Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Marka (Caasimada Online) – Gobalka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya oo ka kooban 8 degmo ayaa dadka ku nool waxay wajahayaan dhibaatooyin daran, waxa uuna gobalku gaaray heerkii ugu hooseeyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Caasimada Online ayaa ogaatay in ay xirmeyn dhamaan Isbitaaladii ku yaalay gobalka islamarkaana ay Haweenka iyo qaybaha kale ee Bulshada ay wajahayaan dhibaatooyin daran oo halis ku ah nolasha kumanaan danyar iyo taajir isugu jira. Dowladda Soomaaliya oo ka taliso 6 degmo oo ka tirsan Shabeelada Hoose ayaa ku guul dareysatay in ay ka shaqeysiiso Isbitaalladii gobalka oo dhamaantood ahaa danguud. Isbitaallada Afgooye iyo Baraawe ayaa ugu dambeeyay oo u xirmay qalab iyo dawo la’aan kadib markii ay shaqada joojisay hay’adii caawin jiray halka Isbitaalkii magaalada Marka uu xirmay muran iyo dood soo kala dhaxgalay laba kamid ah beelaha ugu awooda badan Marka. Meel kamid ah Shabeelada Hoose qofkii ku xanuunsada ama haweenaydii ay fool qabato meesha ugu dhow ee la keeni karo waa Isbitaalo ku yaalo duleedka magaalada Muqdisho, waxaase intaas oo dhan usii dheer amni darro iyo bur bur xoog leh oo wadooyinka gobalka ka jira. “Ma jiro hal Isbitaal oo shaqeeya waxaana halis ku jira haweenka foolanaya iyo dadyawga kale ee gobalka, waxaan dalbaneynaa gargaar deg deg ah” ayuu yiri qof ka tirsan odayaasha degaanka. “Waxaa noogu daran in la furo meelo lagu umuliyo haweenka waayo way adagtay in la soo qaado waxaana aad gobalkaan ugu badan qatarada kale ee dhanka amaanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay qofka aan la hadalnay oo ka tirsan waxgaradka Shabeellada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Marka caasimada@live.com
  2. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiya Madaxweyne Bixii ayaa fariin u dirtay Madaxda iyo shacabka dalka Guinea Conakry. Somaliland ayaa ugu hambalyeeysay dalkaasi dabaal-dega sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada dib uga qaateen Faransiiska. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaaasi, munaasibada xuska maalinta qaranimadooda oo ku beegneyd Khamiista todobaadkii hore. Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuu rajo badan ka qabo in hore loo sii amba-qaado xidhiidhka Somaliland iyo Guinea Conakry, isla markaan la sii balaadhin doono dhinacyda iskaashi ee ka dhaxeeya labada dhinac. Xukuumada Somaliland ayaa xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo la yeelatay dalkaasi Guinea, kadib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalkaasi, isagoona loogu soo dhaweeyay si meeqaam sarre. Safarkaasi Biixi ayaa si kala duwan looga hadlay xiligaasi, iyadoona dowlada federaalku ay xiligaasi xiriirka u goysay dowladda Guinea Conakry, oo iyadu si meeqaam sarre u soo dhoweysay Madaxweynaha dowladaasi aan weli aqoonsiga helin ee Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubanaha-71020198.mp3 View the full article
  4. Minneapolis (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa si rasmi ah maxkamad uga diiwaan gelisay codsi ah in laga furo ninkeeda, ahna aabaha saddexdeeda caruur, xiili ay jirto xan ku saabsan in xiriir hoose ay la leedahay nin degan magaalada Washington DC oo lagu magacaabo Tim Mynett. Warqadaha codsiga furritaanka Ilhaan ee ninkeeda Axmed Xirsi oo 4-tiii October laga diiwaan geliyey maxkamadda Hennepin County ee gobolka Minnesota ayey ku sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Ilhaan oo 38 jir ah iyo Axmed ayaa is-guursaday 2002. Waxay mar kala tageen 2008, hase yeeshee waxay dib isu guursadeen sanaddii 2018. Ilhaan iyo Axmed “Waxaa xiriirka guurkeena gaaray dhaawac aan dib loo bogsiin karin” ayaa ku qornaa warqadaha ay Ilhaan gaysay maxkamadda. Ilhaan ayaa warqadaha ku sheegtay in iyada iyo Axmed midkoodna uusan dooneyn in midka kale laga ilaaliyo inuu dhowaado. Waxay sheegtay inay doonayaan in si isla eg loogu ogolaaday haysashada iyo karinta caruurtooda. Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr bil ka hor ay soo baxday in Ilhaan ay xiriir jaceyl oo hoose la leedahay Tim Mynett. Xaaska Tim, oo lagu magacaabo Beth Mynett ayaa sidoo kale bishii August maxkamadda ka codsatay in ninkeeda laga furo, kadib markii ay ogaatay xiriirka uu la leeyahay Ilhaan. Tim Mynett iyo Ilhaan Cumar Tim Mynett ayaa maxkamadda Washington DC ka diiwaan geliyey kiis uu ku beeninayo inuu xiriir jaceyl la leeyahay Ilhaan. Tim ayaa ka shaqeeya urur qaabilsan doorashooyinka, taasi oo lacag ka badan 250,000 oo dollar ka heshay ololaha Ilhaan. Lacagtaas ayaa abuurtsay su’aalo ku saabsan in shaqada uu Tim u qabtay Ilhaan aysan u qalmin, balse lacagta lagu siiyey xiriirka labadooda ka dhaxeeya. Sida ku cad warqadaha ay maxkamadda u gudbisay Beth Mynett, ayada iyo Tim ayaa kala guuray bishii April kadib markii Tim uu qirtay inuu xiriir jaceyl la leeyahay Ilhaan. Ilhaan Cumar ayaa diiday in illaa iyo hadda ay wax jawaab ah ka siiso warbaahinta xiriirka la tuhmayo inuu kala dhaxeeyo Tim oo ah nin caddaan ah iyo furiinka ay diiwaan gelisay jimcihii ay ninkeeda Axmed Xirsi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. African Development Bank and partners launch pilot Cities Diagnostics tool in five cities The tool includes key environmental and urban sustainability indicators as well as disaster risk and vulnerability, and urban footprint growth Abidjan, Cote d’Ivoire, 7 October, 2019 – “The urban opportunities far outweigh the challenges,” said Prof. Davis G. Mwamfupe, the Mayor of Dodoma, Tanzania, during his message to the Cities Leadership workshop, launching the City Diagnostics for five pilot cities in Africa, held on the 25th and 26th September 2019 in Abidjan. Five cities were chosen for the pilot phase of the Cities Diagnostics for 2019 -2020: Antananarivo (Madagascar), Bizerte (Tunisia), Conakry (Republic of Guinea), Dodoma (Tanzania) and Libreville (Gabon) and were represented by their respective authorities. The African Development Bank,the Urban and Municipal Development Fund (UMDF) and the Korea Africa-Economic Cooperation (KOAFEC) organized the workshop to review the cities diagnostic methodologies with city managers and international urban development experts. Amadou Oumarou, Director of the Bank’s Infrastructure and Urban Development Department said, “The new City Diagnostics tool of the Bank will enable city managers and development partners to have a clear understanding of the situation in all the various sub-sectors of the city and allow us to prioritise our work”. The diagnostic tool includes key environmental and urban sustainability indicators; two baseline studies covering disaster risk and vulnerability, and urban footprint growth. It also includes a public opinion survey covering accessibility and quality of municipal services for water, sanitation, electricity. Drainage, solid waste management, and other measures of quality of life in cities are also included. The tool can measure and assess inclusiveness and resilience parameters, strategies, municipal resource mobilization, investments, and public accounts administration. The Mayor of Bizerte, Dr. Ben Amara Kamel stressed the challenge of limited municipal budget resources for capital infrastructure and services investments as well the difficulty of recruiting qualified municipal staff to cities, especially given Bizerte’s ambitious projects such as 100% clean energy by 2030. Participants from Conakry and Libreville also mentioned problems of city governance, the low level of municipal tax collection, poor sanitation, and solid waste management. The five pilot cities exchanged experiences at a panel headed by Ellis Juan, Senior Advisor to the Bank’s UMDF and former head of the Inter-American Development Bank emerging and sustainable cities program (ESC) . Juan highlighted some of the key lessons learned in Latin America which included the following: An integrated approach to city planning and management yields greater impact; Climate change should be integrated into city planning and management; Making cities for the people, or people-oriented cities; Order in the fiscal accounts, increased digitalization of city management and strong governance and transparency make for a credible partner; Efficient management of solid waste, sewerage and drainage systems, and water resources will preserve cities’ environmental assets for future generations while improving quality of life; Integrating mobility into urban planning and investing in quality public transportation services will drive productivity and create citizen-friendly cities; The City Diagnostics program is fully funded by the UMDF, which supports African cities and municipalities to improve their resilience and manage urban growth and development better through planning, governance, and efficient public services as well as improving the quality of life in urban environments in Africa. Qaran News
  6. Madaxweynaha Maraykanka ayaa hanjabaad culus wuxuu Bartiisa Twitter-ka udoo mariuey Dowlada Turkiga oo uu yiri Waxaan Burburinayaa dhaqaalahooda haday isku dayaan inay sameeyaan Waxaan kala [...] Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay culeyska Dowladda Federaalka Somaliya ay saartay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe. Cali C/laahi Cosoble oo daba-yaaqadii sanadkii 2017 ay dowladda xilka ka eriday ayaa sheegay kuwa maanta uu culeyska haysto in ay ku qoslayeen markii xilka laga eryayay, isla-markaana uu maanta ku faraxsan yahay dhibaatada ay ka cabaadayaan. Madaxweyne Cosoble ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhinacyadaasi uu soo dhaweynayo, isagoo xusay in dalka Somaliya ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegashada. Qoraalkiisa ayaa u qornaa sidatan:- Soomaaliya waa waddan ay dadkiisa raali isaga yihiin isu xoog sheegadka iyo is dulminta, sababtoo ah kama dhiidhiyaan khaladaadka ee wey isku eegtaan, markaasuu midba maalin cabaadaa. Mac sokor ayey ku tahay Jubbaland, waan ku faraxsanahay tan lagu sameeyay Koofur Galbeed ha iska daba wareegato, Galmudug, Hirshabeelle ha bakhtiso, Puntland ha faquuqnaato. Airporska ha la iska celiyo, guryahana ha la isugu daato. Doorashadana dib ha loo dhigo. Intaba waan ku faraxsanahay. Ha la wada dhadhamiyo xaraarka uu dulmiga leeyahay. Xaraarka dulmiga wuxuu isu bedelaa macaan markaad aragto kii shalay kugu qoslaayay oo maanta cabaadaya. Nin walboo dulmi ka sheeganaya waxaan leeyahay ‘Welcome to the club’, albaabadana wey furan yihiin. Dulmiga wuu bilowdaa ee ma joogsado.
  8. As many GOP lawmakers continue to defend President Trump amid an expanding impeachment inquiry, Colin Powell, the retired general who served under three Republican presidents, said the party “has got to get a grip on itself.” Source: Hiiraan Online
  9. For the first time since Democrats took control of the House last year, President Trump’s effort to stonewall congressional efforts at oversight have begun to show some cracks.On Thursday, a former State Department official set off a firestorm when he defied the White House.... Source: Hiiraan Online
  10. Hadalkiisi Cada Ee Cadaaladdu Lingaxa U Ahayd Iyo Doorkiisi Nabadda Ayaa Lagu Xasuusan Doona.. “Inaa Lillaahi Waa Inaa Illayhi Raajicuun”. Waxa magaaladda Hargaysa Caasimadda Somaliland, ku geeryooday Xaji Cabdi Xariir Cali Iid oo ka mid aha odayaasha tirada yar ee ka sii nool haldoorkii kaalin galka aha ee ka soo qayb qaatay dhammaan halganadii kala danbeeyay ee Somaliland soo martay, Xaji Cabdi Xariir Cali wuxuu aha Ganacsade, oday dhaqameed nabad taliye ah oo caan ku ahaa run sheegnimo, daacadnimo iyo hadal cadaan ay cadaaladdu lingax u tahay. Xajigu wuxuu ku dhashay duleedka Degmada Daroor ee dhulka Soomaalida Itoobiya, goobta loo yaqaano “Shabeel – duulaa” Xaji Cabdi Xariir Cali wuxuu dhashay Sannadkii 1925kii, kaalin galkiisi kacaanimo wuxuu u dhaxeeyay Gobolada Togdheer iyo Maroodi-jeex, wuxuuna ganacsi ka aasaasay magaaladda Hargaysa oo uu ku caanbaxay. Xaji Cabdi Xariir Cali tafiirtiisa uu ifka kaga tagay oo isugu jira wuxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen waxay gaadhayaan 73-Ruux, oo uu kamid yahay Ex Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland. Maanta ayuu xaqii Alle u yimi Xaji Cabdi Xariir Cali Iid waxaana lagu aasi-doona Maalinta Barri oo Salaasa ah 9-kaa Subaxnimo xabaalaha Haleeya. Waxa marxuumka laga qaadi doonaa haddii Alle idmo Guriga Ex Wasiir Bashiir Cabdi Xariir oo ku yaala xaafada New Hargaysa kana danbeeya Saldhiga New Hargaysa. Alle Hawnaxariisto Cabdi Xariir Cali iyo intii Muslin ahba. Tusan.. Muniir Axmed Cigaal .. Source
  11. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in dhawaan uu Magalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono Xisbi Cusub oo waliba mucaarad ah. Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay in uu isagu hoggaamin doono xisbigan, isla-markaana uu noqon doono mid mucaarad ku ah dowladda, sida uu hadalka u dhigay. Khudbad uu ka jeediyay Munaasabad soo dhoweyn ah oo maanta Muqdisho loogu sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayuu Cali Geeddi ka sheegay inuu dhisay Xisbi Mucaarad ah oo la diiwaan geliyay. Waxaa uu sheegay in Xisbiyada siyaasadda ay sharci yihiin, isla markaana uu meel mariyay Baarlamaanka, isla markaana Madaxweynaha digreeto ku ansixiyay, waxaa uu xusay in Xisbigiisa yahay mid wax dhisaya. Sida uu sheegay Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya waxaa xisbigan cusub Magaalada Muqdisho looga dhawaaqi doonnaa maalinta Arbacada, oo taariikhduna ay ku beegan tahay sagaalka bisha tobnaan. Cali Maxamed Geeddi ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta aad ugu dhow Dowladda Federaalka, isagoo dhowr jeer difaacay. Sidoo kale Geeddi ayaa lagu xasuustaa weeraro afka ah oo uu ku qaaday Siyaasiyiinta kasoo horjeedo siyaasadda ay Dowladda ku maamusho dalka. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Filish] ayaa uga digay shaqsiyaad uusan carabaabin in ay goobaha danta guud ay u isticmaalaan dan gaar ah. Mr Cumar Filish oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu caddeeyay in maamulkiisa uusan u dulqaadan doonin xubnahaas. Dhinaca kale, duqa caasimadda ayaa tibaaxay in ay ka shaqeynayaa dhismahaha wadooyinka burbursan ee magaaladda. Soo celinta bilicda caasimadda ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in ay u tahay muhiimadda koowaad, isaga oo ku nuux-nuux saday in muwaadiniinta looga baahan yahay in ay kaalin ku yeeshaan qorshaha cusub. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Sas.mp3 View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-7102019.mp3 View the full article
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe la doonayo in qaadka iyo canshuurtiisa loogu wareejinayo shirkad gaar loo leeyahay. Shirkadda lagu wareejinayo maamulitaanka soo dagista qaadka iyo canshuurtiisa ayaa waxaa lagu magacabaa Daladda Miira. Dalladda Miira waxaa ku jira ganacsato Soomaaliyeed balse ay leeyihiin una badan yihiin kuwa Kenyan ah, waana shirkadda ka ganacsato qaadka oo ay ke keento Kenya. Wasaaradda Maaliyadda ayaa qorshahaan wado, waxaana la filayaa in maalmaha soo socdo shirkadda lagu wareejiyo. Sida aan xogta ku helnay shirkadda ayaa la siin doona saami u dhaxeeyo 30-40% waxayna la wareegi doontaa maamulka iyo canshuurta qaadka. Heshiiskaan oo hadda marayo meel gebagabo ah ayaa waxaa ka dhallan karto in dalka lasoo geliyo qaad aan xisaab laheyn maadaama la xakameeyey tirada ganacsi ahaan loo keeni karo dalka. Waxaa sidoo kale fududaan doonto in si fudud loo musuq maasuqa canshuurta qaadka, maadaama lagu wareejiyey canshuurta isla shirkadda qaadka ka ganacsaneysay taasoo ah heshiis ay ka dhallan karto dhibaato. Heshiiskaan ayaa waxaa gadaal ka riixaya mas’uuliyiinta ugu sareeyo Wasaaradda kuwaas oo heshiis kula jiro shirkadda howshaan lagu wareejin rabo, waxaana la sheegay inay ku leeyihiin saami gaaraya illaa 15%. Dowladda Soomaaliya ayaa lacago badan ka hesho canshuurta qaadka, waxaana maalintii lagu qiyaasaa inay kasoo xarooto 30- 35 kun oo dollar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Maxamed ( Waabeeye) ayaa waxa uu sheegay in KULMIYE wakhtigii uu mucaaridka ahaa uu ka xanaaqi jiray nabada hala ilaaliyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Nairobi)-Muuqaal ay duubtay Kamaradda Qarsoon ee loo yaqaano CC Tv ayaa muujinaya nin Soomaali ah oo Lacag dhan Lixdan kun oo Dollar lagaga dhacayo Huteel ku yaalla Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi. Muuqaalkan oo ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa muujinaya Ninkan oo Nin kale ay iska raacayaan Goobta Huteelka laga Maamulo ama Dadka gelaya laga hago, ka dibna muuqaalka ayaa ku tusaya Ninka Soomaaliga ah oo ay daba socdaan Saddex Nin oo loo malaynayo inay yihiin Kenyaan, ka dibna Kamaradda waxa ka soo baxaya ninka oo qol ay saddexda Nin sii fadhiyeen la galaya bac uu Lacag ku sido, daqiiqado ka dibna waxa qolkii iyagoo yaacaya ka soo baxaya Ragga loo malaynayo inay lacagta dhaceen. BBC-du ma sheegin Magaca Ninka Soomaaliga, balse waxay sheegtay inuu yahay Sarifle, xilliga la dhacayeyna loo sheegay inuu lacag sarrifayo, laakiin la dhacay. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo soo dhawayn iyo taageeraba loogu muujinayay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish). Kulanka oo ay soo qaban qaabiyeen ururada bulshada raqyidka ayaa lagu qabtay Hotel Royal Palace, waxaana ka qaybgalay ururada bulshada, siyaasiyiin, odayaasha dhaqanka iyo marti sharaf kale. Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya, Cali Maxamed Geedi oo kualnka ka qaybgalay ayaa bulshada reer Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho. Cali Maxamed Geedi ayaa kulankan ka sheegay in uu maalinta Arbacada Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqi doono xisbi siyaasadeed, kaasoo uu sheegay in mid mucaarad ah uu noqon doono. Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee degan Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in la qabto kulan taageero loogu muujinayo Duqa Muqdisho. Duqa Muqdisho oo kulanka ka hadlay ayaa kaga mahadceliyay dhinacyadii soo qaban qaabisay, waxaana uu ballanqaaday in si hufan uu ugu adeegi doono saddexda milyan ee Caasimadda ku nool. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa 22-kii bishii August Cumar Filish u magacaabay inuu noqdo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.
  18. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAJACUUN. Waxa magaalada Hargeysa ku geeryooday X. CABDI XARIIR CALI IID oo ka mid ahaa odayaashii kaalinta wayn ka soo galay dhamaan taariikhda somaliland, Ganacsade, Oday dhaqameed nabad taliye ah oo caan ku ahaa run sheegnimo, daacadnimo iyo hadal cadaan. Marxuunku waxa uu ku dhashay agagaarka degmada daroor, goobta loo yaqaano Shabeel – duulaa ee kililka shanaad ee somalida ethiopia. Marxuun wuxuu dhashay sanadkii 1925kii. Marxuunku waxa uu ka mid ahaa Odayaasha caanka ah ee reer hargeysa. Marxuunku waxa uu ifka kaga tagay 73 qof wax uu dhalay iyo waxa ay sii dhaleenba. Marxuunku waxa uu kaalin culus ka soo qaaatay xorayntii dalka iyo nabadayntiisiiba. Waxa marxuumka lagu aasi doonaa maalinta beri salaasada 9ka subaxnimo lagu aasi doonaa xabaalaha halayo, waxana marxuunka laga qaadi doonaa guriga bashir abdi xariir oo ku yaala xaafada new hargeisa gaar ahaan saldhiga new hargeisa dhabarkiisa dooxa qarkiisa koofureed halkaas oo marxuunka lagaga tukan doona masaajidka tabliiqa ee new hargaysa. Qaran News
  19. Nairobi (Caasimadda Online) – Shirkadda Jubba Airways ayaa dacwad ka furtay Maxkamadda Sare ee Kenya, ayada oo ku dooday in diyaaraddii sabtidii ka degtay magaalada Kismaayo ay fasax la’aanteeda isticmaasha ruqsaddeeda. Jubba Airways ayaa kiiskeeda ku sheegtay in diyaaraddan oo ay lahaayeen ganacsato ku duushay Ruqsadda Jubba Airways, iyadoo aysan wadin duuliyayaashii shirkadda, islamarkaana aysan shirkaddu ka war hayn. Diyaaradda ayaa waxaa duuliye lagu magacaabo Alex oo Kenyan ah, oo la rumeysan yahay inay lacag siisay Jubaland. Kiiska Jubba Airways ay u gudbisay maxkamadda sare ee Kenya ayaa ku eedeeyey Alex, oo ahaa duuliyihii diyaaraddii Kismaayo ka degtay, inuu waday diyaaradda oo magaca Jubba Airways ku diiwaan gashan. Jubba airways ayaa dalbatay in Nairobi laga xanibo diyaaradii ku duushay ruqsadeeda. Tallabada ay qaaday Jubba Airways ayaa timid kadib markii dowladda Soomaaliya ay shalay ku war-gelisay in lagala laabtay ruqsaddii ay uga howl-galeysay Soomaaliya. Sida aan xogta ku helnay wada-hadall dheer oo shalay illaa xalay u socday Jubba Airways iyo dowladda ayaa mas’uuliyiinta Jubba ku doodeen inaysan ka war-hayn diyaaraddii tagtay Kismaayo ee ruqasaddooda lagu kaxeeyey. Jubba ayaa codsatay in ruqsadda dib loogu fasaxo, islamarkaana ay maanta kiis ka dhan ah arrintan u gudbineyso maxkamadda sare ee Kenya, kaasi oo dowladda ay ku qanacday, waxayna Jubba ,aanta duulimaadyo ku kala aaday magaalooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo. Diyaaradda Fokker 50, oo lambarka diiwaankeedu yahay 5Y-JXJ, kana diiwaan gashan dalka Kenya, ayaa sida la sheegay ku duuleysay shati ay leedahay shirkadda Jubba Airways oo ka mid ah shirkadaha duulimaadyada dalka. Diyaaradaas ayaa jabisay xayiraadii ay dowladda federaalka ku soo rogtay bishii hore magaalada Kismaayo, taas oo ahayd in diyaaraddi tagaysa ama ka duulaysa magaaladaas ay waajib ku tahay in ay soo marto magaalada Muqdisho iyo sidoo kale, amar kale oo ahaa in 24-saac ka hor ay diiyaaradu soo gudbisato codsigeeda ku aadan duulimaadka magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Jaamac Jibriil oo Ka Mid ah Golaha Deeganka Degmada Ceerigaabo ayaa farriin u diray kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadlay Arrinta Kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  22. Hargeysa (Caasimada Online) ― Hogaamiyaha Jabhada ‘Dulmi-diid’, Kornayl Saciid Caare ayaa si adag uga jawaab celiyay shuruudo uu madaxweyne Biixi ku xiray cafis ay xukuumadiisu u fidiso Caare. Madaxweyne Biixi ayaa shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu cafiyey dhamaan ciidamada Jabhada Korneyl Caare ee dagaalka kula jira xukuumadiisa. Biixi ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in cafinta Korneyl Caare looga baahanyahay in la raaco sharciyad, isagoona xusay in ciidamada iyo saraakiishoodu ay kala kiis yihiin, isla markaana cafintiisa ku xiray inuu isku soo dhiibo Somaliland, oo uu ka soo laabto fikirka jabhadiisa. Korneyl Caare oo isaguna warbaahinta la hadlaya ayaa ka biyo diiday shuruudaha uu ku xiray Madaxweyne Biixi, isagoona sheegay inaysan matalin odayaashii shalay Madaxweynaha kula kulmay madaxtooyada. Korneylka ayaa sheegaya in uu si weyn uga soo horjeedo hab maamulka Biixi iyo sida uu u hagayo xukuumadiisa, isla markaana uu sii wadi doono dagaalka uu kula jiro Somaliland oo uusan marnaba joojin doonin. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shalay qasriga madaxtooyada Somaliland kula kulmay odayaal ka soo jeeda beesha Korneyl Caare, kuwaasi oo dabada ka riixayay in la damiyo colaada ka dhaxeysa Jabhada iyo Xukuumada Biixi, qeybna ka ahaa go’aankii uu Madaxweynuhu cafiska ugu fidiyay ciidamada la jooga Caare, iyagoona ku guul-dareysatay in bilaa shuruud lagu cafiyo hogaamiyaha jabhada. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  23. Ciyaaryahan kooxda Heegan iyo Xulka Qaraka Soomaaliya Mahad Xuseen Basey ayaa ka mid ahaa ardaydii sanadkan dhameystay wax barashada dugsiga sare,isagoo ka qalin jibay iskuulka Wiil Waal ee Gobolka Banaadir wuxuuna sheegay in uu aad ugu faraxsanahay guusha uu ka gaaray waxbarshada kowaad. Laacib Mahad Basey sanadii 2018 waxa uu ka mid ahaa xirfadlayaasha dalkeena gaarsiiyay taariikhda markii ugu horeesay tartanka 17-Jirada Bariga iyo Bartamaha Africa 2018 ee ka dhacay dalka Burundi waqtigan waxa uu xubin fir fircoon ka yahay safka kooxdiisa Heegan Sports Club iyo xulka qaranka Soomaaliya. Xirfadyahan Mahad Xuseen waxa ka qalinjibayay iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Wiil walaal,isagoo ka mid ahaa ardayda dhamaystay sanad wax barasheedka 2018-219,laacib Mahad wuxuu Goobjoog usheegay in aad ugu faraxsanahy heerka bilawga uu ka gaaray wax barshada oo wax badan u sahli karta mustqbalka. Ifraax Xuseen waa da’da ka weyn Mahad maalinkii ugu danbeesy heerka wax barasho ee iskuulka sare ayay u muujisay dhiiri gelin waxayna kula dardaarntay in uu halkiisa kasii wado darajooyinka kale ee wax barshada iyo in door wanaagsan ka qaato guulaha isboortiga ee Soomaaliya,si mustaqbalka uu ugu mid noqodo halyayeeda aan la ilaabin ee horomarka wanaagsan ka sameeyay dhinaca isboortiga. Isaga uu gudanaya waajibaadka Xulkiisa Qaranka sanadii 2018 ayaa waxaa dhaafay tiro badan oo maadooyinka iskuulka,balse waxaa garab buuxda uu ka helay ardyada ay isku fasalka ahaayeen,iyagoo Goobjoog Sports u xaqiijay in kaalin wanaagsan ka qaateen qoritaanka iyo fahansiinta casharadii dhaafay. Muqtaar Xasan Cali waxaa ka tirsanyahay maamulka Iskuul Wiilaal ee magalada Muqdisho wuxuu Goobjoog u sheegay in ka iskuul ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin in mid ka mid ah ardaydooda uu heer wacan ka gaaray dhinaca wax barashada iyo ciyaarah,tani ay tusaale u tahay ardayda kale. Laacib Mahad waxa uu ku haminayaa in kaalin wanaagsan ka qaato horomarka xulka qarankiisa iyo in uu sii wato heerarka kale ee wax baraho si nolashiisa danbe ay u gaarto meel aad u saraysa. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Laacib Mahad Xuseen Basey Oo Dhameystay Wax Barashada W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  24. Prof. Maxamed Siciid Gees – Qaybtii 1aad – Ankara Fartii hore ee ay isticmaali jireen Masaaridii hore waxa lagu magacaabay; “Hieroglyphic.” Magacaas oo ka soo jeeda Afka Giriigga oo la micno ah; “Fartii Barakaysnayd – The Sacred Writing.” Haddaba, Khawaajiyaashu waxay daah-fureen fartaas sawirka ah. Waxa libta daah-furka fartaas la siiyey oo loo aqoonsaday inuu horseeday aqoonyahan Faransiis ah oo la odhan jiray Shambiloon (Champollion) taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1822kii, iyaga oo dadka Carabta ah ee Masar ku noolaa ay fartaas u yiqiineen; “Sixir.” Daah-furkaasi waxa uu dhalliyey in la akhriyo sawirradii ku xardhanaa buuraha la dhisay ee ay ka tageen Masaaridii hore ee la yidhaahdo Ahraamta Afka Carabiga ama Pyramids Afka Khawaajayaasha. Waxa kaloo la helay xabaalahoodii iyo wixii ku qornaa. Magacyada waxyaabihii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ee ay Ilaahyada u yaqaaneen Magacyada Boqoradoodii iyo Guud ahaan nolosha ay ku noolaayeen Masaaridii hore Waxa afkaas dhintay ee aan cidi ku hadlin hadda raad-raac loo cuskaday markii la macneeyey Afka Qibdiga oo ku kooban qoraalada Kiniisadda Qibdiga ah iyo Afka Yuhuudda iyo Carabiga. Afafka Afrika lagaga hadlo cidi ma adeegsan, waayo Khawaajayaashu ma aqoon, aqoonyahan Afrika u dhashay oo hawshaas galayna ma jirin ilaa Sheekh Dayib oo dalka Senegal u dhashay uu ku hambaabiray markuu dhexgalay badhitaanka Afkii hore ee Masaarida oo uu arkay in afka laga hadlayaa uu yahay af Reer Afrika ee aannu Yuhuud iyo Carab toonna shaqo ku lahayn. Isagu waxa uu afkii hore ee Masaarida ula kacay: Dhinaca Galbeedka Afrika, Dhinaca Bariga Afrika Ciddi iskuma deyin inay hawsha ka baraan-degto isirka afkii hore ee Masaarida iyo xidhiidhka u la leeyahay afafka lagaga hadlo dhinacan Afrika. Haddaba, waxa xeel-dheerayaasha afkii hore ee Masaaridu is la qaateen tiro sawirro ihi inay u taagan yihiin xarfaha fartaas hore, kuwaasoo hoos ku muujisan: Marka sawirrada iyo dhawaaqa xarafaha ay u taagan yihiin la eego, waxa muuqanaya in sawirku uu ereyga uu Afka Soomaaliga ku yahay uu ku bilaabmo xarafka Fartii Masaarida hore. Qaar badan xarfahaas ka mid ah ayaa sawirka ay xeel-dheerayaashu ku micneeyey waa erey Afka Soomaaliga ka mid ah oo ku bilaabma shibbanahaas ay u adeegsadeen inuu sawirku u taagnaado Masaaridii hore ee alifay fartan la yidhaahdo Hieroglyphic.Beenaw ma af, Af-Soomaaliga u dhaw ayey ku hadli jireen. Waxan qoraalka ku soo qaadayaa sawirka xeeldheerayaashu u qaateen inuu u taagan yahay shaqalka A, iyada oo la isku raacay in fartaas hore ee sawirrada ihi aanay shaqalo ama xarako codayn lahayn. Balse, shaqal u ekeyaasha (Semi Vowels. Sida; W, Y,) loo adeegsado shaqallo W: o, u. Y: a, e, i. Xeeldheere Allan Gardiner oo qoray naxwaha afkii hore ee Masaaridda waxa uu yidhi; “Sawirka A loo qaatay waxa uu ahaa shibbane fudud oo lumay. Taas oo ah ma aha sawirku A.” Haseyeeshee, ma sheegin shibbanaha lumay waxa uu ahaa. Xeeldheere E. A. Wallis Budge oo qoray qaamuuska afkii hore ee Masaaridda iyo Af Ingiriiska toban erey oo uu afkaas ka soo qaatay oo uu ku dooday inay ka soo jeedaan Afkaar iyo af Afrikaan ah ayaan soo qaadanaynaa laba ka mid ah oo ku bilaabma xarafka A, sida ay ku sheegeen xeeldheerayaasha Reer Yurub (Khawaajayaashu). Dadkii hore ee Reer Masar iyo Reer Ciraaq (Sumeria) labada ilbaxnimo ee ugu da’weyn aataarta iyo taariikhda ee la yaqaan oo 5000 (shan kun) oo sanno ku simman. Waxa Haadka loo yiqiin inuu dadka marka ay dhintaan uu nafta qaado oo duni kale geeyo. Aataar dhowaan laga helay Turkiga oo lagu qiyaasay inay jiray 10,000 (toban kun) oo sanno oo laba da’weyn ilbaxnimadii hore uu soo sheegnay, ayaa iyana lagu arkay sawirrada haadka, meeshaas oo loo maleeyey xabaalo-wadareed. Soomaalidu marka ay arkaan haad dhacaya (haad duulaya) waxay u qaateen in geeri ama meyd uu meesha jiro. Haddii guri uu Haad dul dego waxa loo yidhaahdaa; “Geeri ayuu sheegayaa.” Ereyga Haad waxa uu ka soo jeedaa had oo ah geeri. Maxaa kuu baxday Boowe. Haad micnahiisu waa; “Geeri.” Dib haddii aan ugu soo noqono fartii Hieroglyphic ahayd, xarafka A waxa lagu sheegay Haad Ana had. Waxa markaa muuqanaysa in xarafka aannu ahay A ee uu yahay H. Magaca Sawirka oo Haad ama had ah oo H ku bilaabma. Haddii aan haddaba ku noqono labadii erey ee xeeldheere Budge ka soo qaadanay, kuwaasoo ah: AB = (heart) wadne iyo BA = (good soul) nafta karaamada leh. Marka sida aan hore u sheegnay sawirka loo qaato H ee aan loo qaadan A sida ay hadda tahay. Ereyga koowaad waxa uu u qormayaa: HB. Ereyga labasdna BH. Haddii la codeeyo ama la xarakeeyo, ereyga hore waxa uu noqon karaa (HABI). Habi Afka Soomaaliga waa Wadnaha. Bal heestan eeg; Abdiyaw habi laawe lo’daadan harraadan…… Waa cabdiyaw wadne-laawe. Ereyga labada isna marka la codeeyo ama la xarakeeyo waxa uu noqonayaa (BAH). bal eeg weedhan’ “Bahdii ayaa laga qaaday sidii loo dhibayey.” Karaamadii ayaa laga qaaday ama naftii fiicnayd ahaa laga dilay. Waxa kale oo jira ereyga waa la bah-dilay oo ah karaamadii ayaa laga qaaday. Ereygan Carabta ayaa ergisatay. Xeeldheere Budge labadii erey ee hal-dhawaaqle (Monosyllabic) ahaa ayuu Af Reer Afrika inay ka soo jeedaan ku dooday, haddaba afka ay ka soo jeedaan waa Soomaali marka sawirka la qaato ereyga u yahay ee “HAD.” Xarafka uu tilmaaamayo uu yahay “H.” Waxa Masaaridii hore Ilaahyadooda ka mid ahaa sac dilaa ah oo meydka marka la xisaabayo joogaa oo la yidhaahdo; “Hadhor.” Waa sida ay u qoreen xeeldheerayaasha Afkii Masaaridii hore. Waxa muuqata in magaco yahay Had hore oo ah dilaaga koowaad, balse waxa hadda la oggolaaday in Lo’da meeshii ugu horreysay ee lagu qabtay ee lagu xooleeyey ay ahayd Geeska Afrika ee aanay ahayn (Asia) Eeshiya. Arag sawirrada Laasgeel. Dhinaca kale, Masaaridii hore, waxa Ilaahyadii shirkiga ahaa ee ay caabudi jireen ka mid ahaa Haad isna la odhan jiray; “Had-hore,” kaasoo markii dambe hore loo soo gaabiyey. Haadkaas oo galaydhka iyo jaadkiisa la mid ahaa, dharaarahan Baqaye ayaa carruurtii guranaya. Beenoow ma bakaylihii ayaa dabar go’ay uu ku noolaa.! Waqooyiga Hargeysa waxa jirta tuulo beeraley ah oo doox leh, waxaanna meeshaas la yidhaahdaa; “Hore-haadka.” Bal ka warran haddii ay is-dhaafeen labada erey sida dhacda inta badan afka aan qornaan jirin sida GuriCerl iyo CeelGuri, oo uu magaco ahaa Had-Hore! Haddaba, dilaaga koowaad muxuu ahaa ma dadka dooxo soo mara oo dhibaato ku ahaa meesha, mise waa meelihii lo’da lagu qabtay. Bal adba! Si kastaba ha ahaatee, Soomaalidu weli waa la sii baxdaa magacayada (Hure, Hoori, Huruse iyo Horod) la micno ah; “Kii koowaad.” Giriigga ayaa magacyadoodu Xarafka “S” ay badi ku dhammaadaan, sida darteed magacyadii Masaarida waxay gadaal kaga dareen xarafka “S.” Markaas waxaad arkaysaa “Horus,” halkii hore ama hoori noqon lahayd. Qaran News