Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,261
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wadda gurmad ballaaran oo loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo dad badan lagu dilay. Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xarunta gurmadka Qaran ku shir guddoomiyay kulan kooban oo looga hadlay sidii loo laba jibaari lahaa u gurmashada dadka Shacabka ahaa ee xalay cadowgu ku beegsadey xeebta Liido Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ka ahaa wasiirka caafimaadka, guddoomiyaha hay’adda SoDMA, wasiiro iyo xubno kamid ah gudiga arrimaha bulshada Baarlamaanka. Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in gurmadku u socdo sidii loogu tala galay wixii soo kordhana la wadaagi doonaan Bulshada Soomaaliyeed. ”Isbitaalada waa in si lacag la’aan ah ay ku daaweeyaan dadka ku dhaawacmey weerarkii Xalay, intii laga maarmi waayo dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bixineysa” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka. Dhinaca kale waxaa xaalad adag ay ka jirtaa isbitaallada la dhigay dhaawacyada sida Isbitaalka Digfeer, iyada oo maamulka uu farriin deg-deg ah u diray shacabka Soomaaliyeed, isaga oo sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido. Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-, A+ iyo B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada. “İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-, A+ iyo B+” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”. The post Maxaa loo qabtay shacabkii ay xalay dhibaatada soo gaartay? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  2. 10000000_1984307502015967_3543790598251717821_n Qaran News
  3. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido in uu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda. Mudane Xamse ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamse oo ku tilmaamay weerarkii xeebta Liido mid lagu dabar-goynayo shacabka Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh oo tallaabo deg deg ah qaaday kadib weerarkii xalay lagu dhammaaday ee ka dhacay xeebta Liido ayaa kulan deg-deg ah isugu yeeray dhammaan sarakaasha amniga dalka. Kulankan oo uu goobjoog ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa ka qayb-galay dhammaan saraakiisha amniga oo uu ugu horreeyo wasiirka amniga gudaha, taliyaha NISA, taliyaha booliska iyo saraakiisha qaabilsan amniga Muqdisho. Intiisa badan waxaa shirkan deg-degga ah diiradda lagu saaray xaaladdii adkeyd ee xalay dhacday iyo sida looga jawaabi karo, iyada oo madaxweynuhu u tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, maadaama lagu laayay xeebta liido ee magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed laga soo saaray shirka ayaa u qornaa sidatan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Khawaarijta, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay. “Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Khawaarijta iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”. Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed. The post Madaxweyne XASAN oo tallaabo deg-deg ah qaaday kadib weerarkii Liido + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  5. Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa goor dhow gaaray Magaalada Addis Ababa, Wafdiga Wasiirka waxaa soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo la filayo iney kulan la qaataan gaar ah. Socdaalka ayaa lagu tilmaamay inuu qayb ka yahay sii socodsiinta Wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo maamulka Abiy Axmed. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horay kulan ugu dhexmaray dalka Turkiga. kulankaasi ayaa looga hadlay xadgudubkii Itoobiya ku sameysay Madaxbaanida Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona maamulka Abiy Axmed inta uu joogo Addis Ababa. Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda xumaaday markii Itoobiya heshiis beenaad la gashay Somaliland. Source: goobjoog.com
  6. Isbitaallada Muqdisho waxaa maanta ka jira cariiri xad-dhaaf ah, ka dib markii la gaarsiiyay dhaawacda dadkii ku dhaawacmay qaraxii lagu hoobtay ee ka dhacay xeebta Liido, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 33 qof, halka dhaawacyaduna ay 64 kale kor u dhaafeen. Ehelada dhaawacyada iyo dad baadiyoobaya maqaneyaal aan illaa hadda nolol iyo geeri midna lagu hayn ayaa isbitaallada ku xoomay foogtii hore ee saaka, waxaana jira walaac laga qabo in tirada khasaaraha gaar ahaan dhimashadu ay kordhi karto, balse maamullada goobaha caafimaadka qaarkood oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay si wanaagsan ula tacaalayaan bukaannada ay gacanta ku hayaan. Qayladhaanta Isbitaallada ka soo yeeraysa ayaa ah in loo baahanyahay gurmad dhiig shubid ah, ayadoo tiro dhaawacda kamida la sheegay inay dhiig la’aan u geeriyoodeen intii ambulance-ka lagu siday, halka kuwo kalena ay qalliin ku jiraan, islamarkaana dhiig degdeg ah u baahanyihiin, waxaana bulshada laga codsanayaa inay dhiigooda ugu deeqaan bukaanada. Dhanka kale waxaa xabaalaha daafaha magaalada ku yaalla lagu aasayaa daraasiin dad ah oo 40 qof ku dhow, kuwaas oo lagu laayay qaraxa xilli ay jawi nasiino ah ku qaadanayeen xeebta liido ee degmada Cabdicasiis, waana dhimashadii ugu badnayd ee sanadahan dambe caasimadda ka dhacda. Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo khasaare xoogleh gaystay uu ka dhacay deegaanka Gololeey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi. Qaraxa ayaa haleeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka yimid magaalada Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof, waxaana ka badbaaday hal qof kale, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu. Sidoo kale waxaa gubtay oo gebi ahaan basbeelay gaariga la qarxiyay, taas oo keentay in maydadka qaar la kala garan waayay maadaama ay gubteen. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi lagu xasuuqay shacabka la socday gaariga la qarxiyay. Waddadda xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo la geliyay waddada, ayna ku dhinteen dad ku safrayay halkaasi, waxaana badanaa weeraradaas ka dambeysa kooxda Al-Shabaab. Qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay weerar lagu dhammaaday uu ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu xasuuqay shacab ku sugnaa xeebta, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay beegsadeen halkaasi oo ay ku yaallaan hoteello iyo goobo muhiim ah. The post Qarax kale oo lagu hoobtay oo SHACAB lala eegtay appeared first on Caasimada Online.
  8. NAIROBI, Kenya (HOL) — A Somali passenger has accused Ethiopian Airlines of mishandling her flight due to overbooking, leaving her stranded for 24 hours at Addis Ababa airport. The incident has sparked outrage within the Somali community and led to calls for a boycott of the airline. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul wasaaraha waddanka Ethiopia, Abiy Ahmed ayaa saaka oo Sabti ah xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka Arrimaha dibadda dalka Turkiga Hakan Fidan oo booqasho rasmi ah tegey Ethiopia. Qoraal kooban oo uu soo saaray Ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayuu ku sheegay in uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka Arrimaha dibadda dowladda Turkiga Hakan Fidan oo booqasho ku yimid dalka Ethiopia. “Saaka waxaan qaabiley Hakan Fidan, wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyaddaTurkiga. Waxaan ka wada hadli doonnaa xoojinta xiriirka labada dal” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha dowladda Ethiopia, Abiy Ahmed. Dhinaca kale, Turkiga ayaa dhex dhexaadinaya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wejiga labaad ee wada hadalada labada dhinac. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo saaka xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga appeared first on Puntland Post.
  10. Booliiska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray qaraxii xalay ka dhacay dagmada Cabdicasiis gaar ahaan xeebta Liido. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qof naftii halige ah uu isku qarxiyay barxadda xeebta halkaas oo ay dad badan ku caweynayeen, ‘’Shaqsi ka tirsan Khawaarijta ayaa si toos ah u weeraray dhalinyaro intooda ku dalxiisaysay xeebta liido’’ ayuu yiri afhayeenka booliiska. Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay tirade dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii xalay ee xeebta liido, isagoona tirade dhimashada ku sheegay 32 qof halka dhaawacana u uku sheegay 63 qof. Afhayeenka booliiska ayaa sidoo kale soo hadal qaaday in ay qabteen gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay kaas oo yaalay meel aan sidaa uga fogeyn xeebta, waxa uuna sheegay in ay qabteen ninkii gaarigaa waday oo dhaawac ah. Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido oo ku taalla degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ayaa waxaa xaalad gashay magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo laga dareemayo saameynta weerarkii xalay. Isbitaallada Muqdisho oo la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa ayaa ah halka ugu daran oo laga soo sheegayo xaaladaha adag, waxaana tiro beel noqday dhaawacyada. Maamulka Isbitaalka Digfeer oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa farriin deg-deg ah u dira shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in isbitaalka ay ka jirto dhiig la’aan, maadaama la geeyay dadkii ugu badnaa ee xalay kusoo dhaawacmay weerarkii Liido. Dhiiggaga la la’yahay ayaa waxaa kamid ah 0- , A-, B-, A+ iyo B+ oo uu maamulku dalbaday in si deg-deg ah looga caawiyo, si loo badbaadiyo dhaawacyada. “İsbitaalka Recep Teyyip Erdoğan wuxuu ku wargelinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in loo baahanyahay noocyada dhiigagan: 0- , A-, B-, A+ iyo B+” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Waxaa si naxariis leh la idinkaga codsanayaa in qofkii dhiigiisu yahay noocyada aan soo sheegnay uu si deg deg ah u yimaado Isbitaalka. Fadlan soo gaar isbitaalka oo dhiigaaga ugu deeq walaalka, walaasha Soomaaliyeed ee ubaahan”. Dhinaca kale isbitaalka Kalkaal ayaa isna war soo saaray, wuxuuna maamulku sheegay in si bilaash ah uu ugu adeegayo dhaawacyada u baahan gurmadka deg-degga ah. “Qeybteena Gargaarka Deg-dega ah (Emergency department) Ayaan si bilaash ah ugu adeegeynaa dhaawacyada nasoo gaaray” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray maamulka. Isbitaalkan waxaa sidoo kale la dhigay ku dhowaad 70 ruux oo isugu jira dad qaba dhaawacyo culus iyo kuwo fudud, sida ay sheegeen howlwadeennada isbitaalka. Weerarkii xalay ka dhacay Liido ee lagu dhameeyay shacabka ayaa dhacay xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta, maadaama ay ahayd Jimco oo ah maalin nasasho. The post Xaaladdii ugu xumayd oo ka taagan Isbitaallada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  12. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha X.J.F.S, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta argagixisada, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay. “Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada argagixisada iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go’an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa argagixisada. “Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”. Madaxweynaha ayaa xusay in argagixisada doonayso in weerarada noocaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed. DHAMMAAD The post Madaxweynaha Soomaaliya oo shir-gudoomiyay Kulan deg deg ah oo ku saabsan Weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Muuqaal argagax leh oo muujinaya tobannaan ruux oo daadsan xeebta Liido ee Muqdisho ayaa ku baahay baraha bulshada. Waxa uu muujinayaa dad dhallinyaro u badan oo aan la ogayn dhaawac iyo dhimasho midka ay yihiin markaas, balse dhulka wada jiifa. Muuqaal kale oo la duubay daqiiqada ka hor xilliga qaraxu dhacay ayaa isna muujinaya tobanaan dhalliyaro ah; haween iyo ragba isugu jira oo damaashaadaya xeebta Liido. Qaar ayaa majo baxsanaya, kuwa ayaa dhulka fadhiya, kuwa kalana waxay ku caweynayeen kafeeyada ku yaalla dhinacyada xeebta. Balse muddo yar ka dib, wax walba waxay isku badalayaan isku dhexyaac iyo kala orod – markii halmar uu iftiin holcaya indhaha ka qabto dadkii xeebta ku sugnaa kadibna ay maqlaan dhawaq xooggan oo aysan dhagahoodu jeclaysan. Muuqaal kale oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya sida da’yar ku laafyoonayay xeebta ay naxdin iyo qarracan ugala carareen naftooda goobtii ay damaashaadka u soo doonteen. Shalay waxay u ahayd reer Muqdisho maalin ay ka nastaan shaqada iyo daalkii todobaadka, waxaana caada ah in maalinka Jimcaha ay dadku u caways iyo tamashle doontaan meelo ay ka mid tahay xeebtu. Xigashada Sawirka,Social Media Nin sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya ahaa nafti hallige ka tirsan ururka al Shabaab ayaa isku qarxiyay dadka. Kadibna waxaa goobta soo galay koox kale oo hubaysan oo toogasho ka bilaabay xeebta. Ururka al Shabaab ayaa war ay ka sii dayeen idaacad afkooda ku hadasha waxay ku sheegteen masuuliyadda weerarka. Ilaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah ee dadkii ku dhintay qaraxa, balse warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa sheegay in ilaa 10 qof ay ku dhinteen, soddomeeyo kalana dhaawacmeen. Muuqaalada isku dhexyaaca, walwalka iyo kala orodka dadka muujinaya ayaa aad u harqiyay baraha bulshada habeenkii xalay ahaa. Xigashada Sawirka,SNTV Mid ka mid ah dadkii ka soo badbaaday goobta oo ahayd gabar da’yar ayaa waxay sheegtay in dhamaan koox gabdho ah oo saaxiibadeed ahaa oo ay xalay wada joogeen xeebta ay wada dhinteen. Iyada oo sharraxaysay wixii ay ku aragtay goobta iyo sida wax walba isku badaleen ayaa waxay tiri “Annaga oo socona ayaa meesha qaraxu ka dhacay. Dadka ayaa horteyda daadanaya!”. Waxay sheegtay in waligeed argagax kan ay xalay aragtay la mid ah aysan la kulmin. Sida uu wakaaladda wararkaee Anadolu u sheegay sarkaal ka tirsan booliska Soomaaliya, markii qaraxa la maqlayba ciidamada ammaanku waxay u kala ordeen dhinaca xeebta, gaara ahaan aagga ay wax ka dhaceen. Waxaa halkaas dagaal ku dhex maray ciidanka ammaanka iyo koox hubaysneed oo toogasho ka bilowday gudaha hotel ku yaalla xeebta. Ciidanka ayaa xiray wadada ugu way nee gasha xeeba. Kadib rasaas ka socotay goobta muddo ku dhaw laba saacadood, ciidamada ammaanku waxay sheegeen in ay soo af jareen kooxdii soo weerarta aagga, oo ay tiradooda ku sheegeen ilaa lix xubnood oo Shabaab ahaa. Booliska Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA, in ay dileen shan ka mid ah ragga oo dagaalmayay, halka ay mid kalana uu is qarxiyay bilowgii weerarkooda. “Hawlgal dagdag ah oo ay sameeyeen ciidamada amaanka ayaa waxa lagu toogtay shan ka mid ah argagixisada al Shabaab oo fiidnimadii Jimcaha weerar dhimahso sababay ku soo qaaday xeebta Muqdisho”, ayaa lagu yiri warka ciidamada ammaanka ka soo baxay. Inta badan isbitaallada Muqdisho ayaa waxaa la dhigay dhaawacyada dhibanayaashii goobta wax ku noqday. Baafinta nuucyada kala duwan ee dhiigga ayaana is qabsatay baraha bulshada. Saaka xaalku waa uu dagan yahay magaalada Muqdisho, dadkuna sidii caadada ahayd waxa ay u ka laheen shaqooyinkoodii. Balse qalbiyada qoysas badan oo reer Muqdisho ayaan dhab ahaantii daganayan. bbcsomali Qaran News
  14. Wararka ka imaanaya deegaanka Gobalka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in qaraxa khasaare baaxad leh geystay uu ka dhacay wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo balcad, waxaana la soo warinayaa waxyeello nafeed oo aan illaa hadda tiradeeda la ogeyn. Dadka qaraxa ku waxyeelloobay ayaa ahaa rakaab ku safrayay gaari halkaa marayay, mana cadda in qaruxu uu ahaa mid miino oo wadada lagu aasay iyo baabuurkaas si gaara loola beegsaday, waxaana is isoo taraysa xogta ku saabsan qaraxan naxdinta leh. Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya burbur lixaad leh oo soo gaaray gaariga qaruxu haleelay, waxayna dhacdadani ku soo beegsamaysaa saacado yar ka dib markii qarax 33 qof ay ku geeriyoodeen, 64 kalena ay ku dhaawacmeeni uu ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolkan Banaadir. Source: goobjoog.com
  15. Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saaray khasaaraha weerarkii ku bilowday qaraxa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkii xalay ay ku dhinteen in ka badan 32 qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 63 kale oo rayid ah, kuwaasi oo ay ku jiraan dhaawacyo culus. “Guud ahaan waxa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradoodu dhaafayso 32 qof waxaana ku dhaawacmay dad rayid ah oo dhaawac fudud iyo dhaawac culusba isugu jira oo gaaraya ilaa 63 qof” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan. Af-hayeenka Booliska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in Laamaha Amniga ay ku guulaysteen in ay soo afjaraan weerarka, islamarkaana hotelka Beach View dhexdiisa ku dileen dabley ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab oo gudaha ka dagaallamayay, halka ciidankana ay kaga dhaawacmeen laba askari oo markii danbe mid u geeriyooday dhaawacii. Dhinaca kale, Af-hayeenka ayaa intaasi ku daray in Laamaha Amnigu fashiliyeen gaari qaraxyo ka buuxaan oo kooxaha Argagixisada ah doonayeen in ay ku qarxiyaan shacabka, balse laga hortagay laguna qabtay xubin ka tirsan Al-shabaab oo dhaawac ah. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Booliska Soomaaliya oo ka warbixiyay khasaaraha Weerarkii Xeebta Liido appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in weerarkan lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, wuxuuna xaqiijiyay in lagu dilay 32 qof, laguna dhaawacay 63 kale. “Guud ahaan waxaa goobtaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo tiradooda kor u dhaafeyso 32 qofood, waxaana ku dhaawacmay dad kale oo isugu jiro dhaawac culus iyo mid fudud oo gaaraayo 63 ruux” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya. Cabdifataax Aadan Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ciidamada ammaanka uu ka dhintay hal askari, mid kalena uu ka dhaawacmay intii uu socday howlgalka, waxaana sidoo kale uu xusay in la toogtay 3 nin gudaha u gashay hoteelka Beach View. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la fashiliyay gaari siday waxlaha qarxa, isla markaana ciidamada ammaanka ay qabteen isaga oo dhaawac ah ninkii waday baabuurka. Afhayeenka ayaa intaasi kusii daray in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-Shabaab u beegsaneyso shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto. “Arrintan waxay farriin cad u tahay bulshada Soomaaliyeed oo aan leeyahay wax innoo haray ma jiro Khawaarij taargadkooda ma’ahan shaqsi dowlad u shaqeeya ee maanta waxa ay u socdaan inay isir sifeeyaan macaga Ummadda Soomaaliyeed” ayuu raaciyay. Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere. The post Daawo: BOOLISKA oo war culus kasoo saaray weerarkii LIIDO appeared first on Caasimada Online.
  17. Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay qarixii xeebta Liido ayaa sheegtay in qaraxaas ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 33 qof oo isugu jira shacab iyo askar, halka 4 xubnood oo kooxdii weerarka fulisay ay goobta ku naf waayeen, midkii 5-aadna nolosha lagu qabtay oo asagoo baabuur qarax ah wada. Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed gaashaanle Cabdifitaax Aadan oo shir saxaafadeed qabtay ayaa sheegay in 32 qof oo shacab ah iyo hal askari ay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan 64 kale ay ku dhaawacmeen dhacdadan xanuunka badan kamida kuwii ugu khasaaraha badnaa ee sanadan ka dhaca caasimadda. Tobanaan dada oo dhaawacyo kala duwan qaba ayaa hadda lagu daweynayaa isbitaallada gobolkan Banaadir, waxaana laga cabsi qabaa in khasaaraha dhimashadu ay sii kororto maadaama ay dhaawacyada qaar halis yihiin oo ay xaaladoodu culustahay. Source: goobjoog.com
  18. Waxaa sii kordhaca khasaraha ka dhashay weerarkii xooganaa ee xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo buux dhaafiyay cisbitaalla ku yaalla caasimada. Weerarka oo qaraxyo ku billowday ayaa waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaadhay shacab badan oo halkaasi ku sugnaa, maadaama ay Jimco ahayd, xeebtana ay u damaashaad tageen. Afhayeenka Booliiska Soomaaliya G/le Cabdifitaax Aadan ayaa yidhi “Qaraxa Liido ka dhacay waxaa ugu yaraan ku geeriyootay 32 qof waxaana ku dhaawacmay Dad gaaraya ilaa 63 ruux oo Shacab ah.” Dadka dhintay waxaa ku jira nin iyo xasaaskiis, laba wiil oo walaalo ahaa iyo dad kale oo qaraabo dhow ahaa, kuna sugnaa xeebta xilliga weerarka dhacayay. Dowladda federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay waxa ay sheegtay in ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii ay xalay Al-Shabaab ku qaadeenxeebta Liido ee magaalada Muqdisho, waxayna intaasi ku dartay in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo. Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saqdii dhexe ee xalay qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada dadkii waxyeelada kasoo gaaray weerarkii ay xalay kooxda Al-Shabaab ka gaysatay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis. Yuusuf Madaale ayaa dul istaagay qaar ka mid ah dhaawacyada, asigoona warbixin ka dhageystay Takhaatiirta la tacaalaya baxnaaninta dhaawacyada. Waxa uu eebe ugu baryay caafimaad deg deg ah inta ay dhibaatada kasoo gaartay weerarkaasi arxanka darnaa, asigoona jannatul fardowsa u rajeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi. Source
  19. Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed Bulaale iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa isbitaallada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii xeebta Liido. Masuuliyiintan ayaa mid mid isku dul taagay qaar kamida dhaawacyada, ayagoo warbixin ka dhageystay maamullada isbitaallada qaar, kuwaas oo ay ku jiraan tobanaan qof oo waxyeello ka soo gaartay qarixii ka dhacay huteelka Beach view ee xeebta liido oo kamid ahaa weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan magaalada Muqdisho ka dhaca. Tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca qaraxu sababay ayaan illaa hadda la ogeyn, balse waxaa laga war sugayaa xogta ay dowladdu ku dhawaaqi doonto ee dhacdadan ku saabsan, taasoo la filayo in saacadaha soo aaddan la shaacin doono oo shir saxaafadeed lagu soo bandhigi doono. Source: goobjoog.com
  20. Kumannaan qof oo murugeysan ayaa Jimcihi shalay ka qeybgalay aaska madaxii siyaasadda ururka Xamaas, Ismacil Haniyah oo ka dhacay magaalada Doxa ee caasimadda Qatar, laba maalmood kaddib markii lagu khaarijiyay magaalada Tehran ee caasimadda Iran. Salaaddi janaasada ee lagu tukaday marxuumka iyo aaskaba ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan ururada Falastiiniyiinta ee Xamas iyo Islamic Jihad, saraakiil ka kala socday Qatar iyo Iran iyo wakiillo ka kala socday dunida Muslimka, laga soo billaabo Jordan, Morocco, Turkiga, Yemen. Haniyah iyo xubno kale oo ka tirsan Xamas ayaa ku noolaa dalka Qatar. Waxaa aroornimadi hore ee Arbacada lagu dhex dilay guri uu si marti ahaan ah u joogay oo ku yaalla magaalada Tehran, halkaas oo uu uga qeybgalay caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Iran. Xamas iyo Iran ayaa dilka Ismacil Haniya ku eedeeyay Isra’il. Hase yeeshee Isra’il ma qiran mana beenin. Hore ayay wacad ugu martay in ay ugaadhsan doonto oo ay dili doonto madaxda sare ee Xamas, kaddib weerarki 7-badi October ee ay Xamas ku qaadday koofurta Israa’iil. Source
  21. Mareykanka iyo Ruushka ayaa dhameystiray is dhaafsiga 24-ka maxbuus, taasoo ah tii ugu weyneyd ee taariikhda tan iyo burburkii Soviet-ka, iyadoo Moscow ay sii deysay wariye u shaqeeya jariirada Wall Street Journal Evan Gershkovich iyo Paul Whelan oo ah nin hore uga tirsanaan jiray Ciidamada Mariniska Mareykanka. Maxaabiis u kala dhashay dalalka Mareykanka, Jarmalka, Poland, Slovenia, Norway, Belarus iyo Ruushka ayaa la isku dhaafsaday heshiiskan oo ay ka qeyb qaateen sirdoonka Turkiga ee MIT, sida ay sheegtay madaxtooyada Turkiga. Ruushka ayaa dhankiisa dib loogu celiyey muwaadiniin Ruush ah oo ku xidhnaa dalalka Mareykanka, Germany, Norway, Slovenia iyo Poland. Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii ammaanay xulafada Mareykanka ee ka qeyb qaatay is dhaafsiga maxaabiista, isagoo sheegay inay qaateen “go’aamo geesinimo leh”. Madaxtooyada Ruushka ayaa sheegtay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu wareegto ku cafiyay 12 maxbuus oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah, taasoo ay ku sheegtay inay tahay tallaabo lagu soo celinayo maxaabiis Ruush ah oo dibadda lagu haystay. Source
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa lag helayaa weerar ku billowday qaraxyo oo xalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoteelka lagu magacaabo Beach View ee Muqdisho. Weerarka ayaa dhacay xilli ay dad badan oo shacab ah ku sugnaayeen halkaasi, maadaama ay ahayd Jimco, isla markaana xeebta loo tago damaashaad iyo nasiino. Wiil dhalinyaro ah oo goobjoog uu ahaa weerarka, isla markaana xilliga uu dhacayay ku sugnaa xeebta Liido ayaa xog cusub ka bixiyay musiibadii halkaasi ka dhacday, wuxuuna tilmaamay inuu arkay ninka is qarxiyay ee beegsaday hoteelka iyo shacabkii ku sugnaa. “Annaga oo taagan ayuu qaraxu dhacay indhaheyga waxay qabteen, iyaga oo hoteelka sii galaayo, nin ayaa sidoo kale iridda taagnaa askariga ayaa kusoo cararay kadibna wuu istaabtay jaakad ayuu watay ninka” ayuu yiri goobjoogaha. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dad badan ay ku dhamaadeen goobta, isla markaana ay in muddo ah waayeen gurmad iyo gaadiid ay ku qaadaan dhaawacyada. “Ilaaheybaa mahad iska leh aniga waxba ima gaarin laakin dadkii waa baaba’een, wayna go’go’een” ayuu mar kale yiri wiilka dhalinyarada ah ee ka badbaaday weerarkii xalay. Maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan ayaa la arkay kadib weerarka, waxaana muuqaalada laga helay goobta ay muujinayaan khasaare baaxad leh. Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ugu dambeyn ciidamada ammaanka ay soo afjareen weerarkii xooganaa ee xalay Al-Shabaab ku qaadeen hoteel ku yaalla Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Dowladda federaalka ayaa shaaca ka qaaday in la toogtay 5 dagaalame oo weerarka fuliyay, halka mid kalena uu is qarxiyay. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in laga hortagay gaari ay ka buuxaan walxaha qarxa oo la doonanay in shacabka lagu dhibaateeyo. Weerarkan ayaa muujinaya sida Al-Shabaab ay xooga usoo saareen caasimada, waxaana dhawaan ay ka fuliyeen laba weerar oo si xig xigay, kaas oo mid kamid ah lagu qaaday xabsiga dhexe halka kan kale lagu beegsaday maqaayad ku taalla degmada Boondheere. The post Goobjooge arkay ninkii isku qarxiyay xeebta LIIDO oo xog cusub bixiyay + Video appeared first on Caasimada Online.
  23. Mogadishu (HOL) — Africa's aviation sector is poised for significant growth, driven by high demand for direct flights from major African cities to global hubs. Despite the continent's booming population and strategic location, many routes remain unserved, representing untapped potential for substantial growth. A recent Airbus study highlights nine of the top 15 unserved routes originating or ending in West Africa, including Lagos-New York, Abuja-Nairobi, and Dakar-Libreville. Source: Hiiraan Online
  24. Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa sheegtay, in diyaarado iyo maraakiib dagaal oo dheeraad ah u dirayo saldhigyada uu ku leeyahay Bariga Dhexe, kaddib marki ay Iran iyo xulufadeeda sida Xamas iyo Xisbullah ku hanjabeen in ay u aar-gudi doonaan Ismacil Haniyah. Bayaan kasoo baxay xarunta Pentagon-ka ee ay ku shaqeyso Waaxda Difaaca ayaa lagu sheegay, in xoghayaha difaaca Mareykanka Lloyd Austin uu ogolaaday maraakiibta ciidanka badda, kuwaas oo awoodi kara in ay soo ridaan gantaallada baalistiga ee ku jawahan Bariga Dhexe ama Yurub. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka Mareykanka lagu xooji doono kuwa hadda ka jooga Bariga Dhexe. Mareykanka ayaa 13-ki April xoojiyay ciidamada ka jooga Bariga Dhexe, kaddib marki ay Iran gantaallo dhowr ah iyo diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn ku weerartay Isra’il, iyada oo uga aargudaneysay diblamaasiyiin Iraaniyiin ah oo ay Isra’il ku dishay Suuriya. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo diyaarado iyo Maraakiib dagaal oo dheeri ah u diraya Bariga Dhexe appeared first on Puntland Post.
  25. Milateriga Maraykanka ayaa ku dhawaaqay inuu saanad militari oo dheeri ah u dirayo Gobalka bariga dhexe, taas oo ay ku jiraan markab diyaarada xambaara, iyo kuwa wax burburiya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo xiisadda cirka isku sii shareeraysa ee u dhaxaysa maamulka Israa’iil iyo dalka Iran. Pentagon-ka ayaa shaaca ka qaaday inay u diri doonto diyaarado dagaal , iyo maraakiib ay kuwa wax buriyaahi ku jiraan, ayadoo wada-hadal dhex maray madaxweyne Biden iyo Ra’iisul Netanyahuna sheegay in aqalka cadi uu ballanqaaday inuu Israa’iil ka difaaci doono weerarrada Iran iyo ururka Xisbullah. afhayeenka Pentagon Sabrina Singh ayaa u sheegay suxufiyiinta in Mareykanku xoojinayo ilaalinta saldhigyadiisa gobolka oo dhan, islamarkaana taageero difaaca Israa’iil loo fidiyo, ayadoo la hubiyo in Mareykanka uu diyaar u yahay inuu ka jawaabo xiisadda sii kordheysa ee aaggaas ka aloosan. Ku dhawaaqistan ayaa timid ka dib markii dhowaan ay dhaceen dilal si weyn loo hadal hayay oo lagu khaarajiyay saraakiil ka kala tirsan Xamaas iyo Xisbullah oo xiriir la leh Iran, Ciidamada Israa’iil ayaana la rumeysan yahay inay ka dambeeyaan dilalkaas qorsheysan, balse tell Aviv ma aanay qiran arrintaas. Iran iyo Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay falalkaas, gaar ahaan dilkii Ismaaciil haniyah oo ahaa madixii xaafiiska siyaasadda ururka Xamaas jawaab adag ka bixin doonaan, taas oo Israa’iil walaac nabad-galyo oo xooggan ku abuurtay, taas oo keentay inay ciidamadeeda heegan geliso, dhaqdhaqaaqa duulimaadyada garoomaduna ay yaraadaan. Source: goobjoog.com