Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne Biixi Oo Soo Bandhigay Xalka Colaadda Ceel-Afweyn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Jalalaqsi)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidammada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka degmada Jalalaqsi kaas oo maanta ka dhacay gudaha degmada. Ciidamada Jabuuti ayaa la sheegay inay la wareegeen dhamaan xarumaha maamulka. Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii maamulka degmada Jalalaqsi ay diideen in la hawada laga saaro lana bakhtiiyo xarunta shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray, kaddibna ay howlo miina baadhis ah ay ciidamada Jabuuti sameyn jireen Dad ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee AMISOM ay gebi ahaanba la wareegeen xarumaha uu ku shaqeynayay Maamulka degmada Jalalaqsi, isla markaana ciidamadii maamulkaas dagaal magaalada lagaga saaray. Waa iska horimaadkii ugu horreeyay ee dhaxmara ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan. Source
  3. (SLT-Washington)-Sarkaal ka tirsan booliska Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, ayaa mar uu marayay wado ku taala Magaaladaas waxaa uu kula kulmay gabadh derbi jiif ah oo heeseysa, waxaannu go’aansaday inuu muuqaal kaga duubo telefoonkiisa, balse taas waxay badashay noolasha gabadha. Askarigii ayaa markii uu duubay muuqaalka gabadha iyadoo heeseysa, waxaa uu soo dhigay barta ay booliska ku leeyihiin Twitter-ka, waxaan saacado gudahood daawatay malaayin qof oo ka helay codka gabadha, iyagoo ka damqaday xaaladda ay ku nooshahay gabadha. Emily Zamourka ayaa muuqaalka laga duubay iyadoo ku heeseysa heestii Puccini’s ee ay qaaday fanaanada caanka ah ee O Mio Babbino Caro. Codka hallaasiga ah ee 52 jirkan ee ay heesteeda qaaday gabadha aya soo jiitay quluubta dad badan, oo qaar badan oo ka mid ah ayaa Twitter-ka kaga hadlay arrintaas, iyagoo aad ula dhacsan codka gabadha ay ku luuqanayso. Mid ka mid ah ayaa waxaa uu yidhi “codkeeda waa cajiib, waxaan u rajeynayaan nolol fiican, wuuna mahadsan yahay sarkaalkii booliska ahaa ee aqoonsaday codka hallaasiga ah ee gabadhan, baraha bulshadana dadka kula wadaagay!” Hase-yeeshee qaar kamid ah isla dadkaas isticmala Twitter-ka ayaa su’aal geliyay in Zamourka ay tahay derbi jiif oo aan heysnin hoy, waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Boorsada ay wadato, dharka ay xidhan tahay iyo sida timaheeda ay nadiif u yihiin marka la eego, waxay u muuqataa qof soo dhar iibsaday oo iska laafiyoonaya” Dadka qaar ayaa sheegay inay hore u arkeen gabadhan, iyadoo derbiyada jiifta,waxaana mid ka mid ah uu yidhi “Horre ayaa u arkay gabadhan oo waxaan dhowr jeer ku arkay iyadoo baaskiil ku kaxanayso tareenka iyo iyadoo wadada ku quudinaysa shimbiro, waligayna kuma fikirin inay leedahay codkaas hallaasiga”. Ms Zamourka oo la hadashay wargeyks told the Los Angeles Times in dalka Mareykanka ay timi iyadoo 24 sano jir ah, kana timid dalka Ruushka, halkaas oo ay sheegtay inay ku baratay sida loo garaaco turumbada iyo biyaanada heesaha. Source
  4. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay Dacwaddii uu Xisbigiisa Maanta u gudbiyey Maxkamadda Sare ee dalka taasoo ku saabsaneyd xayiradii Shiikh Shariif ee Garoonka Aadan Caddde. Shiikh Shariif ayaa sheegay inay dacwadaas Maxkamadda Sare u gudbiyeen iyagoo ilaalinayo shuruucda dalka u taalo, wuxuuna sheegay in is hortaaggii lagu sameeyey uu ahaa mid sharci darro ah. “ Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland” ayuu yiri Shiikh Shariif oo qoraal kusoo qoray Boggiisa rasmiga ah ee Facebook. Shiikh Shariif ayaa sheegay inaysan jirin cid ka sareyso Sharciga isla markaasna ay maxkamada Sare ka sugayaan cadaalad, wuxuuna xusay inay dacwadda si gaar ah uga gudbiyeen laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya oo uu ku eedeeyey inay iyada bixisay amarkii sharci darrada ahaa. “ Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa”. Shiikha ayaa ugu dambeyn sheegay inay dacwadaas Maanta usoo bandhigeen Saxaafadda uuna u akhriyey xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan. “ Shir jaraa’id oo aan ku qabannay xarunta xisbiga ayaan warbaahintana kula wadaagnay, iyada oo uu u aqriyey nuqulka dacwadda aan gudbinnay xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan”. Dhawaan ayey aheyd Markii Shiikh Shariif loo diiday inuu raaco diyaarad u socotay Magaalada Kismaayo ee Maamulka Jubbaland halkaas oo uu kaga qeyb geli rabay Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo sababtaas darteed u baaqatay. Shiikh Shariif iyo Xasan Shiikh oo horey usoo noqday madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Xafladda Caleema saarka Axmed Madoobe oo Arbacada la filayo inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. (SLT-Hargeysa)-Dunida kama dhacdo in qof dembiile dagaal ah oo xukun ku dhacay uu sawir la galo shakhsi ka mid ah kuwa caanka ka ah dunida badankeeda sida Heesaaga, Jilayaasha, Madaxweynayaasha, Ra’iisal Wasaarayaasha iyo kuwa la midka ah, waayo waxa uu sawirkaa uu qofka caanka ahi la galay dembiile dagaal, waxa uu sheegayaa inay taageerid u tahay, kuna raacsan tahay dembigii dagaal ee caalamiga ee uu galay. Haddaba Madaxweynaha Somaaliya Farmaajo oo booqasho ku tagay magaalada Washington ee dalka Maraykana bishii hadda ee aan kasoo gudubnay, ayaa waxa uu halkaa kula kulmay dembiile dagaal oo ka mid ahaa Saraakiishii xasuuqa xun ka geysatay Somaliland 1988kii, sida dad nolol lagu gubo ama lagu xabaalo. Kulankaas ka dhacay Washington oo la xidhiidhay Safaarad uu Farmaajo uga furayey Somaaliya, waxa lagu martiqaaday xafladda oo kasoo qeyb galay Dembiile dagaal oo magaciisa caanka ah ee loo yaqaanaa yahay (TUKE-Cabdi Cali) kaas oo ay isla sannadkan Maxkamad ku taal Gobolka Virginia ee dalka Mareykanku u aqoonsatay dembiile dagaal, iyadoo sida la sheegayo uu Madaxweyne Farmaajo ku amray diblomaasiyiintiisa inay ku soo martiqaadaan Tuke xafladdii furitaanka Safaaradda. Farmaajo intaas oo keliya may ahayn ujeeddadiisu, balse waxay daarrneyd inuu inaa-deerkii oo dembiile dagaala, xukun caalami ahna ku dhacay ku ilowsiiyo shaabadda dembiilenimo ee kaga dhegsan wejigiisa iyo sii jeedkiisaba, una muujiyo dadka wadaaga magaca Soomaali madaama uu maanta Madaxweyne yahay in Tuke aanu ka noqon Somaalida dhexdeeda qof laga dido oo dadku ka fogaadaan. Si taasi u hirgasho waxa uu sameeyey fal dembi ama ugu yaraan fadeexad weyn ka ah dunida, kaas oo ah inuu Madaxweyne Farmaajo sawir gaar ah la galay dembiile Yuusuf Cabdi Cali [TUKE] oo ah Sarkaalkii dadka nool ku gubay, isla markaana xabaalay iyagoo nool ee uu ku caddaaday dembigaasi, kadib markuu dacwad muddo dheer socotay ku oogay Farxaan Taani Warfaa oo ka badbaaday shan xabbo oo uu ku dhuftay Tuke, isla markaana uu ku sameeyey Jidh-dil. Tallaabadan waxa kale oo uu Farmaajo ula dan lahaa inuu ku niyad jebiyo shacbiga reer Somaliland ee halganka ugu jira inay xaqooda iyo xuquuqdooda ka helaan dunida, taasoo ah inay mar uun gartaan in Somaliland Qaranimadeedu tahay mid waafaqsan shuruucda Caalamiga ee dal lagu aqoosado, asbaabaha ay uga go’day Somaaliya-na ay tahay tan ugu dembeysay ee hadda uu Madaxweynaha Somaaliya taageerada ku siiyey Tuke oo ka mida kuwii xasuuqay shacbigii aan hubeysneyn ee reer Somaliland. Sidaa darteed, waa in bulshada Caalamku sawirka uu la galay Madaxweyne Farmaajo dembiilaha dagaal ee xasuuqa ka geystay Somaliland wax ka qabataa, maadaama uu dhaawacay damiirka dadka nool ee ay ehelka ahaayeen kuwii uu nolosha ku gubay, isla markaana ku xadgudbay xuquuqda bani’aadanka isagoo Madaxweyne dal sheeganaya, sidoo kalena dib loo eegaa taageerada ay dunidu siiso Xukuumaddiisa. MUXUU YAHAY YOOLKA XUKUNKA FARMAAJO EE MUQDISHO Farmaajo waa nin Madaxweyne ka ah Villa Somaaliya iyo inta ku xeeran oo ku siman illaa Madaarka iyo Dekedda Xamar inta u dhaxeysa, halkaas oo uu weli baaqi ku sii yahay magaca uu saxeexii Somaaliya oo maqaar saar u ah Qaramada Madoobay oo marka xaqiiqada laga hadlayo ah ta ka talisa, isla markaana dejisa qorshaha mustaqablka dembe ee dalkii Somaaliya oo ka kooban labadii dal ee ay u kala talinayeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Talyaaniga ee iskood isku raacay inay isku darsadaan oo la baxaan hal magac, kaas oo ahaa Jamhuuriyadda Somaaliya. Saxeexaa weli ku sii hadhsan xaruntii Villa Somaaliya, waxa haatan sidii Maafiyada Talyaaniga oo kale ugu shaqeyste Farmaajo oo sida dad ku dhaw-dhaw laga soo xigtay in ka hor intaanu ku fadhiisan saxeexa kursigan uu ku riyooday isagoo Madaxweyne ka ah Somaaliya oo ay Fannaaniin faro badan oo wiillal iyo gabdhaba leh ugu heesayaan hees la mid ah kuwii loogu heesi jiray Adeerkii oo ay ku jirto (NOOLOW MADDAALE ) iyo mid kale oo iyana ay ku jireen midhahani [WAQAL HOORRAYOO.. NA WARAABIYOO.. WEYNAHAAN KA TUUGNEE NOO WAAR.] Intaa waxay ku dareen ilahan ka agdhawi, inuu u sheegay iyana goob joog ka ahaayeen, iyadoo ay shacbiga Muqdisho u qaadayaan heestii (NOOLOW MADDAALE) dhawr jeer oo la damcay in reer Muqdisho lagu kiciyo, balse iyagoo eegaya sida firfircoonida leh ee uu Somaliland u jeebeeyey iyo sida uu Shabaabkii uga sifeeyey dalka, ayey shacbigii isu soo bax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo ku qabteen fagaaraha Daljirka Dahsoon, halkaa markuu ugu yimidna ay in ku dhaw 30 daqiiqo ku celcelinayeen heestii NOOLOW Maddaale, sidaana uu ku fashilmay shirqoolkii ay la damacsanaayeen Siyaasiyiinta waaweyn ee reer Muqdisho. Intaa wixii ka dembeeyey, waxa uu Farmaajo galka ka saaray seeftii kacaanka ee uu ku riyooday oo la dhex qaaday Madax-weynta magacyada waaweyn ku leh magaalada oo ay ugu horreeyaan kuwa ugu magaca sarreeyaa sida Janaraal Qeybdiid, C/raxmaan C/shakuur, Muuse Suudi Yalaxow, Korneylkii la deldeley ee Janannadiisii dilay yidhaahdeen isagaa isdeldeley iyo kuwa kale oo badan oo isugu jira Wadar iyo keli-keliba sida dadkii degganaa soonka Jaamacaddii Lafoole, Xaruntii Dhallinta kacaanka ee meelaha kale ee kasoo sokeeya ee dawladdu lahayd, balse inta degganeyd u badneyd beesha H/Gidir, iyagoo kala mid ah beelaha kale haddana keligood lagu amray inay ka guuraan. Waxa ka sii darnaa oo waxaas oo dhan isku fuuqsaday, marag muujina u ah sida uu u jilayo Farmaajo ficilladii foosha xumaa ee Adeerkii , markuu ku dhiiraday inuu shakhsi ka mid ah kuwa biri-megeyda u quudhay inuu kula kaco oo ku fuliyo ficil gardarro cad oo qaawan ah, kadib markuu Farmaajo amray in laga soo dejiyo diyaarad uu doonayo inuu u raaco illaa Kismaayo Madaxweynihii ugu soo dhadhawaa in Somaaliya heshiis ka dhaco dhexdooda. Shakhsigaas waa Madaxweyne Sheekh Shariif oo lagu sifeyn karo hoggaamiye ku dhac leh, maadaama uu yahay ninkii ka diiday dalalka Shisheeye ee daneeya Somaaliya iyo Qaramada Midoobay in doorasho dembe oo Baarlamaan iyo Madaxweyne-ba ka dhacdo meel aan ka ahayn dalkiisa. taas oo aakhirkii ka hirgeliyey in dalka gudihiisa lagu qabto doorashooyinka, inkastoo tii ugu horreysay ee uu ku qabtay Muqdisho ay ku abaalmarisay in lagaga guuleysto tartankii aan dhaafsiisneyn Hool lagu soo ururiyey dad gaadhaya dhawr boqol oo intoodii badneyd u codeeyeen Xasan Sheekh Maxamuud. Reer Muqdisho dhug iyo dareenba ha u yeesheen ficillada Farmaajo inta uu ku soo jaheynayo Somalailand oo hore u tashatay, iskana ilowday wixii hore ugu dhacay oo dhan. Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madax-dhaqameedka West Burco Clan ayaa ka hadlay nuxurka arrimo ay isla qaateen Madaxweynaha Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  7. Awoodda bixinta cafis (amnesty) ama saamaxaad (pardon) waxa iska leh oo ay gaar u tahay madaxwaynaha sida ku cad qodobka 90(5) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad qodobka 144aad ee Xeerka Ciqaabta, Madaxwaynuhu wuxuu cafis u fidin karaa cid dembi aan weli lagu soo oogin ama cid eedi ku socoto ama cid la xukumay. Halka saamaxaaddu ku kooban tahay cid dembi lagu helay oo qayb ka mid ah ama dhamaan ciqaabtii la saaray laga saamaxayo sida ku cad qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta. Cafisku mid guud iyo mid gaar ahba wuu noqon karaa. Ka guud dad badan ayuu saameeyaa, ka gaarka ahina cid magacaaban. Cafiska iyo saamaxaddu waa go’aan madaxwayne oo qoran. Awoodda cafisku waa u gaar madaxwaynaha oo cidi lama wadaagto, uma na baahna in cid kale ansixiso. Jawaabta su’aasha waydiinteedu igu soo noq noqtay waa intaas. Source
  8. (SLT-Pyongyang)-Wadahadallada Niyuukleer-ka ee u dhaxeeyay saraakiil ka socota xukuumadda Washington iyo Pyongyang, oo ka socday dalka Sweden ayaa burburay sida uu sheegay matalaha dhanka wadaxaajoodka Kuuriyada Waqooyi. Shirka oo ka dhacay xarun ku taalla duleedka magaalada caasimada ah ee Stockholm, ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah ay u kulmaan saraakiil sare oo ka tirsan labada dhinac. Madaxweyne Donald Trump iyo hoggaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong Un, ayaa bishii June ee badhtamihii sannadkaan isku waafaqay in dib loo bilaabo wadahadalada Niyuukler-ka oo horay hakad u galay. Bishii Febraayo ee sanadkaan ayaa labada madaxweyne waxay kulan ku qaateen dalka Vietnam, inkastoo ay kala tageen iyagoo aan gaadhin wax heshiis Ah. Matalaha dhanka wadahadalada Kuuriyada waqooyi mr Kim Myong Gil oo warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee safaarada dalkaasi ku leeyahay magaalada Stockholm ayaa sheegay in ay burbureen. Mr Gil ayaa intaa raaciyay in Mareykanka aanu la imaan dulqaad badan si ay u sii socdaan wadahadalka labada dhinac. Dhanka kale xukuumada Washington ayaa sheegtay in ayna xaqiiqda ka tarjumeyn hadalka Kim Myong Gil, ayna Washington aqbashay casuumaada si loo sii wado wada xaajood dheeraad ah laba todobaad Kadib. Source
  9. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana soo jeeda Gobolka Awdal, ayaa ka hadlay xiisada ka taagan Deegaanka Saylac, waxaanu sheegay in aan Madaxweynaha looga baahnayn inuu xalka xiisadan u diro Wasiiro, balse looga fadhiyo inuu u diro Xeer-beegti, Guurti iyo Madax-dhaqameed. Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in la dhammeeyo oo wax laga qabto dhibaatooyinka tabasho ee jira, waxaanu ugu horAyn yidhi “Xiisada ka taagan Deeganka Saylac, ee keentay inay is qabtaan laba reer oo walaalo ah, oo waliba xiisadooda iyo waxay isku hayaan ay sababtay inay dhimasho timaado, maaha arin la fududaysan karo, mana ah arin sahlan, ee waa arin loo baahan yahay in si xeer-beegti iyo guurtinimo ku dheehan tahay loo galo, loona dhammeeyo waxay isku hayaan labada reer, laakiin Madaxweynuhu wuxuu u soo diray saddex wasiiro, oo ka tirsan Xukuumaddiisa, kuwaas oo kala ah Wasiirka Caafimaadka oo dhalinyaro ah, Wasiirka Gaashandhiga oo dhalinyaro ah, iyo Wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore, arintana maaha arin ay Wasiiro wax ka qaban karaan, ee Madaxweyne xiisada ka taagan Deegaanka Saylac saddex Wasiir oo aad u soo dirtaa waxba kama qaban karaan, ee xeer-beegti, guurti iyo odayaal baa wax ka qaban kara, oo ay hawshoodii tahay, arintan maanta wax waa laga qaban karaa, laakiin haddii sidaas loo daawado, oo cidii shaqadan lahayd loo xilsaari waayo, faraha ayey ka baxaysaa, ee maanta ayey wax waba dhaw yihiin ee Madaxweyne cida shaqadan leh u dir”. Mar uu ka hadlaayey tabashooyinka jira ayaa yidhi “Gobol kastaaba wax buu tabanaya, tabasho kasta oo jirtana in halkeeda lagu dhammeeyo weeye, in la is adkeeyo, ama la is diidsiiyo tabashooyinka jirana maaha, inta la is diidsiinayo waxaa ka haboon oo ka qurux badan in la yidhaahdo waxba lagama qaban karo, anagu hore ayaanu uga hadlaynay arrimaha saami-qaybsiga, in wax laga qabtaana waa mid aanu filayno oo aanu sugayno”. Mar uu ka hadlaayey Daahir Rayaale ayaa yidhi “Madaxweynihii hore Somaliland Muddane Daahir Rayaale Kaahin, si odaytinimo ayuu u hadlay, dardaaran iyo talooyina uu soo jeediyey, in talooyinkiisa la tixgeliyo oo la qiimeeyo ayaa haboon” Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal ayaa sheegay inaan cid Somaliland ka tirsani aanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah u gaarka ah Somalia, marka laga reebo arinta waddahadalada Somaliland iyo Somalia oo xukuumaddu ay ka qaybgali karto. Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxa uu sidaasi sheegay mar uu maanta u waramayey Telefishanka HCTV, isagoo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ninka odhanaya ama cida odhanaysa inay ka qabgasho caleemo-saarka gobol ka mid ah Somalia waa arin siyaasadeed, arimaha siyaasiga ahna in laga qaybgalo waxa aynu u leenahay go’aan labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ay si wadajir ah usoo saareen oo ay hore ugu mamnuuceen in dhamaan qaybaha bulshada, ha noqoto aqoonyahan, Madaxdhaqameed, Siyaasiyiin iyo xildhibaan ciday doonaanba ha noqotee inaanay ka qaybgali karin arimaha siyaasiga ah ee Somalia,” ayuu yidhi Garyaqaanka guud ee Somaliland, Cabdisamad Cumar Maal, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kaliya ee Baarlamaanku waxkabadal ku sameeyey oo u ogolaaday xukuumadu inay ka qaybgali karto arimaha wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay wadaleeyihiin, markaa cida kaliya ee awood u leh (mandate) inay ka qaybgalaan arimaha siyaasiga ah ee Somalia waa xukuumadda, cid kale oo Somaliland magaceeda ku hadli karta ama sheegan karta oo dhanaysa waxaan ka qaybgalayaa arimaha Somalia, ama caleemo-saar ha noqoto ama shirarkooda ha noqoto ama dawladd dhisidooda ha noqotee ama dib u heshiisiintooda ha noqotee ma jirto,” ayuu yidh Garyaqaanka guud ee Qaranka Somaliland Cabdisamad Cumar Maal. Source
  11. Wixii ka danbeeyey doorashadii ka dhacdey magaalada Kismaayo, shacabka ku nool Jubaland, gaar ahaan kuwa ku sugan Kismaayo waxey marti u noqdeen ciqaab wadareed aysan muteysan taas oo kaliftey in shacabku dareemo in aysan wax xaquuq ah ku laheyn dowladda Soomaaliya ee maanta dalka ka talisa. Dowlada federalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaadey talaabooyin guracan oo lagu cunaqabateynayo shacabka magaalada Kismaayo oo markii hore marti u ahaa siyaasado isdiidan oo degaanka iyo dalka ka jira. Arrimahaan ayaa waxaa sabab u ah qorshe afduub lagu micneeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka damacsaneed doorashada Jubbaland. Talaabada dowladu ay ku dooneysey in ay ku maamusho doorashada Jubbaland ayaa fashilantey kadib markii maamulka Jubbaland uu ku sameeyay is hortaag iyagoo ka cararaya doorasho la mid ah midii ka dhacday Baydhabo 2018-kii. Natiijada doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa lagu sheegay in uu markale hogaanka Jubbaland uu ku guuleestay Axmed Madoobe, waxaana goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale. Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeynayaa in ay qaadeen talaabooyin adag oo aan dan ugu jirin degaanka iyo shacabka, taas oo la sheegay in ay Kismaayo u horseeday nolal xumi dadka degaanka soo wajahday. Dadka degaanka ayaa ku tilmaamay go’aanka duulimaadka ciqaab wadareed aysan xaq u laheyn maadama aysan jirin qalad ay qaranka iyo dowladaba ka galeen. Waxaa istaagey dhamaan adeegyadii dadweynaha magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku hareereysan waxaa ku dhintey 3 ruux kuwaas oo xanuunkooda wax looga qaban waayey magaalada Kismaayo loona soo qaadi lahaa Kismaayo sida ay sheegeen masuuliyiinta Jubbaland. Siyaasiin badan ayaa arintaan ku tilmaamay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo midda muwaadinka iyagoo dowladda ugu baaqay in ay arrintaasi ka laabato. Go’aanka duulimaadka Kismaayo ayaa sababay in Wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan (Janan), oo ay dowlada Soomaaliya horey u burisey dacwad loo heestey ka qabato garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana arrintaasi markale sababtay jahwareer siyaasadeed oo xoog leh. Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ayaa arintaan ku micneeyay mid cabsi iyo dowlad nacayb ku abuuri karta shacabka Jubbaland ee aan ku lug lahayn qalalaasaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa Jubbaland iyo Dowladda Dhexe. Daneeyaasha arimaha Soomaaliya ayaa dowladda ugu baaqay in ay dib u eegis ku sameyso go’aan kasta oo ay ka qaadaneyso xiisadda kala dhaxeyso Axmed Madoobe maadama shacabka ay wajahayaan dhibaatooyin daran. W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. Hargaysa(SL-T):Gudida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyey Shirkadaha Ku Guulaystay Mashaaric Xukumadu Ka Hirgelinayso Gobolada Dalka. Source
  13. Madaxtooyada Somaliland ayaa shaacisay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo ergedii nabadaynta gobolka Sanaag, ay maanta is Af-garad buuxa ka gaareen soo af-jaridda colaaddii u dhexaysay jabhadda Caarre iyo xukuumadda Somaliland. Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kulan dhexmaray madaxweyne Biixi iyo ergadii nabadaynta, ayaa la iskula qaatay in si degdeg ah loosoo af-meero arrinta ka taagan degaanka buuraleyda waqooyi ee gobolka Sanaag, islamarkaana wada-jir loo taageero nabadda iyo deggenaanshaha gobolka, waxaana madaxweynuhu aqbalay inuu cafiyo ciidamada ku sugan halkaas, islamarkaana la qarameeyo. Salaadiin, cuqaal iyo waxgarad ay ka mid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Cali Badda-cas, Suldaan Cabdiraxmaan Aw Good, Chief caaqil Maxamuud Nuux, Xildhibaan Saleebaan Cawad Bukhaari, Sheekh Cawil Faatax iyo waayeel kale oo ka mid ah ergada nabadaynta, ayaa madaxweynaha la qaatay in dhammeeyo dhibaatadaas, waxana uu madaxweynuhu shaaca ka qaaday in xukuumadu diyaar u tahay adkaynta nabada iyo horumarka gobolka, isaga oo caddeeyey inaan cidina ka sarrayn shuruucda dalka u dejisan. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa uu guddida u sheegay in uu nabadda darteed diyaar u yahay inuu awooddiisa ku meelmariyo wax kasta oo arrintaas lagu soo afmeerayo,isagoo madasha kaga dhawaaqay inuu cafiyey dhammaanba ciidamada la socda Col. Siciid Cawil Caarre, balse wuxuu xusay in Cafis loo fidiyo Siciid Laftiisu u baahan yahay sharciyad la raaco, maadaama ciidamada iyo saraakiishoodu kala kiis yihiin. “Ciidamadu waxa ay u kala qaybsan yihiin saraakiil iyo askar, waana kala kiis, innamada halkaas jooga sarkaalka sare mooyaane intooda kale dhammaantood wax allah wixii qaranku dembi u haystay waan ka saamaxay, sharcigaana ii oggol, laakiin gaashaanlaha sare ee hoggaaminaya waxaynnu u baahannahay inaad iisoo martaan sharci aan ku saamixi karo, qofku markuu xidhan yahay oo dembigii uu qaatay oo uu xabsi ku jiro oo laga fikiro qofkii dembigii wuu ka baxay Saamax iyo qofkii dalka ma joogo” ayuu yidhi madaxweyna Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo ku dhawaaqday in heshiis laga gaaray colaaddii jabhadda Col. Caarre appeared first on Puntland Post.
  14. Baaristii ku socotay daawada gaaska ee “Ranitidine”, kuna magac dheer “Zantac” ayaa soo gabagabowday, waxaana la xaqiijiyay inay sax tahay in daawadaasi ay ku jirto maadada loo yaqaano “NDMA” taasoo lala xiriirinayo xanuunka kansarka. Wadamo badan ayaa isku raacay in la joojiyo sida ugu dhakhsiyaha badan, waxaana amar lagusoo saaray in suuqyadooda laga ururiyo. Zantac oo la ogsoon yahay in aad looga isticmaalo Soomaaliya, ayaa dhaqaatiirta arrintaan la socda waxay soo saareen digniin iyo baaqyo ku socda ummadda Soomaaliyeed oo ku saabsan joojinta Kiniinkaan. Maxay kala socotaa wasaaradda caafimaadka Puntland? Warbaahinta Puntland Post waxay xogta ku haysaa in wasaaradda caafimaadku dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo amar daawadaan looga mamnuucayo gudaha Puntland, laakiin u baahan yahay in la fuliyo. Hay’adda Cuntada iyo Dawooyinka ee Mareykanka ayaa sheegtay dawooyinka loo yaqaan ‘ranitidine’ oo ay kamid tahay Zantac, in ay ku jiraan aalkolada loo yaqaan’ nitrosamine oo ay suurtogal tahay in laga qaado cudurka kansarka bini-aadamka. Puntland Post The post Daawada gaaska ee Ranitidine oo la ogaaday in laga qaado Kansarka. appeared first on Puntland Post.
  15. By AGGREY MUTAMBO Somalia’s rise from the ashes of civil war faces the threat of another collapse if it does not establish competent courts, critics of President Mohamed Farmajo say. Politicians drawn from opposition groups say lack of a credible judicial system is one reason lawlessness thrives, with key decision makers still squabbling on how to create a new constitution. In a controversial memorandum, Abdallah Ahmed Ibrahim, a political leader, wants the African Union Mission in Somalia to talk less about military support and focus on setting up courts. CONSTITUTIONAL COURT “Amisom has been around since 2007 yet we face the same problems. We don’t have a reliable judicial system and there is no constitutional court. There is no competent agency to address differences between the arms of government or the federal government and the states,” he said in Nairobi last week. “I appeal to the AU, the Arab League, UN and other international partners to establish independent courts. It does not matter if they will have foreign judges initially because we do not seem to trust one another. The existing courts are not independent but under the control of politicians,” he said. Ibrahim, known by his nickname “Afwaranle” is a journalist who contested the Jubbaland presidential race in August. The executive member of Cahdi Party in Somalia says he learnt there was no competent organisation to handle post-election grievances, and that civilians resorted to dealing with problems using al-Shabaab and other militia. “It means al-Shabaab will still thrive,” he said. SHABAB COURTS The Sunday Nation could not verify the truth in the Shabaab courts claim but a recent Voice of America report indicated the militant group has infiltrated government departments, collecting taxes and meting out punishment. Ibrahim’s views came just as donors met in Mogadishu to discuss the key Transition Plan that includes holding universal suffrage elections by 2021. The targets, in a document called the Mutually Accountability Framework, include stabilising the national army, passing electoral laws by December and promulgating a new constitution by next June. But it also lists judicial reforms that will see the country establish courts. Somalia Deputy Prime Minister Mahdi Gulaid admitted that there are problems. “We are under no illusion to underestimate the many challenges ahead of the country’s full recovery, which demands concerted political and financial commitments, from local and international partners,” he said. All that though must start with the politics, donors said. DONORS “These issues cannot be solved unless we believe in the idea of win-win again. An idea that the reconstruction of Somalia … matters more than our personal differences,” British ambassador to Somalia Ben Fender said. And as he spoke, some representatives of the federal states were absent. “The targets sound nice but may not be feasible at the moment,” said Abdimalik Abdullahi, a researcher on Horn of Africa. “The prerequisite is political inclusivity. That is missing.” Wadajir Party leader Abdishakur Abdirahman said Somalia’s partners are peppering over lack of political inclusivity “which is the reason behind stalled reforms”. “Security architecture and transition plans have collapsed and the militants have infiltrated the intelligence agency,” he said. UNCERTAINTY “Election uncertainty poses danger to the security and political stability of the country,” he said, referring to the squabbles between the two levels of government. Recently, President Farmaajo’s government took control of Galmudug state when it failed to conduct elections. Its leader Ahmed Duale Guelleh argues that his term ends in 2021. It also imposed flight restrictions to Jubbaland to stop the inauguration of Ahmed Madobe as president after it refused to recognise his victory. “To this government, you may be a friend today and an enemy tomorrow,” Ibrahim added, referring to the arrest of Jubbaland Security Minister Abdirashid Hassan Abdinur “Janan”. ARRESTED “If he toed their line, he would be free. He has been arrested for crimes he committed many years ago. It is a political move.” Accused by the UN Somalia and Eritrea Monitoring Group of killings, torture, detentions, illegal renditions and other crimes between 2014 and 2015, Janan was often free to travel around Somalia. Somalia’s lack of a proper judiciary is compounded by corruption. Transparency International lists Somalia as the most corrupt African country and that “corruption occurs at all levels in the public and private sectors”. In September though, Somalia enacted antic-corruption law, paving the way for the establishment of a watchdog. Source: Daily Nation
  16. Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha maamulka Khaatuma ayaa maanta soo gaaray gudaha magaalada Muqdisho. Galeyr ayaa u jeedka socdaalkiisa ku sheegtay inuu la xariiro arrimo isaga u gaar ah, wuxuuna tilmaamay inuu joogi doono muddo 10 cisho ah. Sidoo kale waxa uu Siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ka warbixiyey wadahadallada u socda maamulkiisa iyo Somaliland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Cod-2-Soofa.mp3 View the full article
  17. Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka iyo siyaasiyiin maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Jubbaland. Kulanka oo ahaa mid ballaaran ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tiran isbedal doonka Jubbaland, iyadoona diirada lagu saaray xaaladda cakiran ee maamulkaasi. Sidoo kale waxaa kulankan lagu cambaareeyey diyaaraddii shalay ka degtay Kismaayo, taas oo siday C/kariin Xuseen iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan. Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Safiyo-Cusmaan-Cabdulle.mp3 View the full article
  18. MOGADISHU (HOL) - Himilo Party has today filed a suit against Somali government over ‘violation of its leader’s rights. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay dib magaalada Kismaayo ugu celisay dad uu Maamulka Jubbaland ka soo musaafuriyay magaaladaasi. Dadkan ayaa waxaa Magaalada Kismaayo laga soo saaray diyaarad u soo socotay Magaalada Muqdisho, ka dib markii Maamulka Jubbaland uu dadkaasi u arkay kuwo la safan garabyada kale ee siyaasadeed ee ka jira Kismaayo, kana soo horjeeda maamulkaasa. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladda ay ku amartay diyaaraddii dadkaasi keentay Magaalada Muqdisho in ay dib ugu celiso Magaalada Kismaayo. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa Maamulka Axmed Madoobe ku eedeeyay in dadka deegaanka uu guryahooda ka soo barakicinayo, dowladuna ay bilowday in ay dib ugu celiso maamulkii soo barakiciyay. Xildhibaan Jeesow oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa ku waramaya in Magaalada Kismaayo ay tahay magaalo uu xaalkeedu murugsan yahay, laguna xir xirayo dadka Soomaaliyeed, sida uu yiri. Jeesow ayaa sheegay haddii Maamulka Axmed Madoobe uu dadkaasi dilo aanay dowladda maxkamad ku soo taaggi karin, iyadoona uu walaac ka muujiyay tallaabada dadkaasi dib loogu celiyay Kismaayo. Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ku qab qabanayay siyaasiyiinta iyo xubnaha ka mid ah garabka is bedel-doonka ee fadhigiisu yahay magaaladaasi. Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Magaalada Muqdisho u soo musaafuriyay dad uu ka soo eryay Magaalada Kismaayo, oo musaafurintoodu ay la xiriirto arrimo siyaasadeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. MOGADISHU (HOL) - At least four Somali forces were injured Sunday morning following a clash with Djibouti forces serving under AMISOM in Jalalaqsi, Hiiraan region. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha maamulka Khaatumo, Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa maanta shaaciyay isagoo ku sugan magaalada Hargeysa inuu u ambabaxayo magaalada Muqdisho. Prof. Galeyr ayaa sheegay in uu Muqdisho u tageyn arrimo siyaasadeed, balse uu ugu safrayo arrimo gaar ah oo kaga xiran caasimada umadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Cali Khaliif ayaa sidoo kale waxa uu rajo fiican oo ka duwan quustii hore ka muujiyey dhaqan-galida heshiiskii uu la galay Xukuumadii Siilaanyo, taasi oo uu sheegay in uu Madaxweyne Biixi uu fulinayo. Prof. Cali Khaliif Galeyr, oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Wax siyaasad ku shuqul leh maaha waxaan Xamar u aadayo, waa wax gaar ah oo shaqsi ah. waxaana soo laabanaya muddo toban cisho ah”. “Howsha reer khaatumo halkan bey ka socota (Somaliland). Waxaana ku rajo weynahay in markaan soo noqdo arrintan la kala tuuro, meel fiicana wey mareysa”. Wuxuuna intaas kusii daray “Muuse Biixi iyo Siilaanyo waxay ahaayeen xisbigii Kulmiye, Muuse-na wuxuu ahaa guddoomiyaha kulmiye, heshiiskana waxaanu la galnay maamulka Kulmiye. Wal-wal kamaanu qabin in Muuse fulin waayo ee fursadii unba suuroobi weyday oo waxay u baaqdeen hab farsamo”. Prof. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr-jeer oo hore sheegay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ay ka dhago adeygayso fulinta heshiiskii uu la galay Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo, balse dhawaaqan maanta ayaa waxa uu muujinaya inay wax iska badaleen aragtidii Biixi ee ku aadaneyd heshiiskaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  22. Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xiisad xoogan ay ka taagan tahay qeybo ka mid ah degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi. Xiisada ayaa lagu soo warramayaa inay u dhexeyso ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo ciidamo ka amar qaata maamulka degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisadu ay timid, kadib markii Booliska degmada ay diideen in la damiyo isgaarsiinta, si loo sameeyo howgallo miino baaris ah. Iska hor imaad kooban ayaa sidoo kale la sheegay inuu dhexmaray labada dhinac, kaas oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabellle ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in haatan ay kala xiran tahay magaalada. Dhinaca kale Shabelle ayaa wax ka weydiistay shaqaaqadaasi guddoomiye ku xigeenka dhinaca samafalka iyo horumarinta mashaariicda degmada Jalalaqsi, Maxamed Cabdi Abiikar, wuxuuna carabka ku dhuftay inuusan jirin dagaal dhacay degmadaasi, basle wuxuu tilmaamay inuu jiro qarax uu ku dhintay hal qof oo shacab ahaa oo ka dhacay halkaasi. Arrintan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo shalay ciidamada Jabuuti ay is hortaag ku sameeyeen mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya oo doonayey inuu gudaha u galo garoonka Ugaas Khaliif ee M/ Beledweyne. View the full article