-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga waxa uu kaga jawaabay hadallo ka soo yeedhay wasiirka warfaafinta Somaliland kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo laf jab ku ah Qaranka iyo wada jirka umadda Somaliland. Xoghaye Khadar waxa uu xoojiyay mawqifka Xisbiga WADDANI ee arrinta Caarre oo Khamiistii guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro tilmaamay in xukuumaddu wada hadal iyo wanaag ku dhammayso arrintaasi waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynuhu dulqaadka u yaqaanno doqonimo “Marka xisbigu arrin ka hadlo dhaqan baa abuurmay wasiirradeena qaarkood ay doonayaan in aanay ka hadal arrintaas ee ay dadka meelo kale ula kacaan oo ay xannuun iyaga haya iyo meelo ay xoqonayaan la taggaan. Wasiirka warfaafintu hore wuxuu u yidhi xisbiga WADDANI waa Soomaaliweyn, waxa aanu garanayn hadalka uu leeyahay macnaha uu leeyahay iyo saamaynta uu yeelanayo marka uu mushtamac dhan oo xisbiga Qaran ah oo 42% ay u codaysay hadalka leeyahay, marka uu hadalkaas leeyahay hadalkiisu wuu baxaya, luuqado kale ayaa lagu turjumaya, halkii Somaliland wada hadallada ka taagnayd wuu diciifinaya laakiin, in aanu garashada lahayn ayaa hadalkiisa ka muuqata,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar. Xoghayaha xisbiga WADDANI waxa uu intaasi raaciyay in shaqada wasiirka warfaafintu tahay mid fadhiid ah sidaas awgeedna aanay ahayn ba in uu arrimaha waaweyn ee xisbigu ka hadlayo ka jawaabo “Waxaynu ognahay wasiirka sidaa u hadlaya in shaqadiisii dayacan tahay taanu ka hadlaynana waa shaqadiisa siduu u hagaajin lahaa waxa uu maamula wasaarad ka dhaqaale badan saddex wasaaradood oo waliba kuwii muhiimka ahaaya haddana sida aad la socotaan Halleeya haddaad tagto idaacadda Radhyow Hargeysa ma dhegaysan kartid, Tv-gii Qaranka qaybtiisii guduhuna ma shaqayso, marka uu Telefishankii iyo idaacad meteli waayay in uu arrimaha waaweyn ee Qaranka madaxda xisbiyadu ka hadlaan uu mirqaan hadlo run ahaantii waxaan isleeyahay in ay dhaawac weyn u gaysanayso sumcaddii, wada jirkii iyo umadnimadii Somaliland anagu ta aanu ka hadlayno ee ku celcelinayna waa arrimahaas; haddii ay arrinta Caarre tahay waxaanu ka taaggan nahay waar wada hadal iyo xal iyo wanaag, xikmad iyo odaytinimo lagu dhammeeyo oo arrimaha lagu xalliyo, haddii uu wax ka duwan hayo dee ha badheedho oo ha sheego, ha badheedho oo yidhaahdo waanu dagaallamayna halka ay marka la xusho ee la tagto ha arkee laakiin, waxba yaanu ku meeraysan in uu ciidamada wax ka sheego,” ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga WADDANI. Xoghaye Khadar Xuseen Cabdi wuxuu sheegay in aanay xisbi ahaan la yooyootamin wasiirrada u hadla sida liidata ee meeqaamkeedu ka hooseeyo minqiyaaska laga filanayo wasiirrada iyo siyaasiyiinta dadku ku dayanayaan laakiin, hadalka shalay ahaa mid milgo la’aan ah “Tan shalay waa ninkii maydku ka dhacay ee yidhi ‘hadduu sii go’ay’ oo tii horeba tu ka daran ayuu wasiirku ka hadlay shalay waxaana ka makhraati ah shacbiga Somaliland oo muujiyay sida ay uga xumaadeen ee u diideen oo baraha bulshada iyo meel walba lagu faallaynayay. Dadka qaar baa damiirkoodu nool yahay oo wasiirro dawladda ka tirsan ayaa aniga ila soo hadlay si ay iigu sheegaan arrintaasi in ay ka xun yihiin uu wasiirka xukuumadda afkeeda ku hadlay ku hadlayay,” ayuu yidhi Mudane Khadar. Waxa kale oo uu wasiirka uga digay in uu qabyaalad dhex galiyo Ciidanka Qaranka “ Waa in uu ogaado (Wasiirka warfaafintu) haddii uu ciidanka Qaranka sumad reer u sameeyo, sumado xisbi haddii ciidanka Qaranka loo sameeyo, haddii ciidanka Qaranka naxli, kala qaybin iyo kala tag lagu abuuro sida hadalka wasiirka ka muuqata askarta ciidanka ku jirta inta ay Cirro isku haybta yihiin in ay Cirro u shaqeeyaan buu u yaqaanna laakiin, sidaas maaha waa ciidan Qaran, Qaranka mushahar ka qaata, qarankooda u dhinta Qarankooda u dagaallama laakiin, in dhegahoodu waxaa afhayeenkii xukuumadda Somaliland ka maqlaan iyaga oo duruufta ay ku nool yihiin aan oganahay oo boqol dollar qaata oo aynu ognahay nolosha qoysaskoodu halka ay taaggan tahay in haddana la reereeyo oo maalin walba dadkii xukuumadda wasiirrada ka ahaa waxaa ciidamada u quudhaan waxaanu u aragna in ay tahay ayaan darro iyo arrin lafjab ku ah wada jirka Qaranka iyo wax walba oo wanaag ku astaysan,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar. Waxa kale oo uu sheegay in fursad kasta oo ceebaha xukuumadda ah xisbiga WADDANI aanu dayaci doonin, islamarkaana ay shaqada xukuumadda tahay daboolidda iyo difaacidda dhalliilaheeda “ Waxaan wasiirka u sheegaya in shaqadiisu tahay difaacidda dhalliilaha xukuumadda wuxuu se shalay ku baryootamay in aan ceebahooda la sheegin laakiin, maanta xukuumaddu way qaawan tahay anaguna diyaar uma nihin aan asturno ee waa sii qaawinayna ceebahooda waa sheegayna oo mar baanu sheegayna labaanu sheegayna saddex baanu sheegayna iyaga laga raba in ay ceebahaas asturan, iyaga laga raba in ay ceebaha xalliyaan, iyaga laga raba in ay xalliyaan mushkiladaha Bariga ee afar jirsatay, iyaga laga raba in ay daweeyeen dhaqaalaha, anaga shaqadayadu waa in aanu ceeb kasta iyo gef kasta oo ay sameeyaan aanu bulshada u soo bandhigno taana saacad kama habsaamayno haddii ay jecel yihiin iyo haddii ay neceb yihiin ba,” Sidaa ayuu yidhi xoghayaha WADDANI. “Warqad ayaanu u qori doona golaha wakiillada aanu ugu sheegayno in ay u yeedhaan wasiirkaasi oo ay waydiiyaan in uu sharraxaad ka bixiyo sababta uu ciidanka Qaranka u reeraynayo, sababta uu askarta la yaqaanay ee waligood ciidanka ahaa ee Qaranka u dagaallamayay ugu sheegayo xisbi in uu caddaynteedii baarlamaanka hor keeno oo baarlamaanku waydiiyo oo baarlamaanku waajibkiisa ka guto,” ayuu yidhi Xoghaye Khadar, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Boosaaso (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay bartamaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo miino ahaa ayaa waxaa lala eegtay gaari HELUX ah oo uu la socday wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta maamulka Puntland Shire Xaaji Faarax, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa xilliga uu dhacayey uu gaariga uu saarnaa wasiirka, balse uu ka badbaaday. Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, kaas oo ka mid ahaa ilaalada wasiir Shire Xaaji Faarax oo ka tirsanaa xukuumaddii Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa, kadib ay goobta gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, islamarkaana baaritaano ay ka sameeyeen halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo saraakiisha laamaha amnigu ay ka bixiyeen qaraxaasi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha gudaha magaalada Boosaaso ka dhacayey falal liddi ku ah nabad gelyada, sida qaraxyo iyo dilal qorsheysan. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-04082019.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha guddida beelaha West Burco Clan Suldaan Axmed Cismaan Caddagude ayaa ka hadlay ifafaalaha ka soo bixi kara kulan dhex maray hoggaanka dhaqanka ee beelaha West Burco Clan iyo Kornayl Caarre. Kulanka odayaashu ugu tageen Kornaylka ayaa ah dhexdhexaadin laga dhex wado isaga iyo xukuumadda madaxweyne Biixi. Suldaan Caddagude oo wargeyska Geeska Afrika la hadlay ayaa yidhi “Imika meel wanaagsan bay wax marayaan illaahay idamkiina inay wax walba wanaag inoogu dhammaadaan baanu rajaynaynaa, waxaan rajaynayaa in ay wax walba khayr inoogu dhammaadaan,” Shalay ayay warbaahinta iyo baraha bulshadu si weyn u faafiyeen sawirrada kulanka madaxda dhaqanka iyo kornayl Caarre. Source
-
Laba xubnood oo ka tirsanaa malayshiyaadka Al-shabaab ayaa Maanta isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Diinsoor Ee gobolka Baay sida ay sheegtay wakaaladda Wararka SONNA oo xiganaysa Ibrahim Maxamed Nuur oo ah guddoomiyaha Degmada Diinsor ee Gobolkaasi Baay. Wakaaladda SONNA ayaa baahisay sawirada labada nin oo ay magacyadooda ku sheegtay Maxamed Xasan Cusmaan oo da’adiisu tahay 25- sano jir ah iyo Xuseen Marshaale Maxamed oo da’diisu tahay 19 sano jir ah, islamarkaana ka soo goostay Al-shabaab siday wakaaladdu sheegtay. “Waxaa ay ogaadeen In Alshabaab maanta Shacabka Soomaaliyeed aysan dhaafeynin Saqiir iyo Kabiir iyaga oo dhallinyaro ah oo markii horaba la qaldey ayaa Maanta ka soo laabteen Qaladkoodi iyaga oo ka Faa’ideysanaya cafiskii uu u fidayay Madaxweynaha Jumhuriyadda Fedaraalka Soomaaliya” ayay wakaaladdu ka soo xigatay guddoomiyaha Diinsoor. Waxaa kale oo guddoomiyuhu ballan-qaaday in ay gacma-furan ku soo dhoweynayaan qof kasta oo ka tanaasula fikirka Al-shabaab oo isa soo dhiiba”anaga oo Fulinayna Amarka Madaxweynaha Qof kasta oo doonaya waddada Qaladan Al Shabaab kasoo laabto Gacmo Furan ayaan kusoo dhaweynaynaa Ka maamul ahaan” Dowladda Soomaaliya ayaa hore u soo bandhigtay xubno ay sheegtay in ay ka soo goosteen Al-shabaab iyadoo madaxweyne Farmaajo uu marar kala duwan sheegay in uu cafis u fidiyay dhalinyarada ka soo baxda Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Laba xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Iran)-Ciidammada Badda ee IRAN ayaa qabsaday Markab Shidaal, kaasi oo noqonaya kii saddexaad ee ay qabsato inta xiisadda Gacanta Persia kacsan tahay. IRAN waxay sheegtay inay Markabkan u qabsatay inuu Shidaal u siday Dawladaha Carabta, sida laga soo xigtay Warbaahinta IRAN. Sarkaal ka mid ah Ciidammada ilaalada Kacaanka IRAN ayaa laga soo xigtay inuu axadda Maanta yidhi ‘Markabka aanu qabsanay wuxuu siday 700.000 litir oo shidaal ah..” sida ay Al-jazeera baahisay. Markabkan oo ay saaran yihiin 7 Shaqaale ah ayaa Sarkaal ka mid ah Ilaalada Kacaanka IRAN wuxuu sheegay inuu shidaal kala wareegay Maraakiib kale “Markabkan Shisheeye, Shidaalka wuxuu ka helay Maraakiib kale, waxaanu u gudbinayey Dawladah Gacanka Persia..” ayuu yidhi, Gen. Ramazan Zirahi. Markabka iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa lagu xidhay Dekedda koonfurta ku taalla Bushehr. Markabkan weli lama sheegin Waddanka laga leeyahay, laakiin wuxuu noqonayaa kii saddexaad ee IRAN qabsatay. Wararka ka imanaya Magaalada Tehran ee Caasimadda IRAN, ayaa sheegaya inay Markabka ka qabsatay IRAN meel u dhow Jaziirradda Farsi. IRAN waxay hore u haysatay Markabka Stena Impero oo Ingiriiska laga leeyahay iyo Markab kale oo sita Calanka Dalka Panama. Source
-
(SLT-Boosaaso)-Waxaa qarax nooca wadada la dhigo ah lala eegtay gaadhi uu watay wasiirkii hore ee qorshaynta Puntland Shire Xaaji Faarax oo hore mar usoo noqday Musharax Madaxweyne Puntland. Sida la xaqiijiyay hal askari oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka ayaa ku dhaawacmay qaraxaan, waxaana ka badbaaday wasiirka oo isagu saarna gaadhiga. Ciidamada Amaanka ee Gobolka Bari ayaa wada badhitaano la xidhiidha dhacdadaan. Qaraxaan ayaa ka dhacay wadada hor marta Hotelka Ramada ee Magaalada Boosaaso Xarunta Gobolka Bari. Source
-
Many Somalis believe the unceasing violence in Somalia is sponsored by foreign countries or entities out to advance their economic interests in the impoverished state despite vast untapped resources, including oil and gas. Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Dayton)-Nin Hubaysan ayaa ugu yaraan 9 Qof ku dilay Magaalada Dayton oo ka mid ah Ismaamulka Ohio ee dalka Maraykanka. Ninka Weerarka geystay ayaa Markii dambe Ciidammada Boolisku toogasho ku dileen, Axadda Maanta sida Madaxda Boolisku Xaqiijiyeen. Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee 24-kii Saacadood ee u dambeeyay ka dhacay Dalka Maraykanka. Weerarkan Dayton ayaa Tirada 24-kii saacadood ee u dambeeyay lagu dilay Maraykanka ka dhigaysa 30 Qof, maaddaama oo weerarkii kan ka horreeyay ee lagu qaaday Tukaan ku yaalla Magaalada El Paso ee Gobolka Texas, kaasi oo ay ku dhinteen Dad tiradooda lagu sheegay 21 Qof. Source
-
Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa inta badan taliyaasha Ciidamada Jubbalanad u dhiibay shakhsiyaad kasoo jeedo Beesha Ogaadeen. Halkaan hoose ka akhriso magacyada iyo beelaha ay kasoo jeedaan taliyaasha kala duwan ee Ciidamada Maamulka Jubbaland. Khaalid Sheikh Abdulaahi Taliyaha nabad sugida Jubaland Qabiilkiisa: Ogaadeen Tolomoge. 2: C/risaaq Cumar Foolbeer Taliye ku xigeenka nabad sugida. Qabiilkiisa Ogaadeen Ree Cabdille. 3: Tamaan Dayib Abaanduulaha nabadsugida Qabiilkiisa Ogaadeen Ree Cabdile 4: Maxamed Wali Colaad Taliyaha Ciidamada dharcada Qabiilkiisa Raxanwayn, laakiinse Reer Cabdile ayaa reer Abti u ah. 5: Taliyaha amniga garoonka Kismaayo Sidiiq Maxamuud dhogor. Qabiilkiisa Ogaadeen Cawlyahan. 6: Taliyaha amniga Dakada Kismaayo Isaaq dakadey Ogaadeen Tolomoge. 7: Taliyaha booliska Jubaland Maxamed Naasir Guul Ogaadeen Ree Cabdille 8: Taliyaha ciidamada Daraawiishata Jubaland Aadaan Koojaar Ogaadeen Ree isaaq. 9: Axmed Cumar Saahid Niiniile Abaaduulaha Ciidamada Daraawiishta Jubaland Ogaadeen Ree Cabdille 10: Taliyaha ciidamada Danab Xassan Maxamed Ciraaqi Ogaadeen Makaahiil. Taliyaha ciidamada Isku dhafka qaybta 43-aad Cabdi Xukun Ogaadeen Makaahiil Taliyaha ciidanka Madaxtooyada Jubaland Mahad Yaxbul Ogaadeen Ree Cabdile. Iyo qaar kale. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
(SLT-Burco)-Wararka ka imanaya gobolka Togdheer ayaa sheegaya in deegaanka Cali Saahid oo ka tirsan gobolka Togdheer lagu weeraray badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi. Badhasaabka Gobolka Togdheer ayaan ilaa iyo hadda la garayn sababta loo weeraray, hase yeeshee waxa ay wararku intaasi ku darayaan in rasaas badani ay ku dhacday gaadhiga uu saarnaa badhasaabku, isla markaana aanu wax ku noqo badhasaabku iyo masuuliyiinta kale ee la socday. Hadaba gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid oo la socday xiligii weerarku ku dhacay isaga iyo gudoomiyaha gobolka Togdheer oo HCTV uu khadka telefoonka kula xidhiidhay ayaa waxa uu yidhi “Waxaa lagu weeraray saaka rasaas, anigu waan la socday gudoomiyaha, aniga iyo taliyaha qaybtuba, meel magaalada ah oo la yar samaynayo oo buuq yari ka taagnaa ayuu is yidhi gudoomiyuhu soo eeg iyo taliyaha qaybtu saaka. Waa meel ka isku yar hayo oo magaalada ka yara fog oo buuq yari ka taagnaa oo la deegaamaynayo.” Ayuu yidhi gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid. Sidoo kale mar HCTV waydiiyey sababta ay maamul ahaan u diidan yihiin in dhulkaasi deegaan laga dhigo iyo khasaaraha soo gaadhay ayaa waxa uu ku jawaabay. “Waa dhul daaqsimeed sidaasi ayaanu u diidanahay in dhulkaasi la deegaameeyo, khasaaraha ayaa ah baabuurtii oo rasaasi nagaga dhacday oo aanu siganay.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha deegaanka Cali Saahid. Source
-
(SLT-Muqdisho)-Meydka Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana maayirkii magaalada Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo dalka Qatar ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay qarax ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ayaa goor dhowayd lagu aasay magaalada Muqdisho. Meydka Marxuum Yariisow oo lagu aasay qabuuro ku yaalla dugsiga tababarka booliska ee General Kaahiye ayaa waxaa salaada janaasada lagula tukaday barxad ku taalla garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Aaska Marxuum Yariisow ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Kheyre, Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal, guddoomiyaha aqalka sare Xaashi, ra’iisul wasaare ku xigeen Mahdi, wasiiro, xildhibaano, madaxda maamul goboleedyada qaarkood iyo wakiilo ka socday, safiiro iyo dadweyne tiro badan. Source
-
(SLT-London)-Lix Qof ayaa Dalka Ingiriiska ugu dhintay Daroogo Halis ah oo ay isticmaaleen, muddo laba Maalmood gudahood ah. Dadka dhintay ayaa kala ah Saddex Rag ah iyo Saddex Dumar ah, kuwaasi oo dhammaantood ku noolaa Tuulooyin Ingiriiska mid ah oo jaar ah, kana mid ah Degmada Essex ee koonfur-bari Dalka Ingiriiska. Dadka Dhintay oo looga shakiyey inay si isku mid ah u isticmaaleen daroogo aan weli Magaceeda la shaacin, balse Warbaahintu ku sheegtay inay tahay nooca halista ah. Madaxda Caafimaadka Ingiriiska ayaa Dadweynaha ku waaniyey in aanay iibsan Daroogo, iyagoo ka cabsi qaba inay Geeri ku sababto Dadka isticmaala. Laba Nin oo Da’dooda lagu kala sheegay 26 jir reer London ah iyo 29 jir reer Essex ayaa loo xidhay Kiiska dhimashada Lixda Qof. Warbaahintu ma sheegin Magaca Daroogada ay lixda Qof isticmaaleen, balse waxay ku tilmaameen Daroojo Derajada (A) ah. Maandooriyeyaasha Derajada (A) loo yaqaano waxa ka mid ah. Cocaine Crack Cocaine Ecstasy Heroin Lysergic Acid iyo kuwo kale oo badan. Source
-
El Paso (Caasimadda Online) – Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku dhimatay weerar toogasha ah oo ka dhacay goob dukamaaysi oo ku taal magaalada El Paso ee gobolka Texas, Maraykanka. 26 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo ahaa rasaas uu nin caddaan ah ku furay dad ka dukaamaysanayay dukaan ay leedahay shirkadda Walmart oo ay xilligaa dad badan ku sugnaayeen. Ninka la tuhunsanayahay in uu toogashada fuliyay ayaa waxaa lagu tilmaamay in uu ahaa nin caddaan ah oo ku jira da’da labaatameeyada. Ninka ayaa la xiray ka dib markii uu booliska goobtaasi ku sugnaa uu isu soo dhiibay, kaasi oo ay warbaahinta maxalliga ah magaciisa ku sheegeen Patrick Crusius. Barasaabka gobolkaasi Greg Abbott oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu aad uga argagaxay waxa halkaa ka dhacay. “Texas waxay maanta muraga la qeybsanaysaa shacabka El Paso. Maalin si caadi ah ay dadka usoo dukaamaysan lahaayeen ayaa isu bedeshay mid ka mid ah maalmaha uu dhiigga ugu badan ku daatay taariikhda Texas, Waxaa la laayay dad maanta noolaan ahaa. Waxaa weerarkaasi ku dhintay labaatan qof, halka tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Ka gobol ahaan, waxaan ka midaysanahay taageeridda dhibbanayaasha iyo qoysaskooda”, ayuu yiri barasaab Abbot. Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa falka weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil fuleynimo ah” ”Waan ogahay in aan metelo qofkastaa oo ku sugan dalkan, waxaana maanta si xooggan u dhaleyceynayaa ficilkaan nacaybka ku saleysan. Ma jirto sababo ama marmarsiyo loo sameyn karo dil looo geystay dad aan waxba galabsan”, ayuu Trump ku soo qoray bartiisa Twitter-ka. Toogashada ka dhacday El Paso ayaa ah tii siddeedaad ee ugu dhimashada badneyd ee soo marta taariikhda Maraykanka, waxaana durbadiiba bilowday dood ku aaddan xakamaynta hubka ee dalkaasi. Dhinaca kale, ciiidamada Boliiska magaalada Dayton ee gobolka Ohio ee isla Mareykanka ayaa sheegay in tacshiirad ka dhacday halkaasi ay ku dhinteen sagaal ruux . Dhimashada dadkaasi oo ka dhacday degmada Oregon ee magaaladaasi ayaa lagu waramay in sidoo kale uu dhintay qofkii ka dambeeyay falalkaasi dhimashada. Shilkaan oo ka dhacay meel dibadda ka ah Baar ayaa la xaqiijiyay in ay jiraan tiro dhaawacyo ah oo loola cararay cisbitaalada,sida laga soo xigtay warbaahinta Mareykanka. Isha: BBC
-
Jigjiga (Caasimada Online) – Shirweyne xasaasi ah oo u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa goor dhow ka fumay gudaha magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya. Shirka oo socon doono muddo labo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo Oromada, aqoonyahanno, siyaasiyiin, odayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada labada dhinac. Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa nabadda, dhaqaalaha, iskaashiga iyo arrimo kale. Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itooniya Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) oo shirka daah-furay ayaa ugu horreyn ka warbixiyay ahmiyada uu shirkani u leeyahay labada Shacab ee Soomaalida iyo Oromada, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la dhowro degaanaashaha iyo nabad ku wada noolaanshaha deegaanka. Sidoo kale madaxwaynaha deegaanka Oromiya Shimelisa Abdisa oo madasha ka hadlay ayaa dhankiia sheegay inuu soo dhoweynayo isku soo dhawaanshaha labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay labada shacab in ay yeeshaan iskaashi buuxa, iyada oo laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasiloonida dalka. Waa shirweynihii labaad oo ay yeelanayaan Soomaalida iyo Oromada oo bilhii la soo dhaafay isku laayey gudaha dalka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga caasimada@live.com
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Boosaaso, qaraxan ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana lala eegtay gaari uu la socday wasiir horey uga tirsanaa Puntland. Shire Xaaji Faarax, wasiirkii hore ee qorsheynta ee maamulkii C/weli Gaas sidoo kalena soo noqday wasiirka maaliyadda Puntland ayaa la xaqiijiyey in gaarigiisa lala eegtay qaraxan. Waxaa goobta ku dhaawacmay mid ka mid ah ilaalada mas’uulkan, iyadoo aanay jirin khasaare kale oo halkaasi ka dhashay. Laamaha ammaanka oo gaaray halka qaraxa uu ka dhacay ayaa weli waxay wadaan baaritaanno, mana jirto faah faahin kale oo ay ka bixiyeen qaraxan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku dhintay halka 16 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho goor dhoweyd ka dhacday gobolka Ohio ee waddanka Maraykanka sida laga soo xigtay Booliiska gobolkaasi. Booliiska degmada Dayton ee gobolka Ohio oo weerarku ka dhacay ayaa toogasho ku dilay qof lagu tuhmayo in uu weerarka geystay sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Mas’uuliyiinta degmada Dayton iyo maamulka gobolka Ohio ayaan wax faahfaahin ah ka bixin dhacdadaasi balse waxay ku gaabsadeen in weli baaritaan socdo. Toogashada ayaa dhacday wax ka yar 24-saac kadib markii Sabtidii toogasho kale uu nin hubaysan ku dilay in ka badan 20 ruux goob laga dukaamaysto ku taalla gobolka Texas ee isla dalka Maraykanka. PUNTLAND POST The post Degdeg: Toogasho kale oo hadda ka dhacday Maraykanka appeared first on Puntland Post.
-
Shir u Dhaxeeya Soomaalida Iyo Oromada Oo Ka Furmay Jigjiga
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka furmay shir ballaaran oo looga hadlayo xoojinta iyo iskaashiga deegaannada Oromada iyo Soomaalida ee Itoobiya, kaasi oo ay ka qeybgalayaan ergo aad u badan. Shirkan oo ah kii Labaad ayaa waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiinta ugu sarreysa ee dowlad deegaanka Soomaaliya iyo Oromada, aqoonyahanno, waxgarad iyo sidoo kale bulshada qeybaheeda kala duwan. Inta shirkan uu socdo ayaa diiradda waxaa lagu saari doonaa nabad ku noolaanshiyaha Labada dhinac, dhaqaalaha iyo iskaashigooda. Shirkan ayaa socon doona Labo cisho, iyadoo la filayo gabagabadiisa in laga soo saaro war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga shiray. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjog News Source: goobjoog.com -
Garowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Puntland ayaa qorsheyneysa, sidii loo sii deyn lahaa maxaabiis ku eedeysan Burcadbadeednimo oo ku xiran xabsiga weyn ee Garowe, iyadoo tallaabadaasi oo kale ay dhowaan qaaday Somaliland oo ay hadda ku heysato Seychelles sababta ay u sii deysay maxaabiis burcabadeednimo ugu xirnaa xabsiga magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi. Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey in 48 eedeysanayaal ah oo loo heysto Burcadbadeednimo ay haatan si xaq darro ah ugu xiran yihiin xabsiyada maamulkaasi. Aw Cismaan ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya inay u doodo xuquuqda maxaabiistaasi. “Xukunku caddaalad darro weeye dowladda federaalku ha u doodo maxaabiistaan, Puntland inta tabarteeda ah waa dadaashay, baarlamaanku ha u doodeen dadkaan.” ayuu yiri xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Puntland. Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka koowaad aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Senator Abashir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) oo kormeer ku tegay xabsiga Garowe ayaa sheegay in ujeedka booqashadooda uu ahaa ogaanshaha xaaladda maxaabiista Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku xukuman Burcadbadeednimada ee ku xiran xabsiga weyn ee magaaladaasi. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa tilmaamay in arrinta maxaabiistaan ay la wadaagi doonaan madaxda sare ee dalka, islamarkaana ay jawaab ku soo celin doonaan Puntland. “Waa dadaalaynaa dowladdana waa ku war celineynaa, jawaab ayaana idinku soo celineynaa, markii hore rajadaydu waxay aheyd inaa diyaaradda ila raacdaan, laakiin weli waxbaa dhiman heshiisyada caalamiga ahna lama burburin karo oo farsamooyin badan baa jira”. ayuu yiri Senator Bukhaari. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii Somaliland ay xabisga ka sii deysay illaa 19 maxaabiis ah oo ku eedeysnaa falal la xariira Burcadbadeednimo, hayeeshee dowladda Seychelles ayaa maamulkaasi ku dhaliishay sii deyntooda, kuwaas oo ku xukunaa 30, 36, ilaa 43 sano oo xabsi ah. Caasimada Online Xafiiska Garowe caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle kaga qayb galay salaaddii janaasada, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Gobolka Banaadir iyo Duqii Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow). Diyaaraddii sidday marxuumkan shahiiday isagoo ka shaqeynaya horumarinta iyo dib u dhiska dalkiisa ayaa markii ay soo caga dhigatay garoonka waxaa naxashka halyeeygan oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan. Madaxweynaha ayaa markii ay soo idlaatay salaadda janaasadu waxa uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen janaasada, isoogana Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdows. Intaas kaddib, Cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ayaa marxuumka aas-qaran ugu sameeyey Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahadi Maxamed Guuleed iyo Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Eng. Cabdirixmaan Yariisow uu ka soo qaatay samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna marxuumku tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, xaqiijinta caddaaladda iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article