-
Content Count
215,082 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT- Nigeria)-Maxkamada sare ee dalka Nigeria ayaa daaqada ka saartay dacwada hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Mr Atiku Abubakar ee ka dhanka aheyd guusha doorashadii madaxtinimo ee bishii Febraayo uu ka gaadhay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Waxaan baadhnay dhammaan dacwadaha noola soo gudbiyay waxaana ku raacsanahay maxkamadda Racfaanka in ayna jirin eedo la xidhiidha in doorashada ay u dhacday qaab musuq maasuq ah, sidaasi waxaa sheegay madaxa cadaalada Tanko Maxamed. Go’aanka ayaa waxaa gaadhay lix ka mid ah garsoorayaasha joogtada ah ee Maxkamada Sare. Mr Tanko ayaa ka gaabsaday in uu caddeeyo sababta rasmiga ah ee xukunkaan uu u qaatay, balse waxuu sheegay in dib ay ka shaacin Doonaan. Xukunkaan ayaa soo afjaraya dacwad maxkamadeed oo sideedii bilood ee la soo dhaafay hadheysay doorashada madaxtinimo oo markii labaad bishii Febraayo dib loogu doortay madaxweyne Maxamaduu Buhaari. Hoggaamiyaha Nigeria oo 76 jir ah ayaa codadkii la dhiibtay helay boqolkiiba 53 sida ay xaqiijiyeen guddiga Doorashada. Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Abubakar matalayay xisbiga mucaaradka ah ee (PDP) ayaa la yimid 41 boqolkiiba balse waxuu gaashaanka u daruuray Natiijadan. Source
-
Beledwayne (SMN) – Wafdi balaaran oo ka socda dowladda federaalka ah ayaa ku wajahan magaaladda Beledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan. Mas’uuliyiinta oo isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro ayaa waxaa qaybtooda ka tirsan yihiin Guddiga Gurmadka Fataahadaha Webiyadda Jubba iyo Shabelle. Wasiirka Warfaafinta, Maxamed Cabdi Maareeyee, ayaa tilmaamay in ay gaarsiin doonaa gurmad ay xukuumadda ugu talogashay dadkaas dhibaateysan. Socdaalka wafdiga ayaa imaanaya xili uu magaaladda ka da’ay roob xoogan, kaas oo laga cabsi qabo in uu hakad geliyo isu socodkii garoonka diyaaradaha. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Wafdi.mp3 View the full article
-
(SLT- Afghanistan)-Ciidammada Afgaanistaan ee weerrarada qaada ee ay badhitaarto hay’adda sirdoonka Mareykanka ee (CIA) ayaa waxa ay gaysteen tacaddiyo ay ku jiraan dambiyo dagaal, sida lagu sheegay warbixin cusub. Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch (HRW) ayaa waxa ay ciidammada ku eedaysay “inay gaysteen dil aan kala sooc lahayn iyo tacaddiyo kale iyadoo aanu jirin wax isla xisaabtan ah”. Tacaddiyadaas waxaa ka mid ah dil aan kala sooc lahayn, dad la waayay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen iyo weerraro lagu qaaday xarumo caafimaad. Qaramada Midoobay iyo wargeyska New York Times ayaa hore waxa ay u soo qaadeen eedaha ah in tacaddiyo ay gaysteen ciidammada weerrarka qaada ee Afgaanistaan. Warbixintan ugu dambaysay ayaa waxa ay imanaysaa kaddib markii bishii Sibteembar ay burbureen wadahadalladii nabadda ee u dhaxeeyay Mareykanka iyo Taalibaan. Source
-
Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-31102019.mp3 View the full article
-
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo xubin ka ah Guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa sheegay in gurmad ballaaran uu saaka gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wasiirka oo ka waramayay xaaladda fatahaadda ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay aysan ka soo darin dhamaan deegaannada sidii ay ahayd 24 saac ka hor, isagoo xusay in goobta ugu qasaaraha badan ay tahay magaalada Beladweyne. “Ilaa iyo hadda waxaa ugu dhibaato badan oo qasaaraha ugu badan oo dalka ka dhacay ay tahay Degmada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan, oo runtii dad gaaraya 300,000 oo qof dad ka badani ay ka qaxeen guryahoodii, dhamaan wixii ay heysteena ay ka baaba’een, oo ku sugan meel aad u kooban oo Beladweyne duleedkeeda ah’ ayuu yiri Wasiir Maareeye. Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray inay jiraan meelo kale oo fatahaado ka dhaceen oo ay ka midyihiin Degmooyinka Baardheere iyo Belad Xaawo oo ka wada tirsan Gobolka Gedo halka magaalada Bardaale ee Gobolka Baay roobab xoogleh oo ka da’ay ay sababeen inay biyo badan ku rogmadaan magaalada, taasi oo aan ahayn biyo ka yimid Webi balse roobabka ay keeneen daadad xoog badan oo sababtay inay dadku ka barakacaan magaalada. Mudane Maareeye ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay guddi heer sare ah u magacawday arrintan, isagoo intaa ku daray in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay baaq ka saareen oo ah in loo gurmado dadka ay saameysay fatahaaduhu. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa bogaadiyay dadaallada ka socda qaar ka mid ah gobollada dalka ee kaalmada loogu aruurinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen. Hoos ka daawo hadalka wasiir Maareeye PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in saaka gurmad ballaaran la geynayo magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka qeybgalay Casho sharaf loogu sameeyay Beerta Dalxiiska oo ku taala duleedka magaaladda Qardho. Madaxweynaha waxaa kulankan Casho ku wehelinayey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada oo ay ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Maxamed Dhabanacad iyo Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal. Sidoo kale kulanka waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ay ka midyihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan Maxamuud Axmed Caalim, Xildhibaan Xuseen Yaasiin Xaaji iyo Xildhibaan Axmed Daad Diiriye Jaamac. Xildhibaannadan oo uu hoggaaminayo Xuseen Yaaasiin Xaaji Diiriye ayaa sida la sheegayo hore u macaaradsanaa siyaasadda madaxweyne Deni, balse xalay ayaa lagu wada arkay Casho-sharaftii madaxweynaha loo sameeyay. Kulanka Cashada ah oo uu soo diyaariyey Mulkiilaha Beerta Dalxiiska Ganacsade Daahir Cabdullaahi Kilwe, Waxaa Madaxweynaha iyo xubnaha la socda ku casheeyeen qeybta dhaqanka ee Beerta Dalxiiska, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay Cunto dhaqameed iyo Agab dhaqameed. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bogaadiyey dhallinyarada reer Puntland ee isu xilqaamay hirgelinta xarunta Beerta Dalxiiska, isagoo ugu baaqay dhammaan dadweynaha reer Puntland in kor loo qaado maalgashiga dalka. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Xildhibaanno hore u mucaaradsanaa madaxweyne Deni oo Casho sharaf kala qeyb-galay appeared first on Puntland Post.
-
Ex-Somali regional state President Abdi Muhamoud Omar, also known as Abidi Illey, pleaded not guilty and called for immediate release Source: Hiiraan Online
-
Tucking into fresh seafood on a boat anchored in clear turquoise waters, which serves as a floating restaurant, Ahmed Yusuf can hardly believe he is in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
-
Daawo qaabkii uu u dhacay weerarkii lagu dilay hoggaamiihii ISIS Abubakar al-Baghdadi Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaan Pentagon ayaa soo bandhigtay muuqaalka iyo sawirrada weerarkii ay ku dileen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka hoggaamiyihii ururka ISIS Abu Bakr al-Baghdadi. Halkan hoose ka daawo:- Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Khuburada QM, oo ah Guddiga lagu beddelay Kooxda Kormeerka ee Soomaaliya iyo Eritrea (UN Monitoring Group), ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in kooxda Al-Shabaab ay ku dhex-milantay dekedda Muqdisho. Warbixinta guddiga oo ay si gaar ah u heshay Caasimada Online ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay awood u yeelatay inay hesho dokumentiyada alaabaha kasoo degaya dekedda ee la socda maraakiibta (Manifest) kuwaas oo faah-faahiya nooca alaabta soo dageysa, qiimaha iyo cidda iska leh. Sida ay tiri warbixinta, 1-dii illaa 7-dii April 2019, Al-Shabaab ayaa la xiriirtay milkiilayaasha ganacsiyada Muqdisho, kuna war-gelisay in dhammaan alaabaha uga soo degaya dekedda Muqdisho laga rabo inay ka bixiyaan canshuurta Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa sidoo kale amartay in dhammaan ganacsiyada Muqdisho laga doonayo inay alaabta ay soo degsanayaan ay ku war-geliyaan qeybta maaliyadda kooxda, ka hor inta aysan lasoo degin, ayada oo ka digtay in xog kasta oo ay soo gudbiyaan laga xaqiijin doono manifestada markabka la socota. Tusaale, dabayaaqadii bishii July 2019, shirkad ganacsi oo fadhigeedu yahay mid ka mid ah dalalka Khaliijka ayaa dekedda Muqdisho kasoo degsatay dhowr kun oo tan oo qalabka dhismaha ah. Horaantii August 2019, Al-Shabaab ayaa wakiilka shirkaddaas ee Muqdisho kula xiriirtay taleefon kuna amartay inuu yimaado maxkamadda Al-Shabaab ee degaanka Mubarak ee Shabeellaha Hoose. Markii uu yimid maxkamadda, waxaa la tusay manifeestadii markabka, taasi oo muujisay sida Al-Shabaab ay awood ugu leedahay inay hesho xog kasta oo ay u baahan tahay. Al-Shabaab ayaa wakiilkii shirkadda ku amartay inuu bixiyo canshuur dhan 70,000 oo dollar. Waxaa sidoo kale lagu war-geliyey in alaabaha lasoo dejin doono mustaqbalka laga doonayo canshuur hormaris ah. Kadib wada-tashi uu la sameeyey maamulka shirkadda, wakiilkii ayaa lacagta ku bixiyey isaga oo mariyey mid ka mid ah bankiyada Muqdisho. Waxaa kadib la siiyey rasiit-ka caddeynaya inuu bixiyey canshuurta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo hadal ka jeediyay kulankii maanta ee golaha ayaa ka dhawaajiyay ayaa shaaca ka qaaday saddex mooshin oo horey aan loo ogeyn oo ay ka gudbiyeen xukuumadda Kheyre balse fashilmay. Mahad Salaad oo eedeymo dhawr ah oo uu u jeediyay guddoonka golaha, ayaa sheegay seddaxda mooshin oo ay ka keeneen la xisaabtanka xukuumadda, uu is hor taagay guddoomiye Maxamed Mursal. Mahad Salaad waxa uu ku eedeeyey guddoomiyaasha baarlamaanka in ay xildhibaanada ka hortaaganyihiin la xisaabtayka xukuumadda, 3 mooshin oo isaga iyo xildhibaanno kale ay ugu yeerayeen wasiirro iyo mas’uuliyiin kale, si loola xisaabtamo su’aalana looga weydiiyo shaqada loo igmaday oo dayacan ayuu sheegay in guddoomiyuhu uu si cad u burburiyay golahana uusan hor keenin. Xildhibaanka ayaa aad u dhaliilay shaqada Baarlamaanka, isagoo baarlamaankaan ku tilmaamay kii ugu liitay baarlamaanadii ka soo shaqeeyay dalkaan, isagoo dhaliilay kana dhawaajiyay sharciyo uu ansixiyay baarlamaankaan 10-aad, sharciyadaas oo uu ka mid yahay kii Banka Dhexe loogu ogolaaday in qof Ajanabi ah uu madax ka noqon karo. Sidoo kale xeer hoosaadka xildhibaanada golaha shacabka oo sida uu sheegay liita ayuu guddoomiyaha Baarlamaanka kula taliyay in dib u habeyn lagu sameeyo. Mahad Salaad ayaa dhamaan xildhibaanada ku eedeeyay in ay iska in dhatirayaan howlihii loo igmaday, isla markaana uu yaryahay xildhibaan dib ugu laabtay oo wax u qabtay dadkii soo doortay. Waxa uu ku taliyay in lhnati-dhowraha qaranka looga yeero fadhiga golaha waxna laga weydiiyo warbixintii muujinaysay lacag badan oo maqan, isagoo quus ka muujiyay in taasi dhacdo tusaalana u soo qaatay guddigii maaliyadda golaha shacabka oo uu isagu ku jiray ee la kala diray markii ay ku dhiiradeen in ay ku dhaqaaqaan isla xisaabtan. Halkaan ka Daawo: Caasi mada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar___Qubnaha-30102009.mp3 View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha Galmudug oo caawa shir iskugu yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saareen kulankooda ku cadeeyay mowqifkooda dhismaha maamulka Galmudug. Odayaasha beelaha Galmudug ayaa baaq u diray dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca, iyagoo war-murtiyeedkooda ku soo koobay afar qodob oo mowqifkooda ah. Go’aanka hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug oo lagu cadeeyay warqadda ka soo baxday ayaa u dhignaa sidaan: 1).Waxaan isla garanay in aan ugu baaqno dowladda federaalka iyo Culimaa’udiinka Ahlu-Sunna Waljamaaca in ay ka heshiiyaan khilaafka dhexdooda ka soo cusboonaaday. 2).Waxaan sidoo kale xusuusinaynaa in dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna uusan midkoodna sharci iyo awood u laheyn in 35 xildhibaan oo ka mid ah 89-kii baarlamaanka Galmudug uu sheegay Sheikh Shaakir in ASW ay kula heshiisay dowladda federaalka in ay iyagu soo xulaan. 3).Hoggaanka dhaqanka beelaha Galmudug waxay dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca uga digayaan in ay isku dayaan in si sharci darro ah loo kor dhiyo tirada lambarkii baarlamaanka Galmudug si aan loogu xad judbin awood qeybsiga beelaha Galmudug. 4).Waxaan dowladda federaalka ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u howl galiso guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug, si Galmudug ay uga baxdo xaaladda adag oo ay ku sugneyd sanadihii lasoo dhaafay. Ugu dameyntii hoggaanka dhaqanka ayaa sheegay in iyaga ay masuuliyadi ka saarantahay dib u dhiska Galmudug iyo xaqiijinta hormarka bulshada ku wada nool deegaanada Galmudug. Halkaan ka akhriso: Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Madaxada sare ee Dalka ayaa ka qeyb qaadanaya yabooha dhaqaale oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen. Madaxweynaha JFS, Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare iyo R/wasaaraha Dalka ayaa mushaharaadkoodi Bisha Oktoobar ugu deeqay dadka Soomaaliyeed oo ay fatahaaduhu saameeyeen. Lacagtan ay iska jareen madaxada Qaranka ayaa waxaa lagu wareejin doonaa Guddiga Gurmadka fatahaadaha. Dowaladda Soomaaliya ayaa dhawaan magacawday guddi loo xilsaaray ugurmashada dadka fatahaaduhu ay saameeyeen. Sidoo kale waxaa barbar socda howlo gargaar aruurin ah oo bulshadu dhankoodi ay kawadaan gobolada Dalka View the full article
-
Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cusmaan Karaash ayaa maanta Dalka dib ugusoo laabatay kadib safar uu kusoo kala bixiyey Qaarada Yurub. Madaxweyne Xigeenka ayaa [...] Source
-
Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa beesha caalamka ugu baaqay in si deg deg ah ay uga qayb qaataan dadaallada naf-badbaadinta ee loogu gurmanayo deegaannada dalka ee fatahaaddu dhibaatada badan ka geysteen. Mudane Xasan Cali Khayre oo warqad u diray dhamaan dowladaha saaxiibka ah Soomaaliya iyo hey’adaha caalamiga ah, ayaa sheegay in dowladda ay bixisay jawaab deg deg ah si looga hor tago in xaaladdu kasii darto, hase yeeshee xaalladda hadda taagan ay u baahantahay in si wadajir ah leesaga kaashasho, maadaama ay jirto dhibaato aad u ballaaran. Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in daadadka oo saameeyay deegaaano ka tirsan Jubaland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ay 85% magaalada Beledweyne ku fataheen, ayna sababeen dhimasho, barakac baahsan, burburiyeen kaabayaal dhaqaale, ugana sii dareen xaaladii bini’aadninimo ee horay u taagneyd, lana filayo in maalmahaan roobabku sii socodaan, biyaha wabiguna ay sii sare marayaan, arrintaas oo sababeysa daadad dheeraad ah. Mudane Xasan Cali Khayre oo adkeeyay in hadii si dhaqsa ah aan ficil loo qaadin ay xaaladu kasii dari karto, ayaa sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay inay maal geliyaan xalka waara ee mustaqbalka si looga gaashaanto dhibaatooyin nuucaan oo kale in ay dalka kusoo laabtaan. View the full article
