Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,481
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jowhar (Caasimada Online ) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dooni ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya oo saacadihii la soo dhaafay ku qalibantay agagaarka xeebaha degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Doonida oo aheyd nooca dheereeya ayaa ku ciladowday meel 60 KM u jirta xeebaha degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dhamman la soo badbaadiyey ciidamadii saarnaa doontaasi, kadib qeylo dhaan ay u dirsadeen howlgalka Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya. War ka soo baxay howlgalka Atlanta ee ururkaasi ayaa lagu sheegay inay gurmad deg deg ah u fidiyeen ciidankaasi, islamarkaana ay soo badbaadiyeen. Sidoo kale Midowgr Yurub oo baahiyey Sawirrada askartaasi ayaa tilmaamay in xilli ay halis ku jirtay noloshooda ay caawiyeen, islamarkaana ay ku guuleysteen howlgalkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca dowladda, gaar ahaan saraakiisha Milatariga Soomaaliya oo ku aadan doontaasi. Dhowaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan guutada 14-ka October ay Doon kula degtay nawaxiga xeebaha magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose. Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi, inkastoo la soo badbaadiyey dhowr iyo toban ka mid ah askartaasi, halka kuwo kalena la waayey. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  2. SOCHI, Russia/ANKARA (Reuters) - Syrian and Russian forces will deploy in northeast Syria to remove Kurdish YPG fighters and their weapons from the border with Turkey under a deal agreed on Tuesday which both Moscow and Ankara hailed as a triumph. Source: Hiiraan Online
  3. Dr. Ibrahim moved to the U.S. in 1993. Her family fled unrest from the Somali Civil War. She now leads Harborview Medical Center's Pediatrics Clinic. Source: Hiiraan Online
  4. Malawi has made history by being the first African country to ever host the high profile world conference for female pilots, named The Ninety-Nines (The 99s). Source: Hiiraan Online
  5. More than half of population in Somalia live under poverty, says UN migration agency Source: Hiiraan Online
  6. TORONTO — A Toronto man saw a months-long wait draw to a bittersweet end on Tuesday as he returned to Canada with the bodies of two relatives who were killed in the crash of an Ethiopian Airlines plane this year. Source: Hiiraan Online
  7. Dacwadda Badda: Maxay Muna Sharmaan uga baxday Qareennada difaacaya Soomaaliya? Muna Al-Sharmani waxay ahayd gabadhii sida aadka ah u difaacay kiiska badda ee Soomaaliya Mid ka mid ah qareennada hoggaaminya kiiska badda ee soomaaliya ay geysay maxkamadda cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ, ayaa ka baxday guddiga qareennad ee difaacayay doodad Soomaaliya, sida ay xaqiijisay dowladda. Muna Sharmaan waxay ahayd gabadhii sida weyn loo bartay xilligii ay socotay dhageysigii dacwadda badda ee dowladda Soomaaliya geysay ICJ. Cali Siciid Fiqi, safiirka Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub oo la hadlay Telefishinka Qaranka Soomaaliya ee SNTV ayaa xaqiijiyay in Muno Sharmaan ay “ka baxdayday qareennada difaaca kiiska Soomaaliya”. “Waa gabar Soomaaliyeed, kiiska maalintii ugu horreysay illaa iyo goor dhow ayey ku jirtay. Muddo afar bilood laga joogo, ayey madaxweynaha la soo hadashay”, ayuu yiri Safiir Cali Siciid Fiqi. Isagoo sharaxayay sababta ay qareennada uga baxday wuxuu sheegay in “ay u wareegtay shaqo kale oo ay ka heshay meel kale”. “Waxay tiri ‘madaxweyne shaqo ayaan ka helay Bangiga Adduunka. Marka waan ka cudur daaranayaa”, ayuu yiri safiirka. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa yiri: “Muna qof raacdeyn kara ma jiro; waa gabar Soomaaliyeed oo muwaadin ah oo runtii istaahisha in loo abaal gudo”. Muna Sharmaan waxay ka mid ahayd qarreennadda ugu firfircoonaa ee doodaha adag la hor tagay ICJ xilligii ay socotay dhageysigii la xiriirtay in kiiska u dhexeeya Soomaaliya iyo kenya ay maxkamadda dhageysan karto. “In la yiraahdo Muna meeshii waa laga saaray, ceebbey Soomali oo dhan u tahay”, ayuu carabka ku adkeeyay Safiirka oo la hadlay SNTV. Safiirka Soomaaliya ee EU (bidix) iyo Muna Sharmaan (dhexda) Dr. Muna Sharmaan waxay Soomaaliya u mataleysay dacwada xuduudda badda ee kala dhaxeysay Kenya, waxayna si wayn uga hadashay sida Soomaalida u aragto “heshiiskii isfahamka” ee Kenya ay ku doodeysay. Hadda, ma jiro wax war ah oo dhankeeda ka soo baxay oo sharaxaya sababta ay uga baxday qareennada Soomaaliya matalaya. Safiirka Soomaaliya u qaabilsan EU, wuxuu sidoo kale beeniyay in Soomaaliya ay qoratay qareenno cusub. “Qareennadda waa kuwii maalintii ugu horeysay ee aan kiiska badda geynay ee 2014-kii”, ayuu yiri. Hadlakiisan aya jawaab u ah warar baraha bulshada lagu hadal hayay oo sheegayay in qareennada difaacayay Kiiska Soomaaliya la badalay. Wuxuu ku adkeystay: “Waa kuwii kiiska ku dhex jiray; waa kuwii maxkamadda yimid ee daafacay; waa kuwii dacwaddii soo qoray; waana kuwa hadda u taagan in kiiska ay difaacaan”. Wuxuu dadka Soomaalida u sheegay in “khalkhalka iyo siyaasadeynta maxkamadda aan lagu niyad jebin”. Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ ayaa 17-kii bishan sheegtay in markale ay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda la xiriirta muranka xuduudda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya. Maxkamadda ayaa la filayay in ay dacwaddaasi dhageysato laga billaabo afarta ilaa siddeedda bisha Nofembar ee sanadkan, haseyeeshee dowladda Kenya ayaa mar labaad dalbatay in arrintaasi dib loo dhigo. Waa markii labaad oo maxkamadda ay dhageysiga dacwaddani dib u dhigayso, waxaana bishii Sebteembar ay laba bilood dib u dhigtay ka dib markii ay Kenya codsatay in dacwadda dib loo dhigo muddo sanad ah. Warbixin qoraal ah oo ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in maxkamadda ay go’aansatay in dib loo dhigo dacwadda badda, waxaana maxkamaddu sheegtay in labada dhinac loo garnaqi doono siddeedda ilaa 12-ka bisha Juun ee sanadka dambe. Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in go’aankan ay gaartay ka dib markii ay dhagaysatay labada dhinac, balse waxay caddeysay in mar kale aan dib loo dhigi doonin. Maxkamaddu waxay sidoo kale fartay Kenya iyo Soomaaliya in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacwaddaasi marka laga gaaro xilliga ay haatan u asteysay. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay u hoggaansameyso go’aanka maxkamadda, ayna marnaba ka tanaasuleyn taako ka mid ah dhulka Soomaaliya. Qaran News
  8. ST. CLOUD, Minn. — More than 100 people packed a St. Cloud State University ballroom Tuesday, Oct. 22, to join a conversation about hate, racism and inequity in the community as well as efforts to combat those experiences. Source: Hiiraan Online
  9. CAIRO - Egypt said on Tuesday it had accepted a U.S. invitation to a meeting of foreign ministers over a project for a giant hydropower dam on Ethiopia's Blue Nile that is causing an escalating spat between the two African countries Source: Hiiraan Online
  10. Wajir Woman Representative Fatuma Gedi on Tuesday narrated to a court how she was physically assaulted an MP in the precincts of Parliament after they differed on the June 2019 budgetary allocations to constituencies in the county. Source: Hiiraan Online
  11. Kismaayo (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka tirsan madaxtooyada magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose ayaa Caasimada Online u sheegay in xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay toos u soo waceen madaxweyne Axmed Madoobe kalana hadleen doorasho kale oo lagu qabto Jubaland. Xubnaha aan warkaan ka soo xiganay ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in uu u hogaansamo doorasho kale oo laga qabto Kismaayo islamarkaana ay goob joog ka noqdaan dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, si loo xaliyo tabashooyinka jira. Sidoo kale xubnahaan ka tirsan Beesha Caalamka ayaa la hadlay Xidig iyo Seeraar iyo waliba dowladda Soomaaliya waxayna sheegeen in daganaan ay ku dhameyn doonaan arrimaha ka taagan Jubbaland. Dadka Axmed Madoobe la hadlay waxaa kamid ah Safiirka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya James Swan iyo wakiilo kale oo ka tirsan Midowga Yurub iyo dalalka daneeya Arimaha Soomaaliya. “Waxaa loo sheegay in beesha caalamka ay taageereyso daganaanshiyaha Jubbaland isalmarkaana aysan aqoonsaneen doorashadii ka dhacday Kismaayo ilaa ay xubnaha goob ka noqdaan doorashada iyadoo la kaashanayo DF” ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose. Lama oga sida uu Axmed Madoobe ku ogolaan doono doorasho kale oo ka dhacday degaanada Jubbaland waxaana maalmaha soo socda la filayaa in uu aado dalka Kenya islamarkaana uu kulamo la soo qaato masuuliyiin ka tirsan Kenya, inkastoo ay jiraan warar kale oo sheegaya in safarkii Kenya uu baajiyay balse wafdi Kenyan ah ay u imaan doonaan maalmama soo socda. Go’aanka beesha caalamka ayaa imanaya ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay uga digtay dowladda Soomaaliya inay doorasho ku qabato gobolka Gedo, taasi oo ay sheegtay inay kasii dari karto xiisadda taagan. Halkan ka aqriso warkaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. Ciidamada midowga Yurub ee qaabilsan howlgalka ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ATLANTA, ayaa badbaadiyay ciidamo katirsan kuwa badda Soomaaliya oo ku go’doonsanaa badda. EU NAVFOR ayaa helay codsi kaga yimid Doon ay leeyihiin ciidamada badda Soomaaliya oo ku sugnayd meel 60 Km waqooyi ka xigta degmada Cadale ee gobolka Shabellada dhexe. Doonta ayaa la sheegay inay la kulantay dhibaatooyin farsamo, shaqaalaha la socdayna waxay ka walaacsanaayeen nabadgelyadooda. Saraakiil katirsan EU NAVFOR ayaa sheegay in lagu guulaystay soo badbaadinta iyo samata bixinta ciidankaas, kadib dadaal dheer oo loo galay baadi-goobka goobta ay ku sugnaayeen ciidankaan. Howlgalka ATALANTA, ayaa waajibaadkiisa waxaa ka mid ah kormeerka howlaha kalluumeysiga ee xeebaha Soomaaliya, ilaalinta maraakiibta Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM). PUNTLAND POST The post Ciidamo katirsan badda Soomaaliya iyo Doon ay la socdeen oo lasoo badbaadiyay appeared first on Puntland Post.
  13. Nairobi (Caasimadda Online) – Hey’adda Sirdoonka dalka Kenya ayaa shaacisay inay fashilisay weeraro qorsheysan oo kooxda Al-Shabaab ka fulin rabtay gudaha dalka Kenya. Hey’adda Sirdoonka ayaa sheegtay inay weerareen kowdii October guri ay Kooxda Al-Shabaab ku diyaarineysay weeraro qorsheysan oo Kenya laga fulin rabay maalinta dabaaldagga geesiyaasha Kenya oo ku beegneyd 20-kii October. Kenya ayaa sheegtay in gurigaas uu ku yaalay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo ah meel loo dalxiis tago halkaas oo lagu diyaarinayey shabakad isku xiran oo weeraro ku qaadi rabtay meel uu ka khudbeen lahaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Sidoo kale meelaha la weerari rabay ayey sheegtay Hey’adda Sirdoonka Kenya inay kamid ahaayeen xarumaha waaweyn ee Dowladda Kenya ee ku kala yaalo Nairobi iyo Mombasa. Weerarkaas ay sirdoonka Kenya qaadeen ayaa lagu dilay xubin kamid ah kuwii fulin rabay weerarkaas halka laba kalana gacanta lagu dhigay sida ay sheegtay Hey’adda. Guriga labada Nin ee xiran laga soo qabtay ayey hey’adda Sirdoonka Kenya sheegtay in laga helay Hub aad u farabadan oo ay doonayeen in ay ku fuliyaan weerarka islamarkaana dhibaato weyn ku geystaan. 11-ka November ayaa la dhageysan doonaa dacwadda labada nin ee gacanta lagu hayo markaas oo ay kasoo muuqan doonaan maxkamad sida uu sheegay Dickson Indaru oo ah baare ka tirsan Hay’adda ka hortagga Argagixisada Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro waaweyn horey uga fulisay gudaha Kenya waxaana weeraradaas ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho, Dhaawac iyo burbur hantiyadeed, waxayna weeraradaas keeneyn inay yaraadaan dadkii usoo dalxiis tagi jiray Kenya. Kooxda Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay sii wadi doonaan weerarada ay ka geystaan gudaha Kenya inta Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga saarayo. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni shalay galab ka qeyb-galay munaasabad ciyaar saaxiibtinimo oo u dhexaysay labo naadi oo ka tirsan kuwa gobolka bari ayaa shaaciyay in dowladda Puntland ay lacag dhan $ ($200,000 (laba boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee magaalada Boosaaso. Sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adda UNHCR ay lacag dhan $300,000 (saddex boqol oo kun oo Dollar) ku bixinayso dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso “waxaan kaloo rajaynayaa in hay’adda UNHCR ayaduna ay bixindoonto lacag ku dhow ($300,000) saddex boqol oo kun oo doolar” ayuu yiri madaxweyne Deni. Madaxweynaha dowladda Puntland oo dhammaadka ciyaarta la hadlay Dhallinyarada ayaa ku booriyey ka shaqaynta nabadda iyo guud ahaan horumarka Puntland sidoo kale madaxweynaha ayaa dhallinyarada ku ammaanay sida ay ula shaqeeyeen Booliska. Dhinaca kale mudane Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa la filayaa in uu manta dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe. PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo 200,000 kun oo Dollar ku bixinaysa dhismaha garoonka kubadda cagta Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  15. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxay faah faahin ka soo baxaysaa hawlgal qorsheysan oo Ciidamada Jubbaland ay shalay ka sameeyen qaybo ka mid ah xaafadda Calanley ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose. Ciidamada Booliska & Nabad Suggida Jubbaland oo ka jawaabaya dilkii laba habeen ka hor Magaalada Kismaayo loogu gaystay Nabadoon/ganacsade Siciid Ciise Cabdi (Siciid Adoon) ayaa gacanta ku soo dhigay dad dhalinyaro u badan. Ciidamada ayaa waxay gudaha u galeen guryo ku yaala Calanley, waxayna ka soo qab qabteen dhalinyaro, kuwaa oo lala xiriirinayo inay ku lug leeyihiin falal amni-darro. Labada ciidan ayaa dhalinyaradaasi ula dhaqaaqay xarumaha hay’adaha ammaanka ee Magaalada Kismaayo, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Jubbaland ay dib xoriyadooda u siiyeen dhalinyaro kale oo laga soo qab qabtay xaafadda Calanley, ka dib markii la xaqiiqsaday inaanay khatar amniga ku ahayn. Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hawlgalka dhalinyarada lagu soo qab qabtay uu ahaa mid qorsheysan. Afhayeenka ayaa sheegay in dadkaasi uu soo galay tuhun dhinaca amniga ku aadan, isagoo intaa ku daray in iminka wax laga weydiinayo farmuuqa lagu sameeyay. Afhayeenka ayaa qiray inay jiraan dhalinyaro kale oo xaafadda Calanley laga soo qab qabtay, kuwaa oo dib loo sii daayay, ka gadaal markii lagu waayay wax dembi ah. Cabdinuur Ibraahim ayaa laamaha amniga ka codsaday inay si deg deg ah sharciga ku horkeenaan kuwii ka masuulka ahaa dilkii Siciid Ciise Cabdi, oo ka mid ahaa dadka hodanka ah ee Magaalada Kismaayo ku dhaqan. Dilkan ayaa ka careysiiyay bulshada ku dhaqan Magaalada Kismaayo qaybtood, iyadoo ay shalay magaalada ka sameeyen dibadbax ay kaga soo horjeedaan dilka ganacsadaha. Siciid Adoon ayaa lagu dilay agagaarka Sarta Calaaca ee xaafadda Calanley, iyadoo uu u dhintay rasaas ay huwiyeen rag la sheegay inay wejiyada soo xirteen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Idaacadda Kulmiye oo ka mid ah idaacadaha madaxa banaan ee ka howlgala dalka ayaa si kulul uga jawaabay go’aan uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Go’aanka uu ku dhawaaqay Wasiir Maareeye ayaa ahaa in seddax maalmood gudahood ay ku bilaabayaan Barnaamij loogu magacdaray ISKUMAAN, kaas oo sida uu sheegay wasiirku ka bixi doona dhamaan warbaahinta Qaranka. Sababta ay u bilaabayaan Barnaamijkaas ayuu ku macneeyay wasiirka warfaafinta Soomaaliya in dadka Soomaaliyeed ay isku-maan yihiin, ayna u diyaariyeen Weriyaal, Abwaano iyo Fannaaniin bulshada u tabin doona. Hadaba halkaas ka soo yeeray wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye eek u aadan Barnaamijkaas ISKUMAAN ayaa waxaa baaq ku aadan lahaanshaha fegradaas ISKUMAAN waxa uu caawa ka soo baxay Maamulka (Radio Kulmiye KNN) Agaasimaha KNN Burhaan Diini Faarax oo bartiisa Facebook-ga ku soo qoray baaq uu u dirayo Wasiir Maareeye iyo wasaaradda warfaafinta ee dowladda ayaa sheegay in looga baahanyahay in ay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right). Halkaan ka akhriso qoraalka Agaasimaha Warbaahinta Kulmiye: “KALA-MAAN IYO ISKU-MAAN KULMIYE AYAA LEH”. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Max’ed Cabdi Xayir Maareeye sida aad aragtaan waxaa uu sheegay inay dhawaan warbaahinta dawladda ka bilaabayaan barnaamijka Isku-maan oo ka mid ah barnaamijyadda ka baxa Radio Kulmiye. Isku-maan waa todobaadle waxaana uu KNN ka baxaa maalmaha Jimcaha asagoo ah isla sida uu wasiirku sheegayo fasaxna nama ay weydiisan wasaaraddu Wasiirka iyo wasaaraddaba waxaa looga baahanyahay inay illaaliyaan xaquuqda lahaanshaha (Copy Right) oo ahwasaaradda laakinse waxaa muuqata in ay iyagu ku xadgudbayaan. Isku-maan iyo Kala-maan waa xaquuq uu leeyahay Radio Kulmiye kana mid ah barnaamijyadiisa joogtada ah.Waxaan u baahanahay in dawldaddu dhawrto xaquuqda lahaanshaha (Copy Right). Halkan ka Daawo Wasiir Maareeye: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in safiirka Mareykanka ee Kenya, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlay in Soomaaliya ka laabato kiiska badda ee horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Kyle McCarter oo wareysi siiyey wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi ayaa shaaca ka qaaday inuu safar ku tagay magaalada Muqdisho, kuna cadaadiyey madaxweyne Farmaajo in kiiska lagu xaliyo meel ka baxsan maxkamadda. “Arrintan waa in si deg deg ah loo xaliyaa. Waxaan muddo ka shaqeeneynay in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo madaxweyne Farmaajo ay isugu yimaadaan miiska wada-hadalka” ayuu yiri Kyle McCarter. “Waxaan tagay magaalada Muqdisho, si aan ula hadlo madaxweynaha Soomaaliya. Waxaan u sheegay inuu ka laabto kiiska maxkamadda.” Ayuu yiri safiirka. Si kastaba, safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa beeniyey in safiirka uu la kulmay madaxweynaha, inkasta oo Tarsan uu qiray in safiirka uu yimid magaalada Muqdisho. “Ummadda Soomaaliyeed waxaan wargalinaynaa inuusan dhicin kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Mareykanka ee Kenya xilligii uu booqshada ku yimid Muqdisho oo ahayd dhawr bilood kahor.” Ayuu Tarsan ku yiri qoraal uu soo dhigay facebook. “Wargayska Kenyaanka ah ee qoray warbixintan waxaa looga baahanyahay inuu iska hubiyo warbixinnada uu faafinayo.” Ayuu sii raaciyey. Tarsan ma uusan shaacin cidda uu McCarter kula kulmay Muqdisho, haddii aysan is arag madaxweynaha. Waxaa sidoo kale is-weydiin mudan sababta ay dowladda hadda u qirtay safarka, balse aan horey loogu shaacin. Dad badan ayaa qaba in dhibaatada ugu weyn iyo walaaca shacabka Soomaaliyeed ka haysta kiiska badda ay tahay aamusnaanta iyo hufnaan la’aanta dowladda Soomaaliya. Dowladda ayaa inta badan shacabka war siisa kaliya kadib markii ay wararka ka helaan ilo-wareedyada dibedda ah. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  18. SECWAC Presents Jonathan Starr Speaking in Old Lyme on ‘It Takes a School,’ Thursday Jonathan Starr, founder of the Abaarso School of Science and Technology in Somaliland, who will speak at the SECWAC meeting scheduled for Thursday, Oct. 24. OLD LYME — The Southeast Connecticut World Affairs Council (SECWAC) announced today that Jonathan Starr is to speak on his founding of the Abaarso School of Science and Technology in Somaliland at 6 p.m. on Thursday, Oct. 24, at the First Congregational Church of Old Lyme at 2 Ferry Road, Old Lyme, CT 06371. Members and guests are encouraged to RSVP via online registration, but walk-ins will be accepted. Starr will present on the seemingly impossible success of Abaarso School, whose accomplishments have been featured on CBS’s 60 Minutes and in the New York Times, and show that its “against all odds” triumphs were neither due to great luck nor great talent. In addition to shedding light on the fields of international development and education, the talk has implications for career choice and maximizing one’s own success. A reception will begin at 5:30 p.m., the presentation will follow SECWAC’s Annual General Meeting with announcements from the Board of Directors at 5:45 p.m., with the main event beginning at 6 p.m. The presentation is a part of the SECWAC 2019-2020 Speaker Series. For non-members, tickets ($20) may be purchased at the door; ticket cost can subsequently be applied towards a SECWAC membership. Attendance is free for SECWAC members (and their guests). Membership September 2019 through June 2020 is $85 per person; $25 for young professionals under 35; free for educators and area college and high school students; a corporate rate of $1,000 is also available, with unlimited access for employees. Immediately following the presentation, SECWAC meeting attendees have the option for $40 to attend a dinner with the speaker at the Old Lyme Country Club. Dinner reservations are required at 860-912-5718 or via online registration at https://scwac.wildapricot.org/event-3528936. Starr is Managing Director, Headmaster, and Founder of Abaarso School of Science and Technology in Somaliland, Africa. From 2004 – 2008, he founded and led Flagg Street Capital, a private investment firm that managed $170 million of assets. Prior to Flagg Street, he worked as an Analyst at SAB Capital and at Blavin and Company. His career started as a Research Associate within the Taxable Bond Division at Fidelity Investments. In addition to his full-time responsibilities, Starr sat on the Board of Directors of Pomeroy IT Solutions, a publicly-traded IT company generating $500 million of annual sales. His board responsibilities included acting as a member of the Audit Committee, the Advisory Committee, and the Special Committee (strategic alternatives) of Pomeroy. Starr graduated from Emory University, with a B.A. Summa Cum Laude in Economics and was a member of Phi Beta Kappa. He is the author of “It Takes A School: The Extraordinary Story of an American School in the #1 Failed State“, a story of David and Goliath proportions that describes how Starr created a unique school in Somaliland whose students, against all odds, have come to achieve success beyond anyone’s wildest dreams. SECWAC is a regional, nonprofit, membership organization affiliated with the World Affairs Councils of America (WACA). The organization dates back to 1999, and has continued to arrange 8-10 Speaker Series meetings annually, between September and June. The meetings range in foreign affairs topics, and are hosted at venues along the I-95 corridor, welcoming members and guests from Stonington to Old Saybrook, and beyond. SECWAC’s mission is “to foster an understanding of issues of foreign policy and international affairs through study, debate, and educational programming.” It provides a forum for nonpartisan, non-advocacy dialogue between members and speakers, who can be U.S. policymakers, educators, authors, and other experts on foreign relations. Learn more at http://secwac.org. Qaran News
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Bar-Qumanha-Wararka-22102019.mp3 View the full article
  20. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si kulul uga hadlay dilkii Allah ha u naxariistee ganacsade Saciid Xaaji Abdi oo caan ku ahaa magaca Saciid Adoon, kaas oo laba habeen ka hor lagu dilay Kismaayo. Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Deni ayaa telephone kula hadlay dhiggiisa Jubbaland Axmed Madoobe waxa uuna ka dalbaday in maamulkiisa uu soo cadeeyo dadkii ka dambeeyay dilka Saciid Adoon isagoo cuksaday in intii uu joogay Kismaayo uu mar galay garta Axmed Madoobe iyo Saciid Adoon. “Saciid Adoon intii aan joogay Kismaayo aniga ayaa xaliyay khilaaf idin dhaxeeyay maxaa bixitaankayga ku soo beegay dilkiisa, waxaan u baahanahay cadeymo muujinaya kiiskaan cidda ka dambeysay iyo cadaalada in la waafajiyo” ayuu yiri Saciid Deni sida ay noo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka Puntland. Marxuum Saciid Xaaji Cabdi “Adoon” waxa uu qaraabo dhow la ahaa madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxa uuna intii uu joogay Kismaayo u sameeyay casho sharaf isagoo u sheegay in Axmed Madoobe uu ku leeyahay lacag dhowr boqol oo kun oo dollar ah, taas oo sababtay in Axmed Madoobe uu ka caroodo maadama uusan rabin in eedeyntiisa ay gaarto meel ka baxsan Jubbaland. Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Axmed Madoobe ka dalbaday baaritaan rasmi ah, waxaana suurta-gal ah inuu uu joojiyo taageeradiisa Axmed Madoobe isagoo sabab uga dhigaya dad badan oo hayb ahaan ka soo jeeda Puntland, kuwaas oo sababo siyaasadeed loogu dilay Kismaayo. Dadka ka soo jeeda Puntland ee lagu dilay Kismaayo waxaa kamid ah Ganacsade Saciid Adoon iyo Abuukaate Qalyar kuwaas oo la aaminsan yahay in ay sababsadeen muranka siyaasadeed oo ka taagan Jubbaland. Ma jiraan wax caddeymo ah oo muujinaya in Axmed Madoobe ku lug leeyahay dilkan. Waxaa sidoo kale suurta-gal ah in dilka ay fuliyeen dad doonaya inay xiisad ka dhex abuuraan Puntland iyo Jubaland. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  21. Kismaayo-(Caasimada Online)-Maamulka Jubbaland ayaa maanta munaasabad lagu maamuusayo Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo u xiran dowladda federaalka, waxa uu ku qabtay magaalada Doolow ee gobolka Gedo. Jubbaland ayaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Doloow waxa ay ugu magac dartay Cabdirashiid Janan (ABDIRASHID JANAN AIRPORT), waxaana munaasabadda magaca Wasiirka loogu bixinayay Garoonka ka soo qeyb galay guddoomiyaasha degmooyinka Doolow, Beled-Xaawo iyo Luuq oo ka wada tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa deegaan dhalasho ahaan ka soo magaalada Doolow, waana halkii uu ka soo duulay markii lagu qabtay garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho. Wasiir Janan ayaa xiran muddo ka badan 2 Bilood, waxaana 1-dii Bishii September laga qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde xilli oo uu safar u ahaa dalka Itoobiya. Dhawaan ayaa lasoo taagay maxkamad, walina wax faahfaahin ah laga helin marka laga reebo muuqaal kooban oo uu Telefishinka qaranka ka soo muuqday. Buulle Aadan oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee Gobolka Gado ayaa Wasiir Janan kala soo muuqday Maxkamadda. Illaa hadana lama shaacin waqtiga ay dhici doonto wajiga labaad ee dhageysiga Dacwadda wasiir Janan iyo sarkaalka. Xeer ilaalinta ayaa Wasiir Janan kusoo oogtay dacwad ku saabsan dilal loo geystay dad rayid ah oo ka dhacay qeybo kamid ah Gobolka Gedo oo uu wasiirka deegaan ahaan kasoo jeedo. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo Caasimada@live.com