Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (SMN) – Inkasta oo doorashadiisa ay kasoo horjeesatay dowladda federaalka, madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyey in uu gogol nabadeed dhigayo Kismaayo. Axmed Maxamed Islaan ayaa tilmaamay in madashaasi lagu xalin doono khilaaf uu sheegay in uu u dhaxeeyo maamulada qaar ee dalka iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Isaga oo sii hadlaya ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in kulankaasi ay kasoo baxaan natiijo wanaagsan oo horusocod ah. Dhinaca kale, Axmed Madoobe oo arrimaha ammaanka soo hadal-qaadey wuxuu ku adkeystay in ay ka go’an tahay xorreynta degaanada ay Al-Shabaab haysato. View the full article
  2. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Weerarka ayaa waxaa la sheegayaa in uu ahaa madaafiic ay is-weedaarsadeen Ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsanaa Al-Shabaab. Illo wareedyo ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in dhinacyaddan ay hoobiyeyaasha isku dhaafsadeen agagaarka xerada Beladoogle ee gobolkaasi. Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aanan la ogayn waxyeeladda dhabta ah ee labada dhinac soo kala gaarey. Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamadda xooga dalka. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Subax-23082019.mp3 View the full article
  4. G/sare Guray Cismaan Saalax Dowladda Puntland ayaa jimcaha saaka ah ku dhawaaqday in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga degmada Badhan G/sare Guray Cismaan Saalax iyo ciidankiisi ay si rasmiya ugu soo wareegeen ciidamada Puntland. Af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo ku sugan magaalada Badhan ee gobolka Sanaag halkaasi oo uu booqasho ku joogo ayaa saaka shaaciyay in taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan uu ku soo wareega dhinaca Puntland “Ugu danbeyn waxaan ku guuleysanay in Taliyihii Ciidamada Somaliland ee aaga Badhan Gurey Cismaan Saalax iyo dhammaan Ciidankiisii ay kusoo wareegaan Dowladda Puntland” ayuu yiri Dabaraani oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook. Sidoo kale Af-hayeenka ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo uu sheegay in ay dadaal ku bixiyeen soo wareegidda taliyaha iyo ciidankiiisa. “Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni dadaalkii uu ku bixiyey arrintan, sidoo kale dhammaaan Masuuliyiintii dowladda ee ka qeyb qaadatay arrintan sida Guddoomiyaha Gobolka Cali Xuseen, xildhibaanada Baarlamaanka iyo Guurti Cabdullaahi Cabdi Ibraahim, ayaan u mahadcelinaya” ayuu sii raaciyay qoraalka. PUNTLAND POST The post Taliyihii ciidanka Somaliland ee aaga Badhan iyo ciidankiisi oo ku biiray dhanka Puntland appeared first on Puntland Post.
  5. Tan iyo intuu xukunka qabtay mudane Abiy Axmed, waxaa muuqday isu soo dhawaansho labada dowladood ah. Waxaa abuurmay jawi Isfahan oo u muuqday mid ku dhisan is qaddarin iyo sinnaan. Waxaa billowday wadahadallo ku saabsan midaynta dhaqaalaha iyo fududaynta isu socodka dadka. Waxay guda galeen dhisidda isbahaysi saddex geesood ah oo labadaan dal iyo Eritareeya ku midaysan yihiin. Waxaan oo dhan waxay ku dhaceen muddo aad u yar marki la eego dhibkii dhex yaallay labada dal iyo dadkooda. Itoobiya oo dhul Soomaaliyeed gumesyata, ciidankeedu dal weynaha Soomaaliya dhex mushaaxayo, sanado badan oo ihaano iyo xukun dadban ah ku haysay dadka Soomaaliyeed ilaa imminkanna aan dalka ka dhammaan, inay darajada 360 kala wareegto una muuqato mid doonayso wada noolaansho ku dhisan isqaddarin iyo ixtiriaam waxay noqotay mid dadka Soomaaliyeed gali wayday. Waxaa dhashay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedkeeda, waxa baddalay iyo waxa ay dowladda Soomaaliya u ogolaatay ama ku baddalatay wada shaqayntaan. Waxaa la tabiyay khiyaanooyin qarsoon oo ay ku kaceen madaxda qaranka. Arrimahaan waxay sii murgeen markii la arkay ciidamada Itoobiya oo u muuqda kuwo ku shaqaynayaa amarka dowladda Soomaaliya. Haddaba ma Itoobiya ayaa daahirtay, mise madaxda Soomaaliya ayaa khiyaamooyin gashay mise arrimo kale oo aan ka hurdno dowlad ahaan iyo shacab ahaan ayaa jiro? Waxaan isku dayi inaan si kooban su’aalahaan ooga iraahdo waxa ii muuqdo. Horta Itoobiya ma daahirin sababtoo ah wax daahiriyo ma dhicin. Ujeedooyinkeedi ma aysan gaarin. Dagaal loogama adkaan, dabac dan badan oo uugu jirto ma muuqato, inta kala qoqobka ay ku gaari karto kuma heli karto Soomaaliya oo hal dowlad leh. Sidaa awgeed wax calaamad ah oo tilmaamayo in Itoobiya ka kortay ficilladeedi xumaa ma jirto. Sidoo kale ma qabo in madaxda Soomaaliya ay khiyaano qarsoon galeen. Ma filayo inuu jiro heshiish ku dhaxeeyo Abiy iyo Farmaajo oo ku saabsan wax isdhaafsi Soomaaliya hodayo. Farmaajo waa madaxweynaha ugu badnaa ee isticmaalo erayada “qab”, “karaamo”, “sharaf” iyo “madaxbannaani”. Isagoo intaan u arka aasaaska qarannimo iyo midda dadnimo ilaa haddana aysan jirin wax calaamad ah oo uu muujinayo inuu madaxda dalalka kale u hogto, ma jirto wax sabab ah oo aan ugu tuhunno inuu gabi-dhacleeyey ama Abiy jeebka u galay. Waxaa soo haray waa inay jiraan arrimo kale oo keenay isbaddalkaan. Sanad ka hor ayaan idinla wadaagay arrimaha keenay isbaddalka Itoobiya ee lifaaqaan ku noqo. https://ibrahim-shire.blogspot.com/2018/06/maxaa-sabab-u-ah-isbaddalka-ka-socdo.html. Hadda waxaan si gooni u eegaynaa isbaddalka ku saabsan siyaasaddooda Soomaaliya oo kaliya. Labo arrimood ayaa gun dhig u ah. Midda hore waa in Itoobiya ay tahay dal ilbax ah, gumeyste guun ah xifrad iyo khibrad dheerna u leh gaaridda danaheeda. Abiy Axmed wuxuu ka mid ahaa sirdoonka dalkaas. Wuxuu si aad ah ula socday wixii Soomaaliya ka socday, sawirki Soomaalidu Itoobiya ka qaadatay, neceybki loo qaaday iyo sida loogu baraarugay qatalkeeda iyo hoogga ay Soomaaliya la rabto. Wuxuu la socday sidii loo soo dhaweeyay isbaddaalki Febaraayo iyo in sababta ugu muhiimsan ee loo doortay inay ahayd Itoobiya naceyb. Waxaa u muuqatay in siyaasaddi Tigreegu aysan ka shaqaynayn danaha fog ee Itoobiya. Sida kaliya ee wax lagu sixi karo inay tahay isbaddal dhab u muuqda oo lagu sameeyo arrimaha Soomaaliya quseeya ayaa usoo baxay Abiy. Wuxuu arkayaa inn la qaado tallaaboyin dadka illowsiiyo soddonki sano ee ihaanada iyo xasuuqa ahaa ee Itooboya nagu haysay, in cadaawadda loo baddalo jeceyl ama ugu yaraan saaxiibtinnimo. Marki isbaddal aadan wax ka qaban karin uu ka dhaco dal aad saamayn ku lahayd inaadan baddalin siyaasadda dalkaas qusaysa waa ilbaxnimo la’aan Itoobiyana maahan dal sidaas u hurdo. Midda labaad waa in Abiy iyo tolkiis xukunku uu ku cusub yahay. Waxay ku jiraan dadaal ah inay adkeeyaan seeska maamulkooda, inay gacantooda soo wada galiyaan awoodda waaxaha kala duwan ee dalkooda, inay xaqiijiyaa in la aasay maamulki hore dibna uusan usoo noqonayn. Iyada ay howsha sidaan u dhib badan gudaha dalka u taal, raggii faragalinta Soomaaliya majaraha u hayayna ay yihiin kuwa uu rabo inuu xiddada u siibo ma dhici karto inuu sii isticmaalo isla siyaasaddi hore. Waayo waxaa sahlan in laga xarig furto waxna uu ka qaban waayo oo indhihiisa oo shan ah Soomaliya ka danaysato. Sidaas darteed wuxuu u baahan yahay dhowr sano oo is dhabbarin ah. Siyaasadda noocaan Abiy uma horreeyo. Meles Itoobiya waxaa uu qabsaday 1991’di. Afarti sano ee u horraysay wax tallaabbo ah ma uusan qaadin. Itixaad hubaysan oo dagaal kula jiray ayaa Godey iyo meelo kale daggaana isha ayuuna ka daawanayay. ONLF meel walba ayay hubkeeda ku haysatay. Soomaaliya warkeedaba daa oo xataa salaa uma uusan diri jirin. Waayadaan, sida hadda Abiy loo ammaano, ayaa Males loo ammaani jiray. Itoobiya cusub ayaa timid, saaxiib dhow ayaan yeelannay iyo wiil hoog ayaa Geeska Afrika u kacay baa ka mid ahaa hal-ku-dhiyadii waqtigaas caan baxay. Waxaa xigay, inuu markii u xaqiiqsaday inuu sugan yahay salka xukunkiisa, dagaal ku ekeeyay meel walba oo Soomaali lagu arko, intaas wixii ka danbeeyay waa sheeko shaahid loo ahaa. Sidii Males ayuu Abiy maaggan yahay. Ugu yaraan wuxuu doonayaa in aysan gacantiisa Soomaaliya ka bixin inta uu ka xoogaysanayo. Taasna ma gaari karo isagoo isticmaalayo awood, kala qaybin iyo arbushaad. Waxaa laga yaabaa in markaad akhriso qoraalkaan aad is dhahdo dowladdu may xargaha u goyso inta Itoobiya wareerka ku jirto. Maya sidaas maaha. Ha illaawin innaguba inaan intaas kasii wareer badannahay. Inaan wali meeshii hore waxyar un ka sokoyno, in maamullada qaar ay wali ka arrimiyaan kuwii ay iyadu keentay, in qaar badan oo ka mid ah golaha labad aqal ilaa hadda yihiin mushaari Itoobiyaan ah, in sirdoonkeedi wali shaqeeyo meelo badanna lugta kula jiro. Dowladda waxaa la gudboon inay iyaduna isticmaasho miskiin seeflaynta Abiy oo kale. Dhinac waa in walaaltinnimo iyo saaxiibtinnimo la tusaa, lala jilaa qorshaha midaynta dhaqaalaha mustaqbalka iyo wadaagga xuddoodo furan, lala yeeshaa iskaashi meelaha aan lagu kala maarmin laakiin dhinaca kale hoos laga wadaa sidii looga dhammaan lahaa, sidii loo heli lahaa ciidan qaran oo aan qabiil iyo shaqsiyaad gaar ah ka amar qaadan, ciidan la yaqaan oo rasmi ahaan, leh tayo iyo tacliin iyo hoggaan nadiif ah oo aan Tigree soo marin. Marki Abiy soo jeesto waa inuu arkaa Soomaaliya ka duwan middii hore. Soomaaliya hal wasiir arrimo debadeed leh. Soomaaliya ciidankeedu hal xarun looga arrimiyo isaguna iillin uu kasoo galo aan lahayn. Meelo badan marki laga eego waxaad mooddaa ilaa xad inay dowladdaan siyaasaddaas aan soo sharxay cayaarayso, ilaa xadna meelo badan ay guulo ka keentay. Hasa yeeshee waxaa hoosayn ah, inkastoo aanan hubin iyadu dalabka leedahay, isticmaalka ciidanka Xabashida dalka dhexdiisa. Waa arrin u xun qarannimada Soomaaliya, qiimaha madaxda iyo gaaridda ujeedka fog iyo soo celinta sharafti dalkeenna. Isticmaalka ciidanka Xabashidu wuxuu furi daldaloollo ay adkaan doonto in la awdo, inay bartaan shaqsiyaad cusub iyo saraakiil ciidamadeenna ka mid ah, inay helaan xariirro hor leh iyo siraha dowladda cusub ee doonayso inay dalkaan sharafkiisi dib usoo celiso. Warki oo kooban, Itoobiya waa un iyadi laakiin waqtigaan duruufo iyo dano jiro awgood is yara baddashay. Innaga waxaa nala gudboon inaan ka faaiidaysanno isbaddalkaan innagoo feejigan il soo jeedana isaga eegayno hagardaamada la socoto dabeeca Itoobiya. W/Q: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  6. There's no such thing as the perfect marriage, simply because, there's no such thing. Sadly, a lot of marriages fail due to infidelities, falling out of love or just not getting along with your spouse. Source: Hiiraan Online
  7. (CNN)The partnership of Saudi Arabia and the United Arab Emirates is the closest anywhere in the Middle East. It goes back decades, fashioned by antipathy towards Iran and support for Sunni causes across the Muslim world. Source: Hiiraan Online
  8. MOGADISHU (HOL) - World renowned basketball champion and president of the 2019 NBA Champions Toronto Raptors Masai Ujiri alongside some of the finest coaches landed in Mogadishu Thursday to lead a girls’ basketball training session. Source: Hiiraan Online
  9. Hargeysa (Caasimada Online) ―Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay bogaadisay guusha ay dowladda Kenya ka gaartay kursigii Qaramada Midoobe, kadib codeyn shalay uu qaaday ururka Midowga Afrika oo ka dhacday xaruntiisa magaalada Addis-Ababa. Dowladda Kenya ayaa waxa ay kaga adkaatay kursigan dowlada Jabuuti oo ay ku loolameen, iyada oo heshay 37-cod, halka Jabuuti ay ka heshay 13-cod. Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya. Hadaba, Wakiilka Somaliland ee Kenya, Baashe Cawil ayaa guusha Kenya ay ka gaartay loolankaasi adag ee ay kula jirtay Jabuuti ugu hambalyeey. Baashe Cawil ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuu ku yiri “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council ka”. Guushan Kenya ayaa dhabar-jab weyn ku ah Soomaaliya, iyada oo Kenya ay kursigan uga faa’iideysan karto inay abaabusho olole ka dhan ah Soomaaliya, si kiiska maxkamadda ee badda looga laabto, iyada oo taageero ka helaysa dalalka xubnaha ka ah golaha ammaanka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  10. LOS ANGELES (AP) — The relationship between a Japanese woman and a U.S. Army captain stationed in Syria started online, through an international social network for digital pen pals. It grew into an internet romance over 10 months of daily emails. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay doorashada madaxweynaha Jubbaland ee maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo. Yusuf Garaad ayaa si dadban u sheegay in baaqyada ka soo baxaya beesha caalamka ee ku aadan doorashada Jubbaland ay yihiin kuwo dabada ka riixeyso DF Somalia, isla markaana ugu awood sheeganayso doorashada ay raalida ka aheyn ee maanta ka qabsoomeysa Kismaayo. Yuusuf ayaa sidoo kale waxa uu su’aal galiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay iyadu iska hagratay ka qeyb-galida doorashadaasi oo aysan goob joog ka noqon karin. Hoose ka aqriso qoraal uu arrintaasi kaga hadlayo oo uu bartiisa Facebook soo dhigay: “Doorashada Jubaland ee Kismaayo ka socota, Xukuumadda Federaalka ee Somalia lagama talo gelin. Raalli kama aha mana joojin karto. Xataa waxba kama beddeli karto, goob joogna kama noqon karto. Ajnabiga nagu milan kuma faraxsani, raallina kama ihi. Waxaanse ogahay in ajnabi kaalin yeesho marka Soomaali is haysaa ay cudud bidaan. Ajnabi waxa uu muhiim noqdaa marka Soomaali is haysa uu midkood cudud ka dhigto quwad shisheeye, oo danteeda ilaashaneysa, asaga oo dabcan wax uga beddelanaya. Midka kalena uu helo dal, isaga oo dantiisa ilaashanaya, diyaar u ah in uu ka daafaco dhinaca ay is hayaan. Taas oo wiiqeysa Qarannimada Soomaaliya. Markaa iigu kaadi ajnebiga oo ragaadka nagu fogeyn kara laakiin aan na muquunin kari doonin. Marka aad si deggan u qiimeyso sida ay Dowladdu ula dhaqantay Dowlad Goboleed kasta oo ay gacanteedu gaarto, ma jirtaa cid ay eersan karto mise iyadaa kobtatadan is dhigtay?”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Hargeysa (Caasimada Online) ― Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxa shalay ilaa xalay ka socday mudaharaado lagaga soo horjeeday Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Dibad-baxayaashan ayaa ka dhashay kadib markii shacabku ka caroodeen dil saddex habeen ka hore ay Ciidamada Somaliland u geysteen labo ruux oo shacab ah, kuna noola magaaladaasi. Sida ay Caasimada Online ogaatay meydadka dadkii dilka u geysteen ciidamada Somaliland ayaa weli la aasin, taasi oo qoysaskoodi ku dalbanayaan in cadaalada la hor-geeyo askartii dishay marxuumintaasi. Mudaharaadkan magaalada Laascaanood ka socday 48-saac ee u dambeeyay ayaa waxay ciidamadu ku dhaawaceen 4-ruux, kadib markii ay isku dayeen inay rasaas ku kala eryaan dadkii mudahaaradayey. Dhawaan unbey aheyd markii ciidamada Somaliland ay gudaha magaalada Laascaanood ay ka bilaabeen olole gudaha magaalada lagaga qab-qabanayo dadka hubka sharci darada ah ku dhex sita magaaladaasi, taasi oo la aaminsanyahay in howl-galkaasi ay ciidamadu ku dileen dadkaasi shacabka ah. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  13. Kismaayo (Caasimada Onilne) – Saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa go’aan adag ka qaatay odayaashii dhowaan ay cafiska u fidisay Al-Shabaab, waxaana ay u diideen inay dib ugu soo laabtaan deegaanada maamulkaasi. Illaa 24 oday ayaa la sheegay in haatan ay ku xayiran yihiin duleedka magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo. Maamulka magaalada ayaa la sheegay inuu odayaashaasi u diiday in ay soo galaan Beledxaawo, kadib markii ay la soo kulmeen Al-Shabaab. Diiriye Salaad Raagow oo ka mid ah ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in ammaankooda dartiis ay u aadeen deegaanada Al-Shabaab, balse loo diiday in ay ku soo laabtaan guryahooda. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday madaxda Jubbaland iyo kuwa dowladda dhexe in ay soo farageliyaan arrintaasi. 15-kii bishii hore ee July ayey aheyd markii Al-Shabaab ay soo saareen bayaan ka dhan ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Soomaaliya, waxaana markaasi kadib deegaanadooda tegay odayaal badan oo iska soo iska diiwaangeliyey halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  14. Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa suuqa siyaasadda iyo goobaha lagu rogrogo siyaasada Puntland Waxaa aad loogu hadal hayey dagaalo siyaasadeed iyo kuwo joogto ah oo ay madaxtooyada Puntland ku haysay xafiiska Gudoonka Baarlamaanka Puntland, hadaba maxay tahay sababta keentay in Gudoomiyaha golaha Wakiilada lagu soo qaado weerar siyaasadeed? Tan iyo Markii Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland loo doortay Mudane, Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo) waxaa si wayn u muuqatay in golaha Wakiilada Puntland ay gudanayaan waajibaadkooda tastuuriga ah islamarkaasna waxaa meesha ka baxday isku dhexmilnaantii madaxtooyada iyo Baarlamaanka waxaana muuqatay in golaha Baarlamaanku uu Kal-fadhigii 44-aad ee dhawaan soo xirmay uu la yimid ajandeyaal cadcad oo uu kula xisaabtamayo hay’adaha dawlada gaar ahaana golaha wasiirada iyo Garsoorka. Baarlamaanka ayaa Kalfadhigoodii ugu dambeeyey kaga dooday ajendayaal kaladuwan oo quseeya isla xisaabtanka Golaha wasiirada gaar ahaana habka maamulka Maaliyada waxaana goluhu uu gudi u saaray Maaliyada iyo dhaqaalaha Puntland gudigaas oo golaha horkeenay warbixin ku saabsan xaalada dhaqaale ee Puntland, sidookalena isla xisaabtan dheer kadib waxaa golaha wakiiladu isku raacay in aan la meelmarin xisaabxirkii Maaliyada ee sanadkii hore. Dhanka kale waxaa Gudoonka Cabdixakiim Dhoobo uu ku guulaystay inuu wax ka badalo gudiyadii baarlamaanka Puntland oo awal ahaa magac-uyaal iska dhisan balse aanan shaqo qaban islamarkaasna qaarkood mudo dheer iska jireen, taasi waxay keentay in ajendayasha Golaha Wakiiladu ay noqdaan kuwo la dardargeliyo islamarkaasna waxaa goluhu uu si wayn uga dooday difaaca gobolada maqan ee Puntland, tayeynta hay’adaha Garsoorka, hormarinta nidaamka maaliyada, la dagaalanka Musuqmaasuqa, hormarinta waxbarashada iyo tayeynta caafimaadka. Dhamaan arimahaas ayaa golaha wakiilada Puntland ee imika jira ka dhigay mid aanan fadhiid ahayn islamarkaasna aanan madaxtooyada looga soo yeerin habka maamulka golaha sidii horey u dhici jirtay waxaana ay taasi kaliftay in Madaxweynaha Puntland iyo raga ugu dhow dhanka taladu ay dhibsadaan shaqada Baarlmaanka ayna abaabulaan Mooshino iyo Dacaayado ka dhan ah hogaanka golaha Wakiilada. W/Q: Sheekh Caano Geel xadeedxaysimo@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa warbaahinta qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo ka ganacsiga hantida qaranka. Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in madaxda warbaahinta Qaranka ay lacago laaluush ah weydiistaan guddiga Doorashooyinka marka ay codsadaan in wararkooda lagu baahiyo warbaahinta Qaranka sida SNTV iyo Radio Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegtay Kulanka oo looga hadlayay “Siyaasadda loo dhan yahay” ee arbacadii, oo ay ka qeyb galayeen inta badan Golaha Wasiirrada, waxa ayna raacisay dhowr jeer la joojiyay wararkooda maadaama aysan lacag u waayeen. Xaliimo Yareey oo arrintaan ku dheeraatay ayaa dowladda Soomaaliya ka codsatay in si degdeg ah wax looga qabto, lalana xisaabtamo madaxda wasaaradda oo ay sheegtay in ay warbaahinta Qaranka u bedeleen sidii shirkad gaar loo leeyahay. Warbaahinta Qaranka ayaa baahinta wararka munaasabadaha dowladda ka qaata lacago u dhaxeeya $150 ilaa $300 (Boqol iyo konton doolar ilaasaddex boqol oo doollar), halka baahinta tooska ah ee munaasabadaha (Live)-ka ay ka qaataan $2,000 – $3,000 (laba kun ilaa saddex kun oo Doollar). Madaxweyne Farmaajo oo aad u daneeya warbaahinta ayaan ku qanasaneyn sida ay u shaqeyso Warbaahinta Qaranka iyo hoos u dhaca ku yimid, isaga oo markii la doortay ka joojiyay xayeysiiska ganacsiga oo ay madaxda wasaaraddu lacaga badan ka sameyn jireen, balse taa bedelkeeda ay ku bedaleen iibinta wararka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi waxaa caawa gilgiley isusoo bax lagu taageerayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta mar kale loo doortay hogaaminta Shacabka [...] Source
  17. Gudoomiyaha Degmada Gariza Ali Korone ayaa Hambalyo wuxuu u diray Madaxweyne Axmed Madoobe guusha uu ka gaaray Doorashada Jubbaland. Korane wuxuu yiri “ Anigoo ku [...] Source
  18. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Bar___-Qumanaha-___-Wararka-22082019.mp3 View the full article
  19. Fahad Yasin will now be the substantive head of the intelligence agency NISA following a major shakeup in the security sector Thursday that saw army chief Dahir Adan Elmi relieved of his duties a year into the job. Source: Hiiraan Online
  20. MOGADISHU (HOL) - Former MP Omar Mohamud Mohamed Filish has been appointed as the new mayor of Mogadishu and Banaadir Regional Governor to replace immediate former office holder Abdirahman Omar Osman Yarisow who died early this month following a terror attack in his office. Source: Hiiraan Online
  21. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa waafaqday xukunkii maxkamaddaha derejada 1aad iyo rafcaanka ee gobolka Nugaal ay ku rideen saddex eedaysane oo loo haystey kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan. Kiiskaan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa ugu dambayn maxkamadda sare ee Puntland shaacisay inay waafaqday go’aamada maxkamadihii ka horeeyey ayna xukun dil ah ku riddey saddexda nin ee kala ahaa. 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame Haddaba qaab noocee ah ayey u dhacday dooddii ugu dambaysay ee dhex martay qareenada u doodaya raggaan iyo xeer ilaalinta Puntland, go’aamadii ka soo baxay maxkamadda iyo codsiyadii ay gudbisteen ragga la xukumay. DAAWO Kiiskaan oo horay loogu soo qabtay 10 eedaysane ayaa waxaa horay looga sii daayey kadib markii lagu waayey wax dambi ah oo la xiriira kufsigii iyo dilkii Caasha Ilyaas. PUNTLANDPOST The post Qaab noocee ah ayuu u dhacay xukunkii Caasha Ilyaas iyo codsiyadii xukumanayaasha. appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa fahamsaneen sababta xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya uga qayb galeen doorashada garab kamid ah xoogaga isku haaya hogaanka maamulka Jubaland ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. Xildhibaanada doorashada ka qaybgalay marka 1-aad waa mucaarad xasanaad leh oo faa’idooyin badan u arka cid kasta oo ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyagoo ka eegaya danaha gaarka ah ee xisbiyada markii la gaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/21-ka. Marka 2-aadna waxay wakiilo ka yihiin laba xisbi siyaasadeed oo hami wayn ka qaba in ay wacdaro ka dhigaan Soomaaliya waqtiga kala-guurka ah maadaama Jubaland ay kamid tahay maamulada saameynta culus ku leh doorashada Soomaaliya sanadka 2020/21. Waxay ka kala socdaan xisbiyada ay kala hogaamiyaan madaxweynayaasha Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, waxaana xildhibaanada gaaray Kismaayo ee 2-da gole ay xaqiijisay Caasimada Online in ay ka tirsan 2-daas xisbi siyaasadeed halka qaar kalane ay yihiin xildhibaano degaanka laga soo doortay oo doonaya in ay kursigooda ku soo laabtaan doorashada soo socoto ee Soomaaliya. Tusaale xildhibaan Axmed Macalim Fiqi, waa xoghayaha xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid uu yahay xubnaha ugu sarreeya xisbiga Himilo Qaran iyo aas-aasayaasha xisbigaasi. Waxay 2-da xisbi heestaan balanqaadyo ah in ay taageero wayn ka heli doonaan Jubaland markii lagaaro doorashada Soomaaliya halka xildhibaanada kale ay doonayaan in ay difaacdaan kursigooda waqtiga kala-guurka ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  23. Wasaarada Arimaha Gudaha oo ah tan Puntland ugu muhiimsan, dhawaana lagu soo daray Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta way socon weyday, welina la isma weydiin sababaha ay [...] Source
  24. Shabakada Somali Elections aya soo saartay doorasho nooca online ka taasoo lagu aruurinayo aragtida shacabka Soomaaliyeed. Waxaa lagu wadaa in ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya dabayaaqada sanadka 2020 ama horraanta sanadka 2021. Shabakada Somali Elections aya loo soo sameeyay xog uruurin si loo ogaado musharaxa ugu shaqsiyadda badan oo ay rabaan in shacabka in uu noqdo hoggaanka doorashada soo socota. Usbuucii hore ayaa shabakada waxa ay cod online ah u qaaday shacabka Jubbaland waxaana ku guuleystay 63% codadka ay qaaday Somali Elections Musharax Axmed Madoobe oo helay 63%. Doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo aya xildhibaanada Jubbaland aya waxa musharax Axmed Madoobe uu helay 73% codadka doorashada xubnaha baarlabaanka Jubbaland. Haddaba shabakada Somali Elections ayaa usbuucan waxa ay cod u qaadeysaa afar ka mid ah musharaxiinta lagu wado in ay u tartamaan kursiga Madaxweynaha doorashada soo socoto. Haddaba codkaada halkan ka dhiibo (Riix oo Codee)