-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
BOSASO (HOL) - A deadly clash broke out in Bosaso Wednesday afternoon between local militias and state government forces with reported casualties. Source: Hiiraan Online
-
Maanta duhurnimadii waxaa kantaroolka laga soo galo magaalada Boosaaso ka dhacay iska hor-imaad kooban oo dhexmaray ciidamada Puntland ee halkaas ku sugan iyo ciidan kale oo ka soo ruqaansaday degmada Carmo. Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo isugu jiray kuwa ka tirsan Daraawiishta Punttland iyo maleeshiyo beeleed waxaa watay Ciise Yulux, waxayna doonayeen in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa dowladda. Inta la xaqiijiyey hal askari oo ciidankii kantaroolka ka tirsan ayaa ku dhintay isku dhacaas, halka ay ku dhaawacmeen labo kale. Ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo oo 20 gaari oo 16 ka mid ah yihiin kuwa dagaal watay ayaa markii dambe loo ogolaaday in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, waxayna markii ay gaareen dageen xarunta shirkadda PDG. Shirkadda PDG ayaa taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF, waxaana muddooyinkii u dambeeyey taagnaa khilaaf iyo muran u dhaxeeyey mulkiilayaasha shirkadaas iyo dowladda. Ciise Yulux ayaa ka mid ah ragga saamiga ku leh shirkadda PDG oo tan iyo 2011 taakulaynta u qaabilsanayd ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Ciise Yulux oo ka mid ahaan jiray hoggaamiyaashii burcad badeedda Soomaalida kuwii ugu caansanaa ayaa tan iyo 2016 ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta Puntland, wuxuuna ka qeybgalay dagaaladii Puntland iyo Daacish ku dhexmaray buuraha Cal-miskaat ee gobolka Bari. Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda caadi ah, mana jirto cid ka tirsan dowladda oo ka hadashay arrintan. PUNTLAND POST The post Wararkii u dambeeyey ee Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Dagaal Boosaso ka qarxay, Khasaaraha ka dhashay & Ciidamo gudaha magaalada galay. Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal ka dhacay Kontoroolka magaaladaas iyo agagaarkiisa, kaas oo dhexmaray ciidamo hubeysan oo katirsan kuwa ammaanka ee Puntland iyo isla ciidan kale oo kayimi magaalada Carmo ee gobalka Barri. Dagaalka ayaa ku bilowday sida ay wararku sheegayaan markii ay ciidamada socodka ku jiray la kulmeen gaadiid dagaal oo ay Dawlada Puntland leedahay, kuwaas oo ay is rasaaseyn dhexmartay. Iska horimaadkaas ayaa sababay dhaawac 2 askari, sidda ay sheegayaan warar ka madax banaan labada dhinac ee dagaalamay. Saraakiisha ammaanka ee Booliska gobalka Barri waxay diideen in ay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadan, waxaana ay sheegeen in ay dib ka hadli doonaan arrimahan oo ay ka jawaab bixin doonaan. Ciidamadii ka tagay magaalada Carmo ayaa galay gudaha magaalada Boosaaso, waxayna wataan ku dhawaad 10 baabuurta dagaalka ah, iyadoo ay wararku sheegayaan in ay tagayaan xarunta shirkada lagu magacaabo PDG. Isku dhaca labada dhinac ka sokow, wada hadalo ay garwadeen ka ahaayen Odayaasha dhaqanka oo xalay lafilayay in ay dhexmaraan Madaxweynaha Puntland & Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil ayaa baaqday. Qaran News
-
Ciidammo militari ah oo loo daabulay jaamacadaha ku yaal Itoobiya Dowladda Itoobiya ayaa ciidammada militariga u daabushay jaamacadaha kala duwan ee ku yaal gobollada Amxaarada iyo Oromada si loo joojiyo qalalaasaha hareeyay jamacadahaas. Sabtidii waxay rabshado ka dhaceen jaamacadda Woldiya ee ku taal gobolka Amxaarada, waxaana halkaas lagu dilay 2 ardey kaddib markii qowmiyadaha qaar uu dagaal ku dhexmaray halkaas. Waxaan sidoo kale rabshadaha ku dhaawacmay 12 ardey. Wararka waxay sheegayaan in rabshadaha ay sidoo kale ku faafeen jaamacado kale oo ku yaal Itoobiya. Itoobiya waxaa kusoo batay rabshado u dhexeeyo qowmiyadaha qaar ee wada dego dalka labadii sanno ee lasoo dhaafay, waxaana ka barakacay in ka badan 2 milyan oo qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey. Horraantii bishan ayay aheyd markii, maamulka Tigreega uu shaaca ka qaaday in ardeyda kasoo jeeddo halkaas aanan loo dir doonin jaamacadaha ku yaal gobolka Amxaarada. Rasaas laga maqlayo magaalada Dhirdhaba Magaalada Dhirdhaba Wararka ka imaanayo magaalada Dhiridhaba ee bariga Itoobiya ayaa sheegaya in hadda magaalada laga maqlayo rasaas xooggan kaddib markii rabshado ay halkaas hareeyeen. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Dhirdhaba ayaa BBC u sheegay in xiisad ay ka taagan tahay halkaas, rabshadaha waxay u dhexeeyaan qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada. Waxaana hadda magaalada la geeyay militariga Itoobiya si ay xiisadda u dejiyaan kaddib markii booliska ay ku guuldareysteen inay ka hortaggaan colaadda. Goobjoogayaal ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dhimasho ay jirto balse aan la xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay rabshadahaas. Rabshadahan ayaa imaanaya kaddib markii dhawaan ardey kasoo jeeddo gobolka Oromada lagu laayay jaamacadda Waldiya oo ku taal gobolka Amxaarada, waxaana weerarkaas ku dhintay 2 ardey halka 12 kalena ay ku dhaawacmeen. Qaran News
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya inay qeyb kamid ah la wareegeen ciidamadii Maanta weerarka kusoo qaaday. Ciidamadaan oo u abaabulan qaab qabiil isla markaasna ka tirsan Beesha Cali Saleebaan oo wato tobaneeyo gawaarida dagaalka ah ayaa qabsaday qeybo kamid ah Magaalada Boosaaso kadib iska hor imaad ka dhacay Koontaroolka laga soo galo Magaalada. Ciidamada isku dhacay ayaa la sheegayaa in ay ahaayeen kuwo suga amniga Koontaroolka laga galo Boosaaso iyo Ciidan la sheegay in uu watay Taliye lagu magacaabo Ciise Yulux. Ciidamada ayaa la sheegay inay qabsadeen jidka galo Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso iyo agagaarka Xarumaha ay dagan yihiin Hey’adaha Save the Children, WFP iyo UNDP. Tiro ku dhow shan qof ayaa la sheegayaa in ay ku dhinteen isku dhacaasi dhexmaray labada Ciidan iyada oo mid ka mid ah dhinacyada dagaallamay ay ka baxeen Degmada Carmo islamarkaana doonayeen in ay galaan gudaha Boosaaso. Maleeshiyada hubeysan ayaa la sheegay inay gurmad u aheyd Ciidamo ay leedahay Hey’ad heysatay saadka Ciidamada Badda oo la sheegay inay saaka xiratay waddooyinka Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya inay magaalada ka taagan tahay xiisad ka dhalatay qandaraas lagala laabtay Hey’adda PDG oo heysatay saadka Ciidamada Badda Puntland ee ay tababartay Shirkadda Saracen. Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Wasiir Beyle oo yimid Garowe Wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland. Wasiir Beyle iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ku soo dhaweeyay Wasiiru-dowlaha Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan iyo mas’uuliyiin kale. Wafdigan ayaa socdaalkoodu uu qeyb ka yahay shir maalmihii lasoo dhaafay ka socday Garowe oo looga hadlayay hannaanka Maaliyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa maalmaha soo socda ka qeybgala shir looga hadlayo hannaanka Maaliyadda dalka oo ay martigasay Puntland. Shirkan waxaa qeyb ka ah Guddiga Maaliyadda Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo madaxda Maaliyadda dawladda Federaalla iyo kuwa dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Wasiir ka tirsan Federaalka oo yimid Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safiirka Qatar ee Soomaaliya ka guddoomay doomo, Cagafyo iyo gaadiid kale oo dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Munaasabad lagu qabtay gudaha dekadda Muqdisho, ayuu ku-simaha Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad celiyay dowladda Qatar deeqdaan ay maanta soo gaarsiiyay iyo taageerada joogtada ah ee shacabka iyo dowladda ay la garab taaganyihiin. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in doomaha iyo gaadiidka kale ee maanta dowladdu ka heshay Qatar ay uga faa’iideysaneyso beereaha, adkeynta amniga iyo howlaha kale ee muhiimka ah. Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Dowladda Qatar oo xilliya badan oo dhibaato adag jirtay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed si buuxda u taageeray, ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya, uuna ka dhexeeyo iskaashiga dhaqaale iyo amni, waxayna mashaariic badan oo horumarineed ka wadaa gudaha dalka.”
-
Washington(Geeska)-Guddiga khubarada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo saaray warbixintoodii sanadda 2019 ayaa qaybo ka mid ah waxay kaga hadleen arrimo ku saabsan Somaliland. Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu soo ururiyay qaybaha ay guddiga Qaramada Midoobay ee UN Monitoring Group kaga hadleen Somaliland. Shirkad Itoobiyaan ah oo hub ka iibisay Somaliland Shirkadda dawladda Itoobiya leedahay ee la yidhaahdo Metals and Engineering Corporation (MetEC) ayaa u qiratay Kooxda Khubarada ah ee Qaramada Midoobay inay hub ka iibisay Somaliland iyo qaybo ka mid ah maamulada Somaliya. Dhokumentiyada ay aragtay Kooxdu ayaa ah kuwo muujinaya hub la kala iibsaday sanadihii u dhexeeyey 2013 ilaa 2015. Kooxdu waxaay sheegtay in lacag ka badan sadex milyan la kala siistay hubka. Dhinaca Somaliland kooxdu waxaay soo bandhigtay waraaq uu qoray taliyihii hore ee Ciidanka Qaranka Janaraal Ismaaciil Shaqale taas oo ku taariikhaysan 28 September 2014. Waraaqdu waxaay sheegaysaa in Somaliland ka heshay hub qiimihiisu dhan yahay 698, 600 USD shirkadda MetEC. Warbixintu waxaay sheegtay in madaxda shirkaddu u sheegeen in shirkadda MetEC ee Itoobiya leedahay ay ula dhaqmi jirtay Somaliland iyo Puntland sidii dalal madax banaan. Weerar lagu qaadayay Vatican oo xog raadintiisu soo gashay Somaliland Warbixintu waxaay sheegtay in nin magaciisa la yidhaahdo Cumar Mooshin Ibraahim oo Soomali ah oo ka tirsan kooxda ISIS lagu qabtay Bari oo ka tirsan Talyaaniga isaga oo doonanay inuu qarxiyo Vatican ka oo ah xarunta Boobka Kaatoliga. Ninkan oo sidoo kale loo yaqaan Anas Khaliiil waxa la qabtay 17 December 2018 isaga oo doonayay inuu weerarkiisa ku booge xilliga ay Kiristaanku u dabaal degaan dhalashada Nebi Ciise, 25 December ee isla sanadkaas, 2018. Xidhiidhada uu sameeyey ee laga helay telefoonadiisa waxa lagu oogaaday inuu xidhiidh la lahaa Cabdulaahi Maxamuud Yuusuf oo loo yaqaan Abu Xaatim oo ah nin u dhashay Puntland balse lagu qabtay Somaliland sanadkii 2018. Cabdulaahi markii la xidhay waxaay Somaliland ku qabatay dhokumentiyo ay ku qoran yihiin istiraajiyadda ISIS ay leedahay si ay ugu fido Bariga Afrika. Warbixintu waxaay sheegtay in xogo laga helay dawladda Somaliland ay sheegeen in ninkani booqday 12 dal oo ku yaal Afrika iyo Bariga Dhexe, kuwaas oo ay ka mid yihiin Koonfur Afrika, Suudaan, Sucuudiga, Ciraaq iyo Kiiniya. Ninkan oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ISIS wuxuu ka soo hawl galay Liibiya oo uu ka qaban jiray isku gudbinta ISIL, iyo Ciraaq oo uu ka soo dagaalamay meel u dhow Tirkriit. Anas wuxuu sidoo kale xidhiidh la lahaa walaalkii oo degan Somaliland, kaas oo la yidhaahdo Cabdira’uuf Cumar Ibraahim (oo sidoo kale loo yaqaan Cabdirashiid Khaliil, Cabdira’uuf Khaliil iyo Debro Wayne). Cabdi’rauuf wuxuu ku xidhan yahay xabsiga Hargeysa, waxaase la filaya in la sii daayo December 2019, sida ay sheetay warbixintu. Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ogaaday in Cabdulaahi Maxamuud Yuusuf uu xanuunka faaligu ku dhacay intii uu xidhnaa isaga oo Maxkamadaha Somaliland ay xukumeen. Saldhiga Imaaraadka Ee Berbera Kooxdu waxay sheegtay in dhismaha Imaaraadku ka wado Berbera uu ka soo horjeedo oo jebinayo cunaqabataynta ay Qaramada Midoobay soo rogtay. Kooxdu waxaay sidoo kale ku eedaysay Imaaraadka inuu diiday inuu wax jawaab ah ka bixiyo dalabyo ay u gudbisay, iyo in heshiiska lagu maamulayo saldhigga la tuso. Kooxdu waxaay sidoo kale sheegtay in Somaliland u diiday inay booqdaan saldhigga. Kooxdu waxaay sheegtay in sawiro satalaytka ah oo la qaaday ay muujinayaan in horumar wayn laga sameeyey dhismaha oo la dhamaystiray gegida diyaaradaha (runway) iyo hangaro. Eeddo loo jeediyay Wasaaradda Beeraha Warbixintu waxay ku eedaysay Wasaaradda Beeraha ee Somaliland inay is-hortaagtay dadaalo uu ururka Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeruhu (FAO) ku doonayay inuu barcamiye ugu keeno beeralayda Somaliland oo ay sheegtay in abaar ku dhufatay ay saamayn ku yeelatay wax soo saarka cuntada. Bishii January 2018, ayay FOA bilawday marshuuc ay ku keenayso 10, 000 tan oo barcimiye ah oo qorshuhu ahaa in la keeno May 2018. “February 2018 ayay FAO xulatay 20 ganacsto beeraha ah si ay u soo dejiyaan alaabta loo baahnaa, kuwaas oo ay ansixisay Wasaaradda Beeraha ee Somaliland. Haseyeeshee, Wasaaraddu waxaay diiday inay ogolaanshaha ay wax ku soo dejiyaan ay siiso dhamaan ganacastadaa marka laga reebo hal mid mooyee. Markii danbe Wasaaradda iyo FAO waxay isla garteen in afar ka mid ah ganacsatada loo ogolaado inay soo dejiyaan alaabta, balse May iyo June 2018 Wasaaraddu mar kale ayay is hortaagtay in la soo dejiyo iyada oo diiday inay ogolaansho siiso sadex ka mid ah afartii ganacsato ee lagu heshiiyay. Wasaaraddu waxaay soo jeedisay in ganacsato ay iyadu wadato ay soo dejiyaan oo qaybiyaan dhamaan 10, 000 ee tan ee siidhka loogu baahan yahay marshuuca, taas waxa diiday FAO. June 2018 FAO waxaay u dirtay Wasaaradda waraaq dhamaystiran oo ay kaga cabanayso faro-gelinta ay Wasaaraddu ku hayso marshuuca. Is-hortaagga ay samaysay Wasaaraddu darteed, siidhkii iyo barcamiyayaashii toona lama soo dejinay xilli beereedkii loo baahnaa, markaa FAO way joojisay marshuucii July 2018.” Gunaanad Kooxda UN Monitoring Group ayaa warbixinihii ay hore uga diyaarin jireen Somaliland waxa ku badnaan jiray eedaha musuqmaasuq ee lagu xidhiidhin jiray xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo, laakiin sannadkan ma jirto wax eeddo musuqmaasuq ah oo ay UN Monitoring Group u jeedisay Somaliland. Qaran News
-
Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay caasimadda waddanka Afghanistan ee Kaabul. Sidoo kale in ka badan 10 qof oo kale oo ay caruur ku jirto ayaa qarax ku dhaawacmay sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi. Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Nasrat Rahimi ayaa Twitter-ka ku shaaciyay in qaraxa oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah lala beegsaday gaari ay lahayd shirkad dhanka ammaanka ka shaqeysa oo ajnabi ah. Wuxuu intaasi ku daray in 4 qof oo shaqaale ajnabi ah oo shirkaddaasi la shaqeynayay uu dhaawac soo gaaray. Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi balse Kooxda Taalibaan iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ayaa inta badan qaraxyo ka geysta dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ugu yaraan 7 ruux oo ku dhintay qarax ka dhacay caasimadda Afghanistan appeared first on Puntland Post.
-
Al-Shabab militants on Wednesday killed two government officials during an ambush in the outskirts of Bal’ad town in the southern Middle Shabelle region, an officer confirmed. According to an officer who declined to be named, the militants launched an attack in Adayga village and there was an exchange of fire between the army and the militants. “Abdullahi Hassan Haji, the district chief, and his deputy Elmi Qoje Hassan died in the gunfight and the militants withdrew from the town,” the officer said, adding that government soldiers are now pursuing the attackers. “Some hooded men attacked the village targeting the district chief’s house, we could hear the sound of fire. People said the chief and his deputy were killed in the attack,” Garad Dhaqane, a resident told Xinhua via phone. This came after al-Shabab extremists killed two soldiers on Nov. 4 in another ambush in Bule Burde town in the central region of Hiraan. Somali army backed by African Union Mission in Somalia chased al-Shabab extremists from the capital Mogadishu in August 2011, but the militants still hold swathes of rural areas in the central and southern regions, conducting ambushes and planting land mines. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Dalka Faransiiska uga qeyb galay shirka Sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay habboon tahay in saaxiibbada Caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib u kabashada Dalka. “Maalgelinta dib u dhiska hay’adaha Dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa in ay ka mid tahay dedaallada la doonayo in lagu gaaro himilooyinka horumarka Qaranka.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qeyb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar u horseedda in ay soo ceshato kaalintii ay Dunida horay ugu lahayd. View the full article
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamo iska soo horjeeda ku dagaallameen Koontaroolka laga galo Magaaladaas. Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii askarta ilaalada Koontaroolka ay u diideen ciidamadan inay galaan magaalada Boosaaso; kadibna rasaas ka dhex bilaabatay labada ciidan ayaa keentay inuu ku geeriyoodo taliyihii Koontaroolka Boosaaso oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Guduudoow sida ay sheegayaan wararkii ugu danbeeyay ee magaalada laga helay. Ciidamadaan gadoodsan ee doonaya inay gudaha u galaan Boosaaso ayaa la sheegay inay ka gadoodsanyihiin khilaaf iyo muran xoogan oo hareeyay Shirkad lagu magacaabo PDG oo caawisa ciidamada Badda Puntland ee PMPF. Ciidamada isku horfadhiya Boosaaso ayaa mararka qaar isku ridaya rasaas iyadoona qeyb kamida hubka ay isku adeegsanayaan laga maqlayo qeyb kamida duleedka magaalada. Ciidamada loo diiday inay galaan magaalada ayaa wararku sheegayaan inay u abaabulan yihiin qaab beeleed, iyadoo uu wato nin lagu magacaabo Ciise Yulux. Wararka qaar ayaa sheegaya in iska hor imaadka ay ku dhinteen ilaa 5 qof oo labada dhinac ah; iyadoo ay weli is hor fadhiyaan labada ciidan. Waxaa sidoo kale la soo warinayaa in labada Ciidan ay gurmad ka kala helayaan labada Magaalo, waxaana wali kacsan xaaladda degaankaas. Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray duqeyn saacadihii la soo dhaafay ay diyaaradahoodu ka fuliyeen agagaarka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Warka ka soo baxay Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Ma shaacin Africom magaca sarkaalkaasi, balse waxa ay sheegtay in weerarkaasi ay ka qeyb qaateen ciidamada Soomaaliya. Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee ku noo halkaasi. Mareykanka ayaa sanadkan 2019-ka kordhiyey duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article
-
Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya K/Galbeed
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Taliyaha ciidanka Lugta ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Genaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgallo cusub ay ka bilaaban doonaan deegaano dhowr oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dirir ayaa tilmaamay in howlgallada oo ah kuwa dhan ah Al-Shabaab ay dhowaan ka bilaaban doonaan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu sheegay in u jeedka uu yahay, sidii dib loogu soo celi lahaa gacanta deegaanada ka maqan maamulkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Diri.mp3 sh View the full article -
Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa gacanta ku dhigay rag hubeysan oo barqanimadii maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay degmadaasi. Ragga la qabtay oo labo ahaa ayaa waxaa la sheegay in israsaaseyn ay dhexmartay iyaga iyo ciidamada dowladda, taas oo ka dhacday Suuqa Weyn ee degmada Wadajir. Labada nin ee gacanta lagu dhigay ayaa waxaa la sheegay mid ka mid ah uu dhaawaca ahaa, waxaana lagu wareejiyey hay’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Qof goobjooge ah oo u warramay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/wara.mp3 View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka sharaxaad ka bixiyey dadkii uu ku socday hadalkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ee ay ka carroodeen taageerayaasha Nabad iyo Nolol, isagoo u qeybiyay afar qeybood oo uu dusha u saaray dhibaatadii dalka soo martay. Hoos ka aqriso qoraal uu Fiqi soo dhigay Facebook. Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane! “Hadalkii Sheekh Shariif ee dad badani ay aadka u falanqeeyeen maalmihii la soo dhaafay waxaa ku jirey afar nooc oo dad ah oo dalka dhibkii soo marey qeyb ka ahaa oo saddex ka mid ah dhibkoodii umadda la dhaafsiiyey, qeybta u danbaysana digniin culus loo direy..” ayuu yiri Xildhibaan Fiqi oo afarta qeybood ee Sheekh Shariif u dan lahaa ka dhigay sida soo socota: 1) Qeybta koowaad: **********tii dhibka umadda ku heysay ayaan dalkaan ka saarnay ayuu xusay! nin ayaa u hadlay kuwaas oo isla maalintii xigteyba shir jaraa]id qabtey asagoo ciil la hinraagaya ayna u wehliso mugaan dhawaaqo dheef i sii!. 2) Qeybta Labaad; ciidamadii Tigreega iyo dabadhilifkoodii dalka ku soo duuley ayaan xoog ku bixinnay ayuu yiri; ayadana waxa ka xanaaqey afhayeenkoodii waagaas oo hadda baagamuudo ku ah MUQDISHO ka djb markii xasuuqa dadkiisa loo adeegsaday, haddana cayda dadkiisa loo adeegsanayo, ninkaasi umadda ilaahay wuxuu ugu jecel yahey kuwii uu u shaqayn jirey cidda u shaqaysa! 3) Qeybta Saddexaad: Alshabaab iyo argagixisadii in Muqdisho iyo gobollada u dhow awood looga saaray ayuu tusaale u soo qaatey, ayagana waxaa u hadlay aasasahoodii oo alshabaabkii laftoodii ay soo dayriyeen ka dibna dooni ay la soo caariday sanadkii 2013, haddana xabsi guri ku ah Muqdisho. Asna wuxuu soo goconayaa jabkii August 2011 looga saarey Muqdisho. 4) Qeybta Afraad: aaway jawaabtii madaxweyne Farmaajo qeybtii ka khusaysay hadalka Sheekh Shariif? mise wuxuu ku kaaftoomey oo qancisay hadalkii “waxaad sheegto ha waayinta ahaa” ee Maareeye saq dhexe oo habeennimo asagoo calwasaadaya uu ku qeyliyey? nimankaas soo jabey warkooda kuma ilaawayno inaan ku weydiinno jawaabtii afraad ee lagaa sugaayey? Sharciga qaado ama shaarica qaad?. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in hadalka Sheekh Shariif uu la macno ahaa “Muska usha ku dhufo bahallada ku jiraahi ha ka soo boodaane”, wuxuuna intaas ku daray: “Dadkii aan taariikhahaas soo joogin waxey kala barteen qolooyinkii uu Sheekh Shariif sheegay oo ayaga oo nool banaanka isa soo dhigey kadib hadalkiisii uu ku hogo tusaaleeynayey kooxda Villa Somalia in wadada sharciga ay dib ugu soo noqdaan!..” Halkaan ka daawo Beesha Mudulood Oo Shir Deg Deg Ah Ka Yeelaneyso Halis Kusoo Wajahan Shiikh Shariif Iyo Xasan Shiikh Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho lagu dilay guddoomiyaha deegaanka Cadayga iyo ku xigeenkiisa oo xalau duleedka degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe. Toogashada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo afka soo duubtay ayaa waxaa loo geystay, Cabdullaahi Xasan Xaaji oo ahaa guddoomiyaha deegaankaasi iyo ku xigeenkiisa oo lagu magacaabi jiray, Cilmi Qooje Xasan. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa ka warbixiyey dhacdadaasi oo uu ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dagaalyahannada Al-Shabaab. Ma jiro illaa illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan dilka mas’uuliyiintaasi. Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro dhaba gal ah oo lagu dilay masu’uuliyiin ka tirsanaa HirShabelle ka fulisay waddada Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/Dhexe. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Farasniiska oo ku taalla xaafadaha ugu Mudane ; Khayre ayaa halkaasi kula kulmay ku simaha Safiirka iyo diplamaasiyiinta kale ee la shaqaysa , wuxuuna ka dhageystay warbixnta guud oo ku saabsan baahiyaha ay qabaan howl-wadeennadu. Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa ballan qaaday in Dowladdu ay dayactir ku samaynayso xurunta Safaaradda iyo Hoyga Safiirka uu deggen yahay. Ku simaha Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Faransiiska, Axmed Shire, ayaa sheegay in ay isaga iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ka wada hadleen sidii wax looga qaban lahaa dhismaha iyo dayactirka Safaaradda. Danjire; Shire ayaa sheegay in uu Ra’iisul Wasaaruhu u ballan qaaday in ay dayactirka iyo dib u hagaajinta Safaaradda uu kala shaqeyn doona, isla maraakaana ay howshu billaaban doonto Sanadkan soo socda. Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay dhisme safaaradeed ka iibsatay Dalka Mareykanka, waxaana qorshuhu yahay in la horumariyo dhismooyinka Safaaradaha Dalalka Caalamka aynu ku leennahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Oo Soo Saaray War-murtiyeed Ay Arimo Dhawra Kaga Hadleen Hargeysa( )- Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, Sabawanaag iyo Cadaadley oo shir-weyne balaadhan maanta iskugu yimi xarunta guud ee Gudidu ku leedahay magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa ay iska xaal-wareysteen xaalada guud ee dalka iyo sida ay beeshu uga qaadan lahayd kaalinteeda kaga aadan. Shirkan oo ah mid todobaadle ah oo ay todobaadkiiba hal mar ku kulanto ayaa ugu horeyn waxa ay hambalyo u direen Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo ay tilmaameen inay yihiin rag karti iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacabay. Gudida ayaa sidoo kale cambaareeyey koox sheegatay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beesha oo ku hadashay magaca reerka. War-murtiyeed ay Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa kazoo saartay arimahan ayaa waxa uu u dhignaa sidan: War-murtiyeed Shirkii todobaad-laha ahaa ee Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , oo maanta ka qabsoomay Guriga Gudida Guud ee Beesha Bariga Hargeysa , ayaa waxa ay Gudidu ugu horeyn Hambalyo u diraysaa Taliyaha iyo Taliye Kuxigeenka cusub ee dhawaanta madaxweynuhu u magacaabay hogaaminta Ciidanka Booliska Somaliland, kuwaas oo aanu u aragno inay yihiin rag khibrad iyo aqoon u leh xilalkaas loo magaacay. Gudidu waxa ay cambaaraynaysaa isla markaasina ay beeninaysaa koox sheegatay Cuqaasha iyo madax-dhaqameedka beesha, isla markaasina sheegtay inay ku hadlayaan magaca beesha, Hadaba Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka beeninaysaa kooxdaas is magacawday ee sheegatay inay ku hadlayaan afka beesha kuwaasi oo aanu halkan ka cadaynayno in aanay ku hadli Karin magaca Beesha. Guntii iyo Gunaanadkii Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa, waxa ay halkan ka cadaynaysaa in cid aan ahayn Gudidan Beeshau kusoo dooratay shir-weynihii ay dhawaan ku yeelatay Degmada Cadaadley aanay ku hadli Karin magaca iyo afka beesha Allaa Mahad Leh Xoghayaha Guud Ee Gudida Guud Ee Beesha Bariga Hargeysa Khadar Ciise Cabdi Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-13112019-sx.mp3 View the full article
