-
Content Count
213,930 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Afghanistan)-Millatariga Afghanistan oo taageero ka helaya ciidanka Mareykanka ayaa dilay laba hoggaamiye oo ka titsan ururka Taliban, kadib howlgal ka dhacay waqooyiga galbeedka Dalkaas. War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda difaaca Afghanistan, ayaa lagu xaqiijiyay in Mawlawi Nuuradiin iyo afar sargaal oo kale lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ah dhacday degmada Dara-e-Soof Payeen. Dhanka kale afhayeenka ururka Taliban Sabiixullaahi Mujaahid ayaa beeniyay warkan, waxaana uu sheegay in uu nool yahay Mawlaawi Nuuradiin oo ah waaliga waqooyi ee ururka Talibaan. Duqeyntan ayaa imaaneysa kadib markii Mareykanka uu ka baxay heshiiskii nabada ee uu hore ula galay Ururka Talibaan. Source
-
Berbera (SMN) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ka laabtay go’aankiisii ahaa in shacabka kaliya ay adeegsan doonaan garoon cusub oo uu magaalada Berbera ka dhisayo Imaaraadka Carabta. Muuse Biixi ayaa sheegay in garoonka uu noqon doonaan mid caalami ah, islamarkaana ay wada adeegsan doonaan ciidamada iyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay. “Marka la fiiriyo adduunka shacab iyo ciidan waa ay wada isticmaalaan garoomada.” ayuu yiri Madaxweyne Biixi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Biix.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caaasimada Online) – Diyaarad gaar ah oo siday dhaawacyada mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo shalay qarax lagu dhaawacay ayaa saaka la keenay gudaha magaalada Muqdisho. Dhaawacyada mas’uuliyiintan oo ah kuwa culus ayaa waxa ay diyaaradu ka soo qaaday degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee gobolkaasi, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle aya sheegay in dhaawacyadaasi ay ka mid ahaayeen duddoomiye ku xigeenka degmada Qoryooley, xoghayaha degmadaas iyo midka mid ah saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka. Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa tilmaamay dhaawacyada mas’uliyiintan lagu dabiibi doono Muqdisho, islamarkaana uu alle uga baryayo caafimaad deg deg ah. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaa ay wadaan baaritaano dheeraad oo ku aadan qaraxa miino ee kolonyadii ay la socdeen mas’uuliyiintaasi lagula eegtay deegaanka Abiikarow oo hoostaga degmada Shalanbood ee gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda, qaraxan, waxaana ay shaacisay in bartilmaameedka uu ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Qoryooley. Maalin ka hor ayey aheyd markii sidan oo kale qarax miino Al-Shabaab ay ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle, kaas oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Halka hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-shabelle-hoose-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT- Israa’iil)-Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool Israa’iil oo isir naceyb xooggan kala kulmaya dadka asal ahaan u dhashay dalkaasi ayaa dibadbax xooggan ka dhigay magaalada Natanya. Dadkaan ayaa dalbanaya in cadaalada la marsiiyo wiil 19 jir ah oo lagu magacaabi jiray Solomon Teka oo laba bilood ka hor askari booliska ka tirsan uu toogasho badheedh ah ku Dilay. Banaanbaxayaasha oo watay shumac iyo sawirka wiilkan ayaa iskugu baxay habeenimadii xalay mgaalada waqooyi ee Natanya iyaga oo ku qeylinayay cadaalad ha helo Solomon. Dilkaan ayaa dhacay bishii June markaasi oo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah ee ku sugan Israa’iil dhigayeen falal ay kaga soo horjeedaan midabtakoorka ay la Kulmayaan. Source
-
Dalka Kuwait ayaa waxaa uu mamnuucay dhusha looga qaadi jiray Soomaaliya, sidaasi qoraal ka soo baxay wasaaradda ganacsiga ee dalkaasi. “Wasaaradda waxaa ay mamnuucday dhuxusha laga soo dhoofiyo Soomaaliya, kadib markii ay timid cabsi ah in loo adeegsan karo lacagta laga helo dhuxusha arrimo la xiriira argigixiso”, sidaasi waxaa lagu qoray Al-Rai daily. Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobey oo ay aragtay wasaaradda ganacsiga Kuwait waxaa ku xusnaa in dakhliga ka soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya si toos ama si dadbanba loogu maalgeliyo argigixisada . Dadaaladan ay Qaramada Midoobey ku joojineyso dhuxusha laga qaado Soomaaliya waxaa ay qeyb ka tahay in la soo afjaro ilaha ay dhaqaalaha ka helaan kooxaha argigixisada. Kooxda “The monitoring group” ayaa horay u sheegay xiriir soke oo Al-shabaab iyo Kenya ka dhaxeeya oo ah xagga ka ganacsiga dhuxusha, taasi oo ay Nairobi beenisay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Nairobi)-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen. Rag hubeysan oo aan illaa iyo hadda la garan ayaa la sheegay in ay fulieen dilkaasi arxan darrada ah. Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay meydadkooda ayaa 2 ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali. Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva. Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya inay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku saabsan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen inay baadhi doonaan falkaasi. Source
-
(SLT-Iran)-Dowladda Iiraan ayaa beenisay eedeyn uga timid Mareykanka oo aheyd inay xukuumada Tehran ay ka danbeysay weerarkii lagu qaaday laba xarun oo laga soo saaro shidaalka oo ay leedahay shirkada Aramco. Weerarkan oo dhacay Sabtidii ayaa mas’uuliyadiisa waxaa sheegtay dagaalyahanada xuutiyiinta ee dalka Yemen. Dhanka kale dowladda Sacuudiga ayaa ku guulleysatay inay dib u howlgaliso xarumaha Abqeyq iyo Khureys oo dab ka kacay markii diyaaradaha duqeeyeen. Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa qoraal uu ku soo qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Iiraan ay bilowday in ay weerarto xarunta ugu weyn ee laga soo saaro tamarta Adduunka. Marka laga soo tago eedeynta uu u jeediyay Iiraan hadane ma jirto caddeyn uu soo bandhigay xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo. Source
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad Goboleedka Galmudug. Amniga magaalada ayaa la sheegayaa in la adkeeyey, ujeedka safarka Farmaajo waa inuu soo xiro shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug uga socda caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb. Shirkan oo socday in ka badan 10 maalin, waxaa lagu gorfeeyey khilaafaad ka dhex jiray beelaha dega maamulka, waxaana la gaaray heshiis. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in illaa afar qof oo Soomaali ahaa ay ku dileen gobolka Tanariva ee dalka Kenya, kadibna ay gubeen. Afarta qof ee la toogtay, kadibna la gubay ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen walaalo, kuwaas oo magacyadooda lagu kala sheegay, Xuseen Cali iyo Mustaf Cali. Sidoo kale labada qof ee kale ayaa la sheegay in ay ahaayeen darawallo ka shaqeeya qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Lama oga sababta loo dilay dadkaasi, iyada oo ay arrintan walaac badan ku abuurtay dadka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Tanariva. Dhanka kale ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda Kanya in ay gacanta lagu soo dhigto kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Kenya oo ku aadan dhacdadaasi, basle waxa ay saraakiisha dalkaasi sheegeen in ay baari doonaan falkaasi. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dil xalay suuqa Bakaaraha loogu geystay askari ka tirsanaa ciidamada Minashiibiyada ee dowladda Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa fuliyey rag ku hubeysnaa Bistoolado, kuwaas oo goobta isaga baxsaday, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamo ka tirsan kuwa Boolika degmada Howlwadaag ayaa dilka kadib gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano ka sameeyey halkaasi. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay dilka askarigaasi, sida lagu baahiyey boggagooda Internet-ka. Weli ma jiro wax hadal ah oo ay laamaha ammaanka Soomaaliya ka soo saareen dilkaasi oo qeyb ka noqonaya falal ammaan dari oo maalmihii dambe ka dhacayey Muqdisho. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa ku warramaya in saaka aad loo adkeeyey amniga magaaladaasi. Ciidamo gaar ah oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la sheegay in ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah ee degmada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug. Ujeeda ciidamadan ayaa ah sidii ay u sugi lahaayeen amniga, maadaama maanta uu Madaxweynaha Soomaaliya ku wajahan yahay halkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa soo xiri doono shirka dib u heshiisiinta ee dowlad goboleedka Galmudug. Shirkan oo looga hadlayey arrimaha dib u heshisiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya 11-ka beelood ee daga deegaanada maamulkaasi. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari looga dilay oo malin ka hor ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe. Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo jidgal ah looga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM. Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi looga dhaawacay 6 askari, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah. Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Gololoey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay, illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay. Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-16092019.mp3 View the full article
-
Mid ka mid ah Caruurta Ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka qayb qaadanaaya waraabinta qoyskooda kadib markii xukumadda Farmaajo xidhay wadooyinkii ay gadiidka biyahu u soo marayern amniga awgeed. Wiilkani oo lagu naanayso Kofi waxa uu ka midyahay kumasnka kun ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ee dhiban Qaran News
-
An unspecified number of Burundian peacekeepers were killed Saturday when a military convoy was ambushed by the Islamist militant group Al-Shabaab north of the Somali capital Mogadishu, security sources said on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
Kenya among countries facing eminent economic collapse – UN
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Kenya is among 40 commodity-dependent counties in the world most vulnerable to climate change, the United Nation’s Commodity and Development Report 2019 has revealed. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa billaabay qorshe cusub oo ay qaraxyada ku soo geliyaan magaalada Muqdisho, tan iyo markii la xiray wadooyinka magaalada. Al-Shabaab waxay bilaabeen in gaadiidka loo yaqaano mooto Bajaajta, oo ah gaadiidka kaliya ee magaalada ka xirneen ay ku soo gudbiyaan qaraxyada kadibna ay ku raraan gaadiid kale oo nuucyada raaxada ah oo gudaha magaalada yaalla. Qaar kamid ah saraakiisha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay ogaadeen in Al-Shabaab gaadiidka Bajaajta ku soo raraan Qaraxyo, iyagoo ka soo gelinaya dhowr wado oo ku taala magaalada Muqdisho, kadibna waxay ku keydiyaan guryo iyo xarumo ay ku leeyihiin magaalada gudaheeda, iyagoo ugu dambeyntii raba in ay ku raraan gaadiid kale. Qofka aan la hadalnay oo ka tirsan sarakiisha ugu saraysa ee dhanka amaanka ayaa sheegay in mootadii ku qarxaysay Towfiiq ay aheyd mid qaraxyada iyo dareeskaba u soo waday xaafadaha gudaha ah ee magaalada Muqdisho, si loogu weeraro xarumaha dowladda. “Markii ay qaraxyada usoo rarayaan xaafaha xiran ee gudaha magaalada, Bajaaj ayaa lagu soo qaadaa maxaa yeelay bajaajtu lama baaro, waana qaraxyo diyaarsan si hadii ay gali waayeen isu qarxiyo qofka” ayuu yiri sarkaalkaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin. Tan iyo markii la xiray waddooyinka Muqdisho waxaa aad u yaraaday qaraxyadii waa weynaa ee magaalada ka dhici jiray, waxaana Shabaabka ay kusoo koobmeen qaraxyo yaryar. Mooto bajaajta ayaan magaalada lagu soo gelin karin qaraxyada waa weyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Askari Ka Tirsan Ciidanka Asluubta S/land Oo Caawa Lagu Dilay Magaaladda Laascaanood,Qof kalena dhaawacay. Nin hubaysan ayaa caawa Askari ka tirsan ciidamada Asluubta Somaliland ku dilay badhtamaha magaalada Laascaanood halka uu nin kale oo shacab ahna ku dhaawacay. Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka wax dilayna ka tirsan yahay ciidamada Asluubta. Wali macadda sababta Dilka dhalisay iyo in la qabtay gacan ku dhiiglihii. Xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood ayay marar badan ka dhacaan Dilal toogasho ah, in kasta oo mudooyinkii danbe xaaladda Ammaanku ka soo raynaysay. Qaran News
-
Amiirad Sucuudiyad ah ayaa lagu xukumay 10 bilood oo xadhig dibad jooga ah oo waxa lagu helay in ay af-duubatay oo ay garaacday nin ka shaqaynayey guri kuwa raaxada ah oo ay Paris ka deganayd. Xassa Bint Salmaan waa 43 jir waxaana dhalay boqorka Sucuudiga Salman Bin Cabdelcasiis. Waxa lagu eedeeyey in ay amar ku siisay boodhi gaadhkeeda inuu garaaco nin ka shaqeeya cillad saaridda qasabadaha oo sida la sheegay sawirro kaga qaaday gurigeeda dhexdiisa. Ashraf Ciid, oo ah ninka dacweeyey, ayaa sheegay in ninka boodhi gaadhka u ahaa ku qasbay inu uu Amiiradda cagaha ka dhunkado. Maanta ayaa maxkamad Faransiis ahi Amiiradda ku heshay dembi ah in ay gacan ka geysatay jidh dil iyadoo adeegsanaysa hub iyo in ay sidoo kale af-duub qof qayb ku lahayd. Amiiradda oo hore waaran qabasho oo caalami ah loogu jaray, ayaa xukunka lagu riday iyada oo maqan, waxaana sidoo kale lagu ganaaxay 10,000 Euro. Hase yeeshee, iyadu hore ba way u beenisay eedahaa loo haystay. Ninkii boodhi gaadhka u ahaa oo la yidhaa Raani Saciidi, ayaa isagana lagu xukumay sideed bilood oo xabsi dibad joog ah iyo 5,000 Euro oo ganaax ah. Sidee wax u dhaceen Bishii Sebtember 2016 ayaa Ashraf Ciid waxa loogu yeedhay aqal ku yaal dabaqa shanaad cimaarad kuwa qaaliga ah oo ku taal Avenue Foch ee magaalo madaxda Faransiiska, si uu u hagaajiyo qasabad jabtay. Ninkaa shaqaalaha ah oo dhalasho ahaan Masri ah ayaa sheegay in uu sawirro uun ka qaaday qolka maydhashada ee loogu yeedhay inuu qasabadda u hagaajiyo. Laakiin Amiiraddu waxay sida la sheegay ka cadhootay markii ay aragtay in meesha uu sawirayey muraayad ku taallay muuqeedu ka soo baxay. Hase yeeshee xaashida dacwadda waxa ku caddayd in ay markiiba u yeedhay Saciidi oo ay amar ku siisay inuu garaaco isla markaana qol ku xidho. Mar ayaabay amiiraddu sida la sheegay ku qaylisay “eyga dil, nolol ba ma istaahilee”. Saciidi waxa uu maxkamadda bishii July u sheegay in uu malqay Amiiradda oo i soo gaadh ku dhawaaqaysa, markuu ku soo cararayna uu arkay Ciid iyo iyada oo telefoonka isku haysta. “Waan qabtay oo aan ka awood roonaaday, maan garanayn wuxuu Amiiradda u sheeganayey” ayuu yidhi, waxaanu farta ku fiiqay in ninkaasi doonayey inuu sawirrada Amiiradda iibiyo. In Amiirad sawirro laga qaadaa sharciga Sucuudiga waa ku dembi. Hase yeeshee qareennada difaacayey Amiiradda ayaa sheegay in ay shaki leedahay in maalmo ka dib uu ku noqday guriga isaga oo sita qaan sheeg qiimaheedu yahay 21,000 Euro. Waa tuma Amiirad Xassa Warbaahinta dawladda Sucuudiga ayaa Amiirad Xassan ku amaantay adeegyada aadamenimo iyo u ololaynta xuquuqda dumarka. Waxa la sheegay in ay maalmo kooban ka dib dhacdadaa ay Faransiiska ka tagtay, hase yeeshee Amiiradda su’aalo ayaa laga weydiiyey eedaha loo haystay. Bishii Maarij 2018 ayaa garsoore Faransiis ahi waaran qabasho ah u jaray, waxaanay taasi ku qasabtay in aanay Sucuudiga ka bixin. Qareenkeeda, Emmanuel Moyne, ayaa sida la sheegay yidhi Amiiraddu diyaar ayay u ahayd in ay maxkamadda kaga qayb gasho khadka Skype-ka. Qaran News
-
Jowhar (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Shabeelada Dhexe ayaa magaalada Muqdisho u soo wareejiyay qaar kamid ah odayaashii dhaqanka ee u tagay Al-Shabaab, kuwaas oo ay Milateriga Soomaaliya horraantii bishaan ka qabteen degaanka Ceel-baraf ee gobolkaas. Qaar ka mid ah waxgaradka gobalka Sh/Dhexe ayaa Caasimada Online u sheegay in odayaashaan oo gaaraya ku dhowaad 60 qof islamarkaana laga soo qabtay Ceel-baraf ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintaan ka dambeysay kadib markii saraakiisha Milateriga oo haayay ay keeneen Muqdisho. Mid kamid odayaasha dhaqanka ee gobalka Sh/Dhexe oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa noo sheegay in halkaan ay u yimaadeen sidii loo sii deyn lahaa waxgaradka xiran oo ay la soo wareegtay dowladda Soomaaliya. “Odayaashu, waa ku dhawaad 60 qof oo halbeel ka soo jeeda waxaana laga qabtay Ceel-baraf waxaana loo soo wareejiayay Muqdisho” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradka aan la hadalnay oo soo gaaray Muqdisho. “Dowladdu, Al-Shabaab kama celin karto odayaasha waana xireysaa, waxaase iiga sii daran in odayaashii u tagay oo dhan aan la xiran laakiin hal beel la beegsado” ayuu hadalkiisa sii raaciyay nabaddoonka aan lahadalnay. Muddo ku dhow 15 cesho ayay odayaashaan dhaqanka ku jiraan xabsi ku yaala magaalada Muqdisho iyo kii laga soo wareejiyay ee gobalka Sh/Dhexe sida ay noo sheegeen ehellada odayaasha xiran. Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo arintaan ku saabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Farmaajo Annual Medical Check–up Report 1-Ultrasound found abdominal Jubaland abdominal pain, Galmudug nausea, Puntland vomiting, Southwest abnormal colon bacteria and Hirshabeele lumps. 2-MRI machines detect severe nepotism tumors, dictatorial trauma, constitutional development delay disease, federalism developmental anomalies, early Ethiopian multiple sclerosis, Somaliland stroke, madoobe sleep disorder, Shabab infection, and American headache. 3-PET scan found small cancerous like term extension fever, Fahad type changes in brain, Khaire heart beat fluctuations, and federalism neurological disorders. 3- CT scanners detected clan bone and opposition joint problems, complex cadaalad fractures and extensive travel tumors, qaraabo influenza, musuqmaasuq heart disease, mariixan emphysema 4- X-ray machines detect qolo naceyb, some clan love infection, laaluush syndromes, acute nariixanism, chronic Hiiraan hate, puntland conditions, Mogadishu cystic fibrosis. 5- laser eye imaging shows sharp tribal vision, blurry vision for federalism, clear centralism, selective miscalculation, poor judgement foreign cataract, qabiil diabetic type one, and Galmudug glaucoma, qabiiliste eye disorders include Nabad nacayb and shabab jacay! Recommendations: Please see your American specialist as soon as possible for further consultations & for possible therapy. Qaran News
