-
Content Count
215,061 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in weerar gaadma ahaa oo lagu dili rabay mas’uu ka tirsanaa maamulka degmada Afgooye uu saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaaladaasi. War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey boggaga taageera ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan kuwooda. Al-Shabaab ayaa baahisay in weerarkan ay la beegsatay Cali Xuseen Barqash oo ah guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmadaasi. Qoraalkan ayey sidoo kale Al-Shabaab ku sheegatay in dhaawac culus ay gaarsiisay mas’uulkaasi, sida hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha dhanka amniga oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo dilal qorsheysan ka fulisan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
(SLT-New York)-Waxaa la muddeeyay waqtiga la maxkamadayn doono Khaalid Sheekh Maxamed, oo ku eedaysan inuu yahay ninka naqshadeeyay weerraradii 9/11 ee Mareykanka lagu qaaday. Mr Maxamed ayaa waxaa lala maxkamadayn doonaa afar nin oo kale, kuwaas oo maxkamadayntoodu ay 11 bisha Janaayo 2021 ka dhici doonto maxkamad milateri oo ku taal Guantánamo Bay. Raggan ayaa waxa ay ku eedaysan yihiin inay galeen dambiyo dagaal oo ay ka mid yihiin argagixisanimo iyo dilka ku dhawaad 3,000 oo qof. Raggan shanta ah ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee maxkamad la keeno ku dhawaad 20 sanadood kaddib markii ay dhaceen weerraradii burburka badan gaystay ee lagu qaaday New York, Washington iyo Pennsylvania. Haddii lagu helo dambiga kooxdan waxa ay wajahayaan dil. Khaalid Sheekh Maxamed ayaa waxaa 2003 laga soo qabtay waddanka Pakistan, waxaana lagu soo wareejiyay saldhigga Mareykanka uu ku leeyahay Guantánamo ee dalka Cuba halkaas oo markii dambe eedaha loogu soo jeediyay. Source
-
(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale,” ayay qortay Ilhaan oo Maraykanka tagtay iyadoo 12 jir ah oo qaxooti ah. “Balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.” Xubanaha Xisbiga Jamhuuriga ayaa inbadan duray Ilhaan iyaga oo dhaliishan meesha ay ka taagan tahay Israa’iil, waxayna ku eedeeyeen Yuhuud nacayb. Ihaan ayaa sidoo kale dhaleecayn kala kulantay xubno ka tirsan isla xisbigeeda Dimuqraadiga mar ay ka hadashay calaaqaadka Maraykanka iyo Israa’iil, balse way diiday in ay Yuhuudda neceb tahay. Waxay raali galin ka bixisay sida ay uga hadashay Yuhuudda iyadii soo qaadanaysay qolyaha Israa’iil u ol’oleeya. Xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Alabama ayaa meelmariyay qaraar ay ergada Congress-ka gobolka Alaba ugu baaqaya in la billaabo habkii lagu eryi lahaa Ilhaan iyadoo la eegayo hadalladii ay ka tidhi Israa’iil, arrintaas ayaana la sameeyay maalmahihii nasashada ee Maraykanka ama Sabtidii iyo Axaddii, sida uu ku warramay AL.com Waxay intaas ku sii dartay duritaan ay u jeedisay Moore, iyada oo soo qaadanaysa eedaynta ay soo jeediyeen saddexda dumar ah oo sheegay in uu arrimo galmo la xiriira kula kacay markay da’yarta ahaayeen. Ilahaan ayaa sheegtay inay hanjabaado dil ah oo dheeri ah la kulanto markaste oo ay dhaleecayn kala kulanto madaxweynaha. Xildhibaanaddan ayaa wajahaysa su’aalo ay gacata ku hayaan Guddiga Doorashada ee Faderaalka oo ka timid National Legal and Policy Center, kuwaas oo ku saabsan in Ilhaan ay lacagtii ol’olaha doorashada u adeegsatay inay siiso lataliye dhanka siyaasadda ah kaas lala xidhiidhiyay in uu dareen dhexmaray. Ilahaan ayaa diiday inay gogol dhaaf samaysay, iyada oo waraysi siisay CBS Minnesota ayayna diiday inay ka faalooto nolosheeda. Source
-
Dhuusamareeb (SMN) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin guud ka bixiyey ujeedada ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM loo geeyey gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Taliyaha qeybta 21-aad ee deegaanada Galmudug, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb ay ka caawin doonaan nabad gelyada magaalooyinka maamulkaasi. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Dhuusamareeb oo dhowaan lagu qaban doono doorashada Galmudug. View the full article
-
(SLT-Dubai)-Imaaraadka carabta ayaa shaaca ka qaaday in duqeymo diyaaradeed oo ka dhan ah kooxaha Argagixisada ay ka geesteen gudaha dalka Yemen, iyadoo weerarkaan ay cambaareysay dowladda uu hoggaamiyo Abdu Rabbu Mansuur Haadi. Warsaxaafadeed ka soo baxay xilli dambe wasaarada arimaha dibada Imaaraadka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lala beegsaday saldhigyo ay leeyihiin kooxaha Argagixisada. Dagaalyahanada la weeraray ayaa la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro ka dhan ah isbaheysiga uu hogaaminayo Sacuudiga oo Imaaraadka qeybta ka Yahay ee ku sugan waqooyiga Yemen. Maamulka Dubai ayaa dhanka kale ka gaabsaday in uu shaaciyo magaca dagaalyahanada la Duqeeyay. Dhanka kale duqeyntan ayaa si xoogan waxaa ugu hadlay wasiirka warfaafinta ee dowlada dibad jooga ah ee Yemen, mr Mucamar Al-Ceryani waxaana uu sheegay in 300 oo rayid ah ay ku dhaawacmeen. Mucamar ayaa intaa raaciyay in dadka waxyeelada ka soo gaadhay ay ku jiraan 40 askari oo ka mid ah milatariga Yemen. Meelaga duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah magaalada Zinjibar ee caasimada u ah gobolka Abyan. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka, Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ciidamada AMISOM loo geeyey deegaanada mamaulka Galmudug. Qooje ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee Hiil-Walaal ee la geeyey Dhuusamareeb iyo Guriceel ay ka caawin doonaan howlaha nabad gelyada. Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in aysan jirin dhibaato kale, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan horumarka xasiloonida Galmudug. “Ciidamadan Hiil-Walaal ee ka socda Jabuuti kana tirsan AMISOM waxey halkan u yimaadeen in ay naga caawiyaan Amniga dhibaato kale ma jirto, waa been abuur wararka la leeyahay ee ah halkan lagama jecla, waa walaalaheen gacan ayeeyna na siinayaan.” ayuu yiri taliyaha. Dhinaca kale taliyaha qeybta 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka ayaa intaasi ku daray in ciidamadani ay ka qeyb qaadaan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Dhowaan ayaala filayaa in Galmudug uu ka dhaco isbedal, iyadoo doorashada guud ee maamulkaasi lagu qaban doono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Kismaayo (SMN) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa weli howlgallo ka wada qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee K/Soomaaliya. Howlgallada oo ah kuwa ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxa ay ciidamadu ka wadaan deegaano hoostaga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolkaasi. Afhayeenka wasaaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahin oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey howlgalladaasi. Cabdinuur ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamada huwanta ay guullo ka gaareen, islamarkaana ay Al-Shabaab ka saareen deegaano hor leh. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/cabdiqani.mp3 View the full article
-
Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin Beri oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan ciidamada ay dowladda geystay halkaasi. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladdu meel nabad ah ay u daabushay ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in arrintan ay abuuri karto dhibaato hor leh, islamarkaana ay tahay mid aan maskaxda geli karin. “Ciidamo Boolis ah oo sugi waayay amniga Muqdisho, gaar ahaan Suuqa Bakaaraha, oo aan tagi karin Suuqa Xoolaha iyo 17ka degmo aan amnigooda sugi karin in maanta loo daabulo Dhuusamareeb oo ah meel nabad ah waa wax lala yaabo.” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris . Dhanka kale Xildhibaan Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in waxa ka socda Dhuusamareeb ay yihiin afduub, islamarkaana wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya aysan dib u heshiisin wadin, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu dowladda Soomaaliya ku eedeeyey in qalqal amni iyo mid siyaasadeed ay ka wado magaaladaasi. “Waxa ka socda Dhuusamareeb waa afduub, Wasaaradda Arrimaha Gudaha wax dib u heshiisiin ah kama wado deegaanka, taas bedelkeed isku dir ayay ka wadaa, maalin hore magaalada waxaa halis u gasho in la isku fara saaro.”ayuu intaasi raaciyey xildhibaanku. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo maalimihii dambe dowladda dhexe dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka waday gudaha Dhuusamareeb, iyadoo geysay ciidamo badan oo laga qaaday magaalada Muqdisho, kuwaas oo la wareegay xarumaha muhiimka ah ee magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud [Filish], ayaa ka hadlay tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono, taasoo ay soo dhaweeyeen inta badan shacabka ku nool magaalada Muqdisho. Cumar Filish ayaa sheegay in tallaabooyin amni oo xoog leh ay qaadayaan, ayna ka go’an taha inay furaan waddooyinka kala xiran ee Muqdisho oo ay shacabku ku qabeen dhibaatooyinka bilooyinkii lasoo dhaafay. Magaalada Muqdisho ayaa kala xiran, iyadoo qaybo ka mid ah waddooyinka muhiimka u ah isku socodka shacabka lagu xiray dhagax culus, kuwaasoo la sheegay in looga hor-tagayo qaraxyo ka dhaca magaalada. “Innagu ma aqbalayno in cadowgu ay maalin walba dilaan hal-doorkeenna iyo shacabka aan waxba galabsan, lamana joojin doono tallaabo walba oo looga hortagayo falalkooda, balse waxaa naga go’an inaan magaalada isku furno,” ayuu yiri Cumar Filish. Sidoo kale, Hadalkan ayaa waxaa soo dhaweeyay shacabka caasimadda ku nool, iyagoo hadlaka guddoomiyaha cusub uu ka jeediyay xafladdii xilka uu kual wareegayay uu ka sheegay uu yahay mid ay ku farxeen. maadaama ay shaqooyinkooda iyo deegaannadooda u kala raacaan maalin walba gaadiid kala duwan. “Waxaan hortiinna ka ballan-qaadaynaa in sugidda amniga ay noqoto midda ugu muhiimsan ee maamulkaygu uu kala shaqeyn doono laamaha amniga dalka, si looga hortago fal walba oo waxyeello u geysan kara shacabka ku nool caasimadda,” ayuu hadalkiisa ku yiri Duqa cusub ee Muqdisho. Dhanka kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa carrabka ku adkeeyay in markii ay jidadka furaan ay ka shaqeyn dooaan sidii shacabka iyo weliba goobaha amniga ee Xamar ay u heli lahaayeen ammaan buuxa, si ay u wataan hawlahooda shaqo. Ugu dambeyn, Magaalada Muqdisho ayaa kala xirnayd bilooyinkii aynu kasoo gudubnay, waxaaan weli ka dhaca qabo ka mid ah caasimadda Qaraxyo ay mas’uuiyaddooda sheegato Al-shabaab, iyadoo laga war-sugayo tallaabada uu qaado maamulka cusub. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay Tallaabada ugu horreysa ee uu qaadi doono appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa war cusub ka soo saartay afduub 20 bishii November gudaha dalka Kenya loogu geystay Silvia Romano oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalkaasi. Xafiiska xeer ilaalinta ayaa sheegay in dowladda ay ka walaacsan tahay in Silvia si deg deg ah loogu qaado gudaha Soomaaliya. Warkan ayey dowladda Talyaanigu ku sheegtay in kooxaha Afduubayaasha ay qorsheeyeen in ay kala talaabaan xadka Soomaaliya. Dowladdu waxay sidoo kale sheegay inay weli rumeysan tahay in Silvia Romano lagu heysto gudaha dalka Kenya. Sidoo kale waxaa fashilmay wada hadal u socday safaaradda Talyaaniga ee Nairobi iyo kooxda Afduubka geysatay. Silvia Romanoayaa oo aheyd shaqaallo gargaar, waxaana xilliga la afduubnayey ay ku suganeyd dalka Kenya. Afduubayaasha ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ay ku dhaawacmeen illaa shan qof oo ay saddex ka mid ah carruur yihiin, kadibna ka tallaabeen wabiga Galaana. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada XFS ayaa shaacisay in shaqaalaha DF & kuwa gaarka ay fasax yihiin maanta oo Sabti ah,31-8 2019,ama 01-01-1441H,curashada sannadka cusub ee islaamka dartiisa,sidoo kale ku beegan maalintii uu nabigeena Suuban NNKHA ka hijroodey Magaalada Maka una hijroodey Madiina. Halkan ka akhriso: View the full article
-
Dhuusa-mareeb (PP) ─ Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo la wareegi doona ammaanka xarumo muhiim ah oo ku yaalla magaaladaas iyo degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galguduud oo ay shalay gaareen. Xarumaha ay ciidamada Midowga Afrika la wareegayaan aaa waxaa ka mid ah; Garoonka diyaaradaha, xarunta lagu qabaayo shirka dib-u-heshiisiinta ee Galmudug iyo xarumo kale oo muhiim ah. Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ciidamadii horay u joogay goobaha ay AMISOM kala wareegi doonto laga saarayo halkaas, waxaana tani ay hordhac u tahay baa la yiri sidii lagu qaban lahaa shir ay horay uga hor-timid Ahlusunna in lagu qabto Dhuusa-mareeb. Sidoo kale, magaalada Dhuusa-mareeb oo ah xarunga Galmudug ayaa waxaa shalay gaaray taliyaha ciidamada AMISOM ee Somalia, isagoo kulan la qaatay madaxa xumuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan, kaas oo looga hadlay sidii looga wada-shaqeyn lahaa amniga magaalada. Dhanka kale, Mas’uuliyiinta Ahlusunna ayaa waxay sheegeen in ciidamada ka socda AMISOM ay qayb ka yihiin adkeynta amniga inta lagu jiro shirarka iyo dhimaha Galmudug, wixii markaas ka dambeeyana ay ka bixi doonaan magaalada. Xukuumadda Somalia ayaa dhankeeda ciidammo fara badan geysay xarunta Galmudug ee Dhuusa-mareeb, waxaana ciidamadan ay xoojin u yihiin kuwo horay loo geeyay magaaladaas, si loo adkeeyo amniga xubnaha DF ee ku sugan magaaladaas. Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Dhuusa-mareeb ka jiray xiisado adag oo dhanka amniga ah, kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, iyadoo madaxda Ahlusunna ay ku dhawaaqeen inuu gabi ahaan burburay heshiiskii ay la saxiixdeen Dowladda Somalia. Ugu dabmeyn, Dagaalladii laga baqayay ayaan dhicin, waxaana degmadaas ku sugan haatan haatan ergooyin hordhac ah oo ka socda Beelaha Gobolka Galguduud daga, kuwaasoo halkaas u tagay inay ka qayb-galaan shirarka dib u heshiisiinta ee la qabanayo dhawaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada AMISOM oo la Wareegaya Amniga Xarumaha Muhiimka ah ee Dhuusa-mareeb appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-31082019.mp3 View the full article
-
Dowladda dalka Kenya ayaa awaamiir cusub ka soo saartay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya. Awaamiirtaan ayaa waxa ay la xiriiraan baaritaanadii magaalada Wajeer ee diyaaradaha ka soo duula magaalada Muqdisho iyo Visihii dal ku galka ee laga bixin jirey garoonka diyaaradaha Wajeer. Dowladda Kenya waxa ay shaacisay in wixii hadda ka dambeeya Visaha dal ku galka Kenya laga qaadan doono garoonka Jomma Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in baaritaan aad u adag ay Wajeer ku mari doonaan rakaabka ay sidaan diyaaradaha ka imaanaya magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka ku dhoofaya baasaboorka diblumaasiga ah ee Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Kenya oo awaamiir ku soo rogtey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Nairibi ka degaya. appeared first on Puntland Post.
-
Xog-culus:UAE oo si qarsoodi ah uga dejisay Qardho hub uusan ka war-hayn Deni Warbaahinta ayaa ogaatay in maalmahan dambe uu khilaaf xoogani ka dhex oogan yahay Maamulka Puntland iyo Imaaratka Carabta. Khilaafkan oo markii hore salka ku hayay arrimo la xidhiidha mashaariic labada dhinac u dhexeysa ayaa iminka sii xoogeystay kadib markii la ogaaday in garoon ku yaalla magaalada Qardho ay ka soo degtay diyaarad sida saanad milateri, taas oo aysan ka war qabin Puntland. Waxaa shaki weyn dhalisay qaabka qarsoodiga ah ee Imaaratka Carabtu ay saanadan milateri ugala soo degeen garoon cusub oo aysan horay u isticmaali jirin, iyadda oo la wada ogyahay in diyaaradaha Imaaratku isticmaali jireen garoonka diyaaradaha ee Boosaso. Saraakiisha ammaanka Puntland, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Qardho oo ka war helay diyaarada Imaaratka Carabtu leeyihiin ee ka soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho ayaa amray in la xanibo agabka ciidan ee diyaaradu sidaan. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni oo markii horeba safarkiisu ku wajahnaa dalka Imaaraadka Carabta ayaa la gaadhsiiyay warkan la xidhiidha diyaaradan hubka sida ee ka soo degtay Qardho. Deni ayaa saraakiishiisa faray inaan la dejin saanada milateri ee diyaaradu sido ilaa iyo amar dambe. Waxaa Muuqata in qorshahaan uu yahay mid u gaar ah Imaaraadka Carabta oo aysan ka warqabin madaxda Puntland. Shaki weyn ayaa durba soo baxaya kaas oo ah halka ay ku wajahantahay, saanada ciidan ee Imaaraadka sida qarsoodiga ah u keenay isaga oo aan soo wargelin Puntland. Hab dhaqankan cusub ayaa sii xoojinaya tuhun ay mudooyinkii dambe qabeen madaxda Puntland, kaas oo ah in wada shaqeyn ka dhexeyso kooxaha ka dagaalama buuraha Puntland iyo Imaaraatka. Xog la helay ayaatibaaxaysa in saanadan milateri ee sida qarsoodiga ah uga soo degtay garoonka diyaaradaha Qardho in ay tahay mid loo waday buuraha Galgala oo ay ka dagaalaman Al-Shabaab. Maalmo ka hor safarkii uu Madaxweyne Deni uga baxay Puntland ayaa si rasmi ah ugu wajahnaa magaalada Dubai, isaga oo transit ku ahaa dalka Itoobiya, lamana oga saameynta dhacdadan cusub ay ku yeelan karto safarka Deni. Qaran News
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Xilli Muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku qabaan dhibaatooyin waa weyn marista Magaalada Wajeer oo lagu baaro, islamarkaana laga siiyo Viisaha dal ku galka dalka Kenya intooda wata Baasaboorka diblomaasiga ayaa dowladda Kenya haddana waxa ay shaacisay Amar cusub. Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in guud ahaan la joojin doono Viisihii laga qaadan jiray Magaalada Wajeer, taas badalkeena baaris lagu sameyn doono Magaalada Wajeer oo ay hakan doonto Diyaarada ka baxda Muqdisho. Warqad kasoo baxday Waaxda socdaalka dalka ayaa lagu caddeeyay in Viisaha dal ku galka laga qaadan doono Magaalada Nairobi Garoonka Jummo Kenyatta, islamarkaana baaritaano Amni oo xooggan lagu soo marsiin doono Muwaadiniinta Soomaaliyeed Wajeer. Amarkaan ayaa si gaar ah u sameyn doona dadka haysta Baasaboorka Diblumaasiga ee Soomaaliya. Dadka Soomaaliyeed ee aadaya Kenya ayaa la kulmaya Caddaadis weyn iyo Waqti lumis ka badan kii ay horay ula kulmi jireen. War ka soo baxay bishii May dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in dhamaan diyaaradaha ka soo duula Soomaaliya ay soo mari doonaan Magaalada wajeer. Sanad ka hor ayaa ay ahayd Markii dowladda Kenya ka qaaday xayiraada diyaaradaha ka soo duula muqadisho iyada oo loo ogolaaday in ay si toos ah uga soo duulaan magaalada muqadishu kana degaan garoonka JKIA. Dowladda Kenya ayaa xoojisay Caddaadiska ay ku heyso Soomaaliya tan iyo markii uu xoogeystay Muranka dhanka badda ah ee ka dhex taagan labadda dal. Caasimada Online Xaafiiska Nairobi Caasimada@live.com
-
lhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo ka tirsan xildhibaannada xisbiga Dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa shaacisay in hanjabaad cunsurinimo ah loo soo diray loona sheegay in lagu dili doono madal ay dawladdu qabanayso, dilkaasna uu gaysan doono “qof awood u leh oo qori wayn wata”. Ilhaam Cumar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa sheegtay in fariimo dadka soo diraya ay is qarinayaan oo noocaas oo kale ah ay sababeen in ay ilaalo samaysato. Waxay hadadalkaas sheegtay iyadoo Roy Moore oo ah murashax aqalka Senet-ka quudaraynaya uu sheegay in “Madaxweyne Trump uu hadal sax ah sheegay, ayna dib ugu laaban doonto Soomaaliya”. Xildhibaanka xisbiga Jamhuuriga ee Alabama ayaa ku baaqay in Ilhaan laga eryo aqalka Congress-ka. “Waan necbahay in aan ku nool nahay duni uu qofi kaa ilaalinayo dad kale, balse inta dadkan aan fayoobayn ay u hanjabayaan aniga iyo dadka kalaba, waa in aan aqbalaa xaqiiqada ah in la i waardiyeeyo.”, ayay qoraalka twitter-ka ku tidhi Ilhaan Cumar. Qaran News
-
Xujey ka soo degtay Garowe Waxay ahayd tiradii Sucuudigu u qoondeeyay Soomaaliya sanadkan 2019 in ay soo gutaan faralka Xajka 11,500 (Kow iyo toban kun iyo shan boqol) oo qof. Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayay ahayd cidii maamulaysay qoondaynta iyo kala saarida shirkadihii bixinayay adeega Xajka. Puntland oo qoondo dhan 2,200 oo qof ka heshay tiradii loo ogolaaday in ay ka soo xajiyaan gudaha Soomaalida ee 11,500, waxaa acmaash Xajka soo gutay oo kaliya 400 oo qof. 126 ka mid ah ayaa shalay oo Jamce ahayd ka soo degay garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Qaar ka mid ah xaajiyadaas oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka ayaa dowladda Puntland iyo Federaalka-ba ka dalbaday in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan meesha ay aaday qoondadii Puntland ee lagu sheegay 2,200 oo qof. Sidoo kale waxaa gudaha garoonka ka hadlay mid ka mid ah dadkii uu seegay xajku sanadkan, wuxuuna ku baaqay in arrimahan hadda kadib wax laga badalo. Dad badan oo reer Puntland ah oo isu diyaariyay gudashada waajibaadka Xajka ayuu sanadkan seegay, markii ay waayeen fiisaha Xajka. Puntland oo ahayd cidda masuuliyadda kowaad ka saarnayd arrintan, ayaa ka hadalkeeda waxaa ugu dambeysay 7-dii bishii May, markii Wasiirka Caddaalada, iyo arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamid uu dowladda Federaalka ka dalbaday qoondadii Puntland, sidoo kale uu ka hor yimid Guddigii loo magacaabay arrimaha Xajka. Balse wixii xiligaas ka dambeeyay waxaa muuqatay in Puntland ku qacansan tahay sida ay u socdeen arrimaha Xajka. Warbaahinta PUNTLAND POST oo isku day-day in ay arrimahan wax ka weydiiso madaxda Wasaarada Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Puntland, wali uma suurta galin, balse xiliga ugu horreeya oo aan helno ayaan wax ka weydiin doonaa. Soomaaliya labadii sano ee dambeysay waxaa arrimaha Xajka ka jiray musuqmaasuq iyo is-qab-qabsi. PUNTLAND POST The post Miyaa la musuqmaasuqay qoondadii Xajka Puntland? appeared first on Puntland Post.
