Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. MEXICO CITY (AP) — The U.S. Treasury Department announced sanctions Thursday on a man from Sierra Leone for allegedly smuggling thousands of migrants from Asia and Africa into the United States. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Carl Skau, Deputy Executive Director of the World Food Programme (WFP), emphasized the urgent need for ongoing humanitarian aid in Somalia following a three-day mission to the country, where severe food insecurity and climate-related challenges persist. Source: Hiiraan Online
  3. The stories of two Somali journalists have hit the headlines recently, after it was reported that they are some of hundreds of thousands of Somalis to flee the country and try and seek refuge elsewhere. Source: Hiiraan Online
  4. Putin oo maxaabiis la soo daayay ku soo dhaweeyay Moscow Madaxweyne Ruushka Vladimir Putin ayaa isna garoonka diyaaradaha ee magaalada Moscow, ku soo dhaweeyay maxaabiis u dhashay dalkiisa oo xabsiyada laga sii daayay kadib markii Ruushka iyo Reer galbeedku sameeyeen is waydaarsigii ugu ballaarnaa ee dhanka maxaabiista. Arrintaan ayaa ku timid wadahadallo muddo socday oo dowladda Turkigu ay door weyn ku laheed. Madaxweyne Biden oo soo dhaweeyay maxaabiis Ruushka laga sii daayay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa u mahad celiyay xulafadiisa oo uu sheegay in ay sameeyeen shaqo adag oo ku aadan in la sii daayo maxaabiis ku xirnaa dalka Ruushka. Wuxuu sheegay in maalintaan ay muhiimad gaar ah u leedahay qoysaska ay dadkooda kala maqnaayeen, balse hadda dib u midoobaya. Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Mareykanka ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo ka degay diyaarad gaysay Mareykanka, waxaana ku soo dhaweeyay garoonka madaxweyne Biden iyo madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris.. Sidoo kale ehelada maxaabiista la sii dayay ayaa tubnaa garoonka si ay u soo dhaweeyaan xubnaha ka maqnaa ee hadda la sii daayay. Kamala Harris ayaa maalintaan ku tilmaantay maalin weyn oo farxadeed. Labada dhinac ayaa is dhaafsaday ilaa 24 maxbuus oo 16 ka mid ah ay reer galbeed yihiin, halka sideedda kalena ay Ruushka u dhasheen. bbcsomali bbcsomali Qaran News
  5. Shimbiro shisheeye oo duullaan ah,” marka aad maqashid waxay kuula muuqanaysaa sheeko film Hollywood ah laga sameeyay laakiin dadka xeebaha Kenya deggan uma aha khiyaali oo waa u xaqiiqo. Maamulka halkaasi ka arrimiya ayaa aad uga walaacsan dhibta ay abuureen tukayaasha Hindida ah ee deegaanka kusoo badanaya kuwaas oo tiradoodu soo badanayso. Qorshaha ayaa in la dilo hal milyan oo tuke ah iyadoo la adeegsanayo sun. Tukayaasha ayaan bartilmaansanin bini’aadamka ilaa iyo hadda, laakiin shimbirahan ayaa muddo tobanaan sano ah sababayay khalkhal baahsan, iyagoo ugaarsanaya duurjoogta, sidoo kelana ku duullaya goobaha dalxiiska iyo beeraha digaagga. Sun ayaa hadda laga isticmaalaa magaalooyinka Watamu iyo Malindi si loo dilo shimbirahan. Ololahan sunta ah ayaa looga golleeyahay in lagu hakiyo faafitaanka ay shimbirahaan ku soo gaarayaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Shimbirahan, oo xeebta looga yaqaano magacyada “kunguru” ama “kurabu”, waxay ka soo jeedaan Hindiya iyo qaybaha kale ee Qaarada Aasiya. Waxaa la rumaysan yahay in tukayaashan ay isaga kala gudbaan dalalka oo ku faafaan iyagoo sii fuula maraakiibta ganacsi ee isaga kala gooshaya qaaradaha. Laakiin waxaa la rumaysan yahay in si ula kac ah loogu faafiyay Bariga Afrika qiyaastii 1890-meeyadii si wax looga qabto dhibaatada qashinka ee jasiiradaha Zanzibar, oo markaas ahayd maxmiyad Ingiriis ah. tallaabadan walaac ka muujiyey gaar ahaan isticmaalka suntan “Ku-sumowga tirada badan waa xal muddo gaaban ah oo aan ka hadlin sababta asaasiga ah ee dhibaatada,” ayuu yiri Leonard Onyango oo ah u doode arrimaha deegaanka ah. Wuxuu intaa raaciyey inay jiri karaan habab kale oo ka sahlan oo looga hortagi karo taranka badan ee tukaha. Laakiin kuwa ku lugta leh barnaamijka ayaa xoogga saaraya baahida loo qabo ilaalinta noocyada asalka ah iyo hubinta dheelitirka deegaanka. “Haddii aynaan hadda waxba samayn, waxyeelladu waxay noqonaysaa mid aan laga soo kaban karin,” ayuu yidhi Mr Kirao, oo ku hawlan barnaamijkan. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladdu bilowdo qorshayaal lagu xakameynayo noocyada shimbiraha ee duullaanka ah. Marka laga soo tago goobaha qashinka ee ay tukayaashu wax ka quutaan, meelaha kale ee inta badan jecel yihiin waa goobaha huteelada ah ee loo dalxiis tago iyagoo mararka qaar carqalad galiyada dadka dalxiisayaasha ah markii loo keeno cunooyinka, mulkiiyasha ayaa tiro dhowr jeer ka cowday tukaha. “Shimbirahan ayaa runtii dhib weyn ku haya martida soo booqata huteeladayada si ay ugu raaxaystaan cuntadooda meellaha kulaala xeebaha,” ayuu yiri Maureen Awuor, oo ah guddoomiyaha Ururka Kenya ee Hoteellada. Hoteelada qaar ayaa khaati ka taagan tukaha iyagoo samaystay shaqaale kala eryo markay ku soo xoomaan, kuwaas oo waraf u adeegsada. Tallaabadan lagu beegsanayo tukayaasha ayaa lagu sheegay mid waxtar leh, maadama tukuhu yihiin kuwo feejigan oo ay ka fogaaadaan meelaha ay ku arkaan in tuka kale ku dhimanayo. Inkasto oo masuuliyiintu qorsheeyeen in la dhimo tirada tukaha haddana waxay dareemayaan inaysan jirin wax kale oo doorasho ah. Waxaa kale oo jira walaac laga qabo inuu ku fido gudaha dalka Shimbiraha ayaa lagu arkay deegaanka Mtito Andei – oo qiyaastii 240km u jirta caasimadda Nairobi, sida ay sheegeen dadka la socda. “Cabsida ugu weyn ayaa ah, haddii aan hadda waxba la qaban, tukuhu wuxuu gaari doonaa Nairobi, tani waxay khatar weyn ku noqon doontaa shimbiraha ku nool dalka, gaar ahaan beerta Qaranka ee Nairobi,” ayuu yiri Mr Kirao. Tukaha ayaa ka mid ah shimbiraha ku nool dalal ku yaalla bariga Afrika, Soomaaliya ayaa ka mid dalalk uu tukuhu uu caanka ka yahay wallow sida daraasaduhu muujiyaan uu sii yaraanayo. Tukaha, waxaa sidoo kale loo tiriyaa mid leh caqli badan, feejignaan dheeri ah iyo xeeladaysi gaara Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo xalay casho sharaf ku maamuusay culumaa’udiinka ka qayb-galay shirweynaha labaad ee culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa la dardaarmay culimada. Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyay war-murtiyeedka ka soo baxay shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, dhaqanka suuban iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada. “Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la-dagaallanka Khawaarijta iyo ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan. Sidoo kale wuxuu ku booriyay isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye. The post Xasan Sheekh oo shaaciyay arrin ay ku xiran tahay midnimada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  7. Amid setbacks and progress in conflict resolution, Africa's peace and security issues require innovative and holistic responses. Source: Hiiraan Online
  8. Muqaalka daawo qoraalkana akhri Muwaadin VID-20240802-WA0000(1) Hogaankii dalku uu leexday….. Absolutely #Siciid_Cilmi_Roble. Maalintu kelmadan lahaa waan garaneyayey dadbadanise mey fahmin. Waxu ka waddey waar hogaamkii dalku wuu leexdey. Waxu garanayay in kulmiye jidkii Ahmed Siilaanyo ku aasaasey laga duway. Rag la tuhmayeyna la lumeen. Dalkuna halis ku jiro. Hadaan laga badbaadin Hadaba nin weyni meel uu joogaba waa xogogaal. Waxa maanta u gunta usoo xidhey waa badbaado qaran. Isaga iyo ragga la socda #Shiine_Abdi_Barkhadle. Waa ragii Ahmed Siilaanyo ee Saaxil xisbiga Kulmiye kala bilaabey. in badan la soo shaqeyey. Markuu kulmiye mucaradka ahaa iyo intii madaxweyne Siilaanyo hogaaminayey dalka . Sicid waxu shacabka JSL u sheegey maalinta in Xisbigii Kulmiye Party isugu hadheen dhalinyaro la waaley oo ceytameysa iyo rag waaweyn oo dhibaateysan oo aflaago degaameysan ku hadlaya Sababtana waxa keeney. Waa Hal qodob. Waxqabad ey sheegam karaan ma jiro. Dalkana iyo dadkana guud ahaan dhibaato weyn bey soo gaadhsiiyeen. Waxa karti ku soo hadhey waa Guulwadeyn qaawan waxa Micrphone xafladda kulmiye ka baxaya iyo cey. Waxana sababey hogaankii ey ku dayan lahayeen baa fashilmey. Waxeyna siyaasayadda u yaqanaan cey laga sheego TV Hadaba doorashadan. Maaha Xisbiyo Tartamaya ama Ciro iyo Muuse tartamaya. Doorashaddani waa shacabka Somaliland iyo haldoorkii Sonaliland oo isku duuban oo ka badbaadinaya fashil danbe oo dalkeena ku yimaadda. Taasna shacabku iyo dadka haldoorka bulshadeenu waa isla fahmeen. In aan kulmiye soo noqon iyo madaxweyne Muuse Bihi. Sidaasa umadda nin walba oo wax garanaya guntiga ugu xidhey oo go’a garabka ugu sitaa. In laga midha dhaliyo isbedelka badbaado qaran Musharax Cabdiraxmaan Cirro dalkeena ku hogaamiyo (iradatu Shacab) codka shacabka iyo haldoorka Somaliland ee isbedel badbaado qaran. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  9. Moscow (Caasimada Online) – Maraykanka iyo Ruushka ayaa is-weydaarsaday in ka badan 20 maxbuus oo ay iska kala hayeen qaarkoodna laga sii daayay xabsiyo ku yaalla Yurub, taasoo ka dhigtay is-weydaarisigi ugu ballaarnaa oo ay labadan dal sameeyaan tan iyo burburki Midowgii Sofiyetka. Heshiiskan caalamiga ahaa oo ay ku lug lahaayeen dhowr waddan, ayuu Ruushka kusoo daayay Evan Gershkovich, oo ah saxafi u shaqeeya wargeyska The Wall Street Journal iyo Paul Whelan oo Maraykan ah, iyo Vladimir Kara-Murza, oo ka mid ah dadka sida weyn u naqdiya Putin, balse heysta deganaashaha Mareykanka. Maxaabiista ay Moscow sii deysay ayaa waxaa sidoo kale ku jirta, Alsu Kurmasheva oo ah wariye u shaqeysa warbaahinta Radio Free Europe/Radio Liberty, oo mataan la ah VOA. Alsu ayaa isku heysata dhalashada Ruushka iyo Mareykanka. Oleg Orlov, oo ah rug-caddaa muddo u ololeynayay xuquuqda aadanah Ruushka iyo Ilya Yashin, oo si aada u diiday duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa ka mid ahaa dadka laga sii daayay xabsiyada Ruushka. Dhanka Ruushka, maxaabiista loo sii daayay waxaa ka mid ahaa Vadim Krasikov, oo sannadki 2021-ki lagu xakumay dalka Jarmalka, kaddib marki lagu eedeeyay inuu xaddiiqad ku taallo magaalada Berlin ku dilay, sarkaal horay uga tirsanaa jabhaddii Jeejniya ee Ruushka. Vadim ayaa lagu xakumay xabsi daa’in. Ruushka waxaa kaloo loo gacan geliyay saddex nin oo ku jiray xabsiyada Mareykanka oo uu ku jiro Roman Seleznev, oo ku eedeysnaa inuu hadda ka hor usoo dhacay kambayuutarrada dowladda Mareykanka. Slovenia, waxay sii deysay laba nin oo ku eedeysnaa jaajuusnimo. Norway, ayaa sii deysay cilmi-baare Ruush ah oo ku eedeesnaa basaasnimo, halka Poland ay fasaxday nin ku eedeesnaa howlo jaasuusnimo ah. Dhammaan maxaabiista ay dhinacyada is weydaarteen ayaa waxaa fududeysay Dowladda Turkiga, waxana lagu kala wareegay dadkaasi gudaha magaalada Ankara. Madaxwenaha Mareykanka Joe Biden ayaa is weydaarsiga maxaabiista ku sheegay mid ku yimid heshiis adag. Wuxuu kaloo tusaale awood badan ku sheegay sababta ay muhiim u tahay in saaxibbo lagu yeesho dunida. The post Mareykanka iyo Ruushka oo sameeyay arrin taariikhi ah – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  10. Millatariga Israa’iil ayaa sheegay, in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas. Warkan ayaa imanaya maalin kaddib marki magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah. Bayaan kasoo baxay millatariga Israa’il ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen, in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July. Isra’il waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israa’il, 7-badi bishi October ee sannadki hore. Weerarkaas oo ay Isra’il sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah. Duqeynti ay Isra’il ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo sheegtay in ay dishay Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas appeared first on Puntland Post.
  11. Hargeisa (HOL) - Hargeisa (HOL) — Somaliland has established a ministerial committee to intensify its efforts for international recognition, the Ministry of Foreign Affairs announced. This move marks a significant step in Somaliland's 33-year quest for recognition. Source: Hiiraan Online
  12. Musharrax Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyey Xafiiskiisa Siyaasiyiin miisaan culus ku leh saaxada siyaasadda Somaliland,kuwaas oo ka soo haajiray Xisbiga KULMIYE,isla markaana ku soo biiray Xisbiga rejada shacabka ee WADDANI. Siyaasiyiintan is beddel doonka ah ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI ayuu maanta si kal furran u qaabilay Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan,kuwaas oo uu ku soo dhaweeyey inay hormood ka noqdaan halganka ballaadhan ee is beddel doonka Xisbiga rejadda shacabka . Masuuliyiintan ka soo baxay Xisbiga KULMIYE ee ku soo biiray tareenka is baddel doonka Xisbiga WADDANI ayaa waxa kamid ahaa Mudane Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), Guddoomiyihii hore ee KULMIYE ee Gobolka Saaxil,isla markaana ahaa Xubin Golaha dhexe ee KULMIYE iyo Mudane Rashiid Aw Xasan Aadan oo isna ahaa Xildhibaan hore gole deegaan iyo Xubin Gole dhexe oo KULMIYE ahaa.. Ex Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isna ka tirsanaa Golaha dhexe ee KULMIYE,ayaa isna kamid ahaa siyaasiyiintan uu qaabilay màanta Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro. Masuuliyiintan ayaa waxay sheegèen inay dhisayaan Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Xisbiga rejada shacabka, waxaanay hoosta ka xariiqeen inay halganka is baddel doonka ay caqli,cuud iyo cod-ba ay ka qaadanayaan doorar mihiim ah. Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan. Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya. Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markaas ku sugneyn Turkiga gaar ahaan Istanbul ayaa naloosoo diray mas’uuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee madaxweyne Erdogan u wakiishay qaban qaabada kulanka, sidaas ayaana uga qayb galnay.” Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in dowlad kasta oo islaami ah oo kulankaasi kasoo qayb gashay loo diyaariyay miis gaar ah oo uu suranyahay calanka dalka ay ka socdaan, sidaana ay ku fariisteen halkii loo diyaariyay ee calanka Soomaaliya uu suraa. “Waxaan fadhinay miiska afaraad, waxaana mar qura albaabka kasoo galay Ismaaciil Haniya iyo madaxweyne ku xigeenka Turkiga, maadaama madaxweyne Erdogan uusan fiidka hore kulanka joogin, kadib Ismaaciil Haniya waxa uu si kedis ah isha ugu dhuftay calanka Soomaaliya, wuxuu soo dhaafay misaskii kale oo dhan, waana uu noo yimid,” ayuu yiri Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan. Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Madaxdii la socotay Ismaaciil Haniya waa ay fariisteen oo keligiis ayaa noo yimid, laabta ayuu na geliyay, waxaana uu naga dhunkaday sujuudda, waxa uu nagu yiri miyaad i raaci kartaan? Waan raacnay inagoo labo ah, wuxuuna na geeyay halka uu yaallo makaroofanka.” Intaas kadib wasiirku waxa uu sheegay in Ismaaciil Haniya uu labada gacmood qabtay labadooda wasiir ee ka socday Soomaaliya oo kor u taagay isaga oo yiri, “Caawa waxaa inoo marti ah Sharaftii Muslimiinta”, isaga oo kala jeeda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya waa walaalo qalbiga, dhiigga iyo laf ahaantaba inoo ah”. Sidoo kale Ismaaciil Haniya ayaa yiri “Soomaalidu waa dad aan jecelnahay, waana dadka kaliya ee ku mideysan taageerada Falastiin shacab iyo xukuumadba oo noo bannaan-baxa, salaadda janaasadana noo tukada, waliba iyagoo ay dhibaato badan ay heysato, waana dad aan qalbiga ka jecelnahay oo aan qalbiga ka ognahay.” Intaas kadib madaxweyne ku xigeenkii Turkiga ayaa istaagay oo sacbiyay, waxaana la kacay dhammaan masuuliyiintii kulanka kasoo qayb gashay oo iyagana bogaadiyay taageerada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan reer falastiin, sida uu wareysigaan ku sheegay Wasiirkii hore Macdanta iyo Batroolka Galmudug Cabdulqaadir Jantalmaan. Kulankii ducada ayaa soo idlaaday, Ismaaciil Haniya ayaa fadhigoodii ugu yimid labadii masuul ee Soomaaliya ka socday, isaga oo yiri “ha iga teginina waan sheekeysaneynaa.” Wasiir Jantalmaan waxa uu sheegay inay israaceen Ismaaciil Haniya, isagoo gacanta ku dhegan ayuu galay qol yar, waxaana qolka ku jiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan. Hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u sheegay in labadani masuul ay yihiin walaalaha Soomaaliya. “Madaxweynaha Turkiga waa uu noo istaagay oo waxa uu yiri, Soomaaliya waa walaalo aad u macaan oo afar boqol oo sano aan saaxiib nahay, kadibna halkaas ayaan ku sheekeysannay inteennii goonida isula soo baxday iyo Madaxweyne Erdogan,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan). Bayaan ay soo saartay Xarakada Xamaas ayaa lagu xaqiijiyey in Sheekh Ismaaciil Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa caasimadda Iiraan ee Tehran, kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian. Dowladda Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ka tacsiyeeyay dilka Ismaaciil Haniya, waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay marar badan dhigeen dibad-baxyo lagu taageerayo shacabka Falastiin, loogana soo horjeedo duqaymaha ay Israa’iil ka wado Qasa. Sidoo kale culimada Soomaaliyeed oo afar maalmood uu shir sanadle ah Muqdisho uga socday ayaa tacsi ka soo saartay geerida Sheekh Ismaaciil Haniya, hoggaamiyihii Xamaas oo ahaa wadaad ahlu diin ah oo xaq u dirir ah. The post “Ismaaciil Haniya markuu arkay calanka Soomaaliya waa noo yimid wajiga ayuu naga dhunkaday” appeared first on Caasimada Online.
  14. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay inay samaysay guddi hawleed heer wasaaradeed ah oo loo xilsaaray dedaallada aqoonsiga Somaliland. Sidaasna waxa lagu sheegay war ay Wasaaradda Arrimaha dibadda JSL ku baahisay Barteeda X (Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxana ay xaqiijisay inay Somaliland tallaabo muhiim ah u qaaday dhinaca aqoonsiga. Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxay xustay inay aasaastay guddi gaar u ah qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland oo heer Wasaaradeed ah, kuwaasi oo ka hawl-geli doona raadinta dedaallada iyo xeeladaha aqoonsiga. Waxa kaloo ay intaas ku dartay in tallaabadani xidhiidh la leedahay hindiseyaasha socda ee xukuumadda oo uu ka mid yahay heshiiska isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1dii bishii January 2024 ee ku wajahnaa saldhiga millatari ee badda ee Somaliland ka kiraynayso Itoobiya. Qaran News
  15. The road from the Ethiopian capital, Addis Ababa, to the town of Debark in the northern highlands is one of the country’s busiest thoroughfares. These days it is also among the most dangerous. In recent months travellers have been terrorised by armed gangs who kidnap bus drivers and their passengers for ransom. On July 3rd more than 100 people were taken hostage by highwaymen demanding up to 1m birr ($17,500) per captive. “We’re too poor to pay,” says one relative. Read more here The post Ethiopia is in the midst of a kidnapping epidemic appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay waxgaradka Beesha Karanle oo isugu jiray Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan, Ganacsato iyo Haween. Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha waxaa diiradda lugu saaray qobo ay ka mid yihiin sidii loo dardarginlahaa dagaalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada Galguduud iyo Mudug oo ay beeshu dagto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in Khawaarijta jab xoog leh loo geystay, dhawaana lasoo afjari doono joogitaankooda gobollada dhexe. Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kulankaan ka sheegay in ay ka go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah, si shacabka Soomaaliyeed ay qeyb uga noqdaan ka go’aan gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalkooda. Waxgaradka beesha Karanle ayaa soo dhaweeyay dadaallada Madaxweynaha, iyagoo ka balan qaaday in ay garab ku siinayaan dadaal kasta oo Khwaarijta dalka looga xoreynayo. Waxgaradka beesha Karanle ayaa si gaar ah ugu riyaaqay hirgalinta qorsha Madaxweynaha ee doorashada qof iyo codka ah ee uu balan-qaaday marar badan. Waxgaradkii la kulmay madaxweynaha ayaa u sheegay inay ku dhiban yihiin qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta ku metesha dowladda, gaar ahaan baarlamaanka, isla markaana ay xal muhiim ah u arkaan inay dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xubnaha la kulmay Madaxweynaha waxay u cadeeyeen in hadii uu dalka ka hir-geliyo nidaam doorasho oo qof iyo cod ah ay fursad u helayaan in ay soo doortaan siyaasiyiin si dhab ah ugu metesha dowladda oo wax tar u leh dadka iyo deegaanka laga soo doortay. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay waxgaradka Beesha Karanle appeared first on Caasimada Online.
  17. Oo adna ma waxaad kamid tahay kuwa ay weli iskaga khaldan yihiin Jabhad iyo Qaran? Mise waxaad kamid tahay kuwa lagu fahmay dhuumashada dhabarku muuqdo ee magaca SNM hore dadka ugu soo dhex dhuuntay maantana raba mar labaad? Mise waxaad tahay kuwa ka naxay markii lagu fahmay kaarto ciyaalka? Sxb, ma noo sheegi kartaa meesha SNM kaga qoran tahay Dastuurka Somaliland? SNM waa asaaskii lasoo noqoshada xorriyadda iyo madaxbannaanoda Somaliland. SNM sees ayay u tahay Somaliland. Guriga marka la dhiso sees ayaa laga bilaabaa, laakiin marka gurigu dhammaystirmo SEES looguma yeesho ee GURI baa la yidhaahdaa! Halgan kasta cid baa dhalisa, magaca halganka iyo maxsuulka halganku waa kala laba! Isma diidayaan SNM iyo Somaliland, laba marxaladood oo kala duwan. Hore ayaad Sool clan iyo East Sanaag Clan ugu weyday SNM aanay qayb ka ahayn oo aad sanka ka marmarisay oo qarannimadii iyo jabhaddii kala garan wayday. Maantana Gudabiirsi iyo Ciise iyo Gabooye iyo Akishe iyo Shiikhaal iyo ummad kale oo badan ayaa innagula yaaban waxan aynu is dhex wadno. Caqliga “Muusow Ciidanka Fasax” waa in laga dhaqaa Somaliland oo lagu culaa waddaniyad, qarannimo iyo wax wada lahaansho. Qaran News
  18. Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay shir uga socday culumo Soomaaliyeed oo gobollada dalka iyo daafaha dunida ka kala yimid, kuwaas oo sanadkii labaad kulan muhiim ah ku yeeshay magaala madaxda Jamhuuriyadda. Shirka oo soo gabangaboobay ayaa waxaa laga soo saaray dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo xaaladda dalka, dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, hab fasirka suuban ee diinta isugu jira, islamarkaana dood cilmiyeedyo ay culumada dhiraandhiriyeen ka soo baxay. Qodobadaas ayaa waxaa kamid ahaa mahadcelin loo jeediyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo shir taabba-gelintiisa lagu ammaanay, tacsi loo diray Ehelada caalimkii weynaa ee Shiikh Cismaan Xiddig oo dhowaan geeriyooday iyo hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismaaciil haniyah. Sidoo kale waxaa war murtiyeedka qeyb ka ahaa in la joojiyo qodobadii ka soo baxay shirkii sanadkii hore, in si wadajir ah looga hortago fara-gelinta shisheeye iyo xadgudubyada madax-bannaanida dalka ka dhanka ah, in magaca Wasaaradda Awqaafta loo badalo “Wasaaradda arrimaha islaamka iyo Awqaafta” in anshax xumada baraha bulshada lala dagaallamo, iyo in dagaall beleedyada dalka ka socda iyo daadinta dhiigga muslimka la joojiyo. Sidoo kale culumadu waxay soo jeediyeen in la dhammaystiro dhismaha golaha culumada Soomaaliyeed, in dalka laga dhaqan-geliyo hannaan xukun toosan oo shareecada Islaamka waafaqsan, iyo in laga fogaado aragtiyaha xagjirka ah, dadka baraha bulshada isticmaalaahina ay ka fogaadaan aflagaadada, been abuurka, faafinta ceebta dadka iwm. Shirka oo laga filayay in laga soo saaro go’aamo adag oo ku saabsan dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ayaan gebi ahaanba lagu soo hadal qaadin arrintaas, markii laga reebo bogaadin ciidamada loo jeediyay oo keliya. Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho, kaasi oo socday muddo afar maalmood ah, waxaana looga hadlay qodobo muhiim u ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Shirkaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda federaaka Soomaaliya, wuxuuna qabsoomay sanadkii labaad, iyadoo la isugu keenay mashaa’ikhda ugu waaweyn culimada Soomaaliyeed oo ka kala yimid dibadda iyo gobollada dalka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay shirka, wuxuuna ka jeediyey khudbad uu ku soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban ee Islaamka. Afartii maalmood ee shirweynahaan uu ka socday magaalada Muqdisho, waxay culimada Soomaaliyeed isku weydaarsadeen talooyin wax tar u leh dalka, dadka iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waxaana gabagabadii laga soo saaray war-saxaafadeed. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntii soo xiray shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo qabsoomay sanadkii labaad oo xiriir ah. “Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiidada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka umaddaan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn. Culumada Soomaliyeed waxaan ka rabnaa in ay sameeyaan naf-hurnimo oo ay kiciyaan bulshada, naguna hoggaamiyaan dagaalka lagula jiro cadowga khawaarijta ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre. Dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Khawaarijta Al-Shabaab waa 3 jiho oo kala ah diinta, dhaqaalaha iyo kan tooska ah oo ciidanka xoogga Soomaaliya ay gobollo badan uga nadiifiyeen argagixisada. Shirkii kan ka horeeyey waxay sanadkii hore culimada Soomaaliyeed ka soo saareen fatwo ka dhan ah kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana loo aqoonsaday Khawaarij ay culimadu cadeysay in dhiigooda in la daadiyo oo maalkooda la furto, dalkana laga xoreeyo ay banaantahay, taas oo dad badan ku dhiiri-geliyey inay iska xaadiriyaan furimaha dagaalka, si ay ugu jihaadaan Khawaarijta. Hoos ka daawo Bayaanka laga soo saaray shirka The post Daawo: RW Xamsa oo soo xiray shirkii culimada Soomaaliyeed iyo bayaan ka soo baxay appeared first on Caasimada Online.
  20. Maxkamad ku taal dalka Guinea ayaa ku xukuntay hogaamiyihii hore ee militariga Moussa Dadis Camara ku xukuntay 20 sano oo xarig ah kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Maxkamadda dambiyada ee dalka Guinea ayaa ku dhawaaqday go’aankeeda Arbacadii ka dib laba sano oo dacwad ah oo ku saabsan tacadiyo uu hoggaamiyahani u geystay dibadbaxayaal mucaarad ah oo isugu soo baxay garoon ku yaal agagaarka caasimadda Conakry, sannadkii 2009-kii. ciidamadu ka amar qaadanayay Moussa ayaa la sheegay inay xilligaa dileen ugu yaraan 156 qof, sidoo kalena ay kufsadeen 109 haweenka, sida laga soo xigtay guddi ay Qaramada Midoobay u xilsaartay baaritaanka xadgudubyadii jeerkaas dhacay. Maxkamada ayaa ku soo oogtay eedeymo oo isugu jira dil, kufsi, jir dil iyo afduub, waxaana loo kala saaray dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada ka hor inta aan la xukumin Camara iyo todobo kale oo taliyaal ciidan ah, afar eedaysane oo kale ayaa ayagan lagu waayay dambiga, sida ay maxkamaddu ku dhawaaqday. xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Camara, askar militari ah, boolis iyo maleeshiyaad lagu eedeeyay in ay geysteen xasuuqa, waxayna maxkamaddu amartay in magdhow la siiyo dhibanayaasha, taasoo u dhaxaysa 200 milyan ilaa 1.5 bilyan oo faranka Guinea ah, una dhiganta 23,000 ilaa $174,000. Kabtan Moussa Dadis Camara ayaa dalka Guinea madaxweyne ka ahaa muddo labo sano ah oo ah intii u dhexaysay sanadihii 2008-dii illaa 2010 xilligaas oo ay militarigu dalka maamulayeen , ka dib markii ay afgembi kula wareegeen talada ka dib dhimashadii madaxweyne Lansana Conté. Goobjoog.com Source: goobjoog.com
  21. Taad aragtaaba ta kale, waxa aan la yaabay masuuliyiin kavtarsan xukuumadda Muuse Biixi oo musharax xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ku haysta sharaxaad uu ka bixiyay Somaliland. SNM-wakhtigeedii uu dhamaaday shaqadeedii way qabsatay xiligeedii maanta waxa aynu nahay dal la yidhaa Somaliland oo dastuur leh oo shaqaynaaya miyaanay run ahayn? Maxaa musharax Cirro kagu xag xaganayaa. Maanta xukuumadda Muuse Biixi waxa ka buuxa xubno aan waligood SNM soo noqon deegaan ahaan iyo halgan ahaanba dhamaan xukumaddahii Somaliland soo marayna dhamaantood sidaasi ayay ahaayeen Badiba gudoomiyayaashii Barlamaanka Somaliland soo maray ma ay ahayn SNM- waxa ay xilka ku hayeen hadana ku hayaan Somaliland. Laba ka mid ahaa madaxweynayaashii soo mara Somaliland may ahayn SNM waxana ay xilka ku hayeen Somaliland oo ah ta uu maanta Cirro rabo in uu dadkihsa ugu shaqeeyo Waxa aad arkaysaa nin xil qaran haya oo qabiil ku faanaaya ama doonaaya in lagu doorto qabiil. Hadalka waxa aan ku soo koobayaa Cirro qalad ma galin ee dastuurka Somaliland ayuu ku taaganyahay ee ha lagu taageero. SNM-intii ka hadhay ayaa maanta dayacan, waxa aan ku rajo weynahay in Cirro u dhasmi doono kuwa hada jooga ee faan uun ka dhigta SNM isga oo simaaya muwaadiniinta Somaliland oo uu raaci doona dastuurka dalka. Qaran News
  22. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo soo xiray Shirweynaha labaad ee culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayey midnimada culimada, ayaa ku boorriyey in ay xoojiyaan wadajirka dhexdooda ah, kana gudbaan wax walba oo keenaya kala qeybsanaan. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa kula dardaarmay culimada Soomaaliyeed in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka, dadkana ay ku hoggaamiyaan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta. “Khataraha ugu waaweyn ee ina horyaalla waxaa ugu horreeya Khawaarijta, waxa ay khatar ku yihiin caqiiqada, dhaqaalaha, bulshada, wax-soo-saarka iyo jiritaanka ummaddan, argagixisadu waxa ay hoggaamiyaan jahliga, diin xumada iyo dhaqan xumada, meeshii ay ku raaggaanna waxaad ku arkaysaa ummad burburtay oo dhaqan iyo hoggaamin lahayn”. Mudane Xamsa waxa uu ku adkeeyay culimada in ay xoojiyaan dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka qabyaaladda iyo wax walba oo halis ku ah jiritaanka ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah. Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre oo uga mahadceliyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta qaban-qaabada shirka sanadkii labaad, ayaa waxa uu ka tacsiyeeyay culimadii waaweynaa ee ka baxay Islaamka, kuwaas oo ay kamid ahaayeen Sheekh Cusmaan Xiddig iyo hoggaamiyihii Xamaas Sheekh Ismaaciil Haniya. Source: goobjoog.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca dalka xilka ugu kala wareejiyey wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda gaashaandhigga iyo kii hore. Wasiiru-dowlaha cusub ee wasaaradda Cumar Cali Cabdi ayaa xilka si rasmi ah ugala wareegay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda Cabdinuur Daahir Fiidow. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Cabdinuur Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay. Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu wasiiru-dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub. Ugu dambeyn wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada wasaaradda in ay si dhow ula shaqeeyaan wasiiru-dowlaha cusub, islamarkaana ay si daacadnimo iyo daah-furnaan leh ugu adeegaan Qaranka. Maalmo kahor ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre uu Cumar Cali Cabdi u magacaabay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga. Cumar Cabdi ayaa kamid ahaa illaa afar xubnood oo cusub oo kusoo biiray golaha wasiiradda xukuumadda federaalka Soomaaliya, waxaana magacaabistiisu imaaneysa xilli xasaasi ah oo dalka ku jira dagaal. The post Sawirro: Xil wareejin maanta ka dhacday xarunta wasaaradda difaaca appeared first on Caasimada Online.
  24. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaaradda Difaaca dalka, xilka ugu kala wareejiyey Wasiiru-dowlaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cumar Cali Cabdi iyo Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda mudane Cabdinuur Daahir Fiidow. Wasiir Cabdulqaadir ayaa ku ammaanay Wasiiru-dowlihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga mudane Cabdinuur Daahir Fiidow shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay inta uu xilka hayay, isagoona dhanka kale Wasiiru dowlaha cusub u rajeeyay in uu si hufan u guto waajibkiisa shaqo ee cusub. Ugu danbeen Wasiirka ayaa kula dardaarmay dhammaan howl-wadeennada Wasaaradda in ay si dhow ula shaqeeyaan Wasiiru dowlaha cusub, isla markaana ay si daacadnimo iyo daah-furnaan leh ugu adeegaan Qaranka. Source: goobjoog.com
  25. Mogadishu (HOL) — Somali Council of Ministers approved a new anti-terrorism strategy and two legal reforms during Thursday's weekly meeting in Mogadishu. Source: Hiiraan Online