-
Content Count
213,933 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay barakac uu kabilodway qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka ku dhaqan deegaanka Jameeca ayaa bilaabay inay isaga cararaan halkaasi, kadib markii ay arkeen diyaarado ku socda joog hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaaraduhu ay haayeen labo, islamarkaana ay walwal iyo cabsi ku abuurtay inay duqeymo ka geystaan halkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib ugu soo laabtay guryahooda dadkaasi oo reer guuraa ah. Inta badan waxaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka geysta diyaarada dagaalka Mareykankanka. View the full article
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi looo daabulo dhanka gobolka Galgaduud. Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan. Wararkii ugu dambeeyey ee kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisja Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug. Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodan iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Alshabaab ay joogaan G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida Soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Baladweyn Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Dharkenyley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ku taliyey in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim u tahay nabad galyada in shacabka wax weliba oo ay ka shakiyaan la soo wadaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Sida ay ogaatay Caasimadda Online, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu ka taqaluso xildhibaanka jufadiisa ku matala Golaha Shacabka Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, kaas oo waqti dheer ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Labada nin ayaa la sheegaya in aaney mudooyinkii lasoo dhaafay isku fiicaneyn. Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii Xasan Cali Kheyre uu kala hadlay qaar ka mid ah odayaasha Habar Ceyno sidii Mustaf looga qaadi laha xildhibaanimada 2021. Wuxuu Ra’iisul wasaare Kheyre doonaya in kursiga la siiyo Cabdikariin Gaambe oo ah maamulaha Hotelka Jaziira ee ku yaala Muqdisho. Gaambe oo ka mid ah dalaaliinta waaweyn ee Villa Soomaaliya la shaqeysta xiligaan, waxey ilmo adeero dhow yihiin Ra’iisul wasaare Kheyre. Gaambe ayaa siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere ,waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic, waxaana sidoo kale si weyn usii saaciday xaaska Madaxweyne Farmaajo. Loollan addag ayaa durba soo baxaya oo la xiriira kursiga xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Beesha Habar Ceyno waxey Golaha Shacabka ku leedahay labo kursi. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa ku fadhiya Cabdulaahi Gaafoow, oo muxaafid weyn u ah Kheyre. Sababta Gaambe u raadinaayo kursiga Dhuxuloow waxaa lagu sheegay inuu doonaayo inuu qeyb ka noqdo ololaha Xasan Cali Kheyre uu ku doonaayo inuu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya 2021. Sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, waxaa arrintaan ku kala jabay odayaasha beesha Habar Ceyno, oo qaar badan ay soo jeediyeen inuuu Mustaf Dhuxuloow wax badan qabtay intii uu xilkaas hayay uuna mudanyahay inuu sii joogo, halka qaar kale oo Ra’iisul wasaaraha iyo Gaambe la kulmay ay ku doodayaan in la gaaray xiligii uu bixi lahaa. Wixii kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ammaanka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyey xilli uu halkaasi ku wajahan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa inta badan waddooyinka magaalada iyadoona laga taagey tabeelayaal la suray sawirrada Ra’iisul wasaare Khayre. Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ka helayso Xudur waxa ay sheegayaan inay saacadaha soo socda ku wahan yihiin wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lafilayaa in ra’iisul wasaaruhu uu booqdo xeryaha ciidanka dowladda ee duleedka Xudur isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed sida ay sheegeen maamulka deegaamadaasi. PUNTLANDPOST The post Ammaanka Xudur oo siweyn loo adkeeyey iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka Baydhabo kula kulmay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn dhalinyarada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey baahyahooda dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay is abaabulaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale wuxuu u ballan qaaday in xukuumaddiisa ay siin doonto fursad, islamarkaana ay garab taagnaan doonto mar weliba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-09092019.mp3 View the full article
-
At least 5 people including African Union peacekeeping mission forces in Somalia (AMISOM) were killed and several others wounded when a double roadside blasts targeted Amisom convoy in Somalia’s Middle Shabelle region on Sunday, local media reported. Source: Hiiraan Online
-
Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland. “Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin. Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qirtay in ay is-bahaysi la yihiin Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay fashiliyey qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qaraxyada oo ahaa Miino ah ayaa waxa ay saraakiishu u soo bandhigeen warbaahinta, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in qaraxyadaasi lagu aasay suuq lagu iibiyo qaadka, kuna guuleysteen in ay soo saaraan miinooyinkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in shacabku ay la soo wadaageen xogta qaraxyadaasi, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen degmada Buulo-Burte oo inta badan weeraro culus ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
-
Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay shuruudo siyaasadeed oo adag ku xirtay siidaynta wasiirka amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Gudoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiil iyo wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya haseyeeshee ay siidaynta wasiir Janan ku xireen shuruudo siyaasadeed oo qalafsan. “Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Guddoomiye Axmed Maxamuud Cumar, ayaa intaasi ku sii daray in dhammaan shuruudaha la hordhigay ay yihiin kuwa lagu kala qaybinayo bulshada kunool deegaamada Jubbaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag hordhigay siidaynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan. Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan. “Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland. Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Alibaba Group has extended its partnership with Rwanda and pledged to increase imports from the East African nation. Source: Hiiraan Online
-
ABOARD THE OCEAN VIKING - A charity ship run by humanitarian groups in the Mediterranean spent a rainy Sunday searching open waters for a fragile rubber boat overloaded with migrants before finally plucking 50 people to safety not far off Libya’s coast. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka. Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi. Shaqaalaha ayaa sheegay in mid-mid loola soo xariiray iyadoo loogu goodiyay in la dilayo haddii ay soo xaadiraan shaqada dhismaha garoonka. Waxaa sidoo kale amar la siiyey madaxda shirkadda. Talaabadaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu joogsado dhismihii dib u dayactirka ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho. Sidoo kale xubnaha ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa xiqiijiyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo mas’uuliyiinta shirkadda oo doonaya in ay wada xaajood la galaan Al-Shabaab, si loogu fasaxo dhismaha ay qandaraaska ku qaateen ee ka socday garoonka cayaaraha. Garoonka ayaa waxaa hadda dagan ciidamo Boolis ah, kuwaas oo u babac dhigi waayay hanjabaada Al-Shabaab kaga imaaneysa shirkadda iyo shaqaaleheeda ku howlanaa dhisnmaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqduisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada AMISOM sanadkii hore kala wareegtay garoonka, kuwaas oo daganaa in ka badan Todoba sano, waxeyna dajisay ciidamo boolis ah, iyadoo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dayactir loogu sameyn doono. Al-Shabaab ayaa ku dhiirada in ay hakiyaan dhismayaasha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo shirkadaha xariirka la-leh, waxeyna ku xujeeyaan in ay bixiyaan lacag si loogu fasaxo dhismahooda. Shaqaalaha iyo shirkadaha dhismooyinka oo naftooda u baqaya iyo ayaga oo og in dowladda aysan ka bad-baadin karin Al-Shabaab, ayaa inta badan qaata amarka Shabaab. Xigasho: Universal TV Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa maxaabiista ku xirnaa. Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban waayay. Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay ninka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaalamayeen askariga iyo m axbuuska, islamarkaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeen uu mar kale baxsaday maxbuuskii. Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuuka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u suuragashay gabi ahaanba gacanta Ciidanka & Saldhiga inuu ka baxsado. Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo lagu magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, isla-markaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd iyo askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa. Saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana askarta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejignaan ka muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Booliska magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xadhig u dhaxeeya 14 ilaa 18 sano ku xukumay saddex walaalo-mataano ah kuwaas oo ay boolisku ku wareereen kadib markii uu mid ka mid ah faldambiyeed geystay. Mataanahan oo da`da 28 jira ayaa lagu eedeynayaa in ay ku heshiiyeen in ay faldambyeedyo geystaan iyagoo ka faa`iideysanaya isku-ekaanshaha dheecaankooda DNA-ga ee dadka lagu kala garto, waxaana ay sidoo kale isaga egyihiin muuqaalka. Faldambiyeedyada lagu haysto ayaa waxaa ka mid ah dhac, hub haysasho iyo faldambiyeedyo yar-yar oo kale kuwaas oo uu geystay mid iyaga ka mid ah islamarkaana uusan boolisku sheegi karin kan uu yahay. Booliska ayaa markii ay ku wareereen islamarkaana ay caddeyn waayeen ninka dambiga leh ayay dhammaantood xabsi ku wada xukumeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag. Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo. Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn). Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan. Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale. Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir. Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
