Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mr. Swan noted the effectiveness of the collaboration between the UN and international partners, and the Somali Security Forces working with the African Union Mission in Somalia (AMISOM), which has seen areas near the capital Mogadishu taken back from terror group al-Shabab, and stabilized. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson. Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya. View the full article
  3. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/08/Warka-habeen-21082019.mp3 View the full article
  4. (SLT-Jigjiga)-Madaxwaynaah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Soo Bandhigay Qodobo Ay Dawladdiisu Kaga Dayanayso Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. New York (Caasimada Online) – Wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa mar kale maanta khudbad uu u jeediyey golaha ammaanka kaga hadlay xaaladda doorashada Jubaland. James Swan ayaa ku celiyey inay boorinayaan hanaan doorasho oo mid ah islamarkaana la isku raacsan yahay oo ka dhaca Jubaland. Waxa uu ka digay in haddii aan taas la helin oo lagu loolamo natiijada doorashada ay jiri karto halis xooggan oo ah xasilooni darro ka dhacda Jubaland. “QM iyo saaxiibada caalamka waxay dhammaan dhinacyada ku booriyeen inay sameeyaan isu tanaasul iskuna raacaan waddo horey loo qaado, balse nasiib darro waqtiga ayaa aad u gaaban” ayuu James Swan u sheegay golaha ammaanka. James Swan ayaa ka digay in xasilooni darro ka dhacda Jubaland aysan halis gelin doonin oo kaliya maamulkaas, balse ay saameyn doonto arrimo badan oo muhiim u ah Soomaaliya, sida doorashooyinka 2020, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Wax kasta oo ay noqotaba natiijada doorashada madaxweynaha Jubaland ee berri, waxaan ka codsanayaa dhamaman dhinacyada ku lugta leh inay is-xakameeyaan, kana reebtoonaadaan rabshado, oo walaacyada ay qabaan ay ku xaliyaan wada-hadal” ayuu yiri James Swan. Hadalka James Swan ayaa u muuqda mid uu doonayo in xitaa haddii ay dhacdo in dib loo doorto Axmed Madoobe, sida al filayo, in xiisadda Jubaland ay dowladda iyo Axmed Madoobe ku dhameeyaan wada-hadal. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  6. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) yesterday launched a National Workshop on Advancing Gender-Responsive Journalism in Mogadishu in partnership with the International Federation of Journalists (IFJ) and UN Women. A special acknowledgment and appreciation are accorded to UN Women for rendering major and tireless support in making this workshop a success. Organized under the theme “Promoting Ethics, Achieving Fairness and Empowering Women Journalists in Somalia” the workshop brought together more than 55 journalists from all regions of Somalia given that the media in Somalia plays a central role in gender stereotyping. NUSOJ representatives highlighted the fact that media production on all levels including news and TV programs has not made a breakthrough in gender mainstreaming and achieving a gender-sensitive and balanced language. Moreover, capacity development and provision of secure environments for female journalists in Somalia have remained a challenge. The national workshop was officiated by the Federal Minister for Women and Human Rights Development, H.E. Deqa Yasin Hagi Yusuf, who applauded the increasing number of women journalists and emphasized the importance of women journalists to hold senior positions in the media together with the need to ensure adherence to ethical standards of the profession. “it is vital to increase the understanding of gender equality and women’s empowerment in and through media of all forms, by changing the language used by the journalists to become gender-sensitive. We are devoted to help and protect female journalists”. IFJ President Younes Mjahed who is on an official visit to Somalia addressed the national workshop. “IFJ’s commitment to gender parity and women’s empowerment is pursued through a gender-specific internal structure and gender mainstreaming in all of its programmatic activities. We are here to express our undivided solidarity to Somali journalists, especially women journalists, who bear the brunt of discriminations and harassment”. Speaking on behalf of African journalists, Sadiq Ibrahim Ahmed, President of the Federation of African Journalists (FAJ) congratulated NUSOJ and its member journalists for standing up to gender injustice and securing the space and rights of journalists. “Journalism is practiced by both women and male journalists. We must empower our female colleagues. It’s impossible to attain justice for journalists without achieving justice for female journalists”. “In this country, there are more women in journalism but Somali women journalists are marginalized in the news both in the content of the jobs they do and in the available opportunities, they have to make their way in the profession. Fair gender portrayal is a professional and ethical aspiration that we are committed to promoting, similar to respect for accuracy, fairness, and honesty” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “Journalism has its roots in the fight for decency, progress, and rights for both female and male journalists”. Speaking on the occasion, Pusparaj Mohanty, the representative from UN Women, emphasized the criticality of media and journalism as the fourth pillar in a progressive democracy along with the legislative, executive and judiciary. He called upon the media institutions in Somalia to bridge the gender gap in the fabric of the media sector, build the capacity of female journalists and ensuring a safe and secure environment for the female journalists in the country. Pusparaj also assured of UN Women support in achieving the agenda of gender-sensitive journalism in Somalia. View the full article
  7. Hargeysa (Caasimada Online) ― Dowlada aan weli la aqoonsan ee Somaliland ayaa waxa lagala laabtay Tartan caalamiya oo hore loo shaaciyey in caasimadeeda Hargeysa lagu qaban doono. Ururka xiriirka ciyaaraha dalalka aan la aqoonsaneyn ee CONIFA ayaa si rasmiya u shaacisay in Somaliland ay kala laabteen inay marti-geliso tartanka ciyaaraha kubada ee dalalkasi. Tartankan ayaa sanad walba waxa lagu qabta wadan kamid ah dowladaha aan weli la aqoonsan, kaasi oo lagu waday inay Somaliland marti-geliso sanadka 2020-ka balse sida ku cad war-saxaafadeed ay soo saartay CONIFA lagala laabtay marti-gelintaasi. War-saxaafadeedka uu ururka CONIFA soo saaray ayaa wuxuu go’aankoodan ku sababeeyay Somaliland oo buuxin wayday arrimo dhinaca farsamada oo sabab u noqday in Somaliland lagala noqdo marti-gelinta tartankaas, waxaanay intaas ku dareen inay dib ka faah-faahin doonaan dalka loo wareejiyay. Waxaana la filayaa in go’aanka CONIFA ay sabab u tahay wasaaradda ciyaaraha Somaliland oo iyadu u muuqata mid gebi ahaanba gabtay dar-dar gelintii tartankasi oo aysan diyarin kooxdii Somaliland u mateli laheyda tartankasi, isla markaana ay habacsani balaadhan ka muuqato. Somaliland ayaa ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin hadalkan CONIFA ee ay kala noqotay marti-gelinta tartankaasi oo hadey Somaliland marti-gelin laheyd usoo jiidi lahaa magac, isla markaana ay ka dhex muuqan laheyd dalalka badi-goobka ugu jira aqoonsiga. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiiru dowlaha arrimaha dowladda Ingiriiska u qaabishan arrimaha Afrika, Andrew Stephenson. Ra’iisul wasaare Khayre iyo Andrew Stephenson ayaa ka wada hadlay adkeynta xariirka labada dawladood, horumarrada laga gaaray siyaasadda iyo dhaqaalaha iyo taageerada dawladda Ingiriiska ee Soomaaliya, dib-u-heshiisiinta. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dawladda Ingiriiska uga mahad celiyay taageerada iyo is-garab istaagga dadka iyo dawladda Soomaaliyeed. Andrew Stephenson ayaa dawladda ku ammaantay guulaha ay ka gaartay dib-u-qaabaynta maaliyadda iyo siyaassada, waxa uuna ku celiyay in dawladda ingiriiska ay ka go’antahay taageerada dadaallada dib-u-habaynta, hagaaajinta amniga iyo horumarka Dowladda Ingiriiska oo kamid ah deeg bixiyaasha qaybta wayn ka qaata taageerada dadaaladda dib-u-kabashada dalka ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer waxa ay la leedahay dowladda federaalka Soomaaliya. The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo qaabilay wasiiru dowlaha Ingiriiska ee Africa. appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Hargeysa)-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa xukun ku ridday laba Nin oo la sheegay in lagu qabtay Khamri gaadhaya 444 Litir, kaasi oo lagu soo mooriyey Caagadaha Biyaha. Garsooraha Maxkamadda ee xukunka ku riday Ragga la sheegay in lagu qabtay Maandooriyaha Khamriga oo xukunka ku dhawaaqaya wuxuu yidhi “Waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa 374 Caagadood ee Khamriga iyo 70 quraaradood oo Dry Jiin ah. Khamrigan waxa lagu qabtay laba eedaysane oo mid maqane yahay, lana kala yidhaahdo Khadar Haybe Muxumed iyo Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi, labadaa Nin oo caadaystayaal ah oo aanu wakhti hore Maxkamad ka siidayney ayaa Khamrigan lagu qabtay.” Garsooruhu waxa kale oo uu sheegay “Eedaysanayaasha waxa midkiiba lagu xukumay 4 sanadood oo xadhig Ciqaabeed ah iyo min 4 Million oo Ganaax ah, waa niman Caadaystayaal ah oo dhowr jeer. Gaadhiga Khamriga siday oo Seeraf ah oo uu leeyahay Cabdiqani Cabdi Cabdillaahi waxa lagu ganaaxay 10% qiimihiisa..” ayuu yidhi. Khamriga ayaa xukunka ka dib, waxa lagu daadiyey meel loogu talo-galay. Maandooriyaha Khamriga oo Somaliland ka soo gala dhinaca Itoobiya ayaa faro-baas ku haya Shacabka. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Muxuu ka yidhi in Golihiisu wadaan Muddo kordhinta Dorashooyinka soo socda, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in maalada gudaheeda ay ka socdaan banaanbaxyo lagaga soo horjeedo dil dad shacab ah ay u geysteen ciidamo bileys ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Dibadbaxan dadka shacabka ahi ay maanta ka dhigeen gudaha magaalada Laascaanood ayaa inta la ogyahay waxa ku dhaawacmay 3 qof kadib markii ay ciidamada Bileyska Somaliland ee ku sugan gobolkaasi ay xoog u adeegsadeen dadkaasi dibadbaxayey, sida ay uu xaqiijiyeen ilo wareedo ku sugan magaalada Laascaanood. Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Somaliland ay gudaha magaalada Laascaanood ay ka bilaabeen olole gudaha magaalada lagaga qabqabanayo dadka hubka sharci darada ah ku dhex sita magaalada, waxaanu hawlgalkaasi ciidamadu uu sababay in ay ciidamadu gudaha magaalada ay ku dilaan mid ka mid ah shacabka Laascaanood degan, xiligaas oo ay ku gudo jireen hawlgalkaasi lagu qabqabanayo hubka sharcidarada ah ee lagu dhex wato gudaha magaalada. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Cadaalada Somaliland, Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax ayaa sheegay in la dilay Taliyihii watay Ciidan Puntland ee jid-gooyada u galay maalintii shalay gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland. Wasiir Cabdirisaaq ayaa sidoo kale tilmaamay in weerarkaasi ay soo qaadeen ciidamada Puntland ay jab xoogle kala kulmeen, isla markaana lagu dhaawacay taliye ku xigeenkii ciidamadaasi watay, sida uu hadalka u dhigay Wasiirku. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, Wasiirka Wasaarada Cadaalada Somaliland waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo faahfaahin kaga bixiyey weerarkii maalintii shalay lagu qaaday Gudoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland, waxaanu wasiirku intaasi ku daray in aanu jirin gaadhi uu leeyahay Badhasaabka Badhan oo ciidamadaasi Puntland ay qabsadeen. Ugu horayna isagoo arimahaasi ka hadlaya Cabdirisaaq Cali Cabdi waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan warbixin ka bixiyo shaqaaqadii ay maalintii shalay ka sameeyeen qowlaysato ka tirsan maamulka Puntland deegaamada Somaliland gaar ahaan gobolka Badhan. Sidaad la socotaan gudoomiyaha gobolka Badhan oo dhawaan la magacaabay ayaa waxa uu halkan safar kaga tagay isagoo u socda gobolkii, markaa waxa uu maray Ceerigaabo wuxuu sii maray Yube, Wuxuu sii maray Ceelcad, wuxuu galay magaalada Hadaaftimo si fiian ayaa loogu soo dhaweeyey, markaa kadib ayaa qolo qawlaysato ah oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si dhuumasho ah waxay usoo dhaafeen ciidamada qaranka Somaliland ee jooga gobolka Badhan hareerihiisa, iyagoo ka soo dusay meel, dhulku waa buuray, waa dhul luuqluuqyo badan leh oo meelo badan oo laga dusduso iska leh si dhuumasho ah ayaa markii ay ka war heleen in gudoomiyihii loo soo dhaweeyey ayay dhabarka ka soo dhaafeen deegaamadaas, waxaanay gudoomiyaha u galeen meel la yidhaahdo Karin-Duushe oo Hadaaftimo iyo Badhan u dhaxaysa kadib markii uu ka baqoolay Hadaaftimo, waxba kama faa’iidiin, khasaare weyn ayaa ka soo gaadhay, jabaa ka soo gaadhay, dhibaato weyn ayay kala kulmeen, way ka shalaadeen, kuma farxin, halkaa waxa ku dhintay taliyihii ciidankaa watay ee Puntland, waxa ku dhaawacmay ku xigeenkiisii, waxay qaateen dhaawac farabadan oo kale, way carareen, ciidankii la socday gudoomiyaha Badhan ee Somaliland si fiican ayay isku difaaceen,” ayuu yidhi Wasiirka Cadaalada Somaliland. Source
  13. Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta Munaasabad lagu daah-furayey hoteelka cusub ee Maa’ida oo loo dhisay qaab casri ah lagu qabtay gudaha magaalada Muqdisho. Munaasabadda furitaanka ee Maa’ida Hoteel ayaa waxaa ka qeyb galay, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka, culuma u diin , ganacsato iyo marti sharaf kale. Ugu horreyn Siciid Cabdikariin Karaama oo ah maamulaha guud ee Maa’ida hoteel ayaa ka hadlay xafladda, wuxuuna sheegay in hoteelkan ay maalgalinayeen muddo labo sano ah. Karaama ayaa sidoo kale xusay in ay bixin doonaan adeegyo tayo leh, islamarkaana ay qancin doonaan macaamiishooda. Dhankiisa Sheekh Cali Maxamuud Xssan (Ca Wajiis) oo ka mid ah culumadii ka qeyb gashay munaasabadda furitaanka Maa’ida Hoteel ayaa u mahadceliyey ganacsatadii hirgelisay, isagoona tilmaamay in hoteelkaan uu macno gaar ah u leeyahay madaxda dhaqanka ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa munaasabadda ka hadlay waxgarad iyo ganacsasto Soomaaliyeed, kuwaas oo sheegay in lagu soo aadiyey, xilli loo baahnaa. Ugu dambeyn waxaa munaasabadda ka hadlay Imaam Maxamed Yuusuf, wuxuuna shaaciyey in ay ka dhaqan ahaan saldhig ka dhigan doonaan hoteelka cusub ee Maa’ida. Hoteelkan oo loo dhisay si casri ah ayaa ku yaalla inta u dhexeysa dhismaha Hooyooyinka iyo Shabelle, gaar ahaan dhismihii hore ee Shiinaha. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Waxaa si rasmi ah magaalada Baydhabo uga furmay shirkii looga arinsanayey arrimaha Tamarta iyo korantada dalka,kaasi oo ay soo qaban qaabisay wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh. Madaxweynaha DGKS C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen)ayaana shirkaasi si rasmi ah u dahfuray,waxaana ka qeybgalay guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed xubno k atirsan golayaasha kaladuwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo qeybaha bulshada. Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Marwo Fowsiyo Maxamed Sheekh oo wasaaradeedu ay hormuudka ka tahay barnaamijkan ayaa faah faahisay ahmiyada laga leeyahay shirka,iyadoo muujisay sida ay uga go’antahay wasaaradeeda sidii loo horumarin lahaa ka faa’ideysiga Tamarka iyo Khayraadka Biyaha guud ahaan dalka,taasii oo baahi weyn ay u qabaan bulshada Soomaaliyeed. Wasiirada Tamarata dowlada goboleedyada oo shirkaasi qeyb ka ah ayaa soo dhaweyeey dadaalka logu jiro horumarinta ka faa’ideysiga Khayraadka Tamarta ee dalka,waxaana ay sheegeen in ay rajo ka qabana in natiijo wanaagsan ay ka soo bixi doonto. Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Shiikhuna Maye oo ka hadlay furitaankii shirka ayaa bogaadiyey shirka iyo wax yaabaha looga hadlayo Madaxweynaha mudane C/casiis Xasan Max’ed (laftagareen) oo isagu daah furey shirka ayaa kula dardaarmey mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashey inay in looga fadhiyo natiijo wanaagsan oo wax Ku ool u ah dhamaan bulshada Soomaaliyeed. Shirkaan looga hadlayo arrimaha Tamarta iyo koromtada dalka ayaa soo qaban qaabiyey mas’uuliyiinta sare ee wasaarada tamarta iyo qeyraadka biyaha xukuumada soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  15. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Cabdikariin Xinif ayaa wasiiradda xukuumadda ku eedeeyay inay qaab qabyaaladaysan ugu adeegaan bulshada ay xilka u hayaan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Shan bilood ayaa laga joogaa markii ay bishii March wefti ka koobnaa wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxweynaha Ereteriya Yemane Ghebreab ay socdaal ku yimaadeen Somaliland. Socdaalkaas oo ahaa mid lama filaan ah wuxuu soo jiitay indhaha warbaahinta gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo weftiga soo dhaweyay ayaa wuxuu maalintaas sheegay in weftiga Ereteriya u yimaadeen inay iskaashi la yeeshaan Somaliland, waxaanu yidhi “Weftigu waxa ay u yimaadeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.” Hase yeeshee wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya Cismaan Saalax, wuxuu isagoo dhinac taagan Wasiir Faratoonka Somaliland uu sheegay in socdaalkoodu yahay indha-indhaynta Somaliland, ka dib markii uu Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki soo diray, isagoo yidhi “Weftigayaga ka socda dalka Eriteriya waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki, si aannu wax badan uga ogaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waanu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxaana uu noo sharaxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxana aanu rajaynaynaa inaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.” Weftiga Ereteriya waxa socdaalkooda aad wax uga qoray Warbaahinta gobalka, gaar ahaan warbaahinta dawliga ah ee Ereteriya, kuwa Itoobiya iyo Kuwa Kenya. Markii weftigu dhawr maalmood Hargeysa joogay, Addis Ababa iyo Asmarana aad looga hadlay socdaalkooda ayaa waxay dad badani qabeen in ugu yaraan uu xidhiidh u bilaabmi doono Hargeysa iyo Asmara, iyagoo maanka ku haya hadalka Wasiirka khaarajiga Somaliland ee ahaa inay inay weftiga Ereteriya u socdaan xoojinta cilaaqaad dhex mara labada dal, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Biixi uu socdaal ku tagi doono magaalada Asmara ee Ereteriya. Hase yeeshee, waxa hadal qaadka socdaalka weftigaas Ereteriya iyo xidhiidh u bilaabma Hargeysa iyo Asmara ugu dambaysay markii ay weftigaasi labada xubnood ka koobnaa ka dhoofeen madaarka Hargeysa 20 March. Haddaba, dad badan ayaa aaminsan in socdaalka Weftiga Ereteriya aanay ujeedadiisu ahayn inay xidhiidh iskaashi la bilaabaan Somaliland, balse uu nuxurkiisu sida uu Wasiirka Arrimaha dibadda Ereteriya sheegay ahaa inay soo indho-indheeyaan Somaliland maadaama oo ay Ereteriya 20 sanandood go’doon kaga jirtay dunida. Laakiin ay dawladda Somaliland sida uu wasiirka khaarajiga Mr. Faratoon sheegay u fahantay in Ereteriya doonayso inay iskaashi cusub la bilowdo Somaliland. Diblomaasi aad ula socda siyaasadda gobalka, oo Wargeyska Geeska Afrika uu arrintan kala sheekaystay kana gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa aaminsan in Weftiga Ereteriya aanu u socon xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Ereteriya, balse ay u socdeen xog urursi iyo indho-indhayn “Waxa muuqata in Weftiga Ereteriya u socdeen xog urursi, u kuurgalida siyaasadda iyo xaaladda Somaliland ee umay socon dano dhex mara labada dhinac, waxaana dhici kartaba inay farriimo siinayeen Muqdisho.” Diblomaasigani wuxuu intaas ku daray, “Booqashooyinka noocan ah ee mar keliyaata ah ee weliba dhinac keliya ku kooban waxay u badanyihiin kuwo aan qoto dheerayn oo aan daarnayn xidhiidh kobcin, loogana dan leeyahay arrin markaas taagan, waana in aad looga taxadiraa in loo soo wada baxo oo ay calooshaada ka kalluumaystaan.” Si kastaba ha ahaate, waxa la eegi doonaa in sida ay Somaliland qabto uu labada dal u bilaabmo xidhiidh ugub ahi oo ay diblomaasiyadda Ereteriya weli dhexda ku soo jirto iyo in sida ay weftigii Ereteriya sheegeen socdaalkoodu ahaa indho-indhayn iyo xog raadis keliya. Source
  17. (SLT-London)-Carrie Symonds oo ah Raysal wasaaraha Ingiriiska Mr Boris Johnson saaxiibaddii ayaa dalbatay fiisaha Maraykanka si ay halkaasi u tagto maalmaha soo socda iyada oo qayb ka ah koox arrimaha degaanka ka shaqaysa oo fadhigoodu yahay Maraykanka hase ahaatee dawladda Maraykanka ayaa diiday in ay siiso dal ku galka. Wargeyska Daily Mail oo arrintan wax ka qoray wuxuu sheegay in la rumaysan yahay in sababta loogu diiday dal ku galka Maraykanku tahay in ay Somaliland bookhatay sanadkii 2018. Symonds oo la socotay Nimco Cali oo reer Somaliland ah ayaa sanadkii hore timid Somaliland waxaanay la kulantay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyada oo muddo shan cisho ah joogtay. Wargeyska ayaa sheegay in ay ra’isal wasaaraha Ingiriiska ee cusub Mr Boris Johnson arrintani waji gabax ku noqotay maaddaama lamaanihiisa loo diiday in ay arrimo shaqo u tagto dalka Maraykanka. Miss Symonds ayaa Maraykanka ku lahayd kulamo muhiim ah oo la xidhiidha shaqadeeda iyada oo qayb ka ah urur ka shaqeeya badqabka badaha waxaanay halkaasi tagaysay ka hor todobaadka dambe inta aanay ra’isal wasaare Boris Johnson ku wehelin socdaalkiisa Faransiiska ee shirka waddamada G7. Wargeyska Daily Mail ayaa ku warramaya in aanay arrintan si degdeg ah u faro gelin Karin madaxtooyada Ingiriisku maaddaama aanu Mr Johnson si rasmi ah u guursan Miss Symonds oo ay wali ku wada socdaan lamaane saaxiib ah. Madaxtooyada Ingiriiska iyo safaaradda Maraykanka ee London ayaan arrintan ka hadal laakiin, ilo diblamaasiyadeed ayaa wargeyska u sheegay in laga shaqaynayo sidii Symonds u tagi lahayd Maraykanka sida qorshaheedu ahaa. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay António Guterres, ayaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u gudbiyey War-bixin dheer oo uu kaga hadlayo Xaaladda Soomaaliya oo Somaliland-na ku jirto. Mr. Guterres ayaa War-bixinta uu u gudbiyey Golaha Amaanka kaga hadlay Arrimo badan oo khuseeya Xaaladda Soomaaliya, khilaafaadka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya iyo weliba Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Puntland ee la xidhiidha muranka Xuduudda. Xogyaha guud wuxuu si gaar ah War-bixintiisa ugaga hadlay Go’aankii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Xaaladda Deg-degga ah kaga qaaday Degmooyinka Galbeedka Gobolka Sanaag, Xaaladdaa deg-degga ah oo Madaxweynuhu ku soo rogay ka dib markii ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay Beello halkaa wada dega, Dagaallaas oo ay ku dhinteen Dad gaadhaya 18 Qof. Guterres wuxuu War-bixintiisa ku xusay in Madaxweynaha Somaliland uu 25 June qaaday Xaaladdii Deg-degga ahayd ee Degmooyinka Gobolka Sanaag, balse Shaqaaqadii Beelaha u dhaxaysay soo laba kaclaysay 7 illaa 8-dii July, 2019. Dhanka kale, War-bixinta wuxuu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku sheegay in inyar oo Horumar ah laga sameeyay in loo soo nooleeyo Wada-hadalladii hakaday ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii Xarunta Centre for Humanitarian Dialogue ay qabatay kulan la doonayey in isugu keeno Labada dhinac, laakiin 17 July uu Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay Guddi dhinaciisa u matasha Wada-hadallada, laakiin Guddigaasi ay Somaliland ku gacan-saydhay. Waxa kale oo War-bixintan lagu xusay Maxaabiis dhan 17 oo Somaliland iyo Puntland ku kala qabsadeen Dagaalkii Tuke-raq oo ay la kala wareegeen 17-kii July, 2019. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland Mustafe Maxamuud Cali ayaa go’aamo iyo amaro ka soo saaray shaqo joojin ay sameeyeen Wakiilada Maraakiibta shixnada keena dekeda Magaalada Berbera. Agaasimuhu waxa uu sheegay in guddi Madaxweyne Muuse Biixi uu u saaray inay soo baadhaan sababta keentay in dekeda Berberi ay uga qaalisanaato dekedaha jaarka ah ay markii Warbixintaasi ay soo dhamaysteen ee ay ku ogaadeen in Wakiilada Maraakiibta ee (liners-ku) ay sabab u yihiin ay ku dhaqaaqeen inay shaqo joojin sameeyaan Wakiiladaasi. Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Somaliland, Mustafe Maxamuud Cali, waxa uu sidaasi ku sheegay Shir-Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo faahfaahin ka bixiyey Go’aamo iyo Amaro ay xukuumadu ka soo saartay Wakiiladaasi Xafiisyadii ay ummadda ugu shaqaynayeen xidhay oo uu ku tilmaamay talaabo dambi qaran ah, sida uu hadalka u dhigay. Mustafe Maxamuud Cali, Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera, waxay hore u sameeyeen cilmi baadhis ku saabsan maxay dekeda Berberi uga qaalisan tahay dekedaha jaarka ah, waxa noo soo baxday oo warbixintaa ka soo baxdxay in qaaligaasi uu ka imanayo wakiilada maraakiibta ama Liners-ka, iyadoo markii research-kaasi dhamaaday uu madaxweynaha qaranku uu u xilsaaray guddi arintaasi, guddidaasi oo ka koobnayd Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maareeyaha dekeda Berbera. Markii baadhistaasi ay soo dhamaysteen guntii iyo gabagabadii waxa usoo baxday habka wakiilada Liners-kak ahi ay ula macaamilaan ganacsatada ama lacagta ay ka qaadaan inay ka qaalisan tahay lacagta dekedaha deriska ah laga qaado, tusaale ahaan halka dekeda Jabuuti lagaa qaadayo marka aad sidato alaabtaada oo laguu xisaabinayo by ownership, hadaad laba container sidatid iyo hadaad saddex container sidatid, hal delivery order ayaa laguu jarayaa intaas ayaad lacagteeda bixinaysaa ama toban sido ama shan iyo toban container sido, halka Wakiilada dekeda Berberi ay ka qaadaan calaa container qofkii uga qaadaan 155 dollar. Guddidaa madaxweynuhu u xilsaaray ee heerka qaran ah ee Wasiirada ahi waxa ay soo saareen go’aan, go’aankaasi oo dhaqangalkiisu uu ahaa maanta, ujeedadiisuna ay ahayd sida looga macaamilo dekedaha jaarka ah ee tartanka kula jira dekeda Berbera siday u dhaqmaan inay u dhaqanto dekeda Berberina ama wakiilada joogaana ay ummadda ula dhaqmaan. Go’aankaa la soo saaray maanta oo bishu tahay 21-ka 8/2019-ka ayuu dhaqangal ahaa, nasiibdaro wakiiladii maraakiibtu may dhaqan galin, waxay ku kaceen shaqo joojin, waxay xidheen dhamaan xafiisyadii iyo shaqadii ay shacabka ugu adeegayeen, taas oo ah dambi qaran, maantana ay xaqiiq tahay oo la soo xaqiijiyey inay xafiisyadoodii xidheen halkii laga rabay inay hirgaliyaan amarkii Madaxweynaha iyo guddidii Madaxweynuhu u xilsaaray iyo arintaa qodobadii laga soo saaray si toos ah ayay u diideen, xafiisyadoodii ayay wada xidheen, arintaasina arin yar maaha dambi qaran weeyi, dawladduna insha allaahu talaabada ku haboon ayay ka soo saari doontaa mudo 24 saacadood gudahooda hadii aanay ku furin oo shaqadii ay shacabka u hayeen aanay qaban nimanka wakiilada maraakiibta ah.” Ayuu yidhi Agaasimaha Wasaarada Ganacsiga Mustafe Maxamuud Cali. Source
  20. (SLT-Pakistan)-Wasiirka Arimaha Dibadda ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira. Pakistan ayaa salaasadii sheegtay inay muranka ay la leedahay Hindiya ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan. Islamabad waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankaas, waxay goysay ganacsiga iyo iskuxidhkii gaadiidkii waxayna caydhisay safiirka Hindiya. Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa u sheegay telefishanka ARY News TV inuu go’aansaday inaan kiiska Kashmir la geeyo maxkamadda cadaaladda. “Go’aanka waxaa la qaatay kadib markii la tixgaliyay dhammaan dhinacyada sharciga,” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadda Pakistan. Afayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Hindiya kama aanay jawaabin hadalkan kasoo yeedhay pakistaan. Hindiya ayaa beenisay in ay ku kacday xadgudubyo xaga Xuquuqul Insaanka ah oo ka dhacay Kashmir. Hindiya iyo Pakistan labaduba waxa ay xukumaan qaybo ka mid ah Kashmir ilaa xornimada 1947 Khilaafka ka taagan gobolka muslimiinta ku badan yihiin wuxuu ahaa goob inta badan ay ay ku dagaalamayaan labadaa dal iyadoo labadii dagaal ee dhax maray labadaa wadan ay dhaceen sannadihii sagaashamaadkii. Source