-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Burundi ayaa ku balansan garoonka Asmara ee wadanka Eretrie,iyagoo wada dheelaya kulamadoodii 2-aad ee tartanka xulalka da’yarta bariga iyo bartamaha Afrika 2019 oo sanadkan ku qabsoomaya magaalada Asmara. Xulka 15 Jirada dalkeena ayaa kulankii 1-aad la dheelay dhigooda Kenya waxayna ciyaartaas aheyd furitaanka tartanka xulalka 15-Jirada ee markii ugu horeesay ay qabtaan xiriirka kubbadda cagta Bariga iyo Bartamaha qaarada Afrika,balse xidigaha dhallinyarada dalkeena ay guul daro 3-1 kasoo gaartay dhigooda Kenya. Da’yarta 15 Jirada Burundi kulankii 1-aad iyagana waxa ay 2-1 kaga adkaadeen dhiigooda Eretrie oo sanadkan ah martigeliyaasha ciyaaraha da’yarada bariga iyo bartamaha Africa ee (Cecafa Under 15 2019). “Diyaar ayaan u nahay in aan la ciyaarno dhigeena Burundi waxaa qaadanay tababaro kala gedisan,si aan xoogo u saarno in aan kulanka helno natiijo saraysa guul iyo guuldaraba shacabka Soomaaliyeed waxaana ka codsanaynaan in nala taageero” sidaas waxaa Goobjoog Sports ugu waramay Anas Axmed Maxamuud oo ah kabtan xulka da’yarta Soomaaliya. 17-April 2018 Xulalka Soomaliya & Burundi oo magaalada Bujanbuura ee dalka Burundi kuwada dheelay tartanka 17Jirada bariga iyo bartamaha Afrika 2018 waxa ay labada dhinaca ku heshiyeen natiijo barbaro ah. Kulamada Kale Ee Kusoo Wajahan Xulka Somalia vs sudan (Khamiis) -22-08-2019 Somali vs Eritrea (Sabti) -24-08-2019 Ogeysiiska Kulanka Tartanka-Cecaf Under 15 2019 Dalalka-Somalia VS Burundi Tariikhda-18-08- 2019 Maalinta-Axad Sacaada Kulanka-4:30pm Garoonka-Asmara Satdium Source: goobjoog.com
-
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa saacadihii ugu dambeeyey howlgallo lagu soo qaqabtay dad lala xiriirinayo Alshababa waxa ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug. Howlgalkaan ay ciidanku ka sameeyeen deegaanka Camaara oo qiyaastii 85-KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan degmada Xaradheere ayaa waxa uu ahaa mid qorshaysan oo lagu qabtay ilaa 3 nin oo la shaqayn jirey Alshabaab. Sheekh Yuusuf Salaad oo ah guddoomiyaha deegaanka Camaara ayaa warbaahinta Dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad xiriir la lahaa Al-Shabaab. Baaritaanadaan ayaa ku soo beegmaya xilli ciidamada xooga Soomaaliya gaar ahaan taliska qaybta 21aad ay dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan deegaamo katirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud. The post Ciidanka DANAB oo howlgallo dad lagu qaqabtay kawada gobolka Mudug. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Baadiyow) oo la hadlay warbaahinta ayaa ku gacan seeray baaqii odayaasha dhaqanka dhaqanka beelaha Habargidir ee ku aadanaa in dib loo dhigo shirkaasi. Baadiyow ayaa sheegay in fursad hore ay siiyeen beelaha Habargidir, islamarkaana ay qabsadeen illaa 15-ka bishan, waqtigiina uu dhammaanday. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in shirka uu yahay mid ay ka qeyb galayaan ururada bulshada rayidka ah, islamarkaana uusan markale. dib u dhici karin, sida uu hadalka u dhigay. Shirkan oo labo jeer dib u dhacay ayaa waxaa markii ugu dambeysay la filayey inuu furmo Sabtidiid la soo dhaafay, balse ma dhicin. Weli waxaa jira tabasho ka imaaneyso beelah qaar oo ka biyo diidan qabsoomida shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/08/cod-2-gudiga-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka ah ayaa casuumaad u dirtay kuwa dowladaha xubnaha ka ah, ujeedka ayaa lagu sheegay shir wasiirrada warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo xubnaha ka ah ay uga tashan-doonaan arrimaha warfaafinta. Shirkan oo maanta furmaya ayaa ilo xog-ogaal ah waxaa ay Goobjoog News u sheegeen in lagu ansixin doono Istaraatiijiyadda wacyigelinta qaranka oo horay loo qoray, qeybna ka ahaayeen hey’ado badan. Ujenadayaasha kale oo looga hadlayo waxaa ka mid ah: 1. In laga midoobo istaraatiijiyadda guud ee dib u xureynta 2. In dowladda federaalka ah lagala shaqeeyo arrimaha loogu yeero la-dagaalanka argigixisada 3. In siyaasad laga dejiyo copyright 4. Horumarka warbaabhinta qaranka 5. In la sameeyo barnaamijyo mideysan 6. In laga tashto anshaxa saxaafadda Waxaa shirka ka qeyb galaya wasaaradaha warfaafinta ee dowladda federaalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah, waxaa kale oo lagu casuumay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda federaalka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ciidamada DF ayaa maanta waxaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ay billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo ay ka mid yihiin; degmada Awdheegle iyo Tooratooroow, kuwaaoo dhawaan ay ciidamadu la wareegeen. Saraakiisha hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay inay ku wajahan yihiin deegaanno kale oo ka tirsan gobolkaas, waxaana dad ku sugan deegaanka Tooratoorow ay sheegeen in saakay ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh. Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay hawlg-allo ka fulinayaan Tooratooroow iyo tuulooyinka ku dhaw-dhaw si ay ula wareegaan goobahaas oo ay hadda ka taliso Al-shabaab. “Ciidamada Dowladdu waxay wadaan hawlgallo ay ku doonayana inay kula wareegaan deegaanno dhawr ah oo ka tirsan Shabeellada Hoose, waana tallaabo ka dhan ah Al-shabaab oo dhibaatooyin kawada gobolkaan,” ayuu yiri Ibraahim Najax. Sidoo kale, Ciidamada Dowladda Somalia gaar ahaan kuwa DANAB ayaa la sheegay inay isku ballaariyeen dhul baaxad leh, waxaaa hawlgalkan uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan ay ciidamadu dagaallo adag kula galeen Al-shabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose. Ugu dmabeyn, Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in badi dadka ku nool degmada Aw-dheegle ay bilaabeen inay halkaas isaga barakacaan, iyagoo ka cabsi qaba in dushooda ay ku wada dagaalamaan Ciidamada DF iyo xoogagga Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Ciidamada Dowladda Somalia oo Hawl-galo ka wada Gobolka Shabeellada Hoose appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Wakiilka QM ee Somalia, James Swan ayaa ka dalbaday Guddiga doorashada Jubbaland in ay fuliyaan dhammaan qodobadii ay ka dalbadeen beesha caalamka taasoo aan la fulin qaar ka mid ah qodobadaas. Warqad uu u direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland, Xamza Cabdi Barre ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa ugu horeyntii loogaga mahadceliyay guddiga go’aanka ay saddex maalmood dib ugu dhigaan doorashada madaxweynaha. James Swan ayaa warqaddiisa ugu sheegay Xamza in isbeddelada guddiisa ay sameeyeen aysan weli buuxin tallaabooyinkii beesha caalamka ay codsatay in la qaado, si loogu kalsoonaado hannaanka doorashada Jubaland. “Warqadeennii 08-da August ee aan kuu soo diray aniga oo wakiil ka ah saaxiibada Somalia ee caalamka, waxaan ku adkeynay muhiimadda hanaan doorashada oo cad, la isku raacsan yahay, la isku haleyn karo , isla markaana heli kara taageerada dadka Jubaland oo dhan, horseedi karana midnimada bulshada Jubaland.” ayuu ku qoray James Swan qoraalkii uu u direy guddoomiyaha doorashada Jubbaland Xamza. Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ku sheegaey Qoraalkiisa in haddii aan la qaadan tallaabooyinka ay codsatay beesha caalamka aysan taageeri doonin natiijada hanaanka doorashada Jubaland. “Guddiga doorashada haddii uusan wax laga qaban walaacyada muhiimka ah ee ay qabaan dhinacyada ay quseyso arrintan, waxaa jirta halis ah in natiijada hanaanka doorashada uusan heli doonin taageerada buuxda ee lagama maarmaanka u ah in la joogteeyo xasiloonida iyo nabadda Jubbaland,” ayuu sii raaciyay James Swan. Ugu dambeyn, Qoraalkan loo direy guddoomiyaha guddiga doorashada Jubbaland ayaan lagu xusin mowqifka ay beesha caalamka ka qabaan doorashooyinkii soo kala horjeeday ee maanta lagu doortay labo guddoomiye baarlamaan oo maamulka Jubbaland ah. PUNTLAND POST The post Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia oo ka hadlay Doorashada ka socota Jubbaland appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa la sheegayaa in saaka hawlgal qorshaysan ay ka wadaan deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu qabtay dad la shaqaynayey Al-shabaab. Saaka waaberigii ayay deegaankaasi galeen ciidamadan oo beegsanayey bartilmaameedyo gaar ah, waxaana ay qabteen sadex nin oo la shaqaynayey Al-shabaab. Hawlgalka oo wali socda ayay ciidamadu ku baarayaan xaafado ka tirsan deegaanka Camaara oo 85-km woqooyi galbeed ka xigta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Gudoomiyaha deegaanka Camaara Sh Yuusuf Salaad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in hawlgalka weli uu ka socdo deegaanka laguna soo qabtay shaqsiyaad basaas u ahaa xagjirka iyo kuwa ka tirsanaa. Qaybta 21-aad ee xoogga dalka oo dhawaan lagu sameeyey isbadal xagga hogaanka ah ayaa qaybo ka mid ah Mudug iyo Galgaduud ka wado hawlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa warbixin dheer ka qoray arrimaha Jubbaland, gaar ahaan doorashada madaxweynaha maamulkaasi oo dhaceysa Khamiista soo socota. Wargeyska ayaa shaaciyey in dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay sameysteen isbahaysiga dadka Kosheetigga ah, islamarkaana ay doonayaan inay beddelaan Axmed Madoobe oo sanadkan la kulmaya cadaadis xoogan. Sidoo kale wargeysku wuxuu sheegay in isbaheysiga ay sameysteen dalalkan uu muhiimadiisa koowaad yahay, sidii looga guuleysan lahaa, islamarkaana meesha looga saari lahaa madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xafiiska jooga, tan markii la aas aasay maamulka Jubbaland. Dhinaca kale Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay in Kenya ay waddo dadaal ay ku dooneyso in markii saddexaad Axmed Madoobe uu ku soo baxo doorashada maamulkaasi, islamarkaana ay xoog badan gelineyso arrintaasi. The Standard oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi ayaa sheegay in danta Kenya ay ku jirto in dib loo doorto Axmed Madoobe. Ugu dambeyn Wargeyska ayaa xusay in Axmed Madoobe) uu yahay saaxiibka kaliya ee Kenya ka caawin kara dhanka amniga iyo danaha ay ka leedahay Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isaga bixi doona hardanka loolanka loogu jiro madaxweynaha dalkaasi ee doorashada 2020, sida uu rumaysan yahay sarkaal hore oo katirsanaa aqalka cad. Agaasimihii hore ee xiriirka bulshada iyo warbaahinta aqalka Cad Anthony Scaramucci ayaa waraysi uu siiyey Vanity Fair, ayaa yiri,”Xaqiiqdu waxay tahay Trump ma raadin doono dib u doorasho sababtoo ah cidna markale dooran mayso”. “Wuxuu doonayaa inuu isaga boxo tartanka, maxaa yeelay waa waadax, waxay noqon doontaa March 2020, waxaana la jecel yahay inuu ka boxo doorashada maxaa yeelay waxay u muuqaataa mid aan macquul ahayn inuu ku guulaysto”. ayuu yiri Anthony. Sarkaalkan horay uga tirsanaa aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump ku guulaysiga kursiga gacmihiisa isku dhaafiyey isla markaana qof walba uu rumaysan yahay inuusan wax cod ah ku soo bixi karin. Dhanka kalena, madaxweyne Trump ayaa sheegay in Anthony Scaramucci shaqsi dhowaan shaqada isaga baxay warbaahintuna ku buunbuunisay arrimihiisa falan qaynta haseyeeshee uusan wax xog badan ah ka ahayn shaqsiyada Donald Trump. PUNTLANDPOST The post Donald Trump oo qarka u saaran inuu ka haro doorashada Maraykanka ee 2020. appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in xalay dagaalyahhanno ka tirsanaa kuwooda ay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku dileen gudaha magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegtay in sarkaalka ay dishay uu ahaa hal xidigle ka tirsanaa ciidamada ka howlgala magaaladaasi. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in xoogagii dilay ay horay uga sii qaateen qori AK47 ah oo uu watay, sida ay hadalka u dhigtay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka maamulka HirShabelle oo ku aadan dilkaasi. Ammaanka Jowhar ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid degan, iyadoona ciidanka amnigu ay howlgallo ka wadeen gudaha magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Three herders were killed while grazing their animals in Ethiopia and camels stolen on Thursday according to Banisa Sub-County Deputy County Commissioner Noah Tanui. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta gobalka Banaadir ee booliiska Soomaaliya Saadaq Cumar Xasan “Saadaq John” ayaa habeen hore xiray 4 taliye oo ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo ciidankii la shaqeynayay, sida ay ogaatay Caasimada Online. Taliyaasha la xiray ayaa madax ka ahaa 4 kontarool oo ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana ka tirsan aagga lama soo dhaafaanka ah ee Muqdisho. Sidoo kale waxaa la xiray ciidankii halkaasi kula sugnaa. Taliyaasha la xiray waxay kala joogeen isgoysyada Sanca, Jardiinka, KPP, iyo kontarool kale oo katirsan degmada Wadajir ee gobalka Banaadir, waxaana loo heestaa gaadiid ay soo daayeen, kuwaas oo ay lahaayeen mas’uuliyiin katirsan dowladda federaalka Soomaaliya qaarkoodna ay soo damiinteen. Waxaa jira amar ah in aan lasoo dayn karin wax gaadiid ah, ciddii doonta ha wadatee, si loo xaqiijiyo amniga iyo inaan la ogolaan in xubno la tuhunsan yahay ay kusoo moodaan magacyada dad ka shaqeeya dowladda, taasi oo taliyayaasha la xiray ay fulin waayeen. Askari ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya islamarkaana ku jira dadka la soo xiray oo la geeyay xarunta qaybta ee gobalka Banaadir ayaa Caasimada Online u sheegay “aniga iyo talayageyga waan xiranay waxaana noola heestaa, 7 gaari oo aroos waday islamarkaana uu wakiishay guddoomiyaha degmada Shibis, waxaana ka qornay ID CARDS, magacyada darAwalada, iyo taargada gaariga laakiin Saadaq John waa naga diiday sidaas waana nala xiray” ayuu yiri askariga aan la hadalnay. Inkastoo ay magaalada Muqdisho wajaheyso go’doon iyo caburin tii ugu adkeyd ayaa hadane dad badan waxay aaminsan yihiin in magaalada ka soo haagaageyso xaaladeeda amni dhowrkii bil ee ugu dambeysay. Waxaa yaraaday dilalkii magaalada iyo qaraxyadii weerarada tooska ahaa ee ka dhici jiray Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
A waiter in Paris has been shot dead by a customer who was reportedly angry because his sandwich wasn't prepared quickly enough. Source: Hiiraan Online
-
At least two government forces were killed and two more injured when al-Shabaab militants attacked a military base in southwest Somalia on Saturday, officials said. Source: Hiiraan Online
-
The Kenya U15 national team will take on Somalia in the opening match of the CECAFA U15 Championships on Friday at 2pm (EAT) in Eritrea. Source: Hiiraan Online
-
Garowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa shalay u fariisatay dhageysiga kiiska la xiriira kufsigii iyo dilkii loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, hase ahaatee arrintii ayaa waji kale yeelatay markii uu maxkamadda horteeda nin ka qirtay inuu kufsigaas geystay. Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame ayaa Maxkamadda sare ee Puntland ka hor qirtay in uu ka qeyb qaatay kufsiga Caasho, hal marna uu “u galmooday”. Sidoo kale wuxuu sheegay in falkaas ay kula jireen nin kale, oo aan wali gacanta lagu soo dhigin iyo mid maxkamadda lala geeyay. Maxamed Xareed, oo ah xeer ilaaliye ku-xigeenka guud ee Puntland oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in qirashada Cabdifataax ay isbaddal ku keentay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan. “Maanta waxaa kiiska kusoo kordhay in Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame, oo ahaa xukumanaha koowaad uu qiraal ku noqday inuu Caasha kufsaday una tagay hal mar. Horay waa loo sameeyay baaritaanno badan laakiin qofka bani’aadanka ah qalbigiisa waxa ku jira gacanta loogama soo saari haro, gacantana intaan afkiisa galino kama soo saari karno waxa ku jira, labadii maxkamadood ee hore wuu inkiray falka, tanna qiraal buu ku ahaa”, ayuu yiri Maxamed Xareed. Eedeysanaha saddexaad oo isna maxkaadda la hor geeyay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn falkii lagu kufsaday, laguna dilay Caa’isha. Kiiska isugu jira falka Kufsiga iyo dilka ah ee loo geystay Alle ha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan ayaa soo jitamayay ku dhawaad 6 bilood, iyadoo dhageysigii maxkamadda sare ee uu ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah. Caa’isha Ilyaas Aadan oo ahayd 12 jir ayaa falka kufsiga iyo dilka ah loogu geystay magaalada Gaalkacyo. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa mudooyinkii u dambeeyay ku howlaneyd sidii ay magaalada Wajaale oo ah marin ganacsiyeed muhiima uga hir-gelin laheyd goobo waaweyn oo ay kula loolameyso dhanka kale ee Wajaalada Itoobiya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland iyo Maayirka degmada Gabiley oo shalay kormeer ku tagey magaalo Ganacsiyeedka weyn ee Wajaale, ayaa shaaciyey inay magaaladaasi ka hir-gelinayaan Baan iyo xarumo kale oo muhiima, isla markaana ay kula tartamayan daanta kale ee isla Wajaale ee tirsan dowladda Itoobiya. Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo ugu horeyntii la hadley warbaahinta ayaa waxa uu yiri “Waxaan soo maray dhinaca Itoobiya ee Magaalada Wajaale waxaana ka furan afar iyo toban Baan, markaa fili maayo in dhinacan Somaliland-na ay ka furan yihiin Baanan kale ee waxaan u mallaynayaa inay ka furan yihiin laba Baan oo kala ah Dahabshiil iyo Daarasalaam”. “Markaa shaqada ay qabanayaan labadaasi, Baanankaasi Itoobiyaanka ahi oo aad arkeyseen sida ay u camirnaayeen, taa mid la mid ah ayaanu ku talo jirnaa in aanu xageenana ka furno oo waanu sameynay nashqadii ee waxa inoo hadhay farsamadii oo aynu ka wada hadalnay oo marka ay inoo dhammaatana waynu billaabi doonaa”. Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Maayirka degmada Gabiley oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yiri “Madaxda Baanka dhexe ee Somaliland aad ayaanu u soo dhaweynaynaa socdaalka ay ku yimaadeen gobolkan ee ugu kuur-galayaan xaaladda Baananka iyo xaaladda Dhaqaale iyo hawlaha ay qaranka u hayaan siday uga socdaan gobolka Gabiley”. “Wajaale waa Magaalo ganacsiyeedka ugu weyn ee Somaliland, markaa baahi weyn ayey u qabtay in loo sameeyo Baan oo uu qaranku ku yeesho oo waanu kaaga mahad celinaynaa guddoomiye”. Somaliland ayaa u muuqata in talaabadan ay rabto inay kula loolanto magaalo ganacsiyeedka weyn ee Wajaale dowladda Itoobiya oo iyadu dhankeeda kale ay ka muuqdan kobac iyo horumar dhaqaale oo sareeya. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Sucaad Yuusuf Odowaa (Sucaad Carmiye) oo ka mid ah Haweenka Aqoonyahanka reer Somaliland ayaa ka hadashay kulankii ay dalka Sacuudiga ku yeeshen Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiiro ka tirsan DF Soomaaliya. Sucaad Carmiye ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu masiirkii Somaliland madaxa ku sito isla markaana aysan habooneyn in uu la kulmo oo sawir la galo xubno ka tirsan dowlada federaalka. Sucaad ayaa sidoo kale ka dhawaajisey in dowlada Soomaaliya ay kala dhaxeyso dagaalo dhowr ah oo dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha ah, taasi oo ay ku macneysay inay xaarantimeynayso in la isla sawiro. Sucaad Carmiye oo warbaahinta kula hadleysay gudaha magaalada Hargeysa ayaa kulankaasi ku tilmaamtay mid uu Madaxweynuhu la yeeshay ragg Somaliland albaabadii caalamka ka soo xirayey, waxayna tiri “Madaxdu way kala duwantahay qiyam kala duwan bayna leeyihiin, madaxwaynuhuna masiirkii Somaliland buu madaxa ku sidaa, meeshuu istaagaba waa sawirkii Somaliland markaa anigu ma hubo sawiradani inay sax yihiin laakiin dad badani waxay leeyihiin may ahayn maqaamkiisii”. “Dadkaana dagaal baaba inaga dhaxeeya sidaad ogtihiin, dagaalkaasi oo ah mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, sidaa daraadeed waxay ahayd inaan sawirkaasi lagelin”. Waxayna intaasi kusii dartay “Khaasatana ragga sawirka lala galay waa ragii albaab-walba in laga soo xidho Somaliland doonayay”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Baardheere (Caasimada Online) – Milateriga Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa la sheegay in ay xireen taliyihii ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ee degmada Baardheere kadib markii lagu eedeeyay in uu sii daayay xubno ka tirsan Al-Shabaab. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Baardheere ayaa Caasimada Online u sheegay in milateriga Soomaaliya ay ka caroodeen in la sii daayay 4 nin oo Al-Shabaab ah, oo ay milateriga soo qabteen kuwaas oo kadib ku wareejiyay taliska NISA ee degmadaasi. Milateriga ayaa ragaan qabtay kadib markii uu isu soo dhiibay mid kamid ah oo la sheegay in loo soo diray in uu dil ka geesto magaalada kadibna ay ku raadiyeen saddexda kale waxaana la sheegay in laba kamid ah ragaasi la sii daayay kadib dhowr bil oo ay xirnaayeen. Taliyaha NISA ee Baardheere ayaa la sheegay in 2 kamid ah raga uu amray in la sii daayo halka labada kalane ay ku jiraan gacanta dowladda, waxayna arintaasi ay sababtay in milateriga Soomaaliya ee ku sugan Baardheere oo leh awood ciidan ay xiraan taliyaha oo fududeynta arintaasi ku eedeysan. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in sarkaal la xiray ay qaraabo noqdeen labada Shabaabka ah ee la sii daayay inkastoo aysan cadeyn u heynin Caasimada Online. Masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ee degmadaasi ayaa noo sheegay in warkaan uu jiro balse aysan ka hadleynin ilaa amar dambe. Ujeedada taliyaha NISA ee Baardheere loogu wareejiyay Shabaab ayaa aheyd in uu magaalada Muqdisho geeyo ragga Shabaabka ah balse ma dhicin. Milateriga ayaa la wareegay labada kale ee hadda ku jira gacanta ciidamada amniga ee degmadaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com