Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Isimada Bari Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay madaxda PDG iyo dowladda. Kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey isimada gobolka Bari la yeesheen masuuliyiin ka tirsan dowladda, madaxda shirkadda PDG iyo saraakiishii hogaaminayey ciidamadii Carmo ka yimid ayaa ugu dambeyn is fahan laga gaaray. Arrinta ugu weyn ee laysku afgartay ayaa ah in ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo ay dib u laabaan iyo sidoo kale in wada hadal lagu dhameeyo khliaafka sababay arrintan. Sida ay ogaatay PUNTLAND POST berri oo Sabti ah waxaa degmada Carmo dib ugu laaban doono ciidamadii uu hoggaaminayey Ciise Yulux ee Arbacadii la soo dhaafay soo galay Boosaaso. Ciidamadan oo Daraawiish iyo maleeshiyo beeleed isugu jira waxaa sii galbin doono isimada iyo masuuliyiin, si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo. Arrintan ayaa meesha ka saaraysa cabsi laga qabay dagaal ka dhaca magaalada Boosaaso oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayeen ciidamo. PUNTLAND POST The post Boosaaso: Ciise Yulux oo dib ugu laaban doona Carmo appeared first on Puntland Post.
  2. Paris (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sanadkan ka qeyb galay Madasha Nabadda ee Paris intii u dhaxeysay 11-13 bishan November madasha guddoonsiiyay Summadda Booliska Soomaaliya. Madasha ayaa sanadkan ka codsatay dhammaan madaxdii ka soo qeybgashay in ay dhigaan summado dalalkooda lagu xasuusto, taa oo qeyb ka ah aasaaska maktabad xuuseed u gaar ah madshan lagu gorfeeyo xal u helidda dhibaatooyinka dunida ka jira. Ra’iisul Wasaare Khayre oo dhigaya summadda Booliska Soomaaliya matxafka cusub ayaa yiri “Waa astaanta iyo summadda Booliska Qaranka Soomaaliya, askari kasta wuxuu ku wataa madaxa, maxaa yeelay waa astaan nabadeed.” Khayre ayaa intaas raaciyay “xayawaanka summadda u ah booliskeena laftiisa waa xayawaanka ugu nabadda badan, taasina waa sababta marka la dhawrayo amniga iyo kala dambeynta, booliska dal kasta u matalaan, waxaana u gartay inuu yahay shay macno ku fadhiya inaan idin keenno.” Summadan ayaa Soomaaliya lagu xasuusan doonaa, iyada oo ka qeyb galayaasha madashan oo sanadkan kasta ku dhow toban kun oo qof oo daafaha dunida iskaga imaanayo ay daawan doonaan. Halkan ka daawo
  3. Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Itoobiya, Marwo Sahle-Work Zewde ayaa waxay waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoontay Danjiraha cusub Somaliya ee dalkaasi, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey). Madaxweynaha Itoobiya ayaa waxay Danjiraha Somaliya ku qaabishay Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Addi Ababa, halkaasoo ay uga guddoontay waraaqaha lagu soo casuumay. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa wafdigiisii ka mid ahaa Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Puntland. Camey ayaa la shaqeeyay Dowladda Somaliya, xilligii kala guurka ee Maamulkii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyadoona ay tallaabadaasi ku kala fogaadeen Madaxweyne Gaas. Taasi ayaa waxaa loo maleynaya inay sahashay qorshaha Villa Somalia ugu magacawday Camey inuu noqdo Danjiraha Somaliya u fadhin doono Dalka Itoobiya.
  4. Xukuumada Puntland iyo Isimada Gobolka Bari oo aan u kala harin ayaa tan iyo shalay waxay ku mashquul sanaayeen sidii loo dhaweyn lahaa Xasaradii ka [...] Source
  5. Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark waxay ka tacsiyeynayaan Geerida ku timid Marxuum Xaaji Cabdiqafaar Jamac Farax Khatal oo saaka ku geeriyooday Dalka Denmark. Waxaa sigaara tacsi [...] Source
  6. Shacbiga Puntland waxaanu ugu bishaareynaynaa in ay guul ku dhamaatay Xasaradii uu Cadowga Puntland buunbuuniyey ee laga sheegaayey Magaalada Bosaaso Deeqa. Waar sow Sagaaro nama [...] Source
  7. Johannesburg (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Filish oo la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka South Afrika ayaa shaaca ka qaaday in laga hortagay qarax la mid ah kii lagu dilay Injineer Yariisow oo isaga lala damacsanaa. Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in hay’adaha amniga ay qabteen agaasime ka tirsanaa gobolka Banaadir oo qarax ka fulin lahaa xarunta gobolka, kaasi oo markii dambe qirtay qorshihiisa. Cumar Filish ma auusan shaacin magaca agaasimaha, goorta la qabtay iyo halka uu ku dambeeyey midna. “Sida aad la socotaan qaraxii gobolka waxaa fulisay agaasime ka shaqeeneysay gobolka, hase yeeshee waxaa markaan aniga xafiiska imid sidoo kale la qabtay agaasime kale oo qorshahaas camal damacsanaa.” Ayuu yiri Cumar Filish. Qaraxii xarunta gobolka Banaadir oo dhacay 24-kii July ayaa waxaa fulisay gabar araga la’eyd oo loo yaqiin Basiira Cabdi Maxamed, balse magaceeda runta uu ahaa Maryan Cabdi. Basiira ayaa ahayad agaasimaha naafada gobolka Banaadir. Hoos ka daawo muuqaalka Cumar Filish oo arrintaas ka hadlaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdkariim Xuseen Guuleed ayaa baaq kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka uu hadda ku jiro. Guuleed ayaa si gaar ah farriin ugu diray xukuumadda iyo baarlamanka iyo xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jiro, isaga oo mid walba si gaar ah ugala hadlay waxa la gudboon. Hoos ka aqriso qoraalka Guuleed.
  9. Officials from Turkey and Somalia met on Friday in Mogadishu to discuss crucial issues concerning the two countries. Source: Hiiraan Online
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa Qaramada Midoobey waxaa ay u gudbiyeen qoraal ashtako ah oo ka dhan ah faragelin ay sheegeen in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo aan kamid aheyn AMISOM ay ka wadaan Gobolka Gedo. Qoraalka oo loo diray wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan kuna saxiixan yahay wasiiru dowlaha madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac ayaa lagu sheegay in Itoobiya xadgudub ay ka sameysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo. Waxaa warqadda lagu sheegay in ciidamada Itoobiyaan khafaasheen guddoomiyeyaasha saddex ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay dooneyso in Gobolka Gedo in uu ku dhawaaqo in uu ka go’ay maamulka Jubaland, taasina ay mas’uul ka tahay dowladda federaalka. Jubaland waxa ay sidoo kale sheegtay in Itoobiya ay isku dayeyso in dhammaan taliskii ciidamada ammaanka Jubaland ee gobolka Gedo ay ku wareejiso dowladda federaalka. Jubaland ayaa ka digtay cawaaqib xumo ka dhallin karta haddii uu hir-galo qorshaha ay waddo Itoobiya. Hoos ka akhriso qoraalka maamulka Jubaland
  11. This summary is done by Mahad Wayah: According to the panel of experts on Somalia, Al-Shabaab remains the most immediate threat to peace and security in Somalia. Al-Shabaab manufactured its own home-made explosives for the first time in History. Al-Shabaab has infiltrated both private and public institutions and taxes throughout central and southern Somalia. for the last 10 years, Ethiopian State-owned Metals and Engineering Corporation sold weapons and ammunition to every regional administration in Somalia. Federal Government and member states commit Violations against civilians, Elections and financial irregularities. FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA AND IT’S MEMBER STATES: Elections: Southwest, Jubaland and Puntland held elections. the electoral process was marred by accusations of bribery, with members of the South-West State regional Parliament receiving between $20,000 and $30,000 to elect a preferred candidate. The Panel also obtained evidence that, prior to the South-West State election, several hundred thousand dollars were transferred to a South-West State cabinet official by a Federal Government financial clerk. In the south west elections, the Federal Government is accused of providing political and financial support to its preferred nominee, Abdiaziz Mohamed “Laftagareen which become the president elect. The security forces killed 15 civilians demonstrating the arrest of Mukhtar Robow, one of the candidates. Prior to the election, prominent South-West State Minister received transfers and South-West State Members of Parliament were given $20,000 to $30,000. In the Jubaland elections, tensions erupted between Kenya and Ethiopia over the support by Kenya for incumbent President of Jubaland Ahmed Madobe. The Federal Government, international community and some local stakeholders expressed concerns over the process. FINANCE: Although significant progress made by The Federal Government in the public financial management but still corruption and financial mismanagement reported, for example An investigation by the Panel uncovered financial irregularities within the Somali Civil Aviation and Meteorological Authority in relation to the collection of air navigation charges, in which the Authority wrote off a $5.8 million debt owed by Jubba Airways Limited without collecting the funds from the airline. Al-shabaab generate domestic revenues through the “taxation” of all aspects of the Somali economy, taxing imports into Mogadishu port, mobile money and domestic banking services to and transfer revenues throughout the country. Al-Shabaab routinely taxes trade, livestock and agricultural production through a series of checkpoints throughout central and southern Somalia, enforcing compliance through the threat of violence. domestic production of charcoal is ongoing, stockpiles at Kismayo and Buur Gaabo stood at 600,000 to 900,000 bags with a wholesale industry value of approximately $30 to $45 million. SECURITY SECTOR: Federal Government and federal member state police and military actors also committed violations against civilians. six men suspected of being a member of Al-Shabaab, executed in the town of Bardera, Gedo region. Puntland Security Force, a United States-trained and -supported counter-terrorism unit committed acts of torture and inhumane and degrading treatment “the Panel identified several areas of concern regarding the prosecution of terrorism cases, including those of children, through Puntland’s military courts, such as the use of confessions extracted under torture, lengthy pretrial detention, decisions issued without explanation, arbitrary sentences and limited rights to appeal”. Puntland remains the primary entry point for illicit arms into Somalia. There were more than 20,000 federal member state forces that did not fall under Federal Government command and control structures. Federal Government forces failed to fill vacuums left by AMISOM such as Leego, Bay region, as well as the lack of adequate holding forces by the Federal Government of Somalia to secure the main supply routes. The Panel of Experts currently assesses that it is unlikely that the envisaged AMISOM withdrawal will be possible by 2021. The Somali National Army captured the Lower Shabelle towns of Sabiid, Anole, Barire, and Awdheegle from Al-Shabaab – with assistance from AMISOM and the United States military – during the period from April to August 2019. Ethiopian-backed militant Sufi group established in 1991, integrated into the federal security forces. ALSHABAAB THREATS: Al-Shabaab remains the most immediate threat to peace and security in Somalia. According to the panel of experts on Somalia, Since July of 2017, Al-Shabaab manufactured its own home-made explosives for the first time in History. The manufacture of home-made explosives means that the group may now have access to far more readily available inputs for the construction of such devices. Al-Shabaab’s infiltration of Federal Government institutions reached high. The terror group still remains capable of carrying out conventional attacks against both Federal Government of Somalia and African Union Mission in Somalia (AMISOM). Al-shabaab still controls large territory, Al-Shabaab maintains direct control or influence in Somalia and cut off main supply routes and effectively isolate AMISOM- and government-controlled pockets. Jilip is the capital city of Al-shabaab, controls most of the Juba Valley, including the major urban centers of Bu’ale, and Sakow. Kunyo Barrow in Lower Juba is the headquarters of Al-Shabaab’s finance department, and likely contains a significant proportion of the group’s physical cash reserves. Al-Shabaab has carried out at least 11 improvised explosive device attacks in Somalia using home-made explosives. From July 2018 to July 2019, Al-Shabaab carried out 548 improvised explosive device attacks in Somalia, compared with 413 over the corresponding period the previous year, an increase of 32 per cent. There was also a 36 per cent increase in improvised explosive device incidents in Banadir region, which includes Mogadishu, over the same period. Al-Shabaab has infiltrated Mogadishu’s port institutions as well as commercial shipping agents operating in the city. Consequently, Al-Shabaab has obtained access to cargo manifests, which detail the nature, value and ownership of imported goods. all imports into Mogadishu port would from that point on be subject to Al-Shabaab taxation. Al-Shabaab demanded that Mogadishu businesses declare all imports to the group’s finance department prior to import, warning that all declarations would be corroborated by cross-referencing cargo manifests. the group’s court at Tortoroow resolves land disputes in Mogadishu mostly and have an ability to enforce its judgments because the state court is costly and corrupt. The Panel’s investigation into al-Shabaab attacks also revealed an expansive and well-resourced Al-Shabaab network in the region. ISIS: December 2018, Somali national and ISIL affiliate Omar Moshin Ibrahim, also known as Anas Khalil, was arrested in Bari, Italy, in connection with a planned attack on the Vatican and other targets in Italy, The Vatican plot represents the first instance in which ISIL elements in Somalia were directly linked to an attempted terrorist attack outside the country. FOREIGN SUPPORT: The Panel of Experts has obtained evidence that the Ethiopian State-owned Metals and Engineering Corporation – an engineering and arms manufacturing company based in Addis Ababa – systematically violated the arms embargo over the course of at least a decade. viewed Puntland and Somaliland as “sovereign states”, weapons and ammunition to every regional administration in Somalia, including at the district level. approximately $3.1 million and comprising 4,600 AK-pattern rifles, over 2 million rounds of AK-pattern ammunition, over 600,000 rounds of PKM ammunition, and over 70,000 rounds of 12.7mm ammunition, amongst others. On 19 August 2019, Jubaland authorities forcibly prevented the landing of an aircraft carrying Ethiopian representatives at Kismayo airport, resulting in an armed standoff between Kenyan and Ethiopian troops at the airport. Kenya pro Ahmed Madobe while Ethiopia back the federal government. The Jubaland election still a standing issue. The panel of experts report on Somalia give an in-depth analysis about the situations on the ground and full of open-source intelligence that one can learn more about what’s being hidden from the public. https://undocs.org/S/2019/858 Summary done by Mahad Wayah Mahadhassan045@gmail.com
  12. Boorama (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse Biixi, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah. Mas’uuliyiinta Somaliland oo gacan ka helaya Aqoonyahan iyo Oday dhaqameed ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa ku guulaysatay inay soo afjarto kooxdaasi, isla markaana ay heshiis wada gaaran. Jabhada iyo Mas’uuliyiinta oo si wada-jir ah ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wada-hadal kadib ay isla qaateen in la soo afjaro xiisada coladeed ee ka dhex taagneed. Waxa sidoo kale la isku afgartay in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay dusha ku qaadato dhamaan tabashooyinka ay qabto Jabhadaasi, isla markaana laga howl-galo sida ugu dhaqsaha badan. Xukuumada Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay isa soo tarayey Jabhadaha lagaga dhawaaqayey, kuwaasi oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
  13. Nairobi (SMN) – Dowladda Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah waxay soo dhoobtay sohdinta 500-KM ah oo ay la wadaagto dalka Soomaaliya. Warar ay heshay idaacadda Shabelle ayaa sheegaya in ciidamada ay gaaf-wareegayaan tuulooyinka waaweyn ee ku dhow xadka. Dadka degaanka ayaa sheegaya in askarta oo wata gaadiidka dagaal ay su’aallo waydiinayaan dadweynaha. Ma cadda sababta ka dambeysa arrintaan. Balse waxaa lagu macneeyay in ay salka ku hayso cabsi laga qabo weeraro Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa gudaha Kenya ka fulineysa weeraro dhimasho badan sababa tan iyo markii ciidamada Kenya soo galeen Soomaaliya. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya. War laga soo saaray Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya. Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda. Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad. View the full article
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Taliye Ku-xigeenka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Waxaa soo dhowayn u sameeyey Saraakiisha Ciidammada Qalabka sida Qaybaha Booliiskuna ugu horeeyaan ee ka Howlgala Galmudug. Mr Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in socdaalkiisu daaran yahay xaqiijinta ammaanka iyo soo celinta xasiloonida. Taliyaha ayaa tilmaamay in uu la kulmi doono saraakiisha isla markaana ku tartarsiin doono in ay xoojiyaan howlgalada amni sugitaanka. Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhowaan ka qabsoonto doorashadda madaxweynaha Galmudug, taas oo ay u taagan yihiin dhowr murashax oo caan ka ah goboladaas. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada mucaaradka ayaa qoraal uu bartiisa facebook soo dhigay uga jawaabay xogtii uu wasiir Cawad ka bixiyey kulankii Farmaajo iyo Uhuru, isaga oo sidoo kale soo bandhigay xog uu sheegay inuu kulanka kal helay. Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka. Is-hafridda wasiir Cawad iyo natiijadii ka soo baxday kulankii madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya iyo tilaabooyinka xigi doona! Xalay waxaan dhagaystay waraysi Wasiirka Arimaha Dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad uu siiyay VOA ee uu leeyahay hadalka Wasiirka Arimaha Dibeda Kenya ha rumaysanina ee midkeyga rumaysta. Wasiir waxaan ku su’aalay: Wafdiga Madaxweynaha ee Nairobi tagay kama aadan mid ahayn. Shirka labada Madaxweynena Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya waa joogtay, adiguna waad ka maqnayd oo Xamar ayaa lagaaga tagay. Marka labadiina yaa xog ogaal ah oo warkiisa la rumaysan karaa? Sxbkey Wasiir Cawad waxaan kugu aqaanaa nin ikhiyaar ah, ixtiraam badana waan kuu hayaa, waxaan kugula talin lahaa khiyaano iyo danbi dad kale galeen in aadan adigu dusha u ridan! Dhanka kale waxaan rabaa inaan halkaan idinkula wadaago sida wax u dhaceen iyo halista ku gadaaman arinta dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya. Sida aad la socotaan waxaa jiray wada hadallo mudo soo socday, natiijadooduna soo ifbaxday markii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya Mahdi Guulleed soo aqbalay dib dhiggida dacwada Badda ilaa Juun 2020. Arintaan waxaa xigi doona dowlada Kenya oo geysa Maxkamada ICJ maxdarkii (minutes) shirkii magaalda Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru ee Madaxweynaha Soomaaliya ku oggolaaday in arrinta Badda lagu xalliyo habraac ay raalli kawada yihiin labada dal sidaasna kiiska Badda looga soo celiyo Maxkamada ICJ. Nasiib daro waxaa Goobjoog ka ahaa shirkaan Farmaajo iyo Uhuru wada galeen saraakiil sarsare oo ka socday wadamo dhowr ah, soona qabanqaabiyay kulankaan markiisii hore, ujeedada ay u joogeena ay ahayd in ay marqaati ka noqdaan waxa labada Madaxweyne ku heshiiyeen, si hadhow Madaxweyne Farmaajo uusan u inkirin wixii lagu heshiiyay! FG: Shirka shalay galab ka dhacay hotelka Madaxweyne Farmaajo deganyahay waxaa jiray shir ka horeeyay oo ka dhacay Madaxtooyada Kenya heshiiskana lagu soo gaaray. Waana midka saraakiisha ajnabiga ah ay joogeen. Hon. Mahad Salad
  17. A small local health centre has been trying to cope with an outbreak of diarrhoea among villagers hit by recent flooding in central Somalia’s Mudug region. Source: Hiiraan Online
  18. Masar (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Salaad (Oomaar), ayaa Magaalada Elexandria ee Dalka Masar kaga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaadiidka Dowladaha Carabta. Shirkan oo ahaa mid ay Sanadkiiba mar yeeshaan Wasiirrada Gaadiidka ee Waddamada ku jira Jaamacadda Carabta ayuu ajendihiisu ahaa sidii ay Dowladahaasi u adkayn lahaayeen xiriirkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga Gaadiidka. Kulanka ayaa lagu go’aamiyay in Dowladda Falastiin laga caawiyo dhaqaalaha Gaadiidka, in hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ay Xafiis ka furato Magaalada Qaahira, in laysla qaato shuruucda ay dhowaan midowga Yurub kasoo saareen duulista Hawada iyo qodobbo kale. Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane; Maxamed C/llaahi Oomaar ayaa soo jeedinta Wasiirrada Gaadiidka Carabta kalsooni u muujiyay, isago sheegay in mar waliba ay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay Garab istaagga Walaalahood reer Falastiin . Mudane; Oomaar iyo dhiggiisa Dalka Masar ayaa ka wada hadlay in Labada Wasaaradood ay si gaar ah isaga kaashadaan horumarinta Gaadiidka. Wuxuu sidoo kale Wasiir Oomaar kulan la qaatay madaxa Academiyadda culuumta Gaadiidka oo hoos tagta Jaamacadda Carabta, isla markaana ah halka uu kulanku ka dhacay, waxanay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqaha wax barasho ee Ardayda Soomaaliyeed ay ka helaan Akadeemiyada iyo in Wasaaradda Gaadiidka loo soo diro koox farsamo oo ka caawiso dejinta siyaasadda Gaadiidka. Wasiirka ayaa ugu dambayn casuumaad gaar ah u sameeyay 5 Arday oo dhigata Akadeemiyadda culuumta Gaadiidka, wuxuuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaran dedaalkooda waxbarasho, isagoo ku dhiiri geliyay in ay yihiin mustaqbalka Dalka. View the full article
  19. Boosaaso (Caasimadda Online) – Wararka laga helayo deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalyano ka tirsan Al-shabaab. Dagaal u dhaxeeyey Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaabkii weeraray ayaa la sheegay in uu ka dhacay deegaanka Af-Urur,waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-shabaab weerar gaadma ah at ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland halkaas oo laga maqlay rasaas xoog leh oo dhinacyadu Isku adeegsadeen Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas dhex-maray Ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ay ku geeriyoodeen laba kamid ah Ciidamada Puntland Saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dagaalku uu socday ku dhawaad saacad isla markaana ay dib u wiiqeen xoogaggii ka tirsanaa Shabaab ee dagaalka ku soo qaaday. Korneyl Maxamuud Maxamed (Aarsade) ayaa sheegay in labo askari ka dhimatay saddex kalena ka dhaawacmeen halka uu sheegay in Al-shabaab ay ka dileen ilaa iyo 5 ka tirsan dableydii weerarka soo qaaday. Deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari ayaa Al-Shabaab dhowr jeer weerareen, iyaga oo la wareegay. Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland. Malaga yaabaa inuu Madaxweyne Farmaajo Badda ku wareejiyo Kenya: Xaqiiq iyo falanqeyn Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  20. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Warka Duhur. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-15112019.mp3 View the full article
  21. Guddoomiyaha degaanka Af-Urur ee gobolka Bari, Maxamed Geeddi Saalax oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay dagaal culus oo saaka ciidamada difaac Puntland iyo malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray nawaaxiga degaankaasi Af-Urur. Guddoomiyaha ayaa sheegay, in AL-shabaab subaxnimadii hore ee saaka hoobiyaal ku soo tuurtay fariisimaha ciidanka difaaca Puntland ee ku sugan degaanka Af-Urur, dabadeedna Ciidanku ay weerar culus kaga jawaabeen, islamarkaana dagaal xooggan labada dhinac ku dhexmaray meel qiyaastii 8km u jirta Af-Urur. “ Waxaa la isla tegay meel la yiraahdo MARADA-GOBTAA oo ilaa 8km u jirta magaalada, halkaa dagaal xooggan baa ku dhexmaray, hadduu ku dhexmarayna qoladii waa la kiciyay Al-shabaabta ahayd, Xaggaa MARRAJE bay ka dhacday” ayuu yiri guddoomiyaha. Waxa kale oo uu sheegay, in malayshiyaadka Al-shabaab ee dib loo celiyay uu khasaare dhimasho halkaasi ku gaaray, isagoo xusay in ay maydad badan jiidanayeen, si aan loo arag khasaaraha ku dhacay. Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xaqiijiyay, in maydka laba askari oo ka tirsan ciidanka Puntland la keenay degaanka Af-Urur, saddex kalena dhaawacyo fudud soo gaareen. Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee aagga Af-urur Maxamuud Maxamed Cismaan (Aarsade) oo si kooban ula hadlay Puntland Post ayaa sheegay in dagaalkaasi Al-shabaab looga dilay ilaa 5 xubnood. Waxa kale oo uu xaqiijiyay, in ciidanka Puntland ay ka dhinteen laba askari oo keliya, saddex kalena ka dhaawacmeen. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Dagaal culus ciidanka Puntland iyo Al-shabaab ku dhexmaray nawaaxiga degaanka Af-Urur appeared first on Puntland Post.
  22. Waxaa xalay kulan gaar ah yeeshay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo taliyaha hey’adda sirdoonka qaranka ee NISA Fahad Yaasiin. Kulankan oo saacado badan socdey waxaa uu ka dhacay guriga Sheekh Shariif ee Muqdisho, waxaa uuna yimid kadib codsi uu muddo ka hor soo dhiibtay Fahad Yaasiin ayna ka fariisteen madasha xisbiyada qaran kadibna ogolaadeen is aragga. Ilo ku dhow kulanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Fahad uu welwel ka muujiyey xaaladda dalka iyo ismari waaga jira, isaga oo u yimid inuu wax dhageysto, lana socdo waxa laga aaminsan yahay maamulkooda. Inkasta uu Fahad xilligan hayo jago ciidan ama sirdoon laakin fadhigan billow ilaa dhammaad waxaa lagu jeexjeexay siyaasad sida xiriirka dowladda ee mucaaradka, awood qeysi, xaaladda dowlad goboleedyada iyo shaqada ay tahay in la qabto inta laga gaarayo 2020. Waxaa sidoo kale kulanka lagu soo qaadey caro ay muujiyeen mid ka mid ah beelaha, oo kulan xasaasi ah ku yeelatay Hotel Lafweyn ee magaalada Muqdisho. Taliyaha sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin inta aan loo dhiibin jagadan ciidan waxaa uu ka mid ahaa siyaasiinta laf dhabarta u ah maamulka Nabad iyo Nolol, hadda waxaa uu maalmihii dambe bilaabay inuu la kulmo, oo uu dhageysto bulshada qeybaheeda, arrintaas oo dad badan ku sheegeen tallaabo soo daahday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Hadalkii shalay kasoo yeeray Nairobi oo ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu Kenya kala xaajooday Kiiska muranka ka taagan yahay ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya [...] Source
  24. Seventy-three more people can now live in Saudi Arabia for as long as they like, as of Monday, when the Middle Eastern country launched its new “premium” residency program. The recipients, selected from thousands of applicants, will pay 800,000 riyals ($213,000) for the right to permanent residency, or 100,000 riyals ($26,700) for a renewable one-year permit. The visa allows these extra-special investors, doctors, engineers, and financiers to purchase property and do business freely in the kingdom, as part of the country’s long-term attempts to diversify away from oil. “Golden visas,” as they’re sometimes known, are becoming more and more common. The world’s borders may be closed to most migrants and refugees, but they’re wide open for those with the ability to pay. Wealthy people can now purchase visas—or straight-out citizenship—in countries such as Thailand, Latvia, and the UK, via a flat fee, “donation,” or hefty investment in the country. At least four EU member states offer passport-for-purchase privileges. For the very wealthy, “citizenship by investment” programs can be an easy route to waiving time-consuming naturalization requirements, which may include language skills or residency in the country. For the approximately 60 countries with programs in place, it redirects international funds into the national economy. Tiny Montenegro’s “golden visa” program, which launched last month, is expected to raise around $1 billion in the first three years. In Panama, investors can receive the right to residency for the small price of $80,000, which must be invested in the country’s teakwood industry. In the UK, requirements are more stringent: To qualify for the Tier 1 Investment Visa program, non-EU citizens must invest at least £2 million ($2.6 million) into the UK economy. The visa is growing in popularity, Brexit uncertainty notwithstanding: Applications grew 36% year-on-year in the first half of 2019, with ones from China making up more than 40%. In cases such as these, migrants are able to apply for citizenship after a period of five or six years. But international watchdogs and bodies such as the EU have called for states to clamp down on this growing trend. A Transparency International report found a worrying lack of accountability and transparency, where even applicants with criminal records were still considered for the visas. “By their very nature, golden visa schemes are an attracting prospect for the criminal and the corrupt,” the report notes. In some cases, states offered the visa to more than 90% of applicants. These more worrying aspects are doing nothing to stymie the growing popularity of the visas, however. And enterprising folks have taken note, with the visas launching a cottage industry of sorts: In 2018, the Citizenship by Investment Property Fair (CBIPF) launched its inaugural event at the Nile Ritz Carlton, in Cairo, Egypt. Next year’s fair will be held in Beirut, Lebanon, in March 2020. At this year’s event, also in Beirut, experts including legal consultants and property developers from around the world hosted panel discussions (pdf) on how to apply for and obtain these visas—and promote their services in the process. QZ Qaran News
  25. Maanta 15 Nofembar, 2019, waxaa gelinka dambe kulan yeelanaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ka doodi doona kordhinta cunaqabateynta qeybta ah ee hubka ee saaran Soomaaliya. Dowladda UK ayaa ka ah gal-hayaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay: – 25-kii Oktoobar waxaa Golaha warbixin guud siiyay danjiraha Belgium, Marc Pecsteen de Buytswerve oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya. Waxaa isla kulankaan warbixin ka akhriyay Wakiilka Dowladda UK oo hadda ah dowladda heysa qalinka Soomaaliya marka la joogo Golaha Ammaanka. – Dowladaha France, Germany, UK iyo Mareykanka ayaa si kulul u cambaareeyay Dowladda Soomaaliya intii uu socday kulankii 25-kii Oktoobar. Waxaa Soomaaliya lagu canaantay inaysan si wanaagsan uga soo bixin waajibkeedii ahaa inay la shaqeyso Kooxda Baarayaasha QM ee UN MONITORING GROUP. MAXAA KU CUSUB? – 7dii Nofembar, 2019 ayaa si hoose loo dusiyay qoraal qabyo ah oo qeexaya waxyaabaha ay ka kooban tahay cunaqabateyntan waqtigeeda la kordhinayo ee qaraarkeedu ay keentay UK. – Waqtiga Kooxda Baarayaasha Qaramada Mibooday ee Soomaaliya (Monitoring Group) ayaa loogu kordhiyay inay shaqadooda sii wataan illaa 15 December 2020, taasoo ka dhigan in shaqada Monitoring Group ay sii socon doonto. – Qaraarka cusub wuxuu sii xoojinayaa mamnuucistii saarneyd dhoofinta dhuxusha Soomaaliya. – Dowladda Soomaaliya ayaan loo ogoleyn inay keensato ama soo iibsato hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda, waxyaabaha qarxa iyo lidka diyaaradaha. – Hubka fudud oo ay ku jiraan qoryaha gacanta lagu qaato ayaa sidoo kale laga rabaa in ogeysiis la siiyo Guddiga Monitoring Group ka hor inta aanay Dowladda Soomaaliya keensanin dalka. – Sidoo kale tababarayaasha iyo caawiyaasha militariga ee u imaanaya inay tababaraan ciidamada Soomaaliya, ayaa laga doonayaa in lagu soo wargeliyo Guddiga Baarayaasha ee UN MONITORING GROUP kahor intaysan dalka u imaan hawl tababar. – WAXAA gebi ahaanba la mamnuucay noocyada kiimikada ee loo adeegsan karo sameynta qaraxyada, sidaa darteed waxaa dhammaan Dowladaha Adduunka iyo muwaadiniintooda ka reebban inay ku lug yeeshaan iibinta iyo qaadista kiimikada kala duwan ee u socota Soomaaliya. KU XADGUDUBKA XUQUUQDA DUMARKA & CARRUURTA – Dowladda Germany ayaa dalbatay in qaraarka cusub iyo waajibaadka Kooxda Baarayaasha lagu daro ka soo xog waramidda dhacdooyinka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah dumarka (sida kufsiga iyo dhibaatooyinka kale) iyo ku xadgudubka xuquuqda carruurta oo ay ku jirto carruurta laga dhigo askarta. WQ: Cabdalle Axmed Muumin The post Qaramada Midoobay oo kordhinaysa Cuna-qabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya appeared first on Puntland Post.