Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,942
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gaadiidka BL-ka iyo Bajaajta oo lagu xiray wadada KM4 Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad oo xiriir ah ka socda dibad-bax lagu dalbanayo in la furo jidadka xiran. Gaadiidleyda Bajaajta iyo basaska BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka xiran iyo canshuur saa’id oo laga qaado, iyagoo maamulka gobolka Banaadir ka codsaday in jidadka loo furo, sida ugu dhaqsaha badan. Dibad-baxyaasha ayaa maanta gaadiid ku gooyey wadada KM4, halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray qaar ka mid ah wariyeyaal ku sugnaa goobta dibadbaxu ka dhacayey, waxaana wararka qaar sheegayaan in loo geystay jirdil. Gaadiidleyda cabanaya ayaa xusay in howl maalmeedkooda uu ku soo koobmay hal dhinac magaalada ah, dhinaca kalana aan loo gudbi karin. Qaar ka mid ah jidadka Muqdisho waxaa ku xiray jawaano ciid ah iyo ganjeelo, waxaana magaaladu noqotay laba qeyb oo ay adag tahay in la isaga kala gudbo. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, ayaa wali fulin balantaas. PUNTLAND POST The post Dibad-bax maalintii labaad ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  2. (SLT-Washington)-Hoggaamiyihii kooxda Daacish ayaa la sheegayaa in lagu dilay weerar ciidammada mareykanku Ku beegsadeen oo ka dhacay Idlib, dalka Suuriya. Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrameysa in madaxweyne Trump uu toddobaadkii hore oggolaaday weerarka lagu dilay Albaqdaadi. Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twittrer soo dhigay qoraal odhanaya “wax aad u weyn ayaa dhacay” Aqalka cad ayaa sheegay in Trump uu goor dhow hadal jeedin doono, isagoo ku dhawaaqi doona dilka hoggaamiyihii daacish. Source
  3. Sida ay qorayaan warbaahinta dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa waxaa uu Mareykanka duqeyn ka dhacday gudaha dalka Suuriya uu ku dilay hoggaamiyaha ururka ISIS ama loo yaqaan Daacish Abu Bakr al-Baghdadi. Warkan ayaa waxaa laga xaqiijiyay sarkaal ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka kaas oo magaciisa qariyay, balse sheegay in uu warkani jiro, ayna sugayaan xaqiiqada dhabta ah. Sidoo kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa twitterka waxa uu suoo qoray in “wax aad u weyn ayaa hadda dhacay”, taas oo loo fasiran karo in uu yahay warka ku saabsan dilka al-Baghdadi. Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyaha kooxda ISIS ama Daacis ee Khilaafada Islaamka Suuriya iyo Ciraaq ayaa horay usa soo muuqday cajal uu soo duubay kaas oo sannadkii 2017 Mareykanku sheegay in uu dhintay. Markii ugu horreysay oo uu cajal kasoo muuqday ayay aheyd magaalada Mosul ee dalka Ciraaq, sannadkii 2014-ka xilligaas oo kooxda ISIS ay ugu awoodda badneyd. al-Baqdaadi oo magaciisa runta ah yahay Ibrahim Awwad Ibrahim al-Badri ayaa waxaa uu ku dhashay sannadkii 1971 magaalada Samarra ee dalka Ciraaq, waxaana uu kasoo jeedaa sida uu sheegtay qoys qabiil ahaan kasoo jeeda nabi Muxammad NNKH. Warkan ayaanan lala soo bandhigin xaqiiqooyin, sida sawir iyo wax la mid ah. Qaran News
  4. (SLT-Ankara)-Safiirka dalka Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu cabasho u gudbiyay xafiiska ra’isal wasaaraha Soomaaliya iyo aqallada baarlamaanka isaga oo ka cabanaya masuuliyiin iyo xildhibaanno Soomaaliya ah oo maalin walba ka doonaya Fiiseyaal Turkiga lagu tagayo kuwaas oo ay si musuqmaasuq ah uga iibinayaan dad si sharci darro ah ku tagaya dalka Turkiga. Sida ay ku warrantay warbaahinta Somaliguardian waxa uu cabashadiisa ku sheegay danjiruhu xildhibaannada iyo masuuliyiinta xukumadda qaarkood in ay xasaaskooda ama ehelkooda ka dhigaan dad ay lacag qaali ah kaga iibinayaan fiiseyaasha ay u sameeyaan. “Qaarkood waxay noo keeneen sideed dumar ah oo kala duwan sideed wakhti oo kala duwan iyaga oo ku andacoonaya waa xaaskaygii, waxaanu u sheegnay in aanay Diintu ogolayn afar xaas wax ka badan,” sidaas ayuu ku xusay cabashadiisa safiirku sida ay warisay Somaliguardian. Cabashada ayaa lagu xusay ilaa 15 xildhibaan iyo masuuliyiin kale oo dawladda Somalia ka tirsan waxaana la sheegay in dadka dal ku galka loo samaynaya yihiin dad ku sii jeeda Yurub iyaga oo sii maraya Turkiga. Arrintan ayaa sababtay in safaaradda Turkigu shirkad gaar ah ku wareejiso soo saarista fiisaha si ay uga baxaan meesha madaxda culayska saaraya safaaradda. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka ansixiyay wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyay xeerka nidaamka garsoorka oo maalintii shalay baaqday. Xildhibaanada saaka fadhiga ka soo xaadiray ayaa waxa ay ahaayeen 55 Xildhibaan Waxa ogolaaday 47 xildhibaan Waxa diiday 6 Xildhibaan Laba Xildhibaana way ka aamuseen Xeerkaasi ayaa sidaasi ku ansaxa Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuldaraystay olole ay ku doonayeen in qof ka soo jeeda Djibouti ama Soomaaliya loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu watay in Dr. Cabdisalaan Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka loo magacaabo xoghayaha fulinta ee IGAD, halka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna watay in jagadaas loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda Djibouti oo uu soo xulay. Hase yeeshee Raysalwasaaraha Itoobiya oo hadda haya guddoonka urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu xilkaas u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana halkaas ku soo afjarmay dedaaladii Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Farmaajo. Dr. Workeneh ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya. Waxa kale oo ay warar diblomaasiyadeed sheegayaan in uu Dr. Abiye guddoonka IGAD ku wareejin doono Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata oo si aan toos ahayn la iskula gartay shir madaxda IGAD ay Addis Ababa ku yeesheen inuu qabto guddoonka kursiga IGAD ee wareega. Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu qoray in Djibouti ay dareemayso in IGAD ay 11 kii sannadood ee u dambeeyay isku wareejinayeen Kenya iyo Itoobiya, waxaanu dalka Djibouti ku cabanayaa in Itoobiya iyo Kenya ay iska bahaysteen dalalka kale ee gobalka siyaasad ahaan oo ay la wareegeen maamulka IGAD. Djibouti iyo Kenya ayaa waxa soo dhex galay khilaaf ku saabsan kursiga golaha ammaanka ee Afrika oo ay si weyn ugu tartameen iyadoo Kenya heshay kalsoonida Midowga Afrika. Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaguna waxa ay isku seeganyihiin xuduudka badda iyadoo ay maxkamadda caalamiga ah taalo dacwad u dhaxaysa labadaas dal. Dadka falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayaa saadaalinaya in khilaaf soo kala dhex geli doono madaxda IGAD, haddii aanu Raysalwasaaraha Itoobiya ku guulaysan dedaalo uu doonayo inuu ku dejiyo xiisadan, waxaanu dhawaan Dr. Abiye socdaal ku tagay dalka Djibouti si uu u dejiyo dareenka Madaxweyne Geele ka qaatay arrinta IGAD. Source
  7. Labadii todobaad ee ugu dambeysay waxaa soo fatahay webiga Jubba kaas oo mara deegaanno ka mid ah Gedo iyo Labada Jubba. Fatahaadda darteed qoysas badan ayaa ka barakacay gurihii ay deganaayeen. waxaana baa’abay dhamaan dalagyadii ka baxayey beeraha waraabka ah ee deegaannadaasi. Degmooyinka ugu daran ee fatahaaddu saameysay waxaa ka mid ah: Luuq, Buur-dhuubo iyo Baardheere oo Gedo ah iyo Jubbada dhexe oo Saakow, Bu’aale iyo Jilib laga dayrinayo halka Jubbada hoose ayaa dhibaatooyin ka jiraan Jammaame, Kamsuuma, Baarsanguuni iyo Goobweyn. Ilaa hadda dowladda federaalka ah kama hadlin dhibaatada ka jirto deegaanadaas, waxaa ayna dadkaasi codsanayaan in laga soo gaaro. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa saaka markale dhigay dibadbax looga soo horjeedo jidadka xiray ee magaalada Muqdisho. Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn, sida tan Makka Al-Mukarrama ayaa ka cabanaya jidadka laga xiray iyo lacago dheeraad ah oo ay sheegeen in lagu soo rogay. Sidoo kale dibadbaxayaasha oo careysan ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim u ah shacabka. Gaadiidleyda ayaa dalbanaya in loo furo dhammaan waddooyinka, si ay uga shaqeystaan gudaha magaalada Muqdisho. Inta badan waddooyinka Caasimada ayaa sababa amni u xiran muddo dhowr bilood ah, taas oo culeys ku keentay nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho. Waa maalintii labaad oo xiriir ah oo darawallada gaadiidka BL-ka ay dhigayaan banaanbax, mana jirto weli jawaab laga bixiyey cabashadooda.
  9. Weriyaha Goobjoog News ee Baladweyn waxaa uu sheegayaa in biyihii Webiga Shabeelle ay weli ku socdaan xaafadaha magaalada. Waxaa jira meelo go’doonsan oo ka inta badan xaafadda Hawl-wadaag, Buundaweyn, Xaawo Taako iyo Kooshin, qoysas boqolaal ayaa la’a meel ay ka baxaanb. Waxaa joogsaday dhammaan isu socodka gaadiidka, ma jiro wax ganacsi ah, ganacsi yaryar iyo mid weyn, waxaa xiran dhammaan dukaamadii iyo suuqyada sida khudaarta iyo xoolaha. Isu Socodka Gaadiidka: Waxaa istaagay dhammaan isu socodkii gaadiidka, gaariga keliya ee ka dhaq-dhaqaaqa gudaha magaalada waa Cagaf-cagaf. Odeyaal qaar oo ka hadlay arrinta gurmad ee ay dowladda federaalka ah guddi u saartay waxaa ayaa Goobjoog News in sanadkii hore ay dhacday dhibaato middan la mid ah iyada oo taasi laga jawaabayo dowladda federaalka ah waxaa ay bixisay $1 milyan, Shiinaha $1 mliyan, gobolka Banaadir oo $100,000 ahaa iyo baarlamaanka 2-badiisa aqal oo mid $50, 000 bixiyey. “Lacagtii loogu talo-galay dadka waxaa jeebka ku shubtay maamulka Hirshabelle, mana arkin” ayey raaciyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. (SLT-Hargeysa)-Faysal Cali Waraabe Oo U Jawaabay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Boqor Faysal ayaa ka hadlay arrinta kornayl Caarre iyo safarka Cali Khaliif Galaydh ku tagay magaalada Muqdisho, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Waxaa maalintii 2-aad ay dibad-baxyo lagu dalbanayo jidadka in la furo iyo arrimo kale ay ka socdaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Gaadiidleyda gaar ahaa kuwa BL-ka ayaa ka cabanaya jidadka oo xiran, canshuur saa’id ahna laga qaado iyada oo maamulka gobolka ka codsaday in jidadka loo furo sida ugu dhaqsaha badan. Saxmada ugu badan waxaa ay ka jirnay KM4 halka shalay ay ka dhigeen KM5 ilaa Buulo-xuubey, waxaana muuqa iney mar meel u guuraan. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Cumar Filish oo markii uu imaanayey balan ku qaaday inuu jidadka furo, 2 bil ayuu joogaa ilaa hadda far ma dhaqaajin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo la hadlay Shabelle ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada Galmudug. Casir ayaa sheegay in hadda Galmudug ay heysato fursadii ugu fiicneyd, loona baahan yahay in laga faa’iideysto. Sidoo kale wuxuu hoggaanka Ahlu Sunna ka dalbaday inay tanaasulaan, si looga gudbo caqabadaha jira. Hadalkan aya ku soo aadaya, iyadoo haatan khilaaf uu ka taagan yahay dhismaha Galmudug, kaasoo ka dhashay magacaabista guddiga farsamada maamulkaasi. View the full article
  14. A U.S. drone strike intended to hit an Islamic State (IS) hideout in Somalia’s northeastern region of Puntland mistakenly killed two frankincense collectors, according to local elders and a survivor who spoke Saturday with VOA. Source: Hiiraan Online
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax miino uu qabsaday mooto ay la socdeen dad shacab ah. Mootada oo aheyd nooca Fekonta ayaa miinadu ay haleeshay, xilli ay mareysay deegaanka Muuri ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi miino ku dhintay ilaa saddex qof oo saarnaa mootadaasi. Wararka ayaa sheegaya in bartimaameedka qaraxa uu ahaa gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo Milatari ah oo la sheegay inuu waxyar ka gudbay waddadaasi. Gaariga ciidanka iyo Mootada qaraxu qabsaday ayaa mas’uuliyiinta gobolka waxa ay sheegeen inay ku soo jeedeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  16. (SLT-London)-Booliska Britian ayaa baadhaya geerida 39 qof oo muhaajiriin ah oo saarnaa gaadhiga ka yimid wadanka Bulgaria oo maalmo ka hor lagu arkay agagaarka magaalada London. Dhacdadaan ayaa waxaa loo xidhay darawalkii waday gaadhigaan oo lagu soo oogay dambiyo ay ka mid yihiin dil iyo mustaafurin aan sharci aheyn. Eedeysane Maurice Robinson, oo ka soo jeeda waqooyiga Ireland ayaa wajahaya 39 dacwadood oo ay ka mid tahay in uu garab siinta safaro aan sharci aheyn in uu si dadban u laayay dadkii ku dhintay shilkaan iyo adeegsiga lacagaha Madow. Mr Robinson ayaa la xidhay waxyar kadib markii uu la helay meydadka dadkaan subaxnimadii hore ee arbacada, waxaana la filayaa in maxkamad uu ka soo muuqdo maalinta Isniinta ee bari. Source
  17. Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha maamulkaasi, kadib wareegto uu soo saaray. Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof oo u badan xubnaha golaha wasiirada HirShabelle ayaa waxa uu la shaqeyn doonaa midkii uu shalay ku dhawaaqay Ra’iisul wasaare Khayre. Halkan hoose ka akhriso: View the full article
  18. (SLT-Washington)-Ilhan Cumar oo su’aalo adag weydiisay wakiilka Mareykanka u qaabilsan arrimaha Suuriya iyo ururka Daacish waxay tidhi: “Waa in aan joojino hubeynta iyo taageeridda maamulada aan naxariista lahayn, waana inaan eegno shuruucdeena dibadda ee meelaha anan u adeegsanayn nolosha iyo bini-aadamka dhibban”, ayey tidhi iyadoo ka hadleysay duullaanka Turkiga ee Suuriya. Turkiga ayaa “si khasab ah” dib ugu celinaya qaxootiga Suuriya oo la geynayo xuduudda, si loo dejiyo “aagga nabadda ah” in kastoo dagaalka aanu weli dhammaan, sidaas waxaa qortay wakaaladda wararka Reuters oo sii xigatay hay’dda u doodad xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Hay’adda kale ee xuquuqda u dooda ee Human Rights Watch waxay sidoo kale sheegtay in “mamulka uu si aan kala sooc lahayn u xidh-xidhayo una musaafurinayo tobannaan qof oo Suuriya u dhalatay kuwaas oo la geeyay Waqooyiga Suuriya, muddadii u dhexeysay January iyo September” ee sannadkan. Laba toddobaad ka hor, Turkiga ayaa billaabay duullaan uu kaga gudbay xuduudda Suuriya si ay u sameeyaan “aag nabad ah” oo laga sifeeyay malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee loo kala yaaano SDF iyo YPG. Dowladda Turkiga ayaa malleshiyaadkaas u aragta in ay la mid yihiin ururo argagixiso. Waxay sheegtay in ay yihiin dhinacyo ka tirsan ururka Kurdiyiinta ee tobannaanka sano ka dagaallamaya dhanka Turkiga ee PKK. Duullaanka wuxuu bilowday ka dib markii ciidammda Mareykanka oo Kurdiyiinta ay ku tiirsanaayeen, ay billaabeen in ay ka baxaan dhanka Xuduudda. Turkiga wuxuu ku doodayaa in deegaannada ay qabtaan ay dejin doonaan 3.6 milyan oo qof oo ah Qaxooti u dhashay Suuriya ah kuwaas oo ka cararay dagaallada sokeeye. Ilhaan Cumar waxay sheegtay : “Waa inaan xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta aan aasaaska ka dhigno”. “Su’asho waxay tahay in haddii Kurdiyiintu xaq u leeyihiin in ay jiraan iyagoo Kurdi ah. Waa inaan bartamaha dhigno xuquuqda iyo sharafta Bini-aadamnimada. Waa inaan sal uga dhigno xuquuqda iyo sharafta Kurdiyiinta”, ayey tiri Ilhaan oo ka hadleysay fadhiga guddiga arrimaha Dibadda u qaabilsan Congress-ka Mareykanka oo su’aalo weydiinayay safiirada. Donald Trump ayaa dhowaan sheegay in labada dhinac la kala dhex dhigay xabad joojin. Balse Ilhaan ayaa ku doodeyso in “Turkiga uu sheegay in uu sii wadadayo howlgalka”. “Waa inaan masuuliyadda qaadno. Taa micneheedu ma ahan hakinta akoono bangiyo; ma ahan xakameynta dhaqaalaha Turkiga, iyadoo sy sii socoto ciqaab wadareed loo geysanayo bulsho aan arrintan dooran”, ayey sheegtay Ilhaan. “Wuxuu macnuhu yahay in si aan caadi ahayn looga fakaro cadaaladda xadgudubyadan. Waa in si dhab ah looga fakaro sidii aan u joojin lahayn hubeynta maamullada naxariista daran”. Xildhibaannadan ka tirsan Congress-ka Mareykanka waxay xubin ka tahay guddiga arrimaha dibadda, waxayna si weyn u dhaliishay wada shaqeynta maamulka Trump uu la leeyahay xukuumadda Erdogan. “Waa in aan aragti cad ka qaadano siyaasadaha dibadda ee halista gelinaya koox dhammeystiran oo dad ah oo si wayn loola dhaqmay sida shay la isticmaalay ka dibna la iska tuuray”, ayey weydiisay mid ka mid ah safiirrada Donald Trump ee arrimaha Bariga Dhexe. Erdogan: Warqaddii Trump qashin-qubka ayaan ku daray Ilhaan ayaa ka dib su’al kale weydiisay Wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Suuriya iyo Isbeheysiga la dagaallamaya ISIS, James F. Jeffrey. “In Turkiga uu adeegsado hub kiimiko ah, maxay tahay masuuliyadda arrintas ka saaran Mareykanka?” “Waan baadheynaa eedeynta la soo jeediyay ee ah isticmaalka kiimikada. Waana in aan eegno xaaladaha sababay”, ayuu yidhi Jeffrey. Waxay sidoo kale weydiisay in uu galaangal ku lahaa warqaddii uu Trump u diray Erdogan ee “qashinka lagu dhex tuuray”. James F. Jeffrey Wuxuu yiri: “Qeyb baan ka ahaan in warqadda la gaarsiiyo madaxweyne Erdogan. Madaxweynaha wuxuu la tashadaa xoghayihiisa guud, anagana isaga ayaan farriinta u marinaa, waana sida ay u shaqeyso, waana sida warqadda ay ku timid”. “Ilhaan oo ka falcelisay hadalkaas waxay tidhi: “Waxaan jeclaan lahaa in adinkoo badan aad fikir toos ah ka dhiibataan warqaddaas. Waxayna ila tahay in ay sax tahay in warqaddaas lagu tilmaamo mid ceeb ku ahayd Mareykanka”. Source
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Subax-27102019.mp3 View the full article
  20. Jowhar (Caasimada Onlibne) – Madaxaweynaha HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa wareegto ku magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha ee maamulkaasi. Guddigan oo ka kooban illaa 14 qof ayaa waxa au u badan yihiin xubnaha golaha wasiirada ee dowlad goboleedka HirShabelle, iyadoona guddoomiye looga dhigay wasiirka gargaarka maamulkaasi, Mudane Cabdi-Mahad Cabdullaahi (Qorgaab). Sidoo kale waxaa xubnaha guddiga ka mid ah guddoomiyeyaasha maamullada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Guddigani cusub ayaa ka shaqeyn doono, sidii loogu gurman lahaa dadka shacabka ah ee uu saameeyey wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano ka tirsan HirShabelle. Shalay ayey aheyd markii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo ay garab taagan yihiin Madaxweynayaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug uu ku dhawaaqay guddiga gurmad Qaran ee fatahaadaha, si dowladdu ay u qaadato kaalinteeda.
  21. (SLT-Ankara)-Wasiirka Arimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa diiday qorshaha dowlada Jarmalka ee ku aadaan in ciidamo caalami ah la geeyo waqooyiga Suuriya si loo abuuro jawi nabdoon oo ka caagan colaada oo qaxootiga u sahlaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda. Xukuumada Ankara ayaa tilmaantay in ayna ku kalsooneyn qorshaha dowlada Berlin oo dhaleeceysay duulaanka millatariga Turkiga ay ku qaadeen Suuriya. Mr Cavusoglu oo sabtidii shalay kulan kula qaatay magaalada Ankara dhiggiisa Jarmalka Cavus Heiko Maas ayaa sheegay in Turkiga uu lumiyay kalsoonida uu ku qabay Jarmalka kadib falcelintii ay ka bixiyeen duulaankooda Suuriya. Wasiirka difaaca Jarmalka Annegret Kramp-Karrenbauer ayaa soo jeedisay qorshe ciidaamo caalami ah oo nabad ilaaliyaan ah lagu geynayo xadka deegaanada waqooyi ee xadka Suuriya kala leedahay Turkiga si loo helo aag ka caagan Colaada. Balse Cavusoglu ayaa sheegay in qorshahaan ay u arkaan mid aan xaqiiqda ka tarjumeyn ayna ka soo horjeedaan soo jeedinta Jarmalka. Ugu danbeyn wuxuu sheegay in arintaan kaliya ayna khuseyn Turkiga balse ay u taallo dowlada Suuriya iyo Ruushka oo taageera xukuumada Bashar Al-Assad. Source
  22. (SLT-Lubnaan)-Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah Sh Xasan Nasrallah ayaa ka hadlay dibadbaxyada ka socda magaalada Beyruut oo uu sheegay inay dabada ay ka riixayaan dalal Ajnabi ah iyo xisbiyada Mucaaradka. Mr Nasrallah ayaa wuxuu ugu baaqay dibadbaxayaasha in aan loo adeegsan hurinta dagaal Sokeeye oo markale madaxa la gasho Lubnaan. Wuxuu ka gaabsaday in uu soo hadal qaado xisbiyada iyo wadamada maalgalinaya banaanbaxyada, balse wuxuu farta ku fiiqay safaarado fadhigoodu yahay magaalada Beyruut. Sheekh Xasan Nasrullah ayaa ugu danbeyn dibadbaxayaasha uga digay in ayna aqbali doonin in la beegsado xarumaha ay ku sugan yihiin ciidanka Xisbullah. Source
  23. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku soo baxay doorashadii ka dhacday Soomaaliya bilaawgii sanadkii 2017, waxyaabihii ugu weynaa ee lagu doortay waxay aheyd dhibaato daran oo dalka ka jirta waxaase muhiimadda ugu weyn ay aheyd in dalkaan uu ka baxo saameenta ballaaran oo ay Itoobiya ku leedahay iyo siyaasadda ammaanka Soomaaliya. Dareenka ka qaybgalayaasha doorashada iyo cod-bixiyaashii Baarlamaanka ee ku sugnaa hoolka doorashada waxa rogay hadal uu jeediyay Xildhibaan Sakariye Xaaji Maxamuud Cabdi oo ahaa Musharax Madaxweyne iyo fariin goobaabin iyo dardaaran aheyd oo ay jeediyeen culimadii lagu marti qaaday doorashadii ka dhacday Soomaaliya 2017, kaas oo ahaa in dalka ay saameen balaaran ku leedahay dowladda Itoobiya ayna hadda joogaan hoolka doorashada. Hada waxaa in la’is weydiiyo mudan shalay iyo Maanta yaa badan saameenta Itoobiya ee siyaasadda Soomaaliya? Farqi weyn oo muujinaya hoos u dhac ku yimid saameenta Itoobiya ee siyaasadda gudaha iyo amniga Soomaaliya maanta ma muuqdo balse waxaa muuqata in Itoobiya ay gaartay heerar iyo talaabooyin aysan markii hore ku dhiiran karin taas oo muujineysa in Itoobiya ay sii fidisay saameenteedii Soomaaliya. Xiligii Madaxweyne Xasan Sheekh: Xiligii uu talada dalka haayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Itoobiya waxay laheyd saameyn ay ku qal-qal gelin karto siyaasadda Soomaaliya sababtoo ah waxay ku xirneed inta ugu badan madaxda dowlad gobaleedyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dalka ku sugnaa General Gabre oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika, laakiin asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya. Gabre waxa uu ka soo muuqan jiray Kaamiriyoonka xiliyada ay jiraan arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya balse hadda waxa uu galay xubno badan oo uu saameeyay isbadalka ka dhacay Itoobiya. Xasan Sheekh Maxamuud saaxiib dhow uma aheyn Itoobiya mana jirin cadeymo muujinaya in Itoobiya uu ku xiran yahay balse waxa uu ku qabay dhib waxaana loo soo adeegsan jiray dowlad gobaleedyada, ayadoo ay dhacday in marar badan uu warbaahinta ka sheegay in dalalka dariska laga soo abaabulo shirarka ka dhanka ah dowladda Soomaaliya. Hadda uu talada hayo Madaxweyne Farmaajo: Itoobiya waxay maanta Soomaaliya ku leedahay saameyn balaaran waxayna gaartay heer aan la filayn in ay gaari doonto, ayada oo ay banaanka u soo baxday galaan-gal xoog leh oo siyaasadda iyo amniga ah. Waxaa jira kiisas badan oo muujineysa in Itoobiya ay isku balaarisay siyaasadeed Soomaaliya islamarkaana ay ka fushato dano badan laakiin waxay badashay qaabkii markaas ay wax u qabsan jirtay. Halka ay markii hore gacan saar la lahayd maamul goboleedyada, waxay hadda la xiratay dowladda dhexe, iskana tuurtay maamullada. Waxay ku guuleystay arrimo ay ka mid yihiin:- Itoobiya waxay ku guuleysatay markii ugu horreysay in loo gacan geliyo mid kamid ah halgamayaasha Soomaaliya ee Xorriyad u dirarka ah, Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax. Itoobiya waxay ku guuleysatay in Soomaaliya ay ka dhigto dalkii labaad ee adfuunka ku yaalla oo ONLF u aqoonasda Argigixiso, halka dalka koowaad uu ahaa Itoobiya oo dagaal kula jirta. Yururb, Ameerika, Aasiya, Australia iyo Afrika hal dal oo kamid ah ONLF uma aqoonsan argigixiso marka laga reebo Itoobiya iyo Soomaaliya. Inkasta oo kadib imaatinkii Abiy Ahmed ay Itoobiya taas ka noqotay, dowladda Soomaaliya weli kama laaban go’aankii ay ONLF ugu sheegtay urur argagixiso. Itoobiya waxay markii hore la macaamili jirtay maamul gobaleedyada oo aan laheyn awood ay ku bixiyaan wax danguud ah balse loo adeegsan jiray jebinta Qarankooda balse maanta waxay toos ula macaamishaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna si weyn ugu milan tahay siyaasadda Soomaaliya. Itoobiya waxay Shalay ay taageersaneyd Axmed Madoobe oo ka soo horjeeday Xasan Sheekh markii ay dhacday doorashadii tan ka horreysay waxayna markaas usoo dirtay Wasiirkii Arimaha Dibadda Itoobiya halka maanta ay la safantahay Farmaajo oo ay cadaadis ku heyso Axmed Madoobe. Arintaan waxay muujineysaa in shalay danaha siyaasadeed ee Soomaaliya laga raadin jiray dowlad gobaleedyada balse maanta laga helayo Villa Somalia. Inta jeer ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh u safray Itoobiya 4-tii sano ee uu talada dalka haayay waxaa dhowr jeer ka badan safarka Madaxweyen Farmaajo oo xilka hayo muddo ka yar 3 sano walina waxaa u dhiman safaro kale. Itoobiya waxay badashay awoodii xoog ku muquuninta waxayna u badashay in ay la saaxiibto Madaxweynaha Soomaaliya loo dhigo ballamo aan mira dhalin, intoobada ugu badanna lagu mudeeyo waqtiyo aan dhawayn halka qaar kalane looga baxay. Ballamaha looga baxay Soomaaliya waxaa kamid ah in Soomaaliya la siiyo Xogyahaya IGAD waxaana loo magacaabay muwaadin u dhashay Itoobiya, iyo Villa Somalia laga taageero ka hortaga Axmed Madoobe oo guul darro ku soo dhamaatay. Inkastoo ay caqabadahaas iyo kuwa kalaba ay dalka ka jiraan haddane maamulka Madaxweyne Farmaajo ay ku guuleesteen in bulshada Soomaaliyeed ku qanciyaan wax ka fog xaqiiqda dalka taalla. Masuuliyiinta DF waxay sameesteen koox dhalinyaro ah oo baraha bulshada kula dagaala Warbaahinta, siyaasiinta iyo shaqsiyaadka soo bandhiga xaqiiqda Soomaaliya ka jirta, hase waxaa jira malaayiin kale oo kawar qabta dhibaatooyinkaan iyo kuwa kale, kuwaas oo aan lagu guuleysan in la marin habaabiyo. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, Minnesota AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  24. A new school has opened serving two remote villages north of Guriel in central Somalia’s Galgadud region, aiming to provide free education that suits the pastoralist lifestyle, and to foster peace in an area with a history of clan conflict. Source: Hiiraan Online
  25. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa ka digay in xasilooni-darro dheeri ah ay ka dhici doonta dalkiisa, wuxuuna wacad ku maray inuu cadaaladda horkeeni doono kuwii ka mas’uulka ahaa dhimashada 67 qof oo geeriyooday toddobaadkan. “Shaqaaqooyinkan aan wajanhay waxay noqon doonaan kuwa intan kasii cabsi badan oo adag, haddii aysan dadka Itoobiya midoobin oo aanay mid noqon,” ayuu Abiy Ahmed ku yiri bayaan laga soo saraay xafiiskiisa. “Waxaan si adag uga shaqeyn doonnaaa inaan xaqiijinno joogteynta amarka iyo kala dambeynta, iyo in cadaaladda la horkeeno, kuwii ka mas’uulka ahaa dhibka.” Abiy Ahmed waxa uu xusay in wax u muuqday dibad-bax ka dhan ahaa dowladdiisa ay si deg deg ah isugu beddeleen isku dhacyo ku saleysan jinsi iyo diin. “Waxaa jiray isku day xasaraddan loogu beddelayo mid diimeed iyo mid jinsi. Intii ay tani socotay ayaa ciidamadeenna waxay u noqdeen dhibanayaal,” Ayuu yiri. Waxa uu sheegay in guryo, ganacsiyo iyo goobo lagu cibaadeysto la burburiyey, islamarkaana tiro dad Ethiopian ah oo aan si rasmi ah loo ogeyn ay barakaceen. Rabashadaha ayaa arbacadii ka billowday magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa iyo inta badan gobolka Oromia, kadib markii Jawar Mohamed oo u ololeeya dadka Oromada uu ciidamada amniga ku eedeeyey inay soo abaabuleen weerar isaga ka dhan ah – eedeymahaas oo booliska ay beeniyeen. Jawar ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa ninkii dhiir-geliyey dibad-baxyadii Itoobiya ka dhacay sanaddii tagtay, ee hoggaamiyey in ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu la wareego talada dalka. Abiy iyo Jawar ayaa labaduba kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo ah tan ugu badan Itoobiya, waxaana xiisaddan cusub ay halis gelin kartaa isku dayga Abiy Ahmed uu ku doonayo in bisha May ee 2020 loogu doorto ra’iisul wasaaraha dalka ee shanta sano ee soo socota. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa caasimada@live.com