Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Halkan hoose ka Daawo Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in shirka golaha wasiirada Soomaaliya ee maanta lagu magacaabay taliyayaal cusub oo qaban doona hoggaanka talisyada ciidamada dalka. Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa si rasmi ah loogu magacaabay taliyaha hay’adda NISA, oo muddo sanad uu ahaa sii-hayaha xilkaas, iyo agaasime ku xigeenka. Cabdi Xasan Maxamed Xajar ayaa loo magacaabay taliyaha booliska. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko. Jeneral Odowaa Yuusuf Raage ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada asluubta. Waxaa xilkan laga qaaday Jeneral Bashiir Maxamed Jaamac, Bashiir Goobe. Naga filo faah-faahin dhowaan Insha Allah. Shirka golaha wasiirada ayaa weli socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maanta dib loogu doortay madaxweynaha Jubaland. Qoraal kasoo baxay xisbiga UPD ayaa lagu sheegay inay boggaadinayaan sida hufnaanta leh ee guddiga doorashada Jubaland uu u agaasimay doorashada madaxweynaha ee maanta ka dhacday Kismaayo. UPD ayaa ugu baaqay shacabka Jubaland inay ilaashaan nabaddooda islamarkaana ka feejignaadaan wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo midnimada Jubaland. Xisbiga UPD ayaan soo hadal qaadin xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo isna ay xildhibaannada is-beddel doonka ah u doorteen madaxweynaha Jubaland.
  4. Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa taageertay doorashadii madaxtinimada ee iyo madaxweynaha dib loogu doortay markale mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaana ay dowladdu sheegtay inay ahayd doorasho xor ah ayna la shaqayn doonto dowladda cusub. AKHRISO PUNTLANDPOST The post Dowladda Puntland oo soo dhoweysey doorashadii Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  5. Mahadaay (SMN) – Wararka laga helayo Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta kooxo hubeysan gaari ay la socdeen dad shacab ah ay ku rasaaseeyeen nawaaxiga degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Gaariga oo ku sii jeeday tuulada Xabaal Daacuun oo waaqooyi kaga beegan degmadaasi ayaa la sheegay in kooxo burcad ah ay rasaas ku fureen, kadibna ay dhac iyo jirdil u geysteen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi. Sidoo kale waxaa falkaasi ku dhaawacmay illaa saddex qof oo ka mid ah rakaabkii la socday baaburka la rasaaseeyey. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa faah faahin ka bixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Cod-soofeysane.mp3 View the full article
  6. Muqdisho (SMN) – Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Saciid Xaaji Maxamuud Dheere, ayaa maanta qaabilay Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika, Danjire Abdoulaye Diop, oo ah ergey ka socda Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat. Danjire Abdoulaye Diop, oo yimid Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd isagoo sida farriin uu guddoonsiinayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Gegidda caalamiga ee diyaaradaha ee Aadan Cabdulle . Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee habmaamuuska Qaranka, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo saraakiil AMISOM ka tirsan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Rabshado Shalay Ka Dhacay Magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Ganacsiga Somaliland sheegay in rugsada ay kala noqonayaan shirkadda aan maalinta sabtida ah furin xafiiskeeda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya inuu geeriyooday wiilka madaxweynihii hore ee Soomaliya Maxamed Siyaad Barre oo lagu magacaabay Xasan Maxamed Siyaad Barre. Xasan Maxamed Siyaad oo sidoo kale loo yaqaan Xasan Rubeeti ayaa mar ahaan jiray safiirka Soomaaliya ee dalka Cuman. Waxa uu goordhow ku geeriyooday magaalada Masqad ee dalka Cumaan oo uu sanadihii u dambeeyey ku noolaa, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Faah-faahin naga filo dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Garowe (SMN) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan rasmi ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay M/Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay dadka Soomaaliyeed. View the full article
  11. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-Duhur-22082019.mp3 View the full article
  12. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in aanay Dawladdu ogolayn inay qabsoonto doorashada Golaha Wakiilladu. Xildhibaan Nac-nac waxa kale oo uu sheegay in marka si kale loo eeganaya aanay Xildhibaanno ahaan ogolaanayn in la galo doorashada iyadoo ay cabanayaan beelaha Darafyada iyo kuwa la hayb-sooco isla-markaana aan diwaangelin la samaynin. Nac-nac oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “In Beri doorashada la qabto waanu ogollahay, laakiin waa in sharci lagu qabtaa, Dadka Darafyada iyo kuwa laga tiro badan yahay way cabanayaan, markaa waa in saami-qaybsigii la sameeyaa, waa in tiro-koob la sameeyaa, laakiin aynu iska yaacno uun ma yeelayno oo waa khalad.” Xildhibaanku wuxuu Xukuumadda ku eedeeyay inay masuul ka tahay xildhibaanno ka dareeray Fadhi lagaga doodi lahaa in Komiishanka lagu kordhiyo laba Xubnood “Maalintii dhawayd ee la yidhi Komiishanka laba ha lagu daro, waanu yeellay in laba xubnood lagu daro, haddana xagga dambe ayaa la nagaga yimid oo waxa la yidhi diida, ka baxaa la yidhi oo wayba naga baxeen, markaa Dawladda ayaan doorashada ogolayn.” ayuu yidhi. Source
  13. (SLT-Hargeysa)-Dablay hubaysan ayaa laba haween Oromo ah ku dilay deegaanka Halleeya ee duleedka Hargeysa sidoo kalena ku dhaawacay laba nin oo isla Qoomiyada Oromada ah. Oromadan oo ahaa tahriibayaal gaadhi saaran ayay dablaydu rasaas ku fureen. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sheegay in ay soo qabteen dadka ku eedaysan in ay dilkaasi gaysteen Boolisku waxa ay sheegeen in raggaasi ay khamri cabsanaayeen marka ay falkaasi samaynayeen. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga UCID Oo Bilaabay Qaybinta Kaadhadhka Golaha Dhexe ee Xisbigaas, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. The arts scene is booming in the self-declared republic of Somaliland but, as the BBC's Mary Harper writes, the people who are pushing the cultural boundaries have come up against some opposition. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay si rasmi ah u furay daahfurka xafiis cusub oo dadka ajaabibka ahi ay u fududeyn doona adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan. Xafiiskani wuxuu bixin doonaa adeegyo markii hore ay bixin jireen xafiisyo badan oo ka tirsan Wasaaradaha iyo laamaha dawladda, balse imika wixii ka dambeeya lagu mideeyey hal xafiis. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu adeegan cusub kaga dhawaaqay kulan maanta lagu qabtay xarunta laanta socdaalka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo ay ku weheliyeen Taliyaha guud ee ciidanka laanta socdaalka Sareeye Maxamed Cismaan Caalin (Dayib), agaasimaha Guud ee Maaliyadda, Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasime ku-xigeenka waaxda Cashuuraha berriga Khadar Maxamed Maxumed iyo agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Cabdilaahi Axmed Raabi. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay kulankaas ayaa sheegay inay maanta fureen xafiiskan oo iska kaashanayaan wasaaradaha Maaliyadda, Shaqo-gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo laanta Socdaalka Somaliland. Waxaanu tilmaamay in adeegaasi uu dadka ajaanibka ah ee Somaliland martida u ahi sida macalimiinta iyo dhakhaatiirta u fududeyn doono adeegga ay u baahan yihiin ay goob kaliya ka wada heli doonaan, halkii ay markii hore xafiisyo kala duwan ka tagi jireen, waxaanu xusay inay ka raysan doonaan xafiisyadii faraha badnaa ee ay hawlahooda la tagi jireen. Wasiirka Maaliyaddu wuxuu sheegay in adeegan oo noociisu ku cusub yahay Somaliland ay rajaynayaan inuu wax badan ka beddeli doonto habka loogu adeego dadka ajaanibka ah ee dalka yimaada. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa hanbalyeysay dawladda Kenya oo ku guulaysatay taageerada midowga Afrika oo ah in Kenya xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee Qaramada midoobay. Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Cumar ayaa yidhi. “Waxaan hambalyeenaynaa Dawlada Kenya oo ku guulaystay taageeradii Afircan Union ee kursiga wareega ee UN Security Council”. Kenya ayaa ka guulaysatay waddanka Jabuuti oo ay la tartamaysay. Dawladda ayaa Jabuuti ayaa iyada sheegtay in aanay wali ka rajo dhigin inay ku guulaysto kursigaasi. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) ― Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah Mudanayaasha golaha shacabka, isla markaana ah xildhibaan mucaarid ah ayaa ka hadlay doorashadii goor-dhoweyd oo maanta ah ka dhacday magaalada Kismaayo. Doorashadan goor-dhoweyd ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa markii saddexaad dib loogu doortay Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay inaysan jirin cid ka taqaana baarlamaanka Jubbalanad hogaamiyaha ku haboon, hogaaminta maamulka Jubbaland, isagoona fariin bogaadin ah u direy Axmed Madoobe. Hoos ka aqriso qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xildhibaan Fiqi: “Hambalyo Madaxweynaha Cusub ee DG Jubaland Md. Axmed MAXAMED Islaam oo markii labaad loo doortay xilkaas. Waa go’aanka wakiilada dadka Jubaland ay u gaareen deegaanadooda iyo dawlad goboleedkooda, mana jirto cid ka taqaan ayaga hogaamiyaha u haboon Jubaland. Waa mas’uuliyad adag oo waqti adag loo igmaday madaxweynaha cusub ee Jubaland, hawlo badan oo hortabin leh ay horyaalaan sida midnimada dadka reer Jubaland, iyo tan Soomaaliyeed, nabadgalyada iyo adeegyada bulshada”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. The head of the UN Mission in Somalia (UNSOM), James Swan has told the UN Security Council that Somalia has made the great process in improving the economy despite the security challenges. Mr. Swan said that the Government has made “great strides” towards improving the country’s fiscal performance and strengthening governance, putting Somalia on the path towards economic recovery. “This progress is set against a backdrop of an ongoing humanitarian crisis that remains “one of the most protracted in the world”, with 2.2 million Somalis facing acute food insecurity, and 2.6 million internally displaced, fleeing conflict and drought,” Swan told the UN Security Council. The UN envoy urged member states to urgently resource a Drought Impact Response Plan issued by the UN and Somali Government, which calls for funding of $686 million saying half of that sum has been secured. In his first briefing to the world body since taking office, Swan told the council that despite encouraging developments, insecurity remained a serious concern in the country. On the war against terror, Mr. Swan noted the effectiveness of the collaboration between the UN and international partners, and the Somali Security Forces working with the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which has seen areas near the capital Mogadishu taken back from terror group al-Shabab in recent months However, Mr. Swan noted that terrorism remains a threat to progress, citing the deadly al-Shabab attack on the offices of the mayor of Mogadishu in July, which killed and injured several Government officials. A more immediate concern for Mr. Swan was a regional election in Jubaland province slated on 22nd August where a contested outcome could see an increased level of insecurity, which would not only put progress made in Jubaland in jeopardy but also potentially undermine national priorities, including preparations for the 2020 elections View the full article
  20. One million Somalis will receive lifesaving food and clean water to help reduce food scarcity and malnutrition, the UK government announced on Wednesday. This new £30 million package of UK aid builds on the £38 million in humanitarian and resilience support which the UK is already providing in the country. During a visit to the country this week, Minister for Africa Andrew Stephenson announced that as well as providing food and water, UK aid will also help build longer-term resilience to climate change and drought. “Somalia is being crippled by drought and millions of people are in desperate need of life-saving food, clean water, and treatment for malnutrition.” Stephenson said, adding “The UK has been at the forefront of the humanitarian response, but more needs to be done. Britain, alongside the international community, is committed to providing immediate assistance and building Somalia’s ability to manage the crisis.” An extra £30 million of UK aid support will also provide vaccines for livestock which Somali farmers rely on for their livelihoods. Minister Stephenson led a roundtable with humanitarian partners during his visit, where he discussed how the UK and international community can support Somalia to build their resilience to climate change and end their reliance on emergency aid. He met Somalia’s Prime Minister Hassan Ali Khayre and reiterated the UK’s commitment to supporting Somalia reform on security, politics and developing Somalia’s economy. The minister also traveled to Baidoa in Southwest State where he saw first-hand how the British Military is supporting the training of the Somali National Army at a CSSF-funded training facility. While there, he met Southwest State leader Abdiasiis Laftagareen and discussed the UK’s support for stability and security in the area. View the full article
  21. Ahmed Mohamed Islam Madobe has been re-elected as the new president of Jubbaland state following month long tussle which saw the Federal Government declare the composition of the state assembly illegal. Source: Hiiraan Online
  22. Doorashada madaxtinimada ee maanta ka dhacday magaalada Kismaayo, oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland waxaa aqlabiyad ku guuleystay Axmed Madoobe, isaga oo madaxweyne sii ahaan-doona ilaa 2023-ka. Waxaa Ku Tartamay: 1: Axmed Maxamed Islaam. 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Musharax Maxamed Cumar Geedi 4: Canab Maxamed Daahir Axmed Madoobe oo guuleystay sida aan sheegnay waxaa uu codadka xildhibaannada ka helay 56, halka Canab Maxamed Daahir oo ku xigtay ay heshay 17 cod, murashaxa kale ee Maxamuud Muxumed Cumar ayaa isna helay hal cod. Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland guud ahaan waa 73. Mudane Axmed Madoobe waxaa uu Jubbaland hogaaminayey tan iyo 2013-kii, waa markii 2-aad ee ka noqdo madaxweynaha dowlad goboleedkan. Doorashada Madoobe ayaa dhacday xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo xukuumadda federaalka ah, taasi oo keentay inuu xirto hawada, dhulka iyo badda Kismaayo, kana mamnuuco madaxda dowladda iney tagaan magaalada. Xukuumadda federaalka ah, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha waxaa ay marar badan ku celisay in aaney aqoonsan-doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland. Beesha caalamka oo xalay qoraal soo saartay waxaa ay sheegtay in ay muhiim tahay in doorashada Kismaayo laga fogaado qalalaaso. Dhinaca kale, guri ku yaalo Kismaayo ayey xildhibaannada koox la magacbaxday isbadal-doonka ku doorteen Cabdirashid Xidig oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, arrintaas oo dad badan u fasireen qalalaaso siyaasadeed iyo fowdo lagu furayo maamulka cusub ee Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Garoowe (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee Puntland ayaa go’aan kama dambeys ah ka gaartay kiiskii marxuum Caa’isho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd, taas oo la’isugu daray kufsi iyo dil. Kiiskan ayaa waxaa loo heystay illaa saddex nin oo ay maanta maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah. Maxkamadda sare ayaa go’aankan ku raacday tan darajada koowaad oo horay raggan ugu xukuntay dil. Ragga la xukumay oo ay labo ka mid ah walaalo yihiin ayaa kala ah: 1: Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame 2: Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame 3: Cabdishakuur Maxamed Dige. Dilka iyo kufsiga loo geystay Caa’isho Yar oo bishii February ee sanadkan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa si weyn u taabtay Ummadda Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com