-
Content Count
215,071 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-London)-Boris Johnson ayaa waxa uu codsi u diray Midowga Yurub si dib loogu dhigo waqtiga Britain ay ka baxayso midowgaasi – hasayeeshee codsigaasi muu saxeexin. Codsiga waxaa la socday warqad labaad oo uu Mr Johnson saxiixay, taas oo uu ku sheegay in uu rumaysan yahay in dib u dhigistu ay khalad tahay. Ra’iisul wasaaraha ayey sharciyan tahay in uu Midowga Yurub waydiisto in waqtiga loogu daro waqtiga kama dambaysta ah ee 31 Oktoobar kaddib markii uu ku guuldarraystay codkii Aqalka Commons-ka. Madaxweynaha Golaha Midowga Yurub Donald Tusk ayaa waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay in ay soo gaartay codsiga waqti kordhinta. Waxa uu intaas ku daray in uu haatan hogaamiyayaasha Midowga Yurub kala tashan doono “jawaabta ay bixinayaan”. Saacado un kaddib markii uu lumiyay codkii kulankii taariikhiga ahaa ee Sabtidii ee uu yeeshay Aqalka Commonska ayuu ra’iisul wasaaruhu amray diblumaasi sare inuu diro nuqulka warqad uu ku codsanaayo in dib loo dhigo bixitaanka oo aanan saxiixnayn, taas oo bishii la soo dhaafay ay xildhibaannadu ku qasbeen. Warqadda labaad ee Mr Johnson – oo markan uu saxiixay – ayaa waxa ay caddeynaysaa in shakhsiyan uu rumaysan yahay in dib u dhigistu ay khalad tahay. Warqaddu waxa ay sheegaysaa in dowladdu ay dedaal u geli doonto sidii lagu meelmarin lahaa heshiiska wax laga badelay ee ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub ee uu todobaadkii hore la galay madaxda Yurub, iyo weliba inuu ku kalsoon yahay in arrintaas ay hirgeli doonto 31 Oktoobar. Warqad uu qoray Sir Tim Barrow oo ah diblumaasiga ku matala UK Brussels ayaa waxaa lagu sharaxay in warqadda koobaad ay tixraac u aheyd sharciga sida uu isku afgartay baarlamaanka. Ra’iisul wasaaraha ayaa markii hore sheegay in uu doorbidaayo “in uu dhinto oo la aaso” halkii uu Midowga Yurub waydiisan lahaa in waqtiga loogu daro bixitaanka Britain ee midowgaasi. Tifaftiraha Siyaasadda ee BBC-da Laura Kuenssberg ayaa go’aanka saddexda warqadood lagu diray waxa ay ku tilmaantay mid “muran uu ka dhalan karo” waxa ayna saadaalisay in “dood iyo isjiidjiid ay ka dhalan doonto in Boris Johnson uu iskudayayo in uu hareer maro maxkamadda”. Waxa ay sheegtay in: “Arrintu maxkamadda ayey tegi doontaa, waxaana suuragal ah in si degdeg ah ay ku gaari doonto Maxkamadda ugu sarreysa dalka.” Source
-
(SLT-Washington)-Hey’adda lacagta adduunka ee loo yaqaan IMF ayaa kalsooni ka muujisay galaangalka ay dowladda ugu jirto in laga cafiyo amaahda lagu leeeyahay iyada oo u mareysa waddada deyn cafinta ee wadamada soo Koraya. Ms Kristalina Georgieva, ah agaasimaha IMF oo kulan kula qaadatay magaalada Washington Raysal wasaaraha xukuumadda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay wado dadaalo lagu kalsoonaan oo karo oo ay la dhacday. Dowladda madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xilka qabatay dadaal ugu jirta sidii dalalka deynta ku leh Soomaaliya ay iskaga saamixi Lahaayeen. Amaahda lagu leeyahay Soomaaliya ayaa ah $4.7 billion, waxaana dowlada ay dooneysaa in laga saamaxo sida ay marar badan sheegeen mas’uuliyiinta Soomaaliya. Ms Kristalina Georgieva, ayaa ugu dambeyn bayaankeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay garab taagan tahay si looga Cafiyo lacagta lagu Leeyahay. Hey’adda IMF ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya oo soo kobcayo. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabduqaadir Sheekh Maxamed (Soomow) oo ka mid ah culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa eedeyn culus u jeediyey taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kadib wareysi uu siiyey Idaacadda Kulmiye. Somow ayaa sheegay in muddo labo jeer ah ay is hortaag ay ku sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed, lagana celiyey illaa labo bar koontorool oo ku taalla isgosyada Sanca iyo Darjiinka ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu la xariiray taliyaha guud ee ciidanka Booliska, Maxamed Cabdi Xasan Xijaar, balse uusan waxba ka qaban cabashadiisa. Sheekh Soomow ayaa xusay in taliyuhu markii uu la xariiray uu ku jees jeesay, sida uu hadalka u dhigay. “Si jees jees ah oo kibir ku jiro ayuu ugu jiri anigoo ah taliyhii ciidanka Booliska miyaa isoo waceysaa jid ayaa iga xiran, waana ugu damiyey Taleefanka ayuu yiri” Soomow. Waxa kale uu sheegay inuu ka baaqday xaflad Nikaax ah oo uu socday xilligaas, aadna uu uga xumaaday jawaabta uu kala kulmay taliyaha Booliska Soomaaliyeed. Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay inuu dalbanayo in maxkamad la so taago taliye Xijaar, si wax looga weydiiyo arrintaasi iyo dhibaatooyinka ka jira waddooyina Caasimada. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Sheekh-Cabdiqaadir-Soomow-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay hub iyo saanad ciidan ka dajisay dekedda magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi doomo looga qaaday dekedda weyn ee Muqdisho, laguna geeyey xeebta magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in hubkan loogu talaya ciidanka dowladda, qeybta 21-aad oo howlgallo ka wada gobollada Mudug iyo Galgaduuud. Dhowaan ayey aheyd markii saraakiisha ciidamada dowladda ay ku dhawaaqeen howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya deegaanada Galmudug. View the full article
-
Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan. Qaraxa oo ahaa Minada ayaa la sheegay in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi waxa ay baahisay inay ku dhaawacday illaa labo ka tirsanaa ciidamadaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in qaraxan ay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Jabuutu, sida ay hadalka ay u dhigtay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan qaraxaasi. Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro dhaba gal ah ku qaada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala deegaanada maamulka HirShabelle. View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in hub iyo saanad Milatari ay ka dajisay degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in hubkaasi oo aad u fara badan ay dowladdu doomo dheereeya ku geysay dekedda magaaladaasi, kuwaas oo hubka ka qaaday dekedda Muqdisho. Sidoo kale wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in hubkaasi iyo saanada Milatari loogu tala galay ciidamada Xoogga qeybta 21-aad ee ka howlgala Galmudug. Lama oga sababta ah ay dowladda federaalka ay hubkan u geysay halkaasi, balse wararka ayaa sheegaya in loogu tala galay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doono gobollada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Arrimahan waxa ay ku soo aadayaan, iyadoo dhaq dhaqaaq siyaasadeed uu ka socdo magaalada Dhuusamareeb oo lagu qaban doono doorashada maamulka Galmudug. Dowladda Soomaaliya oo dhowaan magacowday guddiga farsamada maamulkaasi ayaa wada qorshihii ugu dambeeyey ee dhismaha Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Sawirro: IMF oo taageertay Qorshaha Deyn Cafinta Soomaaliya
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020. “Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen. Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC). “Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw. Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka. Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahanno ka tirsan kuwooda ay degmada Hodan ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in Seybiyaano ay dil qorsheysan ugu geysteen Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow oo ay tilmaamtay inuu ka tirsanaa ciidamada Bangaraafta Soomaaliya. Sidoo kale warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in sarkaalka ay dishay uu la shaqeynayey ciidamada Mareykanka, sida ay hadalka u dhigtay. Dhinaca kale ma jiro illaa wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amni darro oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-20102019-ok-sax.mp3 View the full article
-
Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa xilkii xubinnimo ka qaaday Aadan Cali oo ka mid ahaa guddiga xuduudaha Hirshabelle oo dhowaan isaga magacaabay. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in xilka laga qaado Aadan Cali, balse wuxuu warbaahinta u xaqiijiyey jiritaanka arrintaasi. Dhowaan ayeey ahayd markii mid ka mid ah guddigan uu shaaciyey inuu iska casilay xubinnimadiisa. Wasiir Caadle ayaa booskii uu ka eryey Aadan Cali waxa uu ku bedalay Xildhibaan Axmed Cabdi oo ka mid ah baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Senator Maxamuud Mashruuc oo katirsan senatorada Puntland u matala aqalka sare ee Soomaaliya, ayaa sharci darro ku tilmaamay warqad kasoo baxday wasaaradda arimaha gudaha Puntland oo lagu mamnuucay in wax xafiis ah ay Puntland ka furtaan cid katirsan dowladda federalka. Go’aankaan ayaa kusoo beegmay kadib markii wasiirka qorshaynta Soomaaliya ahna xildhibaan katirsan barlamaanka aqalka hoose, Jamaal Maxamed Xasan uu xafiiska xiriirka bulshada ka furtay gobolka Sanaag. Senator Mashruuc ayaa sheegay go’aankaan inuu hor imaanayo dastuurka Dawladda Federalka Soomaliya qodobkiisa 61aad farqadiisa 2aad oo qeexaysa waajibaadka iyo matalaada xildhibaanada. “Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 ama in mudanahu ka fikir siyaasad duwan yahay xukuumadda Puntland looma adeegsan karo is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya iyo deegaan doorashadooda,” ayuu yidhi Mashruuc. Wuxuu ugu baaqay xukuumadda Puntland inay ka fogaato wax kasta oo dhaawici kara midnimada Qaranka Soomaaliyeed, isagoo xasuusiyay in Puntland xubin ka tahay dawladaha xubnaha ka ah Dawaldda Federalka Soomaaliya ayna ku leedahay xubno matalaad. HALKAAN HOOSE KA AQRISO GO’AANKA WASAARADDA PUNTLAND POST The post Senator Mashruuc oo sharci darro weyn ku tilmaamay go’aan kasoo baxay Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Kenya’s opened a $1.5 billion Chinese-built railway line linking Nairobi to Naivasha on Wednesday, despite delays in building an industrial park in the Rift Valley town to encourage freight. The extension links to another Chinese funded and built $3.2 billion line between the port of Mombasa and Nairobi that opened in 2017 but is so far underutilized for cargo services. Upgrading Kenyan railways has been part of Beijing’s “One Belt, One Road” initiative, multi-billion dollar infrastructure projects aimed at improving land and maritime trade routes between China and Europe, Asia and Africa. Reuters Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xooggaga Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir. War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Saybiyaano ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay,Muuse Abuukar Maxamed Nuuroow, waxaana ay tilmaamtay inuu wada shaqeyn la lahaa ciidamada Mareykanka. Sidoo kale waxa ay sheegtay in sarkaalkaasi uu AFRICOM u qaabilsanaa sahminta goobaha weerarada habeen dheelmadka ah lagu qaadayo ee gobolka Sh/Hoose “Mujaahidiinta ayaa degmada Hodon ku khaarijiyay Muuse Abukar Axmad Nuuroow oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka Murtadiinta Bangaraafta wuxuu ahaa murtad cadowga ku hoggaamin jiray deegaanno katirsan Sh/hoose” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Dilkan ayaa qeyb ka noqonaya dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhacayey gudaha magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiirada maaliyada ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in muranka xuduuda badda ee udhaxeeya labada wadan uusan joojin doonin socodka gargaarka bini’aadanimo iyo ganacsiga. C / raxmaan Ducaale Beileh iyo ku simaha Xoghayaha Lacagta Kenya Ukur Yatani ayaa hadalkaan ka sheegay shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ee ka socda Washington D.C. Kenya oo kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu weyn Bariga Afrika, ayaa waxay saldhig u tahay ururro badan oo gargaar siiya Soomaaliya, oo ka soo kabanaysa ku dhawaad 30 sano oo dagaal sokeeye ah. In ka badan 250,000 oo qaxooti Soomaali iyo magangalyo-doon ah ayaa ku sugan Kenya, sida lagu sheegay xog ka soo baxday Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay. Dowladda federalka Soomaaliya ayaa sanadkaan hay’addaha caalamiga ee wada shaqayntu kala dhexeyso ka dalbatay in shirarka arimaha binu’aadanimada ee lagu qaban jiray Kenya loo wareejiyo meelo kale, maadaama xidhiidhka labada waddan uu xun yahay. PUNTLAND POST The post Kenya iyo Somalia oo sheegay dacwada ICJ inaysan hakin doonin xiriirkooda appeared first on Puntland Post.
-
Agaasimaha maamulka IMF, Kristalina Georgieva oo kulan la yeelatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaacisay in si buuxda ay u taageersan tahay dadaallada loogu jiro in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay horraanta 2020. “Waxaan kulan mira dhal ah shalay xarunta dhexe ee IMF kula yeeshay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre,waxaan ugu hambalyeeyay dhaqan gelinta xooggan ee joogtada ah ee uu ku sameeyay qorshaha dib-u-habeynta dhaqaalaha,iyadaoo ay jireen caqabado badan,Waxaan is-weydaarsannay muhiimadda ay leedahay in deynta looga cafiyo sida ugu dhaqsaha badan,iyadaoo la raacayo hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan HIPC)”, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saartay IMF Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay intii uu socday kulanka in Ra’iisul Wasaaruhu uu ku celiyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay dib-u-habeynta iy,adaoo la raacayo barnaamijka SMP ee socda, waxa uuna sidoo kale adkeeyay dhammeystirka qorshaha qaranka sagaalaad ee dhawaan golaha wasiirradu ansixiyeen. Dhameystirka qorshaha horumarinta qaranka iyo dib-u-habeyntu waxa ay qayb ka yihiin shuruudaha hindisaha wadamada saboolka ah ee aadka u deymeysan (HIPC). “Joogteynta shaqo wanaagga xooggan oo ay la jirto taageerada saaxiibada caalamiga ah waxa ay waddada u xaareysaa Soomaaliya in deynta laga nadiifiyo mustaqbalka dhaw. Waxaaan u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in IMF ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada Soomaaliya ee deyn cafinta oo ay ka mid tahay in lala shaqeeyo xubinnimada sanduuqa ee lagu sugayo khayraadka maaliyadeed ee muhiimka u ah deyn cafinta IMF iyo daboolidda qarashaadka ku baxaya deyn cafinta”, ayaa sidoo kale lagu sheegay warsaxaafadeedka. Taageerada IMF ayaa xoojinaya galaangalka dowladda iyo dadaallada lagu doonayo in Feberaayo 2020 dowladda Soomaaliya laga nadiifiyo deymaha lagu leeyahay si ay ugu furmaan albaabbada hey’adaha dhaqaalaha adduunka. Source: goobjoog.com
-
Somalia is negotiating with Turkey and Eritrea for deployment of their military commanders and supply of equipment for the war against Al-Shabaab when the African peacekeepers under Amisom, finally withdraw in 2021. Source: Hiiraan Online
-
Days after the recent killings of civilians in the Afar as well as in Somali Regional States, the federal government has finally broke its silence, whereby Prime Minster Abiy Ahmed (PhD) has met with the leadership of the two regions to discuss over the issue, The Reporter has learnt. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay xilliga maxkamada ICJ ku beegtay dhegeysiga wareegga 2aad ee dacwadda badda ee Somalia oo ah june 2020, in ay tahay xilli waddanku ku jiro olole doorasho. Yuusuf Garaad wuxuu sheegay xilligaas in uusan jirin xilli uga xun Soomaaliya, maadaama muxaafid iyo mucaaradba ay ku mashquusalsan yihiin herdanka o’lolaha doorashada madaxtinimada. Dhinaca kale, koox Kenya ah, ayaa ka codsaday maxkamadda sare Kenya inay ku khasabto dowladda in ay ka laabato muranka baddeed ee ay Soomaaliya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, iyaga oo ku dooday in go’aanka ka qeybgalka dacwadan uu ahaa mid khaldan. Kooxdaan oo ay qareeno ku jiraan, ayaa cabsi weyn ka muujiyay waxa dhici kara haddii maxkamada cadaaladdu Soomaaliya u xukunto dhul badeedka lagu muransan yahay, markaas dowladda Kenya waxay ku qasban tahay inay u hogaansanaato go’aanka maxkamada. Waxay sheegaan sababta kaliya ee wax looga qaban kara arintaas.’ waa In Kenya mudnaanta siiso danaha qarankeeda ioo sharafteedu ku jirto. PUNTLAND POST The post Yuusuf Garaad: Dib-u-dhigga June 2020 Ma jiro xilli Somalia uga xun appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya islamarkaana ku jira xisbiga Himilo Qaran ee uu hogaamiyaha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay joojisay dacwaddii uu gudbiyey xisbiga Himilo-Qaran. Xubnahaan ayaa noo sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay joojisay in Maxkmadda Sare ee dalka ay guda-gasho waajibka ka saaran dacwada ay soo gudbiyeen xubnaha xisbiga Himilo Qaran kadib markii laga hor istaagay safar uu magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ku aadi lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed inkastoo markii dambe ay u suurta gashay. “Maxkamadda ugu badnaan 48 saac ayey aheyd in ay guda-gasho kiiskaan sababtoo ah waa ka duwan-yahay dacwadaha kale balse ilaa hadda ma furin waxaana joojiyay Xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran oo la hadlay Caasimada Online. “Dacwadaha nuucaan ah ma qaataan waqti badan 28 Saac ilaa iyo 48 saac ayey aheyd in ay soo saarto go’aan maxkamadda ama ugu yaraan guda-gasho dacwada balse ilaa hadda lama furin doodii aan geynay” ayuu yiri Xildhibaankaan aan la hadalnay islamarkaana ka gaabsaday magaciisa iyo codkiisa. Waxay aheyd markii ugu horreysay oo ay siyaasiinta Soomaalida qaataan tallaabo ah in sharci lagu kala baxo balse waxay u muuqaataa in albaabkaas cusub ee la furay islamarkiiba la xiray. In doodaha siyaasiinta lagu xaliyo Sharciga iyo Garsoorka dalka waxay aheyd rajo la sugayay muddo fog, balse waxaa muuqata in ay wali ku hor gudban yihiin caqabado xoog badan oo dhanka Xukuumadda ah. Hay’adaha garsoorka dalka ayaa laheyn madaxbanaani ay umadda Soomaaliyeed ugu adeegaan waxaana ku dhax-milan hay’adda fulinta Soomaaliya balse ma ahan oo kaliya Xukuumadaan waxayna soo jirtay tan iyo bur burkii dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Maxamed Bin Salmaan oo ballan-qaaday aqoonsiga Israel, haddii Mareykanka ay hal arrin u sameeyaan Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salmaan ayaa wacad ku maray inuu aqoonsan doono isla markaana caadi ka dhigi doono ganacsiga ay la galaan Israa’iil hadii Mareykanku ka caawiyo inuu “ka adkaado Iran oo uu la wareego bariga dhexe.” Hadaladaan oo lagu muujiyey dokumentiyo ay soo bandhigtay shabakadda PBS Sabtidii laguna soo bandhigay barnaamijka ‘Frontline’, ayuu Bin Salmaan ka sheegay kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump intii lagu guda jiray booqashadiisii caanka ahayd ee Riyadh bishii May 2017. Martin Smith, oo ah soo saaraha dukumiintiga, oo cinwaankiisu yahay ‘The Crown Prince’, ayaa sheegay in Mohammad bin Salman uu doonayo inuu Trump ka caawiyo sidii loo jabin lahaa Iiraan iyo in laga caawiyo hamiga amiirka oo ah inuu noqdo furaha Bariga Dhexe. Dhanka kale, Bin Salmaan wuxuu ballanqaaday inuu ka caawin doono Trump iyo wiilka uu soddoga u yahay, Jared Kushner, xallinta khilaafaadka Falastiin iyo Israa’iil iyo in la hirgeliyo heshiis uu Trump diyariyey ee loo yaqaan “Heshiiska Qarniga” kaasoo lagu doonayo in lagu xalaaleysto dhulka reer Falastiin ee hadda xoogga lagu heysto. Dukumentiga ayaa waxaa lagu soo bandhigay hadalka uu David Ignatius oo ah falanqeeyaha militariga Washington Post kasoo xigtay Boqorka Sacuudiga Bin Salman oo ahaa “Waxaan u arkaa Israel inay qeyb ka tahay Bariga Dhexe … Waxaan diyaar u ahay inaan aqoonsado oo aan xiriir ganacsi la yeesho Israel.” Ignatius ayaa sheegay in hadalka Bin Salman uu Mareykanka iyo Kushner ka caawiyey inay kusii dhiiradaan diyaarinta Heshiiska Qarniga oo ah mid ogolaanayo in la iska garab dhiso laba Dowladood oo kala ah Israa’iil iyo Falastiin. Xiriirka Sacuudiga iyo Israa’iil ayaa noqday mid aad isugu soo dhawaanayo tan iyo markii uu awoodda la wareegay Maxamed Bin Salman oo ah nin aad u daneeyo inuu xiriir la yeesho dowladaha Reer Galbeedka. Bishii Juun ee la soo dhaafay, diblomaasi Sucuudi u dhashay ayaa u sheegay Globes in si caadi ah xiriirka ka dhexeeya Sacuudiga iyo Israa’iil uu noqon doono “waqti uun”, isagoo qiray jiritaanka xiriirka qarsoon ee Israel iyo Sacuudiga iyo in Sacuudiga uu adeegsanayo teknolojiyadda Israel. Qaran News
