-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Malayshiyaadka cusub ee Daacish soo bandhigtay Sawirro shalay lagu baahiyay internet-ka ayaa kooxda la baxday Daacish waxay ku soo bandhigtay xubno cusub oo ku soo biiray malayshiyaadkooda, kuwaasi oo tababar looga furay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland. Kooxda ayaa soo bandhigay sawirada dagaallamayaal ku hubaysan qoryaha fudud islamarkaana ay sheegeen in ay tababar ku qaadanayan xero ciidan oo ku taalla buuraleyda gobolka Bari ee koonfur uga beegan magaalada Boosaaso kadib markii ay ku biireen kooxdaasi. Xerada ciidan ee lagu tababarayo malayshiyaadka cusub waxay Daacish u bixisay “Xerada Dawoud al Somali” waxaana ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay. Sheegashada Daacish ee ku aaddan in dagaallamayaal cusub ku biireen waxay xoojinaysa warbixin uu hore u soo saaray Taliska Ciidamada Maraykanka Afrika ee (AFRICOM ) taasi oo sheegaysay in garabka Daacish ee Soomaaliya ay weli ku biirayaan dagaallamayaal cusub. Inkastoo hawgallo militari iyo duqeymo dhanka cirka ah ku socdan kooxda Daacish ee buuraleyda Puntland haddana weli waxay awood u leeyihiin in ay soo jiitan malayshiyaad cusub sida laga soo xigtay AFRICOM. PUNTLAND POST The post Daacish oo dagaallamayaal cusub ku soo bandhigtay buuraleyda gobolka Bari ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay xanibaadii dhanka duulimaadka aheyd ee shalay lagu sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed. Xildhibaanka ayaa sheegay in mar hore uu ka digay in madaxweyne Farmaajo uu sidaan damacsanyahay, balse aan cidina ka dhageysan, “Labo sano kahor markii aan lahaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu soo wado iyo waxa uu maaganyahay wax aad malayn kartaan maahan ee hurdada halaga kaco waa la’ ila yaabayay” ayuu yiri Mahad Salaad. Mahad oo qoraalkaan kusoo daabacay Bartiisa Facebook-ga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxdii dalkaan soo maamushay la ixtiraami waayo oo wadooyinka laga xirto, “Maanta soo mari maayo madaxdii xukunka ku wareejiyay in uu jidadka ka xirto, diyaaradahana kala dago. Dowladnimadii shalay sida nabadgelyada iyo dimuquraadiyada ah ay ugu wareejiyeena in loogu xoog sheegto” Ugu dambeyntii Mahad Salaad ayaa sheegay in uu ka calinayo fariintii labo sano ka hor uu u diray shacabka, taasi oo aheyd in waxii ay soo arkeen intii uu talada hayay madaxweyne Farmaajo wax ka daran ay soo socdaan, “Mar kale ayaan idin leeyahay waxa soo socda ayaa ka xanuun badan ee talo halaga yeesho”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Marka (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobalka Shabeelada Ibraahim Aadan Najax iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku xayiran magaalada Marka ee gobalka Shabeelada Hoose, sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin kat irsan maamulka Marka. Guddoomiye Najax, ayaa toddobaadkii ka soo laabtay agagaarka Shalaanbood kadib markii ay halkaasi qarax ku weerareen Al-Shabaab isaga iyo wafdigiisa, waxayna dib ugu laabteen Marka oo ah xarunta gobalka Shabeelada Hoose. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Marka ayaa noo xaqiijiyay in Guddoomiyaha uu dalbaday diyaarad balse ilaa hadda aysan u imaanin diyaarad Ciidan oo ka qaada Marka, si uu u tago magaalada Muqdisho ama degaano kale oo ka tirsan Shabeelada Hoose, oo gaadiid looga bixi karo. “Guddoomiye Najax waxa uu ka xayiranyahay Marka waxaana la waayay diyaarad soo qaada, sidoo kale waxaa looga digay inuu soo maro dhulka sababtoo ah Al-Shabaab badan ayaa wadada ku sugan” ayuu yiri qof ka tirsan maamulka Marka oo aan la hadalnay. Gobalka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa wajahaya dhibaatooyin daran oo dhanka ammaanka ah, waxaana ku sii badanaya weerarada Al-Shabaab. Kii ugu dambeeyay ayaa ka dhacay degaanka Ceel-Saliini oo ka tirsan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay tiro kale oo ah odayaal cafis u doontay, kuwaas oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashaan ayaa lagu soo ban dhigay deegaanka Kuunya Barroow ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay in ay ka kala yimaadeen gobolada Shabeellada Hoose iyo Bay ee uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed. Tirada odayaasha ay soo ban dhigeen Al-Shabaab ayaa gaareysa ilaa 53 ruux, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay siminaar ku qaadanayay deegaanka Kuunya Barrow. Munaasabaddii lagusoo bandhigayay odayaashaas ayaa waxaa kasoo muuqday labo ka mid hoggaamiyaasha ugu caansan Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole) iyo Sheikh Abuu Usaama oo Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Hoose. Fu’aad Shangole oo qudbad u jeediyay odayaasha Al-Shabaab cafiska u doontay ayaa kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan halgan uu sheegay in Al-Shabaab ay ka wadaan dalka. Al-Shabaab ayaa 15-kii bishii 7-aad ee sanadkaan waxey soo saareen amarkoodii ugu horeeyay ee si shaac baxsan ay ugu yeerayaan odayaashii soo xulay ergadii ka koobneed 51-ka xubnood ee soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Xisbiga Himilo Qaran ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadii dowladda Federaalka Soomaaliya ay shalay ku xannibtay diyaarad uu saarnaa madaxweynihii hore ee dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee xarunta GMG Jubaland halkaasi oo uu kaga qeyb-geli lahaa caleema-saarka madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam. War-saxaafadeedka Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay is hor taag ku samaysay madaxweynihii hore ee dalka mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubaland. Himilo Qaran wuxuu sharci-darro ku tilmaamay tallaabada ay Villa Somalia ku xannibtay diyaaraddii uu saarnaa wefdiga Sheikh Shariif waxaana xisbiga oo cuskanaya Dastuurka dalka uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid ka soo horjeedda Karaamada Aadanaha. Sidoo kale Xisbigu wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka in ay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka KMG ah ee dalka islamarkaana ay sameeyeen khiyaano Qaran isagoo ugu baaqay madaxda Laanta fulinta dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ka waantooban jebinta shuruucda iyo Dastuurka waddanka. Xisbiga Himilo Qaran waxa uu caddeeyay in haddii aysan madaxda dalku ka waan-toobin jebinta shuruucda iyo Dastuurka waddanka aan wixii hadda ka dambeeya loo sii dulqaadan doonin. PUNTLAND POST The post Xisbiga Sheikh Shariif oo sheegay in madaxda Villa Somalia ay Khiyaano Qaran galeen appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee xisbiga Ucid, Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec ayaa waxa uu maanta ka hadlay xiisadaha maalmihii u dambeeyay ka taagnaa gobolka Awdal, isagoona si adag uga hor-yimid ciidamo dheeriya oo xukuumada Biixi geysay gobolkaasi. Qaasim ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey sababaha ka dambeeya Jabhadaha muddooyinkii dambe ka abuurmayey deegaanada Somaliland, ee ay ugu dambeysay Jabhadii ka dilaacday deegaanada Dila, ee ay dhowaan xogteedana baahisay Caasimada Online. Guddoomiye kuxigeenka oo la hadlayey warbaahinta, ayaa waxa kale oo uu sheegay in maamul xumada xukuumada Biixi ay horseed u tahay in bulshadii ay ku fikirto inay abuuraan Jabhado ka dhana xukuumadiisa, wuxuuna yiri “Waxaynu wada marag furaynaa magaalada Boorama gaar ahaan gobolka Awdal inuu dhulkii nabadda yahay in aanu u baahnayn maanta ciidamo la soo xoojiyo in aanu u baahnayn maanta dad aan furaynin in aanay rarin Somaliland” “Xisbi ahaan waxaanu u arkaynaa, ciidankaasi ku farxi mayno hadaanu Ucid nahay, Kulmiyana ku farxmi maayo, Waddanina ku farxi maayo in dagaal laga abuuro meesha oo dagaal ka yimaado cidina ku farxi mayso, ciidankaasi fad-qalalo ayuunbuu soo wadaan ciidankaasi xeryahooda ha lagu celiyo”. Wuxuuna intaas kusii daray “Horta maamul xumada Muuse Waxay keentay in dadkii ku fikiraan jabhado, Dila jabhadi way jirtaa, tii Wabarna hada way soo noolaynaysaa oo way soo socotaa, waxaas oo dhami waa maamul xumada Muuse Biixi, reer Awdalna waxaa diyaar uma ahayn shuqulna kumay lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay”. “Dhalinyaraduna intaas oo goor ayay kala xaajoodeen dhibaatadooda, way sheegeen waxaanay yidhaahdeen Hargeysaanu kaga soo jawaabi, markaa imika waxay ka aamin baxeen oo aanay aaminayn Odayaashoodii horjoogay ee salaadiintooda ah”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Sawir hore: shirka Golaha Wasiirada Jubaland Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadii shalay lagu hor istaagay madaxweynihii hore dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee Jubaland. War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in xannibaadda iyo is hor-taagga lagula kacay wefdiga Sheikh Shariif ay ka soo horjeedo shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla ee muwaaddinka Soomaaliyeed xorriyad u siinaysa in uu tegi karo una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21-aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya. Jubaland waxay kale oo sheegtay in maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha rayidka ah iyo mas’uuliyiinta Jubaland lagula kacay falal gurracan oo ay kamid yihiin hanjabaado iyo su’aalo cunsuriyadaysan oo baalmarsan shuruucda iyo Dastuurka dalka xilliyada ay safarka yihiin. Sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland waxay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay tagri-fal awoodeed u isticmaalayaan madaxda iyo shacabka ka aragti duwan islamarkaana maamulka Hawada Soomaaliya u adeegsanayaan dano gaara oo siyaasadeed. Ugu dambeyntii Jubaland waxay dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtay ku tumashada xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo Dastuurka dalka u yaalla taasi oo sida ay Jubaland sheegtay dhaawacaysa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Jubaland oo cambaaraysay is-hortaagii lagu sameeyay Sheikh Shariif iyo xayiraadda saaran duullimaadyada Kismaayo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa aad u cambaareeyey go’aankii dowladda Farmaajo ay ku hor-istaagtay safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Himilo Qaran ayaa lagu sheegay in falkii ay maanta ku kacday dowladda Farmaajo uu ahaa mid xadgudub ku ah xuquuqda isu-socodka ee dastuurka Soomaaliya uu siinayo muwaadiniinta. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in falkaas uu kasoo horjeedo islamarkaana xadgudub ku yahay karaamada aadanaha uu leeyahay. Xisbiga Himilo Qaran ayaa madaxda dowladda ugu baaqay inay ka waantoobaan ku tumashada sharciga dalka, ku xadgudubka xuquuqda muwaadinka iyo caburinta joogtada ah oo ay caadeysteen. Himilo Qaran waxa uu sidoo kale xukuumadda uga digay inay joojiso faro-gelinta qaawan ee sharciga ka baxsan ee xukuumadda ay ku hayso maamul goboleedyada dalka. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubalanad ayaa aad u cambaareeyey go’aankii dowladda Farmaajo ay ku hor-istaagtay safar uu maanta ku tagi lahaa magaalada Kismaayo. Qoraal kasoo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in falkii ay maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu caddeyn u yahay sida madaxda hadda hoggaamisa dowladda federaalka ay ugu tagri falayaan awoodda, una adeegsanayaan inay ku caburiyaan dadka ka aragti duwan. War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay xanibaada iyo is hortaagga lagula kacay Madaxweynihii hore ay tahay mid ka soo horjeeda shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla, taasoo muwaadinka Soomaaliyeed xoriyad u siineysa inuu tagi karo, una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21aad farqadiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah. Hoos ka aqriso qoraalka Jubaland oo dhameystiran
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-22-092019.mp3 View the full article
-
Garowe-(Caasimada Online)-Maamul goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xayiraadda dowladda federaalka ay ku kordhisay tii saarneed magaalada Kismaayo iyo is hor taaga lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed. War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri, “Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxey cambaareynaysaa xayiraadda socdaal ee dowladda federaalka ay saartay shacabka reer Jubbaland iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo maanta lagu xanibay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo”. “Falka ay dowladda federaalka kula kacday madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed waxa uu jabinayaa dastuurka dalka, gaar ahaan qodobkiisa 21-aad farqadiisa 1-aad iyo 2-aad oo ku saabsan xoriyadda isu-socodka muwaadinka, kuwaas oo u qoran sidan”: “Qof kasta oo si sharci ah ku daggan dhulka Jamhuuriyadda waxa uu xaq u leeyahay in uu si xor ah u dagi karo, ugu dhex socon karo meel kasta oo dalka ka mid ah, kana bixi karo, (2) muwaadin kasta wuxuu xaq u leeyahay soo galidda, joogidda wadanka iyo in uu helo baasaboor”. Sidoo kale war-saxaafadeedka Puntlanda ayaa lagu yiri, “Tani waxey dhaawac ku tahay geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, oo heerkaan kusoo gaartay wada hadal iyo isku tanaasul, iyada oo la kala aragti duwanyahay”. Puntland ayaa qoraalkeeda ku tiri, “ Shariif Sheikh Axmed waxuu soo noqday madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu ka mid ahaa madaxdii doorka muhiimka ah kasoo qaadatay in dalku ka baxo ku meel gaar, Puntland waxay u aragtaa ku tagri fal awoodeed iyo nasiib daro in madaxda dowladda federaalka ee hadda talada haya ay siyaasad u isticmaalaan awoodaha dowliga ah sida hantida ka dhaxeysa ciidanka, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, taas oo ay ku fushanayaan dano gaar ah iyo kuwo siyaasadeed”. Ugu dambeyntii war-saxaafadeedka Puntland ayaa lagu yiri, “Puntland waxay shacabka Soomaaliyeed, beesha caalamka iyo cid kasta oo daneysa arimaha Soomaaliya u sheegaysaa in falalka nuucaan oo kale ah ay ku keenayaan dib u dhac balaaran hanaanka geedi socodka siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya, taas oo mas’uuliyadeeda ay qaadanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya”. Hoos ka akhriso war-saxaafadeed Puntland:- Caasimada Online Xaafiiska Garowe Caasimada@live.com
-
Dowwlad gobaleedka Puntland ayaa canbaareeyay xayiraaddii dowladda federaalka ay saartay diyaarad maanta garooka diraaradaha Aadan Cadde ka qaadi lahey Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel gaarka aheyd Shariif Sheekh Axmed oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad gobaleedka Jubbaland. Warqada qoraalka ah ee ka soo baxday Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda gobaleedka Puntland ay si weyn uga xun tahay una canbaareyneyso xayiraadda lagu soo rogay shacabka Jubbaland iyo Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee dalka xili uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo, waxaana ay tilmaantay in arrintaas ay tahay mid baal marsan shariga Halkaanka Akhriso Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dowladda Puntland ayaa cambaaraysay Xayiraadda Socdaal ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay saartay Shacabka Jubbaland iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa Beesha Caalamka iyo dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya loogu sheegay in xayiraadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay saartay Jubaland ay dib u dhac ballaaran ku keenayso hannaanka Geeddi-socodka siyaasadeed iyo horumarka dalka. PUNTLAND POST The post Puntland oo cambaaraysay xayiraadda Villa Somalia saartay Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
January 15, 2020, will mark yet another anniversary, the fifth, since bands of all Shabaab insurgents overran a KDF military camp at El Adde in Somalia killing scores. Source: Hiiraan Online
-
At least 20 Somali government soldiers were killed and 18 others were wounded when al-Shabab raided a military base south of Mogadishu, security sources told VOA Somali. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnihii uu hoggaaminayay wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ee raali galinta ugu tagay hooygiisa Shariif Sheikh Axmed ayaa Shariif kala soo kulmay sharuud adag. Xubnaha gaaray hooyga uu Muqdisho ka daganyahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed oo ka socday xukuumadda federaalka ayaa iskugu jiray wasiirro iyo xildhibaano waxaana hoggaaminayay wasiirka amniga Maxamed Islow. Shariif ayay ka dalbadeen in uusan la hadlin warbaahinta oo markii uu kasoo laabtay garoonka soo buux dhaafisay gurigiisa, iyagoo isku dayay in ay si hoose uga raali galiyaan xayiraadii loogu gaystay garoonka Aadan-Cadde xilli maanta uu ku wajahnaa magaalada Kismaayo. Madaxweyne Shariif ayaa gabi ahaanba iska diiday in si hoose loo raali galiyo, isagoo ku xiray raali galintiisa sharuud ah, in dowladdu ay soo saarto bayaan cad oo looga garaabayo xanibaadii maanta loo gaystay. Xubnihii ka socday xukuumadda oo uu hoggaaminayay wasiir Islow ayaa waji gabax kala soo laabtay hooyga Sheikh Shariif uu ka daganyahay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka, siyaasiyiin iyo hoggaamiyaasha xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa buux dhaafiyay hooyga madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed, waxaana hadda u socda kulamo gooni gooni. Kulamada ka socda guriga Sheikh Shariif ayaa waxaa dibad joog ka ah warbaahinta, waxaana lagu wargaliyay Weriyaasha ku sugan goobta in goor dhaw loo sooban dhigi doono waxa kasoo baxa kulamadaas. Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta laga hor istaagay safar uu ku aadi lahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Kulankan oo ay muhiimadiisu aheyd sidii loo xoojin lahaa xalka gaarista arimaha barakacayaasha iyo sidii ay u heli lahaayen nolal dagan ayuu guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) la qaatay agaasimaha hey’ada QM u qaabilsan qaxootiga aduunka ee UNHCR gaar ahaan Bariga iyo geeska Africa Mss. Clementine Nkweta-Salami, Masuuliyiinta hey’ada UNHCR iyo duqa magaalada Muqdisho ayaa arimaha badan isla meel dhigay oo ay kamid ahaayeen horumarinta wada shaqeynta maamulka gobolka Banaadir iyo HNHCR, dardargalinta mashaariicda lagu taageeraayo dadka barakacayaasha ee ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen ( 500.000) qof, sidoo kale waxaa kulan kaan looga hadlay shaqa abuurka dhallinyarada iyo dhismaha xarumaha danta guud. agaasimaha Bariga iyo geeska Africa u qaabilsan hey’ada qaxootiga aduunka ee UNHCR Mss. Clementine Nkweta-Salami ayaa kulanka kadiba warbaahinta qaranka la hadashay. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu tilmaamay in madaxda hey’adda UNHCR ay islameel dhigeen arima muhiim ah. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-22092019.mp3 View the full article