-
Content Count
213,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Recent Al-Shabab Resurgence: Policy Options for Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The idea of writing a comprehensive briefing policy paper on the state of security of Somalia arose from a one-to-one interview I had with two Al-Shabaab defectors, who were in the leadership circle of Al-Shabaab insurgent organization during Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka QM ee Soomaaliya, James Swan ayaa qoraal jawaab ah u diray guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre taasi oo la xiriirtay go’aankii guddiga uu shakay ku dhowaaqay ay dib ugu fureen is-diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha, islamarkaana saddex maalmood ay dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. Tallaabada guddiga ayaa jawaab u ahayd codsi ka yimid beesha caalamka, hase yeeshee wakiilka QM ayaa sheegay inuusan ku qancin tallaabooyinkaas. James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland. “Warqaddeeni 8-da August, ee aan kuu soo diray aniga oo wakil ka ah saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , islamarkaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” Ayuu yiri Swan. Wakiilka QM ayaa sheegay in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland. “Haddii aan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubaland. Waa muhiim in hanaanka doorashadu noqdo mid loo dhan yahay, kuna dhaca jawi horseedi kara horumar laga sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga, iyo dhaqaalaha” ayuu yiri. Swan ayaa ugu baaqay Xamza inuu sameeyo is-beddelo dheeri ah ka hor inta aysan dhicin doorashada, “si waafaqsan waxyaabihii aan ka wada-hadalnay, iyo kuwii aan warqadda kugu soo diray.” Hoos ka aqriso warqadda Swan
-
By Mohammed Yusuf voanews.com Analysts warn that tension could rise as a U.N. hearing nears on a Kenyan-Somali territorial argument. Kenya’s parliament recently called on President Uhuru Kenyatta to send troops to the Indian Ocean to protect the country’s territory from what it calls Somalia’s aggression. “In the event that diplomacy is going to fail and any other process fails, then our constitution permits the use of Kenya defense forces to protect our boundary, and the authority to use Kenya defense forces is vested in the parliament,” said lawmaker John Mbadi. “The president can declare war or use our forces to protect our boundary, but the deployment of those troops must be sanctioned by the parliament. We told the president … that parliament would support any means to protect our territory.” Court of Justice hearing The threat by Kenya comes less than a month before the U.N.’s International Court of Justice holds a hearing on the dispute. Somali lawmaker Mohamed Omar Talha told VOA that his country would counter Kenya by sending troops of its own to the 100,000-square-kilometer (38,600-square-mile) area. “If they send their troops to Somalia, we, the parliament of Somalia, will also bring a motion that will counter such a threat and give permission to our soldiers to defend our people and territory,” Talhar said. The neighbors’ maritime dispute began in 2014 when Somalia filed a complaint against Kenya in the International Court of Justice saying it had exhausted all other avenues of finding a resolution. Kenya wants negotiations with Somalia, while Somalia insists the court process must stop before negotiations take place. Security expert Mwachofi Singo said a conflict between the countries would benefit the al-Shabab terrorist group. ‘Fan the fires’ “Catastrophic. Nobody wants to worsen an already bad situation, because the security situation in the Horn [of Africa] is already not good,” Singo said. “You have al-Shabab roaming around everywhere. Kenya is part of the AMISOM [African Union Mission in Somalia] force that is fighting al-Shabab inside Somalia. Now, if you open another front … this can only fan the fires. I think al-Shabab will celebrate, because chaos thrives in chaos.” Mumo Nzau, who teaches diplomacy and international studies at the University of Nairobi, said the military threats were political statements. “Those are kind of political statements by politicians, and they are normal,” Nzau said. “But that cannot be the official position of the country. It’s just positions that politicians take once in a while, but … there are no troops at the disputed area for any reason. This is a matter that the United Nations Security Council and the African Union are observing very closely, and they are working very closely with the two countries.” The hearing on the Indian Ocean dispute will begin Sept. 9 at International Court of Justice headquarters in The Hague.
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug waxaa caawa ka taagan xaalad dagaal, kaddib markii dagaal muddo socday uu ku dhex maray ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Nabad Sugidda Galmudug. Ciidamada ayaa dagaal xoog leh waxa uu ku dhex maray gudaha xarunta lagu qabanayo shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee Shiirkole, waxayna isku heystaan cidda sugeysa ammaanka goobta lagu qabanayo shirka. Ciidamada caawa dagaalamay ayaa waxaa kala hoggaaminaya Taliyaha Booliska ka howlgala Dhuusamareeb oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheikh Yuusuf, kaas oo ay walaalo yihiin Wasiirka amniga Galmudug Saadaq Sheikh Yuusuf iyo Nin lagu magacaabo Cabdi Dheere oo Taliye u ah ciidanka Nabad Sugidda ee dhawaan ay dowladdu gaysay Dhuusamareeb si ay ula wareegaan amniga magaalada. Caasimada Online ayaa ogaatay in xarunta lagu dagaalay oo lagu magacaabo Shiirkole oo aad ugu dhaw Madaxtooyada uu ku shaqeeyo madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Shaakir ay horay ugu sugnaayeen ciidamo Nabad Sugidd ah oo Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku wareejiyay inay sugaan ammaanka xarunta lagu qabanayo shirka, kuwaas oo kolkii hore uu fadhigoodu ahaay magaalada Cadaado. Ciidamada Booliska Dhuusamareeb ayaa waxaa la sheegay inay iyagu weerarka qaadeen, waxayna wali dhinacyadii dagaalamay ay isku hor fadhiyaan dhismaha loo diyaariyay in lagu qabto shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamadii dagaalamay ay wali is hor fadhiyaan, haatana ay socoto waan waan lagu kala qaadayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(ERGO) – Qureisha Abdi Ali, a mother of seven, is relieved to be living in her own house in the southern Somali town of Baidoa at last, after facing the trauma of being evicted three times in the last three years. Source: Hiiraan Online
-
Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in dagaal uu caawa ka dhacay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay dhismaha Shiirkole, oo ah halka loo diyaariyey inuu ka dhaco shirka dibs u heshiisiinta Galmudug. Dagaalka ayaa billowday kadib markii ciidamo boolis ah ay weerar ku qaadeen ciidamada nabad-sugidda ee ilaalada ka ah hoolka Shiirkolo ee shirka uu ka dhacayo. Dad xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamo boolis ah oo ka carooday in shaqadoodii laga hor istaago Haween shaqooyin hoose ka qaban jiray xarunta ay weerarka qaadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado kooban socday. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor-imaadka. Saraakiil ka tirsan Galmudug iyo xubno dowladda ah oo ay wehliyaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta ayaa la soo sheegayaa iney durba ku bexeen dirirta, kuwaasoo isku dayaya sidii ay xal uga gaari lahaayeen xiisada gacan ka hadalka isku rogtay markii danbe. Maanta oo la fillaayay in shirweynaha dib u heshiisiinta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ayuu markii labaad dib u dhac ku yimid, sababo ku aadan Ergooyinka oo aan soo wada gaarin Dhuusamareeb. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali Federal Government has declared the election of new Jubbaland state assembly a nullity noting the process violated the Federal Constitution and electoral procedures in what could open a new round of battles between the Ahmed Madobe administration and Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay inay diyaar u yihiin Wada-hadallo ay Somaliland kala yeeshaan khilaafka dhuleed ee Muddada dheer u dhexeeyay. Madaxweynaha Puntland oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay Maamul ahaan diyaar u yihiin inay Somaliland ka wada-hadlaan khilaafka la xidhiidha mulkiyadda Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle oo Xuduud ahaan Somaliland ka tirsan, balse Puntland ay sheegato. Madaxweyne Deni oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Farriinta u horraysa waxaan u dirayaa Somaliland, Shaadhkaaga waa lagugu qabsan karaaye Dhulka Puntland ee ay hadda ku xad-gudubsan tahay Wada-hadal iyo nabad inaanu ku dhamayno oo ay ku gar-naqsadaan ayaanu ugu baaqaynaa.” Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay “Wax Mugdi ku jira maaha, Waxaanu diyaar ugu nahay Wada-hadal dhab ah oo Nabad waarta ka dhaliya Geyiga in laga gaadho diyaar baanu u nahay.”ayuu yidhi. Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli ay Degmada Tuke-raq ee Gobolka Sool isku hor-fadhiyaan Ciidammada Somaliland iyo kuwo Puntland oo dhowr jeer aaggagaasi ku dagaalamay. Dawladda Somaliland ayaa dhawaan siidaysay Illaa 14 Maxbuus oo Puntland lagaga qabsaday dagaalkii u dambeeyay ee ka dhacay Tuke-raq, halka Puntland-na sidiaysay 3 Maxbuus, Halkan hoose ka DAAWO hadalka Madaxweynaha Source
-
Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisatay dhageysiga kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan,hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa maanta Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu “u galmooday”. Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maanta maxkamadda lala geeyay. Maxamed Xareed, oo ah xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan. “Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed. Eedeysanaha saddexaad oo isna maanta maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isha. Kiiska isugu jira falka Kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Alle ha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee maanta uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah. Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegay in Mooshinkii dhowaan ay golaha Wakiilada Somaliland u gudbiyeen qaar kamid xildhibaanada golahaasi inuu maanta fashilmay. Mooshinkaasi oo xildhibaanada gudbiyey ay ku rabeen in lagu kordhiyo tirada guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa saaka gebi-ahaanba fashilmay, kadib markii saaka golaha fasax la galiyey. Garyaqaanka golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka shaaciyey in Mooshinkaasi uu jabay, xili uu guddoomiyaha golaha wakiiladu isaguna ku dhawaaqay in goluhu uu gali doono fasax bil iyo dheeraad ah. Saaka ayaa lagu waday in xildhibaanada golaha wakiiladu ay dood ka yeeshan mooshinkaasi ay gudbiyeen 15-mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland. Xildhibaan Gaane oo isagu kamid ahaa xildhibaanada golaha u gudbiyey mooshinkaasi, ayaa todobaadkii hore wuxuu sheegay in mooshinka ay golahaasi u gudbiyeen lagu sameeyay is hortaag, balse ay ku guuleysteen in laga doodo Ciida dabadeed. Isagoona xildhibaanku xusay in caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashadu ay sabab u yihiin dibu dhac ku yimaada doorashooyinka Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Qisadii heestii Yabaal ee Xasan Ganey Qalinkii Cabdi Cawiye Nolosha aduunka Kan aynu ku uumanahay waxa jira marwalba dad aad falkooda iyo foolaadkoodaba aad la yaabayso. Waxaad arkaysaa laba qof oo lamaane ah oo is jecel lkn haddana uu mid ka mid ahi ku kacaayo wax la yaab iyo amakaag ku rida qalbigiisa waana mid inbadan aynu aragno. Waxaad arkeysaa ruux rag ah oo marka uu reerkiisa la joogo giir iska kicinaaya oo ooridiisa xalaasha u ah aan erey kalgacayleh aan odhanayn ilaa hadalada Soomaalidu ku caanka tahay Monyaane. Taas oo kale abwaanku isagoo ka waramaaya sida ay heestu ku baxday wuxuu yidhi ” waxa jira dhacdooyin yaab leh oo bulshada ka dhex dhaca, hasayeeshee dadka dhugta ama dhaadaa ay aad u tiro yar yihiin. Sidaa awgeed, waxaad arkeysaa mararka qasrkood, ruux dumara oo dhigeeda ninka ah aad u jecel ku indho kuulata , oo og inuu isaguna jecel yahay aad iyo aad. Hayeeshee , ficiladiisa ayaa noqda wax ay qaadan kari weydo oo ka yaabiya”. Sida inuu dumar kale iskala kaftamo isagoo aan waxba uga jeedin. Inuu iska khushuucsanaado iyadoo faraxsan Iwm. Arrimahaasi waa qaar aad u dhex yaala bulshadeena Somalida Wuxuuna yidhi sidan Adigaan ku yaadshaa, Ku yaboohiyaa weli, Yuuskana adaa i baray, Yablas-ciille igu riday, Adiguna yaqiintii, Qalbigeenii wada yiil, Yeelahaad u goysee, Xageebuu yabaal, Kaaga yeedhayoo, U yahoonsan tahay, Iga yaabsatee? Adigaan ku yeeshoo, Kuna yeelan waayoo, Adiguna yahuuntii, Yacaygeedii dumisaye, Anna waxaan yaxoobaa, Weli yuururaa meel, Shimbiruhu ka yaaceen, Halkeebuu yabaal, Kaaga yeedhayoo U yahuunsantahay Iga yaabsataye? Qalinkii Cabdi Cawiye +252634115877 Shaywaal12@gmail.com Qaran News
-
Click here Qaran News
-
Magacyada Madaxda Xajka Soo Gudatay Ee Uu Boqorka Sucuudigu Casuumada U Sameeyay Iyo Madaxweyne Biixi Oo Aan Ka Dhex Muuqan Warbaahinta Arab News ee caanka ka ah dalka Sucuudiga ayaa soo bandhigtay magacyada masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Warbaahinta Arab News, ayaa qortay in Boqor Salman uu Isniintii toddobaadkii tagay kulan qaabilaad ah u sameeyay madaxda iyo shakhsiyaadka kale ee caanka ka ah dunida Islaamka ee sannadkan ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka. Arab News, wuxuu soo bandhigay magacyada madaxda ka qayb gashay martiqaadka uu boqorku sameeyay oo ka dhacday qasriga Mina ee magaalada barakaysan ee Maka, waxaanay kala yihiin: 1 Madaxweynaha Yemen Cabd-Rabbu Mansour Hadi Raysalwasaaraha Djibouti Cabdoulkader Kamil Raysalwasaaraha Guinea Dr. Ibrahim Kasuri Fofana Raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Haider Al-Abadi, Shaukat Sudhan, Madaxda xisbiga haya dalka dalka Mauritius oo sidoo kale ah madaxa arrimaha xajka Guddoomiyaha xisbiga Peoples Justice party ee Malaysia Anwar Ibrahim; Raysalwasaare-xigeenk Malaysia Dr. Wan Azizah bint Wan Ismail, oo sidoo kale ah Wasiirka arrimaha haweenka, qoyska iyo horumarinta bulshada ee Malaysia Waxa kale oo madasha joogay guddoomiyayaasha baarlamaanada ee dhawr dal oo Islaam ah. Warbaahinta Arab News, waxa kale oo ay soo bandhigay muuqaalka sawirka ah ee laga qaaday madaxda kulankaas ka qayb gashay, waxaana xusid mudan inaanu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ka dhex muuqan madaxda kulankaas ka qayb gashay, iyadoo ay xusid mudantahay in wargeyska caanka ah ee Al-Sharqal Aawsat uu sannadkii hore daabacay in Madaxweyne-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici uu ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay casuumadaas uu boqor Salman sannadkii hore sameeyay. Madaxweyne Biixi ayaa dhawr muuqaal oo laga soo duubay waxa ka muuqda in hab maamuus wanaagsan ay dawladu Sucuudigu u samaysay, waxase la isweydiinayaa sababta u u uga baaqday casuumada Boqorka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Faratoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta Somalialnd ee soo gudatay waajibaadka Xajka oo uu Geeska Afrika wax ka weydiiyay sababta uu Madaxweyne Biixi uga dhex muuqan waayay madaxda martida u ah Sucuudiga ee uu boqorku casuumay ayaa ka gaabsadya inuu jawaabo. Madaxtooyada Somaliland ayaa hore u sheegtay in Madaxweyne Biixi uu la kulmi doono masuuliyiinta dawladda Sucuudiga marka uu dhammaysto gudashada waajibaadka Xajka. Source:- Geeska Qaran News
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 58, Ogoosto, 17, 2019 ku magacaabay Guddiga ku-meelgaar ka ah ee Doorshooyinka Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland.Markuu arkay: Qodobka 80-aad iyo lifaaqa kowaad firqadiisa koowaad ee Dastuurka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waaya aragnimadooda. XGGW/DPL/85/2019 kuna taariikhaysan Ogoosto 14, 2019, kuna saabsan soo gudbinta xubnaha afarta ah ee golaha Wakiilladu soo sharaxeen. Markuu garawsaday: baahida looqabo in la magacaabo Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland, si loo dar-dargeliyo geeddi socodka nidaamka dimuquraadiyaynta Puntland. Wuxuu Xeeriyey. Wuxuu Magaacay xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dowladda Puntland oo ah sagaalka xubnood ee hoos ku qoran. 1. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq 2. Sahra Jaamac Saalax. 3. Cali Jaamac Faarax. 4. Cabdullaahi faarax Mire. 5. Cabdullaahi Cabdi Ducaalle. 6. Guulleed Saalax Bar.e. 7. Jaamac Xirsi Faarax. 8. Xafso Salaad Maxamed. 9. Cadirisaaq Axmed Siciid. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna Saxiixay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni ayaa u muuqda inuu si lama filaan ah u beddelay siyaasaddiisa ku wajahneyd Somaliland, isaga oo maanta ka hadlay xiisada kala dhaxeysa Somaliland ee ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag. Deni aya ka dhawaajiyey in Somaliland ay xoog ku haysato deegaano ka tirsan Mamulka Puntland, balse waxa uu markii ugu horreysay xusay in dowlada Puntland ay diyaar u tahay inay wada-hadal ka gasho dhulka ka maqan. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu ku baaqay in Somaliland iyaduna ay arrintaasi ka gasho wada-hadal midaasi oo xal u noqon karta dagaaladii labada maamul ku dhex-mari jirey deegaanada goboladaasi. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa wuxuu yiri “Fariinta ugu horaysa waxaan u dirayaa Somaliland, shaatigaaga waa lagugu qabsan karaa, dhulka Puntland ee ay kusoo xadgudubtey, wada-hadal iyo nabad inaan ku dhammayno oo ku gar-naqsadaan baan ugu baaqaynaa”. Hadalka Saciid Deni ayaa u muuqda si-beddel uu ka sameeyey xaaladda uu ku wajahayo Somaliland, isaga oo markii la doortay ballan ku qaaday inuu awood kusoo celinayo dhulka ka maqan, balse hadda ay muuqato inuu soo dabcay. Madaxdii soo martay Puntland ayaa mar walba sheegi jiray in dhulka ka maqan Puntland uusan gelin gorgorton iyo wada-hadal. Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa lobo daggaal ku dhexmaray degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kadib markii ciidamada Somaliland ay qabsadeen magaalada Tukaraq 8 Janaayo 2018kii. Dagaaladaasi waxaa ku geeriyooday boqolaal askari oo labada dhinaca ah, waxaana lagu kala qabsaday askar, Hub iyo gaadiid dagaal. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
SOMALILAND TA QARSOON !!! Darbijiif Waa inamo iyo hablo , waa dad waaweyn iyo dad aad u yaryar , Waxa ay u hoydaan gidaarada iyo dooxyada ( dixda ) , waxa ay quutaan maalinba waxii ay helaan oo waxa ay cunto ka raadsadaan meelo aanad u quudheen qof binu adam ahi in uu cunto ka raadsado , sida meelaha qashin qubka iyo wax aan dhaamin. Duruufaha iyo daranyada haysata dartood ayaa aanad u kala garanayn wiil iyo gabadh midka uu yahay qofka aad arkaysaa , badhkood waxa laayey gaajo , qaar ka mid ahi waxa ay ku dhinteen balwadaha xun-xun ee nolosha darbijiifnimadu bartay , qaar ka mid ah dooxyada iyo laagaha ayaa qaada marka roobku da ‘o oo ay ku dhintaan. Intooda badan ehelkood ma noola oo ma haystaan waalidiin, kuwa waalidka lehi waa qaar uu waalidkoodii ay duruufuhu naafeeyeen oo ay ku dareen Somaliland ta qarsoon ee aan indhuhu qaban , wadaad iyo wabiin, madax iyo shacab cid u hadasha iyo cid arkaysaa aanay jirin, waxaana ay ku nool yihiin magaalo kasta oo dalka ah. Dadka darbijiifka ahi bulshada daryeel iyo diir nax midna Kama helaan oo duruufta haysata iyo nolosha aanay iyagu dooran ee waayuhu baday ayey cay iyo takoor ku mutaystaan, waxaana loogu yeedhaa dibjir iyo xabaglayaal tusaale uu qofwaliba ugu soo qaato ilmihiisu in aanu kuwaasi oo kale noqon ! Waxa ay la daris noqdeen dhaxanta , gaajada , silica iyo darxumada , damqasho way is daayeen oo nolosha dan kama laha , waayo waxa ay arkayeen sidii ay ku baxeen qaybo badan oo iyaga ka mid ahi oo u dhintay duruufaha la dariska ah , waxaana ay isku dhiibeen noloshaa darbijiifnimada ah . Cidii ay fursad u helaan uma damqadaan waayo mabay arag naxariis iyo cid u damqata, iyagaaba isugu daran oo is dila , waxa ay u nool yihiin sida loo kala itaal roon yahay in la isugu amar ku taagleeyo oo loo kala adag yahay waxii la helana loo kala qaataa. Noloshan tirsiga maalmaha iyo bilaha iyo ciidaha iyagu way ka baxeen oo kuma jiraan , waxa ugu wanaagsan ama xasuus ku reebta maalinta uu cunto helo laba goor oo ka mid ah sadexda wakhti ee wax la cuno iyo kartoon ama joonyad uu cadceeda ama dhaxanta ka hoos gallo! Waa dad u dhashay dalkan ay ku nool yihiin oo la xuquuq ah dadka dalka ku nool , dawlad daryeesha iyo cid danaynaysa midna ma arkaan , marka laga reebo ciidamo caydhsada marka ay meelahaa magaalada soo galaan mooyaane, maalmaha qaar waxaa dhacda in qaar ka mid ahi cid dhibaato u geystaan ama olole lagu qaado dhamaantood oo la xidhxidho inta loogu tago goobaha ay ku noolaayeen. Dadka kale iyo iyagu ma kala wanaagsana , mana kala sareeyaan xaga binu adanimada laakiin duruufaha iyo waayaha ayaa is kor mariyey oo ka dhigay dad kala sareeya oo aan war isku hayn hadana dal iyo magaalo kuwada nool iyaga oo ku kala jira Somaliland ta qarsoon iyo Somaliland ta muuqata wax aan u bixiyey oo kala war la’ a . Waa dad iyagu hadii ay dhintaan, hadii ay xanuunsanayaan, hadii ay dhibaatooyin kale haystaan cid og iyo cid dareemaysaa midina aanay jirin waayo ; waa dad aan muuqan ama indhaha laga laliyo , dhacdooyinkani iyo noloshani maaha mid xikmad iyo macno la’aan ku socota ee waa imtixaan lagu eegayo dadka inta kale iyo masuuliyada dawladnimo iyo cid kasta oo iyaga dhaanta. Muhamed Dhimbiil hormood@hotmail.com +252634241005 Twitter @dhimbiil Image Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay in Madaxweyne Muuse Biixi laga reebay masuuliyiinta dunida Islaamka ee ka qayb galay casuumada uu boqorka Sucuudiga Boqor Salman sannadkan u sameeyay madaxda iyo dadka caanka ah ee ka qayb galay gudashadii waajibaadka Xajka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) -War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa loogu hambaliyeyay taageerana loogu muujiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Warqadd kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa hanbaliyo loogu diray Guddoonka iyo labadiisa ku xigeen ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, kuwaas oo hoggaami doona Baarlamaanka cusub ee Jubbaland, kaas oo noqonaya Baarlamaankii labaad ee uu yeesho maamulka Jubbaland. War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Puntland ay aad u soo dhaweyneyso natiijada doorashadii maanta, waxaana amaan loogu jeediyay guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka ee maamulka Jubbaland, sidoo kale Puntland ayaa balan qaaday inay si dhaw ula shaqey doonto Baarlamaanka cusub ee maamulkaas. Taageerada ay Puntland u muujisay Baarlamaanka iyo guddoonadiisa cusub ayaa ku soo aadeysa, iyadoo War-saxaafadeed galabta kasoo baxay Xukuumadda Federaalka gabi ahaanba lagu qaadacay sida ay wax uga socdaan magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda arimaha gudaha federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay shir weyne dib u heshiisiin ah ku qabaneyso magaalada Kismaayo, taas oo wax kama jiraa ka dhigeysa hanaanka lagu soo xulay Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo maanta doortay guddoomiye iyo labadiisa ku xigeen. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Puntland: Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com