Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargysa (SL-T) Xidhibaan Mubaarig Bidhi Oo Si Adag U Dhalillay Xeerkii Dhowaan Ansixyeen Golaha Wakiilada Iyo Eedaymo Culus Oo U Jeediyay Gudoomiayah Baashe Maxamed Faarax Source
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriye Xassan Isxaaq oo hooyo u aheyd guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay tacsida uu ugu yimid qoyska. Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Waxaad halkan ka dhageysan kartaa Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Habeen-03082019.mp3 View the full article
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqedisho ayaa tasci ugu tegay qoyska iyo ehelka guddoomiyihii gobalka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la kulmay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo maamo Nuuriya Xassan Isxaaq oo ah hooyada guddoomiyihii gobakka Banaadir, Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ee u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkii argagagaxiso ee dowladda hoose ee Xamar. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo dhammaan ehelka ayaa Ra’iisul Wasaarha uga mahadceliyay tascida uu ugu yimid qoyska. Ra’iisul Wasaaraha oo saxiixay buugga tacsida ayaa sheegay in Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan uu ahaa mas’uul Soomaalinimadu ku wayntahay, u taagnaa qarannimada oo aan ka daalin u adeegidda bulshada, waxa uuna Allah uga baryay in uu u naxariisto. Axada berrito ayaa waxaa lagu wadaa in Gudoomiye Yariisow aas qaran loogu sameeyo Magaalada Muqdisho.
  5. Hargaysa(SL-T):Guddida Qandaraasyada Qaranka JSL Oo Shaaciyay Sagaal Mashruuc Oo Xukuumada Somaliland Ka Hirgalin Doonto Magaalada Badhan Ee Gobalka Sanaag. Source
  6. Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari), ayaa Sabtida maanta kormeeray Taliska guud ee ciidanka Asluubta Puntland iyo xabsiga weyn ee caasimadda Garoowe. Kormeerka Guddoomiyaha waxaa ku wehelinaayey, Wasiirka Wasaaradda Cadaallada iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud, xildhibaanno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya, saraakiil iyo mas’uuliyiin kale. Muhiimadda kormeerka ayaa la xiriirtay ogaanshaha xaaladda maxaabiis Soomaliyeed oo ku xukuman Burcad Badeed, kuwaasi oo ku xiran xabsiga weyn ee Garoowe. Guddomiye Ku-xigeenka kowaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa kadib kormeerkaasi la hadlay warbaahinta. “Waa dedaalaynaa dowladdana waa ku warcelinaynaa, jawaabbaan idinku soo celinaynaa, haddaba rajadaydu waxay ahayd inaad diyaaradda ila raacdaan, lakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. “Waan u Mahadcelinayaa Dowladda Puntland iyo hay’addaheeda garsoorkaba, dedaal muuqda ayay mujiyeen, waan idiin soo jawaabaynaa, howshiinana waa usoo noqon doonnaa” Ayuu yiri Abshir Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud ayaa isna xusay in dowladda Puntland inta tabarteeda ah dedaal walba u samaysay siidaynta maxaabiista Soomaliyeed ee ku eedaysan burcad badeednimada “Puntland waa dedaashay, haddana waa dedaalaynaa, laakiin xeerar aan laga gudbi karin baa jira” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Xeer ilaaliyaha Guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa dhankiisa sheegay in xukunka 48 eedaysanayaal Burcad Badeed oo Puntland ku-xiran ay xaq-darro tahay “Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u qareento, Puntland intii tamarteeda ah waa dedaashay, Baarlamaanka ha u qareemeen dadkaas si ay raggani cadaaladdooda u helaan” Ayuu yiri Xeer Ilaaliyuhu. Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in maxaabiista burcad-badeednimad ugu xiran Garoowe ay xaq-darro ku xiran yihiin appeared first on Puntland Post.
  7. Burco (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in maanta weerar lagu qaaday guddoomiyaha gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi. Guddoomiye Xamse ayaa waxa lagu weeraray deegaanka Cali saahid oo ka tirsan deegaanada hoostaga gobolka Togdheer, halkaasi oo ku marayey socdaal. Gaadhiga uu saarna guddoomiyaha ayaa waxa lagu soo waramayaa in rasaas badan lala dhacay, inkasta oo aysan gudoomiyaha ka soo gaadhin dhaawac culus weerarkaasi. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo xukuumada Biixi oo si cad u bidhaaminaya siday wax u dhaceen iyo cida ka dambeysay weerarkasi lagu qaaday guddoomiyaha. Wixii warar ah ee kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. ASKARI XAMAR LAGA WADAY MASUGI KARAA AMNIGA DHUUSAMAREEB?. Muqdisho oo aan ognahay sida uu u dayacanyahay amnigeeda, oo dhawaan xafiiskiisa lagu qarxiyay duqii Muqdisho, xarun walba ee dowladeedna jid u xiranyahay askariga laga waday ee la geeyay dhuusamareeb labbo sababood uma sugi karo amniga Dhuusamareeb 1- Aqoon darro deegaan oo ah sababta ugu weyn ee uusan uga howl gali karin askariga la geeyay Dhuusamareeb. Dhuusamareeb waxaa amnigeeda sugayay ciidamo deegaanka ah oo la socday qof walba ee kusoo kordho magaalada, waxaana isi soo diiwaan galin jiray shaqsi walba ee ku cusub magaaladaas si loola socdo dhaq-dhaqaaqiisa. 2- Ahlu sunna oo qabto tuhun ah in ciidamada dowladda ay ku dhexjiraan askar kasoo goosatay Al Shabaab. Madaxda ugu sarreysa Ahlu Sunna ayaa aaminsan in ciidamada dowladda ay ka dhex buxaan askar kasoo goosatay Al Shabaab sidaas darteedna aan lagu aamini karin ammaanka magaalada Dhuusamareeb. ASKARIGA DHUUSAMAREEB LA GEEYAY MUQDHISHO MAKA MAARANTAY?. Magaalada Muqdisho oo ah halka laga kaxeeyay ciidamada la wareegay ammaanka caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa ah mid aan sugneen amnigeeda, waxaa ka dhaco qaraxyo, weerarro lagu qaado xarumaha dowladda iyo Hotelada iyo dilal qorsheesan. Dowladda oo xoogga ugu badan saartay wadada Maka Al Mukarama ayaan wali ku guuleysan sugidda amniga wadadaas dheer iska dhaaf magaalada oo idil. MAXUU YAHAY DAMACA DOWLADDA EE DHUUSMAREEB?. 1- in dowladda Federaalka ay maamusho doorashada soo aaddan ee Galmudug, si ay usoo saarato shaqsi ay iyada wadato, sida hore uga dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. 2- in ay wiiqdo awoodda Ahlu sunna oo ah urur diimeed mayal adag, feejignaan dheerna uga jira dowladda, sidoo kalena doonaya in ay gacantooda soo gasho maamulka Galmudug oo ah mid dhex-yaallo 11 qabiil oo daga deeganada maamulkaas. 3- in ay ka hor istaagto soo laabashada xildhibaanada Federaalka kasoo galo Galmudug oo intooda badan ah kuwo aan la dhacsaneen siyaasadda dowladda Farmaajo, taas oo badalkeeda dowladda ay damacsantahay in ay kasoo saarato xildhibaano iyada taabacsan. 4- In lasoo afduubo madaxda Ahlu Sunn iyo cid walba ee aan dowladda wadan ee isku soo sharaxdo doorashada Galmudug, isla markaana loo arko in ay ku guuleysan karto doorashada soo aaddan, sida hore ugu dhacday Mukhtaar Roobow Abuu Mansoor. Hadii ay intaas iskugu aaddo dowladda Federaalka ah ee Soomaalia waxaa gacanteeda soo gali doono maamul goboleedkii labaad, ka dib Koonfur Galbeed. Waxaase shaki gali karo sii ahaanshaha mid sugan ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayadoon jid la xirin, dhagaxaan la dhigin, AMISOM-na la geen, jiritaanka awooddii Ahlu sunna, qanaacada beelaha dega deegaanada Galmudug iyo soo laabashada xildhibaannada aan taabacsaneen dowladda Farmaajo. W/Q:- Nuune Ali Hassan AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Somaliland, Maxamed Muuse Diiriye oo Sabtida Maanta Shir jara’id ku qabtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa dhaliil culus u jeediyay Xisbiga mucaaradka ah ee waddani. Wasiirka ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ku eedeeyay in uu taageero jabhadda uu hoggaamiyo Col. Caarre ee la’dagaallanta xukuumadda Muuse Biixi, isagoo xusay in jabhaddaasi tahay gabab ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. “Kuma lihi, reer ahaan baad wax isugu tihiin Caarre, laakiin waxaan aqoonsanahay in uu farac isaga ka baxay yahay, farac isaga ka baxay in uu yahay, sida uu ugu damqanayo oo ugu hadlaayo” ayuu yiri wasiirka. Sidoo kale, wuxuu cabasho ka muujiyay habka guddoomiyaha xisbiga Waddani u lebbisnaa. mar uu xukuumadda Muuse Biixi ku dhaliilayey arrimaha siyaasadda iyo colaadaha ka jira degaanno ka tirsan Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa dhanka kale ammaanay guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe oo uu ku tilmaamay mucaarad xalaal ah oo difaaca Somaliland, markii debadda laga soo weeraro. Dhinaca kale, wasiirka aya ka jawaabay hadal ka soo yeeray dowladda seychelles oo sida la sheegay cambaaraysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa magaalada Hargeysa, kuwaasi oo uu cafis u fidiyay madaxweynaha Somaliland. Halkaan ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Xukuumadda Somaliland oo cabasho ka muujisay lebbiska guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro appeared first on Puntland Post.
  10. Somalia-based Islamic insurgency al-Shabab are believed to be trying to influence or scuttle the 2020 presidential election, even as the US increases air bombardment to weaken them. Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeyay ciidanka Xoogga qeybtooda Danab ee lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka kula dardaarmay in adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo Galmudug loo dhanyahay. Shalay ayaa ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya waxaa si rasmi ah looug wareejiyay sugidda amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  12. Muqdisho (SMN) – Tan iyo markii Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaliya ay horumarin iyo dib u habeyn ballaaran ku sameysay hannaanka maamul-maaliyadeed ee dalka,waxaa sii kordhayay isbedelada dhinaca kobaca dhaqaalaha ee dalka,taasi oo keentay in Deeq bixiyaasha Caalamku ay u riyaaqaan Talloobooyinka iyo hiigsiga Dowladda Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Lacagta Aduunka ee(IMF), ayaa si-weyn looga hadlay dadaalka ay waddo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya,iyadoo hay’addu bogaadisay guulihii laga gaaray sidii loo abuuri lahaa jawi uu ku kobco dhaqaalaha Dalka,taasoo loo marayo in si wanaagsan looga faa’iideysto ilaha dhaqaale ee dalka,islamarkaana la hagaajiyo hanaanka maamul-maaliyadeed. Guddiga Sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee (IMF) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la soo gebagabeeyey wadatashiyo ay la lahaayeen dowladda Soomaaliya ee sanadka 2019, iyadoo qoraalka lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay kasbatay jawi ku dhisan kalsoonida deeqbixiyaasha Caalamka. Ka dib markii horumaro ay ka sameysay Hay’adaha maaliyadeed ee dalka iyo la dagaalanka Musuqa oo dhinackasta leh,waxaana warbixinta lagu sheegay in meelaha ay ku guuleysatay ay kamid yihiin horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha sida , dhiirigelinta Ganacsiga, Dib-u-dhiska iyo kuwo kale. Hay’adu waxay kaloo warbixinta ku sheegtay in roob yarida Soomaaliya laga cabsi qabo in ay keeni karto saameyn dhinaca cunada ah,waxaa ka mid ah qorsayaasaha ay soo bandhigtay sida dhinaca kobaca, GDP waxaa lagu qayaasay 2018, 2.8 %,2019 2.9 % Qayaastii. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa horumarinta hanaanka qaadista canshuuraha ee dalka,taasi oo keentay in uu kordho dakhliga dowladda uu ka soo galo gudaha dalka, 30% in kabadan sanadkii 2017, islamarkaana ka caawinaysa dowladda Soomaaliya in ay ku bixiso adeegyada muhiimka ah ee ay dadweynahu u baahan yihiin,sida Caafimaadka,Waxbarashada,Mushaharaadka, iyo adeegyada kale ee lagama maarmaanka ah”. ayaa lagu yiri qoraakaasi oo ay soo saartay Hay’adda Lacagta Adduunka ee(International Monetary Fun). Sidoo kale Hay’adda(IMF) ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Soomaaliya ay gaari doonto isku filnaansho waqti dhow,marka la eego habka uu ku socdo horumarinta hannaanka maamul maaliyadeed ee dalka,oo ay horumuudka ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya,waxaana ay intaasi ku dartay in deganaansho dhaqaale oo heer Federaal iyo Heer dowlad goboleedka uu jiro. Warbixinta Hay’adda (IMF) ayaa lagu sheegay in horumarka dalka ay qeyb lixaad leh ka qadaanayaan Ansixinta Sharciyada muhiimka ah,sida Betroolka,La-dagaalanka Argagixisada, iyo kuwo kale ee muhiim ah,kuwaasi oo ay sheegtay hay’addu in ay keenayso Hufnaan,ayna horumarinayso hanaqaadka iyo hanaanka Dowladnimo. Sidoo kale waxaa ayna bogaadisay dadaalada ay dowladda Soomaaliya ku bixinayso horumaro laga gaaro guud ahaan ilaha dhaqaale ee dalka. Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirtay sidii dalka looga cafin lahaa deymaha,taasi oo meel fiican mareyso kadib markii laga gudbay qeybo badan oo ka mid ah shuruudihii laga rabay oo dowladdu guulo lataaban karo ay ka sameysay,waxaana taasi horseeday in aaminaad iyo kalsooni buuxda ay ku abuurtay taasi hay’adaha Maaliyadeed ee Caalamka, iyadoo taasi fursad u siinaysaa in dalka deymaha laga cafiyo islamarkaana uu gaaro horumaro badan,sida koboca Dhaqaalaha,dib u dhiska,caafimaadka,waxbarashada,nolosha guud ahaan adeegyada muhiimkam u ah bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii safar qaatay inkabadan bil uu ugu maqnaa deegaano ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug. Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole. Mudadii uu booqashada ku joogay Ra’iisul Wasaare Kheyre deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa uu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan maamulkaas. Ujeedada booqashada ra’iisul wasaare Kheyre ee Galmudug ayaa ahayd sidii loo qaban lahaa shir dib u heshiisiin ah iyo doorashada madaxweynaha Galmudug. Waxana uu ku guuleystey ra’iisul Wasaare Kheyre in heshiis ay la gaarto dowlada federalka ah ururka Ahlu Sunna isla markaana ay dowladu la wareegto ciidamadii iyo hubkii ururka Ahlu Sunna,iyadoo boqolaal ka tirsanaa ciidamada Ahlu Sunna ay ku biireen ciidamada dowlada federalka. Dib ugu soo laabashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ee magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegantay xilli maanta la sugayay in la keeno dalka meydka guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Guddoomiyaha barlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba daareed) ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray kal-fadhigii 44aad ee barlamaanka oo muddo ku dhow [...] Source
  15. Kalfadhiga 44-aad ee Golaha Wakiilada dowladda Puntland oo soo bilowday 15-June-2019 ayaa Sabtida maanta ah oo ku beegan 3-Agoosto soo xirmay sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo). Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudanayaashu ay fasax yihiin ilaa laga gaarayo 25-October ee sannadkan 2019 oo uu furmi doono Kalfadhiga 45-aad ee kan xiga. Halkaan hoose ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Kalfadhiga Baarlamanka Puntland oo xirmay appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u soo dhoweeyey go’aankii uu qaatay madaxweynaha Soomaaliya ee uu dib ugu celiyey Jinsayaddii uu ka heystay dalka Mareykanka. Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in tallaabo geesinimo ah uu qaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahu Farmaajo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/faad-jooy.mp3 View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid, taas oo loo sababaynayo cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd meydka marxuumka. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng; Cabdi Canshuur Xasan, ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa Maanta meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda, isla maraana loo beddelay Diyaarad kale, iyadoo qorshuhu uu yahay in Berrito 8:00 barqanimo la keeno Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri, Wasiir Canshuur. Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee Injineer Yariisoow, ayaa Bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay u duceeyaan guddoomiyahii Ummadda Sooaamliyeed, wuxuuna mar kale Alle ugu baryay in uu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo. Innaa Lilaah Wa innaa ileyhi raajicuun. View the full article
  18. Guddiga qaban-qaabada aaska Qaran ee loo sameynayo guddoomiyihii gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid diyaaraddii maydka keeni lahayd kadib markii sida uu sheegay cillad farsamo ay dhacday. Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in xilligii lasoo qaadi lahaa meydka marxuumka ay cillad ku timid Diyaaradda isla maraana loo beddelay Diyaarad kale iyadoo qorshuhu uu yahay in Berriya maydka la keeno magaalada Muqdisho. “Cillad farsamo oo ku timid Diyaaraddii soo qaadi lahayd Meydka Marxuumka ayuu ku yimid cillad farsamo, sidaas awgeed ayaa loo beddelay Diyaaraddii, iyadoo laga dhigay Berri Siddeedda Subaxnimo” ayuu yiri Wasiir Canshuur. Halkaan ka daawo hadalkiisa oo dhan PUNTLAND POST The post Maxay tahay sababta maanta loo baajiyay keenista maydka ENG Yariisow? appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dib u dhac ku yimid keenista magaalada Muqdisho meydka marxuum Cabdiraxmaan Cumar Yariisow guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyadoo guddiga qabanqaabada aaska uu sheegay in la keenayo berri oo ah maalinimo Axad ah. Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib uga soo laabanaya iyadoo saaka oo idil la sugayay keenista meydka. Illaa iyo hadda lama oga sababta keentay dib u dhaca hase yeeshee dalka Qadar ayaa ah dal ay xayiraad ku soo rogeen wadamada qaliijka qaarkood. Sababta dib u dhigtay keenista meydka Marxuum C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow kuma aysan dhawaaqin guddiga iyada oo ay soo baxayaan in ay jirto cillad dhinaca farsamada duullimaadka ah. Magaalada Muqdisho ayaa saaka inta badan la xiray,waxaana Ciidan badan la soo dhoobay Waddooyinka Muqdisho. Yariisow ayaa waxaa uu Khamiistii u geeriyooday dhaawac 24kii Bishan ka soo gaaray Qarax ka dhacay aqalka dowladda hoose ee Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 qof oo ka mid ahaa maamulka Gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ku wareejiyay amaanka garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaaladda Dhuusamareeb. Ciidanka Danab ee Xoogga Dalka ayaa lagu wareejiyay Amniga Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ayaa saldhigo ka samaystay Kontorooladda laga Galo Garoonka Diraadaha Ugaas Nuur, waxaana halkaasi laga qaaday Ciidamo horay ugu sugnaa. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa kormeer ugu tagay ciidanka lagu wareejiyay Garoonka Dhuusamareeb isagoo kula dar-daarmay Adkeynta Amniga Goroonkaasi. Shalay ayay aheed markii Dowladda Faderaalka iyo Maamulka Galmudug ay isku afgarteen in amaanka Magaaladda Dhuusamareeb lagu wareejiyo Ciidanka Amaanka Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow uu sheegay in ay amaanka iyagu Masuul ka yihiin. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  21. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeyay ciidanka Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wareejiyay gacan ku heynta amniga garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa taliska ciidanka sugaya amniga garoonka kula dardaarmay in adkeeyaan amniga garoonka, si loogu guuleysto dadaallada ballaaran ee lagu dhisayo maamulka Galmudug. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay sugidda amniga caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ee Dhuusamareeb. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Dhuusamareebo oo lagu wareejiyay ciidanka Danab ee DFS appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane; C/casiis Xasan Maxamed ( Lafta gareen ), ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo aaska Qarn ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Eng C/raxman Cumar Cismaan (Yariisoow), oo ku geeriyooday Dalka Qatar, markii uu dhaawac kasoo gaaray qaraxii dhowaan ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir. Madaxweyne Laftagareen, ayaa u tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada Marxuumka ee Deggan Magaalada Muqdisho ,isagoo Hoygiisa ugu tagay Ugaaska Beesha uu kasoo jeedey Marxumka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdull, wuxuuna Alle uga baryay in uu Janadii Firdowsa ka waraabiyo Marxuumka. Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane ; Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ), kasoo qeyb galka aaska Qaran Gudoomiyihii Gobolka Banaadir, Cabdiraxman Cumar Cismaan (Yariisoow). View the full article