Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waxaa muuqato in laamaha dowladda federaalka ah, gaar ahaan fulinta iyo sharci-dejinta ay ku kala qeybsan yihiin doorashada guddoonka baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Tan iyo markii shalay la doortay guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, waxaa isa soo tarayey hambalyo ay dirayaan mas’uuliyiinka ka tirsan dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo natiijada diidan. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa noqday mas’uulka ugu sareeya ee dowladda federaalka ah ka tirsan ee bogaadiyey doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka 2aad ee Jubbaland. Guddoomiye Abshir Axmed ayaa bartiisa Twiterka waxaa uu soo dhigay. Isla Senate-ka waxaa kaloo isna hambalyeey Ilyaas Cali Xasan, isaga oo bartiisa Faceboogga ku soo qoray: Xildhibaan Axmed Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa ka mid ahaa dadka fadhiyey hoolka ay ka dhaceysay doorashada baarlamaanka 2aad ee Jubbaland, isaga oo qoray Isla Kismaayo, xarunta KMG ah ee Jubbaland, waxaa ku sugan xildhibaanno badan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah kuwaas oo sheegay iney halkaasi u tageen difaaca sharciyadda federaalka ah. Xalay, wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah ayaa sheegtay habraacyada loo maray xulista Odayaasha dhaqanka iyo soo xulista golaha wakiilada Jubbaland ay yihiin kuwo aan loo marin dariiq sharci ah. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in doorasho kasta oo ku dhacda oo sifo baalmarsan dastuurka Federaalka ay yihiin Waxba kama jiraan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaqada ka joojiyey agaasimihii guud ee wasaaraddaasi, Yuusuf Cali Maxamed. Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Ducaale oo shalay ku taariikheysneyd ayaa waxaa si KMG ah xilkan loogu magacaabay, Axmed Cabdi Kooshin. Sidoo kale warqadan ayaa lagu sheegay in wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada wasaaradda. Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Yuusuf Cali Maxmed ayaa muddo dheer hayey xilkaasi. Inkastoo qoraalka faafintiisa ay soo baxday shalay oo ku beegneyd 17 bisha Agosto, hadana shaqo joojinta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa dhacday 7-dii bishan 10 maalmood ka hor maalinta warqada rasmiga ah ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Halkan hoose ka aqriso
  3. Raysal wasaare Kheyre wuxuu mudo ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb isagoo siyaabo gooni gooni ah uu ula kulmey saamilayda Galmudug. Ka hor imaatinkiisii Dhuusamareeb Galmudug waxay [...] Source
  4. Dad Camaara ku sugan oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa cabasho ka keenay hawlgallo ay saaka fuliyeen ciidamada xoogga dalka, qeybtooda Danab. Dadkan oo codsaday in magacooda la qariyo ayaa sheegaya in ciidamada ugu yimid Camaara ay goobta ka wateen 3 qof, oo rayid ah, 2 maqaayadley tahay halka midna uu culimo ahaa. “Waxa ay wateen waa 2 nin oo maqaayadley ah iyo nin wadaad ah, waa dad deegaanka ah oo la yaqaan, oo aan Al-shabaab shaqo ku laheyn” mid ka mid ah ayaa sidaasi yiri. “Al-shabaab haddii ay raadsanayaan waa isu muuqdaan, oo in yar ayey u jiraan, mey u tagaan, intii afduuban lahaayeen dad masaakiin ah” ayuu intaasi raaciyey. Dhinaca kale, warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ayaa saaka shaacisay in gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad uu u sheegay in dadkaasi ahaayeen shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa. Goobjoog News, uma suuro-gelin iney hesho Danab si arrintan wax uga weydiiso. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo kamid ah saddex nin oo maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay dil ugu xukumeen kiiskii Caasha Ilyaas Aadan ayaa maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay inuu ku luglaa kiiskaan oo bilowgii sanadkaan ka dhacay magaalada Galkacyo. Xukumanahaan oo maxkamadda sare waydiisey haddii uu galay dembiga horay loogu xukumay haddana lagu soo eedeeyey ayaa ku jawaabey,” Yes, si dadban baan u galay waana kuu dhammaystirayaa”. “Eedaymo badan baa aniga la ii soo jeediyey, ma ahan hal eedayn waxa xafiiska xeer ilaalintu ii soo jeediyey. anigu kufsibaan galay, waxaa laygu soo eedeeyey kufsi, dil afduub, iyo khalkhal gelin ammaan laakiin anigu kufsibaan galay mudane guddoomiye” ayuu yiri xukumane Cabdifataax. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay inuu wax ka kufsaday Caaisha Ilyaas Aadan haseyeeshee uusan dil geysan uuna arrintaasi ku dhiiri geliyey Cabdishakuur Maxamed oo falku uu sheegay inuu ka dhacay gurigiisa. “Anigu waxa weeye waxaa iga dhaadhiciyey iguna khasabay inaan galo goob joogna ka ahaado Cabdishakuur Maxamed, kufsigu subax buu dhacay gurigiisuuna ka dhacay, Caaisha isagaa afduubay isagaa gurigiisa geeyey anigana waa uu isoo wacay keliya” ayuu yiri Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame. “Cabdishakuur isagaa isagaa ii yeeray gurigiisaana ugu tegey dabadeed waxaan ugu tegey isagoo qolkiisa irid banaanka ah ku haysta Caasho ayna u xirxiran tahay, dood dheer kadib wuxuu igu qanciyey inay yihiin wax fudud oo dhammaanaya, shaydaan baana ii kasbay anigu kufsi baan sameeyey gurigana waan ka tegey Caaisha oo nool”, ayuu yiri Cabdifataax. Waxa uu sheegay in Cabdishakuur Maxamed uu kadib gabadhii diley si uu u ilaaliyo sharaftiisa maadaama uu yahay nin da’ah oo aan laga filan karin waxyaabaha noocaasi oo kale, isagoona sheegay inuu falka kula jirey Aadan Maxamuud Cabdulle oo aan weli maxkamadaha ka soo muuqan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame oo qirtay inuu wax ka kufsaday Caasha Ilyaas faahfaahiyeyna qaabkii wax u dheceen. appeared first on Puntland Post.
  6. Waxkasta waa suuree. Noole kasta, gaar ahaan aadamuhu, waxa uu sugaa waa geeri. Xillisan iyo xilli kadeedaba. Waa meerto noloshu. Waxay ka yagleelantahay sanado, bilo, maalmo, saacado ilaa ilbidhiqsiyo. Naftuna waxay geeddigeeda gelaysa ilbidhiqsiga ay leedahay. Hadaba, naftani intaanay ka bixin jidhkan, waxaa jira kediyayaal kadeed geliya nafta iyo jidhka ay gabbaadsanaysaba. Qofku waxa uu u dayacanyahay ilbidhiqsi kasta in uu soo gaadho kadeed nafeed, maal ama mid jidh. Tusaale, bal ka warran adoo ah askari haddii lagu yidhaahdo amminkasta waxa kugu dhici karta xabad ay soo ridayaan cadawgu ee hal ilbidhiqsi ha libiqsane bartaa shiishka ku hay labada saacadood ee soo foolka leh. Askarigaas wuxuu la kulmayaa kadeed, waxa uu naawilayaa in maruun ay dhafaan labadan saacadood si’ uu digtoonida iyo ilaaladan adag u gabaxo. Nefis iyo wakhti waasicana u helo. Waxa uu is-waydiinayaa haddii uu libiqsado in xabbad dhafooorka laga ga dhufanaayo oo naftiisu halaagmayso. Marka uu jaanis helana waxa uu dareemayaa raynrayn iyo naftiisii nabadtahay oo uu xorriyad u haysto in uu noolaado. Taasina suuragal maaha ee waxa mashquuliyey markii hore waa baqashada nafeed ee soo waajahay. Sidaas si’ la mid waxa mar kasta qofka ku soo maqan kadeedka adduunyada oo rasaas kaga daran, dhimasho ama nololina ka danbayso. Waxa dhufays ugu jira kii shaydaan ahaa–oo tin iyo baar adduunyadan ka dhigaaya mid nabdoon oo xasarad ka caaggan, waxa jidhkiisa si’ nabdoon ugu nool xayawaan ili-ma-aragtay ah oo markay jaanis u helaan aakhiro ugu tuuraya, waxa xilli kasta shaqada joojin karta xubin ilaa unug jidhkiisa kamid ah oo noloshiisa kadeed adduunyo ama dhimashaba ku keeni kara. Waxa haleeli karta bilo ka soo burqatay mid xaasida–dadkuna il u yaaqaan oo ka dhexmudhtidhi, cillaankiisana loo maaro waayey. Waxaa ku imaan karta bilo dabiiciya oo sida haamadayga leeftay wuu qurux iyo maal lahaa. Intaas oo dhami waxay si’ aan garasho lahayn ugu soo derrin karan qofka isagoon ka warhayn amminta ay soo waajahayaan. Hasayeeshee, qofku waa mid niyad ahaan, degan, mashquula oo aan si’ taxadir leh ugu warqabanin dhibaatooyinkan soo fool ka leh. Qormadani waxay si’ dhaba kuu xasuusinaysaa xadiiskii rasuulka ee macnihiisu ahaa, Alle ka cabso meelkastood joogto, xumaantaad samaysana wanaag ka daba gee way kaa masaxaysaaye, dadkana kula dhaqan akhlaaq wanaagsan”. Xadiis koobani waxa uu sheegayaa in nafta iyo jidhka aadumuhu markasta aanu ahayn mid nabdoon, balse, nabadgelyadiisu ku xidhantahay saddex shay, Alle ka cabsi, cibaado suubban iyo dadka oo layska dhaafo dhibtooda. Sadam Osman kaabash Hargeisa, Somaliland. Degmada: Maxamed Mooge Qaran News
  7. Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku balansan garoonka Asmara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelaya kulamadoodii 2-aad ee tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 oo sanadkan ku qabsoomaya magaalada Asmara. Xulka 15 Jirada dalkeena ayaa kulankii 1-aad la dheelay dhigooda Kenya waxayna ciyaartaas aheyd furitaanka tartanka xulalka 15-Jirada ee markii ugu horeesay ay qabtaan xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika,balse xidigaha dhallinyarada dalkeena ay guul daro 3-1 kasoo gaartay dhigooda Kenya. Da’yarta 15 Jirada Burundi kulankii 1-aad iyagana waxa ay 2-1 kaga adkaadeen dhiigooda Eretrie oo sanadkan ah martigeliyaasha ciyaaraha da’yarada bariga iyo bartamaha Africa ee (Cecafa Under 15 2019). “Diyaar ayaan u nahay in aan la ciyaarno dhigeena Burundi waxaa qaadanay tababaro kala gedisan,si aan xoogo u saarno in aan kulanka helno natiijo saraysa guul iyo guuldaraba shacabka Soomaaliyeed waxaana ka codsanaynaan in nala taageero” sidaas waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtan xulka da’yarta Soomaaliya. 17-April 2018 Xulalka Soomaliya & Burundi oo magaalada Bujanbuura ee dalka Burundi kuwada dheelay tartanka 17Jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxa ay labada dhinaca ku heshiyeen natiijo barbaro ah. Kulamada Kale Ee Kusoo Wajahan Xulka Somalia vs sudan (Khamiis) -22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) -24-08-2019 Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Burundi Tariikhda-18-08- 2019 Maalinta-Axad Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Satdium Source: goobjoog.com
  8. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo lagu soo qaqabtay dad lala xiriirinayo Alshababa waxa ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Howlgalkaan ay ciidanku ka sameeyeen deegaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xaradheere ayaa waxa uu ahaa mid qorshaysan oo lagu qabtay ilaa 3 nin oo la shaqayn jirey Alshabaab. Sheekh Yuusuf Salaad oo ah guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad xiriir la lahaa Al-Shabaab. Baaritaanadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada xooga Soomaaliya gaar ahaan taliska qaybta 21aad ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan deegaamo katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. The post Ciidanka DANAB oo howlgallo dad lagu qaqabtay kawada gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.
  9. KISMAYO (HOL) - The UN has once again expressed doubts over the credibility of elections in Jubbaland pressing for ‘more improvements’ by the electoral commission as the Federal Government rubbishes the outcome of the parliamentary elections as a nullity. Source: Hiiraan Online
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku gacan seeray baaqii odayaasha dhaqanka dhaqanka beelaha Habargidir ee ku aadanaa in dib loo dhigo shirkaasi. Baadiyow ayaa sheegay in fursad hore ay siiyeen beelaha Habargidir, islamarkaana ay qabsadeen illaa 15-ka bishan, waqtigiina uu dhammaanday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka uu yahay mid ay ka qeyb galayaan ururada bulshada rayidka ah, islamarkaana uusan markale. dib u dhici karin, sida uu hadalka u dhigay. Shirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa waxaa markii ugu dambeysay la filayey inuu furmo Sabtidiid la soo dhaafay, balse ma dhicin. Weli waxaa jira tabasho ka imaaneyso beelah qaar oo ka biyo diidan qabsoomida shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-2-gudiga-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  11. Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ayaa casuumaad u dirtay kuwa dowladaha xubnaha ka ah, ujeedka ayaa lagu sheegay shir wasiirrada warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo xubnaha ka ah ay uga tashan-doonaan arrimaha warfaafinta. Shirkan oo maanta furmaya ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in lagu ansixin doono Istaraatiijiyadda wacyigelinta qaranka oo horay loo qoray, qeybna ka ahaayeen hey’ado badan. Ujenadayaasha kale oo looga hadlayo waxaa ka mid ah: 1. In laga midoobo istaraatiijiyadda guud ee dib u xureynta 2. In dowladda federaalka ah lagala shaqeeyo arrimaha loogu yeero la-dagaalanka argigixisada 3. In siyaasad laga dejiyo copyright 4. Horumarka warbaabhinta qaranka 5. In la sameeyo barnaamijyo mideysan 6. In laga tashto anshaxa saxaafadda Waxaa shirka ka qeyb galaya wasaaradaha warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaa kale oo lagu casuumay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (PP) ─ Ciidamada DF ayaa maanta waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Awdheegle iyo Tooratooroow, kuwaaoo dhawaan ay ciidamadu la wareegeen. Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas, waxaana dad ku sugan deegaanka Tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hawlg-allo ka fulinayaan Tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw si ay ula wareegaan goobahaas oo ay hadda ka taliso Al-shabaab. “Ciidamada Dowladdu waxay wadaan hawlgallo ay ku doonayana inay kula wareegaan deegaanno dhawr ah oo ka tirsan Shabeellada Hoose, waana tallaabo ka dhan ah Al-shabaab oo dhibaatooyin kawada gobolkaan,” ayuu yiri Ibraahim Najax. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia gaar ahaan kuwa DANAB ayaa la sheegay inay isku ballaariyeen dhul baaxad leh, waxaaa hawlgalkan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan ay ciidamadu dagaallo adag kula galeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ugu dmabeyn, Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in badi dadka ku nool degmada Aw-dheegle ay bilaabeen inay halkaas isaga barakacaan, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada DF iyo xoogagga Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Dowladda Somalia oo Hawl-galo ka wada Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (PP) ─ Wakiilka QM ee Somalia, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas. Warqad uu u direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex maalmood dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland. “Warqadeennii 08-da August ee aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Somalia ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , isla markaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkii uu u direy guddoomiyaha doorashada Jubbaland Xamza. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku sheegaey Qoraalkiisa in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland. “Guddiga doorashada haddii uusan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubbaland,” ayuu sii raaciyay James Swan. Ugu dambeyn, Qoraalkan loo direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaan lagu xusin mowqifka ay beesha caalamka ka qabaan doorashooyinkii soo kala horjeeday ee maanta lagu doortay labo guddoomiye baarlamaan oo maamulka Jubbaland ah. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo ka hadlay Doorashada ka socota Jubbaland appeared first on Puntland Post.
  14. Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegayaa in saaka hawlgal qorshaysan ay ka wadaan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab. Saaka waaberigii ayay deegaankaasi galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab. Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa. Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Mid kamid ah raggii horay loogu xukumay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo la horkeenay maxkamadda sare ee Puntland ayaa si rasmi ah maxkamadda horteeda [...] Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota. Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan. Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in isbaheysiga ay sameysteen dalalkan uu muhiimadiisa koowaad yahay, sidii looga guuleysan lahaa, islamarkaana meesha looga saari lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xafiiska jooga, tan markii la aas aasay maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay in Kenya ay waddo dadaal ay ku dooneyso in markii saddexaad Axmed Madoobe uu ku soo baxo doorashada maamulkaasi, islamarkaana ay xoog badan gelineyso arrintaasi. The Standard oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in dib loo doorto Axmed Madoobe. Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in Axmed Madoobe) uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara dhanka amniga iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isaga bixi doona hardanka loolanka loogu jiro madaxweynaha dalkaasi ee doorashada 2020, sida uu rumaysan yahay sarkaal hore oo katirsanaa aqalka cad. Agaasimihii hore ee xiriirka bulshada iyo warbaahinta aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa waraysi uu siiyey Vanity Fair, ayaa yiri,”Xaqiiqdu waxay tahay Trump ma raadin doono dib u doorasho sababtoo ah cidna markale dooran mayso”. “Wuxuu doonayaa inuu isaga boxo tartanka, maxaa yeelay waa waadax, waxay noqon doontaa March 2020, waxaana la jecel yahay inuu ka boxo doorashada maxaa yeelay waxay u muuqaataa mid aan macquul ahayn inuu ku guulaysto”. ayuu yiri Anthony. Sarkaalkan horay uga tirsanaa aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump ku guulaysiga kursiga gacmihiisa isku dhaafiyey isla markaana qof walba uu rumaysan yahay inuusan wax cod ah ku soo bixi karin. Dhanka kalena, madaxweyne Trump ayaa sheegay in Anthony Scaramucci shaqsi dhowaan shaqada isaga baxay warbaahintuna ku buunbuunisay arrimihiisa falan qaynta haseyeeshee uusan wax xog badan ah ka ahayn shaqsiyada Donald Trump. PUNTLANDPOST The post Donald Trump oo qarka u saaran inuu ka haro doorashada Maraykanka ee 2020. appeared first on Puntland Post.
  18. Jowhar (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahhanno ka tirsanaa kuwooda ay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan dilkaasi. Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Three herders were killed while grazing their animals in Ethiopia and camels stolen on Thursday according to Banisa Sub-County Deputy County Commissioner Noah Tanui. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta gobalka Banaadir ee booliiska Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa habeen hore xiray 4 taliye oo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo ciidankii la shaqeynayay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Taliyaasha la xiray ayaa madax ka ahaa 4 kontarool oo ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana ka tirsan aagga lama soo dhaafaanka ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la xiray ciidankii halkaasi kula sugnaa. Taliyaasha la xiray waxay kala joogeen isgoysyada Sanca, Jardiinka, KPP, iyo kontarool kale oo katirsan degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana loo heestaa gaadiid ay soo daayeen, kuwaas oo ay lahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya qaarkoodna ay soo damiinteen. Waxaa jira amar ah in aan lasoo dayn karin wax gaadiid ah, ciddii doonta ha wadatee, si loo xaqiijiyo amniga iyo inaan la ogolaan in xubno la tuhunsan yahay ay kusoo moodaan magacyada dad ka shaqeeya dowladda, taasi oo taliyayaasha la xiray ay fulin waayeen. Askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya islamarkaana ku jira dadka la soo xiray oo la geeyay xarunta qaybta ee gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “aniga iyo talayageyga waan xiranay waxaana noola heestaa, 7 gaari oo aroos waday islamarkaana uu wakiishay guddoomiyaha degmada Shibis, waxaana ka qornay ID CARDS, magacyada darAwalada, iyo taargada gaariga laakiin Saadaq John waa naga diiday sidaas waana nala xiray” ayuu yiri askariga aan la hadalnay. Inkastoo ay magaalada Muqdisho wajaheyso go’doon iyo caburin tii ugu adkeyd ayaa hadane dad badan waxay aaminsan yihiin in magaalada ka soo haagaageyso xaaladeeda amni dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Waxaa yaraaday dilalkii magaalada iyo qaraxyadii weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  21. A waiter in Paris has been shot dead by a customer who was reportedly angry because his sandwich wasn't prepared quickly enough. Source: Hiiraan Online
  22. At least two government forces were killed and two more injured when al-Shabaab militants attacked a military base in southwest Somalia on Saturday, officials said. Source: Hiiraan Online
  23. The Kenya U15 national team will take on Somalia in the opening match of the CECAFA U15 Championships on Friday at 2pm (EAT) in Eritrea. Source: Hiiraan Online