Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,491
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar ay Warbaahinta Puntlandi.com ay ka helayaan Ilo Wareedyo ka ogdhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in uu Kulan albaabadu u xiran yahay uu ka socdo [...] Source
  2. Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa booqdey Masuulkii u horeeyey ee u hambalyeeyey Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Labada Madaxweyne oo khadka Teleefoonka [...] Source
  3. (SLT-Kismaayo)-Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa lagu soo gebogabeeyay Magaalada Kismaayo, ka dib markii uu doorashadaa ku guulaystay isla-markaana Madaxweynaha Afarta sannadood ee soo socda Hoggaaminaya Jubbaland loo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe). Doorashada oo ay ku tartameen Musharraxiinta kala ahaa Axmed Maxamed Islaam oo ahaa Madaxweynihii hore ee Jubbaland, Canab Maxamed Daahir iyo Maxamed Maxamuud, ayaa waxa ku guulaystay Axmed-madoobe. Axmed Madoobe oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa helay 56 Cod, Canab ayaa iyaduna heshay 17 Cod, halka Musharraxa Saddexaadna helay 1 Cod. Madaxweynaha la doortay ayaa waxa markiiba xilka u dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland. Source
  4. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa ayidey xukunkii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal ay ku rideen saddex nin oo loo haystey dilkii iyo kufsigii Caasha Ilyaas Aadan. Kadib markii muddo saddex jeer ah la horkeenay maxkamadda sare ee Puntland ayaa waxa ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhammaan ku xukuntay dil toogasho ah. Magacyada 1. Cabdishakuur maxamed Dige shiine 2 Cabdifataax Cabdirahman Warsame 3. Cabdisalaan Cabdirahman Warsame DAAWO XUKUNKA PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo ayidey xukumadii maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka. appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Diyaarad Drone ah oo Millateriga Maraykanku leeyahay ayaa lagu soo riday Dalka Yemen. Diyaaradda ayaa lagu soo riday Koonfurta-bari ee Magaalada Sanca oo ay Maamulaan Kooxda Xuutiyiintu, sida ay laba Masuul oo Maraykan ahi u sheegeen Wakaaladda Wararka ee Reuters. Afhayeen u hadlay Ciidammada Xuutiyiintuna wuxuu sheegay in Ciidammadoodu ay Arbacadii dhulka sii dhigeen Diyaarad Drone ah oo Maraykanku leeyahay, laakiin Masuuliyiinta Maraykanka ah ee Reuters la hadlay ayaa sheegay in diyaaradda la soo riday Xilli dambe oo Salaasadii ah. Tani maaha Diyaaraddii ugu horraysay ee Maraykanka lagaga soo rido Yemen, balse Bishii June ayaa sidan oo kale diyaarad Drone ah oo Hawl-gal ka wadday Yemen la soo riday. Ciidammada Maraykanka ayaa hore Yemen uga bilaabay Duqaymo ay ku beegsanayaan Al-qaacidada Yemen. Source
  6. (SLT-Jabuuti)-Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in ayna weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya. Safiirka ayaa sheegay in ayna is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi. ‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yidhi Daa’uud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’ Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya. Source
  7. The lawmakers of Somalia’s southern Jubaland State have on Thursday re-elected Ahmed Madobe as president, allowing him to lead the regional administration for the next 4 years. The election was held in Kismayo on Thursday with 74 MPs cast their votes among 4 candidates who expressed their interest to run for the state’s top seat. Somali Federal Government has previously announced it will not recognize the result if the process is not fully compatible with procedures set up for the Jubaland election. View the full article
  8. Waxaa soo dhammaatay doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ka dhacday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Waxaa doorashadan ka qeybgalay Saddex musharrax, iyadoo xildhibaannada Jubbaland ee codeynaya tiradoodu ahayd 73 mudane. Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku guuleystay doorashadan oo ku dhammaatay wareegeedii Koowaad, waxayna natiijada tahay sidan: 1- Axmed Maxamed Islaam wuxuu helay 56 cod 2- Canab Maxamed Daahir waxay heshay 17 cod 3: Maxamuud Muxumed Cumar wuxuu helay 1 cod. Doorashadan ayaa ku dhacday si nabad ah, iyadoo ammaanka uu ahaa mid aad loo adkeeyay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Kismaayo (SMN) – Magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka Jubbaland ayaa waxaa maanta ka dhacay laba doorasho oo iska soo horjeeda. Coddeynta koowaad ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Madoobe, oo markii saddexaad soo laabtay. Dhinaca kale, doorasho kale oo ay qabsadeen murashaxiinta mucaaradka ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Cabdirashiid Xidig. View the full article
  10. Waxaa goordhow Magalada Kismaayo ka dhacday doorashada Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku tartamayeen Afarax Musharax oo uu ku jiray Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Maxamed Islaam. Musharixinta ayaa waxaa u codeynayay 74 Mudane oo ah Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland,waxaana wareega koowaad ee Codadkii la dhiibtay Saddex meelood laba meel kusoo baxay in uu markale Madaxweynaha Jubbaland noqdo Axmed Maxamed Islaam(Madoobe) Hoos Ka Akhriso Codadka ay kala heleen Musharixiintii ku tartantay doorashada Jubbaland. 1: Axmed Maxamed Islaam 56 Cod 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 1 3: Maxamed Cumar Geedi 0 4: Canab Maxamed Daahir 17 mana jirin cod halaabay PUNTLANDPOST The post Axmed Madoobe oo markale loo doortay madaxweynaha Jubbaland. appeared first on Puntland Post.
  11. Sayid Axmed Maxamed Islaam ayaa mar kale loo doortay hogaaminta Jubbaland, Baarlamaanka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe u doortay inuu Hogaamiyo Jubbaland. Axmed Madoobe wuxuu helay [...] Source
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii saddexaad loo doortay hoggaanka maamulkaasi, kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Axmed Madoobe ayaa ku soo baxay wareega koowaad ee doorashada, isagoona helay 56 cod Sidoo kale musharraxa labaad oo aheyd Canab Maxamed Daahir ayaa heshay 17 Cod Musharraxa saddexaad oo isna ahaa Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) ayaa isna helay 1 cod, sida uu shaaciyey guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Sheekh Cabdi Maxamed. Natiijada doorashadan ayaa aheyd mid hore loo sii ogaa inuu ku soo baxayo Axmed Madoobe. Dhinaca kale doorasho ay qabsadeen musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa ku soo baxay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isna loo doortay madaxweynaha cusub ee Jubbaland. Doorashadan oo saacad ku soo gabagabowday ayaa ka dhigeysa in haatan Jubbaland ay leedahay labo madaxweyne. Beesha caalamka iyo dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digay in ay xiisado hor leh ka dhashaan doorashooyinka maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  13. (SLT-Boorama)-Dagaalka Burco Iyo Borama Oo Meel Xasaasiya Maraya Iyo Xildhibaan Reer Borama Ah Oo Kabaha La Dulmaray Xildhibaankii Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Madaxweynaha Xilku ka dhaamdey ee Mar kale u tartamaya Doorashada Jubbaland Axmed Madoobe ayaa cod tirinta hogaaminaya. Waxayna u muuqataa inuu Axmed Madoobe uu Cod [...] Source
  15. Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta soo gaba gabaysay kiiskii marxuumad Caasha Ilyaas Aadan oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey ku howlanayd. Saddexda xukumane oo horay maxkamadaha derejada 1aad iyo rafcaanka gobolka Nugaal dil toogasho ah ugu soo xukumeen ayaa maxkamadda sare ku raacday go’aankoodii iyadoona ku xukuntay dil toogasho ah. PUNTLANDPOST The post Maxkamadda sare ee Puntland oo dil toogasho ah ku xukuntay eedaysanayaashii kiiskii Caasha Ilyaas appeared first on Puntland Post.
  16. Akhri Gabay Cajiib Ah “Habar Waalan Baan Xalay Arkoo Joogta Heegada’e, Hadalkay Itidhi Baan Rabaa Inaan Habeeyaaye”. Abwaan Cali Duul Duul. Waxay tiidhi hiyiga laantu waay kala horay saaye Habar yoonis waxay doonaysaa hilib ay quutaane Hanaan koodu kama sii fogeyn halabsi goodiiye Kursi inay helaan waa waxaan lagu hawoonayne Ciida galena waa wadaa hawiyo hoohi galabeed eh Hadal iyo waxaan faan ahayn uma hiloo baane Hareeraha dun buluq bay intaa huuh ka shubayaane Hee iyo yaa baa uu mudan waana la hubaaye Waxay habar jeclana raadisaa been hadoodilane Hindisaha qariban waa waxay han uu lahaayeene Heemaalka guudbaa dadkuba halis uu haystaane Haan weeye madhan, gudahaa iyo hoos u dhaadhacaye Halyeeyeey is moodan hadana malaha heemaale Hartiguna cidlaay hoganayaan, halow aabareede Heehaabka waxaa lagu meslaa dooni haydarane Heeggaa ugo’ayoo haday bado ku heer meene Hareerahiyo labadooda dhinac laga hormaysiiye Hadba waxay uyaacan xagaan laga hibaynayne Habarti Awalo waxay noqdeen hadimo xoogeede Hogaankiyo wixii loo igmaday haatan laga waaye Hanfi iyo kulayl bay gasheen hadhac yadeeniiye . Hoosiiski lagu faani jirey hooskii waa holac eh Handaraabkii bay nagu xidheen gurigaa hooskiiye Imikaan hore iyo gadaal looga hiranayne Hanjebadyo culus bay wadaan haybta Samaroone Hafto baada bay naga rabaan amase hayn weyn eh Hanti fooq layaabaan arkaa heelka boorama’ e Hadii aan la siin iga walay kaba hab saamayne Hubku waaw u diyaar iyo waxay soo hul binayaane Hurin ciise waa maqan yahiin waana la hubaaye Halka ay jiraan lama gartiyo habay uu jeedaane Haadiyo sidii haad ka adag haatufkiyo taarka, hanqadhoodi baa baxaysa iyo hiriirig toodiiye Yaa haya, waxaan doonayaa hiray degaayaane Heemaal Ayuub iyo Toljecel malaha haaneede Hor weeynkoodii iyo baa la dhacay Hara wadoodiye Hadowbay ku qaateen hadh galay heelka reer sacade Haysashada malaha way liqeen goor habeen dumaye Halkee laga dayaa baadi doon haayiraan ahaye Abwaan Cali Duul Duul Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan), oo ka mid ah Xildihbaanada Golaha Wakiilada,kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Warfaafinta ee uu ku dhaliilay Xisbiyada Mucaaradka, waxaanu ugu baaqay inuu ka fiirsado hadalka uu ku hadlaayo. Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori (Mataan),oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay dagaalka dhexmaray Somaliland iyo Puntland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wasiirka Warfaafinta deg deg ayaa ku jira, ee inuu ka firsado wuxuu ku hadlaayo ayaa u wanaagsan, eeddaha uu u soo jeedinayo Xisbiyada mucaaradkuna waa waxba kama jiraan, Xisbiyada mucaaradkuna doorasho ay diidan yihiin ma jirto, heshiis ay jabiyeen oo ay ka baxeen oo uu ogaana ma jirto”. Mar uu ka hadlaayey dagaalka shalay dhex maray Somaliland iyo Puntland wuxuu yidhi “Maamul Goboleedka Puntland wuxuu dhaqan iyo caado ka dhigteen inay kolba xadkayga iyo dhulkayga ku soo xad gudbaan, waxaana leeyahay Maamulka Puntland xad gudubka joojiya, oo dhulkiina iyo xadkiina ku eekada, haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay Ciidan Qaran oo cadawga iyo cid kasta oo gardaro wada oo ciideena ku soo xad gudba jabinaya, markaas Maamulka Puntland waxaa u roon inay xad gudubka joojiyaan, haddii kale khasaare mooye faa’iido nagalama kulmayaan” Source
  18. Wax yar sug Viedo-ga Live-ka ah wuu soo degayaaye Wax yar sug Viedo-ga Live-ka ah wuu soo degayaaye Source
  19. (SLT-Doha)-Dowlada Qatar ayaa kamid ahayd wadamadii islaamka ee saxiixay qoraal lagu difaacayey dowlada China oo loo gudbiyey Golaha Xaquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay. Qatar iyo 37 wadan oo kale oo u badan Muslimiin ayna ku jirto Soomaaliya ayaa difaacayey dowlada China inay tahay mid tixgelisa muslimiinta, wuxuuna qoraalkaasi la saxiixay bishii Luulyo uu jawaab u ahaa Warqad ay Qoreen dalal u badan EU-da oo cambaareeyey gabood-falada China ku heyso Muslimiinta ku nool gobalka Xinjiang ee dalka Shiinaha. China ayaa difaac ka dhiganeysay qoraalkaasi taageerada ah oo ay ka heshay dalalka Islaamka oo ay xiriirka wanaagsan leeyihiin si ay isaga difaacdo cambaareynta uga imaaneysay dalalka reer Galbeedka. In ka badan 1.5 milyan oo muslimiinta ku nool gobalkaasi Xinjiang ayaa hada ku xiran xeryo ay u sameysay xukuumada China oo sheegtay inay dadkaasi yihiin xagjir ay dhaqan celin u sameynayso, balse hay’ada xaquuqul insaanka ayaa sheegay in dadkaasi muslimiinta ah kaliya loo xiray diintooda. Arrintan ayaa keentay in dalalka Reer Galbeedka ay cambaareeyaan falalkan ay dowlada Shiinaha ku heyso muslimiinta, horaantii bishii Luulayo ayey dalal u badan kuwa EU-da qoraal ay u gudbiyeen Golaha Qaradamada Midoobay xaquuqul Insaanka u qaabilsan ku cambaareeyeen ololaha Dowlada China ay ku cadaadineyso muslimiinta Xinjiang. Waxaana kamid ahaa dalalkaasi u dooday xaquuqda Muslimiinta Shiinaha: Australia, Austria, Belgium, Canada, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Iceland, Ireland, Japan, Latvia, Lithuania, Luxembourg, the Netherlands, New Zealand, Norway, Spain, Sweden, Switzerland iyo UK Waxaa xusid mudan in wadamadan u dooday Xaquuqda Muslimiinta China uusan ku jirin hal dal oo Muslim ah. Balse waxaa la yaab noqotay maalmo kadib inay iyaguna waraaq kale ka dabo qoreen dalal gaaraya 37 oo u badan Afrikaan iyo Muslimiin ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, dalalkaasi oo difaacaya dowlada China oo ay la leeyihiin xiriir ganacsi iyagoo difaacay gabood-falada China ku heyso muslimiinta ku nool dalkeeda. Dalalka difaacay siyaasada Dowlada China ee ku aadan Muslimiinta Xinjiang waxay kala yihiin: Algeria, Angola, Bahrain, Belarus, Bolivia, Burkina Faso, Burundi, Cambodia, Cameroon, Comoros, Congo, Cuba, Democratic Republic of the Congo, Egypt, Eritrea, Gabon, Kuwait, Laos, Myanmar, Nigeria, North Korea, Oman, Pakistan, Philippines, Qatar, Russia, Saudi Arabia, Somalia, South Sudan, Sudan, Syria, Tajikistan, Togo, Turkmenistan, United Arab Emirates, Venezuela, iyo Zimbabwe. Go’aanka Qatar dib uga noqotay difaacida dowlada China ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey hay’adaha u dooda Xaquuqul Insaanka ee dadaalka ugu jira in caalamka uu ka hadlo tacadiyada loo geysanayo Muslimiinta ku nool China. Source
  20. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa goor dhow si rasmi ah u bilaabatay doorashada madaxweynaha Jubbaland, taas oo ka dhaceysa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Goobta ay doorashada ka dhaceyso ayaa waxaa ku sugan xildhibaanada cusub ee maamulkaasi, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale. Musharrax Maxamed Cumar Geedi ayaa goor dhow tanaasulay, waxaana haatan doorashada ku loolami doono kaliya illaa saddex musharrax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda tallada haya, kuwaas oo kala ah: 1: Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) 2: Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) 3: Canab Maxamed Daahir Ammaanka ayaa sidoo kale si aad ah loo adkeeyey, iyadoona ay sugayaan ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuwa AMISOM. Wixii soo kordha kala soco caasimada.net Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  21. (SLT-Ciraaq)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ciraaq ayaa sheegay in uu hayo cadeymo muujinaya in Israa’iil ay ka danbeyso weerar ka dhan ah dagaal yahano madani ah oo taageera dowlada Ciraaq. Mudanahaan ayaa sheegay in maamulka Tel Aviv uu isku dayayo in uu wiiqo awooda ciidan ee dalka Ciraaq. Kariim Al-Calaawi oo ka tirsan xildhibaanada ciraaq ayaa tilmaamay in Israel ay ka danbeyso duqeymo diyaaradeed oo lagu qaaday saldhig ay leedahay kooxda Xashaad Al-Shahaabi. Dhanka kale wuxuu ka digay qorshayaal weerar oo ay damacsan tahay dowlada Isreal. Mr Kariim Al-Calaawi ayaa dhanka kale qeexay in weeraradaan ay wax ka og yihiin taliska Mareykanka ee ku sugan dalka Ciraaq. Source
  22. (SLT-Moscow)-Wadamada Ruushka iyo China ayaa codsaday kulan deg deg ah ee Golaha Amaanka maanta oo Khamiis ah iyagoo ka cadheysan tijaabadii Maraykanka sameeyey ee Gantaal cusub oo ay sheegeen inuu halis ku yahay xasiloonida iyo degenaanshaha caalamka. Militariga Maraykanka ayaa Isniintii shaaciyey inay tijaabiyeen Gantaalkan oo ah nooca loo yaqaan (cruise missile), waan tijaabadii ugu horeysay ee uu Maraykanka sameeyo kadib markii uu dalkaasi sanadkan isaga baxay heshiiskii [Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty (INF)] ee la saxiixay xiligii Dagaalkii – Qaboobaa, heshiiskaasi oo xakameenayey in Maraykanka iyo Ruushka ay sameeyaan gantaalada noocaan ah. Maraykanka ayaa la rumeysan yahay in tijaabadan uu uga dan lahaa inuu fariin ugu diro dowlada China oo ay xiligan kula jiraan loolan dhanka ganacsiga ah, waxaana arrintaasi xaqiijiyey Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Mark Esper oo wareysi siiyey telefishinka Fox ee wadanka Maraykana. Source
  23. Jabuuti (Caasimada Online) – Danjiraha Jabuuti ee Mareykanka iyo Canada, Mudane Maxamed Siciid Daa’uud ayaa sheegay in aysan weli ka raja dhigin kursiga Qaramada Midoobay ee shalay Midowga Africa uu siiyey dalka Kenya. Safiirka ayaa sheegay in aysan is dhiibin dowladdiisa, islamarkaana ay u tartami doonto xubinimada aan joogtada aheyn ee golaha ammaanka. Sidoo kale wuxuu u mahadceliyey dalalka taageerada u fidiyey dalkiisa, isagoo xusay in ay sii wadi doonaan ololahood ay ugu jiraan kursigaasi. ‘’Jabuuti waxay mar labaad xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay sii wado dalabkeeda ah in ay kursi ka hesho golaha ammaanka muddada 2021, illaa 2022-ka.’’ ayuu yiri Daa’uud. Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey ‘’Waxaan u mahadcelineynaa dhammaan dowlaha xubnaha ka ah UN-ka ee taageerada u muujiyey Jabuuti.’’ Shalay ayey aheyd markii Midowga Africa uu Kenya u doortay musharraxa kursigaasi, kadib codeyn ka dhacday xarunta ururka ee ku taalla magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti caasimada@live.com
  24. Shalay waxay Gudiga Doorashadu ay laamaha Amaanka ka codsadeen in Bandow lagusoo rogo Kismaayo ilaa Doorashadu ka dhamaanayso, Bandowgaasoo ay Reer Kismaayo ku waa bariisteen [...] Source