Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,980
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Qoryooley (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaa iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen bar koontarool oo laga soo galo degmadaasi. Taliyaha amniga Qoryooley Cali Maxamed Aadan (Cali Waal) oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi. Cali Waal ayaa sheegay in dagaalkan uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, sidoo kalen uu uga dhaawacmay hal askari. Sidoo kale wuxuuu intaasi ku daray in dhanka Al-Shabaab dagaalkaasi ay kaga dileen illaaa far ka mid ahaa dagaalyahannadii weerarka soo qaaday. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-1-Cabdiqani.mp3 View the full article
  2. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay xildhibaanada cusub ee maamulkaasi. Kulanka oo casho sharaf ahaa ayaa ka dhacay mid ka mid ah hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ka dalbaday xildhibaanada cusub inay codkooda siiyaan doorashada madaxtinimada maamulkaas ee maalinta bari ah dhaceysa. Inta badan xildhibaanada ayaa u ballan qaaday in ay codkooda siin doonaan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay. Sidoo kale waxaa kulankan diirada lagu saaray, sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland. Qaban qaabadii ugu dambeysan ayaa haatan laga dareemayaa Kismaayo, iyadoona Jubbaland ay ka dhega fureystay baaq ay u soo jeedisay beesha Caalamka. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa weli taagan khilaafka u dhexeeya musharraxiinta mucaaradka iyo Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-21082019.mp3 View the full article
  4. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay casho-sharaf gaar ah u sameeyay xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad-goboleedka Jubbaland ee dhawaan lasoo doortay. Kulanka ayaa Axmed Madoobe wuxuu xildhibaannada kaga codsaday inay codkooda siiyaan si markii saddexaad uu u noqdo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland, xilkaasoo ay kula tartamayaan tiro musharraxiin ah. Sidoo kale, Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galay guddoonka baarlamaanka 2-aad ee Jubbaland, waxayna diiradda ku saareen kulankooda sidii ay nabad ugu dhici laheyd doorashada madaxweynaha Jubbaland oo dhcii doonta 22-ka bishan oo ku beegan Axadda berri ah. Axmed Madoobe ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu dib ugu soo laaban lahaa hoggaanka Jubbaland, inkastoo ay jiraan caqabado fara badan oo xilligaan ku hor-gudban, taasoo uu doonayo inuu ka tallaabo. Dowladda Federaalka Somalia ayaa la sheegay inay taageerayso xubno ka tirsan musharraxiinta u tartamaya doorashada madaxweynaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, inkastoo DF ay sheegtay inaysan wax fara-gelin ah ku hayn doorashada Jubbaland. Ugu dambeyn, Kulankan ayaa wuxuu kuso beegmayaa xilli Madaxweyaha maamulkaas uu ku dhawaaqay in la xiray dhammaan soohdimaha Kismaayo laga soo galo, si aan loo carqaladeyn doorashada. PUNTLAND POST The post Kulan xalay dhex-maray Axmed Madoobe iyo Xildhibaannada lasoo doortay ee Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  5. Qore : Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan Farmaajo & KHeyre, Nidaamka Federal-ka codka dad-weynaha waa ku aamini waayeen marka waa inay xoog ku dumiyaan! Maamul goboleedka Soomaaliyeed [...] Source
  6. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kana mid ah musharraxiinta u taagan qabashada xilkan ayaa wuxuu xalay la kulmay xildhibaannada Labada aqal ee baarlamaanka Labaad Jubbaland. Axmed Madoobe oo mid ka mid ah Hoteellada Kismaayo kula kulmay xildhibaannadan ayaa kala hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan doorashada. Wuxuu ka codsaday xildhibaannada in ay codkooda siiyaan si markiisii Saddexaad uu u noqdo madaxweynaha Jubbaland, wax-qabad muuqdana uu la yimaado. Kulan oo ay ku sugnaayeen guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa dhanka kale waxaa looga hadlay sidii ay si nabad oo cadaalad ah ugu dhici lahayd doorashada madaxweyne ee maamulkaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. WASHINGTON (AP) — Showing a fresh willingness to play politics along religious lines, President Donald Trump said Tuesday that American Jewish people who vote for Democrats show “either a total lack of knowledge or great disloyalty.” Source: Hiiraan Online
  8. Kenya is rejecting the position held by the United Nations on Somalia’s Jubbaland presidential election, lifting the veil on its discomfort with the emerging role of Ethiopia in Somalia politics. Source: Hiiraan Online
  9. MOGADISHU, Aug. 20 (Xinhua) -- Somalia on Tuesday appealed to international partners to support the implementation of the country's media and public awareness strategy. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Qorshe taliyaha howl-gallada ciidamada Amisom ee Soomaaliya, Tigabu Yilma Wondimhunegn uu ku tagi lahaa magaalada Kismaayo ayaa fashilmay kadib markii maamulka Jubaland uu u sheegay inusuan iman karin magaalada. Tigabu ayaa la filayey inuu shalay Kismaayo tago, hase yeeshee wuxuu dib u dhacay maanta oo arbaco ah, balse waxaa safarkiisa saameeyey amarkaii xalay kasoo baxay maamulka Jubaland ee lagu xiray xuduudaha magaalada Kismaayo illaa 23-ka bishan, oo ah maalin kadib doorashada madaxweynaha Jubaland. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Tigabu uu goystay diyaarad ay leedahay QM, oo qorshuhu ahaa inay Muqdisho ka baxdo 7-da subaxnimo, hase yeeshee waxaa isaga iyo xafiiska QM ee Soomaaliya lagu war-geliyey in ay raacaan amarka lagu xiray xuduudaha dhulka, cirka iyo badda Kismaayo. Taliye Tigabu ayaa Kismaayo u tagi lahaa inuu xaliyo xiisad ka dhex oogan ciidamada Kenya iyo Itoobiya ee ka wada tirsan Amisom, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Jubaland ay diideen in ciidamada Itoobiya ay degaan garoonka Kismaayo. Isniintii ayaa waxaa hawad Kismaayo laga celiyey diyaarad sidday qalab iyo ciidan Itoobiyaan ah, oo loo diiday inay garoonka Kismaayo kasoo degto, xilli Jubaland ay ka hortageyso qorshe ciidamada Itoobiya ay doonayaan inay ku qabsadaan garoonka Kismaayo, oo dowladda federaalka ay gadaal ka riixeyso. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  11. Waxaa socdo dadaalo uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku xulayo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho waxaa uu hadda ku yimaadaa xulista madaxweynaha, laakin waxaa jirtay xilli reer Muqdisho ay dooran jireen, waana dowladii rayidka ee inta u dhaxeysay 1960-1969-kii. Waxaa kale, oo aqoonyahanno uu ka yimid yahay Faarax Qare ay sheegeen in Muqdisho mayor-keeda aan loo fiirin jirin beel hebel, oo dadka oo dhan noqon kareen, taasi oo ka duwan sida xaaladda ay hadda tahay. Haddaba, halkan hoose ka akhriso sida magaalooyinka caalamka ee la mid ah Muqdisho uga gudbeen mar hore in qof la soo xulo iyo in lagu qiimeeyo oo keliya “Yaa magaaladan u dhashay”? Caasimadda Ingiriiska ee London waxaa duq ka ah Sadiq Aman Khan, oo isaga London ku dhashay laakin waalidkiisa uu ka yimid dhulkii India iyo Pakistaan, waxaa uu ku yimid doorasho, loomana fiirin inuu leeyahay magaalada. Duqa Paris waa Ana María “Anne” Hidalgo oo ah haweeney ku dhalatay dalka Spain, oo dhalasho ahaan waa Spanish-French, gabadhan kuma dhalan Faransiiska, dabcan dhulka Parisna ma leh, sidaasi ay tahay waxaa ay ku timid doorasho xor ah, oo xalaal ah. Bill de Blasio oo ah Duqa magaalada New York, isaga waxaa uu ku dhashay magaalada, laakin hooyadiis waa Talyaani halka aabihiisana uu ahaa asal ahaan mid gala German, English, French, iyo Scots-Irish. Haddii aan u nimaado dalka dariska nala ah ee Kenya waxaa Nairobi Governor ka ah Mike Mbuvi Sonko, waxaa uu halkaasi joogaa doorasho, ee ninkan waxaa uu ku dhashay Mombasa halka Mzee Kivanguli uu ka soo jeedo Machakos County. Haddaba, malaga yaabaa in Muqdisho ay yeelato duq loo tartamo, oo doorasho ku yimaada, isla markaana aan loo fiirin beel? W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Qatar plans to build a new seaport at Somalia’s Hobyo, a potentially strategic investment in an area of East Africa fiercely contested by Gulf rivals. Hobyo, in the central region of Mudug, is an important Somali port owing to its proximity to the Bab-el-Mandeb Strait, which is one of the most important sea crossing points in the world, with the potential for access to international markets. Qatar Ports Management Company (Mwani) will enter an investment partnership with Somalia to construct the port, the Ministry of Transportation and Communications said in a statement on Monday without disclosing the value of the deal. Saudi Arabia and the United Arab Emirates, which are locked in a protracted dispute with fellow Gulf Arab state Qatar, have been competing along with Doha’s ally Turkey for a foothold in the Horn of Africa, located on key shipping routes. A Qatari delegation led by Foreign Minister Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani visited Somalia on Monday. The Hobyo port will “will contribute to opening new horizons of cooperation between the two countries” and bolster Somalia’s commercial ties to new markets in Africa and further afield, the ministry’s statement said. The small but wealthy Gulf state has looked to strengthen ties with Somalia, donating a fleet of 68 armoured vehicles this year and airlifting Mogadishu’s mayor to Doha for emergency medical treatment last month after an ultimately fatal attack by al-Shabab. Somalia refused to take sides after Saudi Arabia and its allies imposed a political, trade and transport boycott on Qatar in mid-2017 over accusations that it supports armed groups, a charge Doha denies. Qatar has looked to diversify its trade partners and retool its economy since the embargo cut access to neighbours it once relied on heavily. Somalia’s relations with the UAE have frayed over Emirati investments in the breakaway region of Somaliland. It disbanded a UAE programme last year, set up to train some of its troops. SOURCE: REUTERS NEWS AGENCY
  13. President Mohamed Abdullahi Farmajo was elected in 2017 to accelerate the building and strengthening of “a federal, sovereign, and democratic republic founded on inclusive representation of the people, a multiparty system, and social justice,” which holds a periodic democratic elections Source: Hiiraan Online
  14. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s mobile money platform EVC crashed Tuesday cutting off millions of Somalis from the country’s electronic money pipeline which holds over a billion dollars monthly. Source: Hiiraan Online
  15. MOGADISHU (HOL) - Somalia’s mobile money platform EVC crashed Tuesday cutting off millions of Somalis from the country’s electronic money pipeline which holds over a billion dollars monthly. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-20082019-sax.mp3 View the full article
  17. Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa war kasoo saaray xiisadda ka jirta Kismaayo ee ka dhalatay isku dayga ay ciidamada Itoobiya ku doonayaan inay ku degaan Fiqi ayaa qoral uu soo dhigay bartiisa facebook ku sheegay in ciidamada Itoobiya ee doorashada loo Jubaland loo adeegsanayo uu ka dambeeyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasi oo uu ku qeexay qiyaanno qaran. Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi oo dhameystiran Ciidamada Itoobiya ee arrimo hoosaadka Doorashooyinka Kismaayo loo adeegsanayo oo hadba weji cusub la soo baxaya waa khiyaano Qaran oo xafiiska madaxweyne Farmaajo uu ku dhacayo. Kanaaladii kol hore la sheegay in la soo xiray sow uma eka kuwo qaranimadii iyo madaxbanaanidii Soomaaliya baabi’inteeda lagu soo bedeshay. Isku day kale oo Qiyaano Qaran ah ayaa shaley galab lagu fashiliyey Kismaayo, ka dib markii ciidamo Kumaandoosta Itoobiya ka tirsan oo la soo kiraystey ay si tahriibis ah isugu dayeen In lagu soo gelsho Kismaayo kaasoo ugu danbayn guuldarreystey. Doorashooyinka dawlad goboleedyadu waxey midba midda ka danbaysa daaha ka sii rogaysaa sida dalka Soomaaliya iyo taladiisii loo hoos geeyey Dawladda Itoobiya, laakin kaasi waa mashruuc la soo tijaabshay oo guulaysan waayey ee yaan kabuhu idinka dhammaan. # Ushuba waa Qalab difaac#
  18. Kismaayo (SMN) – Maamulka Jubbaland ayaa wuxuu ku dhawaaqay in uu hakad geliyay howlihii garoonka diyaaradaha Kismaayo. War qoraal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedkaasi ayaa lagu sheegay in loo hakiyey howlaha garoonka doorashada madaxweynaha. Doorashadda ayaa waxaa loo balansan yahay 22-ka bisha August ee sanadkan 2019-ka, iyadda oo dowladda federaalka ay horey u qaadacday. Qoraalka hoos ka akhriso View the full article
  19. Gaalkacyo-(Caasimada Online)- Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta muddo kooban la wareegay gacan ku heynta deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Dad ku sugan deegaanka Camaara ayaa Caasimada Online u sheegay inay Al-Shabaab wateen gadiid dagaal oo aad u xoogan, waxayna Shabaab dadkii ku sugnaa Camaara u sheegeen inay gudbinayaan Odayaal dhaqameed kasoo baxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Al-Shabaab Odayaasha ay halkaas ka qaadayaa waxay sheegeen inay geynayaan magaalada Xarardheere ee isla gobolka Mudug, waxayna Odayaashaas qeyb ka yihiin kuwii soo xulay Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka. Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Al-Shabaab ku dhawaad Seddax saac ay ku sugnaayeen deegaanka Camaara, kaddib markii ay soo gaareen Odayaashii ay sugayeena ay u qaateen dhanka degmada Xarardheere oo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn ee Al-Shabaab ay dalka ka maamulaan. Degaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maalin ka hor waxaa tagay ciidamada xooga dalka, gaar ahaan kuwa Danab. Kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo maalin galinkeed ku sugnaay deekaankaas waxay ka sameeyeen howlgal guri guri ah, iyagoo ka kaxeystay Seddax Nin oo ay sheegeen inay la shaqeynayeen Al-Shabaab. Camaara malahan wax maamul ah waana deegaan weyn, bulshada deganna waxay dhamaantood kasoo jeedaan beesha degta magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online Odayaasha maanta ay Al-Shabaab ka gudbiyeen Camaara ee ka tagay Gaalkacyo waa qeybtii ugu dambeysay ee ka baxda gobolka Mudug. Odayaashaas ayaa la sheegay inay markii hore ka dhaga adaygeen amarkii Al-Shabaab ee ahaay inay iska soo diiwaan galiyaan deegaanadooda, balse ay hadda ku dhiiradeen inay tagaan deegaanada Al-Shabaab si ay u maraan diiwaankooda, kaddib markii ay arkeen Odayaal u tagay ee kasoo laabtay, sidoo kalana intii ka dhaga adeygtay amarkaas dil loogu hanjabay. Caasimada Online Xafiiska Gaalkacyo Caasimada@live.com
  20. Canab Maxamed Daahir oo aheyd mushaxii 1aad ee Madaxtinimada Jubbaland ee hortimaada Baarlaamnka, ayaa ka codsatay in baaralaanka ay ku taageeraan codkooda waxaa ayna ka horjeedisay waxqabadkeeda haddii ay ku guuleysato madatinimada Jubbaland waxaana hadalkeedii ka mid aha” sareynta sharciga oo qof, koox aysan u noqan kuwa ka sareeyo sharciga, ku dhaqanka sharciga u dagsan Jubbaland iyo kan faderaalka dowladdeydu waxaa ay u noqonayaan muhiimad gaar ah, labada hey’adood Garsoor iyo Cadaaladda waxaa ay laf dhabar u yihiin bulshada, sidaas daraadeed waxaan xooga saari doonaa daryeel, waxaan kale oo xooga saarayaa amniga iyo dardar galintii loogu jioray midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan gacanta ku soo celiyo gobollada ka maqan gacanta maamulka,waxaan xooga saarayaa is ku keenida umaad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo waarta, waxaan xooga saarayaa caafimaadka aniga oo ku dadaalaya in hooyada iyo caruurta ay helaan isbitaal u gooni ah, waxaan xoojin doonaa ciyaaraha qeybahooda kala duwan iyo garoomo caalami ah, maalgashiga iyo waxbarashada oo aan gaarsiin doono ilaa heer jaamacadeed oo lacag la’aan ah iyo wanaajinta xiriirka Jubbaland kala dhexeeyo beesha caalamka. Maxamed Cumar Xaaji oo ahaa musharaxii 2-aad ee ka hor hadlay Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbalnad ayaa soo gudbiyay wax qabadkiisa haddii uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee Jubbaland, musharaxa ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo ay muhiimsanaayeen ammaanka arrimaha bulshada cilaaqaadka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo inuu ku dadaalayo 7 sano ka dib sigii uu ku gaari lahaa caasimadda maamulaka ee bu ‘aale. ” haddii aan ku guuleyso, oo aad igu gacan siisaan waxaan la’ imaan doonaa siyaasda mideysa dadka dega Jubbaland aniga waxaan ahay nin aad deegaanka ku dhashay, aadna u kala yaqaana guud ahaantiisa, sidoo kale waxaan awooda saaridoonaa sharciga inuu noqdo mid sareeya oo qof ama koox aysan ula tartamin ku dhaqanka sharciga uu noqdo muhiimada koowaad, dhanka kale waxaan awooda saari doonaa amniga iyo nolosha oo maanta muhiimad gooniya noo leh, sidaad ogtihiin magaaladaan aan joogno ee Kismaayo waxaa ay gacanta dowladda ay ku jirtaa 7-sano, waxaa jira wax yaabo badan oo la qabtay wixii la qabtay ayaan horay u sii wadi doonaa, wixii la gaari waayayna waxaan isku dayeeynaa inaan gaarno oo ay ugu wey tahay caasimaddii Bu’aale”. Axmed Maxamed Islaam, oo ahaa mu sharaxii 3-aad ee ka hor jeediyay khudbaddiisa Baarlamaanka, ayaa ku dheeraaday hadalka waxii la soo qabtay muddadii xilka uu haayay, asaga oo sheegay in waxbadan ay soo qabsoomeen laguna guuleystay wax badan, oo ka mid yihiin dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo in maal galin lagu sameeyo gobalada Jubbland. Axmed madoobe ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay lagu guuleystay waxyaabo badan oo ka mid yihiin in la dhisay ciidamo xoogan, waxbarashadana hor laga sameeyay iyo dhanka caafimaadka, asaga oo ka hadlaayo wixii uu qanban lahaa haddii la doorto mar klae ayuu yiri” Waxaan noogu horeyn doona amniga waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ku xoreyn laheyn goobaha wali gacanta Shabaabka ku jira, waqtigii hore ma aanan helin cid nagala howl gasha in badan waxaad maqasheen aniga oo leh hala xisaabtamo dowladda federaalka hanoqo, AMISOM ama beesha caalamka, oo qola walbaa meel ha lagu ogaado oo aan dhaqaano oo aan raadino sidii loo gaari lahaa deegaanada maqan, taas oo keentay in waqti dheer ay qaadato oo ay jiitanto haddana nagu soo gaarto, waxaan ku fakareynaa is ku tashi aan annagu is ku tashaneyno. Mudane Axmed Madoobe oo sii hadlaya “ Waxaan isku dayi doonaan inaan awooda saarno inaan hormarino arrimaha caafimaadka oo Isbitaalada aan casriyeeyno, daawo la hubiyayna aan keeno iyo dhaqaatiir, aan ugu kaaftoomeyno in qof xanuunsaday dibadda aan cafimaad ahaan ugu qaado, oo dadku ay kaga maarmaan baahida badan ay u qabaan, markaan deegaanada aan xoreyno waxaan u soo jeesan doonaa sidii aan ku hormarin laheyn warshadihii gobalkaan uu lahaa, sida Warshadii Sokorta, middii Kartoonka, middii Bariiska, iyo Mashruucii Faanoole”. Maxamuud Muxumud Cumar oo ahaa musharaxii Afaraad ee ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay muddii jubbaland ay jirtay in la qabtay waxyaabo badan waxna aan wali la gaarin in la qabto asaga oo waxyaabaha uu qaban lahaa in ay ugu horeyso in maamulka is ku xirnaan uu yeesho uuna ku dadaali doono sidii gobalka dadkiisa ay maal gashan lahayeen waxaa uu yiri” waxaan ku dadaali doonaa is ku xirnaan maalka ah iyo maalgashi caalami ah oo waafaqsan shuruucda dalka u dagsan, ayadoo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daah furan, oo laga ansixiyay dhamaan hey’adaha iyo golayaasha dowladda, si furanna loogu soo ban dhigay shacabka, waxaana mudnaan gaar ah siin doonaa ilaalinta midniomada Jubbaland, dad iyo dhulba, iyo xudoodaha, waxaan kale oo aan xooga saari doonaa xaqsiinta ciidan, ayadoo qof kasta oo ciidan ah uu heli doono mushaar joogta ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo saartay awaamiir dhanka amniga magaalada Kismaayo gaar ahaan maalinta doorashada, iyadoo Kismaayo laga xiray hawada, dhulka, badda iyo badda, waxaana heegan la geliyay Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee ka howlgala Kismaayo. Halkaan ka akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com