Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,085
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The winners of the EU funded poetry competition dubbed SilsiladdaNabaddawere unveiled Saturday in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  2. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi ay heleen ayaa sheegay in kulan ay yeesheen laamaha Amaanka iyo kuwa garsoorka Jubbaland ay isku racen in Xabsiga [...] Source
  3. Garowe waxaa saaka kafurmay Shirka Maalgashiga Puntland oo u jeedkuvyahay in meel la’isugu keeno Ganacsatada iyo maalgaliyayaasha Soomaaliya iyo Caalamka qaarkood. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi [...] Source
  4. Beledweyne (Caasimada Online| ) – Waxaa goor dhow magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka ka ambabaxay ciidamo lagu tababaray magaaladaasi oo u dhaqaaqay dhanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug Qaadista ciidamadan oo uu muran ka taagnaa muddooyinkii dambe ayaa hadda xal laga gaaray, iyadoo ugu dambeyn lagu guuleystay inay u safraan dhanka Dhuusamareeb. Odayaasha dhaqanka Beledweyne ayaa horay uga biyo diiday in ciidamadaasi la geeyo Galmudug, iyagoo sheegay in baahi weyn oo amniga ah ay ka jirto gobolka Hiiraan. Arrintan ayaa dhalisay xiisad xoogan oo u dhexeysa saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo iyo odayaashaasi, taas oo haatan la xaliyey. Ciidamadani ayaa la sheegay in ay ka howlgali doonaan magaalooyinka waa weyn ee Galmudug, iyaga oo ka shaqeynaya nabad gelyada deegaanka. Dhowaan ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo Galmudug, taas oo ay qaban qaabineyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  5. (SLT-Wajaale)-Ciidamada Booliska ee degmada Tog-Wajaale ayaa hawlgal ay sameeyeen , waxa ay habeenkii xalay ahaa kusoo qabteen Beer iyo Kelyo aan ilaa hadda la garanayn waxa ay yihiin, kuwaas oo ay maanta warbaahinta usoo bandhigeen. Beerkan iyo kelyahan oo si qarsoodi ah loo soo gelinaayey Somaliland ayay maanta ciidamadu ku gubeen duleedka magaaladda Tog-wajaale. Waxaana warbaahinta si wada jir ah ula hadlay taliyeyaasha Booliska ,Taliyaha hawlgelinta gobolka Gebiley iyo maamulka degmada Tog-wajaale ,iyaga oo shacabka uga digay Beerka iyo Kelyaha noocan ah ee lagaga iibinaayo suuqyada, kaas oo ay sheegeen in uu waxyeeli karo caafimaadka bulshadda. Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmada Tog-wajaale ayaa sheegay in Askariga Beerkan qabtay lagu magacaabo Yaasiin Maxamed Axmed Faarax , iyada oo ay kooxaha Beerkan siday u balan qaadeen in ay siin doonaan lacag dhan $150 dollar, si uu ugu sii daayo , laakiin uu diiday, sidaasna uu kusoo qabtay Beerkaas iyo kelyahaas aan la garanayn ee Somaliland lasoo gelinaayey . Maamulka degmada Tog-wajaale oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay mulkiileyaasha Hudheeladda Somaliland in aanay waxyaalahan oo kale dalka soo gelin, iyaga oo sidoo kalena dadka waxyaalahan ka ganacsadana ugu baaqay in aanay xoolahooda xaaran ku badhxin. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo aan magaciisa sheegin, islamarkaana u dhuun daloola xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ayaa warbaahinta Somalilandchronicle u sheegay in arrinta madaxweyne Biixi shalay ku dhawaaqay ee ah in madaarka Berbera ee hore u ahaa mid Militari ahaan Imaaraadku u isticmaalaya hadda noqonayo mid rayid ah uu ku yimid is fahan iyo heshiis u dhexeeya Somaliland iyo Imaaraadka. Xogaha ay bixiyeen ilo wareedyo aan magacooda la sheegin ayaa intaasi raaciyay in ay u muuqato in Imaaraadku labada u jeedo ee Militari ahaan iyo shacab ahaan ba loo adeegsan doono Madaarka taas oo meesha ka saaraysa heshiiskii ahaa in Imaaraadku Somaliland u dhiso madaar gaar ah oo shacab ah. Dawladda Imaaraadka ayaa hoos u dhigtay ku lug lahaanshaheeda dagaalka Yemen iyada oo la fahansan yahay in ay taageersan tahay qaybta Koonfureed ee gooni isu taagga raadinaysa. Madaxweyne Biixi ayaa shalay sheegay in dhakhso loo bilaabayo dhismaha Madaarka waxaanay u muuqata in dawladda Imaaraadku dhisayso madaarka uu madaxweynuhu ku sheegay mid weyn oo gobolka ku soo kordhaya. Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlay sidii xogta dalka loo mideyn lahaa waxaanu wasiirku sheegay in guddiyadii ka shaqayn lahaa macluumaadkaasi ay isugu yeedheen. waxa uu sidoo kale wasiirka wasaarada arrimaha dibedda somaliland sheegay in ay qabanayaa shirar lagu sii xoojinaayo barnaamijka lagu ururinayo xogta qaranka kaasi oo dhawaan ay bilawoday wasaaradda Arrimaha Dibaddu. Wasiir Faratoon waxa uu sheegay in ujeedada ugu muhiimsan ee laga leeyahay barnaamijka maclumaadka Qaraka uu yahay sidii loo midayn lahaa xogaha kala duwan ee dalka kuwaasi oo haatan siyaabo kala duwan oo aan midaysnayn u baxa. wasiirku waxa uu sheegay in dhammaan xogahaasi laga dhigi doono kuwo mid ah oo isku si u baxa. Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiillada Oo Sheegay In Kornayl Caarre Uu Yahay Dambiile, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. (SLT-Rome)-Dowladda cusub ee Talyaaniga ayaa u ogolaatay dooni gargaar oo ay saaran yihiin 82 qof oo muhaajiriin ah inay ku soo xidhato jasiirado koonfureed ee Lampedusa. Arintaan ayaa soo afjareysa siyaasadii qaxooti diidka ku saleysneyd ee wasiirkii hore ee amniga talyaaniga Matteo Salvini Doonida oo ay leedahay hey’adda Ocean Viking oo hoostagta hey’ada MSF ee dalka Faransiiska ayaa in ku dhow laba toddobaad taagneyd xeebaha u dhaxeeya talyaaniga iyo Malta. Isbaheysiga wadaaga ah oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada Five Star iyo xisbiga bidix ee Democratic Party ayaa amar ku bixiyay in doonidan ay ku dajiso rakaabka saaran Dekada Lampedusa. Dhanka kale arintaan ayaa lagu xaqiijiyay barta Twitter-ka ee hey’ada MSF. Dadka soo galootiga ah ayaa labadii sanno ee la soo dhaafay waxaa ku adkaa in ay gaaraan xeebaha Talyaaniga. Inkasta oo dadkaan la sheegin wadamada ay u dhasheen ayaa hadane MSF waxay xaqiijisay in 58 rag ah 18 caruur ah iyo lix Dumar ah. Raysal wasaaraha Cusub ee talyaaniga Giuseppe Conte ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono caawinta Muhaajiriinta. Source
  10. (SLT-Washington)-Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Mike Pompeo ayaa Iran ku eedeeyey weerarkii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn loo adeegsaday ee Sabtidii lagu qaaday Warshadaha shidaalka ee Sucuudiga. Waxa uu meesha ka saaray sheegashada Xuutiyiinta Yemen ee ah in ay weerar ku qaadeen labo warshadood oo ay maamusho Sharikadda Aramco ee Sucuudiga laga leeyahay. Wasiirka tamarta ee Sacuudiga ayaa sheegay in duqaymahaasi ay hoos u dhigeen wax soo saarkii saliidda 5.7 milyan oo barmiil – oo ah kala bar shidaalkii ay boqortooyadu dhoofin jirtay. Warfidiyeenada ayaa sheegaya in weerarkan uu saamayn weyn ku yeeshay qiimaha saliidda ee caalamka. Muuqaal halka weerarku dhacay laga duubay ayaa muujinaya dab weyn oo ka kacay warshadda Abqaiq, oo ah goobta ugu weyn ee sharikadda Aramco ay shidaalka ku sifayso, halka diyaarad kale oo aan duuliye lahayn ay sidoo kale duqaysay warshadda Khurais. Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaamiyo reer galbeedkuna ay taageeraan ayaa gacan siiya xukuumadda Yemen, halka Iran-na ay taageerto fallaagada Xuutiyiinta. Dhanka kale xeeldheereyaashu waxay baarayaan bal in weerarradaasi ay soo qaadday Iran iyo in ay soo qaadeen maleeshiyadka Shiicada ah ee gacan saarka la leh Iran ee ku sugan dalka Ciraaq – ayagoo adeegsanaya gantaalaha Kuruuska, sida uu ku warramay wargayska The Wall Street. Xiisadda u dhexaysa Maraykanka iyo Iran ayaa cirka isku shareertay bilihii la soo dhaafay. Tan iyo markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sannadkii hore ka baxay heshiiskii lagu xakamaynayey nuclear-ka Iran isla markaasna uu cunaqabatayn ku soo rogay. Mike Pompeo oo bartiisa Twitter-ka qoraal soo dhigay ayaa sheegay in aanu hayn “wax caddayn ah” oo muujinaysa in weerarka laga soo qaaday dalka Yemen. Waxa uu weerarka ku tilmaamay “mid aan horay loo arag oo lagu qaaday warshadaha ugu waaweyn caalamka ee Tamarta laga helo”. Source
  11. (SLT-Suuriya)-Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka Sergei Lavrov, ayaa sheegay in uu dhammaaday dagaalkii lagula jiray kooxaha Argagixisada Suuriya. Mr Lavrov ayaa intaa raaciyay in loo baahan yahay oo kaliya xiligaan, sidii looga shaqeyn lahaa xasiloonida iyo dib u dhiska dalka Carbeed iyo guud ahaan mandiqada bariga Dhexe. Dhanka kale wuxuu sheegay in meelo yar oo kaliya ay hada xasilooni ka jirin, gaar ahaan qeybo ka mid ah gobolka Idlib oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahanada Mucaaradka. Sergei Lovrov ayaa hadalkaan sheegay xilli wareysi siinayay wargeyska Trud ee ka soo baxay dalka Ruushka. Milatariga Suuriya oo taageero ka helaya kuwa Ruushka ayaa ku guuleystay in ay dib ula wareegaan gobolo badan oo mucaaradka Heesteen. Suuriya ayaa madaxa la gashay dagaal Sokeeye sanadkii 2011-kii markaasi oo wadamada carabta uu ka bilowday kacdoon Dadweyne. Source
  12. Addis Ababa (SMN) – Shirkan oo u dhexeeyey kooxda la socodka deyn cafinta Soomaaliya SMP iyo dowladda federaalka ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka maaliyadda xkuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaale (Beyle), guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Dheere, iyo wasiiradda maaliyadda ee maamul goboleedyada dalka. Intii uu socday ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha dey cafinta, sida lagu sheegay warka ka soo baxay shirkaasi. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  13. (SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo ay warbaahintu heshay ayaa sheegaya in boqolaal askari oo loo soo tababarayo dowladda Federaalka ah tababar loogu qaaday dalka Eritrea oo sannadkii hore laga qaaday cunaqabateyntii uu saaray golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Sida wararku sheegayaan ciidammada tababarka loogu qaaday Eritrea ayaa lagu sheegay inay gaadhayaan illaa 500 illaa 600 oo askari, kuwaasoo ah Boolis-Milateri iyo Nabadsugid. Warar qaar ayaa sheegaya in ciidammadan loogu tala galay ammaanka xilliga kala guurka ee dalka Soomaaliya uu galayo doorasho, waxaana ka soo baxaya weydiimo kala duwan oo ku saabsan baahida xilligan keentay in Eritrea ciidamo tababar loogu qaado, iyadoo hore u jireen Ciidamo tababaro loogu qaaday Turkiga, Jabuuti iyo Uganda oo sannadihii u dambeeyay kumanaan askari lagu soo tababaray. Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa is weydiinaya Eritrea oo hore loogu eedeeyay inay taageerto Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya, arrintaas iyo arrimo kale darteed ku muteysatay in cunaqabateyn loogu soo rogo iyo in muddo 10 sano ay caalamka intiisa kale kaga jirtay go’doon waxa xilligan ku soo beegay in Ciidamo ay u tababarto Soomaaliya. Is bedelka ka dhacay Gobolka Geeska Afrika ayaa sabab u noqday in Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaadhaan colaadii mudada labaatanka sanno ee u dhaxeysay labada dal, waxaana caadi ku soo laabtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee labada dal, iyagoo safaaradahooda dib uga furtay Addis Ababa iyo Asmara, waxaana tallaabadaas ay sabab u noqotay in Eritrea ay dib uga soo muuqato masraxyada caalamka, isla markaana ka baxdo go’doontii ay ku jirtay, inkastoo weli dowladda uu hoggaamiyo Isaias Afwerki ay wajaheyso eedeymo ka dhan ah bani’aadanimada. Source
  14. (SLT-Hargeysa)-Komishaneer Cabdifataax Ibraahin Sheekh oo ahaa komishineerkii ugu muddo dheeraa Gudida Doorashooyinka Qaranka somaliland ayaa waxaa uu ka cudur daartey kamid noqoshada mar saddexaad guddidaas oo la soo magacaabo. Cabdifataax Ibraahin Sheekh waxaa uu ahaa xubinta xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID usoo magacaabeen Gudida Doorashooyinka somaliland 10-kii sanadood ee ugu danbeeyay isla markaana waxaa uu noqondey komishanerkii ugu muddada dheeraa komishanka doorashooyinka somaliland , waxaana masuulkani uu si rasmi ah uga cudur daartey in mar sadexaad xisbiga UCID u soo xusho xubinta guddida doorashooyinka xisbigaas u meteli doonta. Komishaneerka oo warqad qoraal ah u gudbiyay gudomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe waxaa uu ku war galiyey oo uu kaga cudur daartay in xilkaas loo magacaabo sida ay ilo xog ogaal ah xaqiijiyeen Gudoomiyaha xisiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa madalo badan kaga dhawaaqay in Komishineerka ay mar sadexaad u cugan doonaan uu noqon doono Kominshineer Cabdifataax Maalmihii ugu danbeeyey waxa jirtay daadaalo lagu doonayay in komashinerka lagu qanciyo in uu mar sadexaad jagadaas buuxiyo balse dadaaladaasi ma noqon kuwo midho dhala Gudomiyaha UCID ayaa haatan waxa horyaala in muddo kooban uu ku hello cida buuxin lahayd jagadaas. Source
  15. Beledweyne (SMN) – Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qaboojiyay xiisad colaadeed oo mar kale kasoo cusboonaatay degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay. Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kulammo la qaatay Odayaasha iyo wax garadka kasoo kala jeeda degaannadaasi, waxaanay u sheegeen in aan la oggoleyn in ay halkaasi ka dhacdo dirir sokeeye Dhiig dambana uu ku daato macna darro. Odayaasha iyo waxgaradka degaannadaasi ayaa soo dhoweeyay Ciidamada qalabka sida iyo Saraakiisha hoggaamineysaba, waxanay u sheegeen in ay diyaar u yihiin in Dowladdu ay ka howl-gasho halkaasi, si xal loogu helo dilalka macna darrada ah, waxanay a dhinacooda ballan qaadeen in ay xoojinayaan nabad gelyada guud. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si xoogan u cambaareeyey weerarkii shalay lagu dilay mas’uuliyiintii maamulka HirShabelle ee qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu horrey tacsi u diray ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, marxuum Cabdullahi Shitaawe, wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabelle, marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale, marxuum Xasan Baldoos oo dhammaan ku dhintay qaraxaasi. Sidoo kale wuxuu sheegay in marka ay tallada la wareegayeen madaxda dowladda federaalka ay waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar aheyd nabad, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu dowladda dhexe ku eedeeyey in ay indhaha ka laabatay dhibaatooyinka ka jira waddadaasi, isagoo ugu baaqay inay wax ka qabato amniga inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jowhar. Halkan hoose ka Aqriso: Waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo ehelladii ay ka baxeen guddoomiye ku xigeenkii maaliyada ee Gobolka Sh/ Dhexe marxuum Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hir Shabeelle marxuum Sabriye Cismaan Toxobow iyo samafale marxuum Xasan Baldoos oo ay shalay aragagexisada Al- shabaab ku dileen duleedka Balcad. Runtii waa arrin murugo iyo xanuunkeeda wadata. Sanad ayaa laga joogaa markii sidan oo kale ay argagixisadu duleedka magaalada Balcad ku dileen xildhibaan Ismaaciil Muumin Hilawle, Xildhibaan Daahir C/lle Mukhtaar, iyo Gudoomiye ku xigeenkii degmada Raaga Ceelle Muuse C/lle. Dhamaantood Allaha u naxariisto. Hogaanka Dowladda Federaalka waxey talada dalka la wareegeen iyadoo waddada Muqdisho iyo Jowhar isku xirta ay nabad tahay, waa masuuliyad darri in maalin kasta masuuliyiin jidka lagu gumaado, dawladduna ay iska fiirsato oo aysan waxba ka qaban, waxna ka soo qaadin. Waxaan ka dalbaneynaa hoggaanka Dowladda Federaalka ah in ay xil iska saaraan wax ma qabashada amni dari ee wadadaas ka taagan, muujiyaana dareen masuuliyadeed oo xilka ay hayaan u qalma. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar kusoo qaadeen saldhigyo ay ciidanka dowladda ku lahaayeen degmada Qoryooley, awdheegle, duleedka Afgooye iyo sidoo kale deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay degmada Qoryooley, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen hub aad u xooggan. Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa in ugu yaraan Saddex qof ay ku dhimatay, iyadoo dhaawacuna ku dhow yahay 10, sidey inoo sheegeen dadka deegaanka. Sidoo kale, waxaa dagaalkan ku gubtay guryo iyo xarumo ganacsi oo dad shacab ah ay lahaayeen, iyadoo saakayna xaaladdu deggan tahay. Taliska ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Hoose, weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalladan xalay dhacay. Ururka Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan saldhigyada ay ciidanka DFS ku leeyihiin gobollada dalka qaarkood. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Afgooye (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay qeybo badna oo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka koowaad oo uu xigay dagaal toos ah ayaa ka dhacay degmada Awdheegle, kadib markii weeraro saf mareen ah ay Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin gudaha degmadaasi. Sida ay Shabelle u sheegeen ilo deegaanka dagaalka oo qaatay muddo ka badan hal saac ayaa la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Sidoo kale dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay weeraray ciidamo ku sugnaa halka loo yaqaano Buunda Yarey oo ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose. Iska hor imaad kooban oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay inuu ka dhacay halkaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkaasi, islamaarkaana uusan jirin khasaare soo gaaray. Dhanka kale ciidamo roondo ka waday deegaanka Buulo-Mareer oo hoosta degmada Kuntuwaareya ayaa bam gacameen lagu weeraray, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa 4 qof oo labo mid ah ay ahaayeen Haween, midna uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda. Wararka ayaa intaasi ku daraya in weerar kale xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen gudaha degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay dagaalka toos oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay dagaalkaasi, halka ay ku dhaawacmeen todobo kale. Taliyaha QoryooleyCali Waal oo wareysi siiyey Shabelle ayaa sheegay in ku dhawaad 10 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen dagalkaasi, sida uu hadalka u dhigay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagalladaasi ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose ee K/ Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/cod-qoryooley-.mp3 View the full article
  19. Dhuusamareeb (SMN) – Shirka dib u heshisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Shirka oo socday muddo cisho ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee deega deegaanada Galmudug. Illaa 10 qodob oo xasaasi ah ayaa looga hadlay shirkaasi, sida ay soo bandhigeen guddiga ay dowladdu u saartay arrimaha dib u heshiisiinta ee maamulkaasi. Halkan hoose ka aqriso: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-15092019-ww.mp3 View the full article
  21. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirweynaha dib u heshisiinta beelaha Galmudug oo weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan maraya heer gabagaba ah, kaas oo shantii bishan uu daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galaya in ka badan 700 oo Ergo ah oo matalaya 11-ka beelood ee Galmudug, sida ay sheegeen guddiga qaban qaabada shirkaasi. Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay illaa toban qodob oo xasaasi ah, kuwaas oo kal ah: 1: Ergadii loogu talo galay Shirka oo aheyd 356 ergo ayaa kor u dhaaftay 700 ergo. 2: Waxaa si nabad ah loogu soo dhaweeyey Caasimadda Dhusamareeb mudo bil ah iyaga oo aan dareemin ciriiri iyo culeys. 3: Waxa ay si xor ah usoo bandhigeen tabashooyinkii ay qabeen iyo qaladaadkii horay usoo dhacay iyaga oo wada qaatay Casharo la xirrira Xallinta Khilaafaadka. 4: Waxa ay wada gar-waaqsadeen baahida loo qabo isa-saamax, is-cafin, is-aaminid iyo Xalay-dhalay. 5: Waxa ay wada bogaadiyeen kaalinta hagar la’aanta ah ee Dawladda Federaalku ka ciyaartay Galmudug gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo iyo RW Khayre. 6: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii Garabyada Siyaasadda ee Galmudug. 7: Waxa ay soo wada dhaweeyeen Musharaxiinta Xilka Madaxtinimada Galmudug. 8: Waxa ay wada qireen baahida loo qabo dhismaha maamul cusub oo leh Aragti iyo Tayo, loona wada dhanyahay. 9: Waxa ay wada bogaadiyeen Heshiiskii dhex-maray dadka degan deegaanada Xeraale iyo Huurshe ee soo af-jaray Colaadii loogu magac-daray (Colaada Qarniga) ee Galmudug. 10: Waxa ay wada qireen baahida deg-dega ah ee loo qabo Xoreynta deegaanada Galmudug ee weli ku jira Gacanta Ururka Al-Shabaab. Dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah, sidii uu u soo xiri lahaa shirweynaha dib u heshiisiinta maamulkaasi oo 10-kii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo xaafado ka tirsan degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  22. First ever an African Inspired and an American Made restaurant concept. Afra Grill promises to bring to you the African vibes with food flavors unlike any other without traveling to the continent. Source: Hiiraan Online
  23. Key point: Turkey continues to want a homegrown fighter, but it won't match the F-35. Source: Hiiraan Online
  24. MOGADISHU, Sept. 14 (Xinhua) -- Somalia has challenged the youth to play a role in the country's decision-making process by participating in preparations for the upcoming elections. Source: Hiiraan Online
  25. Kenya has become the third country in Africa to roll out the world’s first malaria vaccine today, joining Malawi and Ghana in a two-year trial. Source: Hiiraan Online