-
Content Count
213,942 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Xildhibaan Nuur Siidow Baale oo ka mid ah Mudanayaashan golaha shacabka ayaa sheegay in dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan degmada Awdheegle ee gobolka Sh/Hoose. Sidoow oo ka mid ahaa Xildhibaano dhowaan booqday degmadaasi ayaa sheegay shacabka ku dhaqan halkaasi aysan heysan adeegyada aas aasiga u ah nolosha Aadamaha. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka iyo dowladda federaalka in ay caawiyaan dadkaasi. Awdheegle oo muddo ay heysatay Al-Shabaab ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada gobolka Shabeelaha Hoose ee K/Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/awdheegle.mp3 View the full article
-
Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 6aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa: 1. Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka(Batroolka) 2.Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi.Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad. Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa marsiiyay Golaha Aqalka Sare Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka). Guddomiyaha Aqalka Sare ayaa 28,Oktoobar 2019 ayaa si rasmi ugu gudbiyay Hindise-Sharciyeedka Shidaalka,(Batroolka) guddiga Kheeyraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalha iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare si waafaqsan si waaafaqsan Qodobka 45aad ee (1) ee xeer-hosadka Aqalka Sare. Ajanadaha 2aad ayaa ahaa Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Kulanka waxaa soo xaadiray 32 Senatar, Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Xuquuqda siyaasiyinta Doowlada. Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ku dhawaaqay natiijada codeeynta oo u dhacday sid tan; Tirad Ogaalatay 20, senatar, Tirada diiday 10 ,Senatar , Tirada ka amuusay 1, Senatar. Source: goobjoog.com
-
Despite Kenya securing Africa Union’s endorsement as a candidate for the UN Security Council non-permanent seat for the 2021-22 tenure, Djibouti is not relenting on its candidature. Source: Hiiraan Online
-
Somali President Mohamed Farmajo has signed into law the Revenue Management Bill as part of the country’s endeavors to improve revenue management and processes as well as enhance good governance and financial transparency. Farmajo said in a statement issued on late Sunday that raising and effectively managing domestic revenue is key to the country’s sustainable development and in the national economic reform journey. He said the Bill entailing revenue management is a law that is consistent with the modern revenue collection system. “The provisions under this Bill are important instruments in helping to raise domestic revenue and in defining the rights and responsibilities of the taxpayers as well,” he said. Farmajo who later held a meeting with the senior ministry of finance officials spoke on the dangers of corruption, emphasizing the government’s continued commitment and its zero-tolerance approach against corruption. The International Monetary Fund has projected Somalia’s economic growth to remain broadly stable at 2.9 percent in 2019 despite the difficult security situation in the Horn of Africa nation. The lender said the Somali authorities’ continued strong commitment to economic and financial reform is supporting satisfactory performance. View the full article
-
The first plane carrying aid to flood victims in the central Hiran Region after the Shabelle River burst its banks landed at the Beledweyn airport today 27 October. According to reports, the plane was also carrying members of the floods management committee set up by Prime Minister Hassan Ali Kheyre. Committee members will take part in the assistance efforts for thousands of people displaced by the floods. Hiran Region Administration Coordination Director Hawo Ahmed Rijal said the plane was carrying supplies of tents, utensils and other pieces of equipment for the flood victims, who are currently facing a humanitarian situation in Elgal area. Reports also indicate that more planes carrying aid are expected to arrive Beledweyn in the coming hours. The emergency assistance is being sent by the federal government and aid agencies to respond to the flooding. Hiraan regional administration says more than 50,000 families have been displaced by the floods in the region. View the full article
-
Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Finland ayaa ku dhawaaqday $ 8.9 milyan oo dheeri ah oo loogu deeqay Soomaaliya,iyadoo loo sii marsiinayo Bangiga Aduunka oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya. “Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaaran ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaarsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yiri Danjire Eric Landberg, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadad Finland. Sidoo kal, Danjire Eric Landberg, ayaa sheegay in Dowladda Finland ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira,islamarkaana ula jaanqaadi lahayd horumarka iyo dib u dhiska dalka. Hague Riedel, oo ah Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yiri “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya. “ Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel. Ugu dambeyn, taageerada maaliyadeed ee Dowladda Finland ay siiso Sanduuqa Bangida aduunka ayaa kordhin doonta maalgelinta lagu sameynayo Hay’adaha Dowladda iyo dib u dhiska Soomaaliya. Khuburo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada guud ee laga leeyahay taageerada dhaqaale ee Finland ay tahay in la xoojiyo awoodda gobolka ee lagu dhisayo hay’adaha Dowladda si loogu adeego Shacabka Soomaaliyeed. View the full article
-
Iska Jirka Shilalka ay sababaan Xoolaha iyo Xayawaanku sida Geella. Khatarka Geella ee sida Joogtada ah u Mara waddooyinka waxay Keenan Shilalkan faraha badan ee aynu Maalinkasta aragno waxa qayb ka ah Geella waddooyinka soo gala iyo xawaaraha aad ku socotid oo ah mid xad dhaaf ah. Maalin maalmaha kamida anigoo Hargeysa ka imid ayay igu dhacday anigoo gaadhi wadda ay Hal yari ka soo booday meelo kaymo ah ka dibna waxa Alle igu badbaadiyey waxay ahayd xawaaraha aan ku socday oo hooseeyay. Haddaba haddii aad safar gellaysid waxaan kugula Tallin lahaa. 1. In aad xawaare degan ku socotid, ugu badnaan 80KM. 2. Innaad markasta la socotid Xoolaha Waddooyinka soo dhex mara. 3. In wacyigalin la siiyo dadka Geelle iyo Xoolaha ku ag raaca Agagaarka Waddooyinka. 4. In Darawalku awood u leeyahay xakameynta Shookaanta iyo waddista Gaadhiga. Qodobka Labaad. Gawaadhida ku xumaata waddooyinka dhexdoodu waxay kaga tagaan dhagxaan iyo Waxyaalo kale oo ay iskaga dhigaan gawaadhida Soo socota taasna waxaan ka leeyahay:- 1. In haddii gaadhigaagu Waddada dhexdeeda ku xumaado aad isku daydid inaad parking uga baxdid haddii ay suurogaliweydana marka aad cillada ka saartid aad wixii aad dhigtay ka sii nadiifisid waddada. 2. In haddii aad aragtid dhagax ama taayir ama wax kale oo waddada dhex yaalla aad degtid oo aad ka qaadid haddii kale ay dhib u geysan doonnnaan Gawaadhida kaa dambeysa. 3. In aad markasta taxadir iyo xawaare dhexdhexaad ah ku socotid. 4. In haddii aanad hore ugu socon waddooyinkaad mareysid aad ka feejignaatid Qatarta xawaaraha badan. 5. In dawladdu degmo kasta dhigto gaadiidka jiida gaadiidka xumaada. Labadan dhib ee aan sheegayba waxay sababeen shilal dhimasho iyo dhaawacba leh haddii laga hor taggo waa bad-baadada Bulshadda. Sawirkani waa waddada u dhexeysa Burco iyo degmadda Sheekh. Rakad Mxd Sultan Berbera Farxaanmxd@gmail.com Qaran News
-
(SLT-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta buuxiyay xilal ka bannaanaa xisbigaasi. Halkan hoose ka akhris Source
-
Kooxda Dekedaha Football Club ayaa sanadkii saddexaad ku guulaystay horyaalka Somalia Premier League waxaana sanadahaas door wanaagsan kulahaa kabtanka naadiga naadiga Cabaas Amiin Maxamed. Ciyaaryahan Cabaas Amiin Maxamed waxa uu sabab ahaa hanashada horyaalka Somalia Premier League markii saddexaad oo xariir ah,ka dib markii uu naadigiisa u dhaliyay goolal ay u baahneed saddexdii fasal ciyaareed ee lasoo dhaafay waxayna maamulka kooxda u qireen in uu yahay halyeey guulaystay. Guddoomiye ku xigeenka naadiga Dekeddaha Football Club Maxamuud Nuur Waasuge ayaa Goobjoog u sheegay in ka maamul ahaan ayay aad ugu mahad celiyaan kabtan Cabaas Amiin iyo dhamaan xidigaha kale ee kooxda kubbadda cagta da’daalka iyo shaqada adag ay qabteen kol ciyaareedyadii lasoo dhaafay. Yuusuf Cali Nuur (Yuu-Cali) oo ah tabaraha kooxda Dekedda ayaa laacib Cabaas kaga mahad celiyay sida uu markasta isaga xil saaro marka ay kooxdiisa u baahantahay goolasha muhiim ay ku tiigsanayso koobabka. Xoghayaha naadiga Dekedda Cabdullahi Bashiir Kuwaataro ayaa xirfdyahan Cabaas Amiin ku qeexay halyayadii soo maray naadiga Badda xiligii barisamaadka ee kaalinta wanaagsan soo qaatay guulaha. Ciyaaryahanada iyo taageerayaasha naadiga Dekedaha ayaa qudhooda bogaadiyay da’daalka iyo goolasha muhiimka uu saaxiibkooda kabtan Cabaas Amiin Maxamed u dhaliyay saaddexdii fasal ciyaareed laga soo gudbay,iyagoo u rajeeyay in uu sii sameeyo horomaro kale oo waaweyn sanadaha soo socda. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Doorkii Uu Kabtan Cabaas Kulahaa Kooxdiisa Dekedda Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) -Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Duhur-28102019-fff.mp3 View the full article
-
Bu’aale (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirasn gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn ka geesteen xaafado ka tirsan degmooyinkaasi. Duqeymaha ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday laba xarun oo mid kamid ah aheyd goob ay Al-Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada waa-weyn iyo xarun ciidan, sida ay soo sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amaanka. Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymihii xalay dhacay ay ka dhasheen khasaare dhimsaho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan soo bandhigi doonaan. Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa in kabadan 7 gantaal islamarkaana ay arkeen holac ifaya kaas oo la sheegay in si weyn looga dareemay degmooyinkii la weeraray. Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee milateriga ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Bu’aale ay ku beegsadeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray oo ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku soo weeraraan magaalada Muqdisho iyo fariismo ciidan oo ku yaala Shabeellada Hoose. Lama oga diyaaradaha duqeynta geystey heybtooda waxaana soo badanaya beegsiga xaruumaha muhiimka ah ee Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa ku dhawaaqday inay $ 8.9 milyan deeqay Soomaaliya, iyadoo loo sii marinayo Bangiga Adduunka. “Waxaan ku qanacsanahay horumarka ballaadhan ee lagu sameeyay hay’adaha kala duwan ee Dowladda Soomaaliya iyo dib u habeynta la sameeyay tan iyo 2012, laakiin caqabado badan ayaa jira, gaar ahaan xaqiijinta gaadhsiinta adeegyada meelaha ugu liita” ayuu yidhi Danjire Eric Landberg, oo ah Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Finland. Sidoo kale, Danjire Eric Landberg, ayaa sheegay in Dowladda Finland ay ka go’an tahay in Soomaaliya ay ka caawiso sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha jira, islamarkaana ula jaanqaadi lahayd horumarka iyo dib u dhiska dalka. Hague Riedel, oo ah Agaasimaha Xafiiska Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa yidhi “Finland waxay weli tahay la-hawlgale muhiim u ah Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya. “Taageerada cusub ee Xukuumadda Finland waxay noo suura galineysaa inaan sare u qaadno taageerada awoodda Dowladda si loo hagaajiyo adeegyada muhiimka u ah Soomaaliya, Finlandna door muhiim ah ayey ku leedahay qaabeynta jihada Sanduuqa,”ayuu hadalkiisa ku sii daray Hague Riedel. Source
-
(SLT-Hargaysa) Shirakadda Dhaweeye oo Abaalmarisay Shaqaalihii Iyo Darawaladii Ugu Mudnaa. Munaasibad lagu abaal marinayay macaamiisha ku xidhan shirkada dhaweeye iyo darawaliinta shirkadaasi ayaa lagu qabtay magaalada hargaysa. Munaasibadan oo maamulka sare Ee shirkada dhaweeye soo qaban qaabiyeen ayaa ahayd mid lagu muujiyanayo muhimada shaqaalaheeda iyo macaamiisha ku xidhan Munaasibada abaal marinta ah waxa ka soo qayb galay wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland maxamuud xaasho wasiirka shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada hinda gaani Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland ahmed yaasiin Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland sahal maxamed Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland Dhamaan masuuliyiintan ayaa ku dheeraday adeega dhaweeye iyo faa,idooyinka uu bulshada ku dhaqan somaliland u hayo waxa ayna ka markhaati kaceen in xiligii ugu haboona adeegani dalka yimi isla markaana ka shaqeeyay Wasiirka Shaqo gelinta iyo arrimaha bulshada ayaa ka hadashay doorka ganacsiga ee hablaha iyo faa,idada shirkada dhaweeye u leedahay shacabka somaliland “Awal hore ganacsatadu xaga raga ayay u badan jirtaye hada xaga hore in dumar dhalinyaro ah fadhiyaan aad baan ugu faraxsanahay waxaan qabaa sadex shay oo dhaweeye leeyahay in umadeena oo dhami u baahan tahay Marka kowaad dhanka shaqo abuurka ganacsigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha shaqo abuurka keena Marka labaad waxa ay door wanaagsan ka qaateen amaanka waddanka qaybta u danbaysa sidii loo helay dhaweeye waxaan qabaa in la helay gacan aamin ah” Wasiirka Shaqo gelinta Marwo Hinda Gaani Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland ahmed yaasiin ayaa isna ku dheeraaday kaalinta uu bulshada ugu jiro adeega dhaweeye “Waxa dhaba in adeega dhaweeye aanu ka shaqayn Karin meel aan dawladnimo kala danbayn iyo midnimo aan lahayn Waxaan aad ula dhacsanahay ikhtiraaca cusub ee maamulka shirkada dhaweeye la yimi oo ah mid caalamka casriga ah la jaanqaadaya” Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland ayaa sheegay inuu shirkada dhaweeya aad ugu jecel yahay doorkeeda amaanka “Anigu waxaan aad ugu jeclaystaa amaanka meel kasta oo qof la geynaayo haduu helayo meel uu ku amaan helayo oo naftiisi iyo maalkiisi ba amaan ku helayo wax ka wanaagsan ma jiraan shirkada dhaweeye waa wax marka aad dalbato ba aad helayso waxaan leeyahay adeeg wanaagsan baa soo kordhiseen maamulkii shirkadan hal-abuurkooda dalka keenay”Wasiir ku xigeenka wasaarada gaadiidka somaliland Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland ayaa isna ka markhaati kacay kaalinta dhaweeye kaga jiro amaanka iyo hufnaanta shaqo “Dhaweeye wuxu ka shaqeeya amaanka waa adeeg xiliga doonto helayso waana hal-abuur cusub ee dalka shaqaale badan ka faa,idaysteen inay ka shaqeeyaan” Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga somaliland Ugu danbeyn waxa munaasibada shirkada dhaweeye ka hadlay wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi cabdi oo ku dheeraday qiimaha adeega dhaweeye “waxaan ka markhaati kacaynaa in adeegani bulshada ku soo kordhiyay wax weyn oo ka maqnaa adeeg kasta oo bulsho u yimaada waxa uu samayn ku yeesha siday ay bulshadu ugu baahan tahay kuma yeesho saamayn faa,idada adeegu doonayo waayo cida ka jawaabaysaa waa bulshada waxaan leeyahay adeegani wuxuu ahaa mid loo baahna horumarka wadankana qayb ka qaadanaya Faa,idooyinka faraha badan ee gudoomiyuhu ka waramayay ama farax ka warramaysay dartii ayaynu u danaynaynaa berigii aan wasiirka duulista ahaa waxaan xasuustaa sidaan dhaweeye ugu baahnayn dad baa qurbaha kai man jiray oo garoonka ka soo dega waxay u baahan yihiin gawaadhi qaada waxaa nagu soo noqon jirtay cabasho ah gaadhigii I qaaday lacag badan buu iga qaaday 100 doler 200 oo doler marka uu dhigo ayaa ugu danbaysa waayo qofkani qurbaha ayuu ka yimi nidaamka wadanka waxba kalama socdo waxaa iman jiray alaabta uu kaga tago inuu waayo waxaa iman jiray gaadhiga oo jidka kaga jaba dawladuhu hal-abuurka lacag ayay ku bixiyaan waan bogaadinayaa dhaweeye” Wasiirkii Hore madaxtooyada somaliland maxamuud xaashi Munaasibadan abaal marinta macaamiisha dhaweeye iyo darawaliinta gaadiidka shirkada ayaa la gudoonsiiyay hadyado kala duwan oo isugu jira mobile iyo hadyado kale oo qaali ah waxaana macmiisha shirkadu la dhacsanaayeen qaabka shirkadu u danaynayso isla markaana abaal marinta ugu garatay Maamulka shirkada dhaweeye ayaa sidoo kale fariin farxad ah u gudbiyay shacabka somaliland waxaana ay sheegeen in adeega shirkadu u haysay macaamisha dalka ay qiimo dhimis ku samaysay isla markaana hada laga dhigay 4000 kun oo shilinka somaliland ah Source
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ku guuldaraystay olole ay ku doonayeen in qof ka soo jeeda Djibouti ama Soomaaliya loo magacaabo xoghayaha fulinta ee urur goboleedka IGAD. Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa wuxuu watay in Dr. Cabdisalaan Hadliye oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, balse aaminsan mabda’a federaalka loo magacaabo xoghayaha fulinta ee IGAD, halka uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele isna watay in jagadaas loo magacaabo siyaasi ka soo jeeda Djibouti oo uu soo xulay. Hase yeeshee Raysalwasaaraha Itoobiya oo hadda haya guddoonka urur goboleedka IGAD ayaa wuxuu xilkaas u magacaabay Dr. Workeneh Gebeyuhu oo hore u ahaa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, waxaana halkaas ku soo afjarmay dedaaladii Madaxweyne Geele iyo Madaxweyne Farmaajo. Dr. Workeneh ayaa wuxuu xilka kala wareegayaa Maxbuub Macalin oo ka soo jeeda dalka Kenya. Waxa kale oo ay warar diblomaasiyadeed sheegayaan in uu Dr. Abiye guddoonka IGAD ku wareejin doono Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata oo si aan toos ahayn la iskula gartay shir madaxda IGAD ay Addis Ababa ku yeesheen inuu qabto guddoonka kursiga IGAD ee wareega. Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu qoray in Djibouti ay dareemayso in IGAD ay 11 kii sannadood ee u dambeeyay isku wareejinayeen Kenya iyo Itoobiya, waxaanu dalka Djibouti ku cabanayaa in Itoobiya iyo Kenya ay iska bahaysteen dalalka kale ee gobalka siyaasad ahaan oo ay la wareegeen maamulka IGAD. Djibouti iyo Kenya ayaa waxa soo dhex galay khilaaf ku saabsan kursiga golaha ammaanka ee Afrika oo ay si weyn ugu tartameen iyadoo Kenya heshay kalsoonida Midowga Afrika. Soomaaliya iyo Kenya ayaa iyaguna waxa ay isku seeganyihiin xuduudka badda iyadoo ay maxkamadda caalamiga ah taalo dacwad u dhaxaysa labadaas dal. Dadka falanqeeya siyaasadda gobalka Geeska Afrika ayaa saadaalinaya in khilaaf soo kala dhex geli doono madaxda IGAD, haddii aanu Raysalwasaaraha Itoobiya ku guulaysan dedaalo uu doonayo inuu ku dejiyo xiisadan, waxaanu dhawaan Dr. Abiye socdaal ku tagay dalka Djibouti si uu u dejiyo dareenka Madaxweyne Geele ka qaatay arrinta IGAD. Geeska Qaran News
-
Federation of Somali Journalists condemns in the strongest possible terms the brief arbitrary arrests of five journalists covering demonstration by Somali police on Sunday,27 October 2019 in Mogadishu. Journalists Farhan Mohamed Hussien ,Yonis Durraan Ali and Yahye Olad of Kulmiye radio ,Ali Aden Mumin from Goobjoog and Ahmed Ali Barre from Uinversal TV were arrested while covering agravatted demonstrators who took to some streets in Mogadishu on Sunday . The Protesters who were drivers of civilian buses have been complaining about additional taxation imposed by the federal government on them and an increased road blockage that affected their day-today work. Governnment police have closed KM4 and Zobe junctions and dispersed the demonstrators. additionally, the troops detained some bus drivers. Journalists who spoke to FESOJ after their release told that they were forced into a police car while conducting their normal work, some experienced torture and damaged & lost equipment and were arrested in Howlwadaag district police station for about an hour The journalists were released unconditionally after the intervention of Mogadishu Mayor Omar Flish who ordered the journalist to be released as quickly as possible. “We firmly condemn this police crackdown, which did not spare journalists who were just doing their job, said Mohamed Ibrahim Moalimuu, the Secretary-General of Federation of Somali Journalists (FESOJ) . We call on police chiefs to respect, and ensure that their personnel respect, the work of journalists during demonstrations and the press should be allowed to cover this period of national importance without fear of retaliation.” Moalimuu added FESOJ thanks the Mayor of Mogadishu Omar Mohamed Mohamud “Filish” for his understanding and for his quick order to the release of journalists. It is a good sign that some government officials are sympathetic to journalists when faced with illegal detention.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta gudaha magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay saraakiisha ciidamada AMISOM ee ka howgala deegaanada maamulkaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa Sheekh Shaarkir ku wehlinayey wasiirka wasaaradda amniga Galmudug, Mudane Saadaq Sheekh Yuusuf, iyadoona diirada lagu saaray xaaladda guud ee maamulkaasi, gaar ahaan tan magaalada Dhuusamareeb. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu Sheekh Shaakir saraakiisha AMISOM oo uu hoggaaminayey isku xiraha AMISOM iyo Galmudug, Kabtan Cabdullaahi Sheekh Xuseen uu ka dalbaday in aysan ku lug yeelan arrimaha siyaasadeed ee maamulka Galmudug, gaar ahaan xiisada u dhexeysa dowladda iyo ururka Ahlu Sunna Waljamaaca. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in kulankan lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, sida ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida ay isaga kaashan lahaayeen howlaha amni xaqiijinta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda halkaasi. Saraakiisha AMISOM ee madasha ka hadlay ayaa ballan qaaday inay qaadan doonaan kaalintooda, islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loogu guuleysan lahaa amniga, si loo qabto doorasho xalaal ah oo dhaba cusub u xaartay Galmudug oo loo dhan yahay. Kulanka ay wada qaateen madaxa xukuumadda Galmudug iyo AMISOM ayaa ku soo aadayaa, iyadoo dhowaanahan xiisad u dhexeysay ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ay ka taagneyd Dhuusamareeb, kadib markii ciidamadu dowladda ay rasaaseeyeen Sheekh Shaakir, walow markii dambe laga heshiiyey xiisadaasi. Galmudug oo dhowaan galeysa doorasho ayaa waxaa hareeyey khilaaf xoogan oo ka dhashay guddiga farsamada, kadib markii ay isku fahmi waayeen dowladda iyo Ahlu Sunna.
