Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,082
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaasha iyo duubabka Beesha uu kasoo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku booqday gurigiisa kadib dhacdadii lagu xayiray. Imaam Maxamed Yuusuf Cali Imaam oo ah Imaamka Beelaha Mudulood iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa u muujiyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed sida ay uga xun yihiin tallaabadii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu diiday inuu u duulo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland si uu uga qeybgalo Caleemka saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Axmed Madoobe. Odayaashaan oo xal ahaan ugu tagay Shiikh Shariif ayaa ka codsaday in Xaaladda la dajiyo isla markaasna ay iyaga Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajoon doonaan dhacdadaan. Imaamka iyo Ugaaska Maanta u tagay Shiikh Shariif ayaa la rumeysan yahay inay daacad u yihiin Dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo taasoo bil kasta siiso lacago. Dadka Falanqeeyo siyaaddda ayaa aaminsan inay aheyd in Ugaaska iyo Imaamka ay si cad u muujiyaan mowqifkooda ku aadan dhacdadaan isla markaasna ay farriin u cad u diraan Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha. Waxaa laga sugayey inay saxaafadda la hadlaan isla markaasna ay si cad uga hadlaan kiiskaan taagan iyo cidda ka dambeyso iyo sida laga yeelayo arrimaha noocaan oo kale ah oo ay dhawr jeer ku dhaqaaqday Dowladda Federaalka. Shalay ayey aheyd markii xubno uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow ay Shiikh Shariif ugu tageen gurigiisa iyadoo wado raali gelin, balse Shiikh Shariif ayaa si cad ugu sheegay inuusan intaan ku qanci karin balse loo baahan yahay inay Dowladda raali gelin rasmi ah ka bixiso. Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyey inay qaadeyso tallaabooyin ka baxsan Sharciga oo ka dhan ah Maamul Goboleedyada. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. “Farmaajo isagoo suud iyo boorso wata anaa magacaabay dalkaan wax ka galay ma jiro isagaa ka faa’ideysta, Xasan Cali Kheyre waa la mid annaga waxbaa naga galay inuu burburana kama yeeleyno dariiqaa ku socoto waa qaldantahay waxaan leennahay meeshaa joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isku timaaddo” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Muqdisho (Caasimadda Online) – Galmudug oo diyaar garoobeysa in ay doorato Madaxweynihii labaad ayaa waxaa ka furmay loolan adag oo la aamisan yahay in natiijada kasoo baxda ay go’aamin doonto rajada mucaaradka ee doorashada 2020. Waxaana si rasmi ah u bilowday ololaha doorashada iyada oo musharixiinta ugu cad cad ay ku dhawaaqeen doonistooda. Mucaaradka dowladda ayaa ku duulaya labada musharax ee kala ah Cabdiraxmaan Odawaa iyo Kamal Guutaale halka muxaafadkuna ay riixayaan Axmed Qoor Qoor, waxaa intaas dheer musharaxiin siyaasad qabow oo tartanka qeyb ka ah kuwaas oo aan la saadaalin Karin dhinaca ay u dhammaan doonaan. Musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo Muqdisho kaga dhawaaqay rabitaankiisa ayaa tagay Dhuusamareeb oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay balse isaga iyo saaxiibadiisa siyaasadda oo ay ku abtirsadaan Xisbiga UPD ayaa safar saxaafadda laga qariyay ugu soo laabtay Muqdisho iyada oo qaarkood ay usii gudbeen Turkiga, laakiin Odawaa oo aan wali Warbaahinta kasoo muuqan ayaa la rumeysan yahay in uu Muqdisho joogo wali. Waxaa jira xogo hoose oo sheegaya in saaxiibadii ay niyad jabeen kalsoonida ah in ay reer Galmudug ka iibiyaan aragtidooda iyo in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbigooda Xasan Sheikh uu si cad u sheegay in doorashada Galmudug uusan wax lacag ku bixin Karin taas oo ay dheer tahay in Xildhibaan Mahad Salaad uu wada hadal la furay Musharax Qoor Qoor isaga oo quud dareynaya in uu ku biiro Ololihiisa. Haddii sidaan ay wax kusii socdaan waxa ay u muuqataa in Musharax Odawaa uu lumin doono taageerayaashiida oo ay biirin doonaan garabyada kale ee xifaaltanka ku jira. Kamaal Guutaale oo isna ah Musharax aan la dhayalsan Karin oo mucaarad ah ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Musharaxnimadiisa waxa uuna u gudbay Dhuusamareeb, Munaasabaddiisa shaacinta iyo soodhoweynta tagistiisa Dhuusamareeb kuma uusan soo bandhigin garbo culus oo saameyn ku leh siyaasadda maanta laakiin waxa uu ku dhiiran yahay in uu sii wato Ololihiisa. Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Wadajir Saraakiil ka tirsan ayaa laga soo xigtay in lacag iyo maskaxba ay la garab taagan yihiin Musharaxooda oo aysan wax cabsi ah qabin, laakiin dad badan ayaa u arka in saaxiibadiis ay saameyn badan ku lahayn siyaasadda gaar ahaa dowladdan iyo tii ka horeysaba. Musharaxa seddaxaad waa kan aad loo hadal hayo oo loo badinayo in uu noqon doono Madaxweynaha soo socda Galmudug waana Axmed Qoor Qoor oo taageero badan ka heysta Dowladda iyo dad ay siyaasadda saaxiib ku noqdeen. Qoor Qoor oo Muqdisho iyo Dhuusamareebba kusoo bandhigay dhoola-tus indhaha soo jiitay sidoo kale noqday Musharaxa Ololaha xooggan tan iyo markii uu ku dhawaaqay hankiisa. Siyaasiin saameyn xoogan leh, ganacsato ay soo wada shaqeeyeen, odayaal dhaqan iyo qeybo kale oo bulshada Galmudug ka tirsan ayaa si mid ah u riixaya qorshaha uu ku maamuli lahaa Galmudug afarta sano ee soo aaddan. Haddii dhinacyada mucaaradka aysan wax ka badalin siyaasadda ay ku wajahayaan Ololaha doorashada oo aysan la imaan hab u sahli kara in ay tartan adag gali karaan waxa ay u muuqataa ciyaar natiijadeeda la ogyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa durbo ka falceliyey shirkii jaraa’id ee uu maanta qabtay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo si adag uga hadlay is hortaagii shalay loogu geystay gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Yuusuf Garaad oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu arko mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. “Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed waxaan hadalkiisa u arkaa mid dib u dhac horseedi kara oo aanay ahayn in la sahashado. Wax ma dhimi karo dad baa leh. Laakiin ma dooneyo in taas la isla gaaro.” ayuu yiri wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wxuuu intaas ku daray in aan loo baanheyn in looga sii daro hadalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Ma ahan in la dheyelsado mana ahan in looga sii daro.” ayuu markale yiri Yuusuf Garaad Cumar. Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhexeeya Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. “Waxaan Dowladda ugu baaqayaa, ayada oo danta guud ka eegeysa, in ay dhakhso u xalliso khilaafkaan oo ah mid markii horeba laga baaqsan karay.” ayuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyey, Mudane Yuusuf Garaad wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya. .Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Dowladda Ethiopia ayaa xirtey dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish oo la sheegay in ay qorsheynayeen weeraro argagixiso. Waaxda sirdoonka Ethiopia ee magaceeda loosoo gaabiyo NISS, ayaa shaacisay in xubnaha la qabtay ay qorshanayeen weeraro lagu qaado goobaha la isugu yimaado ee lagu dhigo ciidaha diiniga ah iyo goobaha dadweynaha ku badan yihiin.. NISS ma sheegin tirada dadka la qabtay, laakiin waxay tilmaamtay in lagu xiray magaalada Addis Ababa, degaanka Oromada iyo degaanka Soomaalida. NISS waxay sheegtay in ay Jibuuti kala shaqeynayso sidii loo xiri lahaa hogaamiyaha kooxdaan oo la tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay Jibuuti. Kooxda isku magacowday khilaafada islaamka ee Daacish ayaa muuqaal ay horey u baahisay ku sheegeen inay qorshaynayaan in ay u wareegaan dhinaca dalka Itoobiya. Dadka falanqeeya siyaasada geeska afrika ayaa arrintan ku sheegay inay kooxdani rabto inay ka faaidaystaan khilaafyada dhexyaala qoomiyadaha Ethiopia. Puntland Post The post Ethiopia oo xirtay xubno looga shakisan yahay Shabaab iyo Daacish appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynihii hore ee dowladdii Federaalka KMG ahayd ee Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho, ayaa si kulul uga hadlay qaabkii shalay loogu xannibay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, xilli uu ku sii jeeday maagalada Kismaayo, halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa xafladda caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam. ” Waxaan aaminsanay, qof kasta oo muwaaddin ah oo Soomaaliyeed, in uu xaq u leeyahay in uu u safro meesha uu doono iyo goobta uu doono. Marka waxaan u aragnaa nasiib-darro, in dowlad sharci lagu doortay sharciga ay jebiso, marka waxaanu arkayney tacaddi iyo jebin la jebiyay Dastuurka oo dowladdu si bareer ah oo ula kac ah u samaysay xaqna aysan u lahayn” ayuu yiri madaxweynihii hore, Shariif Sheikh Axmed. Mudane Shariif, waxa uu si cad u sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ee hadda xilka haysa lagu doortay, nidaamka iyo sharciga dalka u yaalla, sidaasi darteedna loo baahanyahay in ay ku dhaqmaan nidaamka iyo Dastuurka waddanka, balse aan marnaba laga aqbali doonin sharci-darro iyo in ay jebiyaan shuruucdii lagu doortay, isagoo ku boorriyay in ay u hoggaansaman Dastuurka. “Dowladdan hadda jirta ee madaxweyne Cabdullaahi Farmaajo hoggaamiyo, waxaa wax loogu dhiibay doorasho, waxaa wax loogu dhiibay Dastuurku waxa uu faraayo, madaxweyne Xassan Sheikh baa ka horreeyay, isagoo awooddii haysta oo ciidamadii xakuma oo imkaaniyaadkii oo dhan haysta, wuxuu ogolaaday in uu yiraahdo waa la iga guulaystay, waxaan u tanaasulay codka Baarlamanka” ayuu sii raaciyay Shariif. Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay go’aankii saaka ay soo saartay hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ee mudda saddex maalmood ah lagu hakiyay, dhammaan duulimaadyadii diyaaradaha Kismaayo, laga bilaabo 23-September ilaa 26-ka isla bishan September, si loo carqaladeeyo caleema-saarka madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, waxaana Sheikh Shariif xayiraaddaasi ku tilmaamay cuna-qabateyn la saaray shacabka degaannada Jubaland. Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu sheegay in dowladnimada Soomaaliya iyo hannaanka dib u-heshiisiinta dalka labaduba ay burbur ku socdaan, islamarkaana loo baahanyahay in dalka la badbaadiyo “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa”. “ Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo boorsadiisa wata oo suudkiisa wata anaa magacaabay, isaga dalkan wax ka galay oo Resource ah ma jiraan, isagaa ka faa’idaystay, Xassan Cali Khayrena waa sidoo kale. Annaga dalka waxbaa naga galay mana ogolin in uu burburo, dariiqu ku socdo waa qaldanyahay, waxaan leenahay Stop, meeshaad joogto ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaaddo” ayuu sii raaciyay. Hoos ka daawo shirkiisa jaraa’id PUNTLAND POST The post Sheikh Shariif oo sheegay in Soomaaliya ay mar kale cagta saartay wadadii burburka appeared first on Puntland Post.
  6. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo and Prime Minister Hassan Khaire are driving the country in the wrong direction and entrenching dictatorship, former president Sheikh Sharif Ahmed has said. Source: Hiiraan Online
  7. Gaalkacyo (SMN) – Ciidamada Galmudug ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin la sheegay in shalay uu dil ka geystay deegaanka Saddex Xigle ee gobolka Mudug. Saraakiil ka tirsan maamulkaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ninkaasi uu haatan ku xiran yahay xabsiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen in si deg deg ah cadaallada loo soo hortaagi doono ninkaasi. Inta badan deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa ka dhaca dilal salka ku haya arrimo la xariira aano Qabiil. View the full article
  8. Kismaayo (SMN) – Xildhibaan Daahir Amiin (Jeesow) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa soo dhoweeyey xayiraada dhanka hawada oo ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in uu dowladda ku taageerayo go’aankii ay ku joojisay diyaaraddii siday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Waxa kale uu tilmaamay in Sheekh Shariif uu doonayey in uu ka qeyb galo caleema saarka Axmed Madoobe, si uu ugu noqdo garab iyo gaashaan. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-cabdiqani-.mp3 View the full article
  9. Ceel Saliini (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab oo Shalay weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceel Saliini ayaa si deg deg ah usoo bandhigay Sawirada iyo dhibaatada ka dhalatay weerarkaas. Deegaanka Ceel Saliini oo u dhaxeeyo Afgooye iyo Marka ayaa waxaa ka dhacay Dagaal culus oo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Al-Shabaab, waxayna Shalay Dowladda sheegtay inay iska difaacday weerarkaas. Balse Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay natiijo midaas ka duwan oo muujinayo inay la wareegeen Saldhigga sidoo kalana ay qaateen Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Ciidamada Dowladda. Sidoo kale Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay qaar ka tirsan Askartii Shalay weerarkaas looga dilay Ciidamada Dowladda, waxaana sawirada kaso dhex muuqday Askari nool oo ay AL-Shabaab sheegeen inay ku qabteen dagaalka. Weerarka ayaa ahaa mid ku bilowday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu furtay afaafka hore ee xerada, waxaana wixii ka dambeeyay xilligaas dhacay dagaal fool ka fool ahaa oo dagaalamayaasha Al-Shabaab dhowr jiho ay kaga qaadeen xerada.
  10. Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta faah faahin ka bixiyey is hortaagii shalay lagu sameeyey, kadib shir jaraa’id oo uu ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxda dowladda federaalka iyo muwaadiniinta ay u siman yihiin sharciga, uguna baaqayo in ay dhowraan dastuurka u yaalla dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xayiraadii la saaray ay aheyd mid sharci darro ah, islamarkaana ka hor imaaneysa xorriydda socdaalka, sida uu hadalka u dhigay. Sheekh Shariif ayaa sidoo kale intaasi ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uusan madax banaaneyn, islamarkaana aanu laheyn awoodii looga baahnaa. Ugu dambeyn wuxuu aad ugu dhaliilay dowladda nabad gelyada iyo dagaalka Al-Shabaab oo uu sheegay inay ku fashilantay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-1.mp3 View the full article
  11. Fariisin ay Ciidanka Dowlada ku lahaayeen Deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa shalay weerar Gaadmo ah ku qaadey Al-shabaab. Weerarka oo ku [...] Source
  12. Muqdisho (SMN) – Maamulka hay’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo saddex maalin ah hakad la geliyey dhammaan duulimaadyadii tagi jiray garoonka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Amarkan oo ka soo baxay hay’adda duulista hawada ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka September, illaa 26-ka bishan la joojiyey diyaaradaha tegaya ama ka imaanaya magaaladaasi. Sidoo kale hay’adda ayaa go’aankan ku war gelisay shirkadaha duulimaadyada dalka, gaar ahaan kuwa isticmaala garoonka magaalada Kismaayo. Dowladda federaalka ayaa la sheegay in arrintan ay uga hortageyso xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe, taas oo dhowaan ka dhaceyso halkaasi. Tallaabadan ayaa waxaa ka dhashay muran xoogan, kaas oo sababay in shalay la xayiro diyaarad uu la socday Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed. View the full article
  13. Waxaynu wada ognahay in JSL hayadaha gaarka loo leeyhay ay aad uga horeeyaan hayadaha dawliga ah, Hadii aan xeerar lagu xakameyn sida caalamka dawladnimo ma jirayso mana koreyso. Hababka maamul iyo maareynta dawladnimo ayaa sunaheedu yahay in lays waafajiyo danta, doonista shacabka iyo daryeelka shuruucdooda hadii aan sharcigu sareyn oo aan lagu dhaqmin dawladnimo ka jireyso. Xeernimadaamiyaha Dugsiyada gaar ka ah loo sameeyey wuxuu waafaqsan yahay : 1- Shareecada islaamka 2- Dastuurka qaranka 3-Xeerarkii ay ansixiyeen Baarlamaanka JSL 4- Xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018.. Sidaa daraadeed dugsiyada gaarka loo leeyahay ee is hortaaga Xeernidaamiyaahaa sharciga ah ee loo sameeyey waxay waayi karaan rusqadooda. Dugsiyada gaarka ah waxaa lagu qiimeynayaa halbeegyada lagu cabiro xogta isku dhafan ee xaqiijinta tayada waxbarashada iyada mar walba lagu saleynaayo danta guud ee ilmaha ama ardeyga. Dugsiyada gaar ka loo leeyahay wax kale lagama rabo ee waa in ay raacaan shuruucdan hoos ee loo dhigay: 1- Waa in ay ruqsad qaanuuni ah oo sharci ah ka haystaa wasaarada waxbarshada JSl 2- Waa in ay u hogaan samaan xidhiidhka wada shaqeyneyd ee iyaga iyo Wasaarada waxbarashada 3- Waa in ay haystaan goob waxbarasho oo ku haboon bay’da waxbarashada caruurta 4- Waa in ay haystaan Bareyaal buuxiyey shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey qodonkiisa 92-aad. 5- Dugsiyada gaar ka ahi waa in ay raacaan Jadwalka sanad-dugsiyeedka ( academic calendar ) ee wasaaradda Waxbrashada qaranka 6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in ay ku dhaqmaan manhajka qaranka JSL si waafaqsan xeerka waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 /2018 7- Dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in bixiyaan cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda ee ku waajibtay. 8- Dugsiyada gaarka loo leeyahay fasaladooda waa in aanay fadhiisan wax ka badan 45 arday fasalkiiba 9- Waa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka si loo helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo dugsigaas. 10-Waa in dugsi waliba warbixin sanadleh ah oo dhameystiran uu gudbiyaa Wasaaradda Waxbarasha sanadkiiba si loola socda tayadooda waxbarsho. Waxaa la gudboon Wasaarada Waxbarashada JSL in ay iyadu yeelato go’aan qaadasho taban si hawshii loo igmaday ay u fuliso: 1- Dugsi kasta oo la yimaada is hortaag go’aan sharci ah oo hayad qaanuuni ah ay soo saartay waa in ay rusqada lagala noqdaa 2- Waaxda kormeerka wasaaradda waxbarashadu waa in ay kormeertaa dugsi kasta oo qiimeyn dhab ah ku sameysaa sanadkiiba 3- Dugsiyada aan ruqsada ka haysan Wasaaradda Waxbarashada waa in ganaax iyo digniin la dul dhigaa si ay u qaataan rusqada 4- Waa in wasaaraddu tiro koobtaa macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gaarka ah kadibna ay siisaa rusqada macalimo 5- Waa in wasaaraddu macalimiinta ajaanibka ah ee dugsiyadaa wax ka dhiga ay iyagana liisan gaar ah siisaa. 6- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee diida in ay ku dhaqmaan Siyaasada waxbarashada JSL, iyo xeerarka iyo xeegaanada waxbarashada waa in rusqada lagala noqdaa. 7- Dusiyada gaarka loo leeyhay ee albaabada ka xidha wada shaqeynta wasaaradda waxbarashada iyo kormeerka wasaaradda waa in ruqsada lagala noqdaa 8- Dusiyada aan u qalmin in ay waxbarashada sii wadaan ilaa inta ay ka buuxinayaan shuruudaha ku xusan xeernidaamiyaha loo sameeyey waa in la siiyaa rusqad ku meel gaadh ah oo mudo kooban ah ilaa inta ay shuruudaha soo buuxinayaan. 9- Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee la seexdo ( boarding schools ) waa in si gaar ah loo kormeeraa iyada la eegaayo nadaafadooda, nafaqada,iyo tayada waxbaradaba 10-Dusiyada gaarka ah ee aan keenin manhaj waafaqsan xeerka waxbarashada JSL waa in aan rusqad la siin ilaa inta ay raacayaan manhajka JSL. 11- Dhamaan heerarka waxbarashada ee dugsiyada gaarka loo leeyahay waa in lagu jaangooyaa 4-4-4 hadii kale waa in aan la siin liisan buuxa. Gunaanad: Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada gaar ka ah ee JSL wuxuu waafaqsan yahay dastuurka qaranka iyo xeerka Waxbarashada JSL ee xeer Lr 77 / 2018. Fiiro Gaar ah: Talooyinkan aan kor ku soo jeediyey waxay ku saleysan yihiin Xeerarka iyo Xeegaanada Waxbarashada JSL oo uu ugu horeeyo Xeernidaamiyaha waxbarashada gaarka loo leeyahay xeer Lr 01/2018. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Education Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  14. Wargalin Cidii Aragta Haweenay Xanuusanaysa Waxa lagu wargalinayaa dhammaan bulsho waynta ku dhaqan caasimadda magaalada Hargeyeysa iyo Nawaaxigeeda cidii aragta gabadh Da’deedu tahay 21 Jir oo Xanuunsanaysa midabkeeduna maariin dhalaal yahay kana soo Lutay Magaaladda Muqdisho gaar ahaana Xamar, Isla markaana Eheladii dhashay Inantaasi loogu soo sheegay in lagu arkay caasimadda Hargeysa Dhexdeeda iyadoo mareysa. Hadaba Cidii Aragta Haweenaydaasi Xanuunsanaysa waxa si Naxariis leh Looga Codsanayaa inay ku soo hagaajiyaan Nampers ka 0634699390-0636601975 ama Dukaanka Dharka ee ELITE TAILOR/Radio Hargeysa Qaran News
  15. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-23092019.mp3 View the full article
  16. Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Maskax) & Cabdiraxiim Maxamuud Cabdillaahi (Cabdiraxiim Xajiin) Waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan Qoyska Reer Saajin Daahir Ibraahin oo Wiilkoodii Marxuum Aadan Daahir Ibraahin (Aadan Saajin Daahir) ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Waxay ilaahay ugu baryayaan Marxuum Aadan Saajin Daahir inuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo,Janatul Firdoowsa Aclaana geeyo. Qoyskiisa,Carruurtiisa & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) ayaa war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xayiraadii shalay ay dowladda Farmaajo saartay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaasoo loo diiday inuu u duulo magaalada Kismaayo ee caasimadda Jubalanad. Halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedka kasoo baxay xisbiga oo dhameystiran Shalay oo taariikhdu ahayd 22ka September 2019 waxa laga baajiyay Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, safar uu ku tegi lahaa magaalada Kismayo ka dib markii amar ka soo baxay Hay’adda Duulista Hawada lagu hakiyay duulimaadkii ay raaci lahaayeen isaga iyo wafdigiisu. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku (UPD) wuxuu si kulul u cambaareynayaa falkaa foosha xun waxaanu ka digeyaa in hay’adaha qaran ee bixiya adeega guud loo isticmaalo dano gaar ah oo aan waafaqsanayn dastuurka ku meel gaarka ah sida ku cad qodobka 33aad oo waajib yeelaya in go’aammada maamul ee dalku ay “ahaadaan kuwo ku dhisan sharci, maangal ah, go’aan-ka-gaaristoodana loo maray hannaan caaddil ah”. Xisbigu wuxuu sidaa si la mid ah u cambaareynayaa guud ahaan ku xad-gudubka sharfta iyo karaamada muwaadin kasta gaar ahaanna dadka tix-gelinta iyo maamuuska qaran ku leh bulshada: xuquuqdaas oo ay ku tunteen kuwii loo igmaday in ay ilaaliyaan oo awooddii dawladnimo ugu takri falay si baal marsan qodobka 12aad farqadiisa 1aad ee dastuurka oo ku waajib yeelaya madaxda hay’adaha qaranka dhowrista xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta. Xisbigu wuxuu sidoo kale cambaareynayaa ku xad-gudubka xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadin kasta taas oo ka hor imaneysa qodobka 20aad farqadiisa 1aad oo damaanad qaadeysa xorriyada ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada iyo sidoo kale qodobka 21aad farqadiisa 1aad oo u xaq-siineysa muwaadin kasta in uu si xor ah “ugu dhex-socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo”. Xisbigu wuxuu hoosta ka xariiqayaaa in dhacdadan shalay ay markhaati cad u tahay sida xukuumaddu ugu tumanayso xorriyadaha lama taab-taanka ah ee dastuurku damaanad qaadey waxaanu xasuusinayaa madaxda sare ee dalka in aan dib loogu dulqaadan Karin caadeysiga ku xad-gudubka dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka. Xisbigu wuxuu ugu danbeyn ku baaqayaa in saami-leyda siyaasadeed ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah oo looga tashanayo xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqaha dastuuriga ah. Sidoo kale xisbigu wuxuu ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed in ay taageero dhan walba ah la garab-istaagaan dedaalada loo geli doono samato-bixinta dimoqraadiyada curdinka ah ee dalkeena DHAMMAAD
  18. In what could further cause tensions in Somalia, the federal government on Monday suspended all flights to Kismayo Airport, hours to Sheikh Ahmed Madobe’s inauguration. The former Ras Kamboni Brigade commander, a close ally of Kenya and KDF, controversially won Jubaland presidential elections in August. Despite Nairobi recognising his victory, federal leader President Mohamed Farmaajo rejected the outcome, accusing Kenya Defense Forces of allegedly imposing Madobe. The suspension of flights effective Monday (today) to Thursday 26th, is reportedly a wider scheme to prevent Madobe’s allies from attending. Initially, the government had also suspended direct flights to Kismayo Airport. “The Somalia government has suspended all flights to Kismayo in the period between Sept. 23-26. The inauguration of Jubaland leader Ahmed Madobe is on Sept 26,” reports indicate. On Sunday, the government blocked former President Sharif Sheikh Ahmed from travelling to Kismayo for Madobe’s inauguration. Kenya has been backing Madobe’s government since his victory in 2013. He helped KDF troops run over Al-Shabaab militants in the Kismayo city a year earlier. View the full article
  19. Xisbiga Midowga Nabadd iyo Horumarka(UPD) ayaa si kulul u cambaareeyey falkii lagu hor istaagay safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed iyaga oo ka digay in hey’adaha qaranka ee bixiya adeegyada guud loo isticmaalo dano gaar ah oo ka hor imaanaya dastuurka KMG ah. Waxaa kale oo Xisbiga UPD uu cambaareeyey xad-gudub kasta oo ka dhan ah muwaadiniinta ama dadka sumacadda ku leh Soomaaliya, kuwaas oo ka hor imaanaya dastuurka qodobka 12aad, faqrada 1aad. Qodobada uu xisbigu ka digay waxaa ka mid ah in meel looga dhaco qodobdka 20aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah ee damaanad qaadaya xuriyadda ka qeyb-galka iyo abaabulka kulamada. Ugu dambeyntii waxaa uu xisbiga UPD ku baaqay shir degdeg ah oo ay isugu yimaadaan saamileyda Soomaaliyeed oo looga tashanayo xaaladda dalka. Halkan Ka Akhriso: Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa maanta hor-yimid golaha guurtida Somaliland si uu uga jawaabo cabasho ay ka soo gudbiyeen maamuleyaasha dugsiyadda gaar loo leeyahay, waxaanu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta saxaafadda la hadlay 24 saac kadib markii laga celiyey safar uu ku aadi lahaa Kismaayo. Mudane Shariif Sheekh ayaa waxaa uu hadalkiisa ku bilabay “Waxaan aaminsanahay in qof walbo oo muwaadin ah uu xaq u leeyahay inuu u safro meel walbo uu doono, goor walbo uu doono, waxaan u aragnaa nasiib darro in dowlad sharci lagu doortay ay sharciga jabiso, waan u aragnay tacadi iyo la jabiyey dastuurka, oo dowladda si ula kac ah u sameysay, xaqna aysan u laheyn. Dhanka kale, Shariif Axmed waxaa uu ka hadlay xukunka oo la isku dhajiyo“Aniga waxaan ahaa nin jabhad oo wadaad ah oo xaalkiisa aad ogtihiin, waa la iiga filanaayey in aan xukunka ku dhago, markii aan doorashada sameynayey waxaa isoo gaarayey talooyin badan oo ah bahashan dib isaga riix, horay u soco, waxaan dhahay maya ma sameynayo, laakin waxaa gariib ah ruux Mareykan ka yimid, ruux ka yimid Yurub oo leh 30 sano ayaan soo joogay in uu maalin walbo sharciga garab maro, arrintaas arrin la aqbali karo ma aha, nin meel iska fadhiyey ama ilmihiisa u shaqeysanyey dal nabad ah, oo markii dalka la isku hagaayey la yiri ku soo dhowow la yiri waa lagu doortaye, oo garbaha laga istaagay lama aqbali karo garoonka kama bixi kartid, garoonka waxaa ay iga reebi karo sharciga, Kismaaysharciga ii ogol Kismaayo, Puntland aado, meel kasta aado, qaraabo salaan aan u socdo, islaan adhi raaceysa in aan u tagi karo, 24-kii ayaan dowladda ka sugeyney iney ka garaabaan qaladkoodka, waxaan cambaareyntaa go’aanka saaka la soo saaray oo lagu cunaqabeyntaa reer Kismaayo, waa sharci darro, xaq ayey u leeyihiin iney meel walbo aadaan”. Madaxweyne Shariif waxaa uu soo hadal qaaday waxyaabaha laga sugayey dowladda iyo sida ay wax noqdeen “Dowladdan waa dowladdii aan ka sugeynay iney noo qaban qaabiso doorashooyinka soo socda, haddii aysan ogolaan karin in Kismaayo la aado ama xaflad laga qeybgalo ama loo safro, oo aysan awood u laheyn in samarkaas la timaado, maxay awood u leedahay, sidee loogu aamini karaa mustaqbalka soo socda? Dastuurkii ma dhameystirin, nimaadkii doorashooyinka meel uu u socdo lama yaqaano, amniga Muqdosho iyo dalka waa ogtihiin, amniga waa ku fashilantay, dhaqaalaha, magaalada ayaa kala xiran, ganacsi furan ma jiro, yey u adeegaan? Waxaa ay daba socdaan siyaasi”. Dhinaca kale, waxaa uu sheegay sababta uu muddo dheer u aamusnaa”Aniga dowladda waxaa uga aamusnaa turid aan u turayo, 4ta sano haloo dhaafo, marka haddii aysan ogolaan karin xuriyadda, doorasho innaga iyo iyaga aan wada galeyno sidee ku ogolaan karaan? Garoonka 15 sano isaga oo xiran maxkamdihii ayaa furay, dowladdii aan hogaaminayey waxaa ay ku guuleystay termninalka in laga soo degi karo, garoonkii intaas iga soo gashay haddii aniga la ii ogolaan waayey, cidda loo ogolaanaa ii sheega? Garoonka haddii uu Farmaajo ka bixi karo aniga waan ka bixi karaa? Haddii uu sharciga ii diido isagana waa u diidaa”. Mr. Shariif Axmed ayaa ugu dambeyn baaq u diray qeybaha umadda Soomaaliyeed“Waxaan arkaa dowladda Soomaaliyeed oo dhumeysa, si aysan taasi u dhicin, waxaan ugu baaqayaa waxgaradka, axsaabta, maamul goboleedyada, aqoonyahanada, culimada, dhalinyarada, haweenka, cid walba oo wax gal ah waxaa qabaa in loo istaago Qarankan sidii loo badbaadin lahaa, maxaa yeelay sharci daradan sida ay u socoto wax aan la maleeysaneyn ayaa dhici kara, dadkaan kuligood baasbaoor ayay heystaan berri waa baxayaan, meeshey rabaan aadayaan, carruurtooda ayay aadayaan, dadka meel ay aadaan laheyn waa dadkan waa dadkii loo soo shaqeeyay oo loo taagnaa danahooda in la fuliyo wax kale ma ahan warkeyga waa cad yahay dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladda inay burburto”. Isaga hadalkiisa raaciyey “Maxamed Cabdullahi Farmaajo asagoo Boorsadiisa wata, Suutkiisa wato anigaa magacabay, waddanka wax ka galay ma leh, wadanka keenay oo xil u magacaabay wadankaan wax ka galay oo resource ah ma jiraan asaga un baa ku faa’iday ,Xasan Kheere Waa sidoo kale . Wadankaan anaga wax badan ayaa naga galay, waxaan leenahay stop meesha aad joogto ma dhaafi kartid”. Halkan Ka Daawo Khudbadda: Goobjoog News Source: goobjoog.com