-
Content Count
211,261 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somali authorities are warning the public not to go near a sealed barrel that has washed up on the shores of Puntland, amid suspicions that it may contain hazardous materials. Source: Hiiraan Online
-
Ka dib howlgal waqti dheer qaatay Ciidamada Booliiska Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane ku eedeysan dilka Guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid oo dhawaan lagu dilay magaalada Boosaaso. Booliska ayaa horay u baahiyay sawirka eedeysanaha waxaana ay shacabka ugu baaqeen in laga caawiyo soo qabashadiisa. Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka. “Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uusan ka warqabin, kuna lug lahayn dilka hoggaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismail Haniyah oo arbacadii lagu khaarajiyay duqeyn lagula beegsaday guri oo ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan. “Tani waa wax aynaan ka warqabin ama ku lug lahayn,” ayuu yiri Blinken oo ah dublamaasiga ugu sarreeya siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka, asagoo intaa ku daray in aanu doonayn inuu qayaaso cidda falkaas ka dambeysa oo la rumaysanyahay inay Israa’iil tahay. Dilka Ismaaciil Haniyeh ayaa abuuray caro baahsan iyo cambaarayn caalami ah, ayadoo ay dowladaha Turkiga iyo Iiraan ku dhawaaqeen inay falkaas tillaabo militari oo laga shallaayo kaga jawaabi doonaan. Hoggaamiyahan rugcaddaaga ah oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin ayay ku dhowaad 30 xubnood oo qoyskiisa kamida Israa’iil horay u dishay, waxaana loo madlanyahay in jimcaha aas ballaaran loogu sameeyo magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Source: goobjoog.com
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo dhowaan magaalada Boosaaso ku dilay Allaha u naxariistee guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Aw-Muuse. Warsaxaafadeed kasoo booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in soo qabashada eedeysanaha ay ka qayb qaateen odayaasha deegaanka, isla markaana cadaaladda la horgeyn doono. Sidoo kale booliska ayaa farriin u diray shacabka, wuxuuna ugu baaqay inay soo sheegaan wax kasta oo lid ku ah nabad-gelyada. Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka: 01-August-2024 Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse. Eedaysanaha ayaa gacanta lagu soodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa. Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka. Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7. The post Ninkii dilay guddoomiye ku xigeenkii Jaamacadda Bariga Afrika oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka ka imaanaya marinka Qasa ayaa sheegaya in wariye iyo sawir qaade ka tirsan TV-ga Al Jazeera ay ku geeriyoodeen duqeymaha aan kala joogsi lahayn ee ay militariga maamulka Israa’iil halkaas ka wadaan. Ismail Al-Ghoul iyo sawir qaade Rami Al-Rifi ayaa la sheegay inay ku naf waayeen duqeyn saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday goob ay war ka soo tebinayeen oo kamida xerada qaxootiga al-Shati ee galbeedka Qasa, sida uu xaqiijiyay TV-ga ay ka howgalayeen ee Aljeeriya ee Qatar laga leeyahay. Wariyaashan ayaa si maalinle ah u soo tebin jirey gumaadka ay Israa’iil ka waddo Marinka Qasa, waxayna kamid noqdeen boqolaal weriyaal ah oo ku dhintay duqeymaha arxan darrada ah ee Israa’iil ay bishii 10-aad ku hayso dadka reer Falastiin. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha Beesha eedaysanaha ayaa saaka gacanta ku dhigay Maxamed Abshir Muuse (Bootaan) oo ku eedaysan dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid oo ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda bariga Afrika. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay saaka 6:00am subaxnimo gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Abshir Muuse islamarkaana lagu qabtay Degaanka Durduri. “Ciidanka Amniga Puntland oo kaashanaya odayaasha beesha eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse”. “Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri. Eedaysanaha ayaa lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland. PUNTLAND POST The post Ciidamada Amniga Puntland oo gacanta ku dhigay eedaysane loo haysto dil ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Tehran (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadi shalay wacad ku maray, ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Isra’il, kaddib shirqoolki habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran. Inkasta oo aysan Isra’il si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Isra’il. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadi lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran. Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il. Dhanka kale, ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Isra’il ku sheegay, in Israa’iil ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah. Natanyahu ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado. Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Isra’il iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah. Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo, halka Mareykanka uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xiisadda sii hureysa ee gobolka Bariga Dhexe The post Iran oo wacad ku martay in ay u aar-gudi doonto Haniya appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay dilkii maamulka Israa’iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya. Dilka Marxuum Ismaaciil Haniya ayaa ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan waxaana dowladda Soomaaliya ku tilmaantay falkaasi mid ka baxsan sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dilkaasi dhalin karo isku dhacyo hubaysan oo ka bilowday gobolka Bariga dhexe. “Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. “Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay”. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo si adag u cambaareysay dilkii marxuum Ismaaciil Haniya appeared first on Puntland Post.
-
Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa xaqiijiyay, in Fuad Shukr oo ahaa abaanduulihi ugu sarreeyay garabkooda millatariga lagu dilay, duqeyn ay Isra’il ku bartilmaameedsatay Talaadadi guri ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Beyruut. Gantaallada lagu khaarijiyay sarkaalkan ayaa lala eegtay dhisme uu ku jiray oo ku yaalla nawaaxiga koofureed ee Beyruut halkaas oo ay ku xoogganyihiin Xisbullah. Wuxuu ahaa weerarki labaad oo aaggaasi ay Isra’il ka fuliso tan iyo bishii October. Xisbullah waxay sheegtay in xoghayaha guud ee ururka Hassan Nasrallah uu Khamiista maanta ka hadli doono aaska Shukr. Shukri ayaa ahaa abaanduulihi ugu sarreeyay Xisbullah, wuxuu sidoo kale ahaa lataliyaha Nasrallah. Millatariga Isra’il ayaa Talaadadi sheegay in ay duqeyn ku dileen Shukr, kaas oo ay ku sheegeen in uu bixiyay amarka lagu fuliyay weerar ay Isra’il sheegtay in ay Xisbullah ku dishay in ka badan 10 dhalinyaro Isra’iliyiin ah oo kubad ku ciyaaray degmo ku taalla buuralleyda Golan ee ay Isra’il heysato. PUNTLAND POST The post Ururka Xisbullah oo xaqiijiyay dilka abbaanduulihii guud ee Ciidankooda appeared first on Puntland Post.
-
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa Arbacadi shalay wacad ku maray, ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Isra’il, kaddib shirqoolki habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda Iran. Inkasta oo aysan Isra’il si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Isra’il. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadi lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran. Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Isra’il, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il. Dhanka kale, ra’isulwasaaraha Isra’il Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Isra’il ku sheegay, in Israa’iil ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah. Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Isra’il iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah. PUNTLAND POST The post Iran oo wacad ku martay in ay Israa’iil ku ciqaabi doonto dilkii Ismacil Haniyah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)- Xildhibaan Cabdirisaaq Macalin Ciid ayaa ka hadlay xilka wasaaradda Qoyska ee loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe, isagoo ku taliyey in lagu bedelo wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur. Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in wasiirka gaashaandhigga la geeyo wasaaradda Qoyska oo hadda loo magacaabay Jeneraal Bashiir Goobe. Sidoo kale Xildhibaan Ciid ayaa ku taliyey wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur loo soo wareejiyo wasaaradda Qoyska, isagoo ku tilmaamay nin aan qibrad u laheyn arrimaha ciidanka ee loo xilsaaray inuu ka shaqeeyo. “Adduunka dhan ayaa nala yaaban, ciidankii waxaa loo dhiibay nin aan qibrad u laheyn, halka Jeneraalkii ugu sareeyey ciidamada loo dhiibay wasaaradda haweenka, madaxweynaha hadii ay taladeydu gaarto waxaan leeyahay isku bedel labadaas nin,” ayuu yiri. Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdirisaaq Ciid ayaa si adag uga hadlay dhulka ay dowladdu ka kicineyso qoysaskii deganaa, isagoo ku goodiyey in dhulkii dad masaakiin ah laga kiciyo aysan dowladdu ku nacfi doonin. “Arrinta dhulka waan ka hadalnay, mooshin waa ka keenay, waxaana ka soo saari doonaa sharciyad adag, ninkii iibsada dhul danguud ah, ha ogaado xukuumadaan waa bixi doontaa tan dambe oo imaa doontana waa ka soo celineysaa,” ayuu yiri Xildhibaan Ciid. Sidoo kale xildhibaanka ayaa ka hadlay arrinta dastuurka oo madaxweynuhu uu wato qorshaheeda isagoo sheegay in caqabado deg deg ah ay ka dhasheen, sida in mid kamid ah beelaha uu kula heshiiyey in kursi ra’iisul wasaare ku xigeen labaad uu siinayo, balse beel kale ay ku qabsatay, halka beel kalena ay dalbatay ra’iisul wasaare ku xigeen 3-aad. “Waxa laga shaqeynayo dowladnimo maaha, maalinkii hubka Caabudwaaq lagu boobay ayaa aragiisa u dambeysay madaxweynaha, waxaa laga rabaa Xasan Sheekh in godka uu galay uu ka soo baxo oo dowladnimadaan qarka ka sii dhaceysa uu badbaadiyo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xildhibaan Ciid. Hoos ka daawo The post Daawo: Xildhibaan dalab culus ka soo saaray xilalka Bashiir Goobe iyo Wasiir Jaamac appeared first on Caasimada Online.
-
Hogaamiyaha ciidamada Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa sheegay in militarigu aysan ku biiri doonin wada-hadalka ka dhacaya Switzerland bisha soo socota ee looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka in ka badan hal sano socda oo ay kula jireen ciidamada gargaarka degdega ah (RSF). Al-Burhaan ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, wax yar ka dib markii uu ka badbaaday weerar ay Diyaaradaha Drones ah loo adeegsaday lala beegsaday Qalin-jabin ciidan oo ka dhacaysay Saldhigga Ciiddanka Gibeit ee ku yaalla Bariga Sudan, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof. Dagaalka Suudaan oo sanadkii labaad socda ayaa sababay Khasaare dhimasho oo gaaraysa ugu yaraan 15, 500 oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakeceen, waxayna beesha caalamku isku dayaysaa inay dhinacyada wada-hadal bisha soo socata furmi doono isugu keento, kaas oo ay labada geesba horay u oggolaadeen, balse isku daygii dil ee Al-Burhaani ayaa xaaladda ugu sii daray. Source: goobjoog.com
-
Faadumo Muumin Cadar (Abaayo) oo kamid ahayd halbowlayaasha xisbiga Kulmiye ee degmada Boon ayaa gabi ahaanba ka baxday xisbigaas waxayna si rasmiya ugu biirtay xisbiga Waddani. Faadumo waxaa qaabilay oo soo dhaweeyay musharaxa Madaxwayne ee xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Criro) Waxa mudooyinkii danbe xisbiga Waddani aad ugu soo biiraayay madax xubno mihiim ah iyo taageerayaal ciidaasi ka badan oo ka soo baxaaya xisbiga Kulmiye ee xukuumadda dadkaasi ka soo baxaaya xisbiga Kulm3waxa ay ka soo kala jeedaan dhamaan gobolada iyovdegmooyinka dalka. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) — Political violence in Somalia has surged from June 1 to July 26, 2024, with 395 incidents resulting in 1,082 fatalities, according to the Armed Conflict Location & Event Data Project (ACLED). This marks a 13% rise in violent events and a 31% increase in fatalities compared to the same period last year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen hadii weerar dambe uu uga yimaado kooxda Al-Shabaab. Taliyaha oo ka qeyb galay xaflad ay ku qalinjebinayeen ciidan ka tirsan Asluubta ayaa sheegay in askar badan uu u diyaariyey weerarada ka imaa kara Al-Shabaab. “Haddii nala-galo gurmad ma rabno Ciidankii Xabsigaan difaaci lahaa ayaan iridda ku dhisnay, taas la socda, hadii Shabaab noo yimaadaan waan isaga aadnaa,” ayuu yiri Taliye Shub. Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidan kale aysan gurmad uga baahan doonin, balse wuxuu muujiyey in weerarro kale ay Shabaab uga imaa karaan. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidan gaar ah uu u dhisay ciidan irida hore ee ilaga ilaaliyo amaanka Xabsiga Dhexe ee Xamar. Kooxda Al-Shabaab ayaa bartamihii bishii hore weerar ka fulisay gudaha xabsiga, kadib markii ay adeegsadeen koox maxaabiis ah. Maxabiista weerarkaas fulisay waxay aheeyeen 5 nin oo dil ku xukuman, kuwaas oo horay loogu xukumay dil toogasho ah. Ciidanka ilaaliya xabsiga dhexe ayaa ku guuleystay inay toogtaan shantii nin ee weerarkaas fulisay, iyaguna waxay dileen 3 askari, halka 21 qof oo askar iyo maxaabiis isugu jiray ay ku dhaawacmeen weerarkaas. Hoos ka daawo The post Daawo: Taliye Shub “Shabaab dambe oo soo weerara Xabsiga Dhexe waa u diyaar-garownay” appeared first on Caasimada Online.
-
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay falkii Arbacadii shalay ay Israa’iil ku dishay madaxii xafiiska siyaasadda ee ururka Xamaas Ismaaciil Haniya. Alle ha u naxariistee dilkaasi ayaa ka dhacay caasimadda Iran ee Tehran, taasoo xadgudub ku ah. sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in ay ka cabsi qabto in ay sii kordhaan rabshadaha taas oo horseedi karta xad gudubyo hor leh oo ka dhan ah dadka rayidka ah. “Go’doominta waxay horseedi doontaa iskahorimaad hubaysan oo baahsan oo ka dhaca Bariga Dhexe. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa baahida loo qabo in beesha caalamku ay xajiso mas’uuliyadeeda oo ay qaado tallaabo degdeg ah oo lagu joojinayo gardarrada Israa’iil ee Gaza iyo ku xadgudubka sharciga caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u dirtay dowladda walaalaha nahay ee Falastiin iyo shacabkeeda iyo qoyska Dr. Haniya iyo saaxiibkiis, Allaha u naxariistee. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadanaya dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyay ciidamada Danab sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada, si ay u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawinaya howlgalladooda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada guud ahaan gobollada Jubbaland. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo gaaro Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Masuuliyiinta maamulka Puntland oo uu ugu horreeyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Beeraha Puntland, Guddoomiye Ku xigeenka Gobolka Mudug, Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug iyo Guddoomiyaha Degmada Tawfiiq ee Gobolka Mudug ayaa deeganka Buq-qallooc kulan qado sharaf kula yeelashay maamulka gobolka Mudug ee Galmudug oo ugu horreeyo Guddomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, Guddoomiyaha Degmada Afbarwaaqo ee Gobolka Mudug iyo Taliye Kuxigeenka Ciidamada iskudhafka gobolka Mudug. Kulankaan oo ahaa kii saddexaad ee masuuliyiintu isugu yimaadaan ayaa daarnaa xal-u-helida colaadda beelaha Bariga Gobolka Mudug iyada oo masuliyiinta maamulku ay ka kawada hadleen sidii loo damin lahaa loona kala dhexgali lahaa beelaha dirirey. Source: goobjoog.com
-
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta xasaannada siiyay saddex xubnood oo kamid noqday guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC. Fadhigii maanta oo ay soo xaadireen 38 mudane ayay dhammaantood xasaannada siiyeen xubnahaasi PEC oo kala ah; Cabdinuur Shiikh Maxamed Isxaaq, Cabdirisaaq Muuse Maxamuud iyo Maxamed Cismaan Colaad. Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Qaraaje, oo ay weheliyeen labadiisa ku xigeen ayaa sheegay in dhammaan 38 mudane oo fadhiga xaadirtay ay ansixiyeen saddexda xubnood ee PEC, islamarkaana aysan jirin cid diidday ama ka aamustay. Guddoomiye Cabdirisaaq Qaraaje ayaa sidoo kale sheegay in saddexda xubnood ee kamid noqday guddiga doorashooyinka PEC ay kala magacaabeen Baarlamanka iyo labada xisbi siyaasadeed ee Horseed iyo Mideeye. Cabdinuur Shiikh Maxamed Isaaq, waxa magacaabay Baarlamanka Puntland, iyadoo Cabdirisaaq Muuse Maxamuud uu magacaabay xisbiga Mideeye, halka Maxamed Cismaan Colaad uu magacaabay xisbiga Horseed. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta Xasaannada siiyay saddex xubnood oo ka tirsan guddiga doorashooyinka PEC appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa kormeer shaqo iyo dhagax-dhig ka sameeyay degmada Jalalaqsi. Kormeerkan iyo dhagax dhigan ayaa waxaa Cali Guudlaawe ku wehlinayayadaxweyne ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, qaar ka mid ah golaha wasiirrada, xubno baarlamaanka, guddoomiyaha gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo guddoomiyaha degmada. Mashaariicdan oo ah kuwii ugu badnaa ee uu dhagax dhigo madaxweyne Cali Guudlaawe, ayaa waxay kala yihiin; 1. Xarunta maamulka degmada 2. Saldhig booliis 3. Suuqyada ganacsiga iyo xoolaha 4. Maxkamadda degmada 4. Dugsi hoose, dhexe (Tardo) 5. Nalalka cadceeda 6. Iskoolka xanaannada carruurta 7. Dayactirka buundada 8. Daah-furka mashruuca taakulaynta bulshada nugul – Social Protection 5,000 oo qofood muddo 2-sanno ah (SCSS2). Sidoo kale Guudlaawe ayaa kormeeray Isbitaalka Guud ee degmada Jalalaqsi, Garoonka Diyaaraddaha, iyo Buundada waxana uu socod ku maray labada qeyb ee degmada Jalalaqsi. “Dhammaan mashaariicdaas si dhaqso ah ayay halkan uga fulayaan. Waxaan soo arkay sida uu u shaqeeyo Isbitaalka waana loo dhammeystirayaa agabka ka maqan.” Degmada Jalalaqsi ayaa ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda dheer Gobalka Hiiraan waxana ay degmonimo qaadatay sannadkii 1970-kii. The post Sawirro: Guudlaawe oo maanta dhagax dhigay mashaariicdii ugu badneyd appeared first on Caasimada Online.