Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,061
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasaarada Qorsheynta Soomaaliland ayaa diidan Mashruuc lagu dhisi lahaa Wadooyinka Berbera oo ay bixin lahaayeen Midowga Yurub. Mashruuca waxaa saxiixay Dowlada Federaalka Sooomaaliya, laakiin Soomaaliland [...] Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOH ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo sidoo kale la sheegay inay la socdeen illaa saddex nin oo hubeysan. Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada ammaanka ayaa ka shakiyey gaariga oo doonanyey inuu xoog ku soo dhaafo halkaasi, kadibna rasaas ay ku fureen ay dhalisay inuu qarxo. Wararka ayaa intaasi ku daraya in is rasaaseyn kooban ay dhexmartay ciidamada Booliska iyo raggii la socday gaarigaasi. Khasaaraha hor dhaca ah ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah raggaasi oo uu mid ka mid aha ahaa darawalkii gaariga, halka midka saddexaad uu baxsaday, laguna raad joogo. Waxa kale oo la xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku dhintay hal askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Sidoo kale waxaa jira khasare soo gaaray dad rayid ah iyo gawaarid iyo mootooyin nooca Bajaajka ah oo ku buburay qaraxaasi. Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale sheegtay masuuliyada qaraxaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha gudaha fereraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa ku dhowaaqay in shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu furmin doono Maalinta Arbacada ah oo ku beegan 4-ta Bishan Septembar. Mudane; Sabriye oo Dhuusamareeb kula hadlayay Ergada matalaysa degaannada Galmudug iyo guddiga qabanqaabada shirka ayaa intaa ku daray in ay idil yihiin xubnihii ka qeyb geli lahaa shirka, ayna filayaan in uu si habsami leh ugu billowdo uguna soo dhammaado. Dhanka kale, Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa lagu wadaa in gaaro Magaalo Dhuusamarteeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, si uu u furo shirka lagu wado in uu Saacadaha soo socda halkaasi ka furmo. View the full article
  4. Two Somali-owned websites posted reports on made-up meetings in Galka’yo and Bosaso. The first report appeared in Radio Shabelle website associated with a Mogadishu-based radio notorious for fanning intra-clan hostilities. It alleged that a meeting was held in Galka’yo attended by elders purportedly to denounce UAE for its involvement in Puntland. The meeting did not take place. The other website, Somali Affairs, associated with a Somali politician, Abdirahman Abdishaskur, posted a report on a meeting that never took place in Bosaso city to “call out” UAE and its role in Puntland economy. Abdishakur, to be fair to him, is on the record for describing Qatar as a country that funds rebels but never genuine state-building endeavours. How Somali Affairs plugged in a fake news People working on the orders of the Qatari government have appointed some Somali website owners to post fake news in order to turn away attention from the Gulf country accused of masterminding bombing campaigns in Bosaso, according to New York Times. Radio Shabelle reinvents itself via fake news The latest campaign to wage disinformation against Puntland State will hardly succeed. It exposed the gullibility of Somali websites and how easy it is to trace who pays them to spread disinformation and for what purpose. If an award for purveyors of fake news were ever created, Somali Affairs and Radio Shabelle websites would vie for the first place. They may even share the award given how shamefully they stooped so low as to spread lies about their fellow countrymen. Hersi D. Gamadid Bosaso, Puntland State The post Disinformation Against Puntland Will Not Succeed appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax daqiiqado ka hor ka dhacay nawaaxiga isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca raaxada ah. Gaariga ayaa la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada Booliska ee ku sugan halkaasi, kadibna uu qarxay. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan oo inta badan laga maqlay gudaha Caasimadda. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray halkaasi, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqa isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee duleedka magaalada Muqdisho. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article
  6. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay maanta gaaraan Dhuusa-mareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee dowlad-goboleedka Galmudug. Socdaalka Khayre ayaa lagu sheegay inuu yahay fulinta heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusunna oo looga maarmi waayay RW Kheyre, si loo dhameystiro heshiiskaas, kaasoo ay hawshiisa horay u sii wadeen xubno ka tirsan xukuumadda Somalia. Amniga guud ee Dhuusa-mareeb ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa DF oo isugu jira millateri iyo boolis iyo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo dhawaan la geeyay. Dhanka kale, Waxaa magaalada laga dareemayaa qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo wafdiga Khayre, waxaana wararku sheegayaa in ciidammada DF ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka dhex-maraya waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaas. Sidoo kale, Socdaalka Khayre ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Muqdisho uu shalay kulammo kula qaatay xubno ka tirsan mucaaradka xukuumadda uu hoggaaminayo, kuwaasoo kasoo jeeda deegaannada Galmudug. Kulankaas ayaa lagu sheegay in loo hadlay xoojinta amniga guud ee dalka iyo sidii gacan looga wada-geysan lahaa dhismaha Galmudug cusub oo u horseedda shacabka ku nool deegaannadaas nabad iyo xasillooni waarta. Xubnaha uu Khayre shalay la kulmay ayaa waxaa ka mid ah; Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa oo u sharraxan xilka madaxweynaha Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo si weyn u dhaliila DF iyo xubno kale oo muhiim ah. Ugu dambeyn, Ahlusunna iyo Dowladda Somalia ayaa waxay dhawaan heshis ku gaareen in la dhiso maamul Galmudug mideeya, iyadoo Dhuusa-mareeb uu dhawaan ka furmayo shir dib u heshiisiineeda oo xudun u noqon doona dhismaha Galmudug-ta cusub. PUNTLAND POST The post Wafdi uu hor-kacayo Khayre oo ku wajahan Xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
  7. 26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud, degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheekh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay. Isla xilligii uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen, waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka. Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan. 19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha idilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay diltoogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib. Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (PP) ─ Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor-dhaw ku qarxay isgoyska ex-koontrool Afgooye ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in gaariga uu qarxay markii ciidamada Dowladdu ay rasaaseeyeen. Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in gaarigan oo noociisu ahaa NOAH ay saarnaayeen dhawr qof, kuwaasoo markii ay marayeen koontarool ay ciidamada DF ku sugnaayeen ay bambooyin dhawr ah ku tureen, taasoo keenay in ciidamaduna ay gaariga rasaaseeyaan. Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dhammaan xubnihii gaariga saarnaa, inkastoo la maqlay markii uu qaraxu ka dhacay kaddib rasaas xoog badan oo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ay geysatay. Ciidammo fara badan oo kuwa dowladda ah ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loo maleynayaa in kooxaha gaarigan watay ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo sannado badan dagaal kula jirtay Dowladda Somalia ee uu caalamku taageero. Sidoo kale, Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku dhaw taliska ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana ku yaalla gudaha xaruntaas xabsi weyn oo dhawaan la hir-geliyay kaasoo ay ku xiran yihiin maxaabiis laga soo wareejiyay xabsiga dhexe ee Xamar. Dhanka kale, waxaa goobta ka socday dib u dhis lagu sameynayo waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, taasoo dhaqaalaha ku baxaya ay bixinayso dowladda Qatar ayna dhismaha fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana dhismahan uu qayb ka yahay mashaariic ay Qatar ugu deeqday Soomaaliya. Ugu dambeyn, Hay’adaha amniga DF ayaan weli ka hadlin qaraxan iyo cidda la doonayo in lagu weeraro, waxaana dhawaanahan hoos u dhac weyn uu ku yimid qaraxyadii is-daba-joogga ahaa ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax gaari oo ka dhacay Isgoys mashquul badan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. Qarax xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow isgoyska Ex-control Afgooye. Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka dhawaa halkaasi, waxaa qarxay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo noociisu ahaa NOAH, waxaana la tilmaamay in ciidanka ammaanka ay rasaas ku fureen gaarigan, kadib markii Bambooyin ay kasoo tuureen rag saarnaa oo rabay in ay awood ku dhaafaan bar Koontarool. Khasaaraha guud inta uu la egyahay weli lama shaacin, waxaana goobta ku sugan ciidamada ammaanka oo baaritaanno dheeraad ah wada. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimda Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen degmada Warsheekh ee gobolkaasi. Ciidamada AMISOM oo shantii sano ee ugu dambeysay ku sugnaa Warsheekh ayaa guud ahaan faarujiyey xarumihii ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. AMISOM ayaa amniga ku wareejisay ciidamada Booliska maamulka HirShabelle, kuwaas oo hadda kadib xaqiijin doona nabad gelyada. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugnaa halkaasi ay dageen xerada Qoroloow oo ku taalla duleedka magaaladaasi. Munaasabadda ay ciidamada Booliska HirShabelle kula wareegeen amniga ayaa waxaa ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Mayre, taliyaha Booliska maamulkaasi Xasan Dhicisow iyo sii haya guddoomiyaha Warsheekh Axmed Shiidka. Dhowaan ayey aheyd markii gole deegaan iyo maamul cusub oo doorasho ku yimid ay yeelatay degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa looga horyimid heshiiskii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub, kaasi oo ku saabsanaa mashruuc loogu magac daray Injineer Yariisow, laguna dhisayo waddooyin ku yaalla magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Waxaa lagu sheegay war-saxaafadeedkan in dowladda federaalka aanay wakiil uga ahayn taakuleynta caalamka, islamarkaana aanay maamulin meel ka mid ah Somaliland. Tallaabadan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid kahor imaanaya heshiisyadii DFS ee Jabuuti iyo Turkiga. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku ridday askari ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bishii July ee sannadkan magaalada Muqdisho ku dilay qof rayid ah. Askariga oo lagu magacaabo Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ayaa sida maxkamaddu sheegtay 26-July ee sannadkan waxa uu degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho ku dilay arday lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Maxamuud. Maxkamadda ayaa sheegtay in Xafiiska xeer-ilaalinta oo baaritaan ku hayay kiiska ay horkeeneen laba markhaati oo ku marag furay eedaysanaha iyo qorigii uu dilka ku geystay oo noociisu ahaa AK47 sidaasi darteedna uu ku caddaaday Kiiska. Markhaatiyaasha ayaa maxkamadda horteeda ka sheegay in askariga wakhtiga uu dilka geystay uu u muuqday mid soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya islamarkaana uu si bareer ah u dilay marxuumka dhintay. Balse Qareennada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda Derejada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/Sare Xassan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in dil toogasho ah lagu xukumay eedaysanaha balse uu haysto bil rafcaan ah. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay askari lagu helay in uu dilay arday appeared first on Puntland Post.
  13. Jowhar (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal ay si wadajir ah ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka HirShabelle ay xalay uga sameeyeen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey xaafadda Hantiwadaag ee degmadaasi. Saraakiisha hoggaamineyso howlgalkan ayaa sheegay in ujeedka uu ahaa beegsiga kooxaha falalka amni daro ka geysta halkaasi. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in howlgalkaasi lagu soo qab qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa magaalada Jowhar ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan oo qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab. View the full article
  14. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa axaddii xafiiskiisa kulan kula qaatay guddiga u xil saaran wajiga labaad ee dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida. Guddiga oo 9 maalin uun shaqeeyey ayaa la istaajiyey shaqadiisa, sababo aan ilaa hadda la shaacin. Lama oga in kulanka dhex maray guddiga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo guddigan looga hadlay in shaqada dib loo bilaabo iyo in kale. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga war bixiyay shaqooyinka ay soo qabteen intii ay ku jireen wajiga labaad dib-u-qaabeynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga faray in ay dardar-geliyaan howlaha ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran dib-u-qaabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed. Wejiga labaad dib-u-habeynta ciidamda ayaa ka kooban in ciidamada la diiwaan geliyay lagu hubiyo goobahii laga diiwaan geliyay, in la qiimeeyo baahiyaha ciidamada ee saanad iyo hub, in la qiimeeyo Dhismaha xeryaha ciidamada oo lagu saleynayo tirakoobkii la sameeyay, tayeyn ciidamda iyo qiimeynta dhanka tababarrada ay u baahan yihiin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Hargeysa (SMN) – Warsaxaafadeed ka soo baxay Somaliland, gaar ahaan wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta ee maamulkaasi ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya aysan saxiixi karin heshiis ku saabsan guud ahaan deegaanada Somaliland. Qoraalkan aya sidoo kale lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka si toos ah loogala xaajoodo Somaliland, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc loo soo mariyey meelo kale. Sidoo kale waxa ay Somaliland sheegtay in mashruucan oo loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow uusan ka fuli doonin Berbera, sida ay hadalka u dhigtay. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo 31-kii bishii hore ee August xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis la xariira dhismaha waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  16. Wararka ka imaanaya soohdinta u dhexaysa gobollada Shabeellooyinka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay Al-shabaab kala wareegeen degaanno halkaasi ku yaalla. Ciidamada ayaa hawlgallo ay sameeyeen waxay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Kaxarey iyo Busley oo ku yaalla soohdinta u dhexaysa labada gobol ee Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xoogga dalka. Sarkaal ka tirsan ciidamada halkaasi gaaray oo lagu magacaabo Col. Cali Cabdullaahi Caraaye ayaa warbaahinta dowladda Soomaaliya ka soo xigatay in ay la wareegeen tuulooyinka Kaxarey iyo Busley islamarkaana ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu baacsanayo Al-shabaab. Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadu ay gaadiid dagaal ka gubeen Al-shabaab. PUNTLAND POST The post ciidamada Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaanno horleh appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari NOHA ah oo la sheegay inay ka shakiyeen ciidamada ammanaka, kadibna ay ku fureen rasaas xoogan. Intaasi kadib ayaa waxaa mar qura qarxay gaariga, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta magaalada Muqdisho. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, waxaana goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana ay ciidamadu xireen dhaq dhaqaaqa qeybo ka mid ah waddada aada dhanka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hose. Wixii soo kordha kala soco caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Muqdisho (SMN) – 26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay. Isla xilligii uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen, waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka. Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan. 19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha I dilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib. View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-02092019.mp3 View the full article
  20. Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka horyimid heshiiskii 31-kii bishii hore dowladda federaalka Soomaaliya iyo Ururka Midowga Yurub ay ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray duqii hore ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho marxuum Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda qorsheynta iyo horumarinta Somaliland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan saxiixi karin heshiis ama mashruuc laga fulinayo deegaanadeeda. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in kaalmada beesha caalamka si toos ah iyaga loogala xaajoodo, islamarkaana aysan qaadan doonin mashruuc loo soo mariyey meelo kale. Waxa kale oo ay Somaliland ku goodisay in mashruuca Midowga Yurub uusan ka fuli doonin magaalada xeebta ku taalla ee Bebera. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo labo maaĺin ka hor xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis la xariira dhismaha waddooyinka iyo horumarinta magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Halkan hoose ka akhriso. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
  21. This Labor Day weekend, thousands of Muslim Americans descended on Houston, Texas, for the annual three-day Islamic Society of North America (ISNA) convention. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada Booliska Soomaliyeed oo dil u geystay allaha u naxariistee Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday wax ka baranayey magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. 26 july sanadkan ayuu dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane ku dilay Allaha Unaxariiiste Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud degmada Xamarjajab ee gobalka Banaadir. Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud oo ahaa arday dhiganayay School ayaa marayay meel aan ka fogeyn Ceelgaabta xilli fiid hore ah, waxaana dil u geystay Dable Boliis Baashi Mustaf Cumar Dhaqane oo ay sheegeen markaatiyaal la socday Marxuumka in uu soo isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya Askariga dilka geystay. Isla xilligii uu geystay dilka ayay Ciidamada amniga xireen, waxa uuna saldhiga Boliiska Xamarjajab ku wareejiyay xafiiska xeer ilaalinta oo ah goobta laga dhaqaajiyo gal dacwadeedka. Maalin kadib ayay Garsoorayaasha u direen xabsiga dhexe Eedeysanaha garsuge ahaan. 19 bishii tagtay ayay codsadeen xafiiska xeer ilaalinta in la muddeeyo dhageysiga dacwadda Baashi Mustaf Cumar Dhaqane, 26 bishii sideedaad ayay ballamisay maxkamadda darajada koowaad dhageysiga dacwad ka dhan Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Xafiiska Xeerilaalinta ayaa Maxkamadda horkeenay Laba markaati, baarihii kiiska, sawirka marxuumka, warqadda cadeynta dhimashada ee dhakhtarka iyo Qorigii uu dilka ku geystay oo nuuciisu ahaa AK47. Markaatiyaasha Maxkamadda hortaagnaa oo laba ahaa ayaa fadhiga Maxkamadda ka hor sheegay in askariga dilka geystay uu umuuqday mid isticmaalay wax yaabaha Maanka-dooriya, waxa uu sidoo kale midkood uu sheegay in Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud uu ku dhawaaqay ha I dilin, waxaa nolosha ka leeyahay hammi sare balse nasiib xumo uu toogtay Baashi Mustaf Cumar Dhaqane. Laba xidigle ismaaciil Salaad Maxamed oo ah ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku dooday in Eedeysanaha Maxkamadda hortaagan uu ku xadgudbay sharafka ciidanka iyo ilaalinta muwaadinka waxa uu ka codsaday maxkamadda in lagu xukumo diltoogasha ah. Qareenada u dooday Eedeysanaha ayaa maxkamadda weydiistay in loo naxariiisto maadaama uu ahaa qof aan miirkiisa joogin. Ugu dambeyn maanta ayay Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida kasoo saartay go’aan waxaana ay maxkamadda ku xukuntay dil toogasha ah oo ah qisaasta Marxuum Sheikh Nuur Maxamed Maxamuud, sida uu u sheegay warbaahinta Gashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda ayaa ka furan rafcaan muddo la siman bil xukunka kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. The fountain of youth doesn’t exist, but one simple change can help you look and feel better. A study published in Cell Stem Cell confirms that 24-hour fasting can regenerate the stem cells in your gut. Source: Hiiraan Online
  24. Lebanon’s prime minister on Sunday urged the United States and France to intervene after the Hezbollah terror group fired anti-tank missiles at Israeli territory, prompting retaliatory fire by the Israel Defense Forces. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ay yeesheen wadahadal dhinaca Telephone-ka, ayna kawada hadleen Xaaladda Maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa soo wacay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ugu yaraan laba jeer todobaadkaan, markii ay Golaha Wasiirada amarka ku soo rogeen Socdaalka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay. Labada dhinac ayaa ka wadahadlay Xaaladda Jubbaland, waxaana la sheegay in Axmed Madoobe uu Kheyre ka dalbaday in uu la kulmo islamarkaana uu soo dirsado wakiilo si loo xaliyo Khilaafka labada dhinac. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa la sheegay in uu ogolaaday in Xukuumadiisa ay wadahadal la gasho hogaanka Axmed Madoobe, islamarkaana ay dhawaan bilaaban doonto wadahadalka dhinacyada. Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Kheyre u sheegay in magaalada Muqdisho u soo diri doono masuuliyiin ka socda maamulkaasi iyo Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo dhinaciisa ku matali doono wadahadalka Muqdishana lagu qaban doono. Dad badan ayaa aaminsan in Xasan Cali Kheyre, uu raali ka yahay doorashadii ka dhacday Kismaayo ee lagu doortay Axmed Madoobe, islamarkaana wadahadal Xiriir hoose ah u dhaxeeyo labadan hogaamiye. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa wada dedaalo ay ku doonayaan in ay isu keenaan madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ku kala aragti duwan doorashadii ka dhacday Kismaayo 22-kii bishii hore, taas oo uu ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Axmed Madoobe uu dhowaan warqad u qoray madaxweyne Farmaajo, balse aan weli looga soo jawaabin, ayada oo madaxweynaha uu aaminsan yahay in Axmed Madoobe uusan sharci ahayn, oo uusan mudneyn in lala hadlo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com