-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland Farah Cawaash Beeldaaje oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Bosaso ayaa shaaciyay tirada iyo magacyada maraakiib laga leeyahay dalal shisheeye oo kalluumeysi sharci darro ah xeebaha Puntland kawada. Wasiirka kalluumaysiga ayaa sheegay maraakiibtaan inay yihiin caadaystaal ku caan baxay gurashada kheyraadka Puntland, isagoo xusay inay dowladdu ciidan udirtay oo gacanta lagusoo dhigidoono. Faarax Cawaash waxa uu sheegay maraakiibtaan jarriifayaasha ah iyo shirkaddaha laga leeyahayba inay dacwad ka gudbiyeen oo aysan jirin suuq ay u iib gayn karaan kalluunka ay ka xadaan xeebaha Puntlan. Halkaan ka daawo. PUNTLAND POST The post Puntland oo shaacisay tirada iyo magacyada maraakiibta jarriifka ba’an ku haya xeebaha Puntland appeared first on Puntland Post.
-
(SLT- Ethiopia)-Rag hubeysan ayaa ugu yaraan 16 qof ku dilay, islamarkaana tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii. Weerarkan ayaa qiyaastii 1-dii aroornimo ee sabtidii ka dhacay xaafadda Obno ee degmada Afambo ee gobolka waqooyiga beri ee Cafar. Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee gobolka ka dhaca. “Rag hubeysan ayaa ka yimid dhinaca Jabuuti, waxayna fuliyeen dilka” waxaa sidaas yidhi taliye ku xigeenka booliska gobolka Cafar Ahmed Humed oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters. “Weli hore uma aynan arag dhacdo sidan u weyn oo shacab badan lagu dilay. Weli waan baadhaynaa cidd ay ahaayeen raggaas.” Ayuu yidhi. Cisbital ku yaalla deegaanka ayaa waxaa la geeyey 28 qof oo dhaawacyo ay kasoo qaadheen qaraxyo iyo rasaas, sida uu madaxa Cisbitalka Dubti ee goblka Cafar Mohammed Hassen u sheegay Reuters. Haweeney lagu dhaawacay weerarka ayaa ku weyday seygeeda iyo wiilkeed oo afar bilood jiray, sida uu sheegay Mohammed. Ethiopia ayaa waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo uu hormuud ka yahay ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo talada la wareegay 2018, kadib markii saddex sanno oo ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ahaa dowladda ay hoggaamiyeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn. Abiy oo 43 jir ah ayaa jimcihii ku guuleystay abaal-marinta Nobel, sababo la xidhiidha daadalladii nabadeed ee soo afjaray colaaddii Ethiopia muddada fog kala dhaxeysa dalka Eritrea. Hase yeeshee is-beddelada uu billaabay Abiy ayaa sidoo kale dhiiri-geliyey hoggaamiye goboleedyo awood badan, waxayna sare u qaadeen xiisadihii qowmiyadaha dalka Ethiopia. Source
-
Wararka ka imaanaya degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal ayaa sheegaya in malayshiya-beeleed hubaysan ay maanta qabsadeen xarunta dowladda hoose ee degmadaasi oo ay ka socotay xulista xildhibaannada golaha degaanka buurtinle. Malayshiyaadka oo ka caraysan hannaanka ay u socoto xulista xildhibaannada golaha degaanka Buurtinle ayaa gebi ahaanba albaabada u laabay xarunta dowladda hoose waxaana ay joojiyeen shaqadii xulista ee halkaasi ka socotay. Qaar kamid ah waxgaradka iyo odayaasha degmada Buurtinle ayaa sida la sheegayo ku hawllan sidii malayshiyaadka loogu qancin lahaa in ay banneeyaan xarunta dowladda hoose si shaqada xulista xildhibaannada loo sii wado. Balse dableeyda hubaysan ayaa dalbanaya in jifidooda hal xildhibaan loogu daro golaha cusub ee degaanka haddii kalena ay sii haysan doonaan xarunta ay shaqadu ka socotay ilaa loo fuliyo dalabkooda. Degmada Buurtinle ayaa waxa maalmahan ka taagnaa khilaaf ku salaysan xulista xildhibaannada golaha degaanka ee degmadaasi loo dhisayo iyo hannaanka loo maray xulistooda. PUNTLAND POST The post Malayshiyaad hubaysan oo qabsaday xarunta dowladda hoose ee degmada Buurtinle appeared first on Puntland Post.
-
Qormada 1aad Ee Naarnaar: Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa: Toddoba Gu’ oo ay xilka hayeen Qaadhaankii kowaad ee lagu dhiso ciidanka dab-demiska waxa wada bixiyay xukuumadda dhexe ee Somaliland oo ku dartay $200, 0000 (laba boqol oo kun oo dollar) iyo dawladda hoose oo bixisay $100, 0000 (boqol oo kun oo dollar), sidaas awgeed waa hawl-wadareed ay iska kaashadeen Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa. Ma aha libin ay cid gaar ahi sheegan karto. Haa, 2013kii bay ahayd. Waxa qorista shaqaalaha lahayd Dawaldda Hoose ee Hargeysa. Xildhibaan kastaaba waxa uu keensaday dad badan. Taasi waxa ay sababtay in dawladda hoose ay bixin kari weydo mushaharkii dab-demiska. Si dhaqaale loogu abuuro, waxa dirqi (qasab) lagu diiwaan-geliyay gaadiidka tagaasida ah ee ka dhex goosha Hargeysa. Inta wadaha la qabto ayaa laga xereeyaa gaadhiga, kaddibna waxa baabuur kasta lagu dhuftaa shaambad gaar ah oo ay tagsi (taxi) ku qoran tahay. Looma samayn baro ay ka baxaan, iskaashato, maamul iyo la-xisaabtan. Berigaas ayay kala calfadeen wixii Alle u qoray. “Waar tagsi ma ihi. Waar waan ku shaqo-tagaa. Waar waan ku hoydaa” ayay lahaayeen qaar ka mid ah dadka gibirka laga qaadayaa. Maalmihii hore waxa ay gaadiidka damdemisku istaagi jireen barxadda hore ee DHH, waxaanay handadaad ku hayn jireen gaadiidka waddada maraya. Haddii aad daqiiqad istaagto, waxa ay odhan jireen “waaryaa dhaqaaq”. Mar dambe ayaa loo dhisay xarun dhexe oo dhulkeeda laga qaaday dad shacab ah, ugu dambaynna waxa lagu fidiyay waaxyaha Hargeysa. Laakiin marar badan ayaan is-weydiiyaa: dab-demisku ma ciidan baa mise waa shacab? Maxaan muranka ku keenay? Miyaad aragtay ciidan dawladed oo qof shacab ahi xil ka hayo?. Qaar ka mid ah askarta ayaan ku idhaahdaa “Ka warran ciidankii dab-demiska?”. Waxa ay yidhaahdaan “Ciidan ma nihin”. “Sawdinka leh derejada iyo kala-sarraynta, maxaa rayid idinka dhigay?” ayaan yidhaahdaa. Waxa ay ku warceliyaan “Miyaad aragtay ciidan uu qof shacab ahi maamulo?. Taliska Guud ee ciidanka asluubta Hargeysa waxa ka awood badan nin agaasime ah oo la yidhaahdo Mustafe, isaga ayaa erya qofka uu doono, ka uu doono qora, isaga ayaa maaliyadda maamula, isaga ayaa awoodda ku tagri-fala”. Waxa ay ii sheegeen in uu ka mid yahay saamileyda shirkadaha qashinka ka qaada Hargeysa. Miyaad maqasheen: Agaasimaha Ciidanka Qaranka Agaasimaha booliska Agaasimaha Socdaalka Agaasimaha Sirdoonka Agaasimaha asluubta Agaasimaha ciidanka ilaalada xeebaha Dee maya, dee ma haynno, dee lama maqal agaasime rayid ah oo ciidan xukuma. Xaajadaasi mid innagu ugub ayay ahayd, waxa ay curad ku tahay ciidanka dabdemiska. Mar haddii dab-demisku noqday ciidan madax bannaan, miyaanay ahayn in dawladda hoose shaqo kale u dirato agaasimihii ay dabdemiska u magacawday markii ay socod-baradka ahaayeen? Markii ay dawladda hoose ee Hargeysa bixin kari weyday mushaharka boqollaalka qof ee loo qortay dab-demiska, waxa ay qaylo-dhaan u dirtay xukuumadda dhexe. Waxa hadda bixinta mushaharka iska kaashada dawladda hoose iyo wasaaradda arrimaha gudaha. Badh dawladda hoose ayaa siisa, badhna wasaaradda arrimaha gudaha, badhna labadaba way ka qaataan. Laba qof oo isku xil, shaqo iyo derejo ah ayaa midna dhawr milyan qaataa, midna milyan qudha. Ma jiro hannaan sugan oo mushaharka lagu sargooyay, hadba kii hela saxeex weyn ayaa sed-bursada, ka kalena wuxuu la silcaa googgo’a yar ee garab la’aantu ay badday. Mararka qaarkood ayaa si gurracan looga faaiidaystaa awoodaha ciidanka dabdemiska. Tusaale ahaan, nin ka mid ah ciidanka dabdemiska ayaa yidhi “Maalin ayaa nalagu amray in aanu Bariga Hargeysa u baxno. Gaadhigii ayaannu dhaqaajinnay, marka aanu maraynno waddada u baxda xaafadda Buurta ee New Hargeysa ayaannu Woqooyi u leexanno. Waxa nala faray in aanu lix foosto ku shubno guriga Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Warancadde”. Ninka biyaha loo shubayaa xil buu hayay, xoolo la’aani ma hayso, intii shacabka lagu badbaadin lahaa ayuu baradiisa geysanayaa. Haa, saw maaha wasiirka ay hoos tagaan dawladaha hoose iyo badhasaabyadu, miyaa la diidi karaa? Musuqa noocaas ah maxaad u bixin lahayd magac ahaan?. Tibaaxo kale ayaa ii sheegay in booyadaha dabdemisku ay ka dhaamiyaan guryaha qaar ka mid ah madaxda ugu sarraysa dawladda hoose, haddii taas wasiirkuba run tahay, maxaan u beenaysan tan kalena? Ka dhaariya inaanay jirin. Maadaama oo ay ciidanka dab-demisku u socdaan hawlo gurmad ah, waxa ay yeedhiyaan hoonka marka ay jidadka cidhiidhiga ah marayaan, sannaadh iyo guux ayay isku daraan. Waxa ay handadaan baabuurta is daba haysata faras-magaalaha cidhiidhyoon. Waana loo banneeyaa waddooyinka. Dadka waxa la liqsiiyay inaanay magdhaw ka helaynnin khasaaraha ka soo gaadha hirdida moodharrada dab-demisku. Waxa se yaab inay dhaqankan caadaysteen. Iyaga oo aan hawlgal ku socon ayay dadka ku hadimeeyaan dhakhsaha iyo dhawaaqa ay qiilka u haystaan. Nin wade ka ahaa baabuurta dabdemiska ayaa qof ku jiidhay Hargeysa kal hore, waxa yaab ahayd in aanu wax hawlgal ah u socon ama ka iman. Gaadiidkii badbaadada shacabka ayaa noqonaya bir qudh-jarta aadame aan waxba galabsan. Marar badanna gaabiskooda ayaa sababa in ay gaadhaan goobtii lagu socday oo shuf-beeshay. Meeday wershaddii furaashyada ee Khayraad? Saw ma shuf-beelin.. Hadba booyad ayaa tegaysay barada holcaysa, kaddibna way madhataa iyaga oo dabki fidayo. Inta kolba booyad silic ah la dirayo ayaa ee ay dib u noqonayso ayay galbatay wershaddaasi. Dad badan ayaa ku gadooda dab-demiska marka ay gaadhaan xilli dambe oo ay guryahoodi shuf beeleen. Waa sababta ay shacabku dhulka ugu taabtaan ee dhagaxa loogu shiido, walaw ay gef tahay in shacabku gacanta u qaadaan ciidanka, waxa xilliyada qaarkood waxyeello qoon ah la gaadhsiiyay askar ka tirsan ciidanka dab-demiska. Si waxyeelladaas looga baaqdo, waxa gawaadhida dabdemiska lagu wildhamiyaa garaaid ka sarreeya muraayadda hore iyo kuwa dhinacyada. Waa inoo berri iyo qormo kale oo dab-demiska ah insha Allah. La soco….. W/Q Siciid Maxamuud Gahayr Source
-
(SLT-Hargeysa)-Akadamiyada Nabada iyo Horumarinta Somaliland ayaa kulan dood ah oo lagaga hadayey Arinta Saami qaybsiga Doorashada Golaha Wakiilada ee soo socota waxa ay ku qabatay magaalada Hargeysa. Kulankan oo ay ka soo qaybgaleen Aqoonyahan, Siyaasiyiin, Xildhibaano, Dhalinyaro Asxaab iyo Ururada Bushada Somaliland ayaa waxa lagaga dooday qaabka loo gali karo doorashada golaha wakiilada, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Doon u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lasoo sheegayaa inay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya. Doontaan oo ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo rarteen Dekad ku taalka Wadanka Cummaan ayaa la sheegay inay Shalay ku dagtay Xeebaha Badweynta Hindiya. Doontaan ayaa la sheegay inay usoo socotay Dekadda weyn ee ku taal Magaalada Boosaaso ee Puntland. Doontaan oo laga leeyahay dalka Hindiya ayaa lagu sheegay magaceeda Cabdikariin, waxaana saarnaa illaa 10 qof oo shaqaale ka ahaa Doonta. Dhammaan shaqaalihii saarnaa Doonta ayaa lasoo badbaadiyey, waxaana lagu guurdareystay in la badbaadiyo hantidii saarneyd doonto oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed. Doontaan ayaa waxaa saarnaa 950 Kun oo Tan oo isugu jiray Raashin iyo Bagaash, mana ahan markii ugu horeysay oo ay dagto Doon usoo socotay Boosaaso waxayna aheyd Bishii Agoosto markii laba doon oo kasoo baxay Imaaraadka Carabta ay dageen kuwaas oo kusoo wajahnaa Magaalada Boosaaso. Halkaan hoose ka dhageyso wakiilkii Doontaas oo la hadlay VOA https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/affde8eb-727a-4672-9561-5921ae247aea_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku jahwareersan siyaasadda dalka iyo gulufka siyaasadeed ee ku socda xowliga, kaas oo ku aadan Olalaha doorashooyinka Soomaaliya ee dhamaadka sanadka 2020. Waxaa muuqata in bulshada Soomaaliyeed ay u kala safteen mucaarad iyo muxaafad waana labada dhinac ee horseedka u ah amni darrada, dhaqaalo la’aanta iyo daganaansho la’aanta siyaasadeed ee dalka oo horseeday in qal qal uu galo madaxbanaanida dalka. Dadka u kala saftay dhinacyada is haaya ayaa u qaybsan 3 qaybood oo kala. 1) – Qaar dano dhaqaale u taageersan hoggaanka dowladda Soomaaliya waxaana kuwaan lagu tilmaamaa in aysan dan ka laheyn daganaanta Soomaaliya balse ay xaalad walba ku qiimeeyaan waxa soo galaya ama kursiga ay ku fadhiyaan. 2) – Kooxda labaad ayaa hoggaanka dowladda ku taageera qabiil iyo is gabaleysi ama heyb gaar ah balse kuma taageeraan danta guud. 3) Iyo koox kale oo yar oo aan fahamsaneen waxa la isku haayo faa’iidada iyo khasaarah dalka iyo dadka ka soo gaari karta, kuwaas oo lagu tilmaama haye raac oo hubsiino laheyn. Mucaaradka ayaa sidoo kale dadka taageersan lagu micneeyay 3-da qodob ee kor ku soo xusnay waxaase aad u yar in la helo bulsho dhax dhaxaad ah hadii la helana ma ahan kuwa ka soo muuqda Warbaahinta iyo Baraha Bulshada. Muxuu cadeynayaa dastuurka dalka? Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa qeexaya xuquuqda uu leeyahay qof kasta oo Soomaali ah, waxa uu sidoo kale cadeynayaa awoodaha masuuliyiinta dowladda, maamul gobaleedyada iyo xoogaga mucaaradka ee dalka ka jira mana sheegayo dastuurka in qof lagu taageero qalad uu dalka ka galay iyo uu dowlada ku daminayo. Su’aasha aqoonyahaanka iyo xaldoonka Soomaaliyeed ay is weydiinayaan ayaa ah bulshada Soomaaliyeed maxaa u diiday in ay ilaashaadaan dastuurka u yaalo dalka, kaas oo jiheynayaa shacabka iyo siyaasadda dalka si looga gudbo marxaladda adag uu ku jiro dalkaan ka soo kabanaya colaadihii Sokeeyay 30-ka sano soo jiray. Muwaadin, adigoon taageerin Farmaajo, Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo madaxda maamul gobaleedyada ama siyaasiinta kale ee dalka, ma taageeri kartaa dastuurka oo kuu jiheyn kara in aad ka baxdo amni darrada, shaqa la’aanta, siyaasad xumid dalka ka jirta iyo dhamaan caqabadaha kale si aad u hesho nolal wanaagsan ? Dhamaan xubnaha beesha caalamka, siyaasiinta samadoonka ah iyo shacabka Soomaaliyeed waxay qireen oo ay cadeeyeen in dhinacyada is haayaa dhamaantood uusan jirin mid ku taagan waddo sax ah oo ku cad dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaalo balse ay isku hayaan dano siyaasadeed oo gaar ah. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen)ayaa Xarunta Aqalka Madaxtooyada ee Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu Hogaaminayey Madaxa Ururka Caalamiga ee Socdaalka. IOM. Kulankaasi oo ay goobjgayaal ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Maalgashiga Hormarinta Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Axmed Madoowe Nuunow Maxamed iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Cabduqadir Maxamed Baafo waxa Diirada Lagu Sarayey Sidi IOM u kordhin lahayd Shaqada ay ka wado Gobolada Koonfur Galbeed, Waxaana aad loo falan qeeyey Sida ugu Haboon ee Wax loogu qaban Lahaa Arimaha Barakacayaasha Cafimaadka iyo Dardar Gelinta Mashariicda Dib u dhiska Magaaloyinka . Madaxda Kasocotay Hay.adda IOM ayaa Balan qaaday inay Sii Kordhin Doonan Adeegyada Shaqo ee ay ka wadaan Koonfur Galbeed Waxayna Sheegen in Dadka Barakacayaasha ah ee Soo Wajahay Dhaxanta iyo Roobabka Deerta ah ee Ka unkaday Guud ahaan Dalka ay Kaalmo Deg deg ah ay lasoo Gaari Doonan Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay.adda IOM Waxana uu bogaadiyey Shaqada baaxada leh ee ay kawadan Gobolada Koonfur Galbeed WaMadaxweynuhu waxa uu soo jeediyay in ururka uu istaago sidii ay Wax uga qaban lahayeen Arimaha Bini adanimada gaar ahaan tayenta Xarumaha Cafimadka Barakacayasha iyo Kordhinta Mashariicda Dib u dhiska. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wefdi ka socda hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar hadda naga soo gaaraya degmada Laasgeel ee gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay in deegaanka Dhubato ee gobolkaasi lagu toogtay qof shacab ah. Sida Caasimada Online, loo xaqiijiyey Qofka shacabka ah ayaa waxa toogtay Darawalka Wasiirka waxbarashada iyo sayniska Somaliland, oo safar shaqo ku joogay deegaankaasi. Toogashada ayaa timid kadib markii ay muddo murmeen Darawalka iyo Ninka shacabka ah ee la toogtay, kaasi oo ugu dambeyntii sababtay in Darawalka wasiirku uu rasaas nool u adeegsado ninka shacabka ah. Wararka aanu helayno ayaa waxay intaas ku sii darayaan in Isbitaalka loola cararay Ninka la toogtay oo uu dhaawac ka soo gaadhay rasaastaasi, taasi oo xaaladiisa caafimaad hadda lagu dabiibayo. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay toogashadan iyo waxa ka dhaxeeyay labada Nin, balse waxa loo maleynayaa in murankaasi iyo is af-dhaafkaasi sababay toogashada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad xoggan oo maanta dhacay deegaan ka tirsan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid u dhexeeyay ciidamada dowladda, kuwa Abuu Mansuur oo isku dhinac ah iyo dagaalyahannada Al- Shabaab. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkan iyadoo uu socday muddo ka badan saacad. Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab. Xaaladda ayaa hadda mid kacsan, iyadoona labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi View the full article
-
Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle, Cismaan Barre Maxamed ayaa ku amray xildhibaanada maamulkaasi inay dib ugu soo laabtaan magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka HirShabelle kadib markii uu dhamaaday fasaxii ay ku jireen. Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka HirShabelle ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu furmi doono kulanka Baarlamaanka HirShabelle, isagoona sheegay in dib loo amba qaadayo howlaha Baarlamaanka maamulka HirShabelle. Baarlamaanka HirShabelle oo lagu waday inuu furmo bishii aynu ka soo gudubnay ayaa dib u dhacyo xoog leh kala kulmay xildhibaanada oo ka maqan Caasimadda. Guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa fariin uu u direy xildhibaanada ugu sheegay inaysan qaadan doonin gunadooda haddii aysan soo gelin magaalada Jowhar. Sidoo kale guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle ayaa waxaa uu shacabka Jowhar ka dalbaday in ay la shaqeeyaan ciidamada Amniga si loo sugo Amniga degmadaasi. View the full article
-
Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saaka howlgallo qorsheysan ka fuliyey agagaarka magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Howlgalkan ayaa la sheegay in ciidamadu ay ku gaareen ill saddex tuulo oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Sidoo kale ciidamada ayaa soo furtay hub iyo xoolo la sheegay in Al-Shabaab ay ka qaateen dadka shacabka ah. Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda ay dib u soo laabteen marka ay fuliyeen weerarkaasi . Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi. Muddooyinkii dambe ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
-
Bali (Caasimada Online) – Wasiirka Howlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo booqasha rasmi ah ku tagay dalka Indonesia, wuxuuna la kulmay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi. Wasiirka oo ka qeyb galay shirka Indonesia-Africa Insfrastructure Dialogue 2019 ee ka dhacay magaalada Bali ayaa wuxuu ku guuleystay in mas’uuliyiinta dalkaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha Enggartiasto Lukita in ay Soomaaliya ka taageeraan dhibka ka heysta maalgashadayaasha iyo ganacsatada Soomaaliyeed dhanka is dhaafsiga ganacsiga gaar ahaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo bankiyada. Indonesia waxay ballanqaaday in iskaashi dhaqanka ganacsiga iyo horumarinta ay la yeelato Soomaaliya ayadoo loo fududeynayo ganacsatada Soomaaliyeed howlahooda. Wafdiga wasiir Hoosow ee ka socday Soomaaliya waxay ka mid yihiin afar wasiir oo ka socday Africa oo ka qeyb galay shirka: Wasiirka Ganacsiga iyo maalgashiga ee Tanzania Amina Saloum, Wasiirka Ganacsiga Jabuuti Xasan Xaamud, iyo ku xigeenka Raisul Wasaaraha sidoo kalena ah wasiirka arrimaha geeska afrika ee ee Uganda A. M Kirunda Kivejinja. Indonesia waa dal muhiim u ah Soomaaliya iyo Afrikaba ayadoo ganacsigeeda ay la leedahay Soomaaliya kor u dhaafaysa malaayin gaar ahaan qalabka dhismaha, bagaashka iyo dharka.
-
Wararka naga soo gaaraya Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegeen deegaano ku yaalla gobolkaasi. Ciidamada dowladda ayaa la sheegayaa inay dib uga soo baxeen deegaanada Ceelka Geelow iyo Raaxoy oo dhaca inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay in saldhigyada ay baneeyeen ciidamada dowladda ay durbo la wareeegn Xooggaga Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Wararka laga helayo gudaha Canada ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay wiil Soomaali ah lagu dilay gudaha dalkaasi. Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Farhan Jamac,sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ehelladiisa oo la hadlay warbaahinta Canada. Rag hubeysan ayaa la sheegay in wiilkaasi dhalinyarada ah ay ku toogteen gudaha magaalada Toronto ee oo si weyn looga yaqaanay marxuumka. Lama oga illaa iyo hadda sababta ka dambeysa dilkaasi, iyadoona la sheegay in goobta ay isaga dhaqaaqaeen raggii geystay dilkaasi. Ciidamada ammaanka Canada ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi. Ma’ahan markii ugu horreysay oo Canada lagu dilo qof asalkiisu Soomaali yahay, waxaana marar badan dalkaasi dilal loo geystay Soomaali ku noolaa halkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-15102019.mp3 View the full article
-
Waxaan la wada moogeyn khilaafka weyn ee dhex-yaalla madaxda sare ee xukuumadda Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland. Waxaa kale oo la wada og-yahay is-fahan-darrada dhex-taalla madaxda dowladda federaalka iyo in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka, gaar ahaan inta ka qayb-qaadatay caleema saarka Axmed Madoobe ee 12-kii bishan ka dhacday Kismaayo. Markii aad dhageysato doodda mas’uuliyiinta xukuumadda ama taageerayaashooda iyo inta ay siyaasadda isku hayaan, ha joogaan, Muqdisho, Puntland ama Kismaayo, waxaa si weyn u muuqanaya, kala aragti-duwanaan baahsan, kala aamin-bax qoto-dheer iyo kala shaki weyn. Tanoo kale ma arag Is-collaysiga dhex taalla siyaasiyiinta Soomaaliyeed shacabkiina ku faaftay, waxa ay marar badan iila ekaataa, cadaawadda siyaasadeed ee dhex taalla, siyaasiyiinta Maraykanka gaar ahaan Donald Trump iyo siyaasiyiinta Xisbiga dimuqraadiga sida Ilhaan Cumar ama Trump iyo saxaafadda xorta ah, sida CNN ama Washington Post ama New York Times. Anigu siyaasadda Soomaaliya ku dhawaad labaatan sano ayaan marna ku jirey marna ka ag-dhawaa, tanoo kalana ma arag. Dhinacyada is hayana, mid kasta si weyn ayay gar iskula leeyihiin, ayna u dareemayaan in koox dulmi wadda, gar-maqaatayaal-na ah ay is-hayaan, oo lagu saladay. Dhanka kale, waxaa labadaan garab oo siyaasadda isku-haya ku maqan ama colaad kala hor-jeeda, Al Shabaab iyo Daacish oo midna dalka toban sano ka badan ku xidideysatey, midna ay hadda doonayso in ay barroosinka aasato. Dhanka kale, adduunka qudhiisu soddon sano ku dhawaad ayuu Soomaalida ku labnaa ama ku larnaa, iyaga oo amni-sugidda iyo dowlad dhisidda ama amni khalkhal-gelinta iyo dowlad duminta qayb-weyn ka ahaa (sida qaar ka mid ah dalalka Afrikaan-ka iyo kuwa Carabta), dhanka kalana, in badan quwadaha dibadda (sida reer Galbeedka iyo Qaramada Midoobey) ay ahaayeen naakhuudayaal Soomaalida la saamayn ah, haddaysan-ba ka saamayn badnayn. Taas oo maxsuulkii ka soo baxay uu yahay, in soddon sano kaddib weli Soomaaliya ay nugushahay, qaybsan tahay, dowladda u dhisanna ay ku tiirsan tahay ku dhawaad 30 kun oo ciidamo ajnabi ah. Soomaaliya waxay maraysaa meel siyaasiyiintii shalay ahaa ul-iyo diir, ay maanta aad isku cadaaweysanayaan, shacabkiina uu aad u kala ir-dhaysan yahay, lana kala safan yahay siyaasiyiintaas sida weyn isku qoonsatay. Dhaqankaas is-colaysiga ah, dan uguma jirto dalka, siyaasiyiinta is-haya iyo shacabka toona, sii socoshada cadaawada siyaasadeed-na, waxa kaliya ee la hubo in uu keenayo waa, dib-u-dhac guud oo dalka, isku riiqan iyo isku-ceeboow laga baaqsan karey, maslaxana aan dhalayn. Xalka waa wada-oggol Sidaas darteed, aniga oo ka faa’iideysanaya khibradda xog-ogaalnimada aan u leeyahay siyaasadda Soomaaliya oo ilaa shirkii Carta aan caloosha u dhex-fadhiyey, waxaan ku talin lahaa: in qof kasta – ama madax sare oo siyaasi ah ha noqdo ama shacab ha noqdo ama saamayn kale ha lahaado, sida bulshada rayadka ah ama saxaafadda – in lagu dadaalo, in la fahmo in wada-oggol iyo isku-tanaasul ay ka wanaagsan yihiin is-collaysi iyo is-muquunin. Weliba, maaddaama ay Soomaaliya tahay dal ka soo kabanaya bur-bur, iska daa in siyaasiyiinta iyo shacabku ay kala ir-dhoobaane, waa waajib in la ogaado in dalku u baahan yahay in la isku diyaariyo sidii Al Shabaab iyo Daacish wada-hadal loola furi lahaa, maxaa yeelay kooxahaas oo hadda dadka dilaya, isna qarxinaya ayaan dagaal iyo muquunin looga adkaan karin, laguna khasbanaan doonaa in lala fariisto, tanasulna loo sameeyo. Sidaa darteed, waxaa is-weydiin leh, sidee ku dhici kartaa in aqoon-yahanno shalay saaxiibbo ahaa, kana yimid ama arkay adduun wada-oggol iyo is-wadasho ku socda, in ay colaad isugu fara-baxsadaan? Sideese ku dhici kartaa shacab soddon sano oo dowlad la’aan iyo colaad ay ragaadiyeen, ay kooxaysi iyo is-collaysi dhex-boodaan, runna moodaan. Halagu mintido in heshiis laga gaaro hannaan doorasho Hadda iyo dan, kol haddii xiligan ay dowladdii iyo mucaarad aruursan ay jiraan, isna hor-fadhiyaan, waxaa habboon in la is-weydiiyo, sidee horay loogu dhaqaaqi karaa? Sidee khilaafka cirka isku-shareeray, fursad horusocod looga dhex abuuri karaa ama looga dhex-baar-baari karaa? Aniga waxaa ii muuqata, in hadda xoogga la saaro in hal arrin laga wada-tashado, lagana gaaro go’aan ah wada-ogol ah iyo isku-tanasul. Qodobkaasina waa in laga heshiiyo, kaddibna laga wada hawl-galo, sidii doorashada loo muddaysan yahay in ay dhacdo 2020/21 heshiis guud looga gaari lahaa. Waxaan arkaa, haddii laga heshiiyo qodobkaas oo hadda taagan, in waxa xigaya ay yihiin in la ansixiyo xeerka doorashooyinka, in ol-ole doorasho loo dareero iyo in la gaaro in muwaadinka Soomaaliyeed uu taliyo, oo uu doorto, cidda talada dalka qabanaysa. In hannaan doorasho lagu heshiiyo ma aha arrin adag, Machadka Heritage oo aan ka tirsanahay, afar hannaan oo mid kasta la qaadan karo ayuu soo bandhigay. Weliba aniga fikir ahaan, waxaan arkaa in lagu heshiin karo, hannaan boqolkiiba sideetan (80%) waafaqsan sida dowladda iyo guddiga doorashooyinku ay wax u rabaan (aniga malahayga), kaas oo ah hannaanka loo yaqaan Matalaadda Isku-dheelli-tiran ee Liiska Xiran, (Proportional Representation, Closed List system,). Si ay maamul goboleedyadu u aqbalaan hannaankan, waxaan aan soo jeedinayaa – maaddaama dalku faderaal yahay – in meeshii dalka oo dhan laga dhigi lahaa hal deegaan doorasho [sida dowladda iyo gudiga doorashadu ay u eg tahay in ay u xaglinayaan] in la sameeyo shan deegaan doorasho oo ah shanta maamul-goboleed, iyaga oo dadka Muqdisho ku nool-na ay u codayn karaan kuraasta u astaysan Soomaaliland (oo qiyaas ahaan ah, ku dhawaad 40 kursi, Aqal Hoose iyo Aqal Sare). Hannaankan doorasho, waxa uu noqon karaa mid wada-ogol ah iyo xal la isla qaadan karo, waayo, waa hannaan doorasho oo sidiisana u wanaagsan dalalka nugul, aqbalsanna federaalaynta, mar haddii maamul-goboleed kasta kuraastiisa si gaar ah xisbiyadu ay ugu tartamaan. Lix deegaan-doorasho ayaa ka hobboon hal deegaan-doorasho Haddii la qaadan lahaa habka xukuumaddu riixayso – ee ah in dalka oo dhan loo aqoon-sado hal-deegaan doorasho-isla markaana xisbiyadu ay liis xiran ku soo gudbiyaan 275 tartame-xildhibaan oo aqalka hoose ah iyo 54 tarmate ee aqalka sare ah, markaas waxa ay noqonaysaa, akhristow haddii aad adigu xisbi madax ka tahay in xisbigaagu soo qoro 275 siyaasi oo Soomaali oo dhan ah oo u taxan min kow ilaa 275. Tusaale ahaan haddii xisbigaagu uu helo boqolkiiba konton (50%) codka dadweynaha codeeyey, markaas xisbigaagu, xildhibaanada baarlamaanka wuxuu ka helayaa 50% ama qiyaastii 137 xildhibaan, (waana taas midda loo yiri matalaadda isku dheeli tiran, oo tirada cadodka dadweyne oo xisbi kastaa uu helo ayaa kuraas loogu baddalayaa). Waxaase hubaal ah in siyaasi kasta oo damac dhab ah leh, in aanu aq-bali doonin in uu liiska xiran ee xisbigaaga uu ka noqdo numbarka 275, ama 200-aad ama 100-aad ama 70-aad, waayo, wuu og yahay ama ay og-tahay, in ay adagtay in xisbina uu helo cod dad-weyne oo dhali kara, 200 xildhibaan, ama 100 xildhibaan ama 80 xildhibaan ama xitaa 70 xildhibaan. Xisbiyada iyo shacakaba waxaa u fiican deegaan doorashooyin badan Waa hubaal in siyaasigii doonaya in uu xisbi murashax ama tartame u noqdo, in uu dalbanayo in liiska meesha ugu horaysa looga qoro, oo uu ka mid noqdo 20-ka murashax ee ugu horreeya liiska xiran ee xisbigaas, dabcan, si uu u soo boxo. Haddii xisbiyo doorashada lagu galo, maaddaama ay u badan tahay ugu yaraan in ay tartami doonaan 10 ilaa 20 xisbi, midkiina uu heli karo tira kooban oo kuraas ah (waayo tirada guud ayaaba ah 275 kursi oo Aqalka Hoose ah iyo 54 Aqalka Sare ah), waa ay caddahay in xisbi kasta ay suurta gal tahay in ay u soo baxaan 20ka murashax ee ugu horreeya liiskooda haddaysan qaarkood wax ka yar oo kuraas ah helin. Waana la qiyaasi karaa, dadka ku qoran nambarka 80-aad, ama 100-aad ama 275-naad in aanay lahayn rajo doorasho dhab ah. Sidaas ayaana u arkaa in dalka aan hal deegaan doorasho laga dhigin ee la sameeyo lix deegaan doorasho (shanta maamul-goboleed iyo Muqdisho), oo markaas xisbi kasta oo liis xiran uu la tago gobol kasta, laguna tartamo tirada xildhibaanada hadda maamul-goboleedkaas ugu jira baarlamaanka. Haddii akhristow, tusaale ahaan, xisbiga aad adigu madaxda ka tahay uu Koofur-galbeed ka tartamayo (iyo gobol kasta oo kale), waxaa uu reer Koofur-galbeed u geynayaa liis xiran oo ay ku qoran yihiin tirada hadda Koofur-galbeed baarlamaanka ugu jirta (oo ah 69 xildhibaan), xisbiyada kalana liiskooda oo 69 murashax ku qoran yihiin, ayay iyana u ol-olaynayaan, sidaas si la mid ah ayaana 37-ka kursi ee Puntland taalla, 37 Hirshabeelle, 39-ka Jubaland, iyo 36-da Galmudug ay xisbiyadu ugu tartamayaan. Haddii gobol kasta kuraastiisa si toos ah loogu tartamo, siyaasiyiin badan ayaa aqbalaya (ama iimaan-sanaya) in liiska 39-ka ah (Jubaland) ama 37-da ah (Hirshabeelle) ay aqbalaan in ay nambarka 25-aad ama 30-aad loogu qoro, balse aan aqbaleen in ay liis 275 ah, ka noqdaan murashaxa 80-aad ama 60-aad. Shacabka qudhooda, intii la oran lahaa, 275 xildhibaan oo aanay badankooda aqoon u codeeya, waxaa u wanaagsan in ay kala xushaan liis 40 ama 60 tartame ama murashax-xildhibaan, kuwaas oo noqon kara dad ay yaqaanaan ama aqoonsan karaan. Haddii dowladda, maamul-goboleedyada iyo mucaaradku ay ku heshiiyaan hannaankan mid ka duwan anigu raali ayaan ka ahay, ha noqdo mid ka mid ah afarta hannaan oo Machadka Heritage uu sida faah-faahsan u sharxay ama ha noqdo, hannaan kale oo cusub. Waxaase lagama maarmaan ah in bisha Nofeember inta aysan dhammaan la helo hannaan doorasho oo wada-ogol ku yimid iyo in siyaasiyiintu ay fahmaan in dalkaani horay u socon karo oo kaliya haddii siyaasiyiintu ay aqbalaan in ay ku wada shaqeeyaan isku-tanasul. Waxaa qoray: Cabdirashiid Khaliif Xaashi Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa) Guddoomiyaha Gollaha Wakiilada Somaliland Beeshe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi Gollaha Wakiilada u soo gudbiyey liiska Magac-yadda todobadii xubnood ee Guddida cusub ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland,kuwaas oo uu sheegay in uu golluhu waajibkiisa ka gudan doono Dhanka Kalene Guddoomiye Beesha ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga WADDANI uu hakiyey Xubintiisii u meteli lahayd Komishanka cusub ee doorashooyinka,waxaanu sheegay inay war-qad uu WADDANI ku hakinayaan xubintiisa ay golllaha soo gaadhay, iyadoo uu xisbiga WADDAN ka biyo diiday laba xubnood oo uu Madaxweynuhu soo xulay, kuwaas oo kale ah Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo Kaltuun oo kamid ahayd Komishankan hadda wakhtigiisii sii dhammaanayo oo lagu tuhun sanaan inay qayb ka ahayd inqilaabkii doorashadda loo eekaysiiyey ee dalka ka dhacay 2017-kii a.. Source
