-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ayaa la filayaa saacadaha soo socda in uu kulan la qaato xubnaha golihiisa Wasiirrada kulankaas oo lagaga hadlayo arrimo xasaasi ah. Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in kulankaan oo lagu wargeliyay golaha Wasiirada lagaga hadlayo safarka madaxweynaha Puntland uu ku tegay deegaano ka tirsan gobolka Bari iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya. Kulanka ayaa intiisa badan lagu falanqeyn doonaa shirkii kiskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka qodobada ka soo baxay iyo kaalinta casuumaadda maamulka Puntland oo aan ka qeyb gelin shirka. Puntland ayaa qaadacday shirkii iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyada oo sheegtay in ayna jirin casuumaad rasmi ah oo ay ka heshay dowladda fedraalka Somalia, sidaas oo kalana waxaa qaadacay mamulka Jubbaland. Source
-
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya ;Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudi Carabiya, isla markaana ah Madaxa Xaruunta horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Kulanka ayaa intii uu socday waxa ay Labada masuul ugu wada hadleen sidii Sanduuqa (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre) uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaa horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya. Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya, Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kulankani uu ahaa mid muhiim ah islamarkana ay ma kale isku ariki doonaan Dalka Soomaaliya. “Waxaan xarunta UNESCO ee Magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr; Abdalla A. Al Rabeeh oo ah lataliyaha Boqorka Sacuudiga, isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta iyo gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre), ayuu yiri Wasiir Goodax. Wasirka ayaa intaa ku daray in la taliyuhu uu ka codsaday in uu yimmaado Soomaaliya si loo ambaqaado waxyaabaha ay kulankooda Koobaad kaga wada hadl;een, taasi oo uu ka aqbalay.si weynna usoo dhoweeyay. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo dhawaan mar kale loo doortay Xilkaas ayaa ka hadlay Shirkii Shalay lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Axmed Madoobe oo Xalay khudbad ka jeedinayey Xafladda sanad guurada afaraad ee Telefishinka Jubbaland ayaa sheegay inaysan dalka ka jirin wax la yiraahdo Siyaasad loo dhan yahay. Axmed Madoobe ayaa xusay inaysan suurta gal aheyn cafinta deymaha lagu leeyahay Soomaaliya inta ay Dowladda Soomaaliya ku tumaneyso Sharciga iyo Dastuurka dalka u yaalo sida uu hadalka u dhigay. “Deyn cafintu ma dhaqan geli karo, iyadoo Madaxda Villa Somalia joogta ay ku tumanayaan sharciga dalka, waa in qof walba Soomaali ah qeyb ka yahay deyn cafinta dalka lagu leeyahay, balse wadadii looga bixi lahaa ayna heynin dowladda Federaalka”ayuu yiri Axmed Madoobe. Dhanka kale Axmed Madoobe ayaa si weyn usoo dhaweeyey Madasha looga dhaqaaqay Muqdisho kaasoo ay ku mideysan yihiin xisbiyada dalka ka jiro oo ay ugu horreeyaan xisbiyada ay kala hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Beesha Caalamka ayaa Shalay shirkii lagu soo gabagabeeyey Muqdisho ka sheegay inay lagama maarmaan tahay inay Dowladda Soomaaliya dalka ku maamusho Siyaasadda loo dhan yahay. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqday inay si deg deg ah u xaliso khilaafka kala dhaxeeyo Maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in Dowladda Mareykanka ay shuruud uga dhigtay arrintaas inay dhaqaale ku caawiso Dowladda Soomaaliya. Safiirka Mareykanka ee Somalia Donald Yamamoto ayaa khudbad uu ka jeediyey, wuxuuna ku soo qaaday in Maraykanka diyaar la yahay taageerada dowladda Soomaaliya, balse loo baahan yahay midnimo siyaasadeed iyo wadashaqeyn dhex martay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dalka, Wakiilka Xoghayaha gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador James Swan oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa ku baaqay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ka dhexeeya Dowlada Federalka iyo Maamul Goboleedka Jubbaland. Sidoo kale Wakiiladii ka socday dalalka UK, France iyo Germnay ayaa soo bogaadiyey qaaday horumarka ay dowlada federaalka arrimo dhowr ah, laakiin waxay ugu baaqeen in la helo iskaashi dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada dhex mara, iyadoo si toos ah u soo qaaday khilaafka ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Pakistan)-Saraakiisha dhanka siyaasadda u qaabilsan ururka Taliban iyo matalayaal ka socda xukuumada Washington, ayaa shalay gaadhay waddanka Pakistan. Madaxa wadahadallada Taliban Mullah Baradar iyo xubno ka socda Mareykanka oo uu hoggaaminayo , Zalmay Khalilzad ayaa ka dagay caasimada Islamabad sida tabinayaan warbaahinta dalkaasi. Afhayeenka Ururka Taliban Sabiixulaahi Mujaahid ayaa xaqiijiyay in waftigan ay kala xaajoon doonaan hoggaanka Pakistan arrimo la xidhiidha dib u bilaabida wadahadalladii nabada ee dowlada Mareykanka. Waftigayaga 11 ka xubnood waxay booqanayaan magaalada Islamabad kadib casuumaad kaga timid dowlada Pakistan oo ay kala hadli doonaan wadahadalkii nabada oo Mareykanka dib uga laabtay. Bishii hore ee September ayaa raysal wasaaraha Pakistan wuxuu ugu baaqay madaxweyne Donald Trump, in uu dib u bilaabo wadahadalladii Mareykanka iyo Taliban. Tan iyo markii uu burburay wadaxaajoodka labada dhinac ayaa kooxda Taliban wafti ka socda waxay booqdeen wadamada Ruushka Iiraan iyo Shiinaha, si ay kala hadlaan dadaalada nabada ee dalka Afghanistan. Donald Trump ayaa wada xaajoodka labada dhinac ka baxay 9 bishii September kadib markii 12 qof oo askari ka tirsan Mareykanka lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Kabul. Source
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani oo ku sugan Magalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa la filayaa in Maanta oo Khamiis ah in golihiisa Wasiiradda dhamaantood uu la qaato kulan xasaasi ah,sida ay xaqiijisay Madaxtooyadda Puntland. Shirka ayaa waxaa looga hadli doono arimo ay ka mid yihiin Shirkii beesha Caalamka iyo Soomaaliya ee shalay lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho iyo muranka u dhexeeya dowladda soomaaliya iyo maamulka Puntland. Ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo badan, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka Magaaladaasi. Waxaa la filayaa in shirka laga soo saaro qodobo xasaasi ah oo ku saabsan Xaaladaha Siyaasadeed ee dalka iyo shirkii Muqdisho ku dhex maray Dowladda Federaalka, qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada iyo Beesha Caalamka. Madaxweynaha Puntland ayaa horay u diiday ka qeyb galka Shirka, islamarkaana qaadacay, waxaana lagu waddaa in Puntland ay ku dhawaaqdo Maanta go’aamo cusub oo ka dhan ah Dowladda Federaalka . Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maamulkiisa aanu uga qeybgalin shirka iskaashiga caalamiga ah ee ka socda magaalada Muqdisho. Ugu horreyn wuxuu sheegay in Puntland diyaar u tahay iney miiska wadahadalka la fariisato dowladda federaalka, walibana iyadoo baahin toos ah laga sameynayo warbaahinta ay la xaajoodaan si loo ogaado cidda gardaran. Wuxuu tilmaamay Dani in sababta ugu weyn ee shirka uga hareyn ay tahay in aan laga talogelin ajendaha shirka, sidoo kalene ay baraha bulshada ku arkeen war-murtiyeedka shirkan laga soo saari doono. Xaalada siyaasadeed ee dalka ayaa mareysa heerkii ugu sareysay, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xooggan ay ka jiraan magaalada Muqdisho oo ay shirar ay ku leeyihiin Xisbiyada siyaasadda ee ay horboodayaan Madaxdii hore ee Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Beledweyn (Caasimada Online) –Maleeshiyada hubeysan ee loo yaqaano Macawiisley ayaa saaka waabarigii hore weerar ku qaaday Al-Shabaab ku sugnaa deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyay sida la sheegay kooxda macawiisleeyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalka ayaa la tilmaamay inuu yimid kaddib markii kooxda macawiisleyda ay weerar ku qaadeen saakay aroor hore dagaalamayaasha Al-shabaab ee ku sugnaa tuulooyin hoos yimaada deegaanka Ceel cali. Maxamed Cali Istakiin oo taliye u ah kooxda macawiisleyda ku sugan gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen uu kaga dhintay laba askari midna uu ka dhaawacmay halka Al-shabaab uu ku sheegay inay ka dileen 5 dagaalame iyo inay ka qabsadeen laba gaari oo nuuca dagaalka ah kuna xiran qoryaha dhashiikaha. Ma jirto war ka soo yeeray Al-Shabaab oo ku saabsan sheegashada Kooxdan ka tirsan Macawiisleyda ee saaka weerarka ku qaaday deegaanka Ceel Cali ee Gobolka Hiiraan. Sababta dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab ayuu ku micneeyay inaysan dooneyn dadkooda inay ku noolaadaan cabsi xooggan iyo in laga qaado lacago uu ku sheegay inay baad tahay. Kooxda macawiisleyda ayaa goobo badan oo kamid ah dalka waxa ay kula dagaalamaan dagaalamayaasha Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa shaaciyey in ay dhisayaan hay’addo amni oo xoogan. Mr Islow ayaa ku nuux-nuux saday in hay’addan uu qorshahoodu yahay in ay kawada howlgasho guud ahaan goboladda kala duwan ee waddanka. Miisaaniyad gaar ah ayuu daboolka ka qaadey in loo sameyn doono si ay ugu guuleysato waajibaadka culus ee ka saaran adkeynta nabad-gelyadda. Amniga ayaa la sheegay in uu kamid yahay qorsheyaasha ugu muhiimsan ee xukuumadda, kuwaasi oo la filayo in ay la dardargeliyo bilaha nagu soo fool leh. Hoos ka dhageyso codka wasiir Islow https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Islow.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa ka si furan wuxuu uga hadlay khilaafka dowladda iyo maamuladda qaar. Isaga oo ka hadlayey Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee Arbacadii lasoo gabagabeeyay Muqdisho, Xaaf ayaa tibaaxay in uu u guntan doono xalinta arrintaas. Dedaaladiisa ayuu ku nuux-nuux saday in uu isku dayi doono in uu gaarsiiyo sidii ay Somaliland ula heshiisin lahayd dowladda dhexe ee Soomaaliya. Hadalka Xaaf ayaa kusoo aadaya iyadda oo xukuumadda federaalka ay horey u shaacisay in ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dhinacyadda. Hoos ka dhageyso codka Xaaf https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xaaf.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday mucaawino cusub oo loogu talogalay arrimaha gargaarka, taasi oo ay siineyso Soomaaliya. Hay’adda Mareykanka u qaabilsan kaalmadda dibadda ee USAID ayaa shaacisay in deeqdooda cusub ay gaareyso 257 milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Lacagta ayaa ka dhigeysa in deeqda uu Mareykanku siiyay Soomaaliya kaliya sanadkan ay wadar ahaan gaareyso $498 milyan oo Doollar. USAID ayaa kaalmadan waxay kaga dhawaaqday Shirka Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, kaasi oo Arbacadii lagu soo gabagabeeyay Muqdisho. Xukuumadda Washington ayaa safka hore waxay kaga jirtaa liiska wadamadda sida xoogan u taageera Soomaaliya. View the full article
-
Boosaaso (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu kulan degdeg isugu yeeray Golahiisa Wasiiradda. Deni ayaa faray xubnaha xukuumadiisa in ay soo gaaraan magaaladda Boosaaso oo mudooyinkii u dambeeyay uu ku sugnaa. Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro arrimo ay kamid tahay xaaladda siyaasadda ee waddanka. Wararka ayaa intaas ku daraya shirka lagu soo qaadi doono khilaafka maamulka Deni kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Lama ogga hadii kulanka lagu soo qaadi doono Shirka Iskaashiga Soomaaliya oo Arbacadii lagu soo afjaray Muqdisho uuna kasoo horjeeday Deni. Hogaamiyaha Puntland ayaa Boosaaos u tegay kulan uu la qaato saraakiil ka socda Imaaraadka, kuwaasi oo heshiisyo uu la galay. Balse, waxaa heshiisyadaas kasoo horjeestay mid kamid ah beelaha dega xarunta gobolka Barri, oo is-afgarad ku sifeeyay wax aanan u cuntami karin. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-subax-3102019.mp3 View the full article
-
Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), ayaa shaacisay in dowladda Mareykanka bixinayso ku dhawaad $ 257 milyan oo gargaar bani’aadanimo ah, si loogu caawiyo Soomaaliya. Mareykanka waa deeq bixiyaha ugu weyn ee gargaarka bini’aadanimo ee ka jira Soomaaliya. Shaacinta taageeradaan dhaqaale waxay ka dhigaysaa in sanadkaan Maraykanku siiyay Soomaaliya ku dhowaad $ 498 milyan oo dollar. Gargaarkaan ayaa loogo talo galay in wax looga qabto, gaajada, nafaqo-xumada ba’an, biyo la’aanta, daryeel caafimaad oo deg-deg ah, waxbarashada, in la badbaadiyo dadka ay saameeyeen iska horimaadka socda iyo abaaraha soo noqnoqda iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool waddamada deriska ah. Dowladda Mareykanka waxay welwel ka qabtaa dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo la’aanta dhaqaale ku filan oo bani’aadanimo oo wax looga qabto. “Gargaar ballaaran ayaa loo baahan yahay si looga hortago xaaladaha ka sii daraya ee Soomaaliya.” Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in loo baahan yahay $ 500 milyan oo dheeraad ah oo loogu talagalay maalgalinta bina-aadamnimada gudaha Soomaaliya illaa Disembar 2019. Puntland Post The post Maraykanka oo ku dhawaaqay boqolaal milyan oo dollar inuu siinayo Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhowaan qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ka laabtay wakiilashadii Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ee dhameestirka dib u dhiska Galmudug. Caasimada Online, ayaa ogaatay in Madaxweyne Xaaf uu go’aansaday in uu ka soo horjeesto dowladda Soomaaliya kadib markii looga baxay 2 balan uu la galay Madaxweyne Farmaajo. Saddexda qodob ee sababay in Xaaf uu ka soo horjeestay DF ayaa kala ah. 1) – In loo diiday dhameestirka lacag lagula hesheeyay oo dhan 4 Milyan oo doolar, waxaana hore loo siiyay kalabar lacagtaasi. 2) – In loo diiday xubno lagula heshiiyay in ay kamid noqdaan Guddiga doorashada Galmudug oo lagu wado in dhawaan lagu dhawaaqo. 3) – Iyo in loo diiday lacag dhan hal Milyan oo doolar, taas oo aheyd lacag loo fasaxay maamul gobaleedyada iyo gobalka Banaadir. Dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan haddii ay Xaaf u dhameestirto lacagta u harsan, in uu kula dagaalami karo ama uu ka soo horjeysan doono qorshaha dowladda ee dhismaha Galmudug ku xiran Villa Somalia. Waxaa jira warar sheegaya in uu dib u bilaawday wada xaajood u dhaxeeya Madaxweyne Xaaf iyo madaxda dowladda Soomaaliya, kaas oo ay wadaan Xildhibaano markii hore garwadayn ka ahaa arimaha labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidamadda Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay goorta ay sida rasmiga ah uga baxayaan gudaha waddanka. Madaxa howlgalka AMISOM ahna wakiilka AU-da ayaa go’aankan kaga dhawaaqay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee Arbacadii lasoo afjaray. Francisco Madeira ayaa wuxuu si cad kaga dhawaajiyey in ay Soomaaliya ka hayaami doonan marka la gaaro sanadka 2021-ka. “Waxaan isla qaadanay in 15-ka bilood ee soo aadan ay noqoto mid muhiim ah, ciidamadana Soomaaliyana aan mas’uuliyadda ku wareejino 2021,” ayuu yiri. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu wacad ku maray in ay xoojin doonan taageeradda ay siinayaan dowladda si ay ugu guuleysato xaqiijinta amniga. Ugu dambeyntii, wuxuu kalsooni fiican ka muujiyey in mudada uga hartay waajibaadkooda ay guulo kasoo hooyaan dagaalka Al-Shabaab. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amaan iyo bogaadin u jeediyay bulshada ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee xarumaha ganacsiga ka hirgeliyay gudaha Puntland. “Dukaamadii magaalada ku yiillay, waad ogtihiin, dadka walaalaheena ee Koonfur Galbeed ka yimid baa xoogoodi maalgashaday” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo sii raaciyay “qof kasta oo maalgashanaya dalkan, in la soo dhoweeyo baa la rabaa, xuquuqdiisana la ilaaliyo, hantidiisana la xifdiyo.” Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Puntland ay albaabada u furtay shirkadaha maalgashiga gobolka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu shacabka reer Puntland ku boorriyay, in aysan hor istaagin maalgelinta Khayraadka dalka. “ Dowladda Puntland, wax allaale iyo cid kasta oo rabta dalkan in ay maal-geliso albaabada ayey u furtay, sharcigii maal-gelinta ayay wax ka beddashay, waxay diyaar u tahay dadka Geeska Afrika iyo caalmka ee danaynaya in ay ka manaafacaadsadan” ayuu yiri mudane Deni. “Waxaan kula dardaarmayaa dadka reer Puntland, in aysan noqon, dadka reer miyiga maahmaahday ku maahmaahan, dhuugu geedahana ma cuno geeluna kama daaqo, dad barwaaqada iska dul-fadhiya yaysan noqon.” Hadalkan ayaa madaxweynuhu ka sheegay kulan dadweyne oo habeen hore lagu qabtay magaalada Boosaaso. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Deni : Dhuugu geedahana ma cuno geeluna kama daaqo appeared first on Puntland Post.
-
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u furtey safaaradeedii Soomaaliya ku dhawaad sodon sano markii dalku ku burburay dagaaladii sokeeye ee waddanka ka dhacay. Bayaanka Arbacadii kasoo baxay safaarada ayaa lagu sheegay furitaanku inuu ka turjumayo horumarka dhowaan ka dhacay dalka Geeska Afrika oo weli la kulmaya weerarro isdaba joog ah oo ay geysanayaan kooxda xagjirka ah ee al-Qaacida ku xiran. Al-shabaab ayaa Isniintii isku dayday inay weerarto garoonka diyaaradaha ee Belidogle ee koonfurta Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka. Milatariga Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen 54 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish sanadkan. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa xirneyd 1991. Mareykanka wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday dowladda federaalka Soomaaliya sanadkii 2013. laakiin howlgalka diblomaasiyadeed waxaa saldhig u ahaa Kenya. Puntland Post The post Maraykanka oo 30 sano kadib dib u furey safaaradiisa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
ISTANBUL (AP) — Washington Post owner Jeff Bezos joined activists and friends of Jamal Khashoggi near Saudi Arabia’s Consulate in Istanbul on Wednesday, and demanded justice for the journalist on the first-year anniversary of his horrific death at the hands of Saudi agents. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online, ayaa xaqiijinaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay abaabuleen banaanbax ka dhan hogaanka dowladda Soomaaliya. Banaanbaxaan oo ciwaan looga dhigay “waan dulqaadan weynay” ayaa lagu wadaa in uu dhowaan ka dhaco Muqdisho waxaana ka qayb geli doono 2-daan hogaamiye iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Wali si rasmi ah looma sheegin barta lagu qaban doono, balse waxay dhinacyadu isku raaceen in banaanbaxa la qabto islamarkaana ay ka qaybgalaan Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay wado dedaal ay ku istaajineyso banaanbaxaan looga soo horjeedo sida ay wax ku wado Xukuumadda Soomaaliya iyo hoggaanka dowladda. Lama oga sida ay arintaan ku hagaagi doonto balse waxaa la xaqiijiyay in banaanbaxaan uu dhici doono maalmaha soo socda hadii aysan baajin Xukuumadda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay ciidan ka badan 400 oo Askari, kuwaas oo ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya islamarkaana la geyn doono degmooyin laga qabsaday Al-Shabaab oo ka tirsan Shabeelada hoose. Caasimada Online, ayaa heshay xog sheegeysa in ciidan daraawiish ah la geyn doono, Sabiib, Caanoole iyo Awdheegle oo dhowaan laga qabsaday Al-shabaab. Ciidankaan oo u badan dhalinyaro ka tirsan Booliiska magaalada Muqdisho, ayaa dhowaan loo daabuli doonaa degaanada aan soo sheegnay waxaana halkaas laga qaadi doonaa ciidamo Milateri ah oo ku sugan goobaha aan soo xusnay. Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanka Booliiska Soomaaliya aysan ka bixi karin sugida amniga degaanadaas oo Al-Shabaab ay ku hareereysan yihiin. Sidoo kale Saraakiishaan ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliya aysan hub, tayo iyo tiraba ku dhameyn Milateriga Soomaaliya, hadii la geeyana degaanadaasi ay halis ugu jiraan weerarada Al-Shabaab. “Waxaan ka digayaa in la laayo dhalinyaradaan oo qaarkood qaan gaar aheyn waayo Al-Shabaab waxaa iska celin la’a Milateri hub fiican heesta” ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. Ciidankaan ayaa la sheegay in uu hogaaminayo Sarkaal magaciisa lagu sheegay General Sulub, waxaana ciidankaan ay isugu jiraan kuwa ay tababartay dowladda Turkiga iyo qaar hore NISA uga tirsanaa oo xaafadaha Muqdisho ku sugan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay khilaaf ka dhex aloosan qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka iyo dowladda federaalka Somaliya. Waxaa uu sheegay Gaas in dowladda dhexe ee Soomaaliya laga doonaayo in ay tixgaliso hanaanka maamul goboleedyada ay ku shaqeeyaan, isla markaana ay dardar-geliso dhismaha maamulada ay madaxdoodu dhameysatay waqtigii xilheyntooda. Gaas ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda badanaa uu ka yimaado dano gaar ah oo dhanka dowladda dhexe ee Soomaaliya, isagoona sheegay in arimaha dastuurka ay baal maraan madaxda dowladda federaalka. Sidoo kale Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu maamul gobaleedyada uga baaqay in ay dhistaan madal ay ku mideysan yihiin, islamarkaana ay ka wadahadlaan xaalada ka jirta dalka, sida waxyaabbaha waxyaabaha ay isku hayaan madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Hadalka kasoo yeeray Cabdiweli Gaas ayaa kusoo aadayo xilli uu cirka isku shareeray khilaafka Dowladda Dhexe iyo qaar ka tirsan Maamul Goboleedyada. Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaanan ka qeyb-galeyn Shirka Caalamiga ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya ee ka socda Magalada muqdisho, iyada oo uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Federaalka. Dowladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhawr jeer lagu eedeeyey inay ku tumaneyso Dastuurka Dalka u yaalo ayna awoodda ciidan u isticmaaleyso caburinta Maamul Goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Baaritaan ay sameysay hay’adda Amnestay International ayaa lagu ogaaday in bishii Maarso ee lasoo dhaafay ay diyaaradaha Mareykanku dileen saddex ruux oo ay u beegsadeen in ay ka mid yihiin Xarakada Al-Shabaab balse xaqiiqdu waxay aheyd dadkaas ay ahaayeen shacab beeraley ah oo aanan la heynin wax caddeyn ah oo muujinaya xiriir kala dhexeeyay Xarakada Al-Shabaab. Nasiib xumo hay’adu waxay ogaatay in inkastoo militariga Mareykanka qiimeyn uu goor dambe helay oo khalad ahayd lagu sheegay in mid ka mid ah ragga la dilay uu ahaa dagaalyahan hadana wey ku guuldareystay in ay la xiriirto ehelladiisa si ay u helaan xog dheeraad ah, waxaana xusid mudan in dhammaan saddexda nin ee lagu dilay duqeyntaas ay ka tageen 19 carruur ah. “waa arrin aad u fool xun in uusan taliska Mareykanka ee Africa kala garaneyn cidda ay ku dilayaan duqeymahooda iyo dadka waxyeelada ugu daran ka soo gaarayso dagaalka qarsoodiga ah ee ay kaga jiraan Soomaaliya, waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in aysan jirin cid looga dacwooda iyo meel lagala soo xiriiro” sidaas waxaa yiri Cabdullaahi Xasan oo ah baare ka tirsan hay’adda Amnesty International. Weerarka ugu foosha xun ee warbixinta lagu faaqiday ayaa ah duqeyn 18-kii bishii May ee sanadkan ka dhacday tuulada Caddoow Dibile oo qiyaastii 5km u jirta degmada Afgooy taas oo lagu beegsaday gaari Toyota Saaruf ah oo ay wateen saddex nin oo beeralay ah oo ka soo laabtay beeraha kuna sii jeeday guryahooda oo ku kala yaalla Muqdisho, Leego iyo Yaaq Bariweyne. Duqeyntaas waxaa durbaba ku dhintay C/Qaadir Nuur Ibraahim oo ahaa darawalkii gaariga oo 46 sano jir ah iyo qof kale oo la socday oo lagu magacaabo Ibraahim Muxamad Xiireey oo 30 sano jir ah. Qof saaxiib dhow la ahaa C/Qaadir Nuur Ibraahim ayaa maalintii xigtay booqday goobta ay duqeyntu ka dhacday, kaas oo xilli uu u waramayay Amnesty International yiri: “jirka C/qaadir gabi ahaanba wuu gogo’ay balse waxaan aqoonsaday wejigiisa oo gubtay, waxaan sidoo kale aqoonsaday saacaddiisa oo ka soo laalaaday dhinaca hore ee gaariga”. Haweeney kale oo iyaduna booqatay goobta ayaa Amnesty u sheegtay in C/qaadir Nuur Ibraahim iyo Ibraahim Maxamed Xiireey ay labudba si ba’an u gubteen lana aqoonsan waayey ka dib markii jirkoodu uu cad-cad u go’ay. Qofka saddexaad ee saarnaa gaarigan wuxuu ahaa nin ay isku aabo yihiin darawalkii gaariga C/qaadir Nuur kaas oo la yiraahdo Mahad Nuur Ibraahim, kaas oo isna si daran u gubtay ugu dambeyntiina saddex todobaad ka dib ayuu ku dhintay gudaha Isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho. Warqado caafimaad oo ay heshay Amnesty International ayaa tibaaxayay in uu wadnuhu itaagay sidaasna u dhintay kadib markii ay isku darsameen dhiiggiisa iyo hilbihiisa, uuna 50% gubtay jirkiisa. Ma jirin wax cadeymo ah oo ay AFRICOM la wadaagtay ninkan ama wax xiriir ah oo ay la soo sameysay ka hor inta uusan dhiman. Waxaana xusid mudan in War Saxaafadeed uu soo saaray taliska Military-ga Mareykanka ee AFRICOM 19-kii maarso, maalin uun kadib duqeynta lagu sheegay inay dhibanayaasha lagu xasuuqay duqeyntaas ay ahaayeen dad argigixiso ah iyagoo aanan soo gudbin wax caddeymo ah, waxay sidoo kale AFRICOM sheegtay in ay ka war heyso wararka sheegaya inay dad shacab ah wax ku noqdeen duqeynta dib u eegisna ku sameyn doonto macluumaadka ku saabsan weerarka. Bishii May wariye warbixin ku soo daabacay Wargeyska Foreign Policyayaa AFRICOM siiyay caddeymo tibaaxaya in Ibraahim Muxamad Xiireey uu ahaa qof shacab ah, wuxuuna siiyay xiriirka ehelada qofkaas la dilay balse illaa hadda AFRICOM lama xiriirin wax dan ah kama galin dadkaasi. Sidaas oo kale Amnesty Internatonal ayaa sheegtay in ay military-ga Mareykanka la wadaagtay xog dheraad ah oo ku saabsan kiiskan bishii August ee lasoo dhaafay laakiin AFRICOM waxay ku gacan sayrtay in ay ka noqoto wixii ay ku doodeysay ee ahaa in ay saddexdaas nin yihiin dad argigixiso ah waxayna yiraahdeen “Duqeyntan waxaa lagu beegsaday xubno Al-Shabaab ah si macnawiyaatka looga jabiyo inta lagu gudajiro howlgalka ciidamad Soomaalidu wadaan, si gaar ahna macluumaadka la soo uruuriyey ka hor iyo ka dib duqeyntaba waxay tilmaamayaan in dhamaan xubnaha lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarka inay ahaayeen Al-Shabaab ama xiriir la lahaayeen ururka. Warbixinta waxaa lagu sheegay in AFRICOM aysan soo gudbin caddeymo xaqiijinaya waxay ku doodayaan ama tilmaamaya in ay baaritaan dheeraad ah sameyn doonaan balse Amnesty International ayaa wareystay ugu yaraan 11 ruux oo ay si fool ka fool ah iyo telephone intaba kula hadashay kuwaas oo ay wax ka weydiisay weerarkii 18-kii Maarso, waxaana dadka ay soo wareystay ka mid ah xubno ka mid ahaa qoysaska ay ka tageen ragga la laayay, kuwa booqday goobta ay duqeyntu ka dhacday, iyo shaqaale ka tirsan shirkada Hormuud oo mid ka mid ah nimanka la dilay uu ka shaqeynayey. Hay’adan ayaa sidoo kale sheegtay in ay qiimeyn ku sameysay wararka ay warbaahinadu ka qoreen duqeyntan, war saxaafadeedyada ka soo baxay dowlada Mareykanka, taargada gaariga, aqoonsiyada rasmiga ah, warqadaha caafimaadka iyo muuqaalo iyo sawiro laga soo qaaday goobta oo cadeynaya waxyeelada soo gaartay dhibanayaasha. Dhammaan dadkii aan la hadalnay waxay noo sheegeen in ay ka dhaadhici weysay in mid ka mid ah raggaas uu ahaa Al-Shabaab, sidoo kale Xarakada Al-Shabaab ehelada dadka la laayey kama hor istaagin inay soo uruuriyaan hilbaha meydadka ayna aastaan, laakiin marka ciidankooda la beegsado ma ogola in ay dad shacab ah usoo dhawaadaan goobta ay duqeyntu ka dhacday, taas oo ay hay’addu ku tilmaantay caddeyn kale oo muujinaysa in dadka la beegsaday ay yihiin dad rayid ah oo aan hubeysneyn. Amnesty waxay sheegtay inay diiwaan gelisay ugu yaraan lix weerar oo la aaminsanyahay in ay ciidamada Mareykanka ku beegsadeen dad shacab ah, ayna ku dileen ugu yaraan 17 ruux kuna dhaawaceen 8 kale. Duqeyntii Cabdow Dibile waxay ka mid ahayd in ka badan 50 duqeyn oo sanadkan gudahiisa ay Mareyakanku ka fuliyeen Soomaaliya kuwaas oo badankood ay ku beegsadeen dad shacab ah oo aan waxbo galabsan, laguna xasuuqay dad maato ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
