Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Shir Seddaxdii maalmood ee lasoo dhaafay magaalada Dhuusamareeb uga socday culuma u diinka Ahlu-Sunna Waljamaaca, oo iskaga kala yimid dhamaan deegaanada Galmudug iyo qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan, ayaa lasoo gabgabeeyay galabta. Shirka oo socday 21-kii ilaa 23-kii bashaan ayaa waxaa laga soo saaray War-saxaafadeed ka kooban 11 qodob oo lagu cadeeyay mowqifka guud ee Ahlu-Sunna iyo 5 qodob oo baaq ah. Qodobada ay ku cabireen mowqifkooda ayaa waxaa ugu waa weynaa: Inaysan Ahlu-Sunna aqbaleyn in deegaanada Galmudug la keeno dad ay ugu yeereen aas aasayaashii Al-Shabaab, oo ay ka carabaabeen Sheikh Bashiir Axmed Salaad iyo Dalladiisa. In guddiga loo xilsaaray qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta ay faraha kula jiraan habraac ka baxsan shaqadooda, ayna wadaan iska hor keen bulshada, qoona aysan u laheyn dadka reer Galmudug. In Bushada reer Galmudug loo madax banaaneeyo dhismaha maamulkooda dowladduna ay ka deyso fara galinta ku ekaato doorkeeda kor joogto. Inaysan ogolaa doonin in dowladdu ay Galmudug geyso ciidamo AMISOM ah iyo kuwa ka socda dowladda federaalka. Ciidamada la isku dhafay ee hadda ka howlgala magaalooyin ay ugu horeyso Dhuusamareeb, wixii dhiba oo ka yimaada inay mas’uuliyadooda qaadaneyso dowladda federaalka. In culuma u diinka Ahlu-Sunna ay shir weyne kale iskugu inaanayaan Dhuusamareeb 10-ka bisha October ee sanadkaan. Dhanka kale baaqa ay direen culuma u diinka Ahlu-sunna ayaa qodobada ugu waaweyn waxaa ka mid ah: In beesha caalamka ay ka fogaato ka qeyb qaadashada wixii deegaanada Galmudug u keeni kara xasilooni darro amni iyo mid siyaasadeed. In ummadda Soomaaliyeed ay u noqdaan Allahooda, ilaaliyaan midnimadooda, kana fogaadaan afkaarta ku saleysan gaaleysiinta, meelna uga soo wada jeestaan cadawga baneystay dhiigooda iyo maalkooda. In dowladda federaalka ay dib u eegto ilaalinta taariikhda soo jireenka ah ee diimeed iyo dhaqan ee ummadda Soomaaliyeed, kana fogaato in loo adeegsado burburinta diinta. Waxey dowladda federaalka ugu baaqeen inay isu keenidda ummadda Soomaaliyeed u marto, isqancin iyo is ogol, kana fogaato caburin iyo maquunin. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka Ahli-Sunna:- Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  2. Muqdisho-(Caasimada Online)-Col Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga waxa uu si kooban kaga hadlay arimaha Soomaaliya, maamulka Jubbaland iyo Kenya. Dadka Soomaaliyeed ayuu sheegay inuu in badan ku la taliyay in Kenya ay iska dhiciyaan, isagoo ku eedeynaya inay kasoo horjeedo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Korneyl Barre Hiiraale ayaa yiri, “Dadka iyo dalka Somaaliyeed waxan in badan ku celceliyay in Kenya dalkaan si cad ugu soo duushey, tahayna mid dooneysa inay meesha ka saarto jiritaanka ummada Soomaaliyeed guud ahaan, dhicina meyso taas.” Barre Hiiraale ayaa qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay “Madax Banaanida Qaranka Soomaaliyed waa lama taabtaan”. Barre Aadan Shire Barre Hiiraale ayaa ka mid ah, siyaasiyiinta sida weyn uga soo hor jeeda siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Sanadkii 2014-kii ayaa magaalada Kismaayo waxa uu dagaal galaaftay nolosha boqolaal ruux ku dhex maray Korneyl Barre Hiiraale iyo Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana dagaalkaas Kismaayo looga saaray Barre Hiiraale iyo ciidamadiisii. Waakan postiga Barre Hiiraale:- Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  3. Matches are underway in Eritrean capital Asmara which is hosting the Council for East and Central African Football Associations, CECAFA, under 15 championships. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, oo soo xiray bandhigga buugaagta Muqdisho, ayaa dhallinyarada qorayaasha ah ee Soomaaliyeed ku dhiirri geliyay in ay qalinkooda ku bedelaan sawirka qaldan ee dalkeenna horay looga bixiyay, si loo helo sawirka saxda ah ee dalka, loona dhiso mustaqbal ifaya oo dunida soo jiita. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sheegay ay muhiim tahay in dhallinyaradu ay afka Soomaaliga wax ku qoraan, maadaama aqriska iyo qoraalku ay horseedaan ilbaxnimo iyo in laga fogaado xasarado iyo colaado, ayaa cadeeyay in sida kaliya ee dhibka looga bixi karo ay tahay in qorayaashu ay si daacadnimo iyo damqasho leh ay dalkooda wax uga qoraan. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee ee dalka xilligaan heysata ay tahay bedelaadda fikirka adduunyadu ay dalka Soomaaliya ka qabto, hase yeeshee uu aaminsanyahay in ay muuqato yadadiilo wayn maadaama ay dhallinyaradii ay xoogga saarayaan aqriska iyo qoraalka si ay dunida ugu sheegaan waxa ay tahay Soomaaliya, waxa ay ahaan jirtay iyo waxa ay noqon karto. View the full article
  5. Xubno katirsan golaha wasiirada Puntland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Sanaag iyo Haylaan oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa ka warbixiyey taliyayaal ciidan, saraakiil iyo ciidamo ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland. Wasiirada ayaa ugu horayn hambalyo iyo soo dhoweyn u diray taliyayaasha iyo ciidamada ku soo biiray Puntland waxaana ay sheegeen in wixii hadda ka dambeeya ay la xuquuq iyo waajibaad noqon doonaan ciidankooda Puntland ee ay ku soo biireen. Shacabka reer Sanaag iyo Haylaan ayey sheegeen inay yihiin reer Puntland aysana aqbali doonin inuu xoog ku haysto maamulka sheegay inuu Soomaaliya ka baxay ee Soomaaliland, iyagoona tilmaamay in tallaabadaan iyo kuwii ka horreeyey ay tusaale cad u yihiin Hargaysa. Wasiiradu waxa ay isku raaceen inuusan jirin reer reer kale xoog ku haysan kara ama sheegan kara dadnimadiisa iyo dhulka Alle ku beeray, Somalilandna looga baahan yahay inay u tashato Waqooyi Galbeed iyo Togdheer oo shacabkoodii hadda baxsad yihiin sida wasiiradu sheegeen. DAAWO Taliyihii ciidanka Somaliland ee aagga Badhan, taliyihii ciidamada badda Somaliland ee gobolka Sanaag iyo ciidankoodii ayaa ku biiray Puntland waxaana taliskii ciidanka Somaliland ee duleedka Badhan laga taagey calanka Puntland. PUNTLANDPOST The post Wasiiro katirsan Puntland oo ka hadlay ciidamo iyo taliyayaal ka soo goostay Somaliland kuna biiray Puntland. appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-23082019.mp3 View the full article
  7. Dhuusomareeb (Caaismada Online) – Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen culimaa’udiinka Ahlu Sunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya. Shirkaan waxa shir gudoominaayay hoggaamiyaha Ahlu-Sunna macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay, sida ay wax ku waddaan guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug. Warqad kasoo baxday Macallin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlu-Sunna, islamarkaana beesha caalamka ay ugu baaqayaan in arrintaasi wax laga qabto. Ahlu-Sunna ayaa sheegtay in sidoo kale aysan ogolaan doonin in ciidamo ka socda Amisom laga geeyo magaalada Dhuusamareeb, sida ay dowladda qorsheeneyso, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arrintaas. Hoos ka aqriso qoraalka Ahlu-Sunna
  8. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii saddexaad ayaa la sheegay in maanta oo Jimce ah lagu doortay magaaladda Kismaayo, xarunta Jubadda Hoose, halkaasi oo shalay laba madaxweyne loogu doortay. Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar ayaa wuxuu noqonaya shaqsigii ugu dambeeyay ee muddo 24-saac gudahooda ah xilkaasi sheegta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonan in ay yihiin madaxweynaha Jubaland, xilli ay xaaladda u muuqato mid jahwareer sii galaysa. Ma cadda qaabka ay ku timid doorashadiisa, balse Kismaayo waxay la ciir-ciireysaa wax lagu tilmaamay fowdo siyaasadeed. Shalay ayey ahayd markii magaaladda madaxweyneyaal loogu doortay Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ay doorteen laba baarlamaan oo halkaas lagu dhisay. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoon-saneyn natiijadda doorashooyinka “is-caleema saarka ah” ee Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  9. Cabdinaasir Seeraar Maax oo kamid ah Siyaasiyiinta Saamaynta badan ku leh deegaanada Jubbaland, ayaa maanta loo doortay Madaxwaynaha Jubbaland, Isagoo kamid ahaa Musharixiinta Isbadal doonka ee jubbaland. Seeraar ayaa ku Biiraya Labadii Madaxwayne ee Shalay lagu doortay Kismaayo, Kuwaasi oo kala ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Madaxwaynihii Hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Dawladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxba kama Jiraan ku tilmaantay Labadii Doorasho ee shalay ka dhacay magaalada Kismaayo, Waxaana Madaxwaynaha Saddexaad ee Jubbaland yeelatay uu dab kusii shidayaa sidii Xal looga gaadhi lahaa Muranka ka taagan Hogaanka Jubbaland. Xisbiyadda Mucaaridka ee Soomaaliya , Maamulka Puntland iyo Dawladda Kenya ayaa dhankooda Hambalyo u diray Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam [Madoobe]. Beesha Caalamka oo Taageero iyo Dhaqaalle badan ku bixisa Soomaaliya ayaa dhankeeda horay ugu gacan saydhay sida ay wax ku socdeen, Iyadoo codsaday in isbadal dhab ah lagu sameeyo Hanaankii Doorashada, Lana qabto Doorasho Xor iyo Xalaal ah. Si kastaba waxaa isha laguhayaa halka ay Saldhigato Xaalada Siyaasadeed ee Jubbaland . BNN Qaran News
  10. Hargeysa (Caasimada Online) ― Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa golaha amaanka uga warbixiyay safarkii uu bishii hore ku tagay magaalada Hargeysa. James Swan ayaa golaha u sheegay in uu Madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay sidii dib loogu furi lahaa wada-hadalada mudada badan hakadka galay ee Somaliland iyo Soomaaliya. Swan ayaa ka dhawaajiyey in wada-hadaladaasi la sii wado si aan loo lumin dadaaladii ay ku bixiyeen xukuumadihii ka horeeyay madaxda talada haysa. “Waxaan booqday Somaliland 27 ilaa 28kii July ee la soo dhaafay waxaan la yeeshay Madaxda Somaliland wadatashiyo isbarasho ah” ayuu yiri James Swan. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaan ku dhiirigeliyey in la sii wado wada-hadalka u dhexeeya Hargeysa iyo Muqdisho si looga gun gaadho dedaaladii hore”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  11. Cudurada xoolaha ku dhaca oo af-soomili ku turjuman~qaar mid ah. By: Dr.Abdihakim H. Kiishadwayne Soomaali badan ayaa ku wareerta oo ay ku adkaataa inay helaan ama ogaadaan magaca saxda ah ee cudurka ay rabaan inay wax ka ogaadaan siiba kuwa u turjuma hay’adaha iyo goobaha caafimaadka iyo daryeelka xoolaha oo ah laf dhabarta dhaqaale ee dadkeena somaaliland leeyihiin. Hadaba, Halkaan waxaan ku soo arurinayaa magacyada cudurada xoolaha ku dhaca qaar ka mid ah iyo turjumidooda oo soomaali ah. Cagaarshoow = jaundice Jadeeco = measles Busbus = chickenpox Furuq = smallpox Oofwareen [koolboaariyo] = pneumonia Dabeysha = polio Xaaqo [tiibisho] = TB Duumo [malaariyo] = malaria Qandho [feebaro] = fever Sonkoroow = diabetes Dhiigkar = high blood pressure Madaxfurad = migraine Hargab [ifilo] = influenza, cold, flu Neef = asthma Gaastariiko = ulcer Qoorgooye = meningitis Juudaan = leprosy Daacuun = cholera Shuban = diarrhea Cuncun [isnidaamis] = herpes Bahaloow/qaniinyo = rabies Tufoow [tuf] = rheumatic Kud = anthrax Teetana = tetanus? Indhagaduudoow [indhacaseeye] = yellow fever Waraaboow [bajo, isfiilato] = syphilis Qalal = epilepsy Dhiigyaraan = anemia Aragbeel = glaucoma Sanboor = sinus Kaadidhiig = hematuria Dheefshiidxumo = dyspepsia Iskudhexyaac maxkaxdeed = schizophrenia Xinjirwaa = hemophilia Biyodhac [indhaha] = cataract Axaldhiiga [disantariyo] = dysentery Baabasiir = hemorrhoid Dhiigcadaad = leukemia Dhagaxkalyood [dhagaxgal kili] = kidney stone Cudurka Sanbabada (Pneumonia) Dhabar Xanuun (Back Pain) Infekshanka Bartamaha Dhegta (Otitis Media) Dhibaatooyinka Wax Liqidda (Swallowing Problems) Xajiinta, Cuncunka (Allergies) Hawl Gabidda Wadnaha (Heart Failure) Cuna Xanuun (Sore Throat) Cadaadiska Dhiiga (Hypertension) Dhego Beelid (Hearing Loss) Gaastiriko (Gastritis) Xubno Xanuun (Arthritis) Malaariyada (Duumada) (Malaria) Miyir Beelidda (Coma) Neef ama Xiiq (Asthma) Kaadi Sonkorow (Diabetes) Qaaxada (Tiibisho) (Tuberculosis) Dhiig yari (Anemia)[/b] SHUBAN BIYOOD” (Cholera) Saxaro Adayg (Constipations) Shuban (Diarrhea) Qandho ama Xumad (Fever) Cagaarshowga B (Heabatitis Cudurka Bararka Xiidmaha (Crohn Disease) Wadne Qabad (Heart Attack) Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer disease) Oof Wareen (Pneumonia) Jabtida iyo Daweynteeda (Gonorrhea) Bukashada Caloosha (Gastroenteritis) Sonkorta Dhiigga ee Hooseysa (Hypoglycemia) Qumanka (Tonsillitis) Howlgabka kacsiga (Impotence) Wadne Gariir (Atrial Fibrillation) Cudurka Sambab xaniban ee Raagay (COPD) Waraabow / Isfiilito / Xabad (Syphils) Sonkorowga (Diabetes) Cudurka Dadka Xasuusta Ka Lumiya (Parkinson Disease) Xanuunka caadaada (Dysmenorrhoea) Heerarka Foosha (Stages of Labor) Buruq Naaseed (Breast Lump) Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes) KUDKA (ANTHRAX) Yirid (Gingivitis) Kaadi-Saarista (Dialysis) Hawlgabka kelyaha (Kidney Failure) Boogoobidda Xiidmaha (Ulcerative Collitis) Cagaarshowga C (Hepatitis C) Lafa-beel (Osteporosis) Bukashada Caloosha (Gastroenteritis) Burburka carjaw laabatada / Riixa (Osteoarthritis) Alarjiyo aad u xun (Anaphylaxis) Qallalka (Epilepsy) Qalitaanka Saarista Xameetida (Cholecystectomy) Qabsin-saarid (Appendicectomy) Baabasiir (Haemorrhoids) Dhicinta (Abortion) Qaniinyada Cayayaanka (Insect Bites) Cabeebka Ibta (Candida of the Nipple) Xajiinta Gacmaha (Irritant Hand) Isnadaamis (Scabies) Xajiinta, Cuncunka (Allergies) Qaamo-qashiir (Mumps) Xiiq-dheer (Whooping Cough) Talaalka Dabaysha (Polio Vaccine) Gedef (Rickets) eebka Ilmaha – Candida (Thrush) dhakaako (Autism) Busbus (Chicken Pox) Caadka Indhaha (Cataract) Uurdoox (ilmaha lagu qalay) [C/Section] Niyad Jabka Umusha Kadib (Post Natal Depression) Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy) Ka-Saarida minka (Hysterectomy) Daryeelka Dhalmada Ka Dib (Postnatal Care) Daryeelka Dhalmada Ka Hor (Prenatal Care) Walac (Morning Sickness) Baraska (Vitiligo) Findoob (Acne) Kasoo-bax (Boils or Furunculosis) Cambaarta Madaxa(Tinea Capitis) Abdihakim Hassan Jama kiishadwayne@gmail.com Qaran News
  12. Washington (SMN) – Qaramadda Midoobay ayaa baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku boorisay in uu dadejiyo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka. James Swan, ergayga UN-ka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo baxo xeerkasi. Mr Swan oo sii hadlaya ayaa waxa uu sheegay in gudoonka labadda Aqal ee dalka ay u sheegeen in ay ka go’an tahay dalka ay doorasho ka dhacdo 2020-21. Isaga oo ka hadlayey fadhi uu dhowaan yeeshey Golaha Ammaanka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayuu xusay in ay jiraan caqabado hortaagan doorashada. Mid kamid caqabadaha ugu muhiimsan ayuu ku tilmaamay ammaanka, oo uu xusay in uu haatan walaac badan uu ka jiro. Balse waxa uu bogaadiyey horumarka ay xukuumadda ka sameysay dhankaasi iyo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose. Ugu dambeyntii, James Swan ayaa wuxuu ka dalbaday Caalamka in ay ka taageeran dowladda Soomaaliya dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo horumarka. Aqalka Hoose ee dalka ayaa haatan diyaarinaya Sharciga Doorashooyinka, kaasi oo la filayo in ay cod u qaadaan marka guddiga ku howlan uu soo dhameeyo. Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 iyo 2021, taasi oo looga gudbayo nidaamka qeybsiga beelaha ee 4.5. View the full article
  13. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya oo ka hadashay dib u doorashadda Axmed Madoobe ayaa ugu hambalyeysay in dib loogu caleema saaray madaxweynaha Jubbaland. Wasaarada Arrimaha Dibadda xukuumadda Nairobi ayaa ka codsatay dowladda federaalka Soomaaliya in ay la shaqeyso Axmed Maxamed Islaan. Hadalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda ay shaacisay in aysan aqoonsa-neen natiijadda doorashooyinka is-caleema saarka ee Kismaayo. Kenya ayaa horey loogu eedeeyay in ay hanjabtay qaar kamid ah murashaxiinta doorashadda Jubbaland, kuwaasi oo u sheegtay in ay xayiraad kusoo rogeysay. Xaaladda Kismaayo ayaa ah mid qasan, waxaana tan iyo shalay laga soo warinayaa siyaasiyiin sheeganaya in ay yihiin madaxweynaha saxda ah ee maamulkaasi. View the full article
  14. Garowe (SMN) – Puntland ayaa waxay shaacisay in ay u soo wareegeen ciidamo iyo taliyeyaashii watay oo kasoo goostay Somaliland. Saraakiisha ayaa kala ahaa; Gurey Cismaan Saalax, taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan iyo Casaanyo, taliyihii ciidamada badda ee halkaasi. Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa soo dhaweeyay xubnahan oo muujiyey dareen farxadeed, iyaga oo ka mahad-naqay soo dhaweynta. Dhinaca kale, wax war ah oo ku aadan arrintan oo kasoo baxay dhanka maamulka Somaliland ee waqoyga Soomaaliya. Labada dhinac oo muran dhanka dhulka ah uu ka dhaxeeyo ayaa midba kan kale wuxuu sheegtaa in ciidamo dhanka kale kasoo goostay ay isku soo dhiibeen. View the full article
  15. Kismaayo (SMN) – Madaxweynihii saddexaad ayaa la sheegay in maanta oo Jimce ah lagu doortay magaaladda Kismaayo, xarunta Jubadda Hoose. Siyaasiga Cabdinaasir Seeraar ayaa wuxuu noqonaya shaqsigii ugu dambeeyay ee muddo 24-saac gudahooda ah xilkaasi sheegta. Wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale ay saacadaha soo aadan ku dhawaaqi doonan in ay yihiin madaxweynaha Jubbaland. Ma cadda qaabka ay ku timid doorashadiisa, balse Kismaayo waxay la ciir-ciireysaa wax lagu tilmaamay fowdo siyaasadeed. Shalay ayey ahayd markii magaaladda madaxweyneyaal loogu doortay Axmed Madoobe iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in aysan aqoon-saneyn natiijadda doorashooyinka is-caleema saarka Jubbaland. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Shir ay isugu yimaadeen wadamada ku mideysan urur goboleedka IGAD oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya, kaasi oo looga hadlayay arrimo badan oo ka taagan dalalka IGAD sida Koonfurta Suudaan. Waxaa uu shirkan quseeyey wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadamada ku bohoobay urur goboleedka IGAD, iyadoo Soomaaliya uu uga qeybgalay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Axmed Ciise Cawad. Soomaaliya waxaa ay kamaid tahay wadamada sida gaarka ah diiradda loo saarayo in laga taageero dib u soo kabashada, maadaama dalka uu soo maray burbur muddo ka badan 25 sano. Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Axmed Ciise Cawad oo Soomaaliya u matalayay shirkaasi ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka kala dhexeeya Dowladaha ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD. Waxyaabaha diiradda la saaray waxaa kamid ahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga wadamada ku mideysan Urur goboleedka IGAD, dhinacyada ammaanka, nabadda, horumarka iyo dib-u-heshiisinta. Arrimaha sida aadka ah loo gorfeyey waxaa kamid ahaa geedi socodka nabadda ee Koonfurta Suudaan oo in muddo ah xiisado siyaasadeed ay ka taagnaayeen,iyagoo soo saaray baaqyo ku aadan sidi loo xoojin lahaa nabad waarta oo ka dhalata dalkaasi Suudaanta Koonfureed. Sidoo kale, shirka wasiirada Arrimaha Dibadda ee IGAD waxaa loogu hambalyeyeey Golaha hoggaanka sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Suudaan sida ay ugu guuleysteen dhismaha dowlad wadaag ah, si looga gudbo marxaladda adag ee uu marayo dalkaasi. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo mas’uuliyiin kale waxa uu tacsi u dirayaa ehellada iyo qoyska marxuum Danjire Xasan Maxamed Siyaad oo ku geeriyooday dalka Cummaan. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) safiirka Soomaaliya ee Kenay ayaa eebe uga baryay in uu janadii fardowsa uu ka waraabiyo,marxuum Xasan Rubeeci. Danjire Xasan Maxamed Siyaad waxa uu muddo dheer u soo shaqeyay qaranka, isaga oo soo noqday danjiraha Soomaaliya ee dalka Kuwait,sidoo kale waxaa uu ka soo shaqeeyey wadamo kale sida Dalka Cumaan oo haan uu ku geeriyooday. Marxuun Danjire Xasan Maxamed Waxa uu ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/War-Duhur-23082019.mp3 View the full article
  19. Kenya has hailed the election of Ahmed Madobe as president of Jubbaland terming it ‘peaceful and credible’ even as the Federal Government in Mogadishu rubbished the outcome. Source: Hiiraan Online
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabistii ugu dambeysay ee taliyayaasha cusub ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay ay sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa ku macneeyey tallaabadan in madaxweyne Faraamjo ku urursanayo dad wax u dila sida uu hadalka u dhigay. Qoraal Mahad Salaad uu arrintan kasoo saaray oo uu soo dhigay Facebook hoos ka aqriso. RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA! Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO! Hon. Mahad Salad
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si weyn uga hor-yimid magacaabistii ugu dambeysay ee taliyayaasha cusub ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee shalay ay sameeyeen golaha wasiirada Soomaaliya. Mahad Salaad ayaa ku macneeyey tallaabadan in madaxweyne Faraamjo ku urursanayo dad wax u dila sida uu hadalka u dhigay. Qoraal Mahad Salaad uu arrintan kasoo saaray oo uu soo dhigay Facebook hoos ka aqriso. RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA! Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, lkn aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO! Hon. Mahad Salad
  22. Wararka laga helayo Magalada Baran ee gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayan in guddoomiyihii degmada Baran ee Soomaaliland Cabdalle Cabdi Faatax iyo Taliyihii Ciidamada Badda ee Degmada Laasqoray Mr.Casaanyo ay ku biireen Maamulka Puntland. Xubno ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa tagay Baran si ay u soo dhoweeyaan Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Xero ay Ciidamada Soomaaliland ku lahaayeen Magalada Baran laga taagay Calanka Puntland. Si kastaba saakay waaberigii ayay aheyd markii Maamulka Puntland ay kusoo biireen Ciidamo uu hoggaaminayay taliyihii Ciidamada Aaga Magalada Baran G/sare Guray Cismaan Saalax iyo Ciidamo uu wato. Source: goobjoog.com
  23. Mahad Salaad, oo ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa waxaa uu ka hadlay magacaabistii kala duwaneyd ee shalay isaga oo intaa raaciyey in ujeedkeedu yahay mid Madaxweyne Farmaajo ku damacsanyahay fulinta dilal, fulinta awaamiir ka baxsan sharciga iyo caburin. Mudane Mahad Salaad oo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri “Magacaabistii shalay waxaa iiga muuqata in Madaxweyne Farmaajo ku talo galay in uu aruursado dad wax u dila, fuliyana awaamirtiisa si ka baxsan xayndaabka sharciyadeed ee dalka u yaalla iyo kuwa caalamiga ahba. Sidoo kale in la doonayo in la sii kordhiyo caadiska iyo caburinta lagu hayo shacabka degan Gobolka Banaadir iyo dadka siyaasad ahaan ka aragti duwan Madaxweynaha, laakiin aan lagu talo galin dhismaha ciidan qaran, mid horumar bulsho, mid dhaqaale iyo mid isla xisaabtan toona. Xildhibaan Mahad Salaad ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey “Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa RATI HOOG NINKII RARA HAANTA WEYN AYUU KA FURTAA. Dadka degan gobolkaan dagaal kaligitaliye, mid sokeeye, mid qabqable, mid Itoobiyaan iyo mid argagixiso mid mid ayaa loogu soo tijaabiyay waana lagu hoogay. Marka qofka ku fakaraya wadadii shalay lagu hoogay in uu maanta dib ugu laabto waa mid ugu talo galay RATIGA HOOG HAANTA UGU WEYN IN UU KA FURTO!” Shalay waxaa ay xukuumadda sameysay magacaabis kala duwan, oo ay ku jireen taliyeyaasha ciidanka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Garoowe (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah musharraxiintii sanadkan xilka madaxweynenimo kula tartamayey, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa ay war ka soo saaray khilaafka culus ee u dhexeeya isaga iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi (Karaash). Musharraxiintan oo soo saaray illaa lix qodob ayaa eedeymo kulul u jeediyey madaxweyne Deni. Halkan hoose ka qriso: Annagoo ah siyaasiyiin iyo masuuliyiin u danqanaya Puntland, waxaan in mudda ah si dhow u la soconnay xaaladda Puntland ay ku sugantahay dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo tan Siyaasadda, mudaddaas oo dhan indhaha uun baan kala soconnay, annagoo raja ka qabnay in xaaladda wax laga baddali doono, laakin nasiib darro; waxay gaartay xaalad aan marnaba laga aamusi karin maxaa yeelay xil goonni ah ayaa naga saaran, maadaama aannu nahay kana mid nahay masuuliyiinta u danqanaya dadkooda iyo dalkoodaba. Maanta shacabkii waxay taaganyihiin xaalad aysan raalli ka ahayn sida xukuumadda hadda jirta wax u maamulayso, qabaa’illadu waxay bilaabeen si goonni, goonni ah ay aayahooda uga tashanayaan una shirayaan, waxay taasi ka turjumaysaa saluugga ay qabaan meesha uu gaarsiisanyahay, waana arrin wal-walkeeda leh oo Puntland midnimadeeda iyo wada noolaanshaheeda khatar galin karta. Xaaladda isfahan-waaga ee xukuumadda ka dhex aloosan ee ay la kowsatay haddana bannaanka u soo baxay iyo khilaafaadka siyaasadeed ee soo deg-degay oo u dhexeeeya madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waa mid iyaduna walwalkeeda leh oo ku tusinaysa heerka habacsanaan iyo burburka dhinaca siyaasadeed ay Puntland la ildarantahay maanta. Puntland waa dhul lawada leeyahay oo ay tahay qof kastoo innaga mid ah inuu buuxiyo doorka iyo kaalinta ku soo aadda. Si looga gudbo xaaladda Puntland ay marayso maanta xukuumaddana ay u noqoto mid ka shaqaysa danaha Puntland oo iyadoo isla jaanqaadsan shaqeysa, waxaan kula talinaynaa qodobadaan hoos ku xusan:- Waxaa muqadas ah midnimada gobolada Puntland, iyo ilaalinta soodimaha/xuduudaha ku astaysan dastuurka dowladda Puntland. Waxaana waajib ku ah dawladda adkaynta ammaanka gobollada gacanta ku jira iyo soo celinta kuwa maqanba. waxay Puntland 21-kii sano ku gashay jiritaankeeda dagaalo culculus oo badan oo ay naf iyo maalba u hurtay, oo ay ugu danbeeyeen kuwii sanadkii hore, cid goonniya oo Puntland ka tirsan kama geli karto waan-waan iyo tanaasul, waxaana ugu baaqaynaa shacabka inay u midoobaan difaaca dalkooda. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Puntland Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan inay ku dhameeyaan wadahal iyo is-af-garad ayagoo u maraya xalinta khilfaadkooda si waafaqsan dastuurka oo aan dhanna looga leexan. Annaguana waxaan diyaar u nahay inaan dhex-dhexaadinno. Xukuumaddu waa inay ku mashquushaa danaha shacabka Puntland oo ah inay gaarsiiso adeegyada baahida badan loo qabo. Xukuumadda waa inay la imaataa nidaam maaliyadeed oo daah furan si loo xoojiyo kalsoonida shacabka iyo xukuumadda, lagana saaro shacabka shakiga galay in shaqsiyaad ay hantidoodii u samaysteen akoona goonniya oo iyaga u gaara ah. Waa in dawladdu ka dhabeysaa gaarsiinta waddanka nidaamka xisbiyada badan ee (qof iyo cod), taasina waxay u baahantahy la tashi salbaalaran iyo in waddada la qaadayo iyo hanaanka loo marayo uu noqdaa mid siyaasiyiintu iyo beesha caalamka ee daneeyayaasha dalkeenna ay aqbali karaan. Waa in la dhowraa xuquuqda bini-aadmaka iyo xorriyatul-qowlka iyo madax bannaanida saxaafadda, wixii cabasha ah iyo kala duwanaansho aragtiyada siyaasadeed aan lagu wajihin cabsi galin iyo cabburin ee loo maraa waddo sharciya ee waafaqsan dastuurka waddanka u deggan. SAXIIXAYAASHA BAYAANKA 1’AAD:- NO. MAGACA 1.Dr. Aadan Maxamed Ciise Gaadaale 2.Jeneral Asad Cismaan Cabdullaahi 3.Daahir Mire Jibriil 4.Inj. Maxamed Cismaan CALI-MAAD 5.Maxamuud Cabdi Axmed (Garlibaax) 6.Jeneral Siciid Maxamad Xirsi DHAMMAAD Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com