-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in uu dhintay Hoggaamiyihii Kooxda la baxday Dowladda Islaamka ee Daacish ka dib hawlgal ka dhacay dalka Suuriya. Trump ayaa sheegay in Abuu Bakar Al-Baghdadi uu ku cararay marin dhulka hoostiisa ah balse markii ciidamada Mareykanka ay weerareen uu isku qarxiyay halkaasi, waxaana sida uu sheegay la dhintay saddex carruur ah oo uu godkaasi kula jiray, Halkan hoose ka DAAWO madaxweynaha Trump oo si toos ah u hadlaya Source
-
Idlib (Caasimadda Online) – Milatariga Marekanka waxuu sameeyay hawl gal ka dhanka ah hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi kaasoo lagu dilay hoggaamiyaha sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka. Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo qaabkii loo dilay hogaamiyaha Ururka isku magacaabaay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-baqdaadi kadib weerar ay ciidamo gaara oo Mareykan ah xalay ka fuliyeen magaalada Idlib ee dalka Syria. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Waakaladda Wararka ee New York u sheegay in howlgalkaas loo diyaariyey ciidamo gaar ah kadib markii la helay xog ku saabsan meesha uu ku sugan yahay Al-Baqdaadi oo saldhig u aheyd muddo badan. Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ayaa ku dagay agagaarka meesha uu ku duumanayey Hoggaamiyaha, waxaana la sheegay inuu halkaas ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 5 Saacadood, waxaana la xaqiijiyey in Hoggaamiyaha iyo ilaaladiisa ay sameeyeen iska caabin xoog leh. Ciidamada Mareykanka ee howlgalkaas ka qey qaatay ayaa la sheegay inay gaarayeen 60 ilaa 70 oo ka kala tirsanaa Ciidamada Delta iyo Rangers oo watay 6 Diyaaradood oo kuwa Helikobtarka. Saraakiisha Mareykanka ee howlgalka hoggaaminayey ayaa laga soo xigtay inuu is qarxiyey Abubakar Albaqdaadi markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan, isagoo markii horeba dagaalamay, waxaana u xirnaa suunka Qaraxa. Sidoo kale Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay inay is qarxiyeen laba Xaas oo uu qabay Hoggaamiyaha kuwaas oo iyagana dagaalka ku jiray kadibna isku qarxiyey Suunka waxyaabaha qarxo lagu xiray oo ay markii hore ugu talagaleen inay isku qarxiyaan markii lasoo weeraro. Waxaa kale oo la sheegay in meesha lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaalada Hoggaamiye Baqdaadi, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray. Ciidamada Mareykanka ayaa qaatay jirka meydka Hoggaamiye Baqdaadi waxaana la xaqiijiyey inuu isaga yahay qofka is qarxiyey maadaama la mariyey baaritaanka DNA. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuuqabto shir jaraa’id oo uu kaga hadlayo weerarka lagu dilay Baqdaadi oo uu farriinteeda horey usoo dhigay barta uu ku leeyahay Twitterka. Ciidamada howlgalka fuliyey ee Mareykanka ayaa kasoo duulay magaalada Irbiil ee Kudiyiinta Ciraaq, waxaana la sheegay in xogta lagu dilay Abuubakar Albaqdaadi uu bixiyey qof u dhow oo sirdoonka Mareykanka la shaqeeyay. Baqdadi, waa naaneystiisa, waxaana la rumeysan yahay in uu ku dhashay deegaanka Samarra ee Woqooyiga Baqdaad, sanadkii 1971. Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq. Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq. Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii. Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada. Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Puntland, ayaa Garoowe ku soo geba-gabaysay kulan ku saabsana u-qareemidda hirgelinta xeerka sanduuqa horumarinta dhalinyarada Puntland. Kulankan oo mudda laba maalmood ah ka socday magaalada Garoowe, waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo taageero ka helaysa hay’adda CARE International, waxaana ka qaybgalay, ururka Dhalinyarada Puntland ee PYAN, xubno ka socday dhalinyarada 9-ka gobol ee Puntland, qaar kamid ah waxgarad iyo nabadoonada gobolka Nugaal iyo marti sharaf kale. Guddoomiyaha dalladda Dhalinyarada Puntland ee PYAN, qaar kamid ah dhalinyaradii iyo nabadoonadii ka qaybgalay kulanka, ayaa ku dheeraaday sida uu sanduuqaani muhiim ugu yahay dhalinyarada Puntland. Wasiiru-dowlaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Fardawso Cismaan Cigaal ayaa ugu dambeyntii soo xirtay kulanka. Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan PUNTLAND POST The post Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo Garoowe ku soo xirtay kulan ku saabsana hirgelinta xeerka Sanduuqa Dhalinyarada appeared first on Puntland Post.
-
Qaran News
-
Garoowe (Caasimada Online) ― Siciid Cabdillaahi Deni, Madaxweynaha maamulka Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay guulo badan oo uu Somaliland ka gaadhay intii uu hayey xilka maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa sheegay in markii uu xilka la wareegay uu inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu kala soo wareegay Somaliland. Deni oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyen xildhibaaanada golahu, ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisa uu qabtay wax la taaban karo mudadii uu hayey xilka ugu sareeya maamulka Puntland. Waxa uu carabkana ku adkeeyay Deni in maamulkiisi uu ka jira deeganadaasi oo uu ka dhaqan galay dhamaan dhulka Sanaag, wuxuuna yiri “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay 99% ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd”. Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan waxay isku dagaalan gacan ku haynta deegaanada hoos yimaada gobolka Sanaag barri, taasi oo labada dhinacba ku andacoodan in lagu soo xad-gudbay xuduuda maamuladooda. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay guddiga gurmadka fatahaadaha ee shalay uu u magacaabay isku dubba ridka dadaallada loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha ka dhashay roobaka. Guddiga ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre war bixin ka siiyay howlihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay, waxa ayna caddeeyeen in xalay kulan ay yeesheen ay ku sameysteen xeerarkii ay ku shaqeyn lahaayeen, maantana ay Beledweyne gaarsiiyeen laba diyaarad oo gargaar deg-deg ah wada. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo guddiga faray in ay laba jibbaaraan dadaalka si loo badbaadiyo dadka iyo deegaanka iyo in la adkeeyo amniga deegaannada dadku ka bara keceen iyo deegaannada ay ku bara keceen si bulshadu ay u hesho nabad ay ku noolaato. Guddiga oo ka kooban siddeed wasiir iyo wasiir ku xigeen ayaa mas’uuliyaddoodu tahay in ay si hufan isugu dubba ridaan qorshaha samata bixinta dadka Soomaaliyeed ee saameynta ay ku yeesheen daadadka ka dhashay roobabka iyo wabiyada karkaarrada jabsaday. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay guddiga gurmadka fatahaadaha appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Addis Ababa)-Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka digay qalalaase ay horseedaan Rabshado Qoomiyado ku salaysan, waxaanu ku baaqay in sharciga la mariyo kuwa masuulka ka ah Kacdoonadii u dambeeyay oo galaaftay nolosha 67 Qof. Raysal-wasaaraha oo ka hadlayey kacdoono kuwii u dambeeyay Toddobaadkii tagay ka dhaceen Magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in haddii Itoobiyaanku aanay midoobin ay kacdoonadan xallintoodu mustaqbalka adkaan doonto. “Kacdoonnada aynu waajahaynaa waxay keenayaan Cabsi iyo Adayg, haddii Itoobiyaanku aanay midoobin..” ayuu Raysal-wasaaraha Itoobiya oo Qoraal soo saaray Sabtidii Shalay, qoraalkaasi oo noqonaya kii koowaad ee uu soo saaray tan iyo intii ay bilaabmeen Kacdoon ay wadaan boqollaal Qoomiyadda Oromada ah oo taageersan Jawaar Maxamed oo ka mid ah Dadkii hoggaaminayey Kacdoonnadii Oromada ee Itoobiya ka dhacay, kuwaasi oo aakhirkii sababay in Xukuumadda Raysal-wasaare Abiy Talada qabato, xukuumaddii Haile Mariam-na is casisho. Kacdoonka ka socda Addis Ababa ayaa lagaga soo horjeedaa Raysal-wasaare Abiy oo Sannadkan ku guulaystay Abaal-marinta Nabadda Adduunka, waxaana Dibed-baxayaasha qaarkood dab qabadsiiyeen buug uu qoray Raysal-wasaaruhu. Kacdoonnada ayaa bilaabmay markii Jawaar Maxamed oo Qoomiyadda Oromada ka mid ahi uu sheegay in Dawladdu ay ilaaladiisii ku amartay inay isaga tagaan, isagoo sheegay in Dawladdu ugu talo-gashay in la dilo. Source
-
Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) mudane, Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa magaalada Muqdisho ka furay Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Soomaaliya,kaas oo Saddexdii biloodba mar la qabto. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Laamaha Hay’addaha socdaalka ee Gobalada, Saraakiisha xarunta dhexe ka howlgala iyo Hay’addaha wada shaqeynta la leh Hay’adda socdaalka oo ay ka mid yihiin Booliska, Gobolka Banaadir iyo Qaar ka mid ah Wasaaradaha. Shirka isku xirka howlaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlaa wada-shaqeynta Laamaha kala duwan ee Socdaalka dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa is-beddel wanaagsan laga dareemayaa amniga caasimadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho oo ay si joogto ah uga dhici jireen dilal qorsheysan iyo qaraxyo is-qarxin ah. Inkastoo ay xiran yihiin inta badan jidadka Muqdisho, haddana dadka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa kuu sheegaya inay arrintaas ku jirto dantooda maadaama uu yaraaday dhiiggii badnaa ee ku daadan jiray magaalada. Is-beddelada amniga ayaa sidoo kale horseeday inay aad u yaraadaan qaraxyadii waa weyn eel ala beegsan jiray xarumaha dowladda iyo hoteellada, kadib markii waddooyinka laga soo gala magaalada oo lasoo marsiin jiray baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyey la dhigay ciidamo Boolis ah oo hoostago Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan. Sidoo kale waxaa yaraaday dilalkii qorsheysnaa ee Magaalada dhexdeeda laga fulin jiray inkastoo ay mararka qaar dhacaan, haddana waxaa Magaalada lagu daadiyey ciidamo boolis dharcad ah kuwaas oo howlgalo qorsoodi ah ka sameeyo jidadka iyo xaafadaha Muqdisho. Prof. Xasan Yacquub oo ah Barre jaamacadeed isla markaasna ku takhasusay arrimaha Amniga ayaa sheegay in jidadka xiran ee Muqdisho ay tahay wadada kaliya ee xilligaan la joogo lagu sugi karo Amniga Muqdisho loogana hortagi karo qaraxyada isqarxinta ah inta laga diyaarinayo qorshooyin kale oo arrintaas looga hortagayo “Marka hore waxaa muhiim aheyd in la joojiyo dhigga maalin kasta daadanayey ee Shacabka Muqdisho, jidadka xiran inkastoo ay dhibaato yihiin haddana duruufta dalka ka jirto ayaa sidaas ah, Dowladana waxaa looga fadhiyaa inay sameyso qorshaha xigo ee looga gudbayo jidadka xiran” ayuu yiri Prof Xasan oo wareysi siiyey Caasimadda Online. Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay in sidoo kale la sameeyey qorsho isku xiray dhammaan taliyaasha Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir kuwaas oo Maalin kasta warbixino usoo gudbiyo Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa socda qorshe uu taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xassan wado oo lagu doonayo in lagu furo jidadka xiran ee Muqdisho, waxayna illo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen inuu qorshahaas marayo meel gabgabo ah. Marka uu qorshahaas fulo, Amniga Muqdisho ayaa waxaa laga sugi doonaa banaanka Magaalada, waxaana dib loo furi doonaa isku socodka gaadiidka ee gudaha Magaalada oo haddana xayiran taasoo dhibaato ku ah Shacabka iyo Ganacsiga Magaalada. Ciidamada Booliska ee la dhigay jidadka Muqdisho ayaa hor istaagay gawaaridii qarxyada laga soo buuxin jiray oo ay Al-Shabaab soo gelin jireen Magaalada, waxayna kooxdaan dhawr jeer weerartay baraha la dhigay ciidamada si ay meesha u baneeyaan taasoo keentay inay khasaaro kala kulmaan kadib markii la laayey dhawr ka tirsan maleeshiyadii weerarka soo qaaday. Al-Shabaab ayaa jidadka xiran ee Muqdisho u aragta inay dhibaato ku tahay qaraxyadii iyo dilalkii ay Magaalada ka fulin jireen, waxayna dhawr jeer ku hanjabeen inay soo weerari doonaan ciidamada joogo Koontaroolda gawaarida lagu baaro si ay arrintan u fashiliyaan balse weli taas uma suurtagelin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Banaanbaxan oo ah mid ballaaran, islamarkaana galay maalintiisii labaad ayaa waxaa dhigaya darawallada ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho. Boqolaal ka mid ah gaadiidleyda ayaa isugu soo baxay qaar ka mid ah jidadka, islamarkaana hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka. Dibadbaxayaasha ayaa ka cabanaya waddooyinka xiran iyo sidoo kale lacago ay sheegeen in lagu soo rogay. Qaar ka mid ah darawallada gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dowladda inay u furto waddooyinka, islamarkaana ay wax ka qabato cabashooda. Inta badan jidadka Muqdisho ayaa u xiran sababo ammaan darteed, waxaana hakad galay isku socodka qeybo ka mid ah Caasimada oo uu ka jiro wax loo yaqaano Kala Wareeg. View the full article
-
Wasiirka gaashaandhiga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ,ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay wafdi ay hoggaaminayso Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan caruurta iyo isku dhacyada hubaysan Virginia Gamba. Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo soo dhoweynta wafdigaasi ka dib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa faah faahin ka bixyay ujeedka imaatinka wafdigan iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen. Inta uu joogo wafdigan waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay kala hadli doonaan howlaha ay u yimaadeen Soomaaliya. View the full article
-
Wararka aan ka heleyno magaalada Baladweyn ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta gaartay diyaarad sidday gargaar banii’aadnimo. Diyaaradda oo ay saarnaayeen inta badan bustooyin iyo baco ayaa goor sii horeysay ka degtay magaalada Baladweyn, ee caasimadda Hiiraan. Dhinaca kale, guddigii uu magacaabay ra’isul wasaare Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa iney tageen magaalada Baladweyn, laakin ilaa hadda wax hadal ah kama soo bixin. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb. Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha. Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf. Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-In ka badan 100 Askari oo ahaa malleeshiyo Beeleed ku sugnaa magaalada Buuhoode ayaa ku biiray ciidamada Millateriga Somaliland. Ciidamaan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa munaasabad soo dhawayn ah loogu sameeyay gudaha magaalada Buuhoodle. Ciidamadan reer Buuhoodle ee ku biiray Millateriga Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland dhawaan gole deegaan u samaysay magaalada Buuhoodle. Magaalada Buuhoodle waxa hore u joogay Ciidamo Millateri ah oo ka mid ah Kuwa Somaliland. Source
-
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay qarax kula eegteen deegaanka Ceel Saliini ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa miino ayey Al-Shabaab sheegtay inay ku dishay illaa 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Milatariga Soomaaliya, kuna dhaawacday mid kale. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi. Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday Al-Shabaab ay ku qaadeay deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi. Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigyo ciidamada iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma shaacin Al-Shabaab khasaaraha weerarkaasi, balse waxa ay sheegtay in madaafiicda qaarkood ay ku hoobteen saldhigyada ciidamada huwanta ay ku leeyihiin deegaankaasi. Inta badan Al-Shabaab oo ku xoogan Jubbada Hoose ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa deegaanada gobolkaasi. View the full article
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-27102019-sx.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hadlay muranka xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka, xubin la sheegay in uu Madaxweynuhu ku soo celiyay safarka uu hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku tagay magaalada Muqdisho iyo arrinta kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Idlib (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha kooxda Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay howl-gal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas werinaya warbaahinta Mareykanka. Militariga Mareykanka weli si rasmi ah uguma dhowaaqin geerida Al-Baghdadi, hase yeeshee madaxweyne Donald Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka xalay ku yiri “Wax aad u weyn ayaa dhacay goor dhow.” Waxyar kadib qoraalkaas, ayaa Aqalka Cad waxa uu soo saaray bayaan uu ku sheegay in madaxweyne Trump uu war weyn shaaca ka qaadi doono 9-ka subaxnimo ee axadda, xilliga saacadda bari ee Mareykanka. Militariga Mareykanka ayaa habeenkii sabtida ee xalay gobolka Idlib ee dalka Syria ka fuliyey howl-gal qorsheysan oo lagu beegsaday Al-Baghdadi. Howl-galka ayaa waxaa toddobaad ka hor ansixiyey madaxweyne Donald Trump. Waa kuma? Magaciisa dhabta ah ayaa lagu sheegay Ibraahim Awad Al-Badri, kaasoo sanadkii 1971-dii ku dhashay meel ku dhow Samarra oo dhacda waqoyga Baghdad. Wararka waxay sheegayaan in uu sheekh ka ahaa masaajid ku yaalla Samarra xilligii Mareykanka uu ku duulayay Ciraaq ee 2003-dii. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir ahaa xilligii maamulkii Saddam Xuseen. Qaar waxay aaminsan yihiin in uu xagjir noqtay muddo afar sano ah oo uu ku xirnaa saldhigga Bucca, oo ah xero ciidamada Mareykanka ay leeyihiin oo ku taalla Woqooyiga Ciraaq. Xeradaas waxaa lagu xiri jiray hogaamiyayaasha ururka Al-Qacidda ee dalka Ciraaq. Markaasi ka dib, wuxuu soo baxay asagoo ah hogaamiye ka tirsan Al-Qaciddada Ciraaq, ka dibna kooxdiisii ayaa la aaminsan yahay inay noqotay ururka la baxay Dowladda Islaamka, sanadkii 2010-kii. Bishii October ee 2011-kii, Mareykanka wuxuu Baqdaadi ku daray diiwaanka argagixisada. Markii ugu dambeysay oo uu shaashadaha kasoo muuqdo waxay ahayd horaantii sanadkan 2019-kii. Kahor, markaan waxaa ugu dambeysay 2014-kii. Sanadkii 2014-kii ayaa waxa uu magaaladda Mosul kaga dhawaaqay aas-aasitaanka Dowladda Islaamka oo ka howlgaleysa qaybo kamida Suuriya iyo Ciraaq. Meelo kale oo dunida Carabta ah ayey kusii baaheen. Wuxuu Mareykanka balanqaaday $25 milyan oo dollar oo abaalmarin ah ooo uu siiyo qofkii nolol ama geeri ku keena Baqdaadi. Caasimada Online Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
