Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Ceerigaabo)-Buuralayda Gobolka Sanaag Ee Uu Ku Sugan Yihiin Ciidammada Kornayl Caarre Oo Dab Xooggani Ka Kacay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI Md Cismaan Afgaab Nuur ayaa sheegay in shir guddida fulinta ee xisbigu yeeshay 08-08-2019 lagu go’aamiyay xilliga la qabanayo shirka Golaha Dhexe waxaanu farriin u diray xubnaha ka qayb galaya shirka. “Shir ka qabsoomay xarunta xisbiga oo guddida fulintu ay isugu yimaaddeen sideedii bishan waxa lagu go’aamiyay in shirkii Golaha Dhexe qabsoomo 28-ka ilaa 29-ka bisha sagaalaad (28-29, September 2019), kana qabsoomo magaalo madaxda Togdheer ee Burco,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cismaan Afgaab Guddoomiyaha Golaha Dhexe waxa uu farriin u diray xubnaha Golaha Dhexe oo uu ku boorriyay in ay wakhtiga ilaaliyaan “ Waxa kale oo aan farriin u diraya qof kasta oo Golaha Dhexe ka tirsan waxa loo soo diri doona farreen iyada oo loo tilmaamayo xilliga uu imanayo xarunta iyo xilliga uu qaadanayo kaadhka, marka qof kasta oo farriintaasi soo gaadho waxaanu ku wargelina in uu ilaaliyo wakhtiga uu tilmaamayo qoraalka ku soo gaadha oo qof walba sidooda u fuliyo farriimaha soo gaadha,’ ayuu yidhi Md Cismaan Afgaab. Geesta kale waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii guddida doorashooyinka ee ku aaddana in aanay doorashadu ku qabsoomayn xilligii loo asteeyay. “Signalka waxaanu dareensan nahay in ay xukuumaddu bixisay sida ay u hadlayaan ay xukuumaddu gudbisay sida ay u hadlayeena ku talo gal ayuu ahaa waxaanay u eeg tahay in ay beesha caalamka ogaysiinayeen reer Somaliland-na niyadda kaga xumaynayeen in aan waddanka wax doorasho ahi ka qabsoomayn “Waa nasiib darro in iyaga oo muran sanad iyo badh soo jiitamayay daraf ka ahaayeen in ay maalintii u dambeysayna laad ku sii dhuftaan wixii la kabkabayay arrintaas nasiib darro ayaan u arkaa,” ayuu yidhi Cismaan Afgaab Source
  3. Xisbiga Waddani ee Somaliland ayaa Sabtida maanta ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomi doono shirka Golaha dhexe ee xisbigaasi iyo goobta lagu qaban doono. Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga mucaaradka Somaliland ee waddani Cismaan Afgaab ayaa shir jaraa’id ka sheegay in shirka la qaban doono 28-29 bisha soo socota ee September laguna qaban doono magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Halkaan hoose ka daawo shirkiisa jaraa’id oo dhan PUNTLAND POST The post Xisbiga Waddani ee Somaliland oo ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsan doono shirkiisa Golaha dhexe appeared first on Puntland Post.
  4. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda madaxweyne Biixi ayaa shuruud hor leh ku xidhay fulinta heshiis dhexmara Kornayl Caarre. Xogo uu helay wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxda dhaqanka ee la kulmay Caarre dhammeeyeen guud ahaan arrimaha marka laga reebo mustaqbalka Caarre. Xoguhu waxay sheegayaan in xukuumaddu dalbatay in Kornayl Caarre ka baxo dalka kadibna dibadda ka soo codsado cafis madaxweyne sidaasna madaxweynuhu ku cafiyi doono laakiin, Kornayl Caarre ayaa arrintaasi ku gacan-saydhay. Madaxda dhaqanka ee hawshan ku jira ayaa badhkood Hargeysa ku soo laabtay halka qayb kale oo Suldaan Maxamed Sul. Xirsi Qani hormuud u yahay wali ku sugan tahay gobolka Sanaag waxaana arrinta kala shaqaynaya badhasaabka Sanaag Mr Tiimbarow. Madaxweyne Biixi ayaa loo arka in ay caqabad weyn ku tahay jabhadda fadhiisinka ka dhigatay meel aan ka fogayn Ceerigaabo, islamarkaana marar badan laga taageeray Ceerigaabo iyo Burco, waxaanay dhammaynta arrintaasi ee odayaashu culays ka ridi doonto xukuumadda. Source
  5. (SLT- Kansas)-Shariif Kaariye oo 41 jir ayaa lagu soo oogay inuu door ku lahaa Kharash lagu helay Mashruuc been abuur ahaa. Eedeysanaha oo ahaa Milkiilaha Xarun Daryeel Maalinle (Daycare Center) oo ku taalla magaalada Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi waxaa Xukun ku riday Maxkamad Heer Federal doorkii uu ku lahaa Mashruuc been abuur ah oo Macaashka Federalka looga qaatay in ka badan 556,000 oo Dollar. Shariif Kaariye oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxa uu ahaa Mulkiilaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Xarun Daryeel Maalin lagu asaasay labo ganacsi iyo labo magac oo isku meel ku yaalla. Labada Xarumood ee uu Madaxa fulinta ka ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Karie Day Care Center iyo Tima Child Care Center, sida lagu sheegay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda. Shariif Mukhtaar waxaa bishii Janaayo 11-dii ee sannadkan lagu soo oogay eedeymo ay ka mid ahaayeen Xatooyo Hanti Dowladeed, 15 eedeymo la xiriiirta Xawilaad Lacageed iyo 3 Xatooyo ee Waraaqaha Aqoonsiga, waa sida hadalka loo dhigay. Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Brian C. Wimes oo u xil saarnaa qaadista dacwadaasi waxa uu Shariif Kaariye ku xukumay ilaa 4 sanno iyo 10 bilood oo aan cafis lahayn oouu ku qaadanayo Xabsi Heer Federal. Sidoo kale, Haweeney la eedeysnayd oo lagu magacaabo Sheri Beamon oo 48 jir ayaa waxaa Xukunkeeda lagu dhawaaqi doonaan bishan August 15-da, iyadoo horey u qiratay Dembiyadii lagu soo oogay bishii September 10-da ee sannadkii hore. Haweeneydaasi waxay ku magacownayd Agaasimaha Xarumaha Kaariye ee Daryeelka Maalinlaha iyo Xarunta kale ee Daryeelka Carruurta ee Maalinlaha (Timo Childcare Center). Source
  6. (SLT-Makka)-Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday inay sannadkan Waajibaadka Xajka gudanayaan Muslimiin gaadhaya 2.5 Milyan. Dadka Xajka gudanaya ee Dacallada Dunida ka kala yimid ayaa Sucuudiga ku gaadhay Gaadiid kala duwan, sida Diyaarado, Maraakiib, Doonyo iyo Gaadiidka Caadiga ah ee dhulka mara. 1.86 Milyan qof oo ka tagay Adduunka intiisa kale, ayaa gaadhay dalkaas, kuwaasi oo 1,730,967 ka mid ahi ka dageen Garoomada diyaaradaha dalkaasi, ka dib markii ay diyaarado ku soo safreen, halka Dadka ka soo Xajay waddamada Jaarka ee dhulka soo maray, ayaa tiradooda lagu sheegay 95,742 qof. Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale sheegtay in Dadka ku soo safray Maraakiibta iyo Doonyaha ay tiradoodu dhan tahay 17,252 qof. Waxa Xusid mudan oo Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sucuudigu sheegtay inay sannadkan Xajka ka qayb-qaadanayaan 700,000 oo xujay ah oo ku nool gudaha Dalka Sucuudiga kuwaas oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanibka deggen dalkaas. Source
  7. (SLT-Addis Ababa)-Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ku dhawaaqay in uu iska joojiyey Kooxda Qareenadda ee isaga difaacaysay, wuxuuna ku eedeeyey Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Itoobiya in ayna Qareenadiisa u oggolaanin Xuquuqdooda. Hadalkaasi waxa uu ka sheegay Fahdigii 4-aad ee Kiiska loo haysto, taasi la dhegeysanayey bishii la soo dhafaay ee July 24-dii. Waxa uu si cad u muujiyey in ayna Qareenadiisa sii wadi Karin Difaaciisa, sababo la xidhiidha Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha oo caqabad ku noqday iyo inuu lumiyey kalsoonidii u uku qabay Maxkamadda. Waxa uu tilmaamay inuu Maxkamaddu u yimaado si uu u dhegeysto Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha, balse aysan jirin wax ay Kulamadda Maxkmaddu ku kala duwan yihiin. Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia waxa uu tilmaamay in warar been ah oo isaga la faafiyey dhaawacday Xorriyadiisa, isla markaana ay Ciiddamo badan isaga ka hayaan ilaalo xooggan. Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu ka soo muuqday Maxkamadda iyadoo ay Ciiddamo hubeysan oo ka kala socday Milliteriga Federalka iyo Boliska si xoogan u joogeen gudaha iyo dibedda Dhismaha Maxkamadda. Dhinaca kale, Muddadii ay socotay Dhegeysiga Dacwadaasi waxay Garsoorayaasha u sheegeen Dcawad-oogayaasha inay saxaan dacwada ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ah Eedeysnaha 1-aad iyo Xamzam Xasan oo iyadana ah Eedeysanaha 43-aad ee Dacwadaha loo haysto. Dacwad-oogaayaasha waxay dalbadeen faahfaahin dheeraad ee dacwadaha ka dhanka ah Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ku jirto Isku-day uu ku doonayey inuu meesha ka saaro Amarka Nidaamka Dastuuriga. Kiiska Zamzam Xasan waxay Maxkamaddu u sheegetay Dacwad-oogayaasha inay Jinsigeeda ka soo dhigaan dheddig, halka dacwadda kaga soo qoreen Lab ahaan. Garsoorayaasha waxay ku amreen Dacwad-oogayaasha inay Maxkamadda ku soo wareejiyaan Nuquladda Caddaymaha Labada Eedeysane. Qareenadda difacaaysay waxay Garsoorayaasha u sheegeen inay khatar soo wajahday Cabdi Maxamuud Cumar, kadib, markii uu Wargeyska The Reporter bishan August 7-dii qoray war been abuur oo ku aadanaa inuu Cabdi Maxmuud Cumar doonayey inuu ka baxsado Xabsiga. Maamulayaasha Xabsiyadda wey beeniyeen waxa uu qoray Wargeyskaasi, balse, Madaxda Wargeyska weli Warkaasi kama aysan saarin Barahodoa bulshadda. Garsoorayaasha Maxkamadda Federalka Ethiopia waxay Kooxda Qareenadda ka codsadeen inay Maxkamadda u soo gudbiyaan qoraalka dacwadooda ka dhanka ah Wargeyska The Reporter. Maxkamaddu waxay sheegtay in bishan Augsut 19-da dib loo dhegeysan doono dacwadda loo haysto Madaxweynihii hore ee Is-maamulka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxmuud Cumar. Si katsaba ha ahaatee, Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo hal sanno ku xiran Xabsiga waxa uu sheegay inuusan isaga naftiisa sii dfaaci doonin iyo inaysan Qareenadiisa sii wadi doono Difaaciisa, wuxuuna sheegay inuu Maxkamadda u imaan doono oo keliya inuu dhegeysto waxa ay Garsoorayaasha iyo Dacwad-oogayaasha sheegaan. Source
  8. (SLT-Paris)-Diblumaasi sare oo ka tirsan dowlada Faransiiska ayaa sheegay in xukuumada Paris ayna wax amar ah uga baahneyn in wadahadal lala galo Iiraan. Arintaan ayaa jawaab kadib qoraal uu barta Twitter-ka ku soo qoray madaxweyne Donald Trump, oo uu ku dhaleeceyay dhiggiisa Faransiiska. Wasiirka arimaha dibada Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay ka shaqeynta amniga iyo xasiloodida Bariga Dhexe. Mr Le Drian ayaa intaa raaciyay in xukuumada Paris marwaliba diyaar u tahay xalinta xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehran. Trump ayaa dhaleeceyay diblumaasiyiinta Macron u diray dalka Iiraan. Source
  9. (SLT-Dubai)-Dowladda Imaraadka ayaa taageertay Dikareetadii Raysal wasaare Hindiya Narendera Modi uu ku laalay Qodobka 370 ee dastuurka dalkaasi ee u fasaxay gobalka Muslimiinta Kashmiir ismaamul u gaar ah. Safiirka u fadhiya Imaraadka Dalka Hindiya Ahmad Al Banna ayaa ku tilmaamay go’aankaasi mid horseedi doono gobolka Kashmiir Barwaaqo iyo Nabad waarta, isagoo sheegay in arrintaasi tahay mid khusayso arrimaha gudaha ee dalkaasi oo ay tahay in la tixgaliyo. ”Waxaan rajaynayaa in isbedelka dhacay uu horseedi doono horumarinta cadaalada, amniga iyo kalsoonida Kashmuur, islamarkaana uu dhiirigalin doono deganaansho iyo amniga ka dhaca gobolka“ Sidaas waxaa wargayska Gulf news u sheegay Safiirka Albanna. Imaraadku wuxuu muddu dheer xiriir wanaagsan la lahaa wadamada Hindiya iyo Baakistaan, waxayna aad uga fogaan jireen inay dhexgalaan khilaafka iyo colaada u dhaxaysa labadaas wadan ee ku hubaysan hubka Nukliyeerka. Imaraadku wuxuu ka mid noqday 8 wadan oo muslimiin ah oo Wadanka Shiinaha ku taageeray Sida uu ula dhaqmo muslimiinta Uighurs ee Shiinaha oo Malaayiin ka mid ah lagu hayo xeryo waaweyn. Source
  10. (SLT-Ankara)-10 Bad-maaxayaal u dhashay dalka Turkiga oo la afduubay bishii July ee sannadkan, ayaa la siidaayey. Warbaahinta Dawladda Turkiga ayaa baahisay in 10-ka Bad-maaxe bishii July lagu afduubay Xeebaha Galbeedka Afrika, iyagoo oo la socday Markab nooca Koontiinarrada qaada ah oo ku jeeday Dalka Ivory Coast. Bad-maaxayaasha Turkiga u dhashay ayaa lagu Afduubay Xeebta Nigeria, 16-kii July. Budhcad-badeeda Afduubay ayaa Markabka kala degay 10 Bad-maaxe, waxayna halkaa kaga tageen 8 kale, sida Warku sheegay. Telefiishanka Turkiga ee Magaciisa loo soo gaabiyo TRT ayaa sheegay in Bad-maaxayaasha la soo daayey uu Caafimaadkoodu wanaagsan yahay, balse Faahfaahin kale ma bixinin. Ma Cadda Budhcad-badeeda Afduubtay Raggu inay qaateen Madax-furasho iyo in kale, laakiin Numan Paksoy oo ka mid ah Maamulka Shirkadda leh Markabka ay la socdeen ayaa sheegay in 12 Nin oo badhcad-badeed ahi ay weerar culus ku qaadeen Markabka markii ay Afduubayeen Ragga markii dambe ay soo daayeen. Source
  11. (SLT-Qasa)-Ciidammada maamulka Israa’iil ayaa sheegay inay toogasho ku dileen 4 Falastiniyiin ah xuduuda u dhaxaysa marina Qasa iyo dhulka ay yuhuudu haysato. Toogashada oo dhacday maanta oo sabti ah, ayaa ciidamada Israa’iil waxay sheegeen in afarta nin ee ay toogteen ay ku hubaysanaayeen hub culus oo ay ka mid ahaayeen hubka lagu burburiyo Taankiyada iyo bambooyin. israa’iil waxay sheegtay in ragaasi ay toogteen markii ay isku dayeen inay u soo talaabaan dhinaca Xuduuda ee ay joogaan ciidamada Milateriga Israa’iil. Ururka Xamaas ee maamulka marinka Qasa weli kama hadlin toogashada lagu dilay 4ta Falastinyiinta ah. Source
  12. A damaged tanker truck exploded in eastern Tanzania Saturday as people were trying to siphon fuel out of it, killing at least 57, police said. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ka soo horjeesatay codsi dowladda Kenya u gudbisay Qaramada Midoobey kaas oo codsanayay in Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ay liiska argagixisada ku daraan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab. Diblumaasiyiin iyo danjireyaal hore ayaa dowladda Mareykanka u gudbiyey baaq ka dhan ah warqad ay dowladda Kenya uga codsaneyso golaha ammaanka ee QM in Al-Shabaab lagu daro kooxaha argagixisada. Xubnahan oo gaarayey illaa 16 diblumaasi ayaa warqad u qoray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, waxaana ay ka dalbadeen in xukuumadda Washington ay gabi ahaan diiddo codsiga Kenya. Diblumaasiyiintaan ayaa sheegay dhibaato xoogan ay ka dhalan karta, haddii ay QM qaadato soo jeedinta Kenya ee ah in Al-Shabaab loo aqoosado koox argagixiso ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in hay’adaha samaflka qaarkood ay hadda ka howlgalaan deegaanada Al-Shabaab, balse haddii la fuliyo dalabkaasi uu meesha ka saari karo howlaha gargaarka, islamarkaana ay qatar gali karto nolosho Soomaali badan. Dhowaan ayey aheyd markii xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Macharia Kamau uu shaaciyey in dowladdiisu golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ka dalbatay in Al-Shabaab lagu daro liiska kooxaha argagixisada ee ka jira caalamka. Al-Shabaab oo ah koox hubeysan, kana dagaalanta Soomaaliya ayaa weeraro khasaaro geysta ku qaada dalka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Inkasta oo baarlamaanka deegaanka Soomaalida Itoobiya uu ansixiyay September 7, 2018 in dib loo soo celiyo calankii hore ee xiddigta 5-ta Soomaaliyeed iyo in magaca deegaanka laga dhigo “Somali Regional State” halkii ay ka aheyd dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya hadana dastuurka Itoobiya ee federaalka ah waxaa ku qoran magac ka duwan ‘Midkii ahaa DDSI ama xataa midka cusub ee Somali Regional State”. Sida ku qoran dastuurka federaalka ah ee Itoobiya, qodobkiisa 47-aad, dowlad goboleedyada ay ka kooban tahay federaalka ah Itoobiya waxaa ku jira “State of Somalia”, hade ma aha “State of Somali” ama “Somali Regional State”, arrintan oo aan lagu baraarugsaneyn waxaa ay meel ka dhac ku tahay qarannimada Soomaaliya. Sida aan ognahay Soomaaliya waxaa dal xor ah, Google ama meel walbo oo qoraal la dhigo dalkeenna ayaa looga yaqaan “State of Somalia” halka dadkaasi Itoobiya deggan ay yihiin dad Soomaali ah, marka in si ula kac ah uga dhigaan Soomaaliya waxaa ay ku tusineysaa damaca Itoobiya. Dastuurkan uu ku qoran yahay “State of Somalia”, waxaa la ansixiyey 1995-tii kolkaas oo Soomaaliya aaney ka jirin dowlad, qowmiyadaha Itoobiya dego wey ka mid tahay Somali, laakin waxaa la fahmi la’yahay sababta ay u adeegsadeen eragyga “Somalia” oo ah dal dhan oo caalamka laga aqoonsan yahay. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in si shakhsiyaad ah ay marar badan kala hadleen Adis Ababa in dastuurka Itoobiya wax laga badalo, gaar ahaan eragyga “Somalia”, arrintaas oo aan dheg jalaq loo siin. Dowladda federaalka ah Soomaaliya weli arrinkan si rasmi ah ugalama hadlin Itoobiya, mana muujin caro, taasi oo dib u dhigi karta in wax laga badalo qodobka 47-aad ee dastuurka oo Itoobiya ee dhigaya in “State of Somalia” ay qeyb ka tahay dalkeeda. Damaca Itoobiya ay ka leedahay Soomaaliya waxaa uu jiraa in ka badan 500 oo sano, laakin waxaa muuqa iney qaab dastuuri ah u soo siqeyso. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye, Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Madaxweynaha Xilku ka dhaamdey Ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ku guuleystay inuu hele kalsoonida Beesha Caalamka kuwaooda daneeya Arimaha Soomaaliya. Qorsha uu [...] Source
  16. Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa la kulmay maamulka degmada Awdheegle ee gobolkaasi oo uu kala hadlay la shaqeynta Ciidanka Kumandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Al-shabaab ka saaray degaanka Awdheegle. Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa Sheegay in ay safar dhulka ah ku gaareen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaasi oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Kumandooska Danab ee Xoogga dalka oo todobaadkii hore Al-shabaab ka saaray Awdheegle. Mudane Najax ayaa Sheegay in safarkiisa lugta ee ay ku gaareen degmada Awdheegle ay ku wehlinayeen guddoomiyaha degmada Awdheegle Maxmed Yarow, Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Genraal Odowaa Yuusuf raage ,Taliyaha Ururka 4-aad ee Danab Gashaanle C/raxmaan sheekh Cumar (Jeeniqaar), Taliyaha qeybta booliska ee gobolka shabeelaha Hoose Abdi dheere, guddoomiye ku xigeenka maaliyadda gobolka Cabdifataax Xaaji cabdulle iyo mas’uuliyiin kale. Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada saraakiisha ciiidanka,isagoona bogaadiyay saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka Al-shabaab looga xoraynayo degaannada ay ka haystaan gobolka Shabeellada dhexe. Guddoomiyaha aya qeybaha kala duwan ee Shacabka gobolka ka codsaday in ay soo dhoweeyaan islamarkaana la shaqeeyan xoogga dalka ee ku sugan degaanka. Hoos ka eeg sawirada mas’uuliyiinta PUNTLAND POST The post Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka oo safar dhulka ah ku tegay degmada Awdheegle appeared first on Puntland Post.
  17. Maamulka Jubbaland ayaa maanta degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose wuxuu kusoo bandhigay Laba nin oo la sheegay iney ka mid ahaayeen Xarakada Al-shabaab. Laamaha ammaanka ayaa raggan magacyadooda ku kala sheegay, Cabdi Ciise Maxamed iyo Geedi Maxamed Cali, waxayna sheegeen in iyagu ay is soo dhiibeen, kadib xiriir ay lasoo sameeyeen saraakiishan. Mid ka mid ah raggan ayaa watay qori nooca AK-47 ah, oo la sheegay inuu kala soo baxsaday dhanka Xarakada Al-shabaab. Dhanka Al-shabaab, wax war ah kama aanay soo saarin in xubno iyaga ka mid ahaa ay dhanka Jubbaland usoo baxsadeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – In ka badan labo milyan oo Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carrafo, si ay u gutaan xajka oo ah tiirka shanaad ee Islaamka. Muslimiinta sanadkan gudanaya waajibaadka xajka ayaa ka badan 2,096,023, kuwaas oo ka kala yimid dalal ay ka mid tahay Somalia. Xujeyda Soomaaliyeed ayaa lagu qiyaasay illaa 11-kun oo ruux, kuwaas oo nasiib u yeeshay in sanadkan ay soo xajiyaan Ammaanka ayaa si aad ah loo xoojiyey, iyadoo ciidamo fara badan dowladda Sucuudi Carabiya ay soo dhigtay waddooyinka magaalada barakeysan ee Makka. Sidoo kale waxaa gawaarida laga mamnuucay isticmaalka wadooyinka gala masaajidka barakeysan ee xaramka. Dhammaan dalalka Islaamka ayaa sidoo kale beri isku diyaarinaya dabaal dega maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. Malaayiin xujey ah ayaa maanta waxa ay taagan yihiin Banka Carafo, waxaana ay gudanayaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee xajka. Xujeyda ayaa saakay laga soo qaaday deegaannadii ay deganaayeen, waxaana ay isugu yimaadeen Banka Carafo, iyaga oo halkaasi joogi doona maanta oo dhan. Dowladda Sacuudiga ayaa diyaarisay kumanaan ciidan, kuwaasi o lasoo dhigay waddooyinka waaweyn ee magaalada Makka Al-mukarrama, iyadoo sidoo kale gaadiidka laga mamnuucay iney isticmaalaan waddooyinka Xaramka Barakeysan u jira illaa 2-KM. In ka badan 11-kun oo xujey Soomaali ah ayaa sanadkan nasiib u yeeshay iney soo xajiyaan, iyaga oo ka mid ah muslimiinta maanta taagan Banka Carafo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha dowlad goboleedka K/galbeed, C/casiis Lafta Gareen ayaa amray in dhammaan ciidanka xoogga dalka ay isaga baxaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wuxuu sheegay in looga baahan yahay iney tagaan saldhigyada ay ku leeyihiin duleedka magaaladaasi iyo sidoo kale dhanka furumaha dagaalka. Lafta Gareen ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu dhex arki karin askari hubeysan, sababtuna wuxuu ku sheegay in amni darrida magaaladaasi ay badatay. Wuxuu sheegay madaxweynaha K/galbeed in ciidanka milatariga ay ka qeybqaateen dil shalay ka dhacay beer ku taalla magaalada Baydhabo. Dhanka kale, C/casiis Lafta Gareen ayaa ku amray saraakiisha ciidanka xoogga dalka iney soo qabtaan askartii dilka ka dambeysay, lana horkeeno cadaaladda. Ciidanka Booliiska K/galbeed ayaa heegan buuxa la geliyey, kadib markii la sheegay in xiisad ay ka dhalatay dadkii shalay lagu dilay magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasiir kuxigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Aadan Dhuubow ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah Shirkadihii daabulay Xujeyda Soomaalida inay si qaldan u maamuleen adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa Xujeyda. Mr Dhuubow ayaa sheegay in Guddi ay u xilsaartay dowladda Soomaaliya kormeerka xaalada Xujeyda Soomaaliyeed inay soo arkeen afar shirkadood oo sameeyay dayacaad weyn. “Waa nasiib darro in shirkadaha qaarkood inay sameeyaan wax dulmi ku ah xujeyda oo aan habooneyn, waana la xisaabtameynaa, waxay aheyd in shirkadaha u adeegaan xujeydam oo baabuurta u diyaariyaan iyo meelihii ay degi lahaayeen”ayuu yiri Wasiir kuxigeenka. Sidoo kale waxaa uu sheegay in shirkadahan afarta ah ee ku kacay qaladka ay la xisaabtami doonaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Kismaayo (Caasimada Online) – Saraakiishga ciidamada maamulka Jubbaland ayaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa magacyada xubnahaasi ku kala sheegtay Geedi Maxamed Cali iyo Cabdi Casiis Maxamed Muxumed (Iidle). Labadaani nin ayaa in muddo ah ka tirsanaa Xooggaga Al-Shabaab, wuxaana ay ka mid ahaayeen guutada weerarada qaada, sida ay shaaciyeen saraakiisha maamulkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa intaasi ku daray in ay soo dhaweynayaan xubnaha kale ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab, haddii ay isa soo dhiibaan. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan xubnahaasi la sheegay in uu ka soo goostay dhankooda. Ciidanka dowladda, kuwa Jubbaland iyo ciidamada Amisom ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com