-
Content Count
213,481 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Qarax Miino ayaa duleedka magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya waxaa lagula eegtay kolonyo ay la socdeen ciidamada dowladda Kenya. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay 10 ka mid ah ciidanka Kenya, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidankaasi ka mid ahaa. Ciidanka qaraxan lala eegtay ayaa ahaa kuwa sida gaarka u tababaran ee Koofi Casta, waxaana halka qaraxan lagula eegtay lagu magacaabaa Cabdi Sugeey. Taliyaha ciidamada Milatariga Kenya ayaa xaqiijiyey dhimashada askartaasi, balse waxa uu ka gaabsaday in faaah faahin dheeraad ah uu bixiyo. Dhanka kale, ururka Al-shabaab ayaa baraha ay Internetka ku leeyihiin waxay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay askar Kenyaan ahaa oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, xilli ay wadeen howlgallo amni xaqiijin ah. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa 10 askari, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa baahisay inay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada dowladda Kenya. Muddooyinkii dambe dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo xalay khudbad ka jeediyey munaasabad lagu xusayey maalinta Calanka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay Midnimada. Ugu horreyn Khayre ayaa ugu baaqay qof kasta oo Soomaali ah inuu U istaago ilaalinta Qaranka, Madaxbannaanida iyo Midnimadda. Sidoo kale wuxuu sheegay in Muxaafad iyo Mucaarad looga baahan yahay inay isku baheystaan ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed. ”Qof walba oo naga mid ah, mucaarad iyo muxaafid oo fursad u hela inuu qarankiisa metalana, waxaa uu taariikhda ku geli doonaa sida uu u ilaaliyo, qarinimada, madaxbannaanida, Midnimadda iyo ilaalinta xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan uu taagan yahay muran salka ku haya Biyaha Soomaliya oo dowladda federaalka kala dhexeeya Kenya. Dacwada Badda oo muddo soo jiitameysa ayaa ka furan maxkamadda cadaalada dunida ee ICJ, iyadoo rajo wanaagsan laga muujinayo in ay ku guuleysan doonto Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa sheegay in aanay jirin wadahadal dambe oo u dhiman madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, kuwaasi oo ku saabsan xaaladda guud ee dalka. Wuxuu tilmaamay in Madaxweynaha uu kursiga ugu fadhiyo oo kaliya sidii uu isaga horkeeni lahaa beelaha Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye. Xaaji Muuse ayaa tilmaamay in dalka haatan uu taagan yahay meel hoose oo u baahan in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto. “Waxaa aad loogu noq-noqday heshiis hadda ka bacdi ah, heshiis hadda ka bacdi oo ku dhiman Farmaajo ma jiro, Farmaajo Labadi lugood midna Puntland ayaa ka goosatay, midna Jubbaland, gacan midig ahna waxaa uga dheggan Galmudug, waxaa soo haray calool, Af iyo gacan bidix oo aan wax lagu cuni karin, halahaasna lalama shaqeyn karo, qof uu rabo ma jirto….qof la arkaba qabiilkeeda ayuu u adeegsadaa, iska horkeen kaliya ayaa kursigiisa yaalla, wuu is qariyaa, dadka inuu isaga ka dhex hadlaayo annaga waan ognahay, dadka iney moogyihiin ayuu u qabaa, dadkaan qaacis ayeey yaqaanaan” ayuu yiri Yalaxow. Ugu dambeyn, Muuse Suudi ayaa ku baaqay in wadatashi degdeg ah laga galo xaaladda dalka, si sare looga qaado halka uu haatan joogo. Hadalkan ayuu Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu ka sheegay munaasabaddii shalay lagu caleema-saarayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdulllaahi Maxamed (Deni) ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in xorriyadiisa u soo celiso wasiirka amniga Jubbaland. Deni ayaa sheegay in wasiir Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) uu ka mid ahaa xubnihii u soo dagaalamay dhismaha Jubbaland iyo nabad gelyada deegaanada maamulkaasi. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in wax weliba lagu dhameeyo wadahadal. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/www-1.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-subax-13-10-2019-sax-ah.mp3 View the full article
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ka hadlay munaasabadda lagu maamuusayey maalinta calanka Soomaaliyeed oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in cid walbo oo Soomaali ah waajib ka saaran yahay ilaalinta madaxbanaanida, qarannimadeenna iyo xuduudaheena. Kheyre ayaa sheegay in mucaarad iyo muxaafidba ay taariikhda ku geli doonaan sida ay u ilaaliyaan calankeenna, qarannimadeenna, una ilaaliyaan hantida qaranka. Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in jiilka maanta nool looga baahan yahay iney naftooda u huraan calankooda, si ay usii gaarsiiyaan kuwa kale ee mustaqbalka ka dambeeya. “Qof walba oo Soomaaliyeed, qof walba oo inaga mid ah, meel walba uu dalka ka joogo, mucaarad iyo Muxaafid oo fursad u hela in qarankiisa matelo, waxaan taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalinno qarannimada, madaxbanaanida, sida aan u ilaalino hantida qaranka ugana fogaanno musuq-maasuqa, sida aan u ilaalinno xuduudaha badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed, aan xajinno calankaas walaalaheenii naga horreeyey ay naf iyo maalba kusoo bixiyeen, dhiig usoo hureen, si annaga oo ah kuwa hadda nool aan ugu sii gudbinno kuwa naga dambeeya” ayuu yiri Kheyre. 12-October oo shalay ku beegneyd ayaa sanad walba loo dabaaldegaa maalinta calanka Soomaaliyeed, iyadoo la ogyahay dedaalladii iyo waqtigii lagu bixiyey in dhulkeenna ka babado calanka Buluugga ee Xidigta Shanta gees ah leh. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iska diiday inay qeyb ka noqoto warsaxaafadeed ka dhan ahaa dalka Turkiga oo ka soo baxay ururka Jaamacadda Carabta. Bayaanka oo ahaa mid lagu cambaareynayey Turkiga, gaar ahaan howlgalka uu ka wado gudaha Syria ayey dowladda Soomaaliya iska diiday inay ka mid noqoto. Sidoo kale waxaa bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa horay u gaartay go’aanno culus oo la xariira xiriirka arrimaha dibadda, sida midkii dhex dhexaadnimada ah ee ay ka qaadatay khilaafka wadamada Khaliijka Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in tiro askartooda bilayska ah kamid ah ay naftooda ku waayeen ka dib qarax loogu qariyay meel u dhaw degaanka Damale, ee Gobolka Garisa. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhaw xadka Soomaaliya. Qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 10 askari oo bilays ah lagu dilay weerarkaas. Taliyaha ciidanka booliiska Kenya ayaa sheegay inay ka xun yihiin inay waayeen saraakiil ciidan iyo gaadiid. Dowladda Kenya ayaa ciidamo xoojin ah udirtay goobta ciidanka qaraxa lagula eegtay, si ay u raadiyaan kooxdii falka ka dambeysay. The post Kenya oo ka hadashay weerar askar looga laayay oo ka dhacay gobolka Gaarisa appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Soomaalida Kenya, Faarax Macallin ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, isaga oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay ee Kismaayo ka dhacday. Faarax Macallin ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xaday doorashada Jubaland, balse looga fadhiyo halkii uu ku dhaqan gelin lahaa. “Waxaa jirta oraah Soomaaliyeed oo dhahaysa. Waad xadi kartaa durbaan, balse su’aasha waxay tahay halkee ayaad ku garaaci doontaa durbaanka, si aad uga raaxeysato cayaarta.” Ayuu yiri Faraax Macallin. “Axmed Madoobe waxa uu doorashada Jubaland u xaday sida durbaanka oo kale balse xaguu ku garaaci doonaa. Waxaa uu ku jiraa go’doon si la mid ah dhammaan daba-dhilifyada, dhulka ayaana kusoo yaraanaya maalin kasta. Xorey dadka Jubaland.” Hadalka Faarax Macallin ayaa imanaya xilli inta badan siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee ku beesha ah Faarax iyo Axmed Madoobe ay la safteen madaxweynaha Axmed Madoobe. Siyaasiyiintaas ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo ka qeyb-galay caleemo-saarka Axmed Madoobe, isaga oo Kismaayo ku tegay diyaarad ka baxday Nairobi, islamarkaana jabiyey xayiraaddii duulimaad ay dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaano uu ka mid yahay ay wadaan mooshin ka dhan ah ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya. Iyadoo dhawaan la furay kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay xildhibaan Dalxa in fadhiyadooda ugu horeeya ay baarlamaanka hor geyn doonaan mooshinka ka dhanka ah ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa u yeertay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Lucas Tumbo. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Soomaaliya Cabdiqaadir Axmed Kheyr Cabdi oo safiirka kula kulmay xarunta Wasaaradda ayaa u dhiibay qoraal ay Soomaaliya kaga cabaneyso Xad-gudubkii diyaarad laga leeyahay Kenya ku xad-gudubtay hawada Soomaaliya 5-tii October, 2019, diyaaraddaas oo caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Kismaayo,iyadoo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Soomaaliya. Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa shalay ka degay garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Aadan Barre Ducaale ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo laga soo doorto Gobolka Waqooyi Bari ee NFD. Wafdigan ka socda Kenya ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo ku yimid diyaarad yar oo nooca Focker ah, waxaana ay toos ugu yimaadeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya taaso mar kale noqoneyso inay Kenya jabisay Xayiraadii Dowladda Soomaaliya ay saartay Kismaayo. Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayaa xumaa wayihii dambe, iyadoo khilaafka ugu weyn uu ka taaganyahay kiiska badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dacwadiisa ay Soomaaliya geysay madaxkadda ICJ, wallow ay shan sano kadib wali Kenya ku dadaaleyso in kiiskaas lagu xaliyo wadahadal. Sidoo kale ciidamada cirka Kenya ayaa duqeyn lagu beegsado shacab iyo xoolo Soomaaliyeed waxa ay si joogto ah uga gystaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Donald Trump, oo kahor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah, waxayna ugu yeereen madaxda Jamhuuriga inay ku guuldaraysteen inay dhaleeceeyaan hadalada Trump ee gefka ah. Nihad Awad, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, ayaa sheegay midabtakoorka Trump in uu yahay tusaalayaashii ugu dambeeyay ee dadaalkiisa ah in ummadda loogu qeybiyo faa iidadiisa siyaasadeed. Magaalada Minneapolis, oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Maraykanka ayuu madaxweyne Trump su’aal galiyay saameynta ay ku yeelan doonaan iskuulada, bulshada iyo canshuur bixiyeyaasha. “Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas ah,” ayuu yidhi Cawad. Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa Trump ugu yeeray “nin xumaaday wuxuuna bartiisa twitterka kusoo qoray in ogolaansho la siiyay soogalootiga laguna soo dhoweynayo Minneapolis. “Soogalootiga iyo qaxootiga waxay gacan ka gaysteen in gobolkeenu ka dhigaan meel cajiib ah oo lagu noolaado laguna shaqeeyo,” ayuu ku soo qoray boggaga Demuqraadiga, Sen. Amy Klobuchar, oo u tartamaya xilka madaxweynaha. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Trump oo cambaarayn kala kulmay Cunsuriyaynta Somalida Minneapolis appeared first on Puntland Post.
-
Like the sub-four minute mile, running a marathon in less than two hours had seemed impossible — until Saturday. But this time there’s an asterisk: Olympic champion Kipchoge performed his feat under conditions so tightly controlled to maximize his success that it won’t appear in the record books.... Source: Hiiraan Online
-
At least 10 General Service Unit (GSU) officers were killed on Saturday after their vehicle ran over an Improvised Explosive Device (IED) on Degoh Road in Garissa County. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa saacadihii u dambeeyay aad loogu baahinayey baraha bulshada gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo lagu magacaabo Suhuur Fatxi Mukhtaar oo si dhiirran Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame oo ku sugan meel fagaare ah u gudbisay dalab. Suhuur ayaa Madaxweynaha Rwanda ka dalabtay inuu aqbalo rabitaanka bulshada Somaliland, oo isla markaana uu aqoonsado siday sheegtay dal buuxiyey shuruudihii dawladnimo. Gabadhaasi oo kamid noqotay ka qeyb galayaasha Shirka isku xidhka dhallinyarada Afrika (YouthConnekt Africa) oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyaradda Rwanda oo taageero ka helaysa hay’ado ay ka mid yihiin UNDP. Suhuur Fatxi Mukhtaar oo fursad u heshay inay ka mid noqoto dadka sida tooska ah su’aalo u weydiinayey Madaxweyne Paul Kagame, ayaa waxay iyadoo shucuurteedu ay aad u sarreyso tidhi “Magacaygu waa Suhuur waxaan ka imid dal la yidhaahdo Somaliland. Waxaanan kaaga mahad-celinayaa sidaad halkan (Ruwanda) noogu soo dhaweysay. Waxaan ku faraxsan nahay inaan halkan kuugu soo qadimayaa codsi ee kuma weydiinayo su’aal”. Waxayna intaas kusii dartay “Waxaad ka warqabtaa inuu dalkayagu yahay mid nabdoon oo xasiloon. Waxa kaloo aanu leenahay dawlad shaqeynaysa, waxaannu leenahay dastuur, hase ahaatee wali aqoonsani kama aanu helin caalamka iyo dalalka Afrika”. “Sidaas darteed, waxaannu kaa codsanayaa adiga (Madaxweynaha Ruwanda) inaad aqbasho dalabkayaga oo aad na aqoonsato” ayey tiri Suhuur Fatxi Mukhtaar. Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame oo isaguna ka jawaabayey soo jeedinteeda ayaa waxa uu yiri “Waxaan u malaynayaa inaad ii dirayso shaqo adag. Waayo waxa jira shuruuc caalamiya oo jidaynaya qaabka loo aqoonsanayo dawlad ama dal, waxaan filayaa inaad arrintaas u halgamaysaan ilaa aad ka xaqiijinaysaan oo gaadhaysaan qaddiyadiinna”. “Waxaad muddo ka tirsanaan jirteen Soomaaliya, intaas kadib tiro dambiyo ah ayaa dhacay sax iyo khalad waxay doonaan ha noqdeene’ markaa waxaad bilowdeen inaad noqotaan Somaliland”. Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaad leedihiin waxaannu doonaynaa inaanu xor ahaano. Xukuumaddii Federaalka Soomaaliyana waxay leedahay ‘maya annaga ayaad naga mid tihiin’ markaa sidaad sheegtay waxay noqonaysaa inaad hawlihiina wadataan wax kasta oo ay noqonayso”. Suhuur Fatxi oo iyadu mar labaad makarafoonka qabsatay ayaa madaxweynaha Rwanda, ayaa waxay ku tiri “Haa Madaxweyne, waxaan doonayaa inaan idhaahdo waxaanu buuxinay shuruudihii qaranimo, waayo waxaanu leenahay dastuur, xudduudo iyo dawladnimo shaqeynaysa”. “Waxa kaloo aanu leenahay shacab, waxaanan xornimadayadii la soo noqonay 27 sannadood ka hor. Sidoo kalena waxaannu ku guulaysanay inaanu qabanno doorasho hal qof iyo hal cod ah, waxaanse wali u halgamaynaa sidii aanu ku kasban lahayn aqoonsi”. Madaxweynaha Rwanda oo isaguna soo af-meeray xog-warankaaasi ayaa waxa uu yiri “Sidaad sheegtay waxaad qaadeen tallaabooyin badan, sidaad uga gun gaadhaysaan waxay noqon kartaa dhawaan ama barito”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Soomaaliya iyo Qatar ayaa diiday inay ka qeyb galaan bayaan ay qoreen wadamada ku jira jaamacadda Carabta, kuwaas oo cambaareeyay qabsashadii Turkey ee Waqooyiga Siiriya. “Soomaaliya waxay garab taagantahay walaalaheeda Turkey dagaalka ay kula jirto argagixisada Kurdiyiinta ee Waqooyiga Siiriya.” ayaa lagu yidhi war kasoo baxday dowladda federalka. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa dhalleeceeyay gelitaanka millatari ee Turkiga ee waqooyiga Suuriya. Xoghayaha guud ee Ururka jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaadaan Turkiga. Kulan ka dhacay Sabtidii Qaahira, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit wuxuu ku tilmaamay tallaabada militari ee Turkiga “duullaan” iyo “gardarro” ka dhan ah dowlad carbeed. Wuxuu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay cambaareyneyso duulaanka isla markaana aysan dunidu aqbalin, midkoodna, maadaama ay ka soo horjeeddo qawaaniinta caalamiga ah. Puntland Post The post Somaliya iyo Qatar oo kasoo horjeestay bayaan kasoo baxay jaamacadda Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka sare, Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), ayaa si adag uga horyimid hindise uu soo jeediyay wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u-heshiisiinta Soomaaliya, Cabdi Faarax Siciid (Juxaa), kaasi oo ahaa in dalka laga hirgeliyo Nidaamka loo yaqaan Confederalism-ka Guddoomiye Bukhaari, ayaa sheegay in Nidaamka Federalism-ka uu noocya badanyahay, balse dadka Soomaaliyeed ay qaateen Federal ku dhisan maamul baahin, si adeegyada as’aasiga ah loo gaarsiiyo dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka. Waxaase uu ka digay Nidaamka Confederalism-ka oo uu ku tilmaamay mid loogu tala-galay dad aan wax badan wadaagin, islamarkaana sida uu xusay dhibaato ku ah midnimada iyo wadajirka Soomaaliya. Mudane Bukhaari ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka midaysan yihiin dhammaan waxyaabaha bulsho mideeya sida Diinta, Dhaqanka iyo Luuqadda, sidaasi darteedna aysan meelna ka soo gelin Confederalism system. Waxa kale oo uu sheegay in dalka midnimadiisa iyo isku hayntiisa aysan marnaba gorgortan geli karin. Hoos ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Abshir Bukhaari oo si adag uga horyimid hindise uu soo jeediyay Juxaa appeared first on Puntland Post.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 askari oo boolisk Kenya ah ayaa lagu dilay qarax haleelay baabuurkooda oo marayey meel u dhow xuduudda Soomaaliya sabtidii, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliska oo ay heshay wakaaladda wararka Reuters. Booliska ayaa rumeysan in miinada dhalisay qaraxa ay aaseen dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta. Bayaan kale oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dhowr sarkaal ay ka mid yihiin dadka dhintay, inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah. War lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayey xarakada ku sheegatay masuuliyadda weerarka, iyadoo sheegaty in guutooyinka kooxda ee ka howlgala dhulka NFD ay ku guuleysteen inay fuliyaan howlgal guuleystay. Sida ay sheegtay Al-Shabaab qaraxa, oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamda Kenya, ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Libooya ee Mandheera, waxaana uu “ku burburay gaari dagaal.” Qaraxan ayaa ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Kenya ku gaaray gudaha dalkooda, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay inta badan weeraradeeda ka fuliso gobolka waqooyi bari iyo kan xeebta. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee baarlamaanka fedraalka Soomaaliya ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay kala saxiixdeen heshiis ka kooban dhawr qodob, kaas oo ay ku wada shaqeyn doonaan. Wada shaqeynta iyo iskaashiga golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa waxaa lagu sheegay heshiiska in uu gundhig u yahay dastuurka KMG ah, xeer hoosaadka golayaasha iyo sidoo kale xeerarka kale ee dalka. War-saxaafadeedka ay soo saareen ayaa lagu sheegay in Aqalka Sare iyo golaha shacabka ay ka wada shaqeyn doonaan mabaadii’da kala ah: 1) Iskaashi xeer dejineed. 2) Xog isdhaafsi joogto ah. 3) Hirgalinta heshiisyada u dhaxeeya labada dhinac. 4) Ka warqabka baahiyaha hormarineed ee labada gole iyo in la iska kaashado sidii loo dabooli lahaa. 5) Isku tix-galinta waajibaadka gaar ahaaneed ee ay kala leeyihiin labada Aqal. Sidoo kale golaha shacab iyo golaha Aqalka Sare ayaa war-saxaafadeedkooda ku shaaciyay in xubnaha ku matalaya baarlamaanada qaaradeed, kuwa goboleed iyo kuwa aduunkaba ay si cadaaladi ka muuqato ku qeybsan doonaan. Golaha shacabka iyo golaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay qoraalka in ay ansixi doonaan miisaaniyadda dowladda federaalka ku noqoshadeeda iyo xisaab xirkeedaba si waafaqsan habraaca dastuuriga ah ee xeer dejinta dalka. Labada gole ayaa waxa ay sheegeen ay dhisi doonaan guddiga adeegga baarlamaanka, kaddib markii ay soo id laato dib u eegista dastuurka KMG ah ee dalka. Ugu dambeyntii war-murtiyeedka ay soo saareen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxa ay ku sheegeen in ay yeelanayaan xeer hoosaad wadajir ah, kaas oo faafaahinaya dhamaan qodobada lagu heshiiyay. Halkaan ka akhriso war-murtiyeedka Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Midowga Yurub ayaa sii xoojinaya taageerada maaliyadeed ee uu siiyo Hay’addaha garsoorka xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Somaliland, ayaa waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali. Kulankaasi oo ay Guddoomiyaha ku wehlinayeen Saraakiil kale oo ka tirsan Maxkamada Somaliland, ayaa waxa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan Garsoorka iyo Cadaalada. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo kaalinta Maxkamadda sarre ee Somaliland kaga aadan doorashooyinkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa ugu dambeyntiina si weyn uga mahad-celiyay taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub uu la garab joogo Hay’adaha garsoorka Somaliland. Si kastaba, Garsoorka Somaliland ayaa mudooyinkii dambe waxa dul hooganayey eedeymo balaadhan oo ku aadan daacadnimada Hay’adaasi, midaasi oo dad badana ay ka muujiyeen kalsooni daro baahsan dacwadaha ay u gudbiyaan Maxkamadaha. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dalbaday xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xorriyaddiisa dib ugu celiso wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo Muqdisho ku xiran. Wasiir Janan oo sida Villa Somalia sheegtay ku eedaysan denbiyo ka dhan ah banii’aadanimada ayaa 31-dii Ogoosto ee sannadkan Booliiska Soomaaliya ku xireen magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday waddanka Ethiopia. Madaxweyne Deni ayaa wasiir Janan ku amaanay in uu mudda dheer ka soo shaqeeyay hirgelinta iyo dhismaha dowlad goboleedka Jubaland islamarkaana uu kaalin muhiima ka qaatay amniga Jubaland iyo la’dagaallanka argagixisada. Mudane Deni ayaa tilmaamay in Janan uu yahay shakhsi aan xarig mutaysan balse abaal-marin ka mudnaa umadda Soomaaliyeed maadaama uu dawr weyn ka qaatay nabadda iyo cirib-tirka argagixisada. Sidoo kale wuxuu sheegay in cid kasta oo isku hawsha hirgelinta nabadda ay qaladaad ka dhacayaan sidaasi darteedna ay muhiim tahay in loogu cudur-daaro maadaama ay wanaag ka ahayd. Halkaan ka daawo hadallada madaxweynaha PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ka dalbaday in ay xorriyaddiisa dib ugu celiso wasiirkii Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ugu baaqay in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha Jubbaland oo maanta lagu caleemo saaray Magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in Jubbaland ay diyaar u tahay in Dowladda Dhexe kala hadasho waxyaabaha ay isu hayaan labada dhinac. Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaciyay in Maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo Dowladda Dhexe, isagoo dhanka kalena ku baaqay in loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ay sameeyan dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay lama taabtaan tahay midnimada umadda Soomaaliyeed, iyadoo uu Soomaalida ugu yeeray in ay dhawraan muqadaska midnimada Soomaaliya. Axmed Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in ay Dowladda Dhexe ku tix-gelinayan hawlaheeda shaqo, balse aanay dowladda ku ixtiraami doonin in ay soo fara-geliso arrimaha Maamulka Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa markale ku celiyay in loo baahan yahay in labada dhinac ay ka wada hadlaan wixii jiro, isla-markaana uu Madaxweyne Farmaajo ugu yeerayo in wada hadal uu u yimaado Magaalada Kismaayo. Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni aaa labada dhinac ugu baaqay in ay miiska wada hadalka yimaadan, kana wada hadlaan wixii la kala tabanayo. Madaxweyne Deni ayaa soo hadalqaaday xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo 31kii bishii August lagu xiray Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay inaanu Cabdirashiid Janan u khalmin in la xiro, isla-markaana ay xarigiisa ka xun yihiin. Madaxweynaha ayaa yiri “Xariga Cabdirashiid Janan waan ka xunahay, umana khalmin xarig.” Villa Somalia ayaa horey u diiday in ay aqoonsato tallaabada marka labaad lagu soo doortay Axmed Madoobe, waxayna taasi bedelkeeda soo jeedisay in doorasho ku celis ah la qabto. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
-
Popular Contributors
