Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs, Sadik Warfa has announced the East African country’s interest to enhance economic relations with Qatar and to forge joint co-operation in the field of labor and skills development. In a meeting with Qatar Chamber yesterday, Warfa lauded the co-operation ties between Qatar and Somalia in several areas, which aim to promote trade relations by introducing Qatari investors to investment opportunities in Somalia. During the meeting, Warfa elaborated on Somalia’s business climate in the presence of Qatar Chamber first vice-chairman Mohamed bin Towar al-Kuwari and Somalian ambassador Abdul Razak Farah Ali. Qatar Chamber first vice-chairman Mohamed bin Towar al-Kuwari receives Somalia’s Minister of Labour and Social Affairs Sadik Warfa and Somalian ambassador Abdul Razak Farah Ali during a meeting in Doha yesterday. The minister briefed also reviewed “promising investment opportunities” in Somalia in key sectors, such as agriculture, animal production, and fishery. Warfa expressed hope that the meeting with Qatari businessmen would represent “a positive step towards enhancing co-operation between the two sides.” Al-Kuwari said the Qatari private sector welcomes potential partnerships with Somali investors. He said Somalia’s potential and its natural resources enable it to become an investment destination for Qataris and attract projects for a common interest and mutual benefit. He said Qatari companies contribute significantly to major projects established in the country. He added that “increasing activity” of Qatari private sector companies have opened ways for qualified Somali labour to contribute to the development of Qatar. View the full article
  2. More reports are coming out of heavy fighting between the Jubbaland and Al-Shabaab forces in the area of Abdalla Biroole in Lower Juba region. The fighting came after Al-Shabaab attack on a military base in the village, resulting in unknown casualties of deaths and injuries. Al-Shabaab claimed to have killed three Jubbaland troopers during the gun battle in which both sides used PKM and AK-47 rifles. There are no comments from Jubbaland security officials on the attack. Al-Shabab has been fighting Somali government and African Union troops for control of southern Somalia in recent years. View the full article
  3. Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey kulan madaxeedka jimciyadda Qaramada Midoobey ayaa sheegay in mar walbo ay Kenya ka go’antahay In muranka xadka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu xaliyo wada hadal. Madaxweyne Kenyatta oo arrintaas ka hadlayey waxaa uu yiri “Maamulkeyga waxaa uu si joogta ah u wadaa inuu xiriir la sameeyo Soomaaliya si xal waara looga gaaro muran xadeedka badda ee noo dhaxeeya, isla arrinkan waxaa soo dhoweynayaa go’aanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ee 3-da September 2019 oo ku baaqay in la wada hadlo”, Kenyatta oo hadalkiisa sii wato waxaa uu ku daray In UNka uu Sidoo kale qabo wada hadalka “Sida aan ognahay dastuurka UNka waxaa uu doorbidayaa In wada hadal lagu dhameeyo wixii muran ah, sidoo kale UNka waxaa uu qabaa in xad badeedka dalalka loo sameeyo qaab saxiibtinimo ah”. Dhinaca kale, ilo u dhow wafdiga madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Farmaajo uu u jawaabi doono Kenyatta, isaga oo ku adkeysan doona In ICJ laga war suga arrinta badda balse ay Muqdisho Soo dhoweyneyso wixii kale oo xiriir darisnimo iyo walaaltinimo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka qeyb galayo saleemo-saarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaan (Axmed Madoobe). Madaxweyne Deni oo wareysi gaara siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in uu ka mid yahay martida lagu casumay caleema-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, uuna ka qeyb gali doono . Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in hawada Soomaaliya aysan ahayd dukaan qof leeyahay, ee ay tahay hawo sharci lagu maamulo, sharcina lagu maro, qawaaniin caalami ah iyo kuwa Soomaaliya-ba ay u xilsaaran yihiin. Sidoo kale madaxweynaha Puntland ayaa xusay in uu aad uga xun yahay in uu dhaco ku xad-gudub Dastuur, oo dadka loo diido xaqa uu Dastuurku siiyay, aysana ahayn ariin ku haboon dadnimada iyo dowladnimada. Ugu dambeyn Madaxweyne Deni ayaa tilmaamay in uu rajeynayo in dowladda iyo dadka ka shaqeeyay xanibaada duulimaadyada Kismaayo uu caqligu u talin doono. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni: Hawada Soomaaliya maahan Dukaan qof leeyahay appeared first on Puntland Post.
  5. (SLT-Hargeysa)-Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ay xubno ka yihiin Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandha Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye, Xildhibaan Cabdicasiis Ismaaciil,Xoghaya golaha wakiiladda Somaliland Cabdrisaaq Siciid AyanleIyo safiirka Somaliland u jooga dalka Yuganda Xamse Xaaji Dool. Weftiga ka socda Somaliland oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda dalka Yuganda iyo weftiyada baarlamaanada dalalka barwaaqo sooranka afrika oo dalkaa shirkoodii baarlamaanadu uga furmayo,ayaa shalay kulan muhiim ah la yeeshay wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda dalka Yuganda mr hon Sam kutesa. Wasiirka arrimaha dibedda Yuganda mr hon Sam kutesa,ayaa weftida Somaliland ku qaabilay gurigiisa. Waxaanay labada dhinac ka wada hadleen xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeyay Somaliland iyo Yuganda iyo in labada dalba ay ka wada tirsanaayeen ururka barwaaqo sooranka isla markaana ay wada ahaayeen laba maxmiyadood oo hoos tegi jiray boqortooyada Ingiriiska intii aanay labada dalba xorriyaddooda qaadan. Kulankaas iyo marti qaad iyo casho sharaf rasmi ah oo madaxweynaha dalka Yuganda Yoweri Musevani uu ku marti qaaday weftiga Somaliland waxaa wargeyska Dawan uga warramay xoghayaha guud ee golaha wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo ka mid ah xubnaha weftiga. Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay)la kulanay wasiirka arimaha dibeda ugandha Mr Hon Sam kutesa oo gurigiisa nagu marti qaaday waxaanu sharaxaad dheer ka siiney xaqiiqda dhabta ee Somaliland iyo xidhiidhkii ay wada lahaayeen Somaliland iyo ugandha,waxaanan u sheegnay in Somaliland ay ka tirsanayd ururka Barwaaqo Sooranka kaas oo aanay Soomaaliya ku jirin balse ay ku wada jireen Somaliland iyo Uganda maadaama ay labada dalba ahaayeen Maxmiyado hoos taga boqortooyadii Ingiriiska,waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii loo soo celin lahaa xidhiidhkaa soo jireenka ah ee ay wada lahaayeen Uganda Somaliland iyo in la xoojiyo xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal,waxaa kale oo aanu kulamo la yeelanay xubnaha baarlamaanada afrika ee dalalka barwaaqo sooranka ka qayb gelaya oo aanu u sheegnay in Somaliland ay ururka hore uga mid ahaan jirtay islamarkaana ay imikana diyaar u tahay in ay xubin buuxda ka noqoto,taas oo aanu ku rejo waynahay berry(maanta) marka shirku uu furmo in aanu ku guulaysano oo cod lagu meel mariyo,waxaa kale oo noo qorshaysan kulamo aanu la yeelanaynu guddoomiyaha baarlamaanka Uganda inta shirku socdo.” Xoghayaha golaha wakiiladda Somaliland waxaa kale oo uu intaa ku daray in madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Musevani in uu u fidiyay martiqaad iyo casuumad rasmi ah weftiga Somaliland ka socda ee uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle,waxaanu yidhi. “waxaa martiqaad rasmi ah iyo casuumad weyn noo fidiyay oo aanu habeen dambe(Caawa) ugu tegaynaa qasriga madaxtooyada dalka Uganda Madaxweynaha dalkaas Yoweri Musevani,kulankaas oo lagaga wada hadli doono xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa waxaanan si wayn ugala hadli doonaa madaxweyne Yoweri Musevani,Somaliland iyo siday u tahay dal dimuquraadi ah oo xidhiidh soo jireen ah ay u wada lahaan jireen Uganda iyo sida loogu baahan yahay in ay xidhiidhkaa soo celiyaan isla markaana labada qaran u wada shaqeeyaan.”ayuu yidhi Xoghayaha golaha wakiiladda Somaliland oo u warramay wargeyska Dawan. Source
  6. Boosaaso (Caasimadda Online) – Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xayiraadda Dowladda Somalia ay saartay Jubbaland ay tahay sharci-darro, isla markaana baalmarsan dastuurka dalka iyo awooda uu siinaayo Maamul Goboleedyada . Wareys uu siiyay laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu sheegay in Hawada Soomaaliya aanay aheyn dukaan qof leeyahay, isla markaana ay tahay Hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro. Madaxweyne Deni oo kamid ah Madaxda lagu casuumay Xafladda Caleema saarka Madaxwaynaha Jubbaland balse ay saameysay xayiraada la saaray duulimaadyadii Kismaayo ayaa waxa uu sheegay in mooqifkiisa aysan waxba iska badali doonin uuna ka qayb-gali doono Caleema saarka Axmed Madoobe. “Runtii Hawada Soomaaliya ma ahan Dukaan qof leeyahay, waa hawo sharci ku dhisan oo sharci lagu maro oo qawaaniin caalami leh, aad baan uga xumahay ku xadgudub Dastuur inuu dhaco, suura galna ma ahan wax dastuurka dadka xaqa u siiyay qof ra’yi siyaasadeed qabi kara in xayiraad dadka iyo isu socodka loo saaro sax ma ahan arrin aan ku habooneyn dowladnimada iyo dadnimada”ayuu yiri Saciid Deni. Dhanka kale Madaxweynaha Puntland ayaa difaacay Heshiiska Maamulkiisa la galay Shirkado laga leeyahay Imaaraadka Carabta, isagoo caddeeyay in mas’uuliyadda loo dhaariyay ay ka mid yahay inay hormar ka sameeyaan dalka sida uu hadalka u dhigay. “Waad ogsoontihiin, waxaa jira cadow badan oo aynu leenahay, cadowgeenu waa badanyahay, ha noqdo inay meel walba furimo inooga sameeyaan, dhinacyo badan waxaan kaga bixi karnaa inagoo wada-shaqayna, laamaha amniga la shaqayna noqona mid, taas ayaan kaga guulaysan karnaa,” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo hor leh ay geeyeen Magaalada boosaaso, islamarkaana ay sugayaan amniga Magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska, ayaa muwaadiniintiisa kula taliyay inaanay u safrin Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, iyagoo magaalooyinkaasna ku taliyay in loo tago oo keliya arrimaha muhiimka ah. Digniintan ayuu Ingiriisku isku daray Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana digniintan oo hore u taagnayd uu Ingiriisku dib u cusboonaysiin ku sameeyay 25 September, iyagoo sheegay in si dhammaystiran dib loogu eegay laakiin dib loo soo saaray iyada oo aan waxba laga bedelin, “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO), wuxuu ku talinayaa inaan loo socdaalin Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo uu xafiiska FCO ku talinayo in loo tagi karo uun safarada muhiimka ah.” Sidaas ayuu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray ee digniinta ah, waxaanu intaas raaciyay, “Muwaadin kastao o Ingiriis ah oo jooga deegaanadaas Soomaaliya ee uu xafiiska FCO ka digayo in loo socdaalo waa inuu ka baxaa. Muwaadin kasta oo Ingiriis ah oo Hargeysa iyo Berbera u jooga arrimo aan muhiim ahayn waa inuu ka baxaa.” Ingiriisku wuxuu muwaadiniintiisa booqanaysa Hargeysa iyo Berbera kula taliyay inay ka feejignaadaan goobaha ay bulshadu kul kulanto oo ay la socdaan warbaahinta maxaliga ah iyo ta’ caalamiga ahba. “Haddii aad booqatid Hargeysa ama Berbera, waa inaad aad u feejignaataa oo ka taxadirtaa meelaha caamka ah ee ay bulshadu ku kulanto. La soco warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah si aad uga fogaato wixii mudaaharaad ah ama rabshado dhacaya. Deg deg uga tag meel kasta oo aan degenayn, hana isku dayin inaad daawato ama aad sawir ka qaadato.” Dawladda Ingiriiska ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyay aan wax isbedel ah ku samayn khataro ammaan oo ay ku sheegto inay ka jiraan Somaliland, iyadoo sannadkii 2013 Somaliland guud ahaanteed sheegtay inay tahay dhul aan la tagi karin. Balse dawladda Ingiriiska ayaa bishii April ee sannadkii 2014 sheegtay inay xayiraadii amni ka qaaday magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegtay in iyagana loo tagi karo uun arrimaha muhiimka ah, kuwaas oo ay haddana dib u soo cusboonaysiisay. Source
  8. (SLT-New York)-Gabadha ay dhashay Ilhaan Cumar ee lagu magacaabo Isra Xirsi ayaa sheegtay in ay codkeeda u dhiiban doonto sidii Trump xafiiska looga saari lahaa haddii maamulkiisa uusan qaadin tallaabo xal u ah “dhibaatada wayn” ee isbedelka cimilada adduunka. Isra Xirsi oo la hadashay barnaamij lagu magacaabo Democracy Now waxaa laga wareystay ololaha 16-jirka ee isbedelka cimilada. Waxay ka mid tahay da’yar hoggaamineysay dibadbaxa isbedelka cimilada caalamka kaas oo ka dhacay Minneapolis, iyo sidoo kale daafaha caalamka, Jimcihii la soo dhaafay. Isra oo ayaa wax laga weydiiyay farriintan arrintan cimilada la xidhiidha ee ay u direyso Donald Trump ayaa sheegtay “in ayna dib uga istaageyn wax qabad la’aan”. “Madaxweyne Trump, ficilladaada waxay hubaashii dhibaateynayaa dadka. Malaayiin qof oo ku nool dalkan ayey saameeyeen (ficilladaada),” ayey tirdhi. “Da’yar ahaan, dadka dib ugama istaagayaan in waxqabad la’aantan ay sii socoto”. Isra waa madaxa fulinta da’yarta dibadbaxa ee isbedelka cimilada adduunka, waxayna wax ka aasaastay ururkaas. Juwariya Jaamac oo ka mid ahayd hoggaamiyayaasha dibadbaxa isbedelka cimilada ee Mareykanka oo barnaamijka kala qeybgashay Isra waxa ay sheegtay: “Waxaan u baahan nahay madaxweynaha inuu darteen wax u qabto iyo dadka ay saameysay.” Isra Xirsi ayaa tidhi: “Waan sii wadi doonnaa in aan jidadka ku sugnaano illaa wax uun oo isbedel ah laga helayo xafiiskaaga (Trump). Waxaan u codeyn doonnaa in aad guuldareysato sababtoo ah waxaan u baahannahay hoggaamiye wax ka qabto dhibaatadan aan caadiga ahayn.” Source
  9. (SLT-New York)-Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahaddalo kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Gutteres. Qaramada Midoobay waxay kaalin mug leh ka qaadaneysaa dhismaha iyo xoojinta ee hay’adaha dowladda Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada New York waxa uu kulamo kala gaar gaar ah uu la qaatay madaxweynayaasha dalalka Maraykanka Masar Kenya iyo Turkiga isaga oo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo xidhiidhka ka dhaxeeyay. Source
  10. (SLT-Qaza)-Booliska Israa’iil ayaa sheegay in ay xidheen wasiirka arimaha Jerusalam Fadi-Al-Xamaadi shalay oo arbaco ahayd. Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Falastiin ayaa lagu eedeeyay xadhigaan iyadoo intaa lagu daray in falkaan uu qeyb ka yahay ololaha cabsi galinta Israa’iil ka wado Gaza. Ciidamo ka tirsan booliska Israa’iil ayaa u dhacay guriga mas’uulkan ka hor inta ayna xabsiga Dhigin. Wakaalada wararka ee AP oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan Israa’iil ayaa qortay in Al-Xadaami lagu haysto ku lug lahaanshiyaha arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah Israa’iil. Source
  11. (SLT-New York)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa maanta baahiyey qoraalka wada sheekeysi taleefon oo dhex-maray madaxweynah Donald Trump iyo dhiggiisa dalka Ukraine Volodymyr Zelensky, 25-kii July. Qoraalka ayaa xaqiijiyey in Trump uu Zelensky weydiistay inuu baadho mucaaradkiisa siyaasadeed, Joe Biden. Go’aanka shalay lagu sii daayey qoraalka ayaa yimid maalin kadib markii dimoqraadiga ay ka faa’iideysteen eedeymahan xasaasiga ah, si ay u billaabaan baadhis rasmi ah oo hoggaamin karta in Trump xilka laga xayuuibiyo. “Waxaa jira warar badan oo ku saabsan wiilka Biden, oo ah in Biden uu joojiyey in dacwad lagu soo oogo, waxaana dad badan ay doonayaan inay ogaadaan arrintaas, sidaas darteed wax kasta oo aad la qaban karto xeer-ilaaliyaha qaranka, way wanaagsan lahayd” ayuu Trump ku yidhi Volodymyr Zelensky. Intii uu ahaa madaxweyne ku-xigeenka Obama, ayaa Biden iyo hoggaamiyayaasha kale ee Reer Galbeedka, waxay Ukraine ku cadaadiyeen inay caydhiso dacwad-oogaha sare ee dalkaas, Viktor Shokin, sababta oo ah waxaa loo arkay nin aan ku adkeyn la-dagaalanka musuq-maasuqa. “Biden wuxuu ku faanayey inuu joojiyey dacwad soo oogista, sidaas darteed haddii aad bal eegi karto, waxay iila muuqataa arrin aad u xun” ayuu yidhi Trump. Dokumenti ka kooban shan bog — oo ah nuxurka guud ee wicitaanka, balse aan ahayn wada-hadalkii oo dhan oo eray-ka-eray ah – ayaa la baahiyey xilli Trump uu iska diyaarinayo inuu Zelensky kula doc kulmo Kulanka Guud ee QM ee New York. Dimoqraadiga, oo si rasmi ah u billaabay hannaan dalab xil ka-xayuubin, ayaa baaraya in Trump uu dowlad shisheeye ku cadaadiyey inay baarto ninka la loolamaya, iyo in 400 oo dollar oo ah taageero Mareykanka uu siiyo Ukraine uu arrintaas uga faa’iideysatay. Nuxurka wada-hadalka ee la baahiyey meelna ugama xusna lacagtaas. Wada sheekeysigan taleefon ee dhacay 25-kii July ayaa ka mid ahaa qoraal cabasho ah oo uu diyaariyey qof dareemay fal sharci-darro ah. Qoraalkaas ayaan weli loo ogolaan inay arkaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka. Aqalka Cad ayaa horey u xannibay inuu qoraalkan u gudbiyo guddiga sirdoonka ee Congress-ka, sida sharciga uu qabo. Source
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) –Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kusoo bandhigtay xogo xasaasi ah oo ku saabsan tallaabooyin ay Kooxda Al-Shabaab ka qaadi rabaan muwaadiniin ay kamid yihiin kuwa Ingiriiska. Xafiiska Arrimaha Dibadda UK oo soo saaray qoraal ayaa sheegay inay Muwaadiniinta u dhashay Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya ku wargelinayaan inay si deg deg ah uga soo baxaan Soomaaliya maadaama la helay xogo sirdoon oo ku saabsan inay Al-Shabaab afduuban rabaan muwaadiin ay kamid yihiin kuwa dalkaas kasoo jeedo. Xafiiska ayaa ku wargeliyey Muwaadiniinta Ingiriiska u dhashay ee howlo muhiim ah ka helay Soomaaliya inay kaliya tagaan Hargeysa iyo Berbera oo uu Xafiiska ku sheegay inay yihiin laba meel oo la isku haleen karo. Dowladda Ingiriiska wax faahfaahin ah kama bixin qorshaha ay Al-Shabaab damacsan tahay iyo meelaha lala beegsan doono balse waxay kaliya kusoo koobtay inay heleen xogo ku saabsan in kooxaha argagixisada ah ay qorsheynayaan weerarro argagixiso iyo afduub ay kula kacaan Ajaanibta ay ka midka yihiin dadka British-ka ah. Xafiiska Arrimaha Dibadda UK ayaa u sheegay muwaadiniinta u dhashay dalkaas ee doonayo adeegyada Qunsuliyadda inay ka heli karaan Wadamada Kenya iyo Itoobiya. Dowladda Ingiriiska ayaa dhawr jeer oo hore soo saartay digniino ku aadan weeraro ay damacsan tahay Kooxda Al-Shabaab. Dowladda Ingiriiska ayaa inta badan warbixinadeeda ku baraarujiso muwaadiniinteeda inay booqdaan kaliya deegaanada Somaliland oo ku tilmaamtay inay tahay meelo ammaankeeda la isku haleen karo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  13. (SLT-Nairobi)-Wasiirka Arrimaha Dibbada Kenya Monica Juma ayaa soo dhoweysay kulankii ay ku yeesheen magaalada New York Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, kaasoo ay labada isfagarad ku gaadheen labada Madaxweyne. Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa waxay Madaxda Kenya iyo Soomaaliya ku gaadheen is afgarad sidii xidhiidhkii labada dal si caadi loogu soo celin lahaa. “Kenya waxa ay soo dhoweyneysaa kulanka labada madaxweyne oo ah tallaabo jihada wanaagsan loo qaaday”ayay tidhi Monica Juma oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka Sidoo kale waxaa ay sheegtay in Kenya ay mar walba aaminsan tahay wada hadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mushkilada ka jirta Afrika. “Kenya waxa ay marwalba aaminsan tahay in wadahadalada ay yihiin habka ugu wanaagsan ee lagu xalin karo mashaakilada ka jira Afrika”ayay mar kale tidhi Monica Juma. Source
  14. Maleeshiyaad hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in dad shacab ah ay ku dileen deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Waxgarad ku sugan deegaankaasi ayaa sheegay in maleeshiyaadkan oo ka yimid dhanka degmada Matabaan ay rasaas ku fureen dad ku sugnaa ceel-biyood dhowaan halkaasi laga hirgeliyey. Inta la xaqiijiyey waxaa halkaa ku dhimatay Shan qof, iyadoo dhaawac uu soo gaaray dad kale oo goobta ku sugnaa. Maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyey ayaa halkaa isaga baxsaday, iyadoo la sheegayo in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto deegaanka Qabno. Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Matabaan weli kama aanay hadal falkaan ka dhacay deegaanka Qabno. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal xooggan oo ciidanka Jubbaland iyo kuwa Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Cabadalle Biroole ee gobolka Jubbada Hoose. Sida ay sheegeen dad ku dhow halka lagu dagaallamay, dagaalyahanno Al-shabaab ah ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowlad goboleedka Jubbaland ku leeyihiin deegaankan oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo. Dagaalkan ayaa socday in ka badan saacad, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas xooggan, iyadoo lasoo sheegayo khasaare ka dhashay dagaalkaasi. Ugu yaraan Saddex qof oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyadoo dhaawac badan uu jiro. Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay ka gaabsadeen iney faah faahiyaan khasaaraha, balse waxay sheegeen in ay Al-shabaab khasaare xooggan u geysteen. Ururka Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen in ay dileen askar Jubbaland ah, sidoo kalena ay qabsadeen saanad ciidan, balse ma jirto cid kale oo madax-banaan, islamarkaana warkan xaqiijineysa. Ciidanka Jubbaland ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka wada deegaanka Cabdalle Biroole, waxaana halkaasi gaaray ciidamo kale oo aad u badan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo ku dhow Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u xaqiijiyeen Shabakadda Caasimadda Online, waxaa xilkii laga qaaday Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon). Xil ka qaadista Taliyaha oo howsheeda ay socotay muddo badan ayaa waxaa ugu dambeyntii lagu guuleystay in Saadaq Joon xilka laga qaado wax yar ka hor inta uusan Madaxweyne Farmaajo u raacin safarka New York. Saadaq Joon ayaa lagala tashtay xil ka qaadista lagu sameeyey ka hor inta aan go’aanka la qaadan waxaana lagu qanciyey in xil kale loogu badalo. Taliyaha ayaa loo soo jeediyey inuu kala doorto laba xil midkood oo kala ah: 1) Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka 2) Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Saadaq Joon ayaa la sheegay sida aan xogta ku helnay inuu doortay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka. Xil ka qaadistaan ayaa waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa marka uu Madaxweynaha kasoo laabto safarka uu ku joogo Magaalada New York ee Wadanka Mareykanka halkaas oo uu kaga qeybgalayo Shirka Qaramada Midoobay. Saadaq Joon ayaa xilka Taliyaha Booliska gobolka Banaadir hayey muddo 13 Bilood ah, waxayna Dowladda Soomaaliya u aragtaa inuu yahay nin muhiim ah oo aan looga maarmin arrimaha Ciidamada. Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir ayaa la filayaa in loo magacaabo Mahad Koroow oo hadda hayo xilka Taliyaha Ciidanka ilaaliya Aqalka dowladda Hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. New York (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadahaddalo wax ku ool ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Gutteres. Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa ayaa waxay kaalin mug leh ka qaadaneysaa dhismaha iyo xoojinta ee hay’adaha dowladda, waxaana rajaynaynaa in wada shaqeyntaas lasii dardargeliyo. Farmaajo iyo Gutteres ayaa waxay isla garteen in sarre loo qaado wada shaqeynta iyo taageeradda ay UN-ka siiso xukuumada Muqdisho. Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyey dedaaladda dib u habeynta amniga iyo dhaqaalaha ee dowladda federaalka ah, wuxuuna ku tartarsiiyey in halkeeda laga soo wado. Ugu dambeyntii, kulanka labadda mas’uul ayaa wuxuu kusoo dhamaaday isfaham. Madaxweynaha dalka ayaa Mareykanka ugu sugan ka qeybgalka shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaasoo dhowana furmay. View the full article
  18. Dhuusamareeb (SMN) – Qaar kamid ah dhalinyaradda ku dhaqan gobolka Galgaduud ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka shiray colaadaha loo adeegsaday. Shirka oo aad loosoo qaban-qaabiyey ayaa waxaa kala qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Isu imaatinka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa isku dhacyadda iyo in da’yarta aysan wax door ah ku yeelan. Mid kamid ah dhalinyaradda madasha ka hadashay ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in ay ka baaqsan doonan arrintaas. Dedaaladda ay bilaabeen dhalinyaraddan ayaa kusoo hagaageysa iyadda oo xukuumadda ay bilowday howlo lagu soo afjarayo colaadaha haatan jira. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Dhalinyarro.mp3 View the full article
  19. Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay laba weerar oo loo adeegsadey qaraxyo kana dhacay Muqdisho iyo duleedkeeda, saacadihii lasoo dhaafay. Weerarka koowaad ayaa ka dhacay xaafada Taleex ee degmada Hodan, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Falka labaad ayaa lagu qarxiyey kolanyo uu la socday gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada oo marayey duleedka magaala madaxda dalka. “Gudoomiye Shuute ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarkaasi dhabagalka ah,” ayuu yiri sarkaal u hadlay xarakadda Al-Shabaab. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkan oo illaa iyo hadda kasoo baxay laamaha ammaanka ee dowladda. View the full article
  20. The 52nd season of CBS' 60 Minutes will kick off Sunday with an interview with Mohammed bin Salman, Source: Hiiraan Online
  21. Dhuusamareeb (SMN) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay soo afjarto colaad dhiig fara badan ku daartay oo beelo walaalo ah ku dhexmartay gobolka Galgaduud gaar ahaan Huurshe iyo Xeraale. Heshiiska oo ay kala saxiixdeen beelaha ayaa waxa uu ka kooban yahay dhowr qodobo, kuwaasi oo warbaahinta loosoo bandhigay. Mudane Yaxye Cali Hereeri, lataliyaha ra’iisul wasaaraha ahna xiriiriyaha tubta siyaasadda loo dhan yahay ayaa saxaafada u mariyey. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo muddo saddex bilood ah ku sugnaa degaanadda Galmudug ayaa ku guuleystay dhowr arrimood waxaana arrintan ay kamid tahay guulaha miro dhalka ah ee kasoo baxay socdaalkiisa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Heshiisyo.mp3 View the full article
  22. Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ciidanka Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhexmaray degaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubadda Hoose. Dagaalka oo uu ka dhashay iska hor-imaad toos ah isla markaana yimid markii ay AlShabaaku weerar soo qaadeen ayaa waxaa dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira. AlShabaab ayaa sheegatay in ay dishay saddex kamid ah ciidanka Jubbaland ayna ku furatay qoryo PKM ah iyo AK 47. Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhanka saraakiisha amniga Jubbaland. Ciidamada dowlad goboleedkaas ayaa mudooyinkii dambe waxay degaanada ka tirsan gobolka Jubadda Hoose kawadeen guluf ka dhan ah AlShabaab. View the full article
  23. Muqdisho (SMN) – Halkaan hoose waxaad ka dhageysan kartaa Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-26092019.mp3 View the full article
  24. New York (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka. Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey tallaabooyinka ay qaadday Dowladdu tan iyo markii uu xilka la wareegay, kuwaas oo lagu asteynayey maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada dalkeenna. “Waxaa si buuxda nooga go’an in aan sare u qaadno daah-furnaanta, isla xisaabtanka heer shaqsiyeed iyo mid hay’addeed iyo in aan si toos ah ula falgalno shacabka si ay kaalintooda uga qaataan hannaanka dib-u-habaynta maamulka iyo maaliyadda dalka.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystika hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee dalka, iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah sidii looga mira-dhalin lahaa qorshaha siyaasadda loo dhanyahay. “Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.” Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si faahfaahsan uga hadlay tayeynta, diiwaan gelinta iyo guulaha Ciidamada Qalabka sida ay ka gaareen argagixisada Alshabaab, iyaga oo xoreeyey deeganno muhiim ah, wakhtiganna ay sii wadaan howlgallada ballaaran ee xoreynta dalka. Madaxweynaha ayaa habeen dambe khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedinaya shirka loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay. View the full article
  25. No-one knows what to do with Mohyadin Farah, a Somali who came here as a refugee with a history of sexually assaulting women. Source: Hiiraan Online