Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Guddoomiyihii gobolka Banaadir ahaana duqa magaaladda Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa ku geeridooday dalka Qatar oo todobaadkii hore loo qaaday kadib markii dhaawac culus ka soo gaaray qarax ka dhacay xarunta gobolka Banaadir. Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo xiganaysa Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faafisay geerida guddoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Yariisow. Eng. Yariisow ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaaladda Doha ee Dalka Qatar halkaasi oo Muddooyinkii dambe lagu dabiibayey, kadib markii uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Xarunta Qqalka dowladda Hoose ee Xamar. Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheikh iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Sen. Cabdi Xaashi ayaa tacsi u diray Qaraabada, Ehelka shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Eng. Yariisow. PUNTLAND POST The post Guddoomiyihii gobolka Banaadir oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.
  2. Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane [...] Source
  3. Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku dhintay Allaha u naxariistee, Guddoomiyahii gobolka Banaadir ahaana duqa Muqdisho, Injineer C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow). Allaha u naxariistee, Injineer Yariisow ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerar ismiidaamin ah oo 24-kii bishan ka dhex-dhacay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdisho. Dalka gudahiisa oo wax looga qaban waayey ayaa keentay in dibadda loo qaado, iyadoo geeridiisa inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta la socotay qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT- Muqdisho) – Allaah unaxariiste waxaa goor dhawyed geeriyooday guddoomiyihii gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Cumar oo ku magac dheeraa Injineer Yariisow kaasi oo ku dhaawacmay qarixi toddobaadki la soo dhaafay ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Dhawaaca guddoomiye Yariisow ayaa toddobaadkii hore loo qaaday dalka Qadar si loogu soo daweeyo. Source
  5. (SLT – Hargeysa) – Afar dhallinyaro ah oo ka tirsanaa dhallinyarada shaqo qaran oo dhawaan laga saaray liiska barnaamijkaasi kadib markii ay sheegeen in imtixaan laga qaadayay la musuq-maasuqay ayaa maanta sheegay in ay hayaan caddeymo ku saabsan musuq-masuqa imtixaankaasi. Dhallinyaradan oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa sidoo kale eedeymo u soo jeediyay guddoomiyaha barnaamijkaasi shaqo qaran. Halkann ka daawo muuqaalka Source
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa goordhow ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu daweynayey. Naxariistii Janno allaha siiyo. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah.
  7. (SLT – Hargeysa) – War-saxaafaddeed ka soo baxay shirkii golaha wasiirrada Somaliland ayaa la sheegay in lagaga hadlay saddex qodob oo hore guddi loogu saaray WAR-SAXAAFADEED: 01 /08/2019 Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Maanta Warbiximo Lagaga Dhegeystay Guddi Hore Goluhu U Saaray. Kal-fadhigii 39-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxa warbixin lagaga dhegaystay guddi uu goluhu kalfadhigii aan caadiga ahayn ee isniintii todobaadkii hore loo xil saaray inay ka soo talo bixiyaan arrimo la xidhiidha.  Xidhiidhka beesha caalamka iyo Jamhuuriyada Somaliland.  La macaamilka hay’adaha UN-ka iyo kuwa caalamiga ah.  Ganacsiga iyo maalgashadayaasha shisheeye. Guddidaas oo warbixintooda goluhu bayaan ku soo saari doono kalfadhiyada danbe. Sidoo kale golaha wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland wuxu dood iyo falanqayn dheer ka yeeshay saami qaybsiga doorashada wakiillada, waxaanu goluhu isku raacay in wada tashi balaadhan lagala yeesho cida ay khusayso. Ugu dambayn waxa goluhu bogaadinayaa heshiiskii sadexda xisbi qaran ee dalku ka gaadheen qabsoomida doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, waxaana ka go’an xukuumada qabsoomida doorashada oo xiligeedii ku dhacda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  8. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah u celiyay jinsiyaddii dalka Maraykanka. Go’aanka Madaxweyne Farmaajo uu ku celiyay jinsiyaddiisa labaad waa mid shakhsi ah oo uu si iskiis ah u gaaray sida lagu xusay warsaxaafadeedka laga sii daayay Madaxtooyada qaranka. Waxa xusid mudan in Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu oggol yahay in Madaxweynuhu haysto jinsiyad kale. Sidaas oo ay tahayna, Madaxweyne Farmaajo waxa uu go’aanka celinta jinsiyadda qaatay isaga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya balse aan ahayn qof muwaaddin ah oo caadi ah. Madaxweyne Farmaajo waxa uu gudagalay hawsha celinta jinsiyadda Maraykanka ka dib markii loo doortay xilka Madaxweynennimo ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hannaanka celinta jinsiyadda Maraykanka oo wakhti qaadatay awgeed, waxa suurtagashay inuu Madaxweynuhu celiyo jinsiyaddaas maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da August, 2019. Madaxeyne Farmaajo waxa uu dhabbo cusub u jeexay siyaasadda Soomaaliya maadaama oo uu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee si iskiis ah uga tanaasula jinsiyad kale iyada oo aanay jirin duruuf ama sharci ku riixaya inuu sameeyo sidaas. Tallaabada geesinnimada leh ee uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay yiddidiilo cusub gelisay shacabka Soomaaliyeed oo muddo hadal hayey arrintan, waxayna tusaale u noqonaysaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee haysta jinsiyadaha kale. Sidoo kale, go’aankan taariikhiga ahi waxa uu keenayaa in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna siyaasiyiintu ay si buuxda ugu kalsoonaadaan dalkooda iyo baasaboorkooda iyaga oo ka tanaasulaya jinsiyadaha kale ee ay haystaan. View the full article
  9. (SLT-Hargeysa)- Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in inta badan Soomaalida ku nool Dhadhaab iyo Kaakuma ay sanadihii la soo dhaafay diideen in ay dib ugu laabtaan dalkooda. Warbixin ay soo saartay hay’adda waxaa ay ku sheegtay in ay aad hoos ugu dhacday dadka sida iskood ah isu diiwaangelinayay si dib loogu celiyo Soomaaliya. Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa waxaa ay sheegtay in tan iyo 2014kii Kumanaan Soomaali ah si iskood ah dib ugu laabteen Soomaaliya. UNHCR waxaa ay sheegtay in wixii ka horreeyay Bishii July ay 84,230 qof ka qeyb qaateen isdiiwaangelinta iskeed ah ee dalkooda dib loogu celinayo. Laakiin Hay’adda ayaa sheegtay in dad gaaraya 1400 qof oo kaliya ay dib ugu laabteen Soomaaliya kuwaas oo ka kala baxay Dhadhaab iyo Kaakuma. Ibrahim Ahmed, oo ka mid ah Dadka Xagar dheera ayaa sheegay in haddii xeryaha la xiro Soomaaliyana aysan nabad ka jirin ay dhibaato kale ka dhalneyso iyaguna aysan hadda ku laaban karin Soomaaliya. Dadka Dhadhaab iyo kaakuma ayaa sheegaya in aysan isku halleyn karin Soomaaliya iyaga oo 30 Sano degganaa Dhadhaab iyo Kaakuma sababihii ay uga carareenna aysan wali ka dhamaan Soomaaliya. Source
  10. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-01082019.mp3 View the full article
  11. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Xasan Cali (ammar dambe), ayaa sheegay in uu socdo dedaal lagu soo celinayo tayadii Ciidanka xoogga Dalka. Mudane; Ammar dambe, oo warbaahinta la hadlayay ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay tababarka Ciidanka xoogga, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in ay soo laabato tayadii uu Ciidanka Xoogga Dalku lahaa. Wuxuu sheegay Wasiirku in Ciidankani tababarka soo dhammeystay ay ka horreysay Guutada Gor-gor, oo haatanba qeyb ka ah howl-galka lagula dagaallamayo Argagixisada ee ka socda Dalka. Dedaallada lagu soo nooleynayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ay hormuudka u tahay Dowladda Federaalka ayuu sheegay in ay sii socon doonaan illaa ay awood buuxda u yeeshaan in ay la wareegaan ammaanka guud ee Dalka. Saraakiil iyo Saraakiil xigeenno ayuu sheegay in ay u direen Dalka Turkiga dhowaan, si ay u soo qaataan khibrado kala duwan, taas oo uu sheegay in ay bar-bar socoto Qaramaynta Ciidamada aan Dowladda dhexe hoos iman ee Dalka oo haatan meel wanaagsan marayso. Mudane; Ammar dambe, oo hormuud ka ahaa soo dhoweynta 330 Askari oo Kumaansoos Soomaaliyeed ah ,laguna soo tababaray Dalka Turkiga ayaa aad ugu mahad celiyay Ciidankaasi Dhabar adeygii ay muujiyeen intii ay ku jireen tababarka, wuxuuna kula dar-daarmay Waddaniyad iyo daacadnimo. View the full article
  12. As colossal of the Somali ordinary people believe that, the incumbent president Farmajo is one of the flawless presidents in Somalia, especially the last panic three decades. Mohamed Abdullahi Farmajo had gained the highest Teflon among the Somali people in 2011 Source: Hiiraan Online
  13. President of Somalia, Mohamed Abdullahi “Farmajo” Mohamed has officially renounced his US citizenship, a statement from his office says. Although Somalia’s constitution allows for dual citizenship, he decided to surrender his US passport after becoming president in February 2017, it said. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo was studying in the US when the civil war started in 1991 and so he stayed and claimed asylum. He was working for the transportation department in Buffalo when he was asked to return to Somalia as prime minister. He served in that position for eight months in 2010-2011 and then went back to the US. He returned to Somalia in 2016, leaving his family in the US, to announce his candidacy for president. Many politicians, including the current prime minister, have dual nationality as a consequence of the civil war. It is unclear if Mr Mohamed decided to give up his US citizenship because a US citizen he was unable to attend the UN General Assembly as a diplomat – a status which brings with it various privileges. He has not attended the gathering in New York since he became president. Source: Report Focus News
  14. Madaxweynaha JF ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta waxaa uu dib u celiyey dhalashada Mareykanka, halkaasi uu ku waayey xuquuqdii muwaadinnimada Mareykanka. Inkasta oo ay soo daahday waa tallaabo bogaadin mudan, oo ahaa dalabka shacabka Soomaaliyeed. Mudane Farmaajo waxaa arrinkan horay ugu ogolaanayey dastuurka qodobkiisa 8aad faqradiisa 3aad oo u qoran: Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed lagama qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, xataa hadduu qaato jinsiyad dal kale, laakin hadda waxaa socdo qorshe dastuurkan qabyada ah ee dib u eegista ku socoto lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof 2 Baasaboor leh. In dastuurka qabyo qoraalka ah lagu daro in Soomaaliya aanu madaxweyne ka noqon karin qof labo Baasaboor leh ma aha wax cajiib ah, oo waxaa uu qodobkaas isaga oo far waaweyn ah ku jiray dastuurkii 1960-kii, qodobka 71aad, dastuurkii 1979-kii, Qod. 81aad iyo Dastuurkii 1990-kii qodobkiisa 78aad. Sababaha Madaxweyne Farmaajo Ku Qasbi Kara Inuu Celiyo Dhalashada Mareykanka: 1. In uu arkay dastuurka dib-u-eegista ku socoto, oo laga reebay qodobkii madaxweynaha u ogolaaney 2 Baasaboor, sidaa darteedna ansixintiisa uu si qasab ah ku weydoono Baasaboorka Mareykanka, taa darteed uu Farmaajo ka hor dhacay! 2. Inuu ku qancay xuquuqda uu siinayo sharciga xuquuqda Liiltirka iyo deeqaha siyaasiyiinta dowladda Federaalka, oo hadda horyaalla golaha aqalka sare ee BF! 3. Inuu doonayo ka qeyb galka bisha September shirka ama Kulamada Kalfadhiga soo socda ee Jimciyadda Qurumaha! 4. Inuu xujeynayo siyaasiyiinta 2 Baasaboor leh, ee rajada weyn kala lahaa iney tartamaan doorashada 2020-ka! 5. In arrintan horudhac u tahay ololihiisa doorashada 2020-ka iyo damaca ah inuu dib u soo laabto! 7. Inuu degenaashiyo ka helay ama dal kale uu u soo bandhigay guri, ceydh, nolol iyo deegaan noloshiisa inta ka dhiman ah! Haddaba, waxaan akhristayaasha sidoo kale la wadaagi-doonnaa, Maxaa ka dhalanaya marka muwaadin Mareykanka uu iska celiyo dhalashada Mareykanka: 1. Sida ku qoran qodobka 349(a)(5) ee sharciga jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka, qofka ka laabanaya ama dib u celinaya dhalashada Mareykanka waa ku horsameeyo tilaabadaasi diblomaasi ama safiirka dalka Mareykanka. 2. Lama ogola inuu diro E-mail, boosto iyo IWM, waa inuu dhaartaa, waana inuu su’aalo badan uga jawaabo waaxda jinsiyadaha iyo socdaalka Mareykanka ee raacsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga. 3. Waxaa uu weynayaa dhammaan xuquuqda uu ku heli jiray dhalashadii Mareykanka. 4. Qofka jinsiyadda Mareykanka iska celiya waxaa laga yaabaa haddii uu jinsiyad kale heysan inuu noqdo dhalasho la’aan, mana helayo xukuumad xuquuq siisa, oo heli-doono inuu wax lahaado, kireysto, shaqeeyo, guursado, waxbarto. 5. Qofka dhalashada Mareykanka ka laabto lama weydiin doono canshuur iyo dhibow ciidan ama arrimaha laga rabo muwaadinka caadiga ah. 6. Dhalasho la iska celiyo kama dhigna in aan lagu oogi karin dambiyo uu qofka horay u galaya ama uu geli-doono ama arrimo maaliyadeed uu bixin waayey sida biilka caruurta. 7. Haddii ay yihiin caruur 16 ka yar ama dadka baahiyaha gaarka ah, arrintaas waa mid adag, waxaa loo sheegayaa inuu sugo ilaa da’da 18 jir-ka. 8. Haddii qofka uu ka laabto dhalashada Mareykanka, dib uma codsan karo, oo waa go’aan aan laga laaban. W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir. Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:- 1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland. 2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso. 3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere). 4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka. Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. Bariire (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah oo la socday Mooto mareysay halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay illaa saddex qof oo isugu jiray askar iyo shacab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Ma jiro weli wax hadal ah oo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhabo gal ah iyo qaraxyo ka fulisa gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Buula Burde ee Gobalka Hiiraan Cabdi Casiis Duurow ayaa sheegay in odayaal dhaqameed la kulmay Al-Shabaab ay u xireen Degmadaasi. Tirada odayaasha la xiray ayaa waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo 5 qof, kuwaasi la tilmaamay in ay kulan la soo qaateen dagaalamayaasha Al-Shabaab. Guddoomiyaha ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan odayaasha ay xireen, islamarkaana waxaa uu sheegay in odayaal kale hada ay baadi goobayaan, kuwaasi oo ku sugan bartamaha degmada Buula burde ee Gobalka Hiiraan. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu digniin u diray odayaasha xiligan doonaya in ay kulan la qaataan dagaalamayaasha Al-Shabaab. 15-ka July ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ay soo saareen amar ay ku fareyso Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadan degaanada ay maamulan. Warsaxaafadeedka ayay ku sheegtay Al-Shabaab in ay khaarijin doonto odayaasha aanan u hogaan-samin fariintooda, inta fulisana ayay sheegtey in ay “ammaan siin doonto” Caasimada Online Xafiiska Buul Burte caasimada@live.com
  18. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in keligood taliyayaashu abuuraan jabhaddaha hubaysan. Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Maxkamadda darajada 1aad ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay danbiile Daacish Aadan Max’ed Cali kadib markii lagu helay falal dilal ah oo uu ka gaystay gobollada Bari iyo Banaadir. Maxkamadda Ciidamada ayaa sidoo kale amar ku bixisay in xabsiga laga sii daayo C/Shakuur Xaaji Barsanji, kadib markii lagu waayay wax danbi ah Eedaysanaha 1aad Aadan Max’ed Cali,waxaa si gaar ah loogu eedeeyay in uu ka tirsan yahay kooxda Daacish una qaabilsan yahay qaybta fulisa dilalka qorshaysan,isagoo kasoo howlgalay gobolada Banaadir Iyo Bari, qaybna ka ahaa fulinta dilalka soo socda:- 1-Taariikhdu markay ahayd 24/09/2018, waxay isaga iyo labo ruux oo kale Boosaaso waxay ku dileen MarxuumEx-L/x/le Axmed Hurfe Jaamac oo ahaa taliyahii gaadiidka madaxtooyada Puntland. 2-Taariikhdu markay ahayd 25/10/2018 ,waxay sidoo kale magaala Boosaaso ku dileen marxuum C/raxmaan Aadan Cali oo ahaa ganacsade sharaab ku iibin jiray magaalada Boosaaso. 3-Taariikhdu markay ahayd 19/01/2019 waxay isaga 2 ruuxoo kale degmada H/wadaag ee magaalada Muqdisho ku dileen labo marxuum oo lagu kala magacaabi jiray (Axmed Shiikhaal)iyo Marxuum C/laahi Muxumed Cali (C/laahi dheere). 4-Taariikhdu markay ahayd 27/01/2019 waxay degmadaYaaqshiid ku dileen marxum Ex-D/le Axmed Cabdi Xuseen, iyadoo ciidamada amnigu ay soo qabteen kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray fulinta dilka marxuumka. Eedaysnaha 2aadC/Shakuur Xaaji Barsanji oo horay loogu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Kooxda Daacish isla markaana gacansiinayay danbiilaha koowaad ee dilka lagu xukumay, ayaa Maxkamadda darajada koowaad ee C.Q.S amartay in xabsiga laga sii daayo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Xuska sanadguurada 21-aad ee kasoo wareegtey Aasaaskii Puntland ee 1998 waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddomiyaha Golaha Shacabka DFS Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed, Guddoomiye Ku-xigeen Koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, Madaxweynihii Hore ee Puntland, Ahna Sanator ka tirsan Aqalka Sare Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole, Madaxweyne Ku-xigeenkii hore Cabdisemed Cali Shire, Masuuliyiin ka tirsan Golayaasha DFS iyo kuwa Dowladda Puntland, Aqoonyahano siyaasiyiin iyo dhammaan shacabka Puntland. Ciidamada qalabka sida, shacabka Puntland oo ka yimid gobolada Puntland ayaa qayb ka ahaa xuska maalintaasi weyn ee ku suntan taariikhda guun ka ah ee aasaaskii Puntland. Munaasibadda dabaaldegga xuska sanadguurada Puntland ee 01 Augusto ayaa kusoo idlaatay qorshigii iyo habmaamuuskii qorshaysnaa ee ay u diyaariyeen Guddiga qabanqaabada xuska maalintani. Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa caawa lagu qabandoonaa munaasibad balaadhan oo ay Madaxda Puntland, kuwa Dowladda Federaalka, aasaasayaashii Puntland iyo shacabka halyeeyada ah ee Puntland ay kaga sheekayndoonaan taariikhda Guunka ah ee Puntland, Nebadda, xasiloonida, wadajirka iyo horumarka ay Puntland gaadhay 21 sano kadib. PUNTLAND POST The post Sawirro dheeriya: Dabbaal-dega Xuska 1-da Agoosto ee Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  21. The President of Somalia, Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo has renounced his citizenship of the United States, according to the humanitarian journalist Moulid Hujale. This comes as 38% of the federal MPs of Somalia have dual citizenship. The issue of Somali politicians with dual citizenship and their loyalty to the country has been a major debate in the Somali political discourse. Mohamed Abdullahi Mohamed Farmaajo has been serving as the 9th and current President of Somalia since 16 February 2017. He was previously a Prime Minister of Somalia from November 2010 until June 2011 and is the founder and Chairman of the Tayo Political Party. While dual citizenship is accepted for politicians in Somalia, other African nations that have experienced similar diasporas are not quite as accepting. In Liberia, politicians and intellectuals have debated for years whether dual citizens should be allowed to hold power, especially after the 2006 election of Ellen Johnson-Sirleaf, the first democratically elected female president in Africa, who has dual Liberian/German citizenship. View the full article
  22. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa qaab diblomaasiyadaysan uga hadlay laba gaadhi uu Madaxweyne sheegay in uu siiyay labada guddoomiye ee xisbiyadda WADDANI iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source