-
Content Count
215,072 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Mudane Cali Gacal Casir oo u warramay Shabelle ayaa ka horyimid kulan maanta qaar ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi ay ku ansixiyeen guddiga uu dhowaan soo magacaabay, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Ugu horreyn guddoomiye Cali Gacal Casir ayaa sharci darro ku tilmaamay meel marinta guddigaasi. Sidoo kale wuxuu wareysigan guddoomiyuhu ku sheegay in madaxa xukuumadda Galmudug uusan shiri karin xildhibaanada, islamarkaana tallaabadii uu maanta qaaday ay ka hor imaaneyso Dastuurka u yalla maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in xildhibaanada Galmudug uu ka dhacay waqtigii shaqada, islamarkaan aysan awood u laheyn inay go’aano soo saaraan. Ugu dambeyn guddoomiye Casir ayaa ku baaqay in la tageero guddiga doorashada oo ay ku dhawaaqday dowladda federaalka , si loo dhiso maamul lo dhan yahay. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wareysi-Gudoomiyaha-barlamanka-galmudug-Cali-Gacal-Casir.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in khatar amni ay ka soo wajahantahay ciidamada lagu daabulayo magaalada Dhuusamareeb, isla markaasna ay beenowday sheegayashii dowladda ee aheyd in ay heshiis la saxiixatay Ahlu-Sunna Waljamaaca. “Waxaan walaac xoog leh ka muujineynaa ciidanka ay dowladda federaalka ah ku daabulayso magaalada Dhuusamareeb. Saansaan colaadeed oo keeni karta dagaal deegaanka ka dhaca ayaa muuqata, taas oo burinaysa sheegashadii dowladda ee ahayd in ay dib u heshisiin deegaanka ka hirgelisay iyo in ay Ahlusunna heshiis la gaartay” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in ay ku baaqayaan in khilaafka lagu dhameeyo wadahadal, isla markaana ay dhawaan deegaanka u tagayaan sidii loo xalin lahaa xiisadda, “Waxaan ku baaqeynaa in waanwaan iyo wadahal lagu xalliyo khilaafka, lana mideeyo labada hannaan doorasho. Waan ku baxaynaa deegaanka si colaad loo baajiyo”. Ugu dambeyntii C/Raxmaan C/Shakuur ayaa qoraalkiisa digniin ugu diray saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee lagu daabulay magaalada Dhuusamareeb, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga u yaalla dalka ogaadana in la isku daba galayo hadii ay gaystaan dambiyo dagaal, isla markaana ay gartaan waajibkooda oo ah la dagaalanka Al-Shabaab. “Waxaan ugu digaynaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee dagaalka lagu gubayo in ay sharciga iyo dastuurka ixtiraamaan, waajibkooda la dagalaanka Al-Shabaab aan laga weecin, bannaankana ka joogaaan loolanka siyaasadeed, ogaadaanna in masuuliyadda danbiga dagaal la isku debagelayo. Waxaan ugu baaqaynaa ganacsatada ku hawlan colaada hurinta in ay arrinkaas ka waantoobaan”. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen-26-102019.mp3 View the full article
-
Somaliland: Three “reporters” Run Back To Their Paymasters In Mogadishu According to a certain website claiming to be a Somaliland “website”, which in reality is paid for and supported with funds from the weak federal entity in Mogadishu, three of their “reporters” have fled to there, because “they feel unable to practice their “profession” in Somaliland”. In other words, these “reporters” have been unable to spread their propaganda on behalf of their paymasters in Mogadishu and had to return there. They are not by any stretch of the imagination, professional journalists. Nothing new in that. We, in Somaliland, are aware of the daily campaign against our country by the weak federal entity being guarded in the 4km around villa Somalia. The creation of Twitter bots, attempts to pay off legitimate Somaliland journalists and websites is a daily occurrence. This is all part of the economic, diplomatic, political, and information warfare against Somaliland. One must understand that when your argument is weak, you tend to resort to lies, fake news and other nefarious activities. It gets you nowhere. As the Somali saying goes “Beeni raad ma leh”, ( A lie has no basis). Somaliland will keep marching on, and these three youngsters will realize that taking few dollars to disparage your homeland is the road to ruin. Ali Mohamed Abokor ruraledcomm@yahoo.co.uk Qaran News
-
Xildhibaanada Golaha Shacab Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kalafadhiga lixaad kulankii afaraad,kaasi oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey. Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulankooda maanta waxay kaga hadleen fatahaadda uu wabiga shabeelle ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo sidoo kale daadad ka dhashay roobab ka da’ay gobolka Baay,kaasi oo sababay in dad shacab ah ka barakacaan deegaano ka tirsan degmada Bardaalle ee Gobolka Baay. Xildhibaan Farxiya Muumin Cali ayaa mudanayaasha ka hor sheegtay dhibaatooyinka dadka shacab ah ka soo gaaray Fatahaadda iyo daadadka ka dhashay roobabka ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka Baay,waxayna ku baaqday in si deg deg ah dadkaasi loogu gurmado. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in golaha shacabka ay mas’uuliyad gaar ah ka saran tahay in dadkaas loo gurmado. Dhinaca kale, Xildhibaan Nuur Siidow Baaba ayaa golaha horgeeyay warbixin ku saabsan xaaladaha deegaan doorashadiisa oo ah degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose. Ugu dambeyn,Guddoomiayaha Guddiga Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee gobolka shacabka xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa golaha u faah faahiyay akhrinta 2-aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo uu guddiga wax ka bedel ku sameeyay. Xildhibaanada golaha shacabka qaar ka mid ah ayaa aragtiyadooda ka dhiibtay wax ka bedelka sharcigan lagu sameeyay,waxaana guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha shacabka mudane Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey oo kulanka soo xiray uu u mahad celiyay xildhibaanada aragtiyadooda oo uu sheegay in guddiga looga baahan yahay inay tixgeliyaan fikradaha xilhibaanadda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Adis Ababa (Caasimadda Online) – Waxaa Gobolka Oromada ee dalka Itoobiya lagu dilay toddobkaan illaa 67 qof, intii ay socdaan banaabax looga soo horjeedo Ra’isul wasaaraha dalkaas oo ka dhacay caasimadda Addis Ababa iyo Magaalooyin kale. Saraakiil ka tirsan booliiska oo u waramay Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in dabadabaxyada rabshadaha watay ee maalmahaan ka socday dhulka Oramada ay ku naf waayeen ilaa 67 ruux, iyadoo ay rabshadaahii maanta madaxa la galeen maalintii seddaxaad. Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in 5 laga dilay, waxayna intaas ku dareen 13 kamid ah dadka la dilay in lagu dilay rasaas halka inta kalana ay ku dhinteen rabshadaha iyo dhagxaantii la isku tuurayey. Rabshadahan oo markii hore ku bilawday eedaymo uu jawar Mohammed usoo jeediyay dawlada Abiy Ahmed ayaa haatan isubadalay iskudhac qoomiyadeed iyo meelaha qaar mid diimeed. Booliska ayaa gacanta ku dhigay 68-qof oo lala xariirinayo kicinta shaqaaqoyinkii ka dhacay caasimadda ismaamulka Oromada ee Adama, duqa magaalada Adama oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in dadka la qabtay looga shakisan yahay dilalkii,boobkii iyo goobihii cibaadada ee lagubay. Jawar Maxamed oo ah ninka sababta u ahaa in ay qarxaan rabshadaha hareeyay deegaanada ismaamulka Oramiya ee dalka Itoobiya oo la hadlay Reuters waxa uu eedeyn u jeediyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Abiy Ahmed oo uu ku tilmaamay kaligii taliye. Jawar wuxuu ku soo caan baxay khudbadaha iyo bandhigyada uu kaga hadlo siyaasadda dalka Itoobiya, isaga oo weliba qurbajoogta Oromada ee Mareykanka ku nool hormuud u ahaa. Jawar Maxammed ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay xubin ka ugu muhiimsan ee aasaasay ururka dhalinyarada Oromoda ee ‘Qeeroo’ oo dalka gudahiisa mudaharaadyada sababay iney dowladda isbeddesho sameeynayey. Gaar ahaanna Jawar waxaa si gaar ah uu ugu soo caan baxay jidgooyooyinki maalmaha socday ee lagu sameeyey jidadka soo gala caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ugu dambeyntina sababay inuu ra’isal wasaarihi hore ee Itoobiya Haile Mariam Desalegn uu iscasilo xilkana uu la wareego Dr Abiy Axmed oo qowmiyadda Oromada u dhashay. Caasimada Online Xafiiska Adis Ababa caasimada@live.com
-
(SLT-Garoowe)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ayaa sheegay in markii uu xilka ka qabtay uu Maamulkiisu boqolkiiba inta badan la wareegay Maamulidda Bariga Gobolka Sanaag iyo Buuhoodle. Madaxweyne Deni oo Maanta hor-tagay Golaha Wakiillada isla-markaana ka jawaabay su’aalo ay Xildhibaannadu waydiiyeen ayaa sheegay in Maamulkiisu wax badan qabtay muddadii koobnayd ee uu xilka hayey, waxbqabadyadaana ay ka mid tahay in Maamulkiisu si wanaagsan uga dhaqan-galay Buuhoodle. Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Muddadii aan xilka haynay, dhulka Sanaag waxa Gacanta Puntland soo gashay %99 ka mid ah, marka laga reebo Yubbe iyo inyar oo la mid ah. Waxa Maanta Wasaaradihii Puntland oo dhami joogaan Magaalada Buuhoodle oo markii aanu Xilka Nimid uu khalkhal amni ka jiray iyo Gacan ku haynta Dawladda oo maqnayd..” Sanaag-bari iyo Buuhoodle ayaa waxay Juquraafi ahaan ku jiraan khariiradda Somaliland, laakiin waxa Mulkiyaddooda sheegata Puntland oo ka mid ah Soomaaliya. Somaliland iyo Soomaaliya oo Puntland ka mid tahay ayaa leh Xuduud Caalami ah. Source
-
Garoowe (Caasimadda Online) – Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ayaa ka hadlay culimadii dhawaan ka hadlay ka qeybgalka Deni uu ka qeybgalay Xafladdii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe. Faroole oo ka hadlayay kulanka 1-aad ee Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe ayaa weerar culus ku qaaday culimada Puntland iyo odayaasha dhaqanka Waxaa uu sheegay inaanay ka yeeli doonin inay Masaajida ka soo farmuuqaan siyaasiyiinta, haddii kalena inay iyana farta ku fiiqayaan, isla-markaana ay iska celin doonaan. “Culumada Waxaan leeyahay hadfaad siyaasad rabtaan Kitaabka meel soo dhigta, midka siyaasadda soo qaata, laakiin idin ka yeeli mayno in aad masaajidada dadka faraha kaga fiiq fiiqdaan, idinkana waa la’idinku fiiqayaa waana iska kiin celinayna anba sheekh baan ahay ima harawsan kartaan.” Ayuu yiri Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud. Faroole ayaa uga digay culimada inay soo farageliyaan siyaadda Dalka, gaar ahaan tan Puntland, isagoo ku hanjabay haddii ay joojin waayaan inay taggi doonto in iyagana la dhaliilo. Wuxuu ku baaqay in la iska qabto dad uu sheegay inay dhibaato ku hayaan Puntland, wuxuuna kula taliyey in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka Shcabka Puntland. Wuxuu ugu baaqay inay ilaashadaan jiritaanka Maamulkooda si hormar loo gaarsiiyo Senator Faroole oo horey u soo noqday Madaxweynaha Puntland ayaa dadka reer Puntland kula taliyay in si wadajira loo ilaaliyo midnimada shacabka Puntland iyo jiritaanka maamulka ay leeyihiin. Waa markii ugu horeysay oo Senotarka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya ka tirsan uu weerar afka ah ku qaado Culumada Soomaaliyeed, ee sida joogtada ahi kaga hadasho arrimaha siyaasadda ee dalka. Magaalada Garoowe ayaa waxaaka socdo olole looga soo horjeedo maamulka Deni, waxaana lagu eedeeyey Dowladda Soomaaliya inay iyada ka dambeyso. Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ka dhacay Garoowe ayaa waxaa ka dhashay buuq kadib markii XIldhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu tiriyo inuu xiriir la leeyahay Nabad iyo Nolol uu su,aal adag waydiiyey Saciid Deni taasoo keentay inuu madaxweynaha isaga baxo fadhiga Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah oo xukuumaddu u dhistay guddida qandaraasyada qaranka iyo hay’adda U diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka. Ugu horrayn waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray dhismaha loo bineeyey guddida qandaraasyada qaranka, Sidoo kale, waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xadhigga ka jaray dhismeyaal casri ah iyo bakhaar keydka Raashinka loogu talo galay oo loo dhisay hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo keydka Raashinka qaranka., Madaxweynuhu wuxuu kormeeray dhismayaasha cusub iyo Bakhaarka keydka Raashinka ee loo dhisay hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka qaranka, kadibna waxa uu xidhigga ka jaray dhismayaashaas xukuumaddu hirgelisay. Qaran News
-
(SLT-Jigjiga)-Guddoomiyaha Ururka ONLF Maxamed Cumar Cismaan ayaa sheegay in halganka ay ku jiraan aanu aheyn mid qabiil kaliya u daneynaya ama u adeegaya, isaga oo intaa ku daray in magaca Ogaden ka tanaasulayaan haddii maslaxad loo arko. Isaga oo khudbad u jeedinayay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayuu ka dalbaday inay keenaan magac kasta oo ay u arkaan in uu ka wanaagsan yahay kan hadda ee ”ONLF” ”Annaga dan gaar ah iyo ujeedo gaar ah oo aan ka leenahay magacan ONLF ama ”Ogaden” ma jiro, dagaalka aan ku jirno waa in la helo xuquuqda ay Umadda deegaanka leedahay ee qabiil gaar ah iyo qolo gaar ah oo aan u adeegeyno ma jirto, Odayaashii ayaad tihiin adinka ayaa leydinka rabaa in aad keentaan magac kan dhaama haddii uu jiro oo aad heysaan, sidaa in aad noo fahantaan ayaan rabnaa” ayuu yidhi Maxamed Cumar Cismaan. Magaca ONLF ayeey dad badani u arkaan in uu yahay mid u taagan qabiil gaar ah inkastoo mas’uuliyiinta sar sare ee Ururka sheegeen in uu yahay mid u taaggan xoreynta iyo inay xuquuqdooda hellaan dadka ku dhaqan deegaanka Ismaamulka Soomaalida. Ururkan ayaa hore heshiis xabad joojin ah ula saxeexday dowladda Itoobiya oo muddo dheer ay dagaal kula jireen iyaga sheegay in halgankooda u badalay mid nabadeed. Source
-
Dowladda federaalka ah ayaa maanta guddi gurmad ah u saartay fatahaadaha magaalada Baladweyne ee xarunta gobalaka Hiiraan, halkaas oo Wabiga Shabeelle uu ka geystay fatahaado saameeyay inta badan ee magaalada. Guddigaan oo ka kooban 9 xubnoon ayaa waxaa lagu magacaabay kulan ay is kugu yimaadeen wasiirada xukuumadda federaalka, waxaana guddiigaan guddoomiye u ah wasiirka gargaarka xukuumadda federaalka Xamse Siciid. Guddigaan ayaa waxaa ku jira dhowr wasiir oo ka tirsan Xukuumadda federaalka ah, waxaana la filaayaa in ay gaaraan dhawaan Baladweyne si ay u soo qiimeeyaan xaalada fatahaadda ee uu geystay Wabiga Shabeelle. Waxaana kamid xubna la magacaabay. 1-Fowsiyo Abiikar Nuur,, Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya 2-Maxamed Abuukar Islow Ducaalle, Wasiirka Amniga 3-Fowsiyo Maxamed Sheekh, Wasiirka korontada iyo biyaha 4-Saciid Xuseen Ciid, Wasiirka Beeraha 5-Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada 6-Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya 7-Maxamed Cabdi xayir Maareye, Wasiirka Warfaafinta 8-Isaaq Maxamed Maxamuud wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha iyo gudoomiyaha guddiga 9-Xamze Siciid Xamze Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in khilaaf u dhaxeeya maamulka gobalka Banaadir iyo wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya ay sabab u aheyd korantadii dantay habeeno ka hor, xili ay billaaban rabtay ciyaarta kama dambeesta ah ee degmooyinka gobalka Banaadir. Ciyaartaan oo u dhaxeysay degmooyinka Waabari iyo Dharkenlay ayaa inta aysan billaaban ka hor, waxaa baxday korontada waxayna maqneed muddo dhan hal saac ugu yaraan iyadoo markii dambe lagu dhawaaqay in ciyaarta la baajiyay. Xog aan helnay ayaa sheegaysa in wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ay amar ku bixisay in la damiyo korontada garoonka, waxayna toos u wacday madaxdii korontada iyo maamulka garoonka Injineer Yariisow Stadium. Garoonka ayaa waxaa gacanta ku haya shaqaale wasaaradda ay mushahar siiso. Xogta kale ee aan helnay ayaa sheegaysa in garoonka aysan imaanin wasiir Khadiijo iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo labadooda ku marti qaadnaa islamarkaana ay aheyd in ay goob joog ka noqdaan. Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in wasiir Khadiijo ay ra’iisul wasaaraha uga digtay tagitaanka garoonka iyadoo kuwar gelisay in uu ka jiro qal qal amni oo aan la isku haleyn karin. Markii ay baxday korontadii garoonka ayaa ciidamada amniga si deg deg ah waxay garoonka uga saareen guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish waxaana la geeyay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed oo ka agdhawaa garoonka, muddo kadibna waxaa guddoomiyaha soo wacay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka dalbaday in uu baajiyo ciyaarta. Khadiija ayaa la sheegay inay ka xun tahay in wasaaradda aan kaalin laga siin qabashada tartankan. Guddoomiyeyaashii ka horeeyey Filish ayaa wasaaradda kaalin ka siin jiray cayaarahan, hase yeeshee Filish ayaa taas meesha ka saaray, taasi oo ka carreysiisay Khadiija. Maanta waxaa khilaafka cadeysay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya kadib markii xafiiska wasiir Khadiijo laga soo saaray warsaxaafadeed lagu dalbanayo in la soo celiyo wadashaqeyntii gobalka iyo wasaaradda. Waxaa muuqata in khilaafka laba qof u dhaxeeya uu halis geliyay amaanka dad ka badan 10 kun oo qof oo ah shacabka gobalka Banaadir kuwaas oo maalintii iska sii xaadiriyay garoonka si ay ciyaarta udaawadaan. Wali lama sheegin xiliga ay qabsoomi doonto balse waxaa muuqata khilaafka labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(ST-Hargeysa)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si kooban uga hadlay Cabashooyinka Dadweynuhu ka qabaan Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, cabashooyinkaasi oo la xidhiidha dhinacyada Adeegyada Bulshada oo aad loogu cannaanto inay ka gaabiyeen, Halkan hoose ka DAAWO https://www.youtube.com/watch?v=VsnPnbSMU88&feature=youtu.be Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka. Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada, waxa uuna ugu baaqay dhammaan hey’adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga. Mudane Xasan Cali Khayre ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la’aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.
