Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,071
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020. Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta. Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka. View the full article
  2. Senotor Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah xubnaha Puntland ku matala Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaliya ayaa ka horyimid go’aankii ay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ka furteen gudaha Puntland. Mashruuc ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurk dalka iyo dhammaan shuruucda u taalla dalka. Sidoo kale wuxuu xusay in Puntland aysan is hortaagin karin xubnaha ku matala Puntland, haddii ay xafiisyo ka furanayaan deegaan doorashooda. Senatorka ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliy ay ku leeyihiin maamulkaasi. View the full article
  3. Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka dagaal xoogan uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Awdheegle ee gobolkaasi. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidamada dowladda ee degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaal foolka fool ah oo muddo socday uu ka dhacay halkaasi, kaas oo dhex maray ciidanka Milatariga iyo raggi weerarka soo qaaday. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Dhinaca kale Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkaasi ayaa sheegtay in dagaalyannadooda weerar dhowr jiho ah ay ka fulyeen degmada Awdheegle , islamarkanaa ay khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo saraakiisha dowladdu ay ka soo saareen dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay intanba. Xaaladd ayaa hadda degan, waxaana goobiihi lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatriga Soomaaliya. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-20102019.mp3 View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Wafti baladhan oo ka socda midowga Yurub ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa. Wafigan ka socda Midawga Yurub ayaa madaxweye Biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah Cabdirxmaan Maxamed Cadbilaahi (Cirro) iyo Eng.Faysal Cali Waraabe kala hadli doona maanta khilaafka soo kala dhex galay ee la xidhiidha xubnaha loo soo xulay guddida doorashooyinka ee cusub. Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo madaxweyne Biixi u gubyay golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi uu soo xulay . Midawga Yurub ayaa bishii todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland. Source
  6. Dib u dhigista kiiska Badda marka laga eego dhinacyo kala duwan; DFS waxaa ugu jira fursado ay ka faa’iideysan karto, oo guul u horseedi kara in Soomaaliya ay ka gaarto kiiskaas. Hadii aan soo koobo waxaa ugu muhiimsan. 1) in dowladda Federaalka ah ay siiso Saammi-qeybsiga beesha degta Wajeer iyo deegaanno ka tirsan Jubooyinka, Gedo, Shabeelaha hoose iyo Bakool, taas oo loo arko hadii Dowladda Federaalka ku guuleysato in ay noqon karto mid aan lagu gorgortamin baddeenna oo dhulka ku dhararsan ay degto beeshaas, waana mid ay ku baraarugsanyihiin madaxda ugu sarreyso Kenya, maankoodana ka guuxeyso in ay jab ku tahay haddey sidaas sameyso dowladda Soomaalia. 2) Ma jiraan gole wacyi-galin ah oo arrimahaan bulshada Somaliyeed kala hadla, waana arrin sameynteeda leh, suurta galna ka dhigi karta in dowladda Kenya ay marin-habaabiso bulshada Soomaaliyeed, waxaana muddooyinkii dambe soo batay Khubaro iyo aqoonyahanno Kenyaan ah oo wacyi-gelin Media-yaha u marinaayay Bulshadooda, kuna dhiirrigelinaayay in ay difaacdaan baddooda. 3) Kaalinta warbaahinta ee Difaaca Badda. Warbaahinta ka howlgasha Soomaaliya waxay ku dhibban-yihiin in ay helaan khubaro cilmigan bartay oo aqoon durugsan u leh, si faah-faahsanna warbaahinta ula hadla, taasna waxey noqon kartaa fursad kale oo ay DFS ka sameyn karto halkaas si shacabka Soomaaliyeed loogu sheego in ay badda iyaga leeyihiin ayna tahay in ay difaacdaan. 4) Abaabulka Qareenadii ka soo qeyb-qaatay kiiskan, waa fursad dahabi ah oo mar kale ay Dowladu ku xoojin karto qareennadii difaacay Badda ee kiiska halkan soo gaarsiiyay , hadii ay dowladda isku keentana dad badan aaminsanyihiin in Soomaaliya guul gaari karto. 5) Kabaaraan dagidda in saameyn uusan ku yeelan Ololaha Doorashadda Somaliya, inkastoo maxkamadda ay go’aamisay in kiiskan la qaado June-2020, hadana waxaa la rumeysan yahay in waqtigaas ay tahay Xilliga ololaha, waa Fursad kale oo DFS ay ugu Faa’iideysan karto in ay sameyso qorshe cad oo suurta galinaya in saameyn iaku yeelan ololaha doorashada iyo kiiska Badda, waana arrinta dowladda Kenya ay u aragto in fursad dahabi ah ay u tahay, isla markaana suuratagalin karta in DFS ay ogolaato wada-hadal ku aadan kiiskaas. 6) Wadajirta DFS iyo Maamul Gobaleedyada, muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay DFS in beesha caalamka iyo kenyaba ay arkaan Soomaaliya oo wada socoto, hal mooqifna leh, waxaana lagu gaari karaa in dowladdu ay isku keento una muujiso xushmad iyo dulqaad maamul goboleedyada, ayadoo ka billaabeyso Jubbaland oo lagu xanto in ay Kenya garab siiso. 7) in ciidamada Kenya lagu badalo ciidamo Jabuutiyaan ah, waa mid isku soo jiidi karto dowladda Farmaajo iyo shacabkeeda, waxuuna noqon karaa go’aan ay si isku mid ah usoo dhoweeyaan ummadda Soomaaliyeed, Kenyana ku noqon karo caqabad kale oo rajo xumo u horseeda. W/Q:- Xasan Kaahiye
  7. Gudoomiyayaasha Gobolada Puntland ayaa isku raacay ineysan aqbalayn Xafiisyo Siyaasadeed oo Dalka laga furo iyagoon marka hore soo marin Nidaamka Fowliga ah iyo Xafiisyada ku [...] Source
  8. Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in wasiirrada xukuumadda federaalka ah ay xafiisyo ka furtaan gudaha Puntland. Maamulka Puntland ayaa howsha ay wasiirrada wadaan ku tilmaantay sharci darro mar haddii aaney ku iman doorasho qof iyo cod ah. Arrintan Puntland waxaa iska diiday xildhibaanno federaalka ah uu ku jiro Senator Maxamuud Mashruuc ayaa go’aankaas ku tilmaamay mid ka hor imaanaya Dastuurka, isla markaana aan la is hor-taagin xuquuqda mataaladda ee xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee ka soo jeeda deegaanada Puntland. Puntland’s move was rejected by lawmakers and senators from the upper house who says they do not agree with Puntland’s decision. the action ban by the Puntland state government is a violation of the Somali constitution and that differences opinion polls of 2020 cannot be used by Puntland as a barrier representation rights. Dhankiisa, Cabdiraxmaan Dhoore oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa isna sheegay in arrinka Puntland uu sharci darro yahay waxaa uuna ugu baaqay wasaaradda iney ka laabato go’aankeeda qaldan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo uu haatan ka dhexeeyo muran xoogan ayaa ku heshiiyey qodobo muhiim u ah labada shacab. Wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Ukur Yatani oo kulan ku yeeshay magaalada Washington ayaa isla gartay in muranka Badda uusan saameyn howlaha gargaarka iyo ganacsiga ee u dhexeeya labada dal. Sidoo kale waxa ay ku ballameen labada wasiir in ay ka wada shaqeyn doonaan in mar walba uu xiriirku hagaagsanaado, si uusan markale u dhicin khilaaf diblumaasiyadeed. Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kadib shirka miiska wareegsan ee Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IMF ayey wasiirada Maaliyadda Soomaaliya iyo Kenya shaaciyeen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo deris wanaaga iyo wada noolaanshaha. Tan iyo markii uu soo shaac baxay muranka Badda labada dal oo salka ku haya dhul Badeed dhan 150,000 oo KM ayaa waxaa sii xumaanayey xiriirka labada dhinac, kaas oo ka sii daray, markii ay dowladda Kenya qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya. Dacwadda Badda oo haatan ka furan ICJ ayaa dib loo dhageysan doonaa 8-12 June ee sanadka 2020-ka, iyadoo muddo laba jeer dib loo dhigay, kadib codsi ka yimid Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. A Labour councillor from the London Borough of Tower Hamlets, Amina Ali, has been shortlisted as a candidate for the Poplar & Limehouse seat in the next general election. If, successfully adopted as a candidate for this safe Labour seat, Cllr. Amina Ali, would become the first member of parliament from a Somali background. Born and raised in the East End of London, Cllr. Amina Ali began her career in politics as a researcher for the late Labour MP, Tony Banks. As a graduate of the London Metropolitan University, Cllr. Amina Ali, has always remained active in the local community in Tower Hamlets. She has worked with the Somali community association, as well as, the local Law Centre. A single mother of two, Cllr. Amina Ali, combines her duties as a parent and as a two term local councillor. She serves in the Tower Hamlets Borough cabinet, currently over seeing Brexit preparations. A stronger supporter of Somaliland, Cllr. Amina Ali, played a key role in a symbolic vote taken by the borough council to recognize, her ancestral home, as a sovereign state. Follow the link to view a video on why Cllr. Amina Ali is running for the Poplar & Limehouse seat. https://www.youtube.com/watch?v=s-aBh2zOBjo&feature=youtu.be Supports can also contact her campaign at; Campaign@aminaali.com Qarannews Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Mashruuc oo ka mid ah Senatorada Puntland ku matala Aqalka Sare ayaa ka horyimid go’aankii ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi ee ay ku mamnuucday xafiisyo ay wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ka furteen Puntland. Senator Mashuruux ayaa sheegay in go’aankaasi uu ka hor imaanayo Dastuurka,dalka, islamarkaana aan la hor istaagin xubnaha Puntland ugu jira dowladda dhexe ee Somalia. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee maamulkaasi inay ka fogaadaan wax kasta oo dhaawici kara Qaranimada Soomaaliya. Ugu dambeyn Senator-ku waxa uu carabka ku dhuftay inuu soo soo dhaweynayo fikradda ah in deegaan doorashada iyo xubinta ku matasha Baarlamaanka ay sameystaan xiriir joogta ah. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo Puntland ay amartay in la xiro xafiisyo ay wasiiro ay ka mid yihiin wasiirada Qorsheynta iyo shaqada Soomaaliya ay ka furteen maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Midowgii Soofiyeeti oo hoggaaminayey xoogaggii Waarsow ee siyaasaddii garabka bidix caalamkana u ahaa miisaan siyaasadda lagu cabbiro, marka la barbardhigayo quwaddii NATO ee iyana hoggaamineysey siyaasaddii garabka midig, ayaa mar qura shafka dhulka dhigay, waxaana fatahay god weyn oo in muddo ahba lagu qodayey irbad ili maqabatay ah. Webigaan karkaarka jebyey marka laga yimaado, burburka siyaasadeed ee uu sababay waxaa uu horseed u noqday in hal qolo aduunka ku amar ku taagaleyso, waana midda sababtay in guri kasta oo dunida ka mid ah dab ka holco, Soomaaliyana ay safka hore kaga jirto dalalka ka soo kaban la’. Eedda burburkaan siyaasadeed waxaa ku calaamadsan kuna taariikhoobay sunuud raqiis ahna ku iibsaday, Madaxweyne Mikhail Prokhorov Gorbachev. Waxaa kala tegay oo midba meesha uu doono u dhaqaaqay dadyow awalba cuqdi iyo ciriiri taariikh dheer leh kuwada joogay. Quwaddii Ruushku waa ciirtay. Waxaa hantidii dalka boobay rag Maafiyo ah oo aan waxba u meel dayeyn. Waxaa beddelay Mikhail Prokhorov Gorbachev, Boris Yeltsin oo aan kala garaneyn gabal dhacay iyo waa baryey. Dal weynahaan burburay, waxaa hal mar dhexdooda ka soo baxay nin dhalinyaro ah, sanado badan la tababarayey, afaf badan ku hadla, si fiicanna u fahamsan qolo welibaa farta ay qorto.Waa Vladimir Putin’e, wuxuuna isu soocay iskuna dubariday dad xul ah, khubaro ah, kaddibna isu keenay dal weynihii Rushka, intii sifo sharci ah kuwada joogi kartay. Wuxuu horseed ka noqday rab caleen lehna isugu keenay Ruushka maanta oo dhaqaale iyo farsamada casriga ahba hodanka ka ah. Soomaaliya weli nasiib uma yeelan horseed lagu hirto, waxaana isu baddelaya siyaasiyiin Good iyo Abees ka daran, waxayna u badan yihiin dhal shaydaan oo xumaani buuxisay, gumaystena dhalay meeshana dhigtay. Burburka Soomaaliya kala qoqobay, ayaa qola weliba nasiibkeeda horjoogtaa. Si guud marka loo eego, waxaa dalka Soomaaliya dul joogta daruurta ayaan darrada, waxaana isla dayeysan dadweynaha oo caalwaa ah iyo siyaasiga aan caqligiisa kaashan oo ku shaqeeynaya waxaa cadowga dadka Soomaaliyeed u yeeriyaan. Maamulka Puntland oo qayb ka ah Dawlad-Goboleedyada Fedaraalka Soomaaliya, ayaad mararka qaarkood la yaabaysaa sida wax u socdaan, waxaadna ku fakaraysaa, xaggee ka curyaansan tahay ?. Maxayse saanta u dhaqaajin la’dahay 21 sano ka dib? Ma hoggaankaa? Mise waa dadka?yaab!. Sagaal (9) bilood iyo Lix (6) cisho ayaa laga joogaa kolkii xilka Madaxtinimada Puntland uu la wareegay Mudane Saciid Cabdullaahi Deni. Marka si qota dheer looga hadlayo siyaasadda imaatinkiisu waxay ahayd: “muruqa laba suulle ninba si ku ah”. Hase ahaatee, in badan oo aan horay raali uga ahayn imaatinkiisa, ayaa hadda maqsuud ka noqotay siyaasadda deggan ee uu la yimid. Inskatoo aan la saadaalin karin siyaasiga Soomaaliga ah ee casrigan jooga, hadda Madaxweyne Deni waqtigii koobnaa ee uu joogay, waxa uu keenay siyaasad dabacsan oo furfuran iyo waxqabad keenay inta wax garanaysaa ay u riyaaqdo, waxaana muuqda saanqaad wanaagsan sida hadda wax ku socdaan, inkastoo ay jiraan jilaafooyin siyaasadeed oo aan macna sidaas u sii ridan lahayn, badankoodna hunguri doon salka ku hayaan. Maxaa qabsoomay? Maxaase qabyo ah? Khudbaddiisii Caleemasaarka ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay inuu dib-u-habayn iyo dib-u-dhis ku samayn doono ciidamada Puntland, waxaana hadda soo baxay racii ugu horreeyey ciidamada oo mid walba oo ka mid ah qoorta uu suran yahay Kaarkiisa Aqoonsiga, waana howl galeen sida uu ii sheegay sarkaal sare oo ka tirsan guddigii loo xilsaaray dib-u-dhiska ciidanka. Waxaa kale oo uu intaas ii raaciyey, in Saddex (3) xero oo ciidan hadda dib-u-dhisku ka socdo. Garsoorka Dib-u-dhiska Garsoorka ayaa ka socda magaalada Gaalkacayo, waxana shaqadii laga fariisiyey inta badan shaqaalihii hore ee Garsoorka Gobolka Mudug, waxaana hadda socota shaqo-qoris, ayadoo lagu saleynayo laguna xulayo qof kasta aqoontiisa iyo khibradda uu u leeyahay dhinaca garsoorka. Sidoo kale, waxaa la ii sheegay in Gobollada Puntland oo dhan dib-u-habayn dhinaca Garsoorka ah laga samayn doono. Waxaa is-bar-bar socondoona dhismaha Ciidanka iyo kala hufka Garsoorka, maadaama aysan kala maarmin. Diyaaradda Ethiopian Airline Muddada gaaban ee ay jirtay Xukuumadda Madaxwene Deni, waxaa si wanaagsan loogu diirsaday diyaaradda Ethiopian Airline oo hadda muddo 3 bilood ah isaga gooshaysa Puntland iyo caalamka intiisa kale. Tani waxay sahashay, dad badan oo muddo dalka ka maqnaa inay dib ugu soo laabtaan, waxayna keentay koboc dhaqaale, doorkii iyo adeeggii Wasaaradda Duulista Hawaduna kor ayuu kacay. Qabashadii Shirkii Maalgashiga ee Puntland Waxaa magaalada xarunta ah ee Garoowe lagu qabtay shir aad u ballaaran soona jiitay indhaha caalamka. Wuxuu ahaa shirkii abid ugu weynaa ee Maalgashi oo Soomaaliya lagu qabto tan iyo intii ay bur burtay dawladdii Milatariga ahayd ee keiligi-taliska ahayd. Waxaa hadda gobollada Puntland ku sugan ilaa 2 shirkadood oo ka jawaabaya dalabkii Maalgashiga, kuwaasoo dhowaan howl geli doona. Wasaaradda Maaliyadda Markii la soo dhisay xukuumada Madaxweyne Deni, waxaa aad looga qawaday Golaha Wasiiradda qaarkood. Waxaa dad badan aaminsanaayeen in inta badan, Wasiiradu ka tabar yar yihiin Wasaaradaha loo magacaabay; waxaana Wasaaradaha aad looga iimaan darrooday ka mid ahayd Wasaaradda Maaliyadda. Sida uu ii sheegay khabiir xagga xisaabaadka iyo dhaqaalaha, lana shaqeeya Wasaaradda Maaliyada Puntland, wasaaradda ayaa hadda hormood u ah Wasaaradaha kale, marka la eego habka shaqo ee ay la timid,waxaana arintaan sababay ayuu yiri in Wasaaraddu shaqaalaysay koox khibrad sare u leh xagga Maamulka, Maaraynta xisaabaabka iyo miisaaniyadda; waxaana si lama filaan ah u kordhay dhaqaalaha soo gala Wasaaradda Maaliyadda. Su’aashu waxa weeye shaqadan wanaagasan wasaaraddu ma sii wadi doontaa? Mise…? Waxaa dad badani qirayaan, in xilligan hadda aynu joogno, Wasaaradda Maaliyaddu tahay midda loogu ammaan badan yahay hogaankana u haysa wasaaradaha kale. Qunsuliyadda Dalka India Muddo kooban ka dib, markii la doortay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa soo gaaray Puntland xarunta Garoowe, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India, waxaana safiirka iyo maamulka Puntland isku afgarteen in Qunsuliyad laga furo magaalada Garoowe. Waxaa tani fududaysay safaradii ganacsatada iyo dadwenahii caafimaadka ugu dhoofi jirey India iyo dalalka bariga fog iyo weliba ardaydii jaamacadaha u aadi jirtey, waxana laga nastay fiisayaashii loo raadsan jiray dalalka Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo meelo kale. Safarkii Imaaraadka Carabta Bishii la soo dhaafay ayey ahayd kolkii Madaxweyne Deni safar shaqo ku tegay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta. Markii uu soo laabtayna, Madaxweyne Deni wuxuu sheegay inay Imaaraadka iskusoo afgarteen kuna soo heshiiyeen mashaariic laga fulin doono magaalada Boosaaso, sida: Korontada biiyaha laga dhalinayo, Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso oo la fidin doono, ayna la wareegi doonto shirkad maamusha; iyo weliba, in dhowaan la bilaabi doono dhismaha iyo fidinta dekadda Magaalada Boosaaso. Waxaase weli dadweynuhu saluugsan yahay shirkadda DPW oo muddo 3 sano ah Dekedda Boosaaso gacanta ku haysay, wax tillaabo dhisme ahna aan weli qaadin. Gidaarkii Jubbaland oo la jebiyey Dawladda Puntland ee uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Deni, ayaa burburisey gidaarkii siyaasadeed oo loogu tala galay in lagu curyaamiyo, laguna burburiyo maamulka Jubbaland. Waxaa maamulka Puntland horseed ka noqday Caleemsaarkii Madaxweyne Ahmed Mohamed Islam – Axmed Madoobe- oo go’doon siyadeed ay gelisay Dawladda Federaalku. Marka arrimahan oo dhan la isku soo wada xooriyo, ayaa waxaa muuqata yididiilo wanaagsan oo dhanka horumarka horay loogu qaaday. Waxaase jira, kooxo abaabullan oo dhagar-qabeyaal ah, xoogaa dhaqaale ahna lagu shubtay, looguna talogalay inay khal-khal siyaasadeed iyo degganaansho la’aan ka abuuraan gudaha Puntland. Waxaa iyana xusid mudan, haddii aad weydiiso kooxahan sababta dhabta ah ee maamulka cusub ee socod baradka ah ay u diidan yihiin, waxaa ay ka hadlayaan oo qur ah waa dhaqaale iyo wax la cuno, mana arkaysid cid ayaga ka mid ah oo ka hadlaysa fikir siyaasadeed oo dan u ah shacabka Puntland iyo mucaarad wax-dhisid ku salaysan. Waa xilkasnimo la’aan, in kooxahaan qaylo dhaaminayaa hankooddii iyo jiritaankoodii ay ka hor mariyeen hunguri iyo hanti raadin, iyo inay ilaawaan dantii guud. Waxaa mudan in si mugweyn loo fakaro oo aynu tiigsano sidii loo gaari lahaa Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya oo barwaaqo ah. “WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HARO”. La soco qayta 5aad maxaa qabyo ah? Abdirazak Yassin – Caanogeel PUNTLAND POST The post Xilkasnimo la’aantaada: Han dhintay iyo hurguri (Q4) appeared first on Puntland Post.
  13. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka waxbarashada Somaliland Cismaan Jaamac Aadan oo la hadlayay arday ka qalinjebinaysay Jaamacadda Sanaag University ee magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in caddaaladda dalku aad iyo aad u liidato waxaanu ardayda sharciga baratay ku boorriyay in isbedel ka keenaan nidaamka caddaaladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay Qorshaynayaan in Amisom ay badalaan ciidamo kale oo shisheeye, dalabkaan ayaa waxay Villa Soomaaliya u gudbiyeen Qaramada Midoobey. Deeq bixiyaasha caawiya [...] Source
  15. GAROWE(HOL)-Puntland has banned Federal lawmakers and ministers from opening political offices within its area of jurisdiction. Source: Hiiraan Online
  16. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sharraxaad ka bixiyay qaddiyadda Somaliland iyo muhiimadda ay ugu fadhido Soomaaliya, gobolka iyo caalamka in Somaliland nabad ahaato citiraafna hesho. Wasiir Sacad oo u warramay Somaliland Now ayaa sheegay in Somaliland ka noqotay midnimadii Soomaaliya laakiin, aanay ahayn gooni u goosad sida dadka qaar u maleeyaan. “Dadka qaar ayaa yidhaahda ‘haddii Somaliland la aqoonsado waxay dhiiri gelinaysa gobollada kale ee Soomaaliya in ay gooni isu taag doonan laakiin, anagu cidna kama goosanayno laakiin, waxaanu nahay dal la midoobay dal kale oo ka noqday midnimadii waa taas xaqiiqadu,” ayuu yidhi Dr Sacad. Waxa uu intaasi raaciyay ahmiyadda uu Soomaaliya u leeyahay aqoonsiga Somaliland “Haddii Somaliland la aqoonsado Waxaan aamminsanahay in aanu dhammayn karno dhibaatada Soomaaliya waayo dadkan (Somalia) waxaanu u naqaana si ka fiican cid kale oo kasta,” ayuu yidhi wasiir Sacad oo intaasi raaciyay in Somaliland hore u xallisay mushkiladaheeda waayo aragnimadaasna ay leedahay. Waxa kale oo uu tilmaamay muhiimadda Somaliland u leedahay amniga gobolka iyo caalamka isaga oo sheegay in amniga Itoobiya iyo Jabuuti ku xidhan yahay degenaanshaha Somaliland “Marka loo eego caalamka, Berbera waxay ku taalla bogcad aad u istaraatiji ah, haddii aanay ka badqabin Budhcad Badeed iyo Argagixiso waxa istaagaya ganacsiga u dhexeeya Yurub iyo Aasiya, ganacsiga u dhexeeya Afrika iyo Yurub iyo inta kale oo dhan,” Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wada qorshe ay ku raadineyso ciidamo bedala kuwa nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee AMISOM, kuwaas oo qorshuhu yahay inay dalka isaga baxaan sanadka 2021-ka. Wargeyska The East African ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidan la dagaalama Al-Shabaab marka ay baxaan AMISOM ay ka raadineyso dalalka Turkiga iyo Eritrea. Sidoo kale wargeyska ayaa shaaciyey in haatan dowladdu ay wadahadallo kula jirto labadaasi dal, si ay uga hesho taageero ciidan. Lama oga sida uu ku dhaqan gelin doono qorshahan, maadaama dalalka Turkiga Eritrea, haddii ay ciidamo u soo dirayaan gudaha Soomaaliya ay ansixin uga baahan yiihiin golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida xoogan u taageera Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaa dib u dhiska ciidanka Xoogga, halka Eritrea ay muddo dhow dib u soo ceshatay xiriirkii ay la halayd Soomaaliya, taasoo sahashay kulamo dhex maray labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. (SLT-Nairobi)-Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa dawladeedda u soo jeedisay inay raacdo dariiqa Horumarka Somaliland ee dhoofinta Xoolaha. Safiya Cabdi Nuur oo xubin ka ah Baarlamaanka Kenya ayaa ammaantay horumarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan dekadda Berbera iyo qaabka dhoofinta xoolaha. Xildhibaanka ayaa ku dhiirigelisay Kenya inay dhoofiso xoolo badan,iyadoo ka tusaale qaadanaysa Jamhuuriyadda Somaliland. Xildhibaanka oo la hadlaysay golaha Baarlamaanka dalkeeda,iyadoo laga soo doorto deegaanka Ijaara ayaa xustay socdaalkeedii ugu dambeeyey ee ay ku timid Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Magaalada Dekeda ah ee Berbera, waxaanay sheegtay in Somaliland gaadhay horumar la taaban karo oo awood u leh dhoofinta Malaayiin xoolo ah kuwaasi oo taga Bariga dhexe. Xildhibaannada Safiya Cabdi Nuur waxa ay tilmaamtay inaanay Somaliland sannado badan helin kaalmo shisheeye balse ay dhinaca dhoofinta xoolaha isku filaansho ka gaadhay. Xildhibaannada Safiya waxay sheegtay in dawladda Kenya oo leh xoolo badan aanay haysan suuq geyn, balse Kenya dhoofinta xoolaha ka sameyn karto lacago adag, haddii ay raacdo dariiqa Jamhuuriyadda Somaliland ee dhoofinta xoolaha. Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ciidammada milatariga ee ku sugan xeebaha galbeed ee Somaliland kala wareegtay 11 harimacad oo ay gacanta ku soo dhigeen, kuwaas oo la doonayey in laga dhoofiyo xeebaha gobolka Salel ,iyadoo lagu soo qabtay afar qof. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay gacanta ku soo dhigtay laba harimacad oo kale oo laga soo qabtay deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool, iyadoo uu ka hawl-galay soo qabashadooda isuduwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool oo kaashanaya laamaha ammaanka ee gobolkaasi. Kabtan Jaamac Rayaale Kheyre oo ah Sarkaalkii hoggaaminyey ciidammadii soo qabtay 11-kan harimacad ayaa sheegay in harimacadyadan iyo raggii watayba lagu soo qabtay halka dooxa Selel uu ka galo badda ,iyaga oo doonayey in ay doon ka saaraan halkaasi. Cabdinaasir Xuseen Siciid Agaasimaha Waaxda Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland oo ayaa sheegay in cid kasta oo lagu qabto ka ganacsiga sharci-darrada ah ee duur-joogta la marin doono sharciga, isla-markaana wasaaradda deegaanka iyo ciidammada ammaankuba ay heegan ugu jiraan sidii dadkaasi xididada loogu siibi lahaa. Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil(Bandare) ayaa ciidammada qaranka uga mahadcelisay sida ay ula shaqeeyaan wasaaradda deegaanka , waxaana ay shacabka reer Somaliland ugu baaqday in ay u soo sheegaan wasaarada dadka ka ganacsanaya duurjoogta dalka si sharciga loo mariyo. Sidoo kale, Wasiir Shugri Bandare waxa ay ka codsatay ciidammada nabadgelyada ee jooga kaantaroolada magaalooyinka in ay fiiro gaar ah u yeeshaan gaadiidka dhaafaya kaantaroolada ay ku sugan yihiin. Laba toddobaad guddahood waa markii labaad ee ciidammada Qaranka Somaliland ee ka hawlgala xeebaha galbeed ee dalku ay gacanta ku soo dhigaan harimacado la doonayo in sharci darro dalka looga dhoofiyo. Source
  20. (SLT-Riyadh)-Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.” Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017. Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe. Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto. Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.” Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka. Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel. Source
  21. (SLT-Moscow)-Ruushka ayaa sheegay inay u badan tahay in heshiis cusub oo difaaca gantaalaha iyo agabyo kale oo Millatariga uu ugu daabulayo dalka Turkiga oo saaxiib dhow ay yihiin. Wakaalada wararka ee Interfax oo soo xiganeysa ra’isul wasaare ku xigeenka ruushka Mr Yury Borisov, ayaa sheegtay in xukuumada Ankara iyo Moscow ay u dhow yihiin in heshiis cusub ay qalinka ku Duugaan. Interfax ayaa macluumaad dheeri ah ka bixin heshiiska millatari ee labada dhibac. Maamulada Ankara iyo Moscow ayaa heshiis gaadhay dabayaaqadii sanadkii 2017-dii kaasi oo la xiriiray kala iibsiga gantaalaha difaaca ee loo yaqaan S-400 oo ruushka soo saaray waxaana qeybtii ugu horeysay ee gantaalahan ay gaareen Turkiga bishii April ee sanadkaan iyadoo la filayo in ay sii socot daabulida gantaalahan ilaa sanadka soo aadan ee 2020-ka. Mareykanka ayaa horay u dhaliilay heshiiskan waxaana madaxweyne Donald Trump xayiraad dhaqaale ugu hanjabay dalka Turkiga. Source
  22. (SLT-Ankara)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dalkiisa “uu madaxa ka jari doono” dagaalyahannada Kurdiyiinta haddii aanay sidii qorshaha ahaa ka bixin aagga nabadda ee waqooyiga Suuriya. Turkiga ayaa Khamiistii ogolaaday inuu hakiyo weerrar uu muddo shan maalmood ah ku hayay Kurdiyiinta si uu ugu ogolaado in Kurdiyiintu dib uga gurtaan aaggaasi. Hasayeeshee Sabtidii ayaa labada dhinac midba midka kale waxa uu ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojinta. Ankara ayaa waxa ay ciidammada Kurdiyiinta u aragtaa inay argagixiso yihiin waxa ayna doonaysaa inay “aag ammaan ah” ka sameyso gudaha waddanka Suuriya. Walow la gaadhay xabbad joojin ku meel gaar ah, haddana waxaa sii socda qulqulatooyin goos goos ah – gaar ahaan xadka u dhaw magaalada Ras Al-Ain. Muxuu Erdogan yidhi? Isagoo ka hadlayay xaflad taleefishinka laga sii daynayay ayuu gobolka bartamaha Turkiga ee Kayseri waxa uu Sabtidii Madaxweyne Erdogan ka sheegay in haddii dagaalyahannada Kurdiyiintu aysan galabka Talaadada halkaas isaga bixin – waa sida uu dhigayo heshiiska xabbadjoojinta ee – “waxaannu ka bilaabi doonnaa halkii aannu ku joojinnay oo waxaannu sii wadaynaa inaan madaxa ka goyno argagixisada. Hogaamiyaha Turkiga ayaa waxaa lagu wadaa inuu todobaadkan wadahadal la yeelan doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Sabtidii ayuu sheegay in haddii wadahadalladaas aanay xal keenin, Turkigu waxa uu “fulin doonaa qorshihiisa”. Source
  23. (SLT- Mozambique)-Xisbiga ugu weyn ee Mucaaradka Mozambique ayaa qaadacay doorashadii todobaadkan, waxaana ay dowlada heysa tallada ku eedeysay inay jabisay heshiiskii nabada ee la gaadhay. Mucaaradka ayaa dhanka kale ku dhaliilay maalintii codbixinta in dowlada ay sameysay cabsi galin iyo rabshado ka dhan ah codbixeyaasha Mucaaradka. Natiijada doorashada maalintii talaadada ayaa muujineysa in uu guul gaadhay madaxweyne Filipe Nyusi, oo hogaamiya xisbiga Frelimo, balse mucaaradka ayaa natiijadan ku tilmaamay in ay tahay sharci Darro. Hogaamiyaha Mucaaradka Renemo ayaa ku eedeeyay madaxweyne Fremilo in uu jabiyay heshiiskii bishii Agoosto kaasi oo dhigayay in aan la aqbali doonin in asxaabta siyaasada aysan sameyn karin ficilo kicinaya Rabshado. Dhanka kale wuxuu sheegay in xabsiga la dhigay wakiilada korjoogtada u ah mucaaradka, kadib markii goobaha codbixinta ay ku qabteen sanduuq siyaado ah kaasi oo si gaar ah codad been abuur ah loogu ridayay madaxweynaha Frelimo. Si kastaba ha ahaatee dowlada Mozambique ayaa ka hadlin dhaliisha kaga timid xisbiga Mucaaradka Dalkaas. Source