Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,204
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga soo horjeestay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Saciid C/laahi Dani. Karaasha ayaa sheegat in madaxweynaha aanu wax la tashi ah kala sameyn magacaabista guddigan, ayna tahay go’aan uu kaligiis gaaray. Wuxuu tilmaamay maadaama dastuurka uu dhigayo in madaxweynaha uu kala tashado ku xigeenkiisa magacaabista guddiga in aanay waxbo ka jirin xubnihii la magacaabay, isaguna aanu waxbo kala socon. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Guleid Khalif, an expert of Jubaland politics wants the Kenyan government to ask the candidates to pull out. Source: Hiiraan Online
  3. The African Union Mission in Somalia, Amisom, has underscored its intent to withdraw from the country by 2021, after launching the Elections Awareness Campaign, meant to keep the public updated with the preparations. Source: Hiiraan Online
  4. Jubbaland electoral body JIBEC has lashed out at the UN for what it termed as misrepresentation of the current electoral process noting it will now go ahead having met all the requirements and addressed concerns raised by the international community. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada Soomaaliya, ayaa shir wada-tashi ah ku yeeshay magaallada Muqdosho kaas oo looga hadlay iskaashiga labada heer eewasaaradaha gaar ahaan dhanka wacyigelinta. Shirka, waxaa ka qeyb galaya wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Daxiiska Dowladda Federaalka Soomaaliya,Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Cali Xasan Axmed,Warfaafinta Koofur-Galbeed Mudane Ugaas Xasan Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Galmudug MudaneMaxamed Aadan Cusmaan, Wasiirka Warfaafinta Hirshabelle Mudane Cabdiwali Maxamed Cabdi, Masuuliyiinka socota Dowladda Jubbaland, Agaasimeyaasha guud, madaxda warbaahinta dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed CabdiXayir Maareeye ,oo shirka furay ayaa sheegay in shirkani uu qeyb ka yahay shirar wada-tashi ah, oo aywasaaraduhu si joogto ah u yeelan jireen. Wasiirraada iyo Agasimayaasha Wasaaradaha Warfaafinta ee Dowlad-goboleedyada, ayaa shirka si gaar ahdiiradda ugu saaray horumarinta Wasaaradaha iyo hay’adaha Warbaahinta ee heerarka kala duwan ee Qaranka,iyadoo la wadaagayo khibradaha iyo kheyraadka la heli karo. Waxyaabaha shirkan lagu lafoguray, waxaa kaloo ka mid ah mideynta dadaalada hirgelinta wacyigelinta laxiriirta arrimaha Xagjirnimada, Argagixisada, Dowlad-wanaagga, Doorashooyinka, Dhamaystirka Dastuurkaiyo arrimaha bulshada, iyadoo la raacayo Istiraatiijiyadda Qaran ee Wacyigelinta, oo ay wasaaraduhuansixiyeen sanadkii 2018-ka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. DAR ES SALAAM, Aug 18 (Reuters) - The U.S.-China trade war and uncertainty over Brexit pose risks to Africa’s economic prospects that are “increasing by the day,” the head of the African Development Bank (AfDB) told Reuters. Source: Hiiraan Online
  7. Sudan's former president Omar al-Bashir is due to go on trial for corruption allegations, which brought down his 30-year rule. Source: Hiiraan Online
  8. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa u fariisanaysa wajiga 2aad ee dacwadda ka dhanka ah xukumanayaasha ku eedaysan kiiskii kufsiga iyo dilka ee marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Waxaa saaka lafilayaa inay markale maxkamaddu dhegaysato eedaymaha xeer ilaalinta Puntland, isdifaacidda xumanayaasha kiiskaan iyo qareenada u doodaya kadib markii maxkamaddu Sabtidii maanta ballamisay. Saddexda nin ee loo haysto kiiskaan ayaa horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu xukumeen waxaase kiisku yeeshay weji kale kadib markii mid kamid ah xukumanayaashu qiraal sameeyey. DAAWO PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo markale u fariisanaysa kiiskii Caasha Ilyaas. appeared first on Puntland Post.
  9. Geneva/New York, 19 August – Marking the tenth anniversary today of World Humanitarian Day, the United Nations is honouring the contribution of tens of thousands of women humanitarian aid workers who provide life-saving support to millions of people caught in crises in some of the world’s most dangerous places. Source: Hiiraan Online
  10. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar culus oo dagaal yahano katirsan Alshabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose. Waxaa dagaalkaani bilowday kadib markii malayshiyada Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire Taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed Janeraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda,isla markaana ay uga dileen in ka badan 20 dagaal yahan. “Waxaan xaqiijineynaa in aan khasaaro badan gaarsiinay Al-Shabaab, 20 ka tirsan ayaa ciidamada dowladda ku dileen duleedka Bariire, kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan saldhiga ciidamada ee Bariire”, ayuu yiri Janeraal Odawaa. The post Alshabaab oo xalay weeraray taliska ciidanka Soomaaliya ee Bariire. appeared first on Puntland Post.
  11. Madaxweynaha jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayo ayaa xalay gaarey magaalada D Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti. Madaxweynaha oo ay safarkaan ku weheliyaan Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) ayaa Maanta waxaa ay la kulmayaan Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Waxaa lafilayaa in labada madaxweyne iyo masuuliyiinta weheliya ay maanta ka wada hadlaan xaaladaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Gobolka, gaar ahaan danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada Jamhuuriyadood DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo maanta Jabuuti kula kulmaya madaxweyne Geelle. appeared first on Puntland Post.
  12. Some 529 Uganda People’s Defense Forces (UPDF) soldiers attached to United Nations Guard Unit (UNGU) in Somalia returned to the country on Saturday after two years of service. Source: Hiiraan Online
  13. MOGADISHU, Aug. 18(Xinhua) — Two al-Shabaab militants were killed and four were injuried during an intense fighting with government army in southern Somalia on Saturday , a military official told reporters. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) ― Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa maanta si adag uga hadlay cabasho ka soo yeertay qoysas ay dagaalada kaga geeriyooden askar ka tirsan ciidamada DF Soomaaliya, oo ka cabanayey in muddo bilo ah aysan helin wax mushahar ah. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cabashada ka soo yeertay qoysaskaasi ay dagaalada kaga dhinteen wiilashoodii oo naftooda u huray badbaadinta umada, isla markaana baaq culus u direy Mas’uuliyiinta dowlada. Cabdiraxmaan ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan: “Ummad waliba waxaa lagu qiimeeyaa sida ay u sharfto una karaameeyso halyeeyada naftood u huraya ilaalinta Diinta, Dalka iyo sharafta Dadka. Allaha guuleeyo wiilasha iyo hablaha furumaha dagaalka ku jira oo naftooda huraya, qaraxa iyo xabbadda cadawga isku dhigaya si ay inta kale u badbaadiyaan, soo gurmada xilliga uu xaalku halis yahay, qorraxda, dhaxanta, iyo dabaysha tagaan, iyagoo calooshoodu maran tahay, carruurtooduna qadeyso. Haddii aan halyeeyadaa xaqooda la gudin intii ay noolaayeen, suuragal maaha in carruurtooda agoonta ahna la dayaco. Waxaan madaxda qaranka ugu baqayaa in ay degdeg wax uga qabtaan cabashadda qoysaskan”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Muqdisho-(Caasimada Online)-Dagaal xoog leh ayaa caawa ka socda deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelada Hoose. Al-Shabaab ayaa goor dhaw weerar aad u xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Bariire, hayeeshee ciidanka dowladda ee ku sugan deegaankaas ayaa durba guulo ka sheegtay dagaalka oo hadda wali socda. Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 20 dagaalame, hadana ay ciidamada dowladdu ku gacan sareeyaan dagaalka. Waxuu sheegay Taliyuhu in Shabaab-ka weerarka kusoo qaaday ay doonayeen inay gudaha u galaan deegaanka Bariire, balse ay ka dul dhaceen ciidamada dowladda duleedka deegaanka difaac uga jiray. Waa markii labaad oo middo Todoba maalmood gudahood ah ay ay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Hoose ay guulo ka sheegtaan weerar ay ku qaadeen Al-Shabaab. Wixii kasoo kordha dagaalka Bariire kala soco Caasimada Online: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Csmaan (Karaash) ayaa si adag uga horyimid magacaabistii guddiga doorashada ee kumeel-gaarka ah ee uu sameeyey madaxweyne Deni. Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka ayaa cuskadey qodobo ka mid ah dastuurka Puntland, kuwaaas oo kala ah qodobada 80, 5, 81, 2, iyo lifaaqa dastuurka, waxaan uu sharci darro ku tilmaamey magacaabista guddiga. Ugu horeyn wuxuu sheegay in aan Madaxweynaha Puntland kala tashan magacaabista guddiga sida ku cad xeerka ayuu yiri, sidaas darteed maadaama aanu wax wadatashi ah igala sameyn waxa magacaabistaasi ka hor imaaneysa dastuurka, ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan. Axmed Karaash ayaa sheegay in magacaabista guddigan ay ka imaaneyso lifaaqa kowaad ee Dastuurka oo tilmaamaya tirada xubnaha iyo sida loo soo kala magacaabayo, taasooo caddeyneysa inaanu xaq u lahayn Madaxweynaha keligiis magacaabista 9 xubnood. Axmed Karaash ayaa qoraalkiisa ku soo geba-gebeeyey in xeerka Madaxweynuhu ku magacaabey yahy waxba kama jiraan khilaafsan dastuurka Puntland iyo lifaaqa kowaad. Guddiga doorashada kumeel gaarka ah ayaa ka kooban 9 xubnood afar kamid ah waxaa soo magacaaba Baarlamaanka halka shanta xubnood oo kale uu soo magacaabo Madaxweynuhu maalintii Sabtida ayaa Madaxweynhu ku dhawaaqey shantiisi xubnood. Muddo dheer waxaa soo baxaayey warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhexeeya labada masuul kaas oo ku saabsan shaqada iyo kala lahaanshaheeda. Dhibaatada u weyn ayaa ah in labadoodu aan isku tigidh lagu dooran ee midkastaa goonidisa u tartamey, watey halku-dhigiisa iyo barnaamijkiisa, sidoo kale saldhigyada ay ka soo kala jeedaan ayaa saameyn ku yeesha wada shaqeyntooda. Wararku waxay sheegayaan in Madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu qaar kamid ah xubnaha guddiga uu diidan yahay oo doonaayey in la magacaabo xubno kale. Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorshooyinka waxay u baahan yihiin in Baarlamaanku cod aqlabiyad ah ku ansixiyo, waxaana hubaal ah in Madaxweynaha Puntland u baahan yahay taageerada baarlamaanka.
  17. Madaxwayne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa qaadacay gudiga doorashooyinka ku meel gaar ka ah ee uu soo magacaabay madaxwaynaha Puntland sicid [...] Source
  18. Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa gebi ahaanba qaaddacay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni. Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo lagu socod-siiyay Golaha Wakiilada Puntland islamarkaana la ogaysiiyay Xeer Ilaaliyaha guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa madaxweyne ku xigeenku ku qaadday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland oo sida qoraalka lagu sheegay aan lagala tashan. Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday magacaabista guddiga doorashooyinka Puntland maadaama sida uu sheegay ay baalmarsantahay Dastuurka Puntland oo dhigaya in madaxweyne ku xigeenka lagala tashado. Hoos ka akhriso qoraalkiisa PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaaddacay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho-(Caasimada Online)-Xog hoose oo ay heshay Caasimada Online ayaa banaanka soo dhigeysa in saraakiil ka tirsan Sirdoonka Kenya ay magaalada Kismaayo kulan qarsoodi ah kula qaateen, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee maamulka Jubbaland. Saraakiisha ka socotay Sirdoonka dowladda Kenya ayaa la sheegay inay musharaxiintaas hor dhigeen dalab ay wateen oo ahaay inay taageeraan musharax Madaxweyne Axmed Madoobe, oo lagu xagliyo inuu taageero wayn ka heysto dowladda Kenya. Mas’uuliyiin ku sugan magaalada Kismaayo oo naga codsatay inaanaa Warbaahinta u adeegsan magacooda ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulankaas ay saraakiisha kenyaanka ah la qaateen musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdinaasir Seeraar oo si weyn uga soo horjeeda siyaasadda Axmed Madoobe aadna ugu dhaw madaxda federaalka iyo musharax Madaxweyne Cabdi Cali Raage. Saraakiisha ka socotay Sirdoonka Kenya ayaa musharaxiintaas ugu hanjabay in haddi aysan taageerin Axmed Madoobe ay Kenya kusoo rogi doonto xayiraad dhaqaale iyo mid socdaalba, waxaana xusid mudan in musharaxiinta loo hanjabay ay yihiin kuwii lagu xaglinayey inay taageerayaan madaxda dowladda dhexe. Doorashada Jubbaland ayaa wajahaysa loolan aad u xoogan oo ay ka dhex muuqdaan dowladaha deriska la ah Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu cad-cadyihiin Kenya iyo Itoobiya oo iyagu kaleh dano kala duwan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay aad u saluugsantahay habka uu guddiga doorashada Jubbaland u wado howlaha doorashada, hadii aan wax laga badalina ay Jubbaland ku qeynayso taageeradooda. Dhinaca kale madaxda dowladda dhexe oo iyagu aan tagi karin magaalada Kismaayo, ayaa ku goodiyay in aysan aqbali doonin natiija kasta oo kasoo baxda howsha ka socota Kismaayo. Dowladda dhexe ayaa sheegtay in qorsha uga degsan doorashada Kismaayo uu yahay in marka hore ay Kismaayo ku qabato shir dib u heshiisiin ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ciyaar xiiso badan ku qaatay garoonka Cisero Stadium ee magaalada smara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelay kulamadoodii 2-aad ee ciyaaraha 15jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2019 ee (Ceacfa Under 15). Kulankan labada dal dhexmaray ayaa qeybta 1-aad lagu kala maray barbaro 1-1,balse xidigaha xulkeena Soomaaliya ee da’yarta 15 Jirada ay soo bandhigeen ciyaar ku dheehan weerar iyo farsamo. Markii leysku soo laabtay dheesha labada xul ayaa sameeyay fursado badan oo goolal,balse dhallinyarada 15 Jirada Burundi ayaa helay fursad gool ah waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen xulka da’yarta Burundi. “Nasiibka ayaa naga heeliyay waxaan soo bandhignay ciyaar aad u wanaagsan,balse qadarta Alle ayaa aheyd in aan guul daraysano raali hanaga noqdaan taageerayaasheen dalkeena kulamada xiga ayaan ku da’daalaynaa in aan badino” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtanka xulka 15 Jirada Soomaaliya. Ciyaaraha U Haray Xulkeena 15 Jirada Somalia vs sudan (Khamiis) –22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) –24-08-2019 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho-(Caasimada Online) – Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa goor dhaw safar deg deg ah ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Safarka Wasiir Islow, oo aan faahfaahin laga bixin waxa uu ka saabsanyahay, ayaa kusoo aadaya iyadoo xalay gudaha magaalada Dhuusamareeb ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka kala tirsan Booliska iyo Nabad Sugidda Galmudug. Caasimada Online ayaa ogaatay in Wasiirka amniga ay hoggaankii hore ee Ahlusunna si deg deg ah uga dalbadeen in uu ku soo gaaro magaalada Dhuusamareeb, waxuuna dalabka Ahlusunna ee Wasiirka uu salka ku hayaa khilaaf xoog leh oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada. Dagaalkaas ayaa dhex maray ciidamada Booliiska Dhuusamareeb oo wali ka amar qaata Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud iyo ciidamo Nabad Sugid ah oo loo xil saaray sugidda amaanka goobta lagu qabanayo shirka, waxaana amarka loogu xilsaatray uu kasoo baxay wasaaradda amniga. Ciidamada Nabad Sugidda ee ka howlgala Dhuusamareeb ayaa si toos ah uga amar qaata wasaaradda amniga gudaha, waana arinta la rumaysanyahay inay ka careysanyihiin hoggaanka Ahlusunna. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir uu maanta kulan isugu yeeray saraakiisha ay ka amar qaataan ciidanka Nabad Sugidda ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, isla markaana uu ka dalbaday inay gacanta usoo galiyaan Askartii Nabad Sugidda ee xalay hor istaagay dagaalkana la galay ciidanka Booliiska Dhuusamareeb. Saraakiisha ayaa la sheegay inay ku gacan sayreen dalabka Sheikh shaakir ee ahaay inay soo qabtaan Askartii ay iska caabinta kala kulmeen Booliiska Dhuusamareeb oo Sheikh Shaakir uu doonayey inay la wareegaan gacan ku heynta hoolka loo diyaariyay in la iskugu keeno Ergada ka qeyb galaysa Shirka dib u heshiisiinta Dhuusamareeb. Sheikh Shaakir oo ka carooday amar diidada uu kala kulmay saraakiisha Nabad Sugidda Dhuusamareeb ayaa xogta ay heshay Caasimada Online waxa ay sheegeysaa inuu ka dalbaday Wasiirka amniga in si dhaqsi ah ku soo gaaro Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaasi oo uu garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey ra’iisul wasaraaha dalkaas, Abdoulkader Kamil Mohamed. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa safarka Madaxweyne Farmaajo ku sheegtay in uu qaadan doono labo maalmood, lana kulmi doono Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo marti qaaday. Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, safarka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah loolan siyaasadeed oo u dhaxeyaa laba isbahaysi oo kala ah dalalka Geeska Afrika oo dhinac ah iyo kuwa Bariga Afrika ee la baxay ururka East African Community. Ururka East African Community waxaa xubno ka ah Burundi, Kenya, Rwanda, South Sudan, Tanzania, iyo Uganda. Farmaajo ayaa isku dayaya inuu Jabuuti kusoo biiriyo isbahaysiga ay horey u sameysteen Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaan dadaalkan qeyb ka ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Haddii Jabuuti kusoo biirto isbahaysigan, waxay afarta dal doonayaan inay kaalin xooggan ku yeeshan dhaqaalaha bartamaha Afrika, ayaga oo ka faa’iideysanaya dekedaha Soomaaliya, Itoobiya, iyo Eritrea. Hase yeeshee, waxa ugu muhiimsan ee hadda taagan, ayaa ah loolanka loogu jiro kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM, oo ay isku hayaan dalalka Kenya iyo Jabuuti, kaasi oo loo tartamayo 21-ka bishan. Dalalka Geeska Afrika ayaa doonaya in kursigan ay hesho Jabuuti, waxaana dadaalka Farmaajo qeyb ka ah in Jabuuti lagu dhaadhiciyo inay isbahaysiga kusoo biirto, ayada oo taa beddelkeedna ay dalalkan taageeri doonaan dadaalka ay ugu jirto kursigan, si gaar ahna Itoobiya oo saameyn xooggan leh. Soomaaliya ayaa dhinaca kale dan kale oo gaar ah ku qabta in kursigan ay hesho Jabuuti, ayada oo haddii ay Kenya hesho uga faa’iideysan karta loolanka dhinaca badda ee ka dhaxeeya, ayada oo Kenya ay isku dayeyso inay qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com