-
Content Count
213,984 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Addis Ababa-(Caasimada Online)-Xog-hayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, iyadoo uu jiray muran badan oo magacaabistiisu ay ka dhex dhalisay wadamada ku bahoobay Ururka, gaar ahaan Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya. Dr. Workneh Gebeyhu ayaa xilkaas kala wareegay danjire Maxbuub Mucalim, waxaana Workneh Xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD loo magacaabay 22-kii bishii October ee sabadkan. Xoghayaha cusub oo ah Itoobiyaan ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha IGAD Dr. Abiy Axmed, isagoo aan kala tashan madaxda kale ee dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo iyagu xarab in xilkani uu meerto noqdo ayaa si weyn uga soo hor jeestay magacaabista uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Waxaa jiray khilaaf xoog leh oo ka taagan cidda qabaneyso xilalka habsami u socodka howlaha Urur Goboleedka IGAD, waxaana isku saf noqday dowladaha Itoobiya iyo Kenya halka Soomaaliya iyo Jabuutina ay isku dhinac noqdeen. Dowladahaan ayaa si gaar ah isugu heystay cidda qabaneysa xilalka Guddoomiyaha guud ee ururka IGAD iyo Xoghayaha Fulinta oo hadda loo magacaabay Warkeneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya. Soomaaliya ayaa si gaar ah u dooneysay in ay hesho xilka xoghayaha fulinta ee Urur goboleedka IGAD, halka dowladda Jabuuti ay dooneyso in ay hesho xilka Guddoomiyaha Ururka oo haatan uu hayo Abiy Axmed Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya. Xilka Guddoomiyaha Ururka Goboleedka IGAD ayaa loo badinayaa in la siiyo Kenya, waana midda ay sida weyn uga soo horjeedaan dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo horay iskugu dayay in laga wada xaajoodo magacaabista Xoghayaha cusub ee uu sameeyay Abiy Axmed. Caasimada Online Xaafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
-
Halkani ka daawo wararkii caawa iyo caalamka oo xiiso badan
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaran News -
Somaliland: President Muse Bihi Reshuffles Diplomatic Posts
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somaliland: President Muse Bihi Reshefulles Diplomatic Posts The President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, has made a sweeping reshuffle to some of Somaliland’s most strategic diplomatic posts. Among those who have been replaced are Ayan Mohamud Anshour, “Gobonnimo” and veteran diplomat, Mohamed Abdi Da’ar. The reshuffle includes the Somaliland Liaison offices in the UK, Ethiopia, EU, Germany, Saudi Arabia, South Africa, Norway and Yemen. The new appointments include Abdi Abdillahi Hersi, who is the new representative in the UK, and Salan Hassan Keyd, who has been moved from Addis Ababa to Brussels. The new emissary to Ethiopia is Yusuf Mohamed Guled. The appointment of a relative novice, Barkhad Mohamud Kariye, as deputy in Addis Ababa, appears to be a nod the the younger generation of Somalilanders. The replacement of Ayan Mohamud “Gobonimmo” has caused the most speculation in the reshuffle. The long time emissary to the United Kingdom and the Commonwealth has by all accounts acquitted herself well According to our sources, the reshuffle may be a prelude to the appointment of a new Foreign minister. There are reports that the current Foreign minister, Prof. Yasin Haji Mohamud Hir, “Faratoon”, is considering resigning due to health reasons. Qarannews Qaran News -
Muqdisho-(Caasimada Online)-Koox hubaysan ayaa caawa weerar ku qaaday goob Biibito ah oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku sugnaayeen dad dhalinyaro u badnaa. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo ayaa soo gaaray, kadib markii koox u abaabulan qaab Qabiil ay soo weerartay goob maqaaxi ah oo dad badan ay ku sugnaayeen. Qaar ka mid ehelada dadka caawa la dilay ayaa Caasimada Online u sheegay inay tuhunsanyihiin in dadkaan looga aar gudayay wadaad caan ka ahaa degmada Kaxda oo xalay lagu dilay degmadaas, sidoo kalana lagu dhaawacay labo wiil oo uu dhalay. Wadaadka ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray isga iyo labo wiil oo uu dhalay rasaas ay xalay ku furtay dabley hubaysan, waxuuna ka mid ahaa guddiga dhismaha waddo hal-bowle u ah degmadaas oo la dhisayo. Degmada Kaxda ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay ka taagnaa dagaal beeleed u dhaxeeya beesha degta inteeda badan degmadaas oo u isku dilaysa labo laf oo ay u kala qeybsantahay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Finnish Foundation for Media and Development which is known for its Finnish abbreviation VIKES has suffered a major blow after the High Court in Kenya dismissed its application which challenged the jurisdiction of the Kenya court to hear a case filed by the National Union of Somali Journalists (NUSOJ). The High Court of Kenya has ruled that it has jurisdiction to hear the case filed by NUSOJ against VIKES, Finnish Church Aid (FCA) and their Somali collaborator Mohamed Ibrahim Nur over the unlawful and duplicitous use of NUSOJ’s name to solicit funding from the EU Delegation to Somalia which has been based in Nairobi. While delivering the ruling, the presiding judge dismissed the VIKES, FCA and their Somali collaborator’s preliminary objection on the court’s jurisdiction to determine the case. The court is now set to hear the case. VIKES and its co-defendants had filed an objection at the High Court of Kenya, saying it had no jurisdiction to hear a case by an organization based in Somalia after NUSOJ sued the two Finnish NGOs for deceptively exploiting its name. Lawyers representing the national union of Somali journalists argued that VIKES and its Somali co-defendant are running away from justice in Kenya where they applied and obtained funding European Union Delegation to Somalia through “identity theft”. Having lost this preliminary objection on the court’s jurisdiction, VIKES and its co-dependents are facing looming defeat over misappropriating the union’s name to secure funding from the European Union. NUSOJ blamed VIKES and FCA for stealing its name through feigned papers to solicit funding from the EU and the Finnish Ministry of Foreign Affairs. “Stealing our union’s name has nothing to do with what they claim about human rights, media freedom, and democracy. We are resolute in challenging them legally, and we will make sure that this is a good lesson for them not to do anything like this to Somali organization” says Awil Mohamud, President of NUSOJ Supreme Council. VIKES and FCA are the only European NGOs implicated in myriad legal issues in the face of severe claims of covering up human rights abuses, enabling identity theft and using the money to divide journalists’ fraternity in Somalia, raising distrusts over their dubious operations in the country. View the full article
-
Preamble Six political parties have united under the umbrella of the forum for national parties (FNP). This is a step in the right direction that [...] Source
-
Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen 6 xisbi siyaasadeed oo ah tallaabo hore-usocod oo loo qaaday dhanka dimoqraadiyeynta hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo ilaalinta midnimadda, madaxabanaanidda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Sida ku cad Qod.3aad (3) ee Dastuurka KMG ah, Madasha Xisbiyada Qaran waxay u taagan tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, talinta iyo sarreynta sharciga, caddaalad bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan Dastuurka iyo xeerarka Dalka. Kala-madaxbanaanidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka oo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan. Sida uu xeerinayo Qod.11aad (1) ee Dastuurka KMG ah, Madashu waxay aaminsan tahay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho, aragti siyaasadeed, hayb, baahiyaha gaarka ah, xirfad, af-guri, xuquuqda iyo waajibaadkaba ay u siman yihiin sharciga hortiisa. Sidaas daraadeed, maadaama ay jiraan dhacdooyin iyo xaalado soo noqnoqday oo muujinaya in laanta fulinta ee dowladdu ay baalmartay mabaadiida aasaasiga ah ee dastuurka iyo sarreynta sharciga, taas oo halis gelinaysa geeddi-socodka dowladnimo loo dhan yahay. Sidaas daraaddeed Madashu waxay soo jeedineysaa arimaha hoose: 1. Midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Midnimada Dalka iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed waa lama taabtaan lamana kala qeybin karo. Madashu waxay ka shaqayneysaa ilaalinta iyo dhiirrigelinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna waxay ku baaqaysaa Dowladda Federaalka ah in ay ka dhabeyso wada-hadalka walaalaheen Somaliland si waafaqsan qodobbada dastuuriga ah. 2. Sarreynta Dastuurka & Dhammeystirkiis Madashu waxay aaminsantahay Dastuurka KMG inuu yahay midka ay Sooomalidu ku heshiisey la iskuna raacsanyahay oo dhaqan galka ah kaas oo ay ku dhisan yihiin dhammaan hey’ adaha Dastuuriga ah, sidaa daraaddeed Laanta Fulinta waxaa waajib ku ah ku dhaqankiisa, dhowristiisa iyo dhammaystirkiisa. Madashu waxay ku dhaliileysaa Laanta Fulinta ku xadgudubka bareerka ah ee ku dhaqanka dastuurka ee soo noqnoqday, taas oo shaki galinaysa inaan Laanta Fulintu aaminsan tahay Dastuurka iyo shuruucda Dalaka u yaalla. Madashu waxay diyaar u tahay inay ka qaadato kaalin mug leh sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka KMG ah kaas oo suurtagelinaya isku haynta Ummadda Soomaaliyeed. 3. Ilaalinta Xuquuqda Asaasiga ah iyo Xorriyadda Muwaadinka adashu waxay u taagan tahay dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda asaas Miga ah iyo xorriyadda muwaadinka, waxayna kasoo horjeeddaa ku tagri-falka awoodda Dowladda iyo cabburinta muwaadinka. Madashu waxay aaminsantahay in la ilaaliyo muwaadin kastaa xuquuqdiisa aasaasiga ah ee Dastuurku tilmaamey. kuwaas oo ay kamid yihiin ku biiridda iyo abaabulka ururro ama xisbiyo siyaasadeed, soo bandhigista ra`yiga, xurriyadda hadalka, saxaafadda, hal-abuurka, cilmi baarista, kaqeyb galka kulamo ama banaanbaxyo nabadeed, iyo xurriyadda dhaqdhaqaaqa. Madashu waxay diidantahay falalkii gaboodfalka ahaa ee ay ku kacdey dowladdu mudadii ay jirtey. Hadaba, si looga hortago soo noqnoqashada ku xadgudubka xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed, waxay Madashu difaaceysa xuquuqda muwaaddinka iyo dhawrista xurriyadda asaasiga ah si waafaqsan Dastuurka. 4. Siyaasadda Loo Dhan Yahay Loona Siman Yahay: Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Sida ku cad Qod.1aad(1) ee Dastuurka KMG ah, dowladnimada Dalka waxay ku dhisan tahay Nidaam Federaal oo Dimuquraadi ah kana kooban labo heer dowladeed si waafaqsan Qod.48aad, Qod.50aad, Qod.51aad, iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah oo ku qaabeysan Nidaamka Xisbiyada badan si waafaqsan Qod.47aad ee Dastuurka KMG ah iyo Sharci Lr.19 Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka ee soo baxay 27 Juun 2016. Madasha oo ka ambaqaadeysa qodobbada dastuuriga ah ee kor ku xusan ayaa waxa ay adkeyneysaa in siyaasadda loo dhan yahay loona siman yahay & suurtogelinta dooroshooyinka 2020/2021 ay tahay mas’uuliyad wadareed ay ka wada xaajoonayaan dhammaan Dowladda Dhexe, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xisbiyada Siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka kuwaas oo dhammaan udub dhexaad u ah qabsoomidda dooroshooyin Qaran oo leh hannaan hirgelin daahfuran si aqbalaadda natiijada dooroshinka ay u noqoto meelmar loogana fogaado qalalaase siyaasadeed. Sidoo kale, si doorasho wadar-oggol ah u suurtogasho, waxay Madashu ku baraarujinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in uu ka madaxbannaanaado xukuumadda iyo xakamaynteeda siyaasadeed kuna shaqeeyo ilaalinta dimoqraaddiyadda iyo daahfurnaanta sida ku cad Qod.110aad, Qod.111G, ee Dastuurka KMG ah. Madashu waxay aaminsantahay wada-shaqeyn iyo iskaashi dhab ah oo ay yeeshaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo xaqiijiyo siyaasad loo dhan yahay loona siman yahay isla markaasna suurtogelisa dooroshooyin daahfuran. 5. Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 Marka la eego sooyaalka siyaasadeed ee Dalka, 20kii sano ee lasoo dhaafey dooroshooyinku waxay ku qabsoomi jireen wakhtiga loogu talogalay, iyadoo awoodda dowladeedna la iskugu wareejin jiray si sharci ah oo dimoqraaddi ah oo nabadgelyo ku dhisan. Dhaqankaas siyaasadeed wuxuu gundhig u yahay hana-qaadka dimoqraaddiyadda dowlanimada Soomaaliya. Hadaba si loo joogteeyo dhaaqankaas wanaagsan, waa in dooroshooyinka Qaranku ay ku qabsoomaan wakhtiga uu Dastuurku u asteeyay si aan dib-udhac laheyn, waana in ay noqdaan kuwa daahfuran oo taladeeda laga wada qeyb galo. Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Sidaas darteed, Madashu waxay cadeyneysaa in aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ee hada jira iyo isku dey kasta oo loogu gogol xaaraayo mudo kordhin ama hab-raac doorasho oo keeni kara boob iyo ku shubasho taas oo horseedi karta burbur ku yimaada Dowladnimadeena curdunka ah 6. Ilaalinta Nidaamka Federaalka Sida ku uu qabo Qod.3aad (4) ee Dastuurka KMG ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan tahay mabaadii’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka. Nidaamkan Federaalka wuxuu u baahan yahay in si dhab loogu dhaqmo lana ilaaliyo mabaadii’da dastuuriga oo ay ka mid yihiin: Wada-shaqeyn ku dhisan iskaashi iyo talowadaag sida ay tilmaamayaanQod.50aad, Qod.51aad, Qod.52aad, Qod.53aad iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. Sidaas darteed Madashu waxay xoojineysaa nidaamka federaalka iyo mabaadii’da dastuuriga ah ee wada shaqeynta labada heer ee dowladnimada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Hadaba si ay u guuleysato wadashaqeynta labada heer ee dowladnimo waa in lasoo saaro heshiisyo iyo go’aanno siyaasadeed kuwaas oo hagaya siyaasadda loo dhan yahay ee Dalka isla markaasna tixraac u noqonaysa arrimaha soo socda oo dhammaantood mudnaan iyo horu-tebin u leh waqtiga ka harsan muddo xileedka hey`adaha dastuuriga ah ee hadda jira. A. Hagaajinta Xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe B. Dhameystirka Dastuurka C. Hannaanka Doorashooyinka 2020/2021 D. Dib-u-habaynta iyo Federaalaynta Nidaamka Garsoorka Dalka E. Kala wareegidda mas’uuliyadda Amni Ciidamada AMISOM iyo Sugidda amniga Dalka 7. Arimaha Amniga: Sida ku cad Qod.126aad iyo Qod.127aad ee Dastuurka KMG ah ciidamada qalabka sida waa in ay ka madax banaanaadaan arimaha siyaasadda, una istaagaan la dagaalanka Argagixsada iyo sugida amniga guud ee dalka, ilaalinta iyo bedbaadinta Shacabka. Madashu waxay kasoo horjeedaa in ciidanka amaanka loo isticmaalo arimaha ay kamid yihiin: Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran A. Caburinta siyaasiyiinta iyo soo oodida saaxada siyaasadeed B. Cadaadinta iyo caburinta saxafiyiinta iyo warbaahinta madaxbanaan C. Xayiraada iyo ciriirinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada D. Xariga muwaadiniinta iyo ku heynta xabsiyadda ee aan loo marin habraac sharci E. Joojinta hanaanka guracan ee qorista ciidamada qalabka sida ee hada socda ee kasoo horjeeda hab-raaca dowladnimo ee ciidameynta. 8. Maamulka iyo Matalaada Gobolka Banaadir: Madashu waxay garwaaqsantahay in uu Gobolka Banaadir yahay xarunta caasimada u ah Qarankeena, taas oo hoy u ah dhamaan xarumihii hey`adaha dastuuriga ah ee dalkeenu, waxayna bogaadineysaa ugana mahadcelineysaa shacabka Gobolka Banaadir kaalinta ay kuleeyihin dib-udhiska dowladnimada iyo bixinta canshuurta taasoo ah isha keli ah ee kasoo xeroodo dakhliga dowlada federalka marka laga reebo kaalmada beesha caalamka. Madashu waxay cambaaraynaysaa kana xuntahay xadgudubyada joogtada ee loo geysto xuquuqda muwaadiniinta ku dhaqan Gobolka Banaadir kuwaas oo dhibaato ba’an kala kulma xirnaanshaha waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada taas oo hoos udhac weyn u geysatey dhaqaalaha Gobolka sidoo kale dadka kunool caasimadda Soomaaliya iyagoo latacaalaayo dhibaatooyinka ay ugeystaan argagixsada waxaaana udheer dhibaatooyin Amni iyo dilalka qorsheysan. Madashu waxay aaminsatahay caasimadda Somaaliya in ay ku dulmantahay matalaada siyaasadeed sida dhismaha golaha deegaanka, kaqeybgalka Aqalka Sare sida uu tilmaamaayo Qod.72aad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ku-xiggeenka Safiirka Norway ee Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee Dawladda Norway u qaabilsan Geeska Afrika iyo madaxa Hey’adda NIS Foundation ayaa ka qeyb galay Kulan oo daah-furayey wejiga labaad ee Mashruuca xasilinta iyo adeegyadda guud ee bulsahadda oo ay maalgelineyso Norway. Mashruucaan oo socon doona muddo Seddex sano ah, ayaa waxaa ku bixi doonta lacag dhan 24 Milyan oo Doolar, iyaddoo inta uu socdana diiradda lagu saari doono arrimaha xasilinta, shaqo abuurka dhallinyarada, dib u dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, sida wadooyinka, garoomada ciyaaraha, isbitaalada, naleynta jidadka iyo taageeridda ganacsatada. Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan uu xambaarsanyahay muhiimad weyn, islamarkaana ay ka faa’iideysan doonaan dhallinyaradda, Dadka Danta yar, ganacsatada yar yar iyo bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan , wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in lagu guuleysto hadafka loogu talo galay mashruucan. Madaxa hey’adda NIS Foundation ee Soomaaliya Qaasim Gaabow Ducaale Ayaa dhankiisa xusay in lagu guuleystay Wejigii hore ee mashruucan oo lagu dhisay wadooyin, Isbitaalo, xarumo dowladeed iyo goobo kale, isla markaana hadda ay xooga saari doonaan siddii loogu guuleysan lahaa mashruucaan labaad oo faa’iido badan u leh bulshadda Soomaaliyeed. View the full article
-
The United States calls on the Federal Government of Somalia, all Federal Member States, and citizens of Somalia to work towards political reconciliation, cooperation, and unity through peaceful dialogue. Somalia has made impressive progress in key areas. “We encourage all actors to come together and remain focused on working with Somalia’s international partners to bring peace, stability, and prosperity to Somalia,” read the statement. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-habeen-07112019.mp3 View the full article
-
Muqdisho-(Caasimada Online)-Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen xisbiyada kala ah UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran ayaa soo saaray Mabaadii’da siyaasadeed ee Madasha ay ku mideysanyihiin lixdaas xisbi siyaasadeed ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheikh Axmed. War-saxaafadeed ka soo baxay madasha oo ka kooban 8 qodob ayaa looga hadlay arimaha kala ah: 1. Midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Sarreynta Dastuurka & Dhammeystirkiisa Ilaalinta Xuquuqda Asaasiga ah iyo Xorriyadda Muwaadinka Siyaasadda Loo Dhan Yahay Loona Siman Yahay Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 Ilaalinta Nidaamka Federaalka Arimaha Amniga Maamulka iyo Matalaada Gobolka Banaadir. Halkaan ka akhriso War-saxaafadeedka Madasha: Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku midoobeen 6 xisbi siyaasadeed oo ah tallaabo hore-u-socod oo loo qaaday dhanka dimoqraadiyeynta hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo ilaalinta midnimadda, madaxabanaanidda iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Sida ku cad Qod.3aad (3) ee Dastuurka KMG ah, Madasha Xisbiyada Qaran waxay u taagan tahay ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, talinta iyo sarreynta sharciga, caddaalad bulsho iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan Dastuurka iyo xeerarka Dalka. Kala-madaxbanaanidda awoodaha sharci-dejinta, fulinta iyo garsoorka oo leh hannaan ku dhisan isla-xisaabtan iyo hufnaan. Sida uu xeerinayo Qod.11aad (1) ee Dastuurka KMG ah, Madashu waxay aaminsan tahay in muwaaddiniinta Soomaaliyeed oo dhan, iyagoo aan loo eegin lab iyo dheddig, xaalad bulsho, aragti siyaasadeed, hayb, baahiyaha gaarka ah, xirfad, af-guri, xuquuqda iyo waajibaadkaba ay u siman yihiin sharciga hortiisa. Sidaas daraadeed, maadaama ay jiraan dhacdooyin iyo xaalado soo noqnoqday oo muujinaya in laanta fulinta ee dowladdu ay baalmartay mabaadiida aasaasiga ah ee dastuurka iyo sarreynta sharciga, taas oo halis gelinaysa geeddi-socodka dowladnimo loo dhan yahay. Sidaas daraaddeed Madashu waxay soo jeedineysaa arimaha hoose: Midnimada Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed Midnimada Dalka iyo wadajirka Dadka Soomaaliyeed waa lama taabtaan lamana kala qeybin karo. Madashu waxay ka shaqayneysaa ilaalinta iyo dhiirrigelinta midnimada Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna waxay ku baaqaysaa Dowladda Federaalka ah in ay ka dhabeyso wada-hadalka walaalaheen Somaliland si waafaqsan qodobbada dastuuriga ah. Sarreynta Dastuurka & Dhammeystirkiisa Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Madashu waxay aaminsantahay Dastuurka KMG inuu yahay midka ay Sooomalidu ku heshiisey la iskuna raacsanyahay oo dhaqan galka ah kaas oo ay ku dhisan yihiin dhammaan hey’ adaha Dastuuriga ah, sidaa daraaddeed Laanta Fulinta waxaa waajib ku ah ku dhaqankiisa, dhowristiisa iyo dhammaystirkiisa. Madashu waxay ku dhaliileysaa Laanta Fulinta ku xadgudubka bareerka ah ee ku dhaqanka dastuurka ee soo noqnoqday, taas oo shaki galinaysa inaan Laanta Fulintu aaminsan tahay Dastuurka iyo shuruucda Dalaka u yaalla. Madashu waxay diyaar u tahay inay ka qaadato kaalin mug leh sidii loo dhammeystiri lahaa Dastuurka KMG ah kaas oo suurtagelinaya isku haynta Ummadda Soomaaliyeed. Ilaalinta Xuquuqda Asaasiga ah iyo Xorriyadda Muwaadinka Madashu waxay u taagan tahay dhowrista iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadda muwaadinka, waxayna kasoo horjeeddaa ku tagri-falka awoodda Dowladda iyo cabburinta muwaadinka. Madashu waxay aaminsantahay in la ilaaliyo muwaadin kastaa xuquuqdiisa aasaasiga ah ee Dastuurku tilmaamey. kuwaas oo ay kamid yihiin ku biiridda iyo abaabulka ururro ama xisbiyo siyaasadeed, soo bandhigista ra`yiga, xurriyadda hadalka, saxaafadda, hal-abuurka, cilmi baarista, kaqeyb galka kulamo ama banaanbaxyo nabadeed, iyo xurriyadda dhaqdhaqaaqa. Madashu waxay diidantahay falalkii gaboodfalka ahaa ee ay ku kacdey dowladdu mudadii ay jirtey. Hadaba, si looga hortago soo noqnoqashada ku xadgudubka xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka Soomaaliyeed, waxay Madashu difaaceysa xuquuqda muwaaddinka iyo dhawrista xurriyadda asaasiga ah si waafaqsan Dastuurka. Siyaasadda Loo Dhan Yahay Loona Siman Yahay: Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Sida ku cad Qod.1aad(1) ee Dastuurka KMG ah, dowladnimada Dalka waxay ku dhisan tahay Nidaam Federaal oo Dimuquraadi ah kana kooban labo heer dowladeed si waafaqsan Qod.48aad, Qod.50aad, Qod.51aad, iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah oo ku qaabeysan Nidaamka Xisbiyada badan si waafaqsan Qod.47aad ee Dastuurka KMG ah iyo Sharci Lr.19 Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka ee soo baxay 27 Juun 2016. Madasha oo ka ambaqaadeysa qodobbada dastuuriga ah ee kor ku xusan ayaa waxa ay adkeyneysaa in siyaasadda loo dhan yahay loona siman yahay & suurtogelinta dooroshooyinka 2020/2021 ay tahay mas’uuliyad wadareed ay ka wada xaajoonayaan dhammaan Dowladda Dhexe, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Xisbiyada Siyaasadda, iyo Bulshada Rayidka kuwaas oo dhammaan udub dhexaad u ah qabsoomidda dooroshooyin Qaran oo leh hannaan hirgelin daahfuran si aqbalaadda natiijada dooroshinka ay u noqoto meelmar loogana fogaado qalalaase siyaasadeed. Sidoo kale, si doorasho wadar-oggol ah u suurtogasho, waxay Madashu ku baraarujinaysaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka in uu ka madaxbannaanaado xukuumadda iyo xakamaynteeda siyaasadeed kuna shaqeeyo ilaalinta dimoqraaddiyadda iyo daahfurnaanta sida ku cad Qod.110aad, Qod.111G, ee Dastuurka KMG ah. Madashu waxay aaminsantahay wada-shaqeyn iyo iskaashi dhab ah oo ay yeeshaan dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo xaqiijiyo siyaasad loo dhan yahay loona siman yahay isla markaasna suurtogelisa dooroshooyin daahfuran. Arimaha Doorashooyinka 2020/2021 Marka la eego sooyaalka siyaasadeed ee Dalka, 20kii sano ee lasoo dhaafey dooroshooyinku waxay ku qabsoomi jireen wakhtiga loogu talogalay, iyadoo awoodda dowladeedna la iskugu wareejin jiray si sharci ah oo dimoqraaddi ah oo nabadgelyo ku dhisan. Dhaqankaas siyaasadeed wuxuu gundhig u yahay hana-qaadka dimoqraaddiyadda dowlanimada Soomaaliya. Hadaba si loo joogteeyo dhaaqankaas wanaagsan, waa in dooroshooyinka Qaranku ay ku qabsoomaan wakhtiga uu Dastuurku u asteeyay si aan dib-udhac laheyn, waana in ay noqdaan kuwa daahfuran oo taladeeda laga wada qeyb galo. Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Sidaas darteed, Madashu waxay cadeyneysaa in aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga ee hada jira iyo isku dey kasta oo loogu gogol xaaraayo mudo kordhin ama hab-raac doorasho oo keeni kara boob iyo ku shubasho taas oo horseedi karta burbur ku yimaada Dowladnimadeena curdunka ah Ilaalinta Nidaamka Federaalka Sida ku uu qabo Qod.3aad (4) ee Dastuurka KMG ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku dhisan tahay mabaadii’da asaasiga ah ee awood qaybsiga Nidaamka Federaalka. Nidaamkan Federaalka wuxuu u baahan yahay in si dhab loogu dhaqmo lana ilaaliyo mabaadii’da dastuuriga oo ay ka mid yihiin: Wada-shaqeyn ku dhisan iskaashi iyo talo-wadaag sida ay tilmaamayaanQod.50aad, Qod.51aad, Qod.52aad, Qod.53aad iyo Qod.120aad ee Dastuurka KMG ah. Sidaas darteed Madashu waxay xoojineysaa nidaamka federaalka iyo mabaadii’da dastuuriga ah ee wada shaqeynta labada heer ee dowladnimada Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Hadaba si ay u guuleysato wadashaqeynta labada heer ee dowladnimo waa in lasoo saaro heshiisyo iyo go’aanno siyaasadeed kuwaas oo hagaya siyaasadda loo dhan yahay ee Dalka isla markaasna tixraac u noqonaysa arrimaha soo socda oo dhammaantood mudnaan iyo horu-tebin u leh waqtiga ka harsan muddo xileedka hey`adaha dastuuriga ah ee hadda jira. Hagaajinta Xiriirka Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe Dhameystirka Dastuurka Hannaanka Doorashooyinka 2020/2021 Dib-u-habaynta iyo Federaalaynta Nidaamka Garsoorka Dalka Kala wareegidda mas’uuliyadda Amni Ciidamada AMISOM iyo Sugidda amniga Dalka Arimaha Amniga: Sida ku cad Qod.126aad iyo Qod.127aad ee Dastuurka KMG ah ciidamada qalabka sida waa in ay ka madax banaanaadaan arimaha siyaasadda, una istaagaan la dagaalanka Argagixsada iyo sugida amniga guud ee dalka, ilaalinta iyo bedbaadinta Shacabka. Madashu waxay kasoo horjeedaa in ciidanka amaanka loo isticmaalo arimaha ay kamid yihiin: Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran: UPD, Horusocod, Nabadda, Kulan, Ilays iyo Himilo Qaran Caburinta siyaasiyiinta iyo soo oodida saaxada siyaasadeed Cadaadinta iyo caburinta saxafiyiinta iyo warbaahinta madaxbanaan Xayiraada iyo ciriirinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isku socodka bulshada Xariga muwaadiniinta iyo ku heynta xabsiyadda ee aan loo marin habraac sharci Joojinta hanaanka guracan ee qorista ciidamada qalabka sida ee hada socda ee kasoo horjeeda hab-raaca dowladnimo ee ciidameynta. Maamulka iyo Matalaada Gobolka Banaadir: Madashu waxay garwaaqsantahay in uu Gobolka Banaadir yahay xarunta caasimada u ah Qarankeena, taas oo hoy u ah dhamaan xarumihii hey`adaha dastuuriga ah ee dalkeenu, waxayna bogaadineysaa ugana mahadcelineysaa shacabka Gobolka Banaadir kaalinta ay kuleeyihin dib-udhiska dowladnimada iyo bixinta canshuurta taasoo ah isha keli ah ee kasoo xeroodo dakhliga dowlada federalka marka laga reebo kaalmada beesha caalamka. Madashu waxay cambaaraynaysaa kana xuntahay xadgudubyada joogtada ee loo geysto xuquuqda muwaadiniinta ku dhaqan Gobolka Banaadir kuwaas oo dhibaato ba’an kala kulma xirnaanshaha waddooyinka halbowlaha u ah isu socodka magaalada taas oo hoos udhac weyn u geysatey dhaqaalaha Gobolka sidoo kale dadka kunool caasimadda Soomaaliya iyagoo latacaalaayo dhibaatooyinka ay ugeystaan argagixsada waxaaana udheer dhibaatooyin Amni iyo dilalka qorsheysan. Madashu waxay aaminsatahay caasimadda Somaaliya in ay ku dulmantahay matalaada siyaasadeed sida dhismaha golaha deegaanka, kaqeybgalka Aqalka Sare sida uu tilmaamaayo Qod.72aad. Dhammaad: Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Boosaaso-(Caasimada Online)-Maxkamadda Ciidamada Puntland, ayaa dil-toogasho ah ku fulisay shan nin oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururrada Daacish iyo Al-Shabaab. Magacyada raga la toogtay ayey maxkamaddu ku kala sheegtay: 1-Ibraahin Guudow Boorow oo 23 jir ah. 2-Faarax Siciid Faarax oo 19 jir ah. 3-Sheikh Cabdi Cabdulqadir Sheikh oo 22 jir ah. 4-Shaafici Xuseen Macalin oo 19 jir ah. 5-Xasan Laamow Aadan oo 39 jir ah. Ragga la maanta lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa la sheegay in muddo dheer ay ku xirnaayeen xabsiga dhexe ee magaaladda Boosaaso, kuwaas oo kol hore laga wada qabtay gudaha deegaanada maamulka Puntland. Maxkamadaha Ciidamada ee Darajadda Koowaad iyo Racfaanka ayaa horay dil ugu xukumay ragaan, waxayna taasi keentay in Maxkamadda ciidamada ee Puntland ay maanta toogasho ku fuliso 5 taas ruux. Waa markii ugu horeysay oo tiro intaas dhan oo ku eedeysan argagisonimo lagu toogto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo bilihii la soo dhaafay ay dilal badan iyo qaraxyo ka dhaceen, kuwaas oo masuuliyaddoda ay sheeganayeen dagaalamayaasha Daacish iyo Al-Shabaab. Sidoo kale maamulka Puntland ayaa lagu eedeeyaa in dembiyo aysan galin ay dusha u saaraan dadka ka soo jeeda gobolada koonfureed ee dalka, wallow ay inta badan eedahaas beeniyeen madaxda maamulka Puntland. Caasimada Online Xaafiiska Boosaaso Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa markii u horeysay si rasmiya u shaaciyay in dalkiisu uu gacanta ku soo dhigay Xaaska hogaamiyihii hore ee Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi. Erdogan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamada Turkigu ay xireen haweenay la dhalatay Baqdaadi iyo Sodogiisa, kadib in ka badan toddobaad markii Hogaamiyaha Daacish lagu dilay gobolka Idlib ee waqooyiga Suuriya. “Mareykanku wuxuu sheegay in Baghdadi uu is diley, waxayna arrintaasi u bilaabeen olole, Laakiin waxaan halkan markii u horeysay kaga dhawaaqaya ‘in aan soo xirnay Xaaskiisa, waxaana sidoo kale gudaha Suuriya ku qabanay Walaashiis iyo Soddogiis” ayuu yiri Erdogan xili uu shalay khudbad ka jeedinayay Jaamacada Ankara. Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Argagixisanimadu waa qofka oo dhiig dadka aan waxba galabsan u daadiya sababtiisa qaloocan, isagoo aan diir naxeyn. Qofka Muslimka ahna ma aha argagixiso”. Madaxweyne Erdogan ayaa waxa kale oo uu sheegay in argagixsida ay baadi-goobayaan reer Galbeedku, inay ku sugan-yihiin gudaha dalalkooda, isagoona tusaale u soo qaatay ninka ay aadka isku hayaan ee Fethullah Gülen. Erdogan ayaa ugu dambeyntiina khudbada uu ka jeedinayay Jaamacada Ankara, si weyn uga hor-yimid in Muslimka lagu tilmaamo argagixiso, wuxuuna ifiyey in argagixisada ku kor duugan yihiin dad neceb islaamka. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in halkaas lagu xayiray Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha dowladdii kumeel gaarka aheyd Cabdisamad Macalin Maxamuud. Cabdisamad oo doonayey inuu ka dhoofo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kuna wajahnaa dalka Jarmarlka ayaa loo diiday inuu dhoofo. Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya xiriir dhowna la leh Cabdisamad ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inay arrintaan dhacday Isniintii lasoo dhaafay. sababaha looga hor-istaagay safarkiisa ayaa la sheegay inay la xiriirto arrimaha Ahlusuna oo la sheegayo in Madaxda Ahlusuna iyo dadka ku dhow dhowba dowladdu xayiraad saartay, sababo ku aadan khilaafka ka taagan arrimaha maamulka Galmudug. Cabdisamad ayaa waxaa dhalay Hoggaamiyaha Ahlu Sunna Macalin Maxamuud kaasoo hadda uu khilaaf weyn kala dhaxeeyey Dowladda Soomaaliya kadib markii Ciidamada Dowladda ay la wareegeen qeybo badan oo ka tirsan goobihii ay Ahlu Sunna gacanta kaga heysay Gobolka Galgaduud. Cabdisamad ayaa la xaqiijiyey inuu kamid ahaa raggii loo maray oo wax ka fududeeyay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Ahlusuna kaasoo markii dambe kusoo dhamaaday khiyaano loo geystay Ahlu Sunna. Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna uga baxday heshiis ay horey ula gashay, waxaana muuqato inay Dowladda Soomaaliya hadda wiiqday awooddii Ahlu Sunna kadib markii halkaas la geeyey ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Golaha wasiirada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kulan looga hadlay arrimo dhowr ah ku yeeshay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Kulankan waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxaana diiradda lagu saaray arrimo ku aaddan dhaqaalaha, ammaanka iyo qodobo kale. Wasaaradda haweenka Jubbaland ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda Haweenka iyo sidoo kale shaqooyinka la xiriira horumarinta haweenka oo wasaaraddan ay waddo. Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha ayaa dhankeeda soo badhigtay sida ay deegaanka saameyn ugu yeelan karto dhagxaanta (Kaawada) ee dhulka laga qodob. Sidoo kale, guddiga dhaqliga ayaa laga dhageystay warbixin dheer oo ku saabsan hanaanka kobcinta dakhliga waxaana laga sugayaa guddigan qorshe cusub oo ku saabsan kobcinta daqliga iyo hirgelintiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maanta xildhibaannada Puntland ka qaadeen xilkii guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistii lagu sameeyey. Guddoomiyaha oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xaaraan ay tahay xil ka qaadistii lagu sameeyey, islamarkaana aan waddo sharci ah loo soo marin. “Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo” Xildhibaannada ayaa sheegay in sababta ay xilka uga qaadeen guddoomiye Dhoobo ay tahay, kadib markii uu jabiyey Dastiirka Puntland iyo xeer-hoosaadka u yaalla baarlamaankooda, balse guddoomiyaha arrintaasi waa uu iska bari yeelay. “Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay, golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay, gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay, wax la wada qaatay bay ahaayeen”. “Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo” Ugu dambeyn, Dhoobo Daareed ayaa sheegay in isaga waddo sharci ah uu ku yimid, haddii uu baxayana uu ku bixi doono waddo la mid ah sidii uu markii horeba ku yimid, “Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa” 49 mudane ayaa u codeysay xil ka qaadistii maanta lagu sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana ka aamustay 4 mudane oo kaliya, maadaama kulanka ku furmay 53 xildhibaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abukaate C/casiis ayaa magacaabay guddiga doorashada ee guddoomiyaha baarlamaanka Puntland. Guddigan ayaa ka kooban 7 xubnood, waxaana ay diyaarin doonaan doorashada guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi. Abukaate C/casiis ayaa kulankii maanta xilka looga qaaday Cabdi Xakiin Dhoobo Daareed ka sheegay in doorashada ay dhici doonto 14-ka bishan, wallow go’aanka kama dambeysta ah shaacin doonaan guddigan la magacaabay. Halkaan hoose ka akhriso: Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN) – Xasan Daa’uud, dadkii uu 7-da sanno salaada ugu yeerayey ayaa u bixiyey “Aadaanka Wareega”. Ninkaan oo nolol maalmeedkiisa ka dhacsada cilad-bixinta telefoonada ayaa ku nool xaafadda Madiina ee Muqdisho. Dadka ku mashquulsan ganacsiga ayuu xiliyadda salaadda ku gobaadiyaa, isaga oo adeegsanaya cod-baahiye. Shaqadda uu hayo ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay dadka, oo kaga mahadceliyey kuna booriyey in sii laba jibaaro. Isaga qudhiisa aad ayuu ugu faraxsan yahay, wuxuuna sheegayaa in uu rajo ka qabo in la helo dad badan oo bedela. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Aadan.mp3 View the full article
-
Jowhar (SMN) – Webiga Shabelle ayaa lagu waramayaa in uu ku fatahay degaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Degaanka uu illaa iyo haatan ku fatahay ayaa waxaa kamid ah degmadda Mahaday ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Axmed Xuseen Axmed, gudoomiyaha degmadaas oo u waramay warbaahinta, ayaa shaaciyey in xaaladu adag tahay. Dowladda Federaalka ah ayuu ku tartarsiiyey in ay dadweynaha halkaas ku nool lasoo gaarto gurmad deg-deg ah. Fatahaaddan ayaa kusoo aadeysa xili xukuumadda Soomaaliya ay dhowaan digniin kasoo saartay daadad horleh oo dhici kara. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Fatahaad.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa howl-gal Dad badan lagu soo qab-qabtay kawada degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose. Howl-galkan ayaa yimid markii Bam lagu tuuray Guriga uu Afgooye ka deggenaa Gudoomiye ku xigeenkii arrimaha Bulshada ee Gobolka Shabeellaha hoose, Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabeey” oo u geeriyooday dhaawac kasoo garaay weerarkaas. Ciidamada ayaa howl-galkoodu waxaa uu ahaa mid qorsheysan, waxanay soo qabteen Dad ku dhow 50 Qof oo Dhallinyaro u badan, kuwaas oo la geeyey Saldhigga Booliska Afgooye. Dhallinyarada Ciidanka soo qabteen ayaa looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, iyadoo uu ku socda baritaan arrimahaasi ku saabsan. Saraakiisha Ciidanka Booliska ee Degmada Afgooye ayaa sheegay in Dadka ay qabteen qaarkood ay ku tuhmayaan in ay xiriir la leeyihiin kooxda Argagaxisada Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda Munaasabadda daah furka Madasha Xisbiyada Qaran, kaddib markii dhowaan Madasha ku dhawaaqday inay yeelatay Hoggaan ay ku mideysan yihiin. Munaasabadda ayaa ka socota Hoolka Sahal, waxaana ka qeyb galaya munaasabadda Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, Madaxdii hore ee dalka, Xildhibaano iyo marti sharaf kale. Waa bandhig kale oo Isbaheysiga Mucaaradka ku muujinayaan cududooda siyaasadeed, iyo madasha ay ku mideysan yihiin, waxaa mar kale la filayaa inay diraan farriin siyaasadeed oo culus. Guddoomiyaha Madasha Shiikh Shariif oo khudbad jeedinayey ayaa sheegay inay shaki weyn ka qabaan ciidamo uu sheegay inay ka tirsan yihiin Nabadsugidda kuwaas oo la qoro habeen isla markaasna loo daabalo laba dal. Shiikh Shariif ayaa is waydiiyey su’aal ku saabsan sababta keentay in ciidamadaas kaliya loo diro labadaas dal. “Shaki weyn ayaa ka qabnaa Ciidamo habeen la qoraayo oo Nabadsugida qoreyso, oo labo dal loo dirayo”ayuu yiri. Inkastoo aanu Shariifka carabaabin dalalkaas, hadana Waxaa horay u jirtay warar la isla dhex marayay oo sheegayay inay jiraan Ciidamo tababaro loogu qaaday dalalka Eritrea iyo Qatar. Dalalka Eritrea iyo Qatar ayaan horay uga mid aheyn dalalkii Ciidamada loogu soo tababaray Soomaaliya sanadihii u dambeeyay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
