-
Content Count
213,475 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Jindi) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyey in markale dib loo dhigay xafladda caleema saarka ee Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Jindi oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ayaa sababta ku sheegay in weli ay caqabado ka jiraan safarada lagu aadayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale wuxuu sheegay in xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo ay saameysay dhammaan mas’uuliyiinta iyo xubnaha ka soo qeyb gali lahaa munaasabadda. “Way iska cadahay adeer sababtu wax kale ma’ahin carqalado fara badan ayaa waxa ay ka timid safaradii lagu soo aadi lahaa Kismaayo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirisaaq Jindi. Maa shaacin Xildhibaanku xilliga rasmiga ah ee la qabanayo caleema saarka, balse wuxuu carabka ku dhuftay in xafladda aysan dhaafi doonin todobaadka dambe. Khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysanaya, iyadoona xalay dowladdu ay soo saartay habraaca doorasho ay ka qabaneyso maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraha Aadan Cadde. Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kusoo dhoweeyey Garoonka Aadan Cadde. Guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa iney u ambabaxaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isla maantaba. Waxay magaaladaasi uga qeybgali doonaan furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ammaanka magaaladaasina aad loo adkeeyey. Madaxda maamulka K/galbeed iyo dadweyne aad u badan ayaa ku sugan garoonka Baydhabo si ay usoo dhoweeyaan madaxda halkaasi ku wajahan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Riyadh)-Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso sidii dalka Suudaan uu Mareykanka uga saari lahaa wadamada maalgaliya argagixisada. Qoraalkaan ayaa lagu shaaciyay bogga Twitter-ka ay ku leedahay wasaarada Arrimaha dibadda Sacuudiga kadib kulan axadii shalay ay wada qaateen boqorka Sacuudiga madaxa gudiga dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan iyo raysal wasaare Cabdala Xamduuk. Dowladda Mareykanka ayaa xukuumadda suudaan waxa ay saartay cunaqabateyn sannadkii 1993-dii kadib markii lagu eedeeyay madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir in uu maalgaliyo kooxaha Argagixisada. Dowlada ku meel gaadhka ah ee Suudaan ayaa la dhisay bishii Agoosto ee sannadkan kadib dibadbaxyo muddo bilo ah qaatay oo xilka lagaga tuuray madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo sodon sanno hayay Talada. Wasiirka arrimaha dibadda suudaan Asmaa Cabdala ayaa bishii hore sheegay in dowlada cusub ay muhiimadeeda koowaad ay tahay sidii suudaan looga saari lahaa diiwaanka dalalka maalgaliya Argagixisada Caalamka. Ugu danbeyn boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay inay qeyb libaax ah ay ka qaadan doonto sidii suudaan looga qaadi lahaa xayiraada dhaqaalaha aa saaran si sare loogu qaado kobaca Dhaqaalaha. Source
-
Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay habraacii doorashooyinka baarlamaanka Jubbaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya. Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed, wasiirka wasaaradda warfaafinta Jubbaland ayaa isaga oo la hadlayey BBC-SOMALI wuxuu sheegay in warqaddaasi tahay sharci darro aan geed loogu soo gamban. Wuxuu sheegay wasiirka, in warqaddaasi ay la mid tahay kuwii ka horreeyey ee wasaaradda arrimaha gudaha usoo saartay sida indho la’aanta ah waa sida uu hadalka u dhigaye. Wasiir Cabdi ayaa dhanka kale sheegay in ay haatan aad ugu mashquulsan yihiin munaasabadda caleema saarka madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Khilaafka u dhaxeeya Jubbaland iyo DFS ayaa maraya halkii ugu sarreeysay, iyadoo dowladda dhexe ay qaadday tallaabooyin dhowr ah oo ay ku dooneysay iney kaga hortagto doorashada Jubbaland, wallow ay u dhacday si daah furan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 2019 ku magacaabay Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag. Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Dani ayaa Gaashaanle Dhexe Bashiir Cali Maxamed u magacaabay inuu noqodo Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Muddooyinkii u dambeeyay maamulka Puntland waxa uu farogalin ka waday gobollada bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho. Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti ayaa saacadaha soo socda kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalka, kuwaas oo looga hadlayo xiriirka labada dal ee walaalaha ah. Sidoo kale wararka ayaa sheegay in wufuud ay hoggaaminayaan guddoomiyeyaasha baarlamaanada Soomaaliya iyo Jabuuti ay maanta ku wajahan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ujeedka ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga shanaad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo furmaya beri oo Talaado ah. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu soo daayey waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi. Qaban qaabadii ugu dambeysay ee loogu jiro soo dhoweynta wafdigan ayaa haatan ka socota deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
-
(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacudi Carabiya iyo Iran ayaa bilaabaya wadahadalo aan toos ahayn oo labada dal yeeshaan si loo dejiyo xiisadda ka jirta bariga dhexe. Sida uu daabacay wargeyska New York Times Dhaxal Sugaha Sacudi Carabiya Amir Maxamed Bin Salman ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Ciraq iyo Pakistan inay soo faro-geliyaan xiisadda ka dhalatay weerarkii lagu qaaday ceelasha saliida ee Sacudi Carabiya. Maraykanka iyo Sacudi Carabiya ayaa ku eedeeyay weerarka duqeynta ah dowlada Iran waxaana dhaawac lagu gaadhsiiyay soo saarista saliida dalka Sacudi Carabiya oo boqolkiiba shan hoos u dhac ku yimid, inkastoo xooggaga Xuutiyiinta Yemen ay sheegteen inay ka dambeeyeen duqeynta. Diidmada uu diiday Madaxweynaha Maraykanka Trump in uu jawaab millatari ka bixiyo duqeynta ayaa shaki gelisay madaxda boqortoyada Sacudi Carabiya daacadnimada Maraykanka ee dhinaca ammaanka taasoo muddo tobanaan sanno ahayd mid wanaagsan. Wargeyska ayaa qoray ka jawaabis la’aanta Maraykanka inay soo dedejisay in Sacudigu uu raadiyo xal kale oo lagu soo afjarayo khilaafka. Dowladda Sacudiga ayaa u sheegtay Times in maamulada ka jira magaalada Baqdad iyo Islamabad ay ka timid in la galo dhexdhexaadin halka hore loo sheegay inn MBS uu lahaa codsiga. Dowlada Iran ayaa iyaduna sheegtay inay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho maamulka Riyadh. Xidhiidhka Sacudi Carabiya iyo Iran ayaa xumaa sannadihii la soo dhaafay iyadoo dal walba uu dhinac kale ka istaagay khilaafaadka ka jira bariga dhexe sida dagaalada Yemen iyo Suuriya. Dowlada Sacudi Carabiya ayaa ku taageertay Dowlada Maraykanka cunoqabataynta xooggan ay dul dhigtey dalka Iran. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Trump oo ku saabsan go’aanka cusub ee ay qaadatay Sacudi Carabiya. Source
-
Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo dhigiisa dalka Jabuuti ayaa maanta ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wararka ayaa sheegaya in la sugayo kaliya guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti, Mudane Maxamed Cali Xumad oo saacadaha soo socda soo gaari doono magaalada Muqdisho. Ujeedka wafdigan ayaa lagu sheegay inay ka qeyb gali doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee golaha wakiilada Koonfur Galbeed,kaas oo furmaya beri oo Talaado ah. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi. View the full article
-
(SLT-Kansas)-Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla caasimada gobolka Kansas, ee dalka Mareykanka. Tv-ga gobolka KSHB-TV ayaa tabiyay in toogasho afar qof lagu dilay ay ka dhacday baarka Tequila oo ku yaalla gudaha magaalada. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in shaqsiyaad hubeysan ay gudaha u galeen maqaayada kuwaasi oo rasaas xoogan ooda kaga qaaday dadkii ku sugnaa goobta. Dhanka kale shan qof oo dhaawac ka soo gaadhay weerarkaan ayaa lagu dabiibayaa xarumaha caafimaadka ee magaalada Kansas. Ma jirto ilaa iyo hada cid loo qabtay weerarkaan iyadoo booliska ilaa iyo hada aanu ka hadlin inta qof ee weerarka geystay iyo sababta ka danbeysa. Taliska booliska magaalada ay wadaan baadhitaano dheeraad ah saacadaha soo socda ay macluumaadka la xidhiidha weerarkaan ay soo dhigi doonaan barta ay ku leeyihiin Twitter-ka. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa taliyeyaal u magacaabay qeybta Booliska ee gobollada Nugaal iyo Sanaag ee maamulkaasi. Warqad ka soo baxday xafiiska Deni ayaa sidoo kale saraakiishaasi lagu dalacsiiyey, ka hor inta aan loo magacaabin xilalkaasi. Halkan hoose ka Aqriso: Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
(SLT-Riyadh)-Sucuudiga ayaa lamanayaasha aan is guursan ee ajaanibta ah u ogolaaday inay qolal ka kireysan karaan Huteellada dalkaas kaddib markii boqortooyada dhawaan ay shaaca ka qaaday hab u gaara ah oo dal ku galka loogu ogolaanayo dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkaas, waxaana sidoo kale loo debcin doonaa haweenka dalxiiska ah xeerarka lebiska ee adag. Waxaa haweenka loo ogolanayaa inay kireysan karaan Huteelada iyagoo maxram la’aan ah. Horraan, lamanayaasha is qaba waxaa la weyddin jiray inay la yimaadaan caddeyn isla markaasna ay soo bandhigaan warqad muujineyso xilligga ay is guursadeen. Tallaabadan ayaa imaaneysa xilli dowladda Sucuudiga ay waddo barnaamijyo lagu xoojinayo dalxiiska dalkaas. Source
-
Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa ka horyimid habraaca doorasho oo ay soo saartay dowladda federaalka. Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe inay ku tumaneyso dastuurka iyo shuruucda u taalla dalka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Jubbaland aysan wax shaqo ah ku laheyn doorashadaasi, islamarkaana aysan quseyn warqadda ka soo baxday wasaaradda arrimaha gudaha. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Jubbaland.mp3 View the full article
-
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay qeybta Booliska ee gobollada Nugaal iyo Sanaag ee Maamulkaasi. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo Wuxuu Xeeriyey Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. View the full article
-
Xildhibaano katirsan barlamaanka dowladda Puntland ayaa difaacay guddoomiyaha barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo-daareed), oo warar aan weli la xaqiijin ay sheegayaan in mooshin xil ka qaadis ah loo abaabulayo. Xildhibaanada difaacaya guddoomoye Dhoobo ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah saaxiibadooda ay isku golaha yihiin in ay suuqa galiyeen in khilaaf xoogani uu ka taagan yahay barlamaanka dhexdiisa. Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoore oo kamid ah barlamaanka kana tirsan dadka dhaliisan xukuumada haatan jirta, ayaa ka digay mooshinkaan, wuxuuna sheegay in guddoomiye Dhoobo uusan gelin wax dambi ah oo mooshin lagaga keeni karo. Xidlhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri oo isna golaha katirsan ayaa ah xildhibaanka warbaahinta kasii daayay walaaca uu ka qabo in qaar kamid ah xubnaha barlamaanka wadaan mooshin ka dhan ah guddoomiyaha. Warbaahinta Puntland Post oo la xidhiidhtay xubno katirsan golaha wakiilada ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaan, balse waxay inoo xaqiijiyeen inuu jiro guux ka dhan ah guddoomiyaha. Kalfadhiga barlamaanka Puntland oo furmidoona 25-ka bishaan ayaa haatan waxaa socda diyaarinta jendayaashiisa, waana halka lagu ogaandoono xqqiiqada mooshinka guddoomiyaha iyo in kale. Hase yeeshee, markii dib loo raaca taariikhda, barlamaankii hore ee Puntland ayaa riday giddoomiyahooda Saciid Xasan Shirre kadib markii ay si kedis ah uga keeneen mooshin xilka looga qaadayo, inkastoo markii uu ka war helay mooshinkaas uu is casilay. Puntland Post The post Xildhibaano kasii digay mooshinka laga keeno guddoomiye Dhoobo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-7102019-dd.mp3 View the full article
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Jubbaland, Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed ayaa si kulul uga hadlay warkii xalay ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee ku aadanaa habraaca doorasha kale oo dowladu ka qabaneyso maamulkaasi. Wasiirka ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku laheyn doorashadaasi, islamarkaana aysan quseyn Jubbaland, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Kismaayo ay ka dhacday doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay dhiman tahay kaliya in la caleema saaro Madaxweynaha. Waxa kale oo uu dowladda federaalka ku eedeeyey inay ku xadgubeyso sharciga u yaalla dalka, islamarkaana aysan u tureyn dadka reer Jubbaland. Injineer Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ugu dambeyn xusay in wixii dhibaato ah ee ka dhasha arrintaasi ay qaadi doonto dowladda dhexe. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoona 9-ka bishan oo ku beegan maalinta beri ah lagu wado inay dhacdo xafladda caleema saarka ee Axmed Madoobe. Dowladda federaalka ayaa ka hortimid doorashadaas oo 22-kii bishii hore ka dhacday magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/10/Jubbaland.mp3 Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Hey’adda Hormuud Foundation ayaa maanta waxay deeq Raashin gargaar ah oo isugu jirta Bariis, Sokor, Bur iyo Saliid u qeybisey ilaa 300 Boqol oo qoys, kuwaasi oo ah Qoysas dhowaan ku barakacay abaaraha ka taagan Gobolka iyo duqeymaha Ciidamada kenya ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Qoysaskan la siiyey gargaarka raashineed ee isugu jira haween, Caruur iyo dad waayeel ah ayaa waxay ka soo kala barakaceen deegaanada Geriley, Faafaxdhuun, Cawsquran, Daarasalaam iyo dhamase, waxayna muddooyinkii ugu dambeeyey ku soo qul qulayeen degmadsa Baardheere, iyagoona ku biirey ilaa labo xero ee ku yaala duleedka Baardheere. Cabdulaahi Nuur Xasan, Cadow oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa ku amaaney Gargaarka Raashineed ee Hormuud Foundation ay soo gaarsiisey Qoysaska ku barakacay abaaraha iyo Duqeymaha Ciimada Kenya, waxuuna sheegay gargaarka noocani oo kale ah in wax weyn uu ka tari doono Nolosha Qoysaska barakacayaasha oo xaaladoodu ay aad u liidatey. Mas’uuliyiintii ka hadashey goobta lagu qeybinayey Raashinka Gargaarka ayaa waxaa ka mid ahaa howl wadeeno ka socdey Hormuud Foundation iyo xubno kale oo ka kala socdey Odoyaasha dhaqanka iyo weliba Ururka haweenka Baardheere. Shirkadda Hormuud Telecom ayaa noqotay shirkadii ugu horeysay ee ka soo jawaabtey Baaqii qeylo dhaanta ahaa ee la xariiray Abaaraha ee ka kala imaanayey Mas’uliyiinta Gobolka Gedo iyo Maamulka Degmada Baardheere. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay qeybta Booliiska gobolka Sanaag. Xeer-madaxweyne oo sumaddiisu tahay Lr-77 soona baxay xalay ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag loogu magacaabay G/dhexe Bashiir Cali Maxamed. Sarkaalkan ayaa ka hor inta xilka loo magacaabin isla xalay loo dallacsiiyay derejada Gaashaanle dhexe. Dikreetada magacaabista Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr-77 Oktoobar 05, 2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo. Wuxuu Xeeriyey 1. Waxaa L/X/Le Bashiir Cali Maxamed loo dalacsiiyey derajada G/dhexe Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha qeybta Booliiska gobolka Sanaag appeared first on Puntland Post.
-
Israel seeking 'non-aggression' agreements with Gulf states
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Israeli foreign minister says 'historic move' will pave way for peace pacts but analysts dub it 'wishful thinking' Source: Hiiraan Online -
ANKARA, Turkey (AP) — Turkey summoned a top American diplomat Sunday after the U.S. Embassy’s official Twitter account “liked” a tweet that said the people of Turkey should prepare for a political era without the leader of Turkey’s national party, who is reportedly ill. Source: Hiiraan Online
-
AHMIYADDA LA JAAN-QAADKA SOMALILAND EE IS-BEDDELKA TIKNOOLOJIYADA IS-GAADHSIINTA: Gardaadinta Shirkadaha Gaarka loo Leeyahay iyo Gacan-Qabashada Dawladda Qalinkii: Mohamed Hussein KHAN 6 Oct 2019 – Stockholm, Sweden Email: mohamedali2020@hotmail.com Hordhac Kooban Xilliyadan tiknoolojiyada casriga ah ee ay maanta dunidu marayso waxa socda isbeddelo xidid-siib ah – is-beddelo si togan u saamaynaya nolol-maalmeedka dadweynaha. Waxayse isbeddeladaasi yihiin dhaxal-wareejin la mahadiyay oo qaybaha kala duwan ee nolosha inoo fududaynaya. Waa isbeddelo ku socda xawli iyo xawaare sareeya oo mar walba sidii hirarka badda si isdabo-joog ah u soo labo kacaya. Wixii maanta cusbaayee laga dabo dhacay ayaa durbadiiba noqonaya calal duugoobay oo la tuurayaa. Wixii maanta la calmadee la deydeyey ayaa beritoba laga dookh-baxayaa oo aan kaamba la odhanaynin. Bal akhriste, dib u yara milicso telefoonada koorta[1] (mobile phones) marxaladihii ay soo mareen arag ahaan, samays ahaan iyo farsamo ahaanba. Maanta halkay marayaan telefoonada koortu waynu wada og nahay: Koortii ugu horaysa waxa keliya loo adeegsan jiray ku hadal uun. Maantana waxa uu u dhalan-rogmay laab-salaax (smart phones) oo dadkii yar iyo weynba la wada salaaxayo. Dad wada fadhiya oo aan is laba hadlayn ayaad arkaysa oo mid waliba dhiniciisa u fooraro. Halkii laga soo hayaamay iyo halka maanta la marayaa waaba kaaf iyo kala dheeri. Kobcinta Dhaqaale Xeebeedka – Dhaqaalaha Midab Cireedka (Blue Economy) Qaaradda Afrika waxay ay leedahay xeeb aad u dheer oo dhereran 30,500 km. 55ka dal ee qaaradda ku yaala, 39 ka mid ah ayaa xeeb leh (71% ku dhowaad ¾ ama 4tii dalba 3 ayaa xeeb leh). Xeebta ugu dheer waxa leh Jasiiradda Madgaskar (4,828 km); ta ugu gaabanna DR Congo (37 km). Afrika waxa ‘edeg-ku-jir-ah’[2] (landlocked) oo aan xeeb ba lahayn haba yaraatee 16 dal (29%). Somaliland waxa leedahay xeeb dherekeedu yahay 850 km. Waxa ka xeeb dheer 15 dal oo keliya (38.5%), waxaany ka xeeb dheer tahay 24 dal (61.5%) oo u dhiganta in ku dhow 2/3 (saddex daloolkiiba labo). Marka tiradaasi lagu daro dalalka ‘edeg-ku-jirka-ah’, 40 dal oo Afrika ku yaala ayay Somaliland kaga hodansan tahay xagga xeeb-dheerida (72.7%) taasi oo haddaynu si kale u dhigno u dhiganta ku dhowaad ¾ (afartii daloolba saddex). Qorshayaasha horumarineed ee caalamka siiba dalalka soo koraya waxa hadda diiradda xoog loo saaraa ka faa’iidaysiga khayraadka badda oo si Dalalka Afrika een xeebta lahayn gaar ah dhaqaalahooda loo kobciyo. Waxa loo curiyaa fikrado horumarineed oo aan hore u soo jiri-jirin (innovative). Erey-bixin cusub ayaa dhaqaalaha badaha loo unkamay si loo gardaadiyo. Waxa loogu wanqalay ‘dhaqaalaha midab cireedka’ (blue economy). Waa xeelad gacan-qabasho iyo dhiiri-gelin gaar ahaaneed oo looga jeedo in aan dhaqaalahaa cusubi curdin-dhadhin oo aanu ku dhex milmin dhaqaalaha guud ee soo jireenka ahaa. Horumarka Tiknoolojiyada Isghaadsiinta ee Shirkadaha Maxaliga ahi ku Talaabsadeen Saddex shirkadood oo maxali ah ayaa maanta dalka ka jira: SomTel waxa dhidibada loo taagay 1998kii, TeleSom-na 2002dii, SomCable-na 2009kii[3]. Saddexda shirkadoodba – haba kala badsadaane hana kala horeeyeene – waxay qayb libaax ka qaateen horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland maanta ku naalooto. Sumcad weyn iyo magac meel mar ah ayay Somaliland ku leedahay shirkadaha caalamka ee is-gaadhsiinta. Haybaddaa waxay ku hanateen horumarka ay ku talaabsadeen iyo guulaha ay gaadheen shirkadaheenaa adduunka hormuudka ka ahi. Haddii aynu si aad u kooban sii faahfaahinno guulahaasi kuwa indhaha soo jiitay waxa ka mid ah: Bill Gates (mulkiilaha MicroSoft ahna maal-qabeenka 2aad ee adduun-weynaha) ayaa shirkadda TeleSom iyo adeegga Zaad ku xusay hadal uu jeedinayay kuna amaanay shir caalamiya oo ka dhacayay magaalada Boston (USA) 2004tii. Guddoomiyaha TeleSom Abdikarim M. Eid[4] ayaa 2018kii ku guulaystay billad-sanadeedka AfricaCom ku maamuusto laguna dhiiri-geliyo is-gaadhsiinta Afrika. Waa billad-sharafeed huwan marag-kac, magac iyo maamuus caalami ah. Xawilaadda Lacagaha ee Telefoonada Koorta[5] (mobile phones) Hawlaha lacago ku diridda/kaydsashada ee telefoonada koortu maanta adduunka way ku faafeen waxayan ku yeesheen dhaqaale kobcin togan. Ogowoo, 11 sanadood ka horna mabay jirin haabkana lagumaba haynin. Dalalka aanay ka jirin baananku amaba ay ku yar yihiin sida dalkeena, adeeggaasi waxa uu noqday sime dadka oo dhan wada sima – adeeg uu qofkuba kaga maarmi karo inuu baan xisaabeed yeeshaba. Adeeggan koortu waxa uu u fududeeyay lacag diriddii, kaydsashadii iyo biil-bixintii intaba. Qof heleya adeeggaasi ‘asaasiga ahi (basic) muxuu uga baahan yahay baan inuu xisaab ka furto? Addeeggaasi ay koortu ibbo furtayna waxa uu aad u anfacay dadkii aan wax qori karayn oo ka maarmay jeeg qoristiiba. Adeeggaasi casriga ah waxa adduunka gadhwadeen iyo calan-sideba u noqoday dalka Kenya. Shirkadda is-gaadhsiinta ee SafariCom ayaa sannadkii 2007dii daah-furtay adeegga lacagaha ee M-Pesa. Curad-xigeenkiina waxa uu noqday dalka Somaliland oo sannadkii 2009kii isna baalasha la kala baxay. Shirkadda TeleSom ayaa daaha ka rogtay adeegga Zaad ee manta miyi iyo magaaloba la wada mahadiyay. Koor-xawilaadda lacaguhu maanta Afrika si qumman ayuu uga hano qaaday. Cilmi-baadhis la soo bandhigay Ogost 2018kii waxa lagu shaaciyay in dadka reer Kenya ay Afrika ku hoggaaminayaan koor xawilaadda lacageed (58.4% oo macanaheedu yahay 10kii qofba, lix ku dhowaad baa adeegsada). Waa la yaabe waxa ku xigta Somaliland (37.1% oo macnaheeda yahay 10kii qofba wax afar ku dhow ayaa adeegsada). Sida kor ku xusan, adeeggan cusub daah-furkiisa Kenya ayaa curad ka ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Xagga boqolayda (%) isticmaalka dadweynaha dalalka Afrika haddana Kenya ayaa curad ah, Somaliland-na waa curad-xigeen. Waa mucjiso ay Somaliland ku talaabsatay. Waxa iayan jirta oo xusid u baahan cilmi-baadhis 2014kii si gaar ahaaneed iyana lagu sameeyay isticmaalka ZAADka waxa lagu xaqiijiyay in uu celcelis ahaan qof waliba Somaliland uu adeegsado ZAADka 30 goor bishiiba taasi oo aad uga saraysa isticmaalka adduunka oo wakhtigaasi ahaa 8.5 bishiiba. Taasi waxay muujinaysaa in addeeggaasi meel muddakar ah uu kaga jiro nolosha iyo ganacsiga Somaliland. Xogahaa kala duwani waxay ka marag-kacayaan sida ay Somaliland uga mudhay dalalka kale ee Afrika iyo adduunka kaleba ee ka dhaqaalaha iyo awoodaha badnaa. Waa xogo muujinaya qaan-gaadhnimada horumarka is-gaadhsiineed ee ay Somaliland ku talaabsatay. Guulaha la filan karo ee soo socdana, weli fari kama qodna haddii aynaan inagu dawlad iyo shacab ahaan is habran isna hagran. Fursadaha Dahabiga ah ee Berbera ku Geedaaman Fursad badan oo dahabi ah ayay Berberi haystaa – waa haddii aynu garanno in aynu goosanno midhahaasi soo laalaada. Fursadaha is-barkan ee deegaanka Berbera ku suntan yahay haddaynu qaarkood taxno waxay yihiin: Deked dabiici ah oo joog dheer kuna taala goob si quman ugu beegan badhtamaha Somaliland si toos ahna ugu adeegi karta badhtamaha Somalia iyo bariga/koonfurta Ethiopia-ba. Bad dihin oo dheer oo la butaacaysa kaluumo noocya badan oo looga jilaaban karo si fudud -waa haddii si lexe-jeclo leh loo maareeyo jilaabashada kaluunka Deked casriya oo la balaadhinayo oo tartan adag la geli doonta dekedaha gobolka ku yaala Garoon diyaaradeed oo aad u dheer Marinka Berbera (Berbera Corridor)[6] Xogo ku saabsaan garoonka Berbera: Xagga dhererka dhabbaha ay diyaaraduhu ka haadaan, garoonka Berberi waxa uu cidhiidhsaday kaalinta 11aad madaarada Afrika kuwa ugu dhabbaha (runway) dheer. Gobolka Geeska iyo Bariga Afrikana, Garoonka Bole (Addis Ababa) ayaa ugu dhabbo dheer (4,725m), Berberina kaalinta 2aad ayay ku jirta (4,140m). Waa kaalin mug leh oo ay Berberi ku guulaysatay. Xuddun-xidhka Xadhkaha Fiber Optic-ga (Fiber Optic Cable Termination Station) Waxaynu ka wada war qabnaa in aanay Somaliland lahayn xuddin-xidhka xadhkaha (Cable Termination Station) ee Fiber Optic-ga badaha hoos mara. Adeeggaasi lagama maarmaanka u ah horumarka iyo koboca dhaqaalaheena waxa la inooga soo talaalaa dalka Djibouti ee aynu jaarka nahay. Waxase dhowaan inagu soo fool leh fursado la xidhiidha xuddin-xidhka xadhkahaasi oo u baahan in aynu isha ku hayno si xilkasnimo iyo wadanimoba lehna dalka iyo dadkaba looga faa’iideeyo. Waa fursad ahmiyaddeeda leh oo ah and guud oo aan la yaraysan karin. Xadhigga badda-hoos-maraha ah (subsea cable) ee loogu wan-qalay magaca DARE (Djibouti Africa Regional Express) waxa uu badda hoosteeda daadsan yahay 5,400 km. Sida ku cad khariidadda, waxa loogu talo galay in uu isku xidho marsooyinka Geeska iyo Bariga Africa ee kala ah Djibouti-Berbera-Bossasso-Mogadishu-Mombasa (Dar es Salaam-na waa la hadal hayaa). Lahaanshaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) waxa uu udub-dhexaad u yahay jiritaankeena dalnimo iyo qarannimo. Waxa uu lagama maarmaan u yahay koboceena dhaqaale, difaaca dalkeena, ganacsigeena iyo xidhiidhadeena caalamiga ah. Xigasho: Connecting Africa: The Community for the Architects of Africa’s Digital Future. Xuddun-xidhku waa arrin khuseeya nabadgelyada guud ee waddanka (National Security Issue). Sida aan ciidmada aminga dalna uga maarmin, dal bad lihina sina ugama maarmo inuu yeesho xuddun-xidh uu si madaxbanaan oo aanu cidna marti uga noqon maamulidda danihiisa istraatijiyadeed. Dalna dal kale si kasta ha u lahaadaan xidhiidh sokeeye ehe uma dabo fadhiisto nabadgelyadiisa. Xuddun-xidhkuna maanta waxa uu noqday arrin amniga qawmiga ah si toosa ah u saameeya. Haddii aynu daacad ka nahay higsiga dalkeena ee taabanaya dhinacyada horumarka, dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo haybaddaba, Somaliland waa in ay yeelato xuddun-xidh u gaar ah. Sina ugama maaranto. Geel jire geela waanu wada jirtaa, waanuu kala jirtaa. Gunaanad Horumar isgaadhsiineed (telecommunication) oo uu caalmaku majiirto ayay Somalilandta ku talaabsatay – waa Laandta curdinka ah ee aan caalamka cidina ka gardaadini, cidina aanay gacan qabani. Waa horumar lagu sheego mucjiso iyo u-qaadan waa uu dal aan aqoonsi haysani kaga roonaaday dalal ka dhaqaale iyo aqoonba badan. Koboca dhaqaalaha dalkeenu (iyo kan dalalka kaleba) sina ugama maarmi karo horumarka is-gaadhsiinta. Horumarkaasina isna kama maarmo xadhkaha xuddun-xidhka (Cable Termination Station) la soo qotonsho dekeddeena Berbera. Sina uguma haqab-beelayno xuddun-xidh aan edeggeena ku jirin oo aynaan si buuxda uga talin dal ahaan. Horaa loo yidhi ‘biyo gacmahaagaa lagaga dhergaa’. Shirkado, shacab iyo xukuumadba waxaan ku boorinayaa in si wada jir ah looga hawl galo sidii ay Somaliland u yeelan lahayd xuddun-xidhka xadhkaha fiber optic-ga ah oo ay hantideeda iyo taladeedaba leedahay. Waxaan qabaa haddii ay Berberi isku darsato casriyeeynta/weenaynta dekadeeda, marinka Berbera (Berbera Corridor) iyo xuddunta xadhigga fiber optic-ga inay noqon doonto deked la tartanta dekedaha ku yaala marin-badeedka Geeska iyo Bariga Afrika. Danta guud ee dalkeenu waxay ku jirtaa in guntiga loo wada xidho sidii loo hanan lahaa xuddun-xidhista Berbera. Higsigeena koboc-dhaqaaleed iyo horumarineed ayaan sinaba uga maarmin. Horumarka aynu dal ahaan higsanayno ayaa rumoobi lahaa haddii aynu ka faa’iidaysano fursadaha inagu xeeran. Shirkadaha is-gaadhsiineed ee gaarka loo leeyahay si xilkasnimo leh ayay u gardaadiyeen horumarinta tiknoolojiyadda ee Laanta. Magac iyo manfac ba dalka way inoo soo hooyeen. Maanta waxa loo baahan yahay dawlad u hiilisa – dawalad daadihisa oo gacan qabata si guulahaasi aanay u xagal daacin. Waxay u baahan yihiin HIIL QARAN!! Dardaarankaygu waa danta guud ha laga hormariyo danaha gaarka ah. Berbera garba-duub xidhnaanta aan ka dayno. Aan u wada gurmanno hiil bay inooga baahan tahaye. Ilaahaw labo taloba tii roon. Wa bilLaahi tawfiiq. [1] Ereyga ‘koor’ ayaan ka door biday isticmaalkiisa ereyga ‘moobil’ oo ah af qalaad. Koorta waxa loo xidhaa geela si dhaqdhaqaaqiisa loola socdo. ‘Koortana’ (moobilka) waxa loogu baaqaa qofka si loo xog waraysto. [2] Akhriste bal isku day inaad ereyga ‘landlocked’ ee aan ku erey-bixiyay ‘edeg-ku-jir’ la timaaddo erey kaga habboon. Inta aan ogahayna ma jirto hay’ad xukuumiya ama mid madani ah oo u xilsaaran ama isu xil-qaantay erey-bixinta af Soomaaliga. Afkeenu hubaal waa hodane, inagaa hagrannay. [3] Xogahaasi waxaan ka helay baadhidda Google search. Maadaama aan maqaalakani ahayn cilmi baadhis, xogahaasi sugnaantooda maan hubin kumanaan samayn dabo-gal. Maqaal waliba waa muhimaddiisa. [4] Abdikarim M. Eid waxa lagu maamusay guulaha la yaabka leh ee ay hoggaamintiisu u soo hoysay “Africa Digital”. Helidda billadda iyo qaddarintaba Abdikarim waxa uu u galay tartan adag waxaanuu kaga guulaystay guddoomiyayaal badan oo Afrikada kale ah. Waa magac iyo maamuus iyo weliba “ictiraaf” dadban oo u soo hoyday Somaliland. [6] Marinka Berbera waa waddo qorshaysan oo isku xidhi doonta Somaliland iyo Ethiopia. Waxa isku xidhmaya marsada Berbera iyo magaalo-xuduudeedka Wajaale oo uu gaadiidku uga sii gudbo doono dhinaca dal-weynaha Ethiopia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul ugu hadlay Xoogagga Waddaniyiinta Farmaajo ee maalmahan aadka loo hadal hayey kadib markii ay ku fashilmeen banaan-bax uu madaxweynaha amray oo ay qorsheynayeen. Madaxweyne Xasan Shekeh ayaa waxyaab leh ku tilmaamay in koox gaar ah lagu tilmaamo waddaniyiin, wixii ayaga kasoo harana laga dhigo dad aan dalkooda jecleyn, taasi oo uu ku qeexay dhaqan laga naxo. “Yey tahay cidda shacabka Soomaaliyeed ka qaaday waddaniyadda ee siisay koox gaar ah” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh ayaa sidoo kale is weydiiyay cida ay ka tirsan yihiin xoogaggan iyo haddii ay yihiin Shaqaalaha Rayidka iyo haddii kale, isaga oo sheegay in dowladda Federaalka laga doonayo inay sharciyeyso xooggagan oo ku darto shaqaalaha dowladda, isagoo caddeeyay in cid aan sharciyad heysan in aan qarash lagu bixin. Xoogagga Wadaniyiinta oo uu magacaabay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, bishii June sanadkii 2018-kii, islamarkaana toos ugu amar qaata Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka shaqeeya degmo kasta oo ku taala Gobalka Banaadir iyagoo ka qabta xilal sara oo muhiim ah. Xoogagga Wadaniyiinta ayaa degmooyinka waxay ku leeyihiin Kaaliye Sare oo ka awood badan Guddoomiyaha iyo dhamaan xubnaha kale ee degmada waxaana sidoo kale degmooyinka ugu qoran dhalinyaro la shaqeeya Kaaliyaha degmada. Markii hore waxaa loo aas aasay in ay ka shaqeeyaan Howlaha dariseynta balse hadda waxay toos ula fal galaan wax kasta oo quseeya degmada. Qaarkood ayaa ku dhiiraday in ay awood u yeeshaan talo soo jeedin xil ka qaadis Guddoomiye. Dadka qaar ayaa arintaan ku micneeyay Kacaan cusub oo lagu doonayo in lagu abuurto degmooyinka dad ku xiran Madaxtooyada Soomaaliya kuwaas oo noqda Xoogag u abaabulan difaaca Villa Somalia iyo kooxda ku xiran. Hoos ka daawo Xasan Sheekh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Popular Contributors
