Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Maanta waxaa Dhacay waxyaabo badan oo aan la shaacin ka hor kulankii saacadaha qaatey ee dhexmaray Labada Madaxweyne. Madaxweyne Uhuru Kenyata wuxuu Aqalka Madaxtooyada kula [...] Source
  2. DP World plans to develop an economic freezone in Namibia to grow the country’s role as a southern African hub, marking the Dubai-listed port operator’s latest foray into the continent. DP World and Namibia’s Nara Namib Free Economic Industrial Zone signed an initial agreement for an industry and logistics freezone in the Atlantic coast port town of Walvis Bay, the company said in a statement on Tuesday. They expect to reach a definitive agreement on the project in the second quarter of 2020. “We believe the country has great potential to expand its role as a hub for the region,” Suhail Al Banna, CEO and managing director for DP World’s Middle East and Africa operations, said: The Namibian government’s recent legislation on free zones and efforts to facilitate greater business provides an attractive environment for investment.” In Africa, DP World has operations in Senegal, Egypt, Mozambique, Algeria, Rwanda and Somaliland, according to its website. The ports operator has shown increasing interest in the continent, despite an ongoing legal dispute over its operations in Djibouti. Last year, it signed an agreement with Mali to develop a logistics platform and with the Democratic Republic of Congo for the country’s first deep-sea port. Last month, DP World’s chief executive Mohammed Al Muallem told The National the company continues to see further potential for growth in Africa. The first phase of the Walvis Bay project will span a gross developed area of 50 hectares, expandable to up to 1,500 hectares. The economic freezone will provide businesses with development-ready land for industrial and logistics operations, pre-built warehouses and office accommodation, DP World said. The first phase of the zone has the potential to create 3,000 jobs and help Namibia attract investment of about $237 million (Dh870m), according to the statement. The expanded zone is expected to increase the potential investment to about $1.7 billion with up to 20,000 job opportunities. Developing Walvis Bay as a hub in southern Africa will boost Namibia’s trade flows with surrounding markets such as Angola, the Democratic Republic of Congo, Zambia, Zimbabwe, Botswana, Malawi and South Africa, DP World said, noting that Namibia is in a “prime location” on the Southern African Development Community (SADC) Corridor. Under the terms of its agreement, DP World plans to bring to the project its expertise in establishing and operating global ports, logistics parks and free zones integrated with railways and trucking. “Today’s [agreement] brings us a step closer to fulfilling Namibia’s vast trade and economic development prospects, and we look forward to benefiting from DP World’s global expertise and network in the areas of parks, economic zones, ports and logistics while creating synergies with our strong local footprint and industry reach,” Andre Olivier of Nara Namib said The national ae Qaran News
  3. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen inay dib usoo celiyeen xiriirkooda ayada oo kiiska maxkamadda ICJ ee badda uusan taasi wax saameyn ah ku yeelan. Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka wada shaqeyn karaan, islamarkaana aysan ahayn in khilaafka dhanka badda uu hor-istaago arrimo badan oo dan ugu wada jira labada dal. “Waa in aan qaadano waxyaabaha guud ee aan ka simanahay, intii aan ay dadku qaadan lahaayeen kala duwanaanshaha, waana sababta aan u hubo in arrinta Maxkamadda ICJ in aynan saameyn ku yeelaneyn xariirka laba geesoodka ah ee labada dhinac” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hadalka madaxweynaha ayaa beenin u ah war kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u muujiyey “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.” Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inaysan la yaabeyn in Monica ay qaloociso xaqiiqda kulanka, sababta oo ah horey ay marar badan sidan oo kale u samaysay. “Monica Juma dadka qoraalkeedu ku socdo oo ay la hadleyso waa shacabka Kenya, waxayna isku dayeysaa inay shacabka Kenya caawa ku seexiso niyad wanaag, marka waxay gudaneysa shaqadeeda.” Waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online. Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku lahayn soo celinta xiriirka labada dal iyo qodobadii lagu heshiiyey maanta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay rumeystaan dowladdooda oo aysan rumeysan Kenya. “Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu sheegtay inaysan marnaba wada-hadal ka geli doonin kiiska badda, ayna ku qanacsan tahay in lagu kala baxo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ). Dhageysiga dacwadda oo horey dib loogu dhigay laba goor ayaa hadda la waqtiyeeyey bisha June ee 2020, waxaana maxkamadda ay sheegtay inaan mar dambe dib loo dhigi doonin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  4. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-14112019-sax.mp3 View the full article
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirkooda. “Kiiskii badda wuxuu jirayaa maxkamadda ICJ, madaxweynaheenuna si cad ayuu u sheegay. Waxaana lagu heshiiyey in xiriirka labada dal lasoo celiyo ayada oo arrinta baddana aysan saameyn.” Ayuu yiri. Cawad oo wax laga weydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ee ah in Farmaajo ogolaaday in kiiska ICJ laga gaaro xal ay ku wada qanci karaan labada dal ayaa sheegay in taasi aysan jirin. “Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/d566dd46-87ed-43f9-ba09-16d9b4db07fb_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay kulankii dhex-maray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Qoraal uu Mahad Salaad soo dhigay facebook hoos ka aqriso Madaxweyne Farmaajo cid ka aqrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta Ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay! Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arrinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin. Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo. Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu Ummadda ku siro! Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne
  7. Presidents Uhuru Kenyatta and Somalia’s Mohamed Farmaajo have committed to safeguard Kenya-Somalia bilateral relations despite the divisive maritime dispute before the International Court of Justice. Foreign Affairs CS Monica Juma said in a statement on Thursday that President Farmaajo “expressed his confidence that the ICJ issue would be resolved in a mutually acceptable manner and not affect our bilateral relations.” They also restored issuance of travel visas on arrival arrangement for citizens of the two nations. Additionally, the two leaders agreed to restore direct flights from Mogadishu to Nairobi in a week. Uhuru met Farmaajo at his hotel, rather than State House, where he has been receiving other dignitaries. Uhuru met and discussed Kenya-Somalia relations on the sidelines of the ICPD25 summit that ended on Thursday. “They [Uhuru and Farmaajo] reaffirmed the invaluable relations between Kenya and Somalia as neighbours.” “The two principals agreed to bring normality to our bilateral relations and do everything to ensure peaceful relations including obtaining visas on arrival to encourage free movement of our people,” Juma said in a tweet. Farmaajo further expressed gratitude Kenya’s role in AMISOM and hospitality to Somali refugees. Mid last month, the ICJ for the second time this year postponed the maritime delimitation case to 2020, a move that was widely seen as a tactical and strategic move by Kenya to push for an out-of-court settlement. This was after Kenya’s Foreign Affairs CAS Ababu Namwamba met Somalia Prime Minister Hassan Khaire on October 2 in a follow up to the New York talks between Uhuru and Farmaajo. This was under the chairmanship of Egyptian President Abdelfatah Al Sisi, who is the AU chairman. The two leaders had met on September 24, but Somalia had insisted the rapprochement would not affect the ICJ case. Through Somalia Presidency’s director of communications Abdinur Mohamed, Mogadishu said they had agreed to work towards normalising relations without any implications for the maritime case at the ICJ. At the time, a Kenyan-Somali committee to negotiate the maritime border dispute was formed. The committee would start working towards “adopting measures for restoring confidence and resolving all problems so as to normalise bilateral relations”. External pressure cannot be ruled out of these developments. US Ambassador to Kenya Kyle McCarter just last month told a local daily that the dispute “has to be addressed quickly.” “We have been working to get President Farmaajo and President Kenyatta to come to the discussion table. I’ve been to Mogadishu to speak to the Somalia resident. I told him to pull off the court case,” Ambassador McCarter said.
  8. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-14112019-sax.mp3 View the full article
  10. Farmaajo iyo Uhuru Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa kulan ku qaatay magaalada Nairobi, waxayna iska xog-wareysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa id oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga dowladda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee dadweynaha iyo horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nairobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Kulanka labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya iyadoo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ay dhawaan dib u dhigtay xiiska muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in muranka labada dal lagu dhameynayo wada hadal, inkstoo dowladda Soomaaliya ay ku adkaysanayso Maxkamadda. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo kulmay, shir jaraa’idna wada qabtay appeared first on Puntland Post.
  11. MOGADISHU, SOMALIA - Ahmed Sabrie woke up to find his house half-submerged in fast-rising flood waters. Source: Hiiraan Online
  12. Kulan goordhow soo dhamaaday oo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay in labada dal iska afgarteen arrinta badda. Wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa barteeda Twitter-ka ku qortay in Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay sida uu uga rajo weyn yahay in kiiska badda ee maxkamadda yaalo lagu xaliyo qaab ay labada dhinac raali ka yihiin, oo aan saameyn xiriirka labada dal. Isla kulanka waxaa la sheegay in la fududeynayo socodka oo diyaaradaha toos uga degi doonaan Joma Kenyatta, fiisayaadha diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidkana lagu qaadan doono isla garoonka. Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya inuu jiray kula qarsoodi ahaa oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay dhexmaray labada Madaxweyne iyaga oo isla meel dhigay qodobada maanta la sharciyey iyo qaar la qariyey. Xiriirka labada dal ayaa aad u xumaa tan iyo February ee sanadkan, taasi oo keentay In Nairobi qaado talaabooyin waali ah, waxaase muuqato in Kenya ay aragtay isbadal dhanka Soomaalida. Goobj Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta magaalada Nairobi kula kulmay dhiggiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa qoraal ay soo dhigtay barteed twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u sheegay “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.” Sidoo kale, qoraal lasoo dhigay bogga madaxtooyada Kenya ee facebook ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo muujiyey inuu kalsoon yahay in “muranka badda ee u dhaxeeya labada dal oo hadda hor-yaalla maxkamadda ICJ lagu xalin doono hab ay labada dal ku wada qanci karaan.” Farqiga labada qoraal ee madaxtooyada Kenya iyo wasiirka arrimaha dibedda u dhaxeeyey ayaa ah kaliya in madaxtooyada tiri muranka-badda, halka Juma ay tiri kiiska ICJ, oo isku macno un ku dhamaanaya. Labada qoraalba laguma bixin wax faah-faahin oo ku saabsan waxa loola jeedo hab lagu wadi qanci karo, hase yeeshee Kenya ayaa muddo olole ugu jirtay in la gaaro xal labada dalba ay ku wada farxi karaan, oo ka baxsan maxkamadda. Kiiska maxkamadda ICJ ma noqon karo mid ay ku wada qancaan labada dal, sidaas darteed waxay u eg tahay inay jiraan arrimo kale oo aan weli sharaxaad laga bixin. Waxay sidoo kale sheegtay in la isku afgartay in kiiska ICJ uusan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal. Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dal ay isku raaceen in dib loo soo celiyo xiriirka labada dhinac, islamarkaana la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho. Villa Somalia ayaa sidoo kale sheegtay in la isla gartay in masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Qoraalka Villa Somalia laguma soo darin warka ay Kenya ku sheegtay in madaxweyne Farmaajo sheegay in kiiska ICJ lagu qancinayo hab ay labada dal ku wada qanci karaan. Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Madaxweynayaasha Kenyabiyo Soomaaliya ayaa kala saxiixdey Heshiis dhowr qodob ah kadib kulan ay maanta wada yeesheen labada dhinac. Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa kamid ah in [...] Source
  15. NAIROBI (HOL) - Somalia and Kenya Thursday agreed to restore diplomatic relations including reinstating direct flights to Nairobi and facilitating visa upon arrival. Source: Hiiraan Online
  16. Somalian President Mohamed Farmaajo has said the Kenya-Somalia maritime dispute issue will be resolved in a mutually acceptable manner. Foreign Affairs CS Monica Juma said in a tweet that President Farmaajo “expressed his confidence that the ICJ issue would be resolved in a mutually acceptable manner and not affect our bilateral relations.” Uhuru met Farmaajo at his hotel, rather than State House, where he has been receiving other dignitaries. Uhuru met and discussed Kenya-Somalia relations on the sidelines of the ICPD25 summit that ended on Thursday. “They [Uhuru and Framaajo] reaffirmed the invaluable relations between Kenya and Somalia as neighbours.” “The two principals agreed to bring normality to our bilateral relations and do everything to ensure peaceful relations including obtaining visas on arrival to encourage free movement of our people,” Juma said in a tweet. Farmaajo further expressed gratitude Kenya’s role in AMISOM and hospitality to Somali refugees. View the full article
  17. Wadahadal kasoo bilowday Adis Ababa bishii hore ee Oktobar ayaa hada lagusoo gabagabeeyey Magaalada Nairobi. Labada Madaxweyne ayaa waxay wada qaateen kulan socday mudo laba [...] Source
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa war kasoo saartay kulan Nairobi ku yeesheen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya. Uhuru Kenyatta. Hoos ka aqriso qoraalka. War-saxaafadeed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo ku soo booqday hooyga Madaxweynuhu uu ku degan yahay magaalada Nayroobi. Labada Madaxweyne oo iska xog-wareystay xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Gobolka, xiriirka labada dal iyo fursadaha iskaashiga ee labada shacab ee dariska. Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraaid oo ay wada jir u qabteen Madaxweyne Uhuru waxa uu uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya martisoorka iyo soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya ee ka qeyb galayey Shirka Caalamiga ah ee Dadweynaha iyo Horumarka ee Qaramada Midoobay. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in Dacwadda Badda ee taalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aysan wax saameyn ah ku yeelanin xiriirka wanaagsan ee labada dal, ayna Soomaaliya iyo Kenya ka dhaxeeyaan dano badan oo wadaag ah oo faa’iido u leh labada dowladood iyo labada shacab. Dhankiisa, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa ka qeyb galkooda shirka Nayroobi, isagoona tilmaay in ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee dariska ah. Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la fududeeyo isu-socdaalka labada shacab, dibna loo soo celiyo dulimaadyada tooska ah ee Nayroobi iyo Muqdisho, iyadoo masuuliyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda ay dal-ku-galka Kenya ka qadaanayaan goormada diyaaradaha ee dalkaas. Halkaan ka daawo Shirkii jaraa’id ee labada Madaxweyne
  19. Nairobi (SMN) – Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada hadallo ay Nairobi ku yeesheen goor dhow ku gaaray heshiis diblumaasiyadeed oo lagu soo celinayo cilaaqaadkii labada dowladood. Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa ka mid ah 1- Duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi in dib loo billaabo si deg deg ah, meeshana laga saaro garoonka Wajeer. 2-in la sii ambaqaado iskaashi labada dowladood Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in wada hadalladaan aysan saameyn ku yeelan doonin kiiska horyaalla maxkamadda ICJ ee dacwadda hadda. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee golaha wasiirrada. Golaha ayaa ansixiyay siyaasadda qaran ee qaxootiga soo guyo-noqonaya iyo barakacayaasha, xeer Nidaamiyaha qaran ee ka Saaridda dadka hoyga ama dhulka ay degganyihiin iyo baratakoolka ku Meel-gaarka ee qeybinta dhul hoy u noqda dadka muteysta ee qaxootiga Soo Guryo-noqonaya. Shirka golaha ayaa sidoo kale looga hadlay billaabidda wajiga labaad gurmadka fatahaada oo ka kooban, amniga guud ee dalka iyo howl-gallada lagu baacsanayo argagaxisa. View the full article
  21. Somali military court has today sentenced two al-Shabaab assassins convicts to death for the murder of five people in the Somali capital Mogadishu. According to the statement by the court, the convicts identified as Sadiq Abdijabar Hussein and Shueb Abdullahi Mohamed were found guilty of killing four soldiers and one civilian. Hussein was said to have killed Mohamud Hassan Ibrahim, a police officer in March 2019, while Mohamed was found guilty of killing four people including Abdullahi Ibrahim Hassan, Yusuf Abdullahi Mohamud, Abdi Ali Mohamud, and Hussein Moalim Ali Jilacow. The court also sentenced two others for being al-Shabaab members and attempt and conspiracy to kill a woman. The two, Ismail Aweys and Mohamed Osman Ahmed were to have fallen in the hands of the police after the plan to eliminate the woman failed. The court sentenced the two to life in prison. View the full article
  22. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka aheyd Mudane Cali Maxamed Geeddi uga tacsiyeeyey geeridii ku timid Alle ha u naxariistee hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow. Madaxweyne Farmaajo waxa uu u rajeyey walaalkiis Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan qoyska ay ka baxday marxuumaddu in uu Alle ka siiyo samir iyo iimaan, iyadana hooygeeda ka yeello Janatul Firdoows. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun, Waxaa na soo gaaray warka murugada leh ee ku saabsan geerida ku timid Alle ha u naxariistee, hooyo Kutubeey Maxamuud Barroow, Waxaan si guud murugada ula qeybsanayaa qoyskii iyo ehelkii ay ka baxday, gaar ahaan walaalkeey Raiisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi.” Madaxweynaha ayaa marxuumadda Alle u weydiiyey dambi dhaaf iyo in uu qabrigeeda uga dhigo beer janno, aakhirana kala yeelo safka shuhadada iyo addoomada Alle ee suubban. View the full article