Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,475
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Hargeysa: Hooyo 7 Carruur Ah Oo Ay Dhashay Habeenkii La Seexata Gidaar Cidlo Ah, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. Warbaahinta Puntlandi.com ayaa heshay Xogta rasmiga ah ee ay ka wada hadleen Wasiirada Federaalka iyo Madaxweyne Deni. Kulankii xalay ku dhexmaray Bosaso Labada dhinac ayaa [...] Source
  3. Garissa Governor Ali Korane said on Wednesday the county must be compensated for communally owned land before Lapsset proceeds. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ee Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka uu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaariga gaar ahaan qaybta darawalka. Hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay falkan. Cali Neero Macalin Maxamed oo dhaawac ahaan looga qaadey meesha ayaa ku geeriyoodey Isbitaalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu kamid yahay ganacsatadda Soomaaliyeed. Ma jirto koox sheegatay mas’uulkan dilkan. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falka lagu khaarijiyey Cali Neero. Xaaskiisa oo la socotay gaariga ayaa la sheegayaa in ay ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah Muqdisho. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka oo shalay galinkii dambe gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo kolkii horaba ay baxeen. Wafdigaan oo uu hoggaaminaayay Wasiirka arimaha dibadda xukuumadda federaalka Axmed Ciise Cawad ayaa waxaa ku wellinayay socdaalka uu ku tagay Boosaaso Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga Cabdullaahi bidhaan, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan iyo xubno kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya. Xubnahaan oo deegaan doorashadoodu tahay deegaanada Puntland ayaa waxa uu madaxweyne Farmaajo u wakiishay in ay dhameeyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedka Puntland oo ay ku matalaan dowladda dhexe. Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay warbaahinta qaranka markii ay dib ugu soo laabteen Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay Boosaaso kulan qaatay in ka badan 8 saacadood ay kulayeesheen madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Dani iyo xubno kale oo ka tirsan madaxda ugu sareysa maamulka Puntland. Waxa uu sheegay in madaxda maamulka Puntland ay kala hadleen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka, isagoo sheegay in ay balamo hor dhac ah ka soo yeesheen sidii loo dhameyn lahaa khilaafkaas, inkasta oo uusan shaacin wasiirku qodobo ay ku heshiiyeen labada dhinac. Sidoo kale intii ay socdeen kulamadaas ayaa waxa uu sheegay wasiir Cawad in madaxweyne Dani ay isla soo hadal qaadeen arrimaha maamulka Jubbaland oo isna khilaaf xoog leh uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe. Waxa uu sheegay in Puntland ay u sheegeen in dowladda federaalka ay mowqifkeedii ka taagantahay siyaasadeeda ku aadan Jubbaland oo aysan marnaba aqoonsa doonin doorashadii ka dhacday, isagoo sheegay in hoggaanka Puntland ay arinta Jubbaland ku kala aragti duwanaadeen. Wasiir Cawad sooma ban dhigin heshiis rasmi ah oo ay lasoo gaareen madaxda Puntland, sidoo kale soo ma ban dhigin kulamadoodii kadib waxa iska badalay mowqifka Puntland ee ku aadan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo iyo guud ahaan arimaha siyaasadeed ee maamulka Jubbaland. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Mooshin laga gudbiyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Mooshinka ayaa waxaa laga gudbiyey wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar. Xildhibaan Maxamed Idriis iyo qaar kale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshinkaan u gudbiyey guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kullamada ugu horreeyo ee kala fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay ayey sheegeen Xildhibaanada gudbiyey mooshinka in laga doodi doono. Wasiir Oomaar ayaa lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah: 1) Ku tumasho qodobo dastuuri ah 2) xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha. Weli faahfaahin buuxda lagama helin tirada Xildhibaanada gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Wasiir Oomaar, waxayna u badan tahay in lagu heysto amaradii xayiraadda lagu saaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. MOGADISHU (Reuters) - The Somali government is keeping some donor funds offshore and none of the ministries have completed last year’s accounts, the auditor general said in a report published on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  8. (SLT-Hargeysa)- Fannaanka Caanka Ah Maxamed Siciid Bk Oo Ka Warramay Ujeedada Safar Ugu Baxayo Dalka Ingiriiska, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. MOGADISHU (HOL) - Slightly over $18 million in the financial year 2018 cannot be accounted for, the Auditor General has said in a report which also implicates all arms of government including Banaadir Regional Administration for failing to submit their financial statements for audit. Source: Hiiraan Online
  10. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya cadaadiskii ugu adkaa kaas oo uga imaanaya dhanka odayaasha dhaqanka iyo beelaha daga degaanada gobalka Bari ee Puntland. Caasimada Online ayaa ogaatay in kulamo aan loo kala kicin muddo todobaad ah, islamarkaana ku soo dhamaaday natiijo la’aan ay ka dhaceen magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsi ee Puntland, waxaana kulamadaas qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya. Saddex kamid ah beelaha ugu awoodda badan gobalka Bari ayaa lagu wadaa in ay dhowaan ku dhawaaqaan in ay joojiyeen wadashaqayntii ay la lahaayeen Xukuumadda Puntland, islamarkaana ay ku dhawaaqaan shir-wayne deg deg ah oo looga tashanayo aayaha gobalka Bari. Beelahaan oo kala Cali Saleebaan, Cali Jibraahiil iyo Beesha Dishiishe ayaa ka cabanaya in dhamaan ilihii dhaqaalaha gobalka Bari, sida Dekadda, Airport-ka iyo maxjarka loo gacan geliyay dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana ay shaqo la’aan xoog leh la soo daristay dhalinyarada iyo qaybaha kale ee Bulshada gobalka Bari. Siyaasiinta beelahaan ayaa la kulmay Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada ka soo jeeda gobalkaasi islamarkaana ku jira dowladda Puntland, waxayna isku fahmi waayeen dhaqan gelinta rabitaanka beelahaan waana sababta keentay in Deni uu yimaado Boosaaso iyadoo kulamadii Madaxweyne Deni lala qaatay ay ku soo dhamaadeen natiijo la’aan waana sababta keentay qal qalka Puntland. Odayaasha iyo dadka degaanka ee gobalka Bari ayaa ka cabanaya in ilihii dhaqaalaha gobalka loo gacan geliyay ajaaniib islamarkaana shaqo joojin lagu sameeyay kumamaan dhalinyaro ah iyo odayaal ka shaqaysan jiray Dekadda, Airport-ka iyo Maxjarka. Sidoo kalane ay jiraan tabashooyin kale oo ay ka qabaan dhismaha Dekadda Garacad ee Gobalka Mudug oo ay u arkaan in ay tahay mid lagu dhabar Jebinayo ganacsiga Dekadda Boosaaso. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  11. (SLT-Hargeysa)-Loolanka salka ku haya guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE ee u dhexeeya Wasiirka arrimahah gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa qabsaday baraha bulshada. Loolankan oo aan si rasmi ah weli banaanka ugu soo bixin, ayaa waxa uu ku saabsanyahay ninka noqon doona guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, marka uu Madaxweyne Biixi wareejiyo, waxaana baraha bulshada gaar ahaan facebook qabsaday dhallinyaro kala taabacsan labadan siyaasi ee isku beesha ka soo jeeda. Dhallinyarada taageersan siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa baraha bulshada soo dhigay hadalo koob-kooban oo ku jiray khudbado uu hore u jeediyay Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, iyagoo raaciyay sawiradiisa oo kala duwan iyo qoraalo ay ku sheegayaan in Maxamuud Xaashi lagu wareejin doono guddoomiyenimada xisbiga. Dhallinyaro kale oo taageersan Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa iyaguna bilaabay inay u jawaabaan taageerayaasha Maxamuud Xaashi, waxaana baraha bulshada mar keliya qabsaday sawir ay ka muuqdaan Madaxweyne Biixi oo kursi ku fadhiya oo ay wada hadlayaan Wasiir Maxamed Kaahin oo dul taagan. Taageerayaashan ayaa ku doodaya in Madaxweyne kursiga KULMIYE ku wareejin doono saaxiibkii Wasiir Maxamed Kaahin. Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in dhallinyaradan ay soo kiciyeen bidhaano uga yimid labadan siyaasi oo muujinaya inay soo dhowdahay wakhtiga uu Madaxweyne Biixi wareejinayo guddoomiyenimada xisbiga KULMIYE. Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa xalay cawayskii barta uu ku leeyahay Facebook, wuxuu ku baahiyay qoraal ku qoran luuqadda Carabiga oo uu ugu mahadceliyay dhallinyarada taageersan, waxaanu yidhi “Caways wanaagsan dhammaan dhallinyarada u heelan dalkeena Somaliland, gaar ahaan kuwa baraha bulshada ee ii muujiyay kalsooni iyo niyad wanaag.” Wasiir Maxamed Kaahin, isagaba lagama hayo wax jawaab ama falcelin ah oo la xidhiidha ololaha ka socda baraha bulshada ee u dhexeeya isaga iyo Maxamuud Xaashi. Source
  12. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-9102019.mp3 View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane, Dr.Cabdiraxmaan MaxamadCabdilaahi (Cirro) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kana mid ahaa siyaasiga weyne ee C/laahi, Geel-jire, Af-hayeenka guud ee Xisbiga Barkhad Batuun, Iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marwo Faadumo Siciid Guddoomiyaha dhallinyaradda, Mudane, Dhamme, Xog-hayaha Duulista Nuuradiin-diini, Xog-haye xigeenka Amniga Mudane, Sacad Balaaki. ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibadda Qalin-jebinta dufcadda 11aad ee Jaamacadda Admas qeybteeda Magaaladda Hargeysa. Guddoomiye Cirro oo ardeydu ku qaabishay marku madasha soo galay sacab iyo sawaxan kal-gaceyl weyni ku dheehan yahay ayaa hadal u munaasibadda ka jeediyey Ardeyda ugu hambalyeeyey guusha ay muddada dheer soo wadeen iyo geedigooda waxbarasho. Guddoomiyaha ayaa ardeyda si weyn ugala hadlay kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo hawsha hortaal isago Allena uga baryey iney noqdaan kuwa dalka iyo dadka cilmigooda Alle ku anfco, ugu dameyntiina waxa u Guddoomiye Dr. Cirro guddoonsiiyey shahaadooyinki dhammaan Ardeyda ka qalin-jebisay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Admas iyado Maamulka iyo Madaxda Jaamacadduna si weyn ugagag mahadceliyeen Guddoomiyaha joogitaankisa munaasibadan iyo ag joogsiga ardeyda jaamacadda maanta ka baxday. Source
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Fadeexad culus ayaa kusoo baxday Guddiga Farsamada Doorashada Galmudug oo ay Xalay magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Soomaaliya. Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay ka koobanyihiin 13 xubnood oo kala matalaya beelaha dega Galmudug. Inta badan xubnaha guddigaan kasoo muuqday ayaa ka tirsan xubno aad ugu dhow Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa xusid mudan in qaar ka tirsan guddigaas ay kamid yihiin shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa guddiga kasoo muuqday qaar ka tirsan la taliyaal wasaaradeed oo daacad ah u ah Dowladda Soomaaliya. Midda dad badan ka yaabisay ayaa ah in Guddiga ay magacowday Wasaaradda ay ku jiraan xubno ka tirsan kooxda Ololaha u wada Musharax Qoor Qoor ee u raacay safarkii Dhuusamareeb. Arrintaan ayaa muujineyso sida ay Dowladda Soomaaliya ka damacsan tahay Doorashada Galmudug oo ah inuu kusoo baxo musharaxooda Qoor Qoor. Magacyada Xubnaha Guddiga farsamada ee dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala ah. Maxamed Cumar Warsame Afrax C/Qaadir Nuur Carraale Axmed Maxamed Caafi C/Risaaq Kaahiye Yuusuf Cumar Maxamuud Cabdi Xuseen Cabdulle Xasan Maxamed Daahir Faarax C/Naasir Geelle Cilmi Xaliimo Cabdi Cali Maxamed Maxamuud Cali C/Risaaq Aadan Warsame Abshir C/Raxmaan Maxamed C/Rashiid Cali Salaad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali Jaamac ayaa sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu awood u leeyahay in uu cafiyo kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Nuxurka Kulan Dhexmaray Cirro iyo Guddida West Burco Clan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Xanuun Ka Dillaacay Burco, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa waxay Garowe shir kula leeyihiin Wasiirada Federaalka ee kasoo jeeda Puntland, kulamadaan ayaa lagu waramayaa inay yihiin kuwo [...] Source
  19. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Oo Ka Hadlay Nuxurka Kulan Xasaasi Ah Oo Dhex-maray Midawga Yurub, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu ahayd 09-10-2019 xafiiskiisa ku qaabilay safiirka midawga yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo wefti uu hoggaaminayo. Kulankaana waxa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo midawga yurub sidii loo dardar-gelin lahaa. Sidoo kale, waxa lagu lafo-guray mashaariicda horumarineed ee midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland iska kaashadaan hirgelintooda iyo diyaar garawga doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo safiirku sheegay inay dhinacooda diyaar u yihiin wixii kaalmo ah ee ay kaga qayb-qaadanayaan qabsoomida doorashooyinka Somaliland. Ugu danbayntiina madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo uu kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa safiirka iyo midawga yurub ku bogaadiyey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya Somaliland iyo midawga yurub iyo mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka wadaan. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Dufcadii 11aad oo ka kooban 606 Arday ayaa ka qalinjabiyey Jaamacadda Admas ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo munaasibad balaadhan oo loogu fooladeeyey loogu qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Munaasibadii Qalinjabinta Ardayda Jaamacada Admas ayaa waxa ka soo qaybalay masuuliyiin ka kala socday xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka, Waalidiin, Arday iyo Martisharaf kale, oo uu horkacayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) kuwaas oo dhamaantoodba la qaatay farxada Ardayda qalinjabisay. Ardaydan Jaamacada Admas ka qalinjabisay maanta ayaa baratay culuumta kulliyadaha kala duwan ee heerka Koowaad ee Degree iyo heerka labaad ee Master, waxaana ka mid ah kulliyadaha ay Ardaydaasi ka qalinjabisay oo kala ahaa Accounting, Architecture and Urban Planning, Social Work, Economics, Human Resource (HR), ICTV, Nursing, Development Studies, Management, Public Heath iyo kulliyado kale oo ay bixiso Jaamacaddu. Ugu horayn waxa munaasibadaasi ka hadlay Madaxweynaha Jaamacada Admas Dr. MollaTsegay, kaas oo balanqaaday in Jaamacada Admas qaybteeda Addis Ababa ay siisay deeq Waxbarasho 5-ta Arday ee ugu sareeya ee maanta ka qalinjabiyey Jaamacada Admas qaybteeda Hargeysa waxbarasho bilaash ah oo shahaadada labaad ah (Master) . Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna munaasibadaasi khudbad ardayda u jeediyey ayaa ku booriyey in “Mudaneyaal iyo Marwooyin dhamaan, Ardayda Qalinjabinaysa, waxa maanta sharaf weyn inoo ah inaynu ka soo qaybgalno xafladdan ay ku qalinjabinayaan in ka badan 606 Arday oo wax ka bartay Jaamacada Admas, oo runtii wax weyn ku soo biirisay Qarankan. Dhalinta iyo waayeelka qalinjabiyey iyagana waxaan leeyahay hambalyo hambalyo, Illaahay waxaan idiinka rajaynaynaa mustaqbal wanaagsan, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa Jaamacada Admas oo runtii ah jaamacadaha ugu mudan dalka oo muddo 15-ka sano ah wax weyn ku soo kordhiyey, waalidka iyo macalimiinta waxaan leeyahay Hambalyo aadbaan idiinku hambalyeynayaa,” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo khudbad u jeedinayey Ardayda maanta ka qalinjabisay Jaamacada Admas. Sidoo kale waxa iyaguna intii munaasibadu socotay hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Tacliinta sare Axmed Muuse Muruud, Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, Musharaxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Marwo Faadumo Siciid iyo masuuliyiin kale kuwaas oo dhamaantoodba ardaydii maanta qalinjabisay madashaasi uga jeediyey hadalo dhiirigalin iyo dardaaran ah. Munaasibadan ay maanta ku qalijnabiyeen ardayda Jaamacada Admas oo ahayd mid cajiib ah oo intii ay socotay xafladda uu sii qurxiyey Roob Ardaydii iyo Waalidiintii damaashaadayey ay aad ugu diirsadeen. Source
  22. (SLT- Guumays)-Wararka ka imanaya deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka Sool ayaa sheegaya in Ayax farabadan oo guuraya uu ku habsaday deegaankaasi. Dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa qaylo dhaan xoogle ka muujinaya Ayaxan ku habsaday deegaanka Guumays oo ka tirsan gobolka, kuwaas oo ka cabsi qaba inuu xaalufiyo dhul balaadhan oo isugu jira dhul daaqsimeed iyo beeraha deegaankaasi ku yaala. Mid ka mid ah dadka deegaanka Guumays ku nool oo la hadlay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in dhamaan deegaanada magaalada Guumays galbeed ka xiga uu saamayn ku yeeshay Ayaxani, isla markaana uu ku habsaday, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhigan ayaa dul-istaagay muhiimadda sharciyada uu meel mariyey muddadii la soo dhaafay, kuwaas oo gundhig u ah aas-aasidda qarannimo Soomaaliyeed oo taabba-gal ah, sharciyadaas waxaa ka mid ah, Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Sharciga Isgaarsiinta Dalka iyo Sharciga Dhismaha Hay’adda Naafada Qaranka. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Golaha Shacabka looga baahan yahay in ay dardar geliyaan ansixinta hindise-sharciyeedyada kale ee wali horyaalla Labada Aqal, kuwaas oo ay ka mid yihiin Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka iyo dib-u- eegista Sharciga Xisbiyada Siyaasadeed oo muhiim u ah geedi-socodka dimuqraadiyadeynta dalka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey guulaha siyaasadeed, amni, dhaqaale, Dib u heshiisiinta iyo horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladdu muddadii la soo dhaafay,isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay in dib loo soo celiyo sharaftii iyo haybaddii Ummadda Soomaaliyeed ay ku lahayd Adduunka. “Waxaa naga go’an, in aan ku soconno waddadaas la mahdiyey, si aan u dhammaystirno yagleelidda Dowlad Goboleedyo u adeega ummadda deegannadooda, isla markaasna ka qayb qaata dib-u-dhiska Qaran Soomaaliyeed oo waara.” Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay dadaal badan gelisay Dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka, waxa uuna sheegay in dowladdu ay ka soo baxday shuruudihii deyn cafinta ee beesha caalamka. “Alle mahaddiis dhawaan waxaa noo soo gaba-gaboobay shirkii dib-u-heshiisiinta ee Galmudug, natiijada aan ka gaarnay dib-u- heshiisiintana waxa ay noo fududaysay inaan u gudbayno sidii aan u dhisi lahayn maamul loo dhan yahay.” Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu yahay mid u baahan in lagu wajaho midnimo, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha ammaanka. Madaxweynaha jamhuuriyadda ayaa adkeeyay difaacidda midnimada, madaxbannaanida iyo ilaalinta xuduudaha dhulka, badda iyo cirka Soomaaliya, isaga oo xusay in xiriirka Dowladda Soomaaliya ay la leedahay waddamada darisku uu ku dhisan yahay is-ixtiraam, wax wadaqabsi iyo iskaashi.
  24. (SLT-Nairobi)-Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa jawaab adag ka bixiyey dacwad ay dhowaan Soomaaliya u gudbisay hay’adda maamulka hawada ICAO ee Qaramada Midoobay. Sarkaakiishan oo la hadlay wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in ayna wax shaqo ah ku laheyn diyaaraddii siday Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed ee dhowaan ka degtay garoonka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale waxa ay saraakiishu sheegeen in Kenya ay u hoggaamsameyso xeerarka caalami ah, islamarkaan ayna marnaba ku xadgubeyn hawada Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa ay tilmaameen in dowladda federaalka ay xaq u laheyd inay qabato diyaaraddaasi, islamarkaana ay difaacato hawadeeda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xayiraad saartay Kismaayo, balse waxaa jabisay diyaarad ka timid Nairobi, taas oo ay dowladdu ku dacweysay hay’adda hawada ICAO, si wax laga weydiiyo dalka ay ka timid oo ah Kenya. Arrintan ayaa soo xoojisay xiisadda labada dal oo markii hore isku hayey muranka Badda oo ahaatan dacwaddiisu ay ku furan tahay Maxkamadda Cadaalada ee ICJ. Source
  25. (SLT- Kashmiir)-Raysal wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa u safray wadanka Shiinaha oo booqasho laba maalmood ah ku qaadano, waxaana uu kala hadli doonaa xiisadda gobolka Kashmiir. Mr Khan ayaa kulamo la qaadan doono madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Raysal wasaarihiisa Li Keqiang. War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Imran Khan ayaa lagu sheegay in in booqashadan ay noqoneyso tii sadaxaad tan iyo markii xilka loo doortay bishii Agoosto ee sannadkii Hore. Xukuumada Islamabad ayaa dooneysa in ay xoojiso xidhiidhka ganacsi iyo midka amni ee kala dhaxeeya Shiinaha. Pakistan ayaa aad ugu cadhootay xayiraada bishii hore ay Hindiya ku soo rogtay dhulka muslimiinta ee Jamu Kashmiir, waxaana Pakistan ay xidhiidhka diblumaasiyadeed u jartay dowlada Delhi. Source