-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Tehran (Caasimada Online) – Kadib shirqoolkii habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Israel. Haniyah ayaa la khaarajiyay xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran. Inkasta oo aysan Israel si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Israel. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadii lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran. Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Israel, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il. Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israel Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Israel ku sheegay, in Israel ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah. Natanyahu ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado. Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Israel iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo, halka Mareykanka uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xiisadda sii hureysa ee gobolka Bariga Dhexe. The post Kadib dilka Ismaaciil Haniya, IRAN oo bilowday qorshe culus oo loogu aargudayo appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri ah booqasho ku tagaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Hakan ayaa sida uu qorshuhu yahay la kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atkse Selassie iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada-hadallada labada dhinac, kadib markii wax natiijo lagu gaari waayay kulamo hordhac ah oo labada dhinac la isugu keenay Ankara. Horraanta bishii hore markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.” Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo markaas garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024. Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland. Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya. The post Hakan Fidan oo ku wajahan Addis Ababa iyo xogta wada-hadallada DF iyo Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
453774568_802493165414731_6198165888082841877_n Qaran News
-
Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan ayaa booqashadii u horreysay 3 bishan Agoosto oo berri ah ku tegi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Wasiir Hakan Fidan ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmaya Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo dhiggiisa Itoobiya, Taye Atske Selassie, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga. Booqashadan ayaa ku soo aadaysa xilli Baarlamaanka Turkiga uu dhowaan ansixiyay ciidamo ka tirsan kuwa badda Turkiga oo xeebaha Soomaaliya loo geynayo, taasi oo ku timid heshiis difaac oo ay Soomaaliya la gashay Turkiga. Dhinaca kale Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac. PUNTLAND POST The post Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga maalinta berri ah booqanaya dalka Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Masuuliyijn Kale Xisbiga Ah ayaa kullan soo dhaweyn ah ku qaabilay Siyaasiyiinta, wax-garadka, aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada Beelaha Guullane iyo Sheekh Cismaan (ARAB) kuwaas si rasmi ugu Shaaciyey dhisitaanka Xisbiga Rajada Shacabka Soomaliland WADDANI. Kullankaas oo ahaa mid ka qabsoomay hoyga Musharraxa Madaxweyne Dr Cabdirxamaan Cirro ayaa ahaa mid saacado qaatay, waxaanay hoggaanka Xisbiga uga mahadceliyeen Beelaha Guullane iyo Sheekh Cismaan, cudduda ballaadhan ee taageero ee ay ku soo biiriyeen Xisbiga WADDANI Qaran News
-
Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Djibouti oo uu hoggaaminayo madaxa howlgelinta ciidanka jabuuti iyo saraakiil kale ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa Qaar ka mid Hogaanada Ciidanka XDS. Ujeedka booqashada saraakiisha ka socotay wadanka jabuuti ayaa ahayd in sare loo qaado iskaashiga labadda ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Djibouti oo nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya. Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku amaanay kaalinta ay ka qaateen la dagaalanka Argagixisadda iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS Source: goobjoog.com
-
Ciidamada gaarka ah ee kumaandooska danab ee xoogga dalka ayaa howgal qorshaysan ka fuliyay goob ay ku sugnaayeen xubno Alshabaab ah oo ku taalla deegaanka Qumbi oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose sida lagu sheegay war ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka. Wararku waxa ay sheegayaan in saqdii dhaxe ee xalay uu weerarku dhacay, dagaal saacado badan qaatay ka dibna ay goobta gaaray Ciidamada Xooga dalka iyo Kuwa Jubaland ee ku sugan aagga Degmada Afmadow, waxayna Saraakiishu sheegeen in dagaalameyaasha Alshabaab uu howgalkaas khasaare Lixaad lihi ka soo gaaray. Weli lama oga tirada dhimashada ka dhalatay weerarka ay ciidanka DANAB ku qaadeen deegaanka Qumbi, sidoo kale ma cadda in dhanka ciidanka uu khasaare soo gaaray iyo in kale, balse Saraakiishu waxay sheegeen inay jabiyeen xubnihii Alshabaabka ahaa ee ay dagaalka la galeen. Source: goobjoog.com
-
Dakar (Caasimada Online) – Fallaagada gooni u goosadka ee ka dagaalanta waqooyiga Mali ayaa sheegay in ay dileen tobanaan dagaalyahanno ah oo ka tirsan kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ee Wagner iyo weliba xubno ka mida ciidamada dowladda, meel u dhow xudduudda Aljeeriya. Kooxaha gooni u goosadka ah ayaa sheegay Khamiistii shalay in ay dileen 84 dagaalyahan oo ka tirsna kooxda Wagner iyo 47 askari oo ka tirsan ciidamada Mali, ka dib dagaal socday muddo saddex maalmood ah, kaas oo bilaabmay bishii July 25-keedii. Dagaalkan ayaa ka bilawday xero milateri oo ku taalla Tinzaouaten. Kooxda ayaa sheegay inay jiraan illaa 30 kale oo dhintay ama si xun loo dhaawacay, balse lagu daadgureeyey diyaarado, loona qaaday magaalada Kidal. Sidoo kale waxay intaas raaciyeen in ay jiraan meydad gubtay oo ku dhex jiray gawaarida gaashaaman iyo kuwa xamuulka qaada. Azawad waa magaca guud ee dhammaan deegaanada Tuareg Berber, gaar ahaan qaybta waqooyi ee Mali iyo waqooyiga iyo galbeedka Niger. Kooxaha gooni u goosadka ayaa u halgama inay helaan waddan madax banaan. Isbaheysiga gooni u goosadka ayaa sheegay in ay qafaasheen todobo ka tirsan ciidamada Wagner iyo kuwa dowladda Maali, waxaana ay sheegeen in dagaalka ay ku waayeen sagaal nin. AFP uma suurogelin inay xaqiijiyaan tirada la soo bandhigay, hase ahaatee Wagner ayaa qiratay inuu jiro khasaare xooggan oo soo gaadhay. The post RUUSHKA oo ciidamo badan looga dilay dalka… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhowaaqday dhismaha guddi cusub oo loo xil-saaray howlaha aqoonsi raadinta, oo Somaliland in ka badan 30 dunida ka baadi-goobeysay. Qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu shaaciyay in guddigan oo heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta. “Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda. Qoraalka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay ujeedka dhismaha guddigaan oo ah “si loo qaabeeyo loona hirgeliyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi.” Qoraalkan ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay uu magaalada Addis Ababa ku sugnaa wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd, oo la sheegay inuu ka shaqaynayo soo gaba-gabeynta is-fahanka badda ee Somaliland iyo Itoobiya. Somaliland oo muddo ka badan 30 sano ah raadinaysay aqoonsi caalami ah ayaa u muuqata inay hadda laban-laabayso dadaaladeeda aqoonsi raadinta, xilli ay Itoobiya la saxiixatay is-fahan ay sheegtay inay uga beddelanayso aqoonsi. Si kastaba, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa waxaa si adag uga hortimid dowladda federaalka Soomaaliya, oo ayadu gebi ahaanba burisay heshiiskaas, ayada oo dagaal diblumaasiyadeed culus ku qaaday Itoobiya, oo ayadu weli ku dhici la’ aqoonsiga Somaliland. The post Somaliland oo tallaabo cusub u qaaday aqoonsi raadinta xilli uu socdo qorshe culus appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska maamulka Puntland ayaa digniin culus kasoo saaray foosto laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha gobolka Mudug. Booliska ayaa dadka uga digay in aysan u dhawaan fuustadan oo xiran, iyadoo laga shakisan yahay inay ku jiraan waxyaabo sun ah. Fuustadan ayaa waxay saraakiisha ka shakiyeen in ay biyaha Soomaaliya uga tageen dadka qashinka halista ah ku daadiya baddeenna, taas oo walaaca laga qabo foostadan kor u qaadeysa. Toddobaadkan ayey foostadu ku soo caariday deegaanka Ilfoxshe oo ku dhow degmada Jariiban oo qiyaastii 900KM magaalada Muqdisho kaga beegan dhinaca waqooyi bari. “Dadka deegaanka Ilfoxshe iyo kuwa ku dhaqan xeebaha gobolka Mudug waxaa si gaar ah looga digayaa in ay ka fogaadaan konteenaro qariib ah oo laga yaabo in ay ku jirto sun iyo walxaha qarxa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay booliska Puntland. Sidoo kale waxaa lagu yiri qoraalka “Khatarta noocaan oo kale ah waxay saameyn kartaa dadka iyo deegaanka.” Biyaha Soomaaliya oo aysan jirin cid si buuxda ilaalo uga haysa, ayaa la sheega in lagu daadiyo qashinka sunta. Mana ahan markii ugu horeysay oo bulshada ku dhaqan xeebaha ay la kulmaan haamo dul sabeynaya biyaha. The post DIGNIIN laga soo saaray FUUSTO laga shakiyay oo kusoo caariday xeebaha… appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee furuqa daanyeerka oo laga helay qeybta koofur-bari ee dalka oo xad la leh Tanzania. Fayraska ayaa laga helay qof ka soo safray Uganda una socday Rwanda isagoo sii dhex marayay Kenya. Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in is dhexmarka aadka u sarreeya ee bulshada ee Kenya iyo qeybo kale oo dalalka Bariga Bulshada ka tirsan uu khatar ku yahay inuu cudurka ku faafo gobolka. Waxaa jira walaac sii kordhaya oo ku aaddan in nooca cusub ee dhimashada sababa uu ku faafo Bariga Afrika. Kiisaska ayaa sidoo kale laga soo sheegay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo, Burundi iyo Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe. Mpox, oo afka qalaad markii hore loo yaqaannay furuqa daayeerka ayaa ah xanuun uu sababo fayraska monkeypox. Waxaa lagu kala qaadaa taabashada qofka qaba xanuunka. Waxaa sidoo kale la isugu gudbin karaa neefta. Calaamadihiisana waxaa ka mid ah nabro yaryar oo jirka kasoo baxa, dildillaac afka iyo xubinta taranka ah. Caadi ahaan wuu iska reystaa qofka iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin muddo labo ilaa afra toddobaad gudahood ah. Si kastaba, kiisaska adag ayaa u baahan daaweyn gaar ah. Astaamaha ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox waxaa ka mid ah qandho, madax-xanuun, murqo xanuun, dhabar xanuun, qarqar iyo daal, sida ay sheegtay waaxda badqabka iyo arrimaha caafimaadka UK. waxaa kaloo astaamahaas ugu horreeya ee lagu arko bukaanka uu ku dhaco feyraska Monkeybox ama furuqa daanyeerka ka mid ah dhabar xanuun, qarqar iyo daal. Finan ayaa bukaanka ka soo bixi kara, intoodan badan waxay ka bilowdaan wajiga, ka dibna waxay ku faafaan qaybaha kale ee jirka. Finanka ayaa isbeddela ugu dambeyntii waxay yeeshaan qolof, kaas marka dambe soo hoobta. Qofka wuxuu ka qaadi karaa qof qabo cudurka, waxaa lagu kala qaadi karaa taabasho, neefsiga , wuxuu gudbaa indhaha, sanka ama afka. Waxaa kale cudurka laga qaadi karaa qofka marka uu qofka taabto xayawaanka uu ku dhacay feyraska sida Daanyeerka, jiirka iyo dabagalayaasha. Feyraskan wuxuu la mid yahay feyraska ka dhasha busbuska inkastoo uu xooggaa daran yahay, khubaradana waxay sheegeen in halistiisu ay tahay mid sahlan. Waxaa cudurkan inta badan lagu arkay meelo fog-fog oo ka mid ah bartamaha iyo galbeedka Afrika, oo u dhow kaymaha ku yaalla halkaas. Waxaa jira labo nooc oo fayraskan ah oo laga soo sheegay – Galbeedka Afrika iyo Afrikada Dhexe. Labo ka mid ah bukaanno cudurka qaba ee hore loogu arkay UK ayaa ka soo safray Nigeria, sidaa darteed waxay u badan tahay inay la ildaran yihiin nooca fayraska nooca Galbeedka Afrika, kaasoo ah mid fudud, inkasta oo weli la xaqiijin. Kiiskii saddexaad wuxuu ahaa shaqaale caafimaad oo la sheegay in fayraska uu ka qaaday mid ka mid ah bukaannada. Ma jirto wax dawo ah oo lagu talagalay feyraska Monkeybox laakin waa laga hortagi kari karaa in uu fido. Tallaalka ka hortagga busbuska ayaa la xaqiijiyay inuu 85% waxtar u leeyahay ka hortagga feyraska monkeypox , mararka qaarkoodna waa la adeegsan karaa tallaalkaas. Feyraska Monkeybox waa caabuq naadir ah kaas oo dadka badankiis ay ka soo kabtaan dhowr toddobaad gudahood, sida ay sheegtay waaxda qaran ee arrimaha caafimaadka UK ee NHS. Isha: BBC The post Cudur lagu arkay Kenya oo laga baqayo inuu ku faafo dalal ay Soomaaliya ku jirto appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo hadal ka jeediyay munaasabad ballaaran oo lagu qabtay magaalada Garoowe, laguna xusayay sanadkii guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay dhismihii maamul ee Puntland ayaa ka hadlay arrimo dhowr oo ku saabsan xaaladda dalka. Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland wixii ka dambeeyay qaran jabkii Soomaaliya ay noqatay astaan u taagan midnimada Soomaaliya iyo sidii dowlad heshiis lagu yahay dalka loogu dhisi lahaa, arrintaas oo uu tilmaamay in ay mira-dhal noqatat oo guul maanta lagu naaloon karo laga gaaray. Wuxuu intaa ku daray in Puntland ay kaalinteeda ka qaadan doonto sidii Soomaaliya ay u noqan lahayd dal xasilloon oo Dimuqraadi ah, islamarkaana doorashadii dhowaan 26 degmo oo Puntland ka tirsan si qof iyo cod ah uga dhacday ay tusaale u tahay sida ay Soomaaliya la rabaan. Dowlad Goboleedka Puntland oo la aas-aasay sanadkii 1997-di ayaa kamid ah maamullada ugu faca weyn dalka, waxayna ku suntantahay xasillooni iyo nabad, markii laga reebo kooxaha Alshabaab iyo daacish oo magaalooyinka qaar falal arbushaad ah ka geysta xilliyo gaar ah. Source: goobjoog.com
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Millatariga Israel ayaa shalay sheegay in duqeyn cirka ah oo ay bishi hore ku bartilmaameedsadeen batamaha Gaza ay ku dileen Maxamed Deyf oo ahaa madaxa garabka hubeysan ee ururka Xamaas. Warkan ayaa imanaya maalin kaddib markii magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran lagu khaarijiyay madaxii siyaasadda Xamaas, Ismacil Haniyah. Bayaan kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in qiimeyn dhanka sirdoonka ah ay ku ogaadeen in Maxamed Deyf uu ku dhintay duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Israel ka fuliyeen aagga magaalada Khan Younis 13-ki bishi July. Israel waxay ku eedeysay Deyf in uu ahaa maskaxdi ka danbeysay weerarki ay Xamaas ku qaadday koofurta Israel 7-dii bishi October ee sannadki hore. Weerarkaas oo ay Israel sheegtay in looga dilay ilaa 1,200 oo qof, sidoo kalana ay Xamaas ku soo afduubatay boqollaal kale oo Isra’iiliyiin ah. Xamas wali ma xaqiijin mana beenin dilka madaxii garabka millatariga, Maxamed Deyf. Duqeyntii ay Israel ku sheegtay in ay ku dishay sarkaalkaasi ayaa waxaa sidoo kale lagu dilay in ka badan 90 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jireen dumar iyo carruur. The post Madax sare oo XAMAAS oo la shaaciyay dilkiisa maalin uun kadib khaarijinti Haniya appeared first on Caasimada Online.
-
What will ultimately be built, however, remains in question. As museum representatives work with their consultants and their board on a vision, they are not entirely sure whether they will build a new museum on Franklin Avenue. Some neighbors oppose a new museum proposal because it could destroy a historic resource and gentrify the neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Galkayo (HOL) — Puntland police have issued a warning to residents after a sealed barrel, suspected to contain toxic substances, washed ashore on Ilfohshe beach near the town of Jariban, about 900 kilometres northeast of Mogadishu, on July 27, 2024. The sealed blue barrel, with a rope attached, is believed to have been left in the water by individuals illegally dumping hazardous waste. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo casho sharaf ku maamuusay Culumaa’udiinka ka qayb galay Shirweynaha Labaad ee Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay War-murtiyeedka ka soo baxay Shirweynaha culumaa’udiinka, isaga oo kula dardaarmay in ay xoojiyaan midnimada dhexdooda ah, si loo helo midnimo Soomaaliyeed oo waarta. Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Culumaa’udiinka sida midnimada leh ee ay dowladda ugu garab istaageen ilaalinta Diinta, Dhaqanka suuban iyo Nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay in ay adkeeyaan doorkooda ku aaddan jiheynta ummadda, adkaynta dowladnimada, horumarinta dalka iyo wacyi galinta bulshada. “Culumaa’udiinka Soomaaliyeed waa hoggaamiyaasha Ummadda waxaana la idinka sugayaa in aad dadka u jiheysaan dariiqa nabadda, amniga iyo dowladnimada. Nabad, midnimo iyo horumar ay dadka Soomaaliyeed gaaraan waxa ay ku xiranyihiin in la helo Culumaa’udiin Soomaaliyeed oo mid ah”. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Culumaa’udiinka ku adkeeyay xoojinta dadaalkooda ku qotoma la dagaallanka Shabaab ka hor tagga afkaaraha qaldan ee ay faafiyaan iyo isku soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed ee ku kala irdhowday colaadaha sokeeye. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa qaadeysa tallaabaddii ugu horreysay kadib heshiiskii shidaal qodista Soomaaliya, ayada oo Soomaaliya usoo direysa markabkeefa sahminta. Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay toddobaadyo gudahood Soomaaliya usoo dirto markabka Seismic Oruc Reis, si u bilaabo sahminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa shaaciyay in Turkiga markabkan uu Soomaaliya usoo diri doono horraanta October ee sanadkaa, si uu helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska ee gudaha Soomaaliya. Bayraktar ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah. Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah heshiis ballaaran oo dhex-maray Ankara iyo Muqdisho, kaasi oo qeyb ka ah difaaca badda iyo tababarada muddo labo sano ah, si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah. Heshiiskan ayaa sidoo kale wuxuu xaquuq qaas ah u siinayaa Turkiga inay hydrocarbon oo ah shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib kasoo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5-kun kilomitir oo isku wareeg ah. Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir. The post Turkiga oo qaadaya tallaabaddii u horreysay ee shidaal qodista Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka DPL Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xalay ka qeybgalay Xafladda xuska Munaasabadda 1-da August, sannad-guuradii 26-aad ee aasaaska Puntland, taasi oo ka qabsoontay Qasriga Madaxtooyada. Madaxweynaha ayaa hadal-jeedintiisa xalay ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’iideen, Soomaaliya oo dhanna wax tar u noqday. “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa dhammaan qeybaha kala duwan ee dadweynaha reer Puntland, Munaasibadda 1-da August oo ku beegan sannad-guuradii 26-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Deni. Munaasabadda ayaa sidoo kale, waxaa ka qeybgalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Qunsulka Dowladda Itoobiya, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddiga Doorashooyinka Puntland, Xisbiyada Siyaasadda, Saraakiisha Ciidamada kala duwan, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Halkaan ka daawo Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo xalay si weyn u xustay Munaasabadda 1-da August ee As-aaskii Puntland appeared first on Puntland Post.