-
Content Count
215,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-23092019.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo markii labaad warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho muddo 12 saac gudahood ah ayaa raali galin ka bixiyay nuqul ka mid ahaa khudbadiisii maanta uu kaga hadlaayay arimaha siyaasadda dalka iyo xayiraadii maalin ka hor loogu geystay garoonka Aadan-Cadde. Siyaasiyiin iyo dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ka fal celiyay hadalkii maanta ee madaxweyne Shariif uu ka jeediyay shirkiisii jaraa’id oo mar uu tirinayay magacyada maamul goboleedyada uu Koonfur Galbeed magaceeda kasoo qaatay Bay iyo Bakool. Shariif Sheikh ayaa sheegay in Bay iyo Bakool uu kala jeeday Koonfur Galbeed sidoo kalana khudbadiisa uu kusoo hadal qaaday gobolka seddaxaad ee Shabeellada Hoose oo ka mid ah gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed. “Waxaan rabaa in aan raali galin ka bixiyo kalmad maanta ku jirtay hadalkeygii oo aheyd in Koonfur Galbeed aan ugu yeeray Bay iyo Bakool, dadka qaar ayaa si kale u qaatay waan ka raali galinaa walaalahey” ayuu yiri Sheikh Shariif oo caawa mar kale la hadlay warbaahinta. Siyaasiyiinta sida weyn uga fal celiyay hadalka Sheikh Shariif oo sheegay in ay ka caroodeen ayaa waxaa ka mid ah Aadan Saransoor oo hoggaamiya mid ka mid ah xisbityada siyaasadeed ee dalka, waxa uuna sheegay in Sheikh Shariif uusan aqoon saneyn maamulka Koonfur Galbeed. Caasinmada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Qoraal ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XSF mudane Maxamed Cadullaahi Salaad(Oomaar) ayaa lagu shaaciyay isbedel lagu sameeyay qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxaha ee wasaaraddaasi. Halkan ka Akhriso: View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli qaadan la’a tallaabadii shalay Sheekh Shariif loogu diiday inuu ka dhaafo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo kusii jeeday Kismaayo, halkaas oo 26-ka bishaan uu ka dhacaayo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland. Waxaa dadka qaar shaki galiyeen inuu falkaan wax badan kala socday madaxweyne Farmaajo, laakiin Caasimadda Online ayaa xaqiijisay in madaxweyne Farmaajo uu yahay qofka bixiyey amarka. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif wuxuu safar ahaan uga yimid Turkiga, isagoo doonayay inuu diyaarad kale ka raaco Muqdisho, si uu Kismaayo u tago. Sida caadiga ah waxey diyaaradda Turkish Airline soo degtaa 8:30 subaxnimo xiliga Muqdisho. Markii uu Shariif soo gaaray Muqdisho waxaa la fariisiyay qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade, si uu halkaa ugu sugo diyaaradii uu Kismaayo u raaci lahaa, taas oo bixi laheyd 11:00 barqanimo. Intii uu Shariif ku sugnaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade waxaa isna goobta yimid madaxweyne Farmaajo oo safar u ahaa wadanka Mareykanka, halkaas oo uu kaga qeyb-galaayo shirka Golaha ammaanka. Labada masuul ayaa la sheegay iney isku salaameen qeybta VIP-da, waxaana uu Farmaajo ogaaday inuu Shariifku safar u yahay Kismaayo. Dad xog-ogaal ah ayaa sheegay inuu madaxweyne Farmaajo amar kubixiyay in diyaaradaas safarkeedda la baajiyo, laakiin la taliyaashiisa ayaa soo jeediyay in qoraal loo badalo si loo qaldo bulshada, waxaana daqiiqo kadib markii uu Farmaajo duulay soo baxay amar sheegaya in aaney jirin diyaarad aadi karta Kismaayo fasax la’aan, xiligaas Sheekh Shariif wuxuu fadhiyaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cade. Arrintaan ayaa la yaab ku noqotay bulshadda, sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa wax laga xumaaddo ku tilmaamay in warqad lagu dul alifay madaxweyne Sheekh Shariif. Tallaabooyinka uu Farmajo ku baacsanaayo madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sii labo jibaarmay kadib markii uu saakay Farmaajo gaaray New York, isagoo amar kale kubixiyay in guud ahaan la joojiyo diyaaradaha tagaya Kismaayo ilaa 26-ka bishaan oo ku aadan maalinta caleemo-saarka Axmed Madoobe, si aaney Xamar uga bixin Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo isna la filaayay inuu Kismaayo aado. Dad badan ayaa la yaaban hab-dhaqanka gurracan ee madaxweyne Farmaajo oo u muuqda mid ka gudbay xeyn-daabkii siyaasadda. Caasimadda Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa ShirkiisiivJaraa’id ee Shalay wuxuu isagoo ka hadlayay Koonfur Galbeed uu yiri “Gobolada Bay iyo Barolo”,Dad ayaana si [...] Source
-
Three journalists were released a from a prison stint in Somaliland on Monday after having been imprisoned since last week in the country's capital, Hargeisa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay qaabkii shalay loola dhaqmay ee lagu xanibay diyaaraddii u qaadi laheyd Kismaayo, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka inay dalka u horseeddo burbur, oo ay meel qaldan wax ku wado. Hadalka kasoo baxay Shiikh Shariif ayaa u muuqday inuu ahaa mid miisaan culus leh isla markaasna ay ka muuqatay dulqaad iyo inuu rabo in lagu dhaqmo Sharciga. Shiikh Shariif oo ah nin hadalkiisa uu yahay mid Balaaqo leh ayaa dhawr cashir u dhigay Madaxweyne Farmaajo, waxaana kamid ahaa waxyaabihii soo jiidashada lahaa ee uu Shiikh Shariif khudbadiisa ku sheegay: 1) In Si nabad ah xilka loogu wareejiyey Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka dhawaajiyey in si nabad ah xilka loogu wareejiyey madaxweyne Farmaajo loona baahan yahay inuu dalka ku maamulo sida uu sharciga qabo, haddii kale ay taas ka dhallan doonto burburka dowladnimada Soomaaliya oo uu sheegay in wax badan laga soo maray 2) In Farmaajo aysan hanta ka oolin Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa xusay inuu isaga dalka keenay Farmaajo isagoo boorso iyo Jaakad wato sida uu hadalka u dhigay. Wuxuu sheegay inaysan jirin Hanti Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka taalo dalka berrina ay diyaarad raacayaan si ay ilmahooda u aadaan, wuxuuna dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay aayahooda ka tashadaan. “ Dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’ideystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annagana dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan yahay” ayuu yiri Shiikh Shariif. 3) Inaan la isku ixtiraameyn wax sharciga ka baxsan Sheekh shariif ayaa sheegay in Xukumada hadda talada haysa ay ka bayrtay Sharcigii dalka u yaalay isla markaana loo baahanyahay in ay ka tashadaan shacabka Soomaaliyeed, halka uu dambeeyo Dalkaan sida uu hadalka uu dhigay. “Dowladda waxay ku socotaa hannaan qaldan oo keenaya dowladdu in ay burburto kama aqbali karno Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo boorsadiisa iyo suudkiisa wato annaa magacaabay, dalkaan wax ka galay oo kheyraad ah ma jiro, asaa ka faa’deystay, Xasan Cali Kheyre waa sidoo kale, annaga dalkaan waxbaa naga galay mana ogolin inuu burburo, dariiqa uu ku socdo waa qaldan tahay, waxaan leeyahay joogsada meesha aad joogtiin ma dhaafi kartid Soomaalina ha isu timaado”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. 4) Dowladda oo shaqadeeda ku fashilmatay Waxa uu sheegay in dowladu ku fashilantahay in ay wax ka qabato dib u eegista Dastuurka dalka, Amaanka iyo arimaha doorashooyinka oo ku sifeeyay mid ay ku fashilantahey Xukumada Soomaaliya. “Waxaan rabaa inaana ugu yeero dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka waxaa loo baahan yahay in laga wada hadlo dalkaan meesha uu ku socdo, haddaan Al-Shabaab la dirireynin dalkaan meel qaldan ku socdaa dadka soomaaliyed waxaa lagama marmaan ah inay isu yimaadaan inay talo yeeshaan, aniga waxa igu dhacay waa wax fudud, waa wax aan ka tagi karo, wax ka weyn ayaa haleysan, waxaa arkaa dowladnimada Soomaaliyeed oo dhumeyso, si aysan taasi u dhicin dadka Soomaaliyeed iyo cid walba wax galka ah waxaa qabaa in loo istaago sidii qarankan loo badbaadin lahaa” Hadalkaan Sheekh Shariif ayaa daba socda awaamiirta dhanka duulimaadyada ee ay dowladdu ku soo rogtay diyaaradaha aadaya Kismaayo, iyadoo shalay la joojiyay diyaarad Muqdisho ka qaadi laheyd Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaayo si uu uga qayb galo Xaflada Caleema saarka Axmed Madoobe oo lagu wada in ay Kismaayo ka dhacdo 26-da bishaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Somaliland: Gorgor Wiil Yar ku Cunay Deegaanka Xaaji Saalax
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi uu shalay ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya. Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax oo maanta u warramayey Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah. Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wiilkii uu shalay cunay gorgorkaasi saaka la aasay. Cali Muuse Faarax wuxuu tilmaamay in Gorgorkan oo la moodayey mid kaliya dhawaan la dilay hase ahaatee ay soo baxayso dhawr xabo yihiin. Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax wuxuu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay si feejigan caruurta iyo xoolahaba uga ilaaliyaan gorgorkaasi. Source -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka digay wax uu ugu yeeray halista kai man karta kali-talisnimada uu billaabay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Farmaajo oo muddo lagu arkayey calaamado kali-talisnimo ayaa shalay si bareer ah banaanka u keenay kadib markii uu xayiraad socdaal saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, sababo la xiriira kaliya inuu ka aragti duwan yahay. Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Kaligi-taliska socod baradka ah wuxuu ku socod bartaa ku tumoshada shuruucda dalkiisa, caburinta iyo cadaadiska dadkiisa, wuxuuna ku qaangaaraa daadinta dhiigga dadkiisa, wuxuuna ku gaboobaa burburinta iyo kala qeybinta dalkiisa.” Fiqi waxa uu ka digay halista Farmaajo kasoo socota xilli uu watqigiisa kasii dhammaan rabo wuxuuna tusmeeyey waxyaabaha laga filan karo. “Inta uu cusub yahay shaatiga wadaniyadda ayuu adeegsadaa, Hantida iyo ciidamada qarankana umadda ayuu u isticmaalaa, marka uu sii dhacayana wixii uu dhacay oo hanti ah iyo qabiil ayaa garab u noqda.” Ayuu yiri Fiqi. Waxa uu intaas ku daray “Waxaa la joogaa waqtigii umadda Soomaaliyeed si dhab ah isaga waraysan laheyd diktaytarka saanqaadka xun ee dastuurkii iyo shuruucdii uu madaxda ku ahaa asagu ku tumanaya.” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somaliland: NEC Puts On Another Pantomime. The thoroughly discredited current Somaliland National Elections Commission (NEC) have put on another pantomime. The voter registration and voting equipment have been tested once again, for the third time. The equipment works, the commission does not. They are treating the voters of Somaliland as children, putting on these silly displays to justify their existence. Their term ends shortly, during five years they managed to earn good salaries and hold a single, solitary election! Nice work if you can get it. Somalilanders know the equipment workers, our foreign donors know the equipment works, our international friends know the equipment works,even our opponents know the equipment works! But, what we all know is that the current NEC doesn’t work, our political leadership doesn’t work, our legislative bodies do not work, and our political parties do not work. Don’t tell us about the bloody equipment, do your job and hold the elections. Hubris! Qaran News
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-23092019.mp3 View the full article
-
Addis Ababa (Caasimadda Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, C/llaahi Cali Xassan ayaa maanta si rasmi ah u furay aqoon-iswaydaarsi ku saabsan habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi “Trade Information Portal”. Aqoon-iswaydaarsigan ayaa waxa kasoo qayb galey Maareeyahah Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warsshadaha oo hormuud ka ahayd abaabulka iyo isku dubbaridkaba. Aqoon-iswaydaarsigan oo socon doona laba cisho ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaha iyo IFC oo ka mid ah Bangiga Adduunka (World Bank Group), waxaana lagu qabtay xarunta dalka Ethiopia e Addis Ababa. Wasiirka oo khudbad dheer ka jeediyey kulankan ayaa ku dheeraday muhiimadda aqoon-isweydaarsigani u leeyahay dalka iyo kaalinta uu ka qaadan karo dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo sidoo kale rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba ganacsatada Soomaaliyeed. Wasiirka ayaa sidoo kale xusy in xog-keydiyahan si fudud ay uga daalacan karaan daneeyayaasha Soomaaliya xogaha iyo shuruucda ganacsi ee Soomaaliya si ay ugu fududaato in ay dalka ay ganacsi ka sameystaan. Aqoon-iswaydarsigan oo ay bixinayeen khabiirro ka socda Bangiga Adduunka, iyadoo lagu faahfaahiyey hababka uu u shaqeeyo xog kaydiyahan iyo faa’iidada laga dhexli karo marka la sameeyo oo si habsami ah u socda. Dhinaca kale, shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda loogu qaban jiray Nairobi ayaa waxay u muuqdaan in loo weeciyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kadib khilaafka baahsan ee u dhaxeeya dowladdaha Kenya iyo Somalia. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com
-
Former Somali President Sharif Sheikh Ahmed, who held a press conference at his residence in Mogadishu, spoke at length about yesterday’s incident in which he was blocked from flying to the southern city of Kismayo. Sheikh Sharif called on the Somali people and the international community to address the current political tension in the country. Sharif accused the federal government of neglecting the war against Al-Shabaab and focusing on fighting politicians in the country. “If the government has neglected the war against Al-Shabaab, the people of Somalia need to come together for guidance,” Sharif said “What happened to me yesterday is a small issue, it is something that I can forget, but I feel that something bigger is being destroyed. I see the Somali government losing its dignity and sovereignty, and to avoid that we have to unite to protect our nation,” the former president added. Sheikh Sharif said the illegal acts by the government could lead to unexpected situations in the country. He stated that those currently in power have foreign passports and that if anything happens tomorrow they will go back abroad to their children, and leave the Somali people suffering. Finally, President Sharif warned that the current government was heading toward the wrong path as it is violating the basic rights of its citizens. Sharif Sheikh Ahmed served as president of the Transitional Federal Government of Somalia between 2009 and 2012. He was the 7th President of Somalia and is credited with bringing the Federal Government of Somalia through an important transitional period. View the full article
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn u soo jeediyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan hogaamiya mid kamid ah xisbiyada dalka ayaa ka hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay maamulida hawada dalka iyo federalka dalka. Xasan Sheekh ayaa sheegay in maamulida Hawada dalkeena sanado badan dadaal loo galay sidii gacanta Soomaaliyeed loogu soo celiyo lahaa balse aysan mudneyn in shacabka Soomaaliyed loo adeegsado in lagu cunoqabateeyo maamulida hawada. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka digey in maamulka hawada soomaaliya gacanteeda laga saaro. Xasan Sheekh oo ka hadlay arrimaha ka jira magaalada Kismaayo ayaa ku tilmaamay inay tahay nasiib darro weyn in dowlada dhexe ay cunoqabatayn saarto shacabkeeda. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre inay baalmareen guud ahaan baalmaren Shuruucda dalka. “Anagaa soo joognay 30 sano oo burbur ah hadaad idinka ka maqneydeen ogaada waxaad heysaan waddadii lagu hungoobay oo lagu dumay ka jooga”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka ku nool Muqdisho in noloshu ay ku adkaatay isagoo tusaale u soo qaatay wadooyinka xiran. Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh Maxamuud. Xigasho: Jowhar.com
-
(SLT-London)-Raysal wasaaraha Britain, Boris Johnson ayaa Iran ku eedeeyey inay ka dambeysay weeraradii lagu qaaday goobaha saliidda laga soo saaro ee Sacuudiga, xilli uu kusii jeeday magaalada New York, halkaasi oo uu kula kulmi doono madaxweynaha Iran. “Waxaan kuu sheegi karaa in UK ay mas’uuliyadda weeraradii lagu Aramco dusha u saareyso Iran” ayuu yidhi Boris Johnson oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Press Association. Johnson ayaa la filayaa inuu Kulanka Guud ee QM ee New York kula kulmo madaxweyne Hassan Rouhani. Waxa uu sidoo kale Rouhani kala hadli doono weeraradaas, ayada oo ay kulanka kala qeyb gali doonaan madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo ra’iisul wasaraha Jarmalka Angela Merkel. “Waxaan rumeysannahay in ay aad suurta-gal u tahay in Iran ay mas’uul ka tahay isticmaalka diyaarado drone ah iyo gantaallada kuruuska” ayuu Johnson u sheegay weriyayaasha. “Waxaa cad in arrinta adag ay tahay sidii aynu u agaasimi lahayn jawaab caalami oo arrintan laga bixiyo, iyo wadadda xigta oo ay tahay inaan qaadno.” “Waxaan la shaqeeneynaa saaxiibadeena Mareykanka iyo Yurub, si aan u jawaabno iyo inaan qaboojino xiisadda gacanka.” Ayuu yidhi raysal wasaaraha Britain. Mareykanka iyo Iran ayaa sidoo kale weeraradii dhacay 14-ka September waxay ku eedeeyeen Iran. Iran waa ay beenisay inay wax lug ah ku lahayd weerarada oo ay sheegteen kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen, ee Tehran ay taageerto. Source
