advantage of the Saudi-led coalition’s weakness, embarrass the coalition’s member states, use the anger in Aden following the two horrific attacks as a pretext to seize control, and declare secession and the establishment of the new state, but possibly it failed to take into consideration the more complex and dangerous implications. The dream of secession exists around the world, but is rarely achieved. Close to Yemen and to the west of the Gulf of Aden, Somaliland’s experience offers a lesson for the STC. Somaliland is a province that declared itself an independent republic in 1991 following the collapse of Somalia. It established an integrated political system with a constitution, two Houses of Parliament, a currency, a flag and elections. Until today, Somaliland has remained a stable model “country,” but technically it is not recognized as a legitimate state. There is a fear that without a peaceful transition, political consensus and universal ratification, South Yemen will be divided into smaller states fighting each other. Abdulrahman Al-Rashed The history of Somaliland is similar to South Yemen. The Somaliland region was not part of Somalia at the beginning of the 20th century, and it voluntarily agreed to unity. When civil war erupted, the region separated, but the UN refused to recognize it, and it will have to return to Mogadishu’s rule unless it is legally and consensually separated. This is a living example for Yemeni separatists, and there are many others, most notably the Kurdistan region of Iraq. Kurds are a distinct ethnic group with their own language and, historically, their region was forcibly annexed to Baghdad during British rule. Despite all these considerations and five decades of demanding independence, the international community has thwarted their attempts at self-rule. The independence of Kurdistan requires the approval of Baghdad and the states of the region. In my opinion, South Yemen can achieve independence, but its approach was wrong in language and action. It needs to convince Sanaa after liberation and the return of political life. Without Sanaa’s approval, South Yemen cannot win the approval of the UN or the acceptance of regionally important states. “North” Yemen might accept a political formula suitable for both parties under objective circumstance. I do not wish to anger my brothers, the politicians of South Yemen, but I must remind them that the south has long suffered from conflict between those seeking power. The British had to name 12 sultans and princes to rule the south. And so did the Soviet Union with the support of the EU troika — it named three communists to rule Aden. At the time, President Ali Salem Al-Baid had to go to Sanaa and hand over the keys of his capital, Aden, not because he was in favor of Yemen’s unity, but because he wanted to prevent his rivals from seizing control in South Yemen. That is why, today, we fear that without a peaceful transition, political consensus and universal ratification, South Yemen will be divided into smaller states fighting each other. If this happens, evil states such as Iran will find new territory to infiltrate. In effect, the STC shot itself in the foot and hit its project in the heart, raising suspicions and wounding its regional relationship. No one applauded this move but the Houthis, Iran and Qatar. None of the STC’s excuses justifies the coup, or else it would have accepted the Houthi coup and struck a deal with the rebels and others who are seeking to rule Yemen. Abdulrahman Al-Rashed is a veteran columnist. He is the former general manager of Al Arabiya news channel and former editor-in-chief of Asharq Al-Awsat. Twitter: @aalrashed Qaran News
-
Popular Contributors
