Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamareeb (SMN) – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay guddigii shirka arrimaha dib u heshiisiinta Galmudu oo habeen hore lagu soo gabagabeeyey gudaha magaaladaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey xubnaha guddiga, sida ay uga shaqeeyeen arrimaha dib u heshiisiinta ee beelaha dega deegaanada maamulka Galmudug. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyo) oo ahaa guddoomiyihii guddigaasi ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-cadaani.mp3 View the full article
  2. Muqdisho(Caasimada Online) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa faah faahin dheeri ka bixiyey duqeyn shalay diyaaradaha dagaalkooda ay ka fuliyeen koonfurta Soomaaliya. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxa ay Africom sheegtay in ay ka dhacday waqooyi galbeed magaalada Kismaayo, islamarkaana lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab. Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay illaa labo xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Africom ayaa sidoo kale tilmaamtay in duqeyntan oo ay gacan ka geysteen ciidamada sida gaarka u tababaran ee Danab aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah. Ugu dambeyn waxa ay sheegtay in Mareykanku uu sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee uu ka wado koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ma jiro dhanka kale weli wax hadal ah oo ka soo baxay Ururka Al-Shabaab oo la xariira duqeyntaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-18092019.mp3 View the full article
  4. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowaysay aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay Mareykanka u aragto isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada dalka Soomaaliya. Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington ayaa sida Villa Somalia sheegtay wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Sidoo kale Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ku kalsoontahay in safiir Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo sidii uu usii xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya ee Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  5. Madaxweynaha dowladda Fedetaalka Soomalaiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Culimaa’udiiinka Ahlu Sunna waxaana uu ku ammaanay doorka ay ka qaateen samata-bixinta degaannada Galmudug sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulankan kula hadlay Sheekh Maxamed Shaakir Cali, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan, Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali (Al-Ashcari) ayaa la wadaagay muhiimadda ay u leedahay aragtidoodu, dadaalkooda iyo waxqabadkoodu dhismaha Galmudug mideysan, horumarsan oo ka tarjumeysa aqoonta iyo kartida reer Galmudug. Dhankooda, Hoggaanka Ahlu Sunna Wal-jamaacah ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey tan iyo markii uu xilka qabtay, xal u helista khilaafyadii kala duwanaa ee ka jiray Galmudug, waxa ayna soo bandhigeen rajo mugweyn oo ku aaddan hana qaadka Dowlad Goboleedka Galmudug. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Taliyeyaasha Ciidamada dhawaan la qarameeyey ee ku sugan Dhuusamareeb, waxa uuna xusay in dowladdu ay xoogga saartay xaqiijinta xuquuqdooda ciidannimo iyo tayeyntooda, isagoona ku dhiirri geliyey go’aankooda ku saleysan Qarannimada iyo in ay u istaageen difaaca dalkeenna. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay hoggaanka sare ee Ahlu-sunna appeared first on Puntland Post.
  6. KIGALI, Sept. 17 (Xinhua) -- Health ministers and other officials from about 40 African countries on Tuesday started a four-day meeting here to discuss cost-effective interventions to ensure universal access to palliative care. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Caasimada Online, ayaa heshay xog ku saabsan kulan natiijo la’aan ku soo dhamaaday oo toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kaas oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya. Kulankaan oo ku saabsanaa arimaha Jubbaland, ayaa waxaa yeeshay saraakiil ka tirsan hogaanka sirdoonka Itoobiya iyo kuwa Kenya iyo masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia. Dowladda Itoobiya ayaa kulankaan soo qaban qaabisay waxa uuna qorshuhu ahaa in wadahadal lagu dhameeyo xaaladda Jubbaland balse waxaa la sheegay in Kenya ay diiday in meesha laga saaro Axmed Madoobe, halka Itoobiya iyo Soomaaliya ay doonayeen in meesha wadahadal looga saaro Axmed Madoobe. Saraakiishii ka socotay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kuwa Itoobiya u gudbiyay cabasho ka timid Madaxweynaha Soomaaliya oo aheyd, in Itoobiya aysan sidii lagu ballamay u wajihin xaaladda Jubbaland maalmihii ay socdeen dedaallada meesha looga saarayay Axmed Madoobe ee ka hor doorashadiisa. Sirdoonka Itoobiya ayaa madaxdii Villa Somalia ka socotay u sheegay in aysan awoodin faragelin ciidan iyo mid siyaasadeed oo toos ah ama qaawan, maadaama ay goobtu joogto dowlad kale oo kala tirsan AMISOM islamarkaana ay aagaas iyadu ku qaran tahay. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday gabo gabadii shirka in uu qaabilo wafdi kasocda Kenya islamarkaana uu kala hadlo xaaladda Jubbaland. “Kenya kalama hadlayo xaaladda gobol kamid ah Somalia waxaana degaanka ka qaadan doonaa wixii ay Soomaali heshiis ku tahay xalna u ah dalka” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo telephone kula hadlay wakiiladii shirka u joogay. Maalin kadib markii uu shirkaan guul darrada ku soo dhamaaday, ayaa waxaa shir jaraa’id qabtay Madaxweyne Axmed Madoobe, isagoo ku goodiyay in xaaladda Jubbaland ay horseedi doonto bur bur iyo dib u dhac xoog leh, hadii aysan dowladda Soomaaliya qorshaheeda wax ka badalin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. The Hague Based International Justice Court –ICJ is scheduled to start public hearings over the maritime dispute between Kenya and Somalia in early November. Source: Hiiraan Online
  9. On Sunday, Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed asked ethnic groups pushing to form breakaway regions to be patient and join him in building “a great Ethiopia”. Source: Hiiraan Online
  10. Washington DC (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka Danjire Cali Shariif Axmed. Safaaradda Soomaaliya ee Washington DC ayaa Caasimada Online soo gaarsiisay war-saxaafadeed arrintaas ku saabsan. Hoos ka aqriso Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal. Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA). Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan. Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr habeen ka hore waxa xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, waxayna ka wada hadleen arrimo quseeyo Soomaaliya gaar ahaan gobalka Banaadir. Kulankan ayaa odayaasha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay laba qodob oo waa wayn, kuwaas oo ahaa digniin iyo wargelin, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka qayb-galay. Madaxweynaha ayaa marka hore odayaasha waxay uga mahad-celiyeen magacaabistii taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan taliyaha Xoogga. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale looga digay laba qodob kuwaas oo kala ah. 1) – In uu shaqadiisa u madaxbaneeyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hadii ay dhici weysana laga dhaxli doono cawaaqib ay masuuliyadiisa qaadi doonto dowladda. Odayaasha ayaa madaxweynaha u sheegay in guddoomiye Filish hadda uu wajahayo cadaadis iyo rabitaano is-diidan oo saameyn kuleh shaqadiisa iyo waajibka saaran, loona baahanyahay in culeeskaas laga qaado duqa cusub. 2) – Qodobka labaad oo ay odayaasha Madaxweynaha u sheegeen ayaa u muuqday hanjabaad, waxa uuna ahaa, in odayaasha Madaxweynaha u sheegeen in ay ka hortaagan yihiin umad dhan oo daashay, islamarkaana caro ay buux dhaafisay wixii xiligaas ka dambeeyana aysan sii hortaagnaan doonin hadii aysan dowladda qorshaheeda wax ka badalin. Arrimaha amniga iyo xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ayaa qayb ka ah waxyaabaha kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in uu caadi ku soo dhamaaday oo ay dhinacyo is-fahmeen. Lama oga sida uu ku dhaqan geli doono waxyaabaha ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo odayaasha beelaha Mudulood. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wareejiyey warbixin ku saabsan baaritaanka qaraxii diyaaradda Daallo Airline ee bishii Feberaayo sanadkii 2016-kii. Inkasta oo uusan u dhicin qaabkii loo naq-shadeeyay, haddana waxa uu ahaa weerar ku cusub falalka ay kooxaha argagixisada ah ka fuliyaan dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Ruux naftii hore ah, Cabdullaahi Cabdisalaam Borleh, ayaa qaraxa la fuulay diyaaradda, markii loogu soo rakibay laptop. Kaliya isaga ayaa ku naf-waayey, wallow uu burbur u geystay diyaaradda. Borleh, oo qarxiyey laptop-ka markii ay diyaaradda ka duushay shilinka Aadan Cadde, ayaa la sheegayaa in tikidka uu diyaaradda ku raacay kasoo goostay xafiis ku yaala magaaladda Luanda ee Angola. Iyaga oo ka duulaya arrintaas, mukhaabaraadka Soomaaliya ayaa dabagalka ay ku sameynayan dhacdadan la aadey dhanka Angola, si ay xaqiiqada u helaan. Taliyaha sirdoonka Angola, José Luís Caetano Higino de Sousa oo Talaadadii, 17-ka September 2019, Muqdisho ka degay ayaa warbixin ku saabsan kiiskan wuxuu ku wareejiyey dhigiisa Soomaaliya, Fahad Yaasiin. Warbixinta oo la sheegayo in ay ku jiraan “macluumaadyo culus” ayay saraakiishu ka gaabsadeen in ay nuqulo kamid ah dusiyaan. Kadib is-miidaamintaasi, xeer-ilaalinta Soomaaliya ayaa laba ruux u dacweysay kiiskan. Cabdullaahi Xirsi Xaashi iyo Cabdiwali Macow oo shaqaalaha garoonka kamid ahaa waxaa lagu eedeeyay in ay gudbiyeen. Muuqaalo ay duubeen kaamirooyinka qarsoon ee garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayay kasoo muuqdeen ragga. Kahor maalinta qaraxa, maalmo kahor waxay laba jeer isku dayeen in ay fuliyaan howlgalka. Baareyaasha ayaa rumeysan in shirqoolka lala damacsanaa Turkish Airlines. Jabuuti ayuu ismiidaamiyaha rabay in uu kasii raaco diyaarada Turkiga. Balse duulimaadkii labaad dib u dhac ayaa ku yimid maalintaas. Kooxda AlShabaab oo mas’uuliyadda weerarka qaadatay ayaa ku eedeysay Turkish Airlines in ay dunida islaamka ku faafineyso “danaha reer Galbeedka”. Duulimaadka Daallo ee qaraxu haleelay oo tirsigiisu ahaa 159 waxaa la socday 80 rakaab ah. Kadib falkaasi, xukuumadda Muqdisho ayaa joojisay passport-kii ay ku bixin jirtay qaabka online-ka ah. Isha: Garowe Online
  13. Hargeysa (Caasimada Online) ― Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan), Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee gobolka Badhan, ayaa maanta ka hadlay xarig la sheegay inay ciidamada maamulka Puntland kula kaceen, isagoo ku sugan gudaha Badhan. Badhasaabka oo maanta warbaahinta la hadlayey ayaa sheegay in xaalada guud ee goblkaasi ay tahay mid degan oo wanaagasan, isla markaana uu ka jiro nidaamkii maamul ee Somaliland. Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay jiraan dadyow qalalaase ka wada gudaha gobolkaas, balse ay socoto shaqadii ay u hayeen xukuumada Somaliland, wuxuuna yiri “Gobolka Badhan waa nabad-galyo oo wuu fiican yahay, shaqadii iyo nidaamkii Maamulku illaa heer degmo si fiican buu uga socdaa, laakiin gobolka qolo qalalaase ka waddaa way jirtaa, aniga, Guddoomiyaha Gobolka iyo Shaqaalihii Gobolka, Maayarkii, ku-xigeenkiisii way joogaan oo si fiican baa looga shaqaynayaa” “Waxaan sheegayaa war borobagaando ah oo qolo Laamiga ka timid (Puntland) ay meelihii wadeen, waxay Telefiishannadooda ka siidaayeen oo ay yidhaahdeen Badhasaab ku-xigeenkii Gobolka Badhan baanu xidhnay, beentu intay socotaaba way iska yar tahay”. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaa wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan warkaasi, Aniga xarig la ii geystayna ma jiro. Mar hadday yidhaahdeen waanu xirnay, bal ha sheegaan halkay igu siidaayeen”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  14. Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland oo ahaa 217 dugsi ayaa haatan gaadhay 315 Dugsi ku waas oo isugu jira kuwo Sare/ hoose iyo dhexe oo u kala baxa 78 dugsiyo oo sare iyo 237 dugsi oo isugu jira Hoose / Dhexe iyo 39 ah kuwa boodhinka ah ee la seexdo.Tirada guud ee ardayda dhigata ayaa lagu qiyaasay ilaa 120 kun oo arday.Tirada maclimiinta dugsiyaas ayaa gaadhaya 3500 macalin oo ka tayo iyo tacliin fiican macalimiinta dugsiyada dawalada wax ka dhiga. Dugsiyadan tirada badan ee gaarka loo leeyahay waxaa lagu dhigaa ilaa iyo 6 manhaj oo kala duwan sida manhajka, Ingiriis, Sudaan, Kenya, masar, Yaman iyoTurkiga . badanka Dugsiyadan ayaan manhajkoodu ku mudeysneyn sida manhajka JSL oo ah 4-4-4 taas oo macnaheedu yahay 4 sano oo dugsi hoose ah, 4 dugsi dhexe ah iyo 4 dugsi sare ah. Qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa maamula dad ajaanib ah oo looga baqanaayo in ay ilmaha la yeeshaan waalidka oo ay maskaxdooda wax kale ku shubtaan. sida dhaqano qalaad iyo diin xag-jirnimo ah oo aan diinta islamka aheyn. Ka dib markii loo kuur galay ee daraasad lagu sameeyey qaar ka mid ah dugsiyadaa waxaa laga dhawaajiyey in qaar ka mid ah dugsiyadaasi ardeyda qaarkood ay ciqaabaan gaar ahaan dugsiyada boodhinka ah ee magaalooyinka ka baxsan oo iyana tiradoodu gaadhayso 39 dugsi. In kasta oo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ay Waax gaar ah iyo Agaasime Waaxeed u sameysay kuna dadaashay sidii dugsiyadaa loo xakameyn lahaa ee manhajka dawliga ah loogu soo dabaali lahaa hadana ilaa iyo hada ” Faanoole fari kama qodna ” Maadaama maamulka Dugsiyadaasi ka madax banaan yihiin Wasaarada Waxbarashada hadana madaxbanaanidaasi maaha in ay waxa ay doonaan sameeyaan waxaana Maareeyaha dugsiyada gaarka loo leeyahay ku adkaatay in uu qaar dugsiyadaa ka mid ah uu gudaha u galo oo uu kala xaajoodo arimaha manhajka dowliga ah iyo isku jaangoynta waqtiyada fasaxyada dugsiyada dalka. Hadaba waa maxay khataraha dahsoon ee ku gedaaman Dugsiyadaas gaarka loo leeyahay ee JSL ? 1- iyada oo laga cabsi qabo in ardeyda dhigata qaar ka mid ah dugsiyadaas in fikirkooda la bedelo oo ay gacanta u galaan macalimiin xag jir ah ama qaar dhaqan qalaad iyo diimo qalaad ku jiita ardeyda. 2- Qaar ka mid dugsiyadaa ardaydu waxay dhigtaan waxbarasho kala dhiman maadaama mudeynta manhajkoodu ku saleysan yahay 3-3-3 sanadood oo keliya. 3- Ka dib markii la sameeyey u kuur gal dahsoon, lana waraystay arday kala duwan oo ay ku jireen ardey dhaqan celin loogu daray dugsiyadaa gaarka loo leeyahay, ayaa waxay ardaydaasi hayadaha ku shaqada leh Badbaadada caruurta uxaqiijiyeen in ay kala kulmeen Dugsiyadaas oo boodhin ahaa- jidh dil, nadaafad xumo, nafaqo daro, hanjabaad joogto ah iyo hagardaamooyin kale oo aanay qeexin. 4- Nasiib daro dugsiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Shanta albaadada xidhay ee ajaanibku maamulo may soo marin markii horeba Wasaaradda Waxbarashada iyo wasaarada Arimaha Debeda ee JSL, mana laha qawaaniin iyo xeerar adag oo lagu dhaqo, Albaabkana kamaba furaan Wakiilada wasaaradda waxbarashada ee howshaa loo igmaday. 5- Maadaama Wasaaradda waxbarashadu hawsheedii ka soo bixi wayday dugsiyadaana ay ka buuxaan ardey sita dhalashada wadamada reer galbeedka,Waxaa ku soo maqan dugsiyadaa qaarkood Hayado caalami ah oo nabadgelyada caruurta qaabilsan, sidaa daraadeed waa in ay dugsiyadaasi taxadar badan sameeyaan oo samaystaan qawaaniin iyo shuruuc cadaynaaya in ardaydoodu gacan nabadgelyo ku sugan yahiin inta ay dugsiyadooda joogaan. 6-Waxay wasaaraddu ka gaabisay in ay dhamaystirto shuruucdii iyo qawaaniintii waxbarashada gaarka ah iyo ta dawliga ahba lagu hagi lahaa laguna dhaqi lahaa. 7-Dugsiyadani marna may soo dhaweyn ku dhaqanka meel marinta manhajka dowliga ah ee JSL iyo dhamaan xeerarka qeexaaya siyaasadda waxbarashada gaar ka ah. Wasaarada Waxbarashaduna kumay dhiiran in ay yeelato awood ay rusqadaha kala noqonto ku haysta kuwa aan haysana ay ku khasabto in ay qaataan. 8- Dugsiyadani waxay indhaha ka rideen waajibaadkii iyo shaqadii wasaaradda waxbarashada iyo shuruudihii dawliga ahaa ee ku wajahnaa meel marinta iyo fulinta manhajka qaranka JSL. 9- Qaar ka mid ah dugsiyani waxay ilaa iyo hada ay ka biyo diideen in lagu dhigo afka hooyo iyo manhajka qaranka Somaliland. 11-Badanka dugsiyadaasi ma laha nimaad isku dheeli tiran oo lagu kantaroolo waxbarashadooda si loogu kal soo naado manhajyadooda ay ka soo waarideen dalalka debeda. 12- In kasta oo ay lacag badan ka qaadaan ardeyda dugsiyadaasi hadana qaar ka mid dugsiyadaasi ayaa tayada waxbarashadoodu aad iyo aad u liidataa. 13- Hadii aanay wasaaradu dar dar gelin in ay wadashaqeyn buuxda la yeelato dugsiyadaas waxaa dhici doonta in ardeyda dugsiyadaasi ay helaan fursado loogu ogolaado in ay ku qishaan imtixaanka shahaadiga ah sida horeba loogu tuhmay 14-Waa in Wasaaradu ku khasabtaa in dugsi waliba iska diiwaan geliyo Xeer ilaaliyaha guud si uu ruqsad qaanuuni ah u helo loona helo cid loo raaco hadii dhibi ka dhacdo. 15- Waa in Wasaaraddu kantaroolaan tirada ardayda fasalkiiba fadhiisata, nadaafada dugsiga, tayada waxbarashada iyo tayada gaadiidka ardeyda qaada intaba, 16- Waa in Wasaaradda Waxbarashadu iyadu yeelataa Jaangoynta Waqtiyada la xidhaayo iyo waqtiyada la furaayo dhamaan dugsiyada JSL oo dhan. 17- Waa in Cashuurta ku waajibtay ay bixiyaan Dugsiyadaasi sida cashuurta sanadlaha ah iyo cashuurta shaqaalahooda. 18- Waa dusgi waliba warbin sanadleh ah oo dhameystiran geeyaa Wasaaradda Waxbarasha si loola socda tayadooda waxbarsho. 19- Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradda Waxbarashadu isugu yimaadaan Xayn daabka sharciga iyaga oo ixtiraamaaya xeerarka waxbarashada . 20 – Waa in Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ay u hogaan samaan Xeer-nidaamiyaha loo dejiyey ee qeexaaya Siyaasada Waxbarashada gaarka loo leeyahay. Gunaanad: Waxaa Xukuumada looga fadhiyaa in ay ka shaqeysiiyo Qorshaha Shanta sanadood ee Waxbarashada JSL ( 2017 – 2021 -ESSP ) kuna falkiso sifeyaashii loo kantarooli lahaa dugsiyada gaarka loo leeyahay, Waxaana laga sugayaa in ay soo nooleyso xukuumadu xidhiidhkii wada shaqeyneed ee dugsiyada gaar ka ah iyo wasaaradda waxbarashada. Waana in ay dar dar geliso barnaamijka isku xidhka dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay si ay isula jaan qaadaan dugsiyada dalku isuna caawiyaan dhinac kastaba. Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs) Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madaxbanaan Intensive Advisor ED BD PA United Kingdom London Qaran News
  15. The new Somalia Ambassador to the United States Ali Sharif Ahmed presented his credentials to the US president Donald Trump in the Oval Office of the White House on September 16, 2019 and formally assumed duty as Ambassador Extraordinary and Plenipotentiary. Source: Hiiraan Online
  16. In an apparent setback for Prime Minister Benjamin Netanyahu, the long-time Israeli leader on Tuesday fell short of securing a parliamentary majority with his hard-line allies in national elections, initial exit polls showed, putting his political future in question. Source: Hiiraan Online
  17. Saudi Arabia has sold its consulate building in Istanbul where Saudi journalist Jamal Khashoggi was killed last year, a Turkish TV report claimed. Haberturk TV said on Tuesday that the building located in Istanbul’s upscale neighbourhood of Levent was sold to an undeclared buyer 45 days ago for one-third of its value. “A new building for the consulate had already been purchased in Sariyer district, which also hosts the US Consulate,” the report added, without providing any sources. A Turkish foreign ministry official, speaking on condition of anonymity due to diplomatic protocol, told Middle East Eye that they didn’t have any information confirming the sale. The Saudi Arabian government would have needed to seek permission from the foreign ministry for the sale and the reason would be security, according to the report. “The Saudi security team who visited Turkey immediately after the Khashoggi murder had prepared a technical report that said they couldn’t discover all the bugs in the consulate and therefore a new building was needed,” the report said. “The Saudis are also trying to sell the consul general’s official residence, which is located very close to the consulate. But they couldn’t find any buyer yet.” Saudi Arabia hasn’t had a consul general in Istanbul since last October. However, the consulate began to offer visa services immediately after Khashoggi’s murder. A second Turkish official told MEE last week that Istanbul’s prosecutor had almost completed an indictment against suspects in the Khashoggi case and it will be released on the first anniversary of the murder. The Haberturk report speculated that after the move the authorities may need to seal the building for some time to search for further evidence since it is still a crime scene. Many local NGOs and international organisations are planning to hold vigils outside the Saudi consulate to highlight the fact that that authorities have still not found Khashoggi’s mutilated body and no one has yet been held responsible for the murder Middle East Eye Qaran News
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadii ka soo baxay shirkii dib -u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo habeenimadii xalay lagu soo gabangabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug, islamarkaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyo adag oo lagu soo maraayo xulista xildhibaannada wakiilada Galmudug, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo. Halkan hoose ka aqriso Qoraalka ka soo baxay Xisbiyada Siyaasada dalka
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar____-Qumanaha-____-Wararka-17092019.mp3 View the full article
  20. Dhuusamareeb-(Caasimada Online)-Kulan ay saxaafaddu dibad joog ka eheyd oo maanta magaalada Dhuusamareeb ku dhexmaray hoggaanka Ahlu-Sunna iyo madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo dhamaaday is fahmi waa, kadib markii sida la sheegay uu madaxweyne Farmaajo ka biya diiday aqbalidda qaar ka mid ah qodobadii ay soo hor dhigeen hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna. Ahlu-Sunna ayaa madaxweynaha ka dalbatay qodobo ay ka mid yihiin in dowladdu ogolaato garaadaha saraakiishii Ahlu-Sunna, xildhibaano iyo lacag horay loogu balanqaaday, kuwaas oo aan wali loo fulin. Farmaajo ayaa Ahlu-Sunna u ogolaaday in lasiiyo lagactii horay loogu balanqaaday loona qarameeyo garaadaha saraakiishoodii, balse waxa uu diiday in loo madax baneeyo saami ay ku yeeshaan xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo maamulka Galmudug. Kulankaas ayaa galabta kusoo dhamaaday natiijo la’aan iyadoo is mari waa dheer kadib lagu kala dareeray goobta, iyadoo Farmaajo markii uu kabaxay kulankaas uu duulay magaalada Dhuusamareeb, una hoyday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Dowladda federaalka ayaa horay Ahlu-Sunna ugu ogolaatay in ay 30 xildhibaan ku yeelato baarlamaanka cusub ee loo dhisayo maamulka Galmudug, balse balankaas looga baxay Ahlu-Sunna, kadib markii ay xukuumaddu ka baqdin ka muujisay cida ay codkooda siidoonaan xildhibaanada ka imaanaya Ahlu-Sunna. Intiinii akhrisatay, horay waxaan idiin kugu soo gudbinay xog ay Caasimada Online ku ogaatay in dowladda federaalka ay ku dhalatay baqdin ku aadan 30-kii xildhibaan ee ku jiray heshiisiikii ay la gashay Ahlu-Sunna, isla markaana ay dowladdu qorsheynayso in Ahlu-Sunna xildhibaanadii loo balan qaaday lacag loogu badalo. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  21. Taliyaha Sirdoonka wadanka Angola ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku yimid magaalada Muqdisho. Gen. José Luìs Caetano Higino de Sousa War qoraal ah oo hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ku baahisay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in magaalada Muqdisho uu yimid Taliyaha Sirdoonka wadanka Angola, lana kulmay dhigiisa Fahad Yaasiin. “Taliyaha Sirdaanka wadanka Angola Gen. José Luìs Caetano Higino de Sousa, oo booqaaho rasmi ah ku yimi magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Agaasimaha NISA Fahad Yasiin, waxayna kawada hadleen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khibrada NISA ay u leedahay la dagaalanka argagaxisada” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. Qoraalka NISA Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa si qarsoodi ah u yimid magaalada Muqdisho taliyayaal Sirdoon oo ajaanib ah, kuwaas oo la ogeyn u jeedada rasmiga ah ee ay u yimaadeen. Taliyaha NISA ayaa dhawaan loo magacaabay Fahad Yaasiin, oo horey muddo ku xigeen ugu shaqeynayay. PUNTLAND POST The post Taliyaha Sirdoonka Angola oo yimid Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo xidhay shirka maalgashiga Puntland, Madaxweynuhu waxa uu ka jeediyey khudbad muhiim ah oo uu kaga hadlay arrimaha maalgashiga, waxaa uu xusay in shacabka Puntland iyo Dowladdooduba sharaf u tahay in shirku kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyey. “Runtii aad iyo aad bay Dowladda Puntland, shacab iyo Xukuumadba sharaf ugu tahay in shir noocan ah uu ku qabsoomo sidii loogu talagalay oo uu ku socdo wakhtigiisii oo ay kasoo baxaan wixii loogu talagalay inay kasoo baxaan, aad baan ugu mahdcelinayaa intii kasoo shaqaysay oo ay ugu horeeyaan ciddii u xilsaarnaa qaban-qaabada shirkan iyo dhammaan hay’addaha dowladda oo kala shaqeeyey shirka. Shirkan dowladda Puntland uma aysan kala hadhin, ciidan, shacab iyo masuuliyiinba”. Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay maalgashi Puntland ka samaynayaan ganacsato Soomaali ah iyo kuwo ajaanib ah oo shirkan qayb ka ahaa. “Shirkan keliya ma ahayn Maalgashi waxaa kujirey sidoo kale in dhaqanka iyo dabeecadda dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan Puntland aan wax ka bedelno oo tusino in dadku kala shaqaystaan, 60-kii sano ee lasoo dhaafay dowladnimada Soomaaliya si khaldan ayaa loo bartay, dad dhallinyaro ah oo wax soo bartay inay dowladda u shaqeeyaan waxaa ku kalifaaya aragti siyaasadeed oo uu iska leeyahay maruu dhashobo, lakiin waxaan idiin sheegayaa ra’yigaasi mid sax ah ma aha, anigu ganacsiga 10 jir baan ku bilaabay waxkasta oo ganacsi ahna waan ka shaqeeyey intiisa badan, iskuma xidhna inaad hadaf aan leedahay xaqiijisid inaad dowladda u shaqaysid, waa wax wanaagsan in la abuuro fekred wax tarleh, waan ka mahadcelinayaa in shirkadda DHOWEEYE ay u shaqeyaan 7, 000 oo qof “Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland si buuxda ugu diyaar garoobayso maalgashi caalamiya oo waxbadan kusoo kordhiya Puntland, waxa uu xaqiijiyey in dedaalka ugu badan lagu bixinaayo ka sifaynta dalka Ar-gagixisada, waxaana uu ugu dambayn furay Shirka maalgashiga Puntland oo soconaayey muddo sadex cisho ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho safar aan horey loo shaacin ku yimaaday Taliyaha Sirdoonka dalka Angola Gen. José Luís Caetano Higino de Sousa. Barta Twitterka ee Hey’adda NISA ayaa lagu xaqiijiyey gelinkii dambe ee Maanta in Taliyaha Sirdoonka dalka Angola uu safar ku imaaday Muqdisho. Hey’adda NISA ayaa sheegtay inuu Taliyaha dalkaas la kulmay Agaasimaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Labada dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen xiriir labada Hey’adood iyo waxyaabo badan oo ku saabsan la dagaalanka Argagixisada. NISA waxay sheegtay inuu Taliyaha Sirdoonka Angola uu ka faa’ideysanayey midka Soomaaliya khibradda dagaalka lagula jiro Argagixisada sida ay hadalka u dhigtay. Sidoo kale labada Dhinac ayaa la sheegay inay ka wada hadleen qaraxii Computer-ka lagu soo xiray ee lala beegsaday Diyaaradda Daalo Airline, maadaama ninka qaraxa fulin rabay uu Ticketka kasoo jartay Shirkad Travel Agency oo xafiiskeeda yahay Caasimadda Angola ee Luanda Maanta ayaa waxaa la xiray qeybo badan oo kamid ah jidadka Muqdisho, waxaana la qariyey safarka uu Taliyaha ku imaanayey Muqdisho sababo xagga Amniga ah, waxaana ammaankiisa sugayey ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowladda Soomaaliya. Sirdoonada dalalka Caalamka ayaa muddooyinkii dambe safaro qarsoodi ah ku imaanayey Magaalada Muqdisho kadib isbadaladii ka dhacay Hey’adda NISA. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa walaac xoogan ka muujiyey qodobadii ka soo baxay shirkii dib -u-heshiisiinta beelaha Galmudug oo habeenimadii xalay lagu soo gabangabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug. Xisbiyada oo si wadajir ah u soo saaray war saxaafadeed ayaa si weyn u dhaliilay qodobada qaar ee ku jira war murtiyeedkii soo baxay shirkii ku soo idlaaday Dhuusamareeb, kaas oo dowladdu ku sheegtay in ayadu ay soo dhisayso guddiga farsamada ee maamul dhisidda Galmudug isla markaana dowladda federaalka ay sameyso shuruudo iyo habraacyo adag oo lagu soo maraayo xulista xildhibaannada wakiilada Galmudug, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Xisbiyada siyaasadda ayaa sheegay in qodobkaas iyo qodobo kale oo ku jira war murtiyeedkii soo baxay ay khilaafsan yihiin hanaanka federaalka, waxaa ayna ka digeen in doorashada dowlad gobaleedka Galmudug la afduubo. Goobjoog News Source: goobjoog.com