Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,993
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah. Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir. “Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan. Hadalka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa wuxuu niyad jab ku yahay ciidamada qaar ee naafada ah kuwaasi oo u soo dhaawacmay Qaranka. C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay tallaab ka qaado Taliyaha oo meel kaga dhacay dadka naafada ah. “Haddii wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu Jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhowro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah. Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyey, haddana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. The second batch of humanitarian aid provided by the State of Qatar through Qatar Fund for Development for those affected by the flood disaster in the Federal Republic of Somalia arrived to the Somali capital, Mogadishu, on Thursday evening. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisada Madaxweynayaashii hore iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Yuusuf Garaad ayaa sheegay in khalkhal gelinta loo geystay safarka Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud uu saameyn karay badqabkooda, wuxuuna ku tilmaamay mid fuduul ah oo aan la qaadan karin. Sidoo kale wuxuu ka digay isku day kasta oo uga sii dari kara xaaladda ammaan ee dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kadib markii shalay, Sheekh Shariif uu sheegay in uu Muqdisho ka saari doono dowladda, haddii aysan ka waantoobin waxa ay wado. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo sii hadlayey ayaa dowladda ka dalbaday inay joojiso waxa u muuqda daandaasiga, sida uu hadalka u dhigay. “Khalkhal gelinta safarka Madaxweynayaashii hore, oo xataa bedqabkooda saameyn karay, waa faduul aan la qaadan karin. Waanse ka digayaa isku day kasta oo amniga caasimadda uga sii dari kara. Dowladduna waa in ay ka qaangaarto waxa hadda u muuqda daandaansiga.” wasiirkii hore ee arrimaha dibada Yuusuf Garaad Cumar. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisada siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda iyo madaxdii hore, taas oo ka dhalatay kadib socdaal ay shalay Madaxweynayaashii hore ku tageen degmada Beledweyne oo la sheegay in dowladdu ay isku dayday inay is hortaagto wafdigaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha xisbiyada Qaran ee uu guddoomiye u yahay, Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta wejiga labaad gargaar ay ugu talageen dadka ay saamyeeyen fatahaadaha u diray degmada Bardaale ee gobolka Baay. Wafdigan oo goor dhow ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ayaa waxaa hoggaminaya guddoomiyihii hore Baarlamaankii KMG ahaa, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Lacagta ay geyn doonaan Bardaale ayaa dhan 100,000 oo Dollerka Mareykanka ah, taas oo qeyb ka aheyd 200,000 oo Dollar oo madasha xisbiyada ugu deeqday fatahaadaha. Gargaarkan ayaa qeyb ka noqonaya gurmad xoogan oo loo fidinayo walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale. Shalay ayey aheyd markii wafdi ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen Beledweyne oo ay geeyeen 100,000 oo Doller iyo gargaar loogu talagalay dadka ku nool magaaladaasi. Safarkaasi oo la siyaasadeeyey ayaa waxaa ka dhashay xiisado u dhexeeya madaxdii hore ee dalka iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana labada dhinac hadallo kulul ay isku mariyeen dhanka warbaahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. More details are coming out of an attack reported on the outskirts of Somalia’s southern port city of Kismayo on Sunday night. The assault which was one of the biggest raids in months was targeted a military base run by Jubaland state forces, according to local residents, who spoke to Radio Shabelle via phone on Monday morning. It is not clear how many casualties were caused by the attack. In response to the ambush, Jubbaland state troops have launched operations to search for the attackers who are believed to be Al-Shabaab members. Al-Shabaab frequently attacks allied forces’ bases in the Jubba regions of southern Somalia as part of its attempt to oust the UN-backed Somali Government and expel the foreign troops. View the full article
  6. Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaadda webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama Dowladda Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga. Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaaddu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen. Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah. View the full article
  7. Somali Federal Government said it is very concerned about a comment made by the former head of state, Sheikh Sharif Sheikh Ahmed on Sunday. Minister for Information, Mohamed Hayir Mareye termed the remarks made by the former President after he visited flooded hit city of Beledweyn as “astonishing”. Sheikh Sharif blamed President, Mohamed Abdullahi Farmajo’s government for disrespecting the constitution through violation of freedom warning that if the current administration will not desist they will use all necessary to stop it. He condemned an alleged attempt by the aviation authority to block his flight trip to deliver aid to affected citizens in Hiiran region. “The Somali government is surprised by the remarks made by the former President Sharif Sheikh Ahmed,” The Information Minister Mohamed Abdi Mareye said. “The remarks are below the status and dignity of what was expected from the former leader.” Press Statement from the Ministry of Information appealed to the former President to respect his status and avoid a move that harms his national reputation. “The Somali government, former head of states and all others that value the development of the country have the responsibility to safeguard the unity, safety, and security of the nation.” The statement said. View the full article
  8. Guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa madaxda dowladda federaalka ah ku eedeeyey in aaney dadka u gargaarin, ogoleynna in loo gargaaro. Mudane Sheekh Shariif oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Inta dadka lagala qeyb qaato xanuunka, baahidooda la dul istaago intaas ayaan u soconay, siyaasad ma jirin. Dowladda ma fahamsano wixii loo doortay, ma fahamsano sharciga lagu doortay, diyaar uma aha xuquuqda muwaanka Soomaaliyeed ee lagu aaminay iney ilaaliso, haddii inta ay istaagto gargaarka dadka u baahan yihiin gaarsiin lahaayeen, waxaan dhihi laheyn mahadsanidiin ku jeer, laakin meeshii waxbo ma geyneyno, baahideeda kuma filnin, intan baxno oo biyo lugaha gishanno ayaan soo noqoneyaa, sawir ayaan iska soo qaadeynaa, qofkii aadayana ma aadi karo”. Madaxweyne Shariif waxaa uu sawir ka bixiyey sida wax u dhaceen, waxuuna yiri” “ Xamar xilli dambe ayaa nala qaaday, markii Balaweyne kor tagtay oo garoonkii aragnay, waa na soo celiyey, Xamar marka aan ku soo dhownahay ayaa Pilot-kii waxaa la dooday madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo dhahay garoonka waa qoyan yahay, laguma degi karo halka madaxweynaha uu dhahay, waxaas waxbo kama jiraane, waan idin celinaa na dheh, ninkii maskaxdiisa waa is badashay, xiriir ayuu sameeyey, isla markii diyaarad militari oo Itoobiyaan ah, oo midda aan wadanay marka ugu yar tahay labo mar ka culus ayaa ka degtay, waa maqlay, waa kala jiireeyey, waa na geeyey, garoonka mid ciid leh ayuu ahaa, marka beenta intaas la eh ma fileyn”. Guddoomiyaha madasha xisbiyada Mudane Shariif waxaa uu ka hadlay in ay dhismo u dan leeyihiin “Innaga mucaarad waa nahay, laakin mucaarad wax dhisaya ayaa nahay, maxaan wax ku dhiseynaa? sharci, ciidamo miyaa nagu aragteen aniga Xasan Sheekh oo wadano, weligeen miyaan idiin kala hadlnay dowladda hala dumiyo, innaga waxaan leenahay sharciga hala ilaaliyo, waxa ugu horeeyana waa xuriyadda muwaadinka”. Madaxweynaha waxaa uu soo hadal qaaday in la isweydiiyo waxa ka dhalan kara carada iyo caburinta muwaadinka Soomaaliyeed isaga oo yiri “Garoonka diyaaradda haddii dad laga celiyo, maxaa dhici kara isma weydiiyaan, dadkan qoryihii waa heystaan, weli xanuunkii waa hayaa, cadaalad darradii waa dul saaran tahay, albaabadii waa xiran yihiin, jid la mari kara ma jiro, haddii qofkii aad ceejiso, maxaa ka imaanaya, qofka normalka ah caqligooda waa ka hooseeyaa”. Ugu dambeyntii, madaxweyne Sheekh Shariif oo caro ka muuqato waxaa uu sheegay in haddii dhibka laga joojin waayo ay xoog isaga qaban doonaan kuwa dhibka wada, lana aqbali doonin **********nimo, waxaa uuna arrinkaas ka yiri “Magaaladan mooriyaan ayaa heysan jirtay sow ma aha? Waa lala dagaalamay waa la bixiyey, Itoobiyaan ayaa soo galay maxaa lagu sameeyey, waa la bixiyey, Shabaab ayaa qabsaday, waa laga adkaaday, maka xoog badan yihiin dadkaas? Walahi, tuma Walahii, tuma Walaahi haddii aysan joojin waan bixineynaa, qofka aan sharci ilaalin, muxuu nagula joogaa, **********imo ma yeeleyno, sharciga in la isku xukumo ayaan rabnaa”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo muddo ay ku sugnaayeen. Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Dagaalyahannadii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ayaa faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen halkaasi, si ay ula wareegeen gaca deegaanadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab la saaray culeys xoogan, islamarkaana duqeymihii u dambeeyey ee lala beegsaday ay sababeen inay dib uga gurtaan deegaanada Deeqlo iyo Maraale. Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka dhacay saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Muddooyinkii dambe ciidanka Milatariga Soomaaliya, kuwa daraawiishta Galmudug iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay weli ko xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  10. MOGADISHU (HOL) - Former president and opposition leader Sheikh Sharif Ahmed has declared the opposition will ‘decisively fight back’ any attempts by the federal government to suppress its activities in the country. Source: Hiiraan Online
  11. Guddoomiyaha Xisbiga UPD , xubinna ka ah madasha xisbiyada qaran, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka ah ku mashquulaan, shaqana ka dhigtaan cidda garoonka ka baxeysa ama ka soo dageysa. Mudane Xasan Sheekh oo arrintan ka hadalaya waxaa uu yiri “Nasiib darro 7-badii subaxnimo , 11-kii iyo jarjar ayaan ka baxnay, dowladda federaalka ah mas’uuliyidda ugu sareysa hoggaanka dalka, mas’uuliyadda lama wadaago, madaxweynaha ayaa dalka mas’uul ka ah, xukuumadda ra’isul wasaaraha ayaa mas’uul ka aha, labadoodu iney shaqo ka dhigtaan hebel diyaar ha raaco, hebel uu raacin, hebel diyaaradiisa dib haloo dhigo, dalkan waxaa uu leeyahay hey’ad duulis oo mas’uul ka ah, ninkii madaxda ahaa intan u yeernay ayaan ku niri “ Hey’adda duulista iyada ayaa garoomada, hawada mas’uul ka ahe, amarkaaga miyey diyaaradda ku joogtaa? “ Maya ayuu dhahay, aniga amarkeyga kuma joogto”, wixii ka soo hara marka wixii ay ku joogto waad garan kartaa, madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha isku tagaan, hal xafiis isla fariistaan, maanta oo dhan telefoono ku jiraan hebelow adiga xagga ka riix, oo wiilasha shaqaalaha ay ciriiri geliyaan, oo ay dhibaan, innaga Baladweyne inta aanan tagin, diyaarad midda aan wadanay 4 jeer ka miisaan weyn ayaa ka degtay”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu tilmaamay in garoonka Baladweyn aaney biyo ku jirin isaga oo edeb darro ugu yeeray waxa lagu sameeyey”Garoonka diyaaradaha Baladweyn, meel yar oo biyo ugu jiraan iska daaye, boorka ka kacayey xisaab ma leh, edeb darro iyo dulmi iyo been sheeg ayey aheyd garoonkaa saan iyo inta ayaan saan ah, marka dowlad hoggaankeeda waxaas ku mashquulsan yahay, goorma ayey kacee oo wax qabsanee? Ugu dambeyntii, waxaa uu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in dalka aaney wax shaqo ah ka soco isaga oo yiri “Dalka meesha uu taagan yahay waa meeshaas, shaqo ma jirto, dowladnimo lagama shaqeeyo”. Madasha xisbiyada qaran oo shalay gargaar u waday dadka ku dhibaateysan magaalada Baladweyn ayey xariyaar ku sameeyeen qaar ka mid ah hey’adaha dowladda iyaga oo ka been sheegay cimilada, taasi oo markii dambe been noqotay, wafdigiina uu geeyey gargaarkii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka warbixiyey dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka. Waare ayaa sheegay in la soo gabagabeeyey wejiga 1-aad ee gurmadka oo ahaa badbaadinta dadka, islamarkaana uu haatan socdo wejiga labaad ee Samafalka. Wejiga labaad wuxuu tilmaamay in laga shaqeynayo kaliya sidii dadkaasi dhibaateysan loo gaarsiin lahaa cunto, biyo nadiif ah iyo daawo. Sidoo kale waxa uu Madaxweynaha HirShabelle ku baaqay in aan loo kala harin u gurmaashada dhammaan dadka ay saameeyeen fatahaadaha ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalooyinka Bardaale iyo Beledweyne. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay.” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Dowladda federaalka oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed ayaa wada qorshe ballaaran oo gurmad iyo caawimaad deg deg ah loogu fidinayo dadka dhibaateysan. Caasimada Online Xafiiska Jowhar caasimada@live.com
  13. Warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in malayshiyaadka Al-shabaab ay isaga baxeen degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Al-shabaab ayaa ka baxay degaannada Deeqlo iyo Maraale oo hoosyimaada degmada Xarardheere, kadib markii cabsi xoogan ay kasoo wajahday dhanka Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgallo ka wada halkaasi. Wakaaladda Wararka SONNA, ayaa ka soo xigatay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda in malayshiyaadka Al-shabaab ay ka carareen degaannada hoostaga Xarardheere, kadib markii ciidamada Federaalka iyo saaxibadood todobaadkii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysteen dhulkaasi. Wakaaladda ayaa sheegtay, in ciidanka dowladdu ay halkaasi ka wadaan hawlgal ballaaran oo Al-shabaab looga saarayo degmada Xarardheere iyo tuulooyinka hoosyimaada ee dhaca koonfurta gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo la sheegay in ay ka baxday degaanno ka tirsan koonfurta gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  14. Sanatorada Aqalka Sare ee BFS ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta Golahaasi, waxayna uga arrinsan doonaan Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiyada Qaranka. Golaha Aqalka Sare ayaa waxa maanta hor yaalla ajandaha ah akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Istaraatiijiya Qaranka, iyagoona dood adag ka yeelan doono sharcigaasi Sidoo kale Sanatorada Aqalka Sare ayaa la filayaa in ay wax ka dhimis iyo wax ku darid intaba ay ku sameeyaan Hidise Sharciyeedka Istaatiijiyada Qaranka. Aqalka Sare oo ku jira Kalfadhigii lixaad ayaa waxaa hor yaalla sharciyo muhiim ah oo laga sugayo inay meel mariyaan. View the full article
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. Ugu horreyn Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka. “Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Ugu dambeyn wuxuu dowladda kula taliyey in ay keento qorshe lagu xasilin karo xiisada jirta hadda, si loo yareeyo shidada haatan taagan iyo is mari-waaga siyasaadeed ee u dhexeeya madaxda dalka iyo mucaaradka. “Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas. Shalay ayey markale is qabteen madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo booqasho ku tegay Beledweyne, inkastoo dowladdu lagu eedeeyey in ay siyaasadeysay socdaalkaasi oo sababay xiisado hor leh oo u dhexeeya labada dhinac. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar qorsheysnaa oo xalay ka dhacay duleedka magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa rag hubeysan ay ku qaadeen fariisin ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin halkaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan. Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa saaka bilaabay howlgallo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey weerarkaasi . Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada huwanta ee ku yaalla gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya. View the full article
  17. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa jawaab ka bixiyey hadal shalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ku aadanaa in dolwadda uu ka saari doono Muqdisho, haddii aysan joojin dhaq dhaqaaqyada ay wado. Maxamed Cabdo Xayir Maareeye ayaa sheegay in hadalkaasi uu ku noqday mid filan waa ah, islamarkaana uu dhaawacayo nabad galyada iyo horumarka Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd inuu u damqado dalkiisa, islamarkaana uu ka shaqeeyo sidii loo xasilin lahaa. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cod-soofaysane-2.mp3 View the full article
  18. Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay haatan wadaan wejiga Labaad ee u gurmashada dadka uu saameeyey fatahaadda Wabiga Shabelle. Waare ayaa tilmaamay in uu dhammaaday wejigii Koowaad ee gurmadka, kaasi oo ahaa badbaadinta dadka, wejiga Labaadna yahay dhanka Samofalka. “Gurmadka Fatahaadda wuxuu ahaa Saddex weji, kan Koowaad wuxuu ahaa badbaadinta dadka wuuna inoo dhammaaday, waxaan hadda ku jirnaa wejiga Labaad oo ah Samofalka, xagga cuntada, xagga biyo dhaaminta, hoyga, daawada, nadiifinta magaalada, Todobaadkan ama kan dambe waxaan rajeeneynaa inuu inoo dhammaado, waxaana bilaabi doonnaa wejiga Saddexaad oo ah dib u kabashada, waxaan u baahannahay in la fuliyo Shan Mashruuc oo arrintaasi wax looga qaban karo oo ugu horreeyo Garoonka diyaaradaha in laga shaqeeyo rajo fiicanna waan leenahay” ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle. Magaalada B/weyne waxaa weli ka soconaya dedaallada loogu gurmanayo shacabka uu saameeyey fataahadda Wabiga Shabelle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-11112019-ok.mp3 View the full article
  20. Guddoomiyaha Maxkamada Abukar Cabdinuur Jaamac Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso, ayaa xukuntay laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay geed-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud. Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah. Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Maxkamadda Boosaaso oo xukun ridday appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha dalka Shiinaha Mr. Xi Jinping ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magalada Athenis ee dalka Griigga ,halkasi oo loogu sameeyay soo dhoweyn heer sare ah oo ay hormuud ka yihiin madaxda dalkaasi. Booqashada Madaxweynaha oo qaadaneysa muddo 3-cisho ah ,waxaa inta uu joogo dalka Giriigga uu madaxda dalkaasi kala hadli doonaa sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ganacsi iyo kan dhaqaalaha ee ka dhexeeya labada dal. Madaxweynaha Shiinaha wxa uu mudada uu joogo dalka Girigga uu boooqan doonaa dekada Piraeus oo ay maamusho shirkada shixnadaha Cosco ee ay leeyihiin Shiinaha . Waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 10 alaabada dalka Shiinaha uu u dhoofiyo dalalka Yurub,waxa ay sii maraan dekedda Piraeus oo kulaasha biyaha badda Meditareeniyamka PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Shiinaha iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray dalka Giriiga appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil hore uga tirsanaa hay’adaha ammaanka Soomaaliya iyo kuwa hadda xilla sare ka haayo ciidamada amaanka oo la soo xariiray Caasimada Online ayaa muujiyay walaac xoog leh oo ay ka qabaan amaanka madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda. Saraakiishaan oo naga codsaday in aanan adeegsan magacyadooda ayaa Caasimada Online u sheegay in ay jirto dayacaad amni oo weyn oo halis ku ah ammaanka madaxweyiyaashii hore ee dalka islamarkaana aysan ku baraarugsaneen madaxda dhibaatada ay wajahayaan. “Saacad walba ayay Shabaab beegsan karaan. Ka sokow Shabaab, dalka waxaa ka jira khilaaf siyaasadeed oo xoog leh dilalka iyo weerarada dhacana kaliya ma fuliyaan Al-shabaab ee waxaa jira falal argigixiso oo ku lug leh siyaasadaha is diidan oo ay geestaan dad la yaqaano balse loo saariyo Al-Shabaab waxaana ii muuqda in hogaamiyaashaasi ay dayacan yihiin” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo aan qarinay magaciisa iyo xilka uu ka haayo Booliska. “Baaritaan dheer lama marsiiyo dadka ka qaybgala xafladahooda, sidoo kale ma ahan dad la yaqaano, waxay u badan yihiin arday laga soo aruuriyay jaamacadaha kuwa ay keeneen arday kale oo ah dhalinyaro xaafadeed, qaarkood waa iska yimadaan baaritaanka la marana aad ayuu u jilacsan yahay waxaa dhici karta in qaraxyo lala soo galo, sidoo kale waxaa dhici karta in ay toogasho dhacdo mana heestaan ciidan ilaaliyo oo ka baara halka ay u socdaan meesha ay fariisanayaan iyo dadka u soo dhaawanaya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalkaan ka tirsan Booliiska Soomaaliya. Sidoo kale Saraakiil hore oo ka tirsan hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in ay qalad tahay in madaxdii hore ay ku safraan hal diyaarad, sidoo kalane ay aadan magaalo ay ka jirto qatar amni oo ka kooban laba nuuc oo kala ah. Qatarta amni ee dalka ka jirta oo ka imaan karta argigixisada dalka ama dhinacyo kale, iyo qatarta labaad biyaha magaalada ku soo fatahay oo ay ka dhalin karto xaalado amni oo halis ah, oo labadooda ay mar qura ku bixi karaan. Masuuliyiintaan ayaa madaxdii hore ee qaranka ka dalbaday in ay joojiyaan safarada halka diyaarad ah sidoo kalane ay kordhiyaan taxadarkooda balse aysan ku koobin oo kaliya iska ilaalinta qartarta Al-Shabaab laakiin ay ogaadaan saameentooda iyo dalka ay rabaan in ay ku dhax shaqeeyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  23. Wasiir Maareeye Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka jawaabtay hadal ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, oo si adag dowladda ugu hanjabay, kadib markii ay shalay laba jeer isaga iyo wefdigiisa ku xannibtay garoomada diyaaradaha Muqdisho iyo Beledweyne. “Magaaladaan **********aa heysan jirtay sow maaha, waa lala dagaalamay waa la raacdeeyay mise waa beentey, Itoobiyaanaa soo galay maxaa lagu sameeyay waa la eryay,Shabaabaa qabsaday, Maka xoog badan yihiin dadkaan. Walaahi Thuma Walaahi, Walaahi Thuma Walaahi hadeysan joojin waan bixineynaa” ayuu yiri Sheikh Shariif. Wasiirk Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa xalay saqdii dhexe warbaahinta u sheegay in hadalka Sheikh Shariif uu layaab iyo filan-waa ku noqday dowladda Soomaaliya, isagoo ugu baaqay in uu ilaaliyo sharaftiisa iyo karaamadiisa, islamarkaana taxaddar ka muujiyo wax kasta oo dhaawacaya magaca Qaran ee uu xambaarsanyahay Sheikh Shariif. “Warka ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waa mid la yaab iyo filanwaa ku noqday ummada Soomaaliyeed kaas oo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada qof hore dalkaan xil astaan qaran u soo noqday.” Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mr Maareeye. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shalay laba jeer xannibaado kala duwan u geysatay wefdi ka socday xisbiyada ka dhisan Muqdisho, oo ay hoggaaminayeen madaxweynayaashii hore Sheikh Shariif iyo Xassan Sheikh Maxamed, kuwaasi oo gurmad u siday dadkii ku waxyeelloobay fatahaadda Beledweyne. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay hanjabaadii Sheikh Shariif appeared first on Puntland Post.
  24. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa u jawaabtay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, kadib shir jaraa’id oo uu qabtay. Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu yiri sidan: Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee ka soo yeeray Mudane Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ahaa hadal filan-waa ku noqday guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan Astaan Qaranka u soo noqday. Sidaas Awgeed, waxaanu Madaxweynihii hore Shariif Shiekh Axmed ugu yeeraynaa in uu dhowro magaciisa iyo sharaftiisa, kana taxadaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka Qaran ee uu Xambaarsan yahay Madaxweyne hore. Dawladda Soomaaliyeed, Madaxdii hore ee Qaranka iyo cid kasta oo doonaysa horusocodnimada Dalkan waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta Midnimada, bad-qabka iyo amniga guud ee Dalka. Ummadda Soomaaliyeed waxay manta hiigsanaysaa horumar iyo nabad, cid kasta oo hogaanka soo qabatay waxaa laga sugayaa in ay ka qayb qaataan xoojinta iyo ka miro dhalinta himilooyinka iyo rajada Shacabka Soomaaliyeed. Halkaan hoose ka dhageyso codka wasiir Maareeye: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/11/Codka-Maareeye.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com