-
Content Count
213,942 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweyaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, culimada iyo ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in gurmad deg-deg ah loo fidiyo muwaadiniinta ku dhibaataysan fatahaadaha deegaannada Hiiraan, Bakool iyo Gedo. Wasiirrada Xukuumadda ee Xubnaha ka ah Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha ayaa madaxweynaha la wadaagay warbixinta hawlaha samata bixinta iyo gurmadka la sameeyey tan iyo markii ay dhacday musiibadani, qorsheyaasha haatan socda, caqabadaha jira iyo xaaladahii ugu dambeeyey ee dadka iyo duunyada degaanaddaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii xoojin doonto gurmadka deegaannada dhibaataysan, waxa uuna ugu baaqay culimada, ururrada dhallinyarada, haweenka iyo dhammaan ururrada bulshadda rayidka ah in ay wada jir ugu kacaan carruurta, haweenka, waayeelka iyo muwaadiniinta dhibaataysan oo badankood dhirta saran yihiin, halka muwaadiniinta ilaa haatan la samata bixiyeyna ay gurmad cunto, biyo iyo hooy deg-deg ah u baahan yihiin. Madaxweynaha ayaa u soo jeediyey Shaqaalaha Dowladda iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dakhlileyda ah in qeyb ka mid ah mushaharkooda ay u qoondeeyaan walaalaheenna ay soo gaartay dhibaatada baaxadda leh, isagoo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta mugga leh ee ay ilaa haatan ka qaateen hawlaha gurmadka. Culimada iyo ganacstada qeybta ka ahaa kulanka ayaa talooyin, iyo aragti-celin ka dhiibtay warbixinta ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, waxaana wadajir la isula qaatay in la ballaariyo abaabulka isku-tashiga shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ee lagu wajahayo dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xubnaha Guddiga Qaran ee Gurmadka Fatahaadaha, Culimada iyo mataleyaasha ganacsatada ayaa si wada jir ah Alle ugu baryey muwaadiniinta ku shahiiday fatahaadahan, waxa ayna tacsi u direen qoysaskooda, asxaabtooda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Lix wiil oo dhalinyaro ah ayay caawa biyaha wabigu ku qaadeen magaalada Beledweyne, kadib markii uu lasoo jabay Geed ay ka fuuleen fatahaada Wabiga, Wiilashaas ayaa Geedka u fuulay cabsi ay ka qabeen in ay biyuhu qaadaan, maadaama aysan aqoon dabaal sida ay eheladoodu u sheegeen Caasimada Online. Gurmad lagu baadi goobayo wiilasha ayaa hada ka socda inta u dhaxeyda magaalada iyo deegaanka Ceel Jaalle oo ay deegaameysteen inta badan dadkii magaalada ee ka qaxay fatahaadda Wabiga. Dhacdadaan ayaa arga-gax ku noqotay dadka reer Beledweyne, waxaana la sheegay in 6da wiil ay qaar kood walaalo yihiin, walina nolol iyo geeri toona laguma haayo dhamaantood. Dhacdadaan ayaa imaanaysa iyadoo wali lagu la’yahay biyaha Wabiga ku dhawaad 10 ruux oo ay saaka dooni kula degtay wabiga, xilli ay ka baxeen magaalada kuna sii jeedeen deegaanka Ceel Jaalle oo ay daganyihiin dadkii ka baxay magaalada. Sidoo kale ku dhawaad 10 ruux ayaa saacadihii u dambeeyay ku geeriyooday fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka wado magaalada Beledweyne. Waxii ka soo kordha kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE Siemens contributes to Coca-Cola Beverages Africa’s vision in advancing digitalization Digitalization provides flexibility to boost efficiency in Food and Beverage NAIROBI, Kenya, October 28, 2019/ — Developing digitalization capabilities through skills development; Digitalization provides flexibility to boost efficiency in Food and Beverage. The Nairobi Bottler’s Embakasi Plant based in Nairobi, Kenya, which is a fully owned subsidiary by Coca-Cola Beverages Africa (CCBA), received a Totally Integrated Automation training rig from Siemens Digital Industries South Africa (www.Siemens.com) to enable skills development in Digitalization Technologies. The training rig completed with an extensive portfolio under Totally Integrated Automation (TIA) will serve as a pivotal role in training apprentices, trainees and current employees to understand the current and future value of Food & Beverage manufacturing plant operations. It will prepare engineers and technicians to take complete value of the latest automation solution and develop themselves for carrying out technical activities related to migration and management of S7-1500 PLC, HMIs, Servo Drives etc. This rig was configured and supplied in conjunction with International Energy Technik (IET), a local Kenyan Company and a Siemens Partner. As Eric Nyakundi, Electrical Engineer at CCBA’s Embakasi plant, explains, “It perfectly fits into our business goals and overall strategy of capability development and asset care strategies. The bulk of our control systems are based on Siemens Products hence the direct transfer of skills and knowledge acquired in training to our manufacturing facilities. This is in in line with the new supply chain philosophy of growing and developing engineering capacity in our manufacturing facilities and the overall asset care strategy.” Nyakundi further states, “The automation teams the machine specialists, the electrical artisans and the apprentices at CCBA will be trained on this rig. These teams are responsible for supporting the manufacturing facilities in realising the company business goals in manufacturing. “The soft drink market is characterized by frequently changing and often short-lived trends. Soft drink manufacturers must always be able to rapidly adapt their production to new requirements – and to always work efficiently and produce optimal quality. Digitalization gives them the flexibility they need to accomplish this while also boosting energy efficiency, states Ralf Leinen, Senior Vice President for Siemens Digital Industries, Southern and Eastern Africa. Siemens and CCBA have a historic successful partnership in Africa. Digital Industries is proud to have contributed towards a fully automated solution that can assist with engineering skills.” Siemens also created a 3D point cloud scan of the entire plant. This data from the scan can be utilized with Siemens NX platform tool to analyze and plan projects. This is a step closer towards digitalization, where engineering time will reduce thereby reducing time to market. Automation products, showcased in the rig, help in collecting the necessary data of process and packaging lines, which ultimately can value add information in the NX tool for further analysis. “Ongoing education and training have a positive effect for both business and society. At Siemens we believe in investing in the long-term and creating value for our customers and the societies we operate in. We will continuously support CCBA’s vision in shaping their digital future,” concludes Sabine, Siemens CEO, Southern and Eastern Africa. Distributed by APO Group on behalf of Siemens AG. View multimedia content Media Contact: Boitumelo Masike Tel: + 27 83 393 0629 Email: Boitumelo.masike@siemens.com About Siemens AG: Siemens AG (Berlin and Munich) (www.Siemens.com) is a global technology powerhouse that has stood for engineering excellence, innovation, quality, reliability and internationality for more than 170 years. The company is active around the globe, focusing on the areas of electrification, automation and digitalization. One of the largest producers of energy-efficient, resource-saving technologies, Siemens is a leading supplier of efficient power generation and power transmission solutions and a pioneer in infrastructure solutions as well as automation, drive and software solutions for industry. With its publicly listed subsidiary Siemens Healthineers AG, the company is also a leading provider of medical imaging equipment – such as computed tomography and magnetic resonance imaging systems – and a leader in laboratory diagnostics as well as clinical IT. In fiscal 2018, which ended on September 30, 2018, Siemens generated revenue of €83.0 billion and net income of €6.1 billion. At the end of September 2018, the company had around 379,000 employees worldwide. Further information is available on the Internet at www.Siemens.com. SOURCE Siemens AGSiemens contributes to Coca-Cola Beverages Africa’s vision in advancing digitalization Qaran News
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Warka-Habeen.mp3 View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Cali Ibraahin Baqdaadi guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa eedo culus u jeediyay wariyeyaasha Hadhwanaag ee u baxsaday magaalada Muqdisho iyo waliba mulkiilaha Shabakadda Axmednaasir Jibriil kuwaas oo uu la xidhiidhiyay Alshabaab. Guddoomiyaha Bangiga ayaa qoraal uu ku faafiyay boggiisa Facebook ku yidhi “Guddoomihahii Hore ee Ururka Solja Xildhiban Cartan iyo Guddoomiye Xuuto oo ka hadlay Caruurta Hadhwanasgnews ee isu dhiibay Dawladda Itaalka daran ee Farmajo. Warar kale waxay sheegayaan inay ku jiraan aaga ay ka tiliyaan Al- Shabaab .Waxa xusid mudan inuu Mulkiilaha Hadhwanaagnews Axmed Nasir Jibril, ku dashay kuna barbaaray magaaladda Baidhaba , Gobolka Bakool, halkaaso kusoo barbaaray jawi colaadeed iyo mooriyaanimadii 1990’S.” Wariyeyaasha Hadhwanaag oo gaadhay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay Somaliland uga carareen caddaalad darro kadib markii ay ku war heleen dacwad ay dhibane ka yihiin guddoomiyaha Baanka iyo madaxweynuhu, islamarkaana aanay maxkamaddaha Somaliland ka filanayn caddaalad. Source
-
(SLT-Hargeysa)-Eng Cabdirashiid Riyo-raac ayaa markii horaysay muujiyay ishaaro uu isku difaacayo oo ah in uu Kulmiye ka hor ahaa xisbiga Waddani ee sida weyn uga soo horjeeda ka mid noqoshadiisa Komishanka doorashooyinka. Madaxweynaha Somaliland ayaa Cabdirashiid Riyo-raac ku daray guddida doorashooyinka ee cusub laakiin, xisbiyada UCID iyo Waddani ayaa si weyn uga hor yimid iyaga oo ku eedeeyay in uu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay. Xisbiga Waddani ayaa shalay soo bandhigay buug muujinaya in Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Golaha Dhexe ee Kulmiye sidoo kalena waxa maanta lagu faafiyay baraha bulshada sawir muujinaya in isaga oo qayb ka ah shirkii golaha dhexe ee bilawgii Sanadkan xisbiga Kulmiye ku qabsaday Boorama. Arrimahaasi awgeed ayuu Cabdirashiid Riyo-raac bidhaamiyay in uu horeba Waddani u ahaa. waxa uu boggiisa Facebook ku share-gareeyay war ku saabsan xilli Cabdiraxmaan Cirro guddoomiyaha Waddani xil uga magacaabay xisbiga Waddani, sidoo kalena waxa uu boggiisa ku Share-gareeyay qof taageersan oo muujiyay in uu horeba Waddani u ahaa. Tani waxay ka dhigan tahay in uu booskiisa ku difaacayo in uu Kulmiye ka hor ahaa Waddani mana cadda in ay mucaaradka u cuntami doonto. Source
-
Paris (Caasimada Online) – Laba qof ayaa illaa iyo hadda la xaqiijiyey in lagu dhaawacay rasaas lagu furay meel u dhow masjid ku yaalla magaalada Bayonne ee koonfurta galbeed ee dalka France, waxaa sidaas sheegay booliska. Booliska ayaa intaas ku daray in la xiray ninka la tuhunsan yahay inuu rasaasta furay. Ninkan ayaa lagu xiray meel u dhow gurigiisa kadib markii uu dhacay weerarka iyo sidoo kale qarax yar oo la socday. Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay taankiga gaaska, oo uu ninka dab ku qabadsiiyey meel ku dhow masjidka, galabnimada Isniinta maanta ah. Faah-faahin dheeri ah naga filo dhowaan Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska London caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Marwo Adna Aadan Oo Hargeysa Ku Soo Bandhigtay Buug Ay Qortay, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog dheeri ah ayaa kasoo baxaysa kulan magaalada Muqdisho ku dhex-maray xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, iyo agaasimaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasin. Xildhibaanada la kulmay Fahad, ayaa u badnaa kuwa kasoo jeeda Galmudug, kana tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hoggaaminayey Cabdiraxmaan Odowaa oo ah musharaxa madaxweynaha Galmudug.. Kulankan, ayaa sida ay noo xaqiijiyeen xildhibaano ka qeyb-galay, waxaa looga hadlay arrimaha Galmudug, iyo sidii xal buuxa looga gaari lahaa, xilli ay jirto cabsi laga qabo in isku dhacyo u dhaxeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna ay ka dhacaan Dhuusomareeb. Fahad oo kulanka ugu yeeray xildhibaanada ayaa u sheegay inuusan dooneyn in Galmudug ay ka dhacaan rabshado dhiig uu ku data, wuxuuna xildhibaanada ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa. Xildhibaanada qaar ayaa sidoo kale sheegay in kulanka looga hadlay sidii dowladda iyo xildhibaanada golaha shacabka ee Galmudug ay heshiis siyaasadeed uga gaari lahaayeen arrinta Galmudud oo caqabad weyn ku noqotay dowladda. Si kastaba, xildhibaanada ayaa sheegay inay ballan-qaadeen inay ka shaqeeyaan amniga iyo in laga hortago dhibaato ka dhacda Galmudug, hase yeeshee waxay diideen inay heshiis siyaasadeed ka galaan Galmudug, islamarkaana ay doonayaan in doorasho lagu kala baxo. Xildhibaanada la hadlay Caasimada Online ee ka qeyb-galay kulanka ayaa xaqiijiyey inaysan jirin wararka sheegaya in kulanka looga hadlay sidii xisbiga UPD u ogolaan lahaa in muddo laba sano ah xilka loogu kordhiyo madaxweyne Farmaajo. “Marnaba muddo kororsi iyo wax ka saabsan hoggaanka dalka loogama hadal kulanka. Wuxuu ahaa kulan 100% diiradda lagu saaray arrimaha Galmudug.” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caaismada@live.com
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dooni saaka mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle kula degtay magaalada Beledweyne oo uu fatahaad ka geystay wabiga Shabelle ee mara halkaasi. Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in dhacdadaasi ay ku dhinteen illaa todobo qof oo isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi iyo dad shacab ah. Sidoo kale agaasime Kulmiye ayaa shaaciyey magacyada mas’uuliyiinta ku dhintay shilkaasi, kuwaas oo kala ah, Dahabo Xasan Axmed oo aheyd la-taliyaha dhinac haweenka ee Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, Sharmaarke oo isagana ka tirsanaa xafiiska dowladda Hoose ee Beledweyne, Deeqo oo aheyd gabar u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada. Doonta qalibmatay ayaa waxaa saarnaa in ka badan 20 ruux oo ay ka mid ahaayeen Duqa Magaalada Beledweyne ,Safiyo Xasan Sheekh Cali iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, walow la soo badbaadiyey labadaasi mas’uul. Xaaladda ka jirta Beledweyne ayaa ah mid aad u adag, waxaana saameyn daran ku yeeshay fatahaad uu wabiga Shabelle ka geystay gudaha magaaladaasi. Fataahadan ayaa sidoo kale saameysay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo gabi ahaan xirmay, taas oo uga sii dartay dhibaatada ka jirta halkaasi. Dhowaan dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle ayaa guddiyo ka tirsan labada dhinac u magacaabay gurmadka fataahadah ka jira gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne Caasimada@live.com
-
(SLT-London)-Golaha Midawga Yurub ayaa maanta oo Isniin ah isku waafaqay in dib loo dhigo ka bixitaanka cusub ee Britain ay ka baxayso Midawga Yurub ilaa 31-ka January ee sanadka soo socda. “Golaha Midawga Yurub ee ka kooban 27 waxa ay ayideen codsiga UK, go’aankana waa mid rasmi ah,’ sidaasi waxa yidhi Madaxweynaha golaha Midawga Yurub Donald Tusk oo Twitter-ka soo dhigay qoraa uu arintaasi ku sheegayo. Dhawaaqan ka soo baxay Mr Tusk ayaa imanaya kadib markii diblomaasiyiin ka tirsan Midawga Yurub ay ku kulmeen magaalada Brussels si ay u saxeexaan dib u dhigida cusub ee Britain ay ugaga baxayso Midawga Yurub, kaas oo markii hore ku beegnaa 31-ka October oo saddex maalmood oo kaliya ay ka hadhsanayd. Sida lagu sheegay nuqulka heshiiska oo ay aragtay Wakaalada Wararka ee AFP, ayaa sheegaya in hadii Raysal Wasaare Boris Johnson uu kala hadlo Baarlamaanka UK inay ansixiyaan kalatag saaxiibtinimo inta ka horaysa sanadkan soo socda, ka bixitaanku waxa uu noqon doonaa inuu dhacoNovember 30 or December 31. Source
-
Tifatiraha laanta af Soomaaliga ee BBC oo is casilay Cabdilaahi Cabdi Sheekh Tifatiriha laanta afka Soomaaliga ee BBC, Cabdullahi Cabdi Sheekh, ayaa is casilay, kaas oo ku yimid go’aan uu isaga qaatay. Rachael Akidi Okwir, oo ah madaxa laamaha bariga Afrika ayaa tiri, “Cabdullahi wuxuu BBC-da ku soo biiray 13 sano ka hor, wuxuu la shaqeeyay laanta afka Somaaliga, Nairobi iyo London, iyo qeybta warqabadka ee BBC Monitoring, wuxuu BBC Somali madax ka noqday bartamihii 2017-kii, wuxuuna fuliyay is baddelo badan oo ay ka mid tahay in idaacadaha laanta laga soo raro London oo loo soo wareejiyo Nairobi.” Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay inay sharaf u ahayd inuu hoggaamiyo shaqaalaha dadaalka badan ee laanta af Soomaaliga ee BBC. “Maanta oo aan tegayo, waxaan kalsooni buuxda ku qabaa wiilasha iyo gabdhaha aan kaga tegayo laanta afka Soomaaliga ee BBC, inay si wacan oo wanaagsan howshooda u sii wadi doonaan, si fiicanna ugu adeegi doonaan dhageystayaasha, oo udub-dhexaad u ah laanta,” ayuu yiri. Rachael waxay sheegtay inay Cabdullahi uga mahadcelinayso sanadaha badan ee uu BBC-da la shaqeynayay. Ka gudub Facebook daabacaad W.Q BBC News Somali Dhammaadka Facebook daabacaadda qore BBC News Somali Sidoo kale, muddadii uu Cabdullaahi tafatiraha ahaa waxa la billaabay abaalmarinta sannadlaha ah ee Gabdhaha gabya taas oo seddaxdii sano ee la soo dhaafay ay ku guuleysteen gabdho aad ugu wanaagsan lehna xirfadda hal-abuurk gabayada. Sidoo kale bogagga internet-ka ee BBC Somali ayaa gaaray dhageystayaashii ugu badnaa mudaadii uu xilka hayay. Qaran News
-
Agaasimaha wasaaradda warfaafinta maamulka HirShabelle, Maxamed Macalin Xasan (Kulmiye) oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahiyey khasaare ka dhashay dooni saaka ku degtay Beledweyne, taas oo ay saanyeen mas’uuliyiin kala duwan. Kumliye ayaa sheegay in shilkaasi ay ku dhinteen 7 qof oo ay ka mid yihiin Dahabo Xasan oo aheyd la-taliyaha dhinaca haweenka Madaxweynaha HirShabelle, Sharmaarke oo ka tirsanaa maamulka Beledweyne, Deeqo u dhaq dhaqaaqeysay arrimaha bulshada. Sidoo kale waxaa doonidaasi qalibantay laga soo badbaadiyey duqa Beledweyne Safiyo Sheekh Xasan iyo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax. Mas’uuliyiintan ayaa u jeedkoodu ahaa inay soo qiimeeyaan saameynta fatahaada wabiga Shabelle uu ka geystay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. View the full article
-
Sawirka Todobaadka+Muqaal Shil argagax leh Qaran News
-
Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda Magaalada Baladweyne ay tahay mid halis ah. Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka Gargaarka dowladda Federaalka Xamsa Saciid Xamsa, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Beledweyne. Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan. Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku billowday dar-dar xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa QM. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in haatan uu gargaar Raashiin ah ka imaanaya Gaalkacyo kuna soo wajahan yahay Magaalada Beledweyn, Maantana ay billowdeen gurmad Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah. Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay. PUNTLAND POST The post Guddiga gurmadka Fatahaadaha oo ku baaqay gargaar deg deg ah appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo U Hanjabtay Maamul gobolleedka Puntland, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Madaxa xukuumadda Galmudug ayaa maanta kulan gaar ah Dhuusamareen kula qaatay saraakiisha ciidanka AMISOM ee ka howlgala gudaha magaaladaasi. Kulankan ayaa waxaaa sidoo kale ka qeyb galay wasiirka amniga Galmudug, Saadaq Sheekh Yuufuf, iyadoona diirada lagu saaray wada shaqeynta labada dhinac. Wararla ayaa sheegay in Sheekh Shaakir uu saraakiisha AMISOM ka dalbaday in aysan ku lug yeelan xiisadaha siyaasadeed ee ka jira halkaasi. Ciidamada AMISOM ee dhowaan la geeyey Dhuusamareeb ayaa ka qeyb qaadanaya howlaha sugida amniga doorashada Galmudug ee la filayo inay ka dhacdo halkaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada View the full article
-
Idlib (Caasimadda Online) – Sida ay sheegayaan ilo wareedyo warbaahineed, shaqsigii Sirdoonka u soo bandhigay halka uu ku suganyahay hogaamiyaha ururka Daacish, ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Sajit. Maxamed ayaa gacan weyn ka geystay in ciidamada Mareykanku ay ogaadan halka uu ku suganyahay hogaamiyaha Ururka isku magacaabay khilaafada Islaamka Abuubakar Al-Baqdaadi. Sajit ayaa waxa lagu waramayaa in uu Hogaamiye Baqdaadi ugu adeegi jirey sida saaxiibkii u dhow, isagoona xogta halka uu ku suganyahay la wadaagay sirdoonka dalka Mareykanka iyo unugyada gudaha dalka Ciraaq. Waxa kale oo la soo warinayaa in ninkaasi uu sirdoonka ciraaq fariin email ah ugu kashifay halka rasmiga ah ee uu xiligaasi ku sugnaa hogaamiye Baqdaadi. Xogaha ayaa waxa kale oo ay sheegayaan in Baqdaadi uu ku safri jirey inta u dhaxeysa Suuriya iyo xadka Ciraaq, iyadoo ay wehliyaan 5-qof oo ilaaladiisa ah, isla markaan uu aad ugu kalsoona. Dhinaca kale, Wargeyska New York Times ayaa isaguna baahiyay in Baqdaadi la helay goobta uu ku sugnaa kadib markii gacanta lagu soo dhigay fariin diraha ‘Fariin-qaadaha’ gaarka u ah hogaamiyihii la dilay. Wargeyska ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in qabashada mid ka mid ah xaasaskii Baqdaadi iyo wareysigii lala yeeshay sanadkii hore ay fudeydisay howlgalkii ka dhanka ahaa Baqdaadi. New York Times ayaa waxa uu intaas sii raacisay “Waxa si dhow ula shaqeynayay howl-galkaas ciidamada Mareykanka kuwa sirdoonka Ciraaq iyo Kurdiyiinta si loo helo Baqdaadi”. Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa inta badan markuu safrayo xirnaan jirey Suunka waxyaabaha qarxa ah, taasi oo la sheegay in uu uga gol lahaa in gacanta lagu dhigin isagoo nool haddii la soo weeraro. Baqdaadi ayaa lagu waramaya in cabsi baahsan soo food saartay, isla markaana uu waqti kasta filan jirey dilkiisa, inta uusan is qarxin ka hor markii ay isku dayeen ciidamada Mareykanka inay u dhowaadaan. Waxaa kale oo la sheegay in goobta uu Baqdaadi isku qarxiyay lagu dilay illaa 10 qof oo kamid ahaa ilaaladiisa, inkastoo la sheegay inay badbaadeen laba cunug oo uu dhalay ninkii lahaa guriga ay ku sugnaayeen xubnaha la weeraray. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlayey TV-ga Qaranka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sameyneyso maxkamad guur guurta oo tageysa meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka. Maareeye ayaa sheegay in maxkamaddan ay si gaar ah uga howlgali doonto Beleweyne iyo goobaha kale ee ay ka jiraan fatahaadaha, si looga hortago in la musuq-maasuqo gargaarka loogu talagalay dadka barakacayaasha ah. Sidoo kale wasiirka ayaa ujeedada laga leeyahay sameynta maxkamadan ku sheegay in looga hortagayo wax is dabamarin lagu sameeyo howlaha gargaarka, wuxuuna tilmaamay in cid kasto oo isku dayda inay wax musuq-maasuqdo la horkeeni doono maxkamaddaasi. Dhinaca kale guddiga gurmadka fatahaadaha oo uu dhowaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladdii ugu darneyd ay ka taagan tahay Beledweyne, loona baahan yahay in gurmad loo fidiyo dadka ku dhibaateysan halkaasi. Xubnaha guddiga ayaa sidoo kale sheegay inuu xirmay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif, islamarkaana aan la adeegsan karin, xalna loo baahanyahay, si dadka dhibaateysan loo gaarsiiyo gurmad deg deg ah. Ugu dambeyn guddiga ayaa baaq u diray Somaliland iyo Puntland, waxaana uu ka dalbaday inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahaasi Soomaaliyed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xubnaha Guddiga gurmadka fatahaadaha ee uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in xaaladda ka jirta Baladweyne ay tahay mid halis ah. Guddoomiyaha guddiga oo ah Wasiirka gargaarka XFS, Xamsa Saciid Xamsa, oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Roobabkii da’ay ay xaaladdu ugu sii dareen, kuwaas oo sababay in uu xirmo garoonka Diyaaradaha Baladweyne. Guddiga waxa ay ku booriyeen Shacabka Soomaaliyeed in ay ka wada qeybqaataan sidii loo caawin lahaa Dadka walaalahooda ah ee halkaa ku dhibaataysan, iyagoo si gaar ah baaq ugu diray sganacsatada ku nool Galmudug, Puntland iyo Gobollada ku dhow-dhow in ay gurmad uu raashiin ugu horreeyo la gaaraan. Guddiga waxa uu sheegay in Gurmadka uu ku billowday dar-dar xooggan islamarkaana ay Dowladdu Gurmadkii ugu horreysay gaarsiiyeen Shalay Beledweyn, Maantana ay guddiga la kulmeen hay’adaha gargaarka oo ay ugu horeeyaan kuwa QM. Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in haatan uu gargaar Raashiin ah ka imaanaya Gaalkacyo kuna soo wajahan yahay Magaalada Beledweyn, Maantana ay billowdeen gurmad Diyaaradaha qumaatiga u kaca ah. Guddiga ayaa faray in cidkasta oo dhibaatooyinka ka dhacay gargaar ku Uruurinaysa ay iyaga la wadaagaan, ciddii aan soo marinna ay la xisaabtami doonaan, iaygoo sheegay in ay samayn doonaan Maxkamad guur-guurta oo ay ugu tala galeen Dadka musuq ku samaysa deeqaha loogu tala galay Qoysaska ay fatahaaddu saamaysay. View the full article
