-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
16th November 2019 War-saxaafadeed Ururada madaxa-baan oo war-saxaafadeed ka soo saaray muranka gudida doorashooyinka Is-bahaysiga Ururada Madaxa-banaan ee Somaliland (ISCO Somaliland) waxaay si dhow ula socotay geediga doorashooyinka Somaliland ee looga gol lahaa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka ee dib u dhaca badani ku yimi, gaar ahaan dadaalada ay xisbiyada siyaasadeed ugu jireen inay ka gaadhaan heshiis khilaafka ka dhashay Gudida Doorashooyinka si loo bilaabo diyaar-garawga doorashooyinka. 27 July 2019 sadexda xisbi ee Somaliland waxaay ka heshiiyeen muranka jiitamay ee ku saabsanaa xubnaha Gudida Doorashooyinka, heshiiskaas oo shacabka Somaliland ku abuuray rajo iyo yididiilo ay u qaadeen in la soo af-jaro dib u dhaca qayral dasstuuriga ah ee su’aasha geliyay dimoqraadiyadda Somaliland. Kadib markii Guurtida iyo xisbiayda mucaaradka ahi ay soo magacawdeen xubnohoodii, Madaxawynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u gudbiyay Golaha Wakiilada todobada xubnood si ay u ansixiyaan. Nasiibdarro, xisbiga Waddani wuxuu ku dhawaaqay inaanu ku faraxsanayn laba ka mid ah sadexda xubnood ee uu magacaabay madaxwaynuhu. Wuxuu ku dooday Waddani in Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) aanu buuxin shuruudaha sharcigu u dhigay, halka uu ku dooday in Kaltuun Xasan Cabdi ay ka mid ahayd xubnihii hore ee Waddani ka cawday. Xisbiga UCID wuxuu ku raacsan yahay Waddani diidmada ka dhanka ah Cabdirashiid Riyo-raac. Xisbiga Waddani wuxuu la noqday xubintii uu soo magacaabay. 12kii November ayuu Golaha Wakiiladu ansixiyay lix xubnood oo uu ka mid yahay kuwii mucaaradku diiday. Labada xisbi ee mucaaradka ahi waxay sheegeen inaanay ka qayb noqon doonin doorashada inta Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Gudida Doorashooyinka. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani markay derseen ee ay kormeer joogto ah ku sameeyeen arimaha doorashooyinka, waxaay iskugu yimaadeen shir 16 November 2019. ISCO Somaliland waxaay si wayn uga walaacsan tahay halka ay marayso dimoqraadiyadda Somaliland. Dastuur ahaan waa dimoqraadi Somaliland, balse waxaay jebisay dastuurkeedii. Waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay in Somaliland ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka Golaha Guurtida oo joogay tan iyo 1997, Golaha Wakiilada (tan iyo 2005) iyo Golayaasha Deegaanada (tan iyo 2012). Si dimoqraadiyadu u jirto, ISCO waxaay aaminsan tahay in doorashooyinka lagu qabto xiligooda. Dal iska indho tira isku xukunka sharciga, aan tixgelin siin qanuunka doorashooyinka, islamarkaana ka hor-istaago shacabku inuu doorto hogaankiisa, laguma tilmaami karo dimoqraadi. ISCO Somaliland waxaay soo jeedisay talooyinka soo socda: Xisbiyada mucaaradka Inay ka go’naato inay ka qayb-galaan doorashooyin lagu qabto xiligooda oo ay u muujiyaan rabitaan in kor loo qaado qiyamka dimoqraadiyadeed. Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga talada haya Inay ixtiraamaan dasatuurka iyo isku xukunka sharciga; Inay ixtiraamaan baahida shacabka u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada; Inay wax ka qabtaan cabashooyinka mucaaradku ka qabo Gudida Doorashooyinka; Inay la yimaadeen hab feker cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siinaya in la qabto doorashooyinka raagay si loo af jaro dib u dhaca doorashooyinka iyo mudo kordhimaha la caadaystay iyo in la badbaaadiyo dimoqraadiyadda dalka. Bulshada rayidka ah Inay ka ciyaaraan door firfircoon geedi socodka dimoqraadiyada iyo inay xisaabiyaan madaxda. Bulshada rayidka ahi waa inay la saftaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku u leeyihiin inay codeeyeen iyo inay ka qayb qaataan si loo ilaaliyo mabaadida dimoqraadiga ah iyo in la ilaaliyo dastuurka. Talo ku socota xubnaha lagu muransan yahay ee Gudida Ujeedada Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa inay u garnaqaan murashixiinta. Hadii xisbiyada mucaaradka oo ah cidii aad u qaban lahaydeen doorashadu aanay rabin oo aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina, waxa haboon oo aanu ku talinaynaa inaad taas ixtiraamtaan oo aad iska casishaan xilka la idiin magacaabay. Baarlamaanka Somaliland Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka; Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub. Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka. Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta. Golaha Guurtid waa inaanay samayn kordhin cusub. Golayaasha deegaanada Ixtiraama isku xukunka sharciga; Xilkii la idiin doortay wuu dhacay, mana jirto korodhsiimo la idin siiyay. Faldan ixtiraama shacabkii idin doortay shanta sanadood oo ka bilaabmayay sanadkii 2012. Baneeya kuraasta oo xilka ku wareejiya xogahayayaasha fulinta. Xubnaha ISO Somaliland Centre for Policy Analysis Centre for Youth Empowerment, COMPAD Human Rights and Community Organization Garsoor Social Development organization Horseed Organization Hope Development organization Human Rights Centre Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) Somaliland Street Children Rehabilitation Centre Somaliland Women Association (SOWA) Somaliland Women Development Centre (SOWOD) Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) Hodan Women Relief Organization Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh: Maria Abdilahi Gahayr Phone: +252 634777044 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland Qaran News
-
Xasan Daahir Aweys wuxuu dhashay sanadii 1935 waa siyaasi Soomaali ah oo caan ah kaasi oo ay Mareekanka ku dareen liiska argagaxisada sanadii 2001. Aweys wuxuu ahaa madaxa ugu sareeyay ee golasha maxaakiinta Islaamiga ka koobnaayeen 90-xubnood waxaana loo arkay inuu ahaa midka ugu xag jirsanaa ururka maxaakiinta Islaamiga ahaa kaasi oo xukunk Shareecada wax ka dajiyay sidoo kalena toos ayay kaga amar qaadan jireen maleeshiyaadkii maamuli jireen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho June 2006. Marka loo eego gudiga fulinta oo 8-xubnood ka koobnaayeen waxaa hogaamin jiray shiikha qunyur socodka ahaa Shariif Shiikh Axmed. Hadda ka hor BBC-da waxay dhahday “Weli ma caddo midka awooda badan Sharif iyo Aweys. Waxaana xusid mudan in Aweys hogaankii mddowga maxaakiina Islaamiga inuu iska casilay 28-kii December 2006 waana markii maamulka iyo xukunkii maxaakiinta Islaamiga uu soo idlaaday. Taariikhda Xasan Daahir Aweys: Markii dalka ka talineesay dowladii Maxamed Siyaad Barre waxaa xusid mudan in Aweys uu ahaa Korneel ciidamada qaranka Soomaaliya ka tirsanaa wuxuuna ka qayb qaateen dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Itoobiya dhex maray markaasna wuxuu ka mid noqday geesiyaashii dagaalka ka qayb qaateen ee kartidooda la bogaadiyay. 1994 ilaa 2002: Aweys iyo waayihiisii Al – Itihaad Al Islaamiya (AIAI): Xasan Daahir Aweys wuxu qayb ka ahaa ururkii Al – Itihaad Al Islaamiya (AIAI) ee inta badan la wareegay Soomaaliya kadib markii dowladdii dhexe bur burtay. Laga soo bilaabo 1991 ilaa 1998 ururkan barta ay awooda ugu weyn ku lahaayeen waxay ahayd gobolka Gedo waxaana hogaamin jiray xaakimkii hore ee dowlada Soomaaliya Maxamed Haaji Yuusuf wuxuuna lahaa ciidan awood badan oo aan la loodin karin. Waxaana xusid mudan degmooyinka ugu caansan gobolka Gedo sida Luuq, Balad Haawo, Buurdhuubo waxaana dhacday Aweys markii dambe inuu Shabeelada Hoose iska soo dagay oo uu xarun ciidan ka sameestay kadib markii lagu murmay qilaaf ahaan cidda hogaamineyso Al Itixaad gaar ahaan degaanka Luuq maamulka laga sameeyay. Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran
-
NAIROBI (HOL) - Somalia has described the arms embargo imposed by the UN Security Council as an open-ended regime with no benchmarks to attain before it is lifted. Source: Hiiraan Online
-
Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta oo Sabtiya cod aqlabiyad leh ku ansixiyay, guddiga doorashooyinka ku meel gaarka Puntland ee (TPEC). Kulanka maanta oo uu shir-guddoominayey, guddoomiyaha cusub ee Baarlamanka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxa soo xaadiray 50 mudane oo dhammaantood cod gacan-taag ah ku ansixiyay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee Puntland. Guddiga ayaa ka hor inta aan codka kalsoonida loo qaadin, waxa ay warbixin ka hor-jeediyeen xildhibaannada golaha wakiilada, warbixintaasi oo ay ku soo bandhigeen arrimaha u qabsoomay mudadii koobneyd ee ay xilka hayeen. Guddiga doorashooyinka Puntland ,ayaa waxa horyaalla shaqooyin muhiima oo ay kamid yihiin; diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha, xuduudaynta degmooyinka Puntland iyo qabashada doorashooyinka golayaasha degaanka. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay guddiga doorashooyinka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Gaaray Magaalada Dooxa Ee Dalka Qatar appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar. Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxa halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey madaxda sare ee dalkaasi. Ujeedka safarka Ra’iisul wasaare Khayre aya ah sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Sidoo kale mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan fatahaadihii ugu dambeeyey ee ku dhuftya qeybo ka mid ah Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalmihii la soo dhaafay safar shaqo ku joogay Faransiiska iyo Belgium, isagoona ka soo qeyb galay shirka nabadda Paris. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa bartiisa Twitter-ka ku weeraray safiirkii hore ee Mareykanka ee dalka Ukraine, Marie Yovanovitch, iyadoo ay socoto dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista. “Meel walba oo ay Marie Yovanovitch aadday way xumaatay,” Mr Trump ayaa sidaasi qoray. “Waxay ka bilowday Somalia, sidee ayay taasi noqotay?” Mar arrintaasi wax laga weydiiyay, ayay Ms Yovanovitch ugu yeertay “mid hanjabaad ah”. Mr Trump ayaa mar kale soo jawaabay, isagoo ku doodaya in qoraalladiisa aysan ahayn kuwo hanjabaad ah. Wuxuu weriyeyaasha u sheegay inuu daawaday qeyb ka mid ah dhegeysiga caddeymaha, isla markaana uu u arko mid sharaf dhac ah. Maxaa ka dhacay goobta dhegeysiga? Iyadoo si toos ah ugu jawaabeysa qoraalka Twitterka ee Mr Trump, oo u muuqday mid iyada lagu cambaareynayo inay qas ka abuurtay Somalia, ayay Ms Yovanovitch ku jawaabtay: “Uma maleynayo inaan leeyahay awood noocaas ah, kuma lihi Mogadishu iyo Somalia iyo meel kaleba. “Waxaan run ahaantii u maleynayaa in meelaha aan ka soo shaqeeyay sanadaha badan aniga iyo dadka kaleba ay ka dhigeen meel walaagsan, waad ogtahay, gudaha Mareykanka iyo sidoo kale dalalka kale ee aan ka soo shaqeeyay. Jawaabteeda ayaa si toos ah telefishinnada looga baahiyay. Adam Schiff, oo ah madaxa Guddiga Sirdoonka ee Dimuqraaddiyiinta ee korjoogtada ka ah dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista, ayaa sheegay in qoraallada Twitter-ka ee madaxweynaha ay u muuqdaan kuwo loogu hanjabayo marqaatiga. Muxuu ku saabsan yahay dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista? Dhegeysiga caddeymaha xil ka qaadista ayaa lagu baarayaa haddii madaxweyne Trump uu joojiyay gargaar milatari oo uu Mareykanka siin lahaa Ukraine si uu cadaadis ugu saaro madaxweynaha cusub ee dalkaa inuu baaritaan musuqmaasuq ku bilaabo imadaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden, oo haatan ah musharrax dooarshada Mareykanka. Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay, isagoo xil ka qaadista ku tilmaamay “mid lagu dhibaateynayo madaxtinnimadiisa”. Ms Yovanovitch oo fadhigeedu ahaa magaalada Kyiv ayaa shaqada laga cayriyay bishii May, labo bilood kahor markii uu soo ifbaxay wada sheekeysigii telefoonka ku dhex maray Trump iyo dhiggiisa Ukraine Volodymyr Zelensky, kaasoo haatan udub dhexaad u ah caddeymaha. Bbcsomali Qaran News
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliyahaya qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada Milatariga dowladda ay la wareegeen ammaanka deegaanka Gadoon oo hoosyimaada magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Taliye Qooje ayaa sheegay in dhowaan deegaankaasi la geyn doono ciidamo Boolis ah oo ka howlgala halkaasi, kana shaqeeya nabad galyada. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mas’uuliyad gaar ah iska saari doonto ammaanka gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Ugu dambeyn taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka ayaa shaaciyey inay labo jibaari doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, si looga saaro guud ahaan gobolada Galgaduud iyo Mudug. Gadoon ayaa noqonaya deegaankii ugu dambeeyey ee lagala wareegay Ahlu Sunna Waljamaaca oo haatan si weyn isku hayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya. Xiisada u dhexeysa dowladda iyo Ahlu Sunna oo ka dhalatay maamul u sameynta Galmudug ayaa sii xoogeysaneya, mana jiro isku soo dhawaansho labada dhinac ah. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com =
-
Wasaaradda Qorshaynta iyo maalgashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixinta sicirka suuqa ee October iyo September 2019,taas oo qeyb ka ah warbixinta bilaha ee sicirka suuqyada dalka. Dhammaan Tusaha Sicirka Badeecadaha (TSB) bisha October 2019 ayaa noqday 116.25, marka la barbardhigo 116.07 ee bishii September 2019. Isbedelka labada bilood u dhexeeya, October iyo September 2019 ayaa hoos u dhacu gaaray 0.15% Markala barardhigo sare u kacii bishii hore ee September 2019 oo gaaray 0.57%. Bisha Oktoobar, sare u kaca isbedel bille ee Qiimaha Gaadiidkalagu raaco ayaa gaaray (+2.11%). Sare ukaca ugu badan ayaa ka yimid shidaalka iyo saliida gawaarida oo gaaray (+9.01%) (Jaantus 2). Guud ahaan, sicir bararka 12kii bilood ee la soo dhaafay ee bisha Oktoobar 2019 ayaa muujinaya in dhammaan qeybaha TSB hoos u dhacay 4.15% ee heerka cabirka sicir bararka, Marka la barbardhigo 12 Bilood eebishii Sebteembar 2019 oo ahaa 5.17% . PUNTLAND POST The post Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya oo warbixin ka soo saartay sicirka Suuqyada dalka appeared first on Puntland Post.
-
The United Nations Security Council added ingredients for home-made explosive devices that are increasingly being used by the Al-Shabaab militant group to an arms embargo on Somalia Friday. The British-drafted resolution prevents the sale, supply, and transfer of several chemical materials as it noted a surge in homemade bomb attacks by the Al-Qaeda-linked group. The addition follows a recommendation by UN experts in October that the embargo should restrict access to the chemicals it said Al-Shabaab had been using to manufacture IEDS since at least July 2017. Members passed the resolution — which renews the partial lifting of the arms embargo on Somali security forces until December 2020 — by 12 votes to zero. There were three abstentions. Al-Shabaab has been waging an insurgency against Somalia’s foreign-backed government for over a decade and, while it has lost ground, continues to stage deadly attacks. In September it claimed responsibility for a gun and bomb attack on a US base about 70 miles (110 kilometers) northwest of the capital Somali Mogadishu. The Shabaab claimed they had killed dozens in the attack, however, the US Mission to Somalia and a Somali military official said there were no casualties. View the full article
-
Officials from Turkey and Somalia met on Friday in Mogadishu to discuss crucial issues concerning the two countries. Somalia’s Energy and Water Resources Minister Fawzia Mohamed Sheikh received Turkey’s Ambassador to Mogadishu Mehmet Yilmaz in her office in the capital. Topping the meeting agenda was the floods in Somalia last month which left over 370,000 people displaced, mostly children. Local media quoted the Somali official asking for Turkey’s support to “prevent recurrent floods in the rivers, which are difficult to handle and cause more damage to the society.” Turkey’s Yilmaz, on his part, promised more support for Somalia as his country has provided in the Horn of Africa country since 2011. Since 2011, Turkish Cooperation and Coordination Agency (TIKA) has taken part in over 150 projects in Somalia that include humanitarian and developmental aid. The meeting came a day after the United Nations issued a statement, saying a combined $18.7 million has been released from the UN Central Emergency Response Fund (CERF) and the Somalia Humanitarian Fund (SHF) to scale up the life-saving assistance to just over half a million people affected by floods in Somalia. The UN warns the risks of malnutrition and diseases outbreak such as malaria and acute watery diarrhea remains a concern in many flood-affected settlements. *Mohammed Dhaysane in Mogadishu contributed to this story View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay xildhibaannada Puntland codka kalsoonida ah siiyeen guddiga doorashooyinka maamulkaasi (TPEC) Kulanka maanta waxaa shir guddoominayey guddomiyaha baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil, iyadoo xildhibaannadu meelmariyeen guddigaasi. Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ayaa kula dardaarmay guddiga TPEC in shaqadooda dardargeliyaan, islamarkaana kasoo dhalaalaan waajibaadka saaran. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa ansixiyey guddiga kumeel gaarka ee doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Kulankan oo ahaa kii horreeyey oo ay yeeshaan golaha wakiilada Puntland, kadib xil ka qaadistii Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa waxaa shir guddoomiyey, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo dhowaan loo doortay xilkaasi. Madanayaasha baarlamaanka ayaa gacan taag, kadib cod aqlabiyad leh ku meel mariyey guddiga doorashooyinka Puntland. Sidoo kale xildhibaanada ayaa ka dalbaday xubnaha guddiga inay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Guddiga la ansixiyey ayaa waxaa horyaalla shaqooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin diiwaan-gelinta urur-siyaasadeedyada, diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, xuduudeynta degmooyinka iyo qabashada doorashooyinka golayaasha deegaanka. Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa guddigan oo ka kooban sagaal xubnood ku dhawaaqay 14-kii bishii Ogoosto ee sanadkan 2019-ka. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isaga oo ku sugan magaalada London waxa uu ka hadlay sababta uu xisbiga Wadajir uga mid noqon waaye madasha xisbiyada. Waxa uu sheegay in iyaga mar walba ay doonayeen oo kaliya sidii lagu gaari lahaa doorasho in la qabto, welina diyaar u yihiin in xisbiyada kale ay kala shaqeeyaan. C/raxmaan ayaa tilmaamay in markii hore uusan qabin aragti ah in hoggaan ama guddoomiye loo sameeyo madasha xisbiyada maadaama ay kala aragti duwan yihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka dhisan. “Xisbiga ayaa go’aansaday in aan laga midnoqon xilligan, doodaha madallada la xiriirana dadku isku aragti kama ahan, laakiin Hal hadaf oo aan wadaleenahay waxa waaye in doorshada xilligeeda la qabto in laga wadashaqeeyo, maadaama madasha ay ahayd mid Hal xisbi aan la noqoneyn in laga wadashaqeeyo doorashada sidii ay ku dhici lahayd….annagu maba aaminsaneyn in hoggaan la sameeyo, kaliya xiriiriye la sameeyo, annaga ulajeedkeennu wuxuu ahaa sidii doorasho ku dhici lahayn, waxaana diyaar u nahay inaan la shaqeynno inta doorashada ay dhacayso” ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur. Xisbiga Wadajir ayaa kamid ah xisbiyada ugu waaweyn ee dalka ka dhisan, waana xisbi siyaasadeed ay ku mideysan yihiin kumanaan qof oo Soomaaliyeed, ayna ku jiraan siyaasiyiin dalka aad looga yaqaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Mas’uuliyiin ka socota Turkiga iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii ku kulmay magaalada Muqdisho, si ay uga wada hadlaan arrimo muhiim ah oo quseeya labada dal. Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Fawsiya Maxamed Sheekh ayaa xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Turkiga ee Muqdisho Mehmet Yilmaz. Ajandaha kulanka ayaa ahaa daadadkii ka dhacay Soomaaliya bishii hore taas oo sababtay in ka badan 370,000 oo qof ayaa barokacay, oo u badan carruur. Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo xigatay sarkaalka Soomaaliga ah oo weydiisanaya taageerada Turkiga ee ah “ka hortagga fatahaadaha soo noqnoqda ee webiyada, kuwaas oo ay adag tahay in wax laga qabto oo dhibaato weyn u gaysata bulshada.” Yilmaz oo dhanka turkiga ayaa dhankiisa ballan qaaday taageero dheeri ah oo la siiyo Soomaaliya maaddaama waddankiisu uu ku deeqay Geeska Afrika tan iyo sanadkii 2011. Ilaa iyo sanadkii 2011, Hay’adda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga (TIKA) waxay ka qeyb qaadatay in ka badan 150 mashruuc oo ay ka fuliyeen Soomaaliya kuwaas oo isugu jira gargaarka bani’aadanimo iyo kuwa horumarineed. Kulankan ayaa yimid maalin kadib markii Qaramada Midoobay ay soo saartay bayaan ay ku sheegtay in $ 18.7 milyan oo isku darka ah laga sii daayay Sanduuqa Waxqabadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF) iyo Sanduuqa Banii-aadamnimada Soomaaliya (SHF) si kor loogu qaado kaalmada badbaadinta nolosha oo keliya. nus milyan dad ah oo ay saameeyeen fatahaadaha Soomaaliya. QM ayaa ka digaya halista nafaqo darada iyo cudurada ka dillaaca sida duumada iyo shuban biyoodka oo wali walaac ka qaba degsiimooyin badan oo ay daadadku saameeyeen. View the full article
-
The UN Security Council on Friday renewed for another year the partial lifting of the arms embargo on Somalia and added a ban on chemicals used for making improvised explosive devices. The 15-member council voted 12-0 in favor of Resolution 2498 that enabled the decisions, with China, Russia, and Equatorial Guinea abstaining. Until Nov. 15, 2020, the arms embargo on Somalia shall not apply to deliveries of weapons and military equipment “intended solely for the development of the Somali National Security Forces or Somalia security sector institutions,” the resolution said. However, deliveries of some heavy weapons require advance approval by the council’s committee monitoring the embargo enforcement, and deliveries of some lighter weapons need prior notification to the committee. The resolution reaffirmed the longstanding exception to the arms embargo for the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM), the African Union Mission in Somalia (AMISOM) and the European Union Training Mission (EUTM) in Somalia as well as humanitarian operations. A new ban was imposed on certain chemicals used by militants, including al-Qaida-linked group al-Shabaab, to make improvised explosive devices, forbidding their sales to Somalia if evidence shows that they will be used for that purpose. Deliveries of such chemicals “more generally” need prior notification to the monitoring committee. The resolution also reaffirmed its decision regarding the ban on charcoal trades with Somali, a key source of funds for al-Shabaab. In January 1992, the Security Council introduced an open-ended arms embargo on Somalia over the ongoing conflict and deteriorating humanitarian situation. In February 2007, the council limited the embargo to non-state actors, allowing arms supplies to Somali government forces. View the full article
-
MOGADISHU (HOL) - The UN Security Council has extended the arms embargo on Somalia in addition to extending the term of the Panel of Experts until December 15, 2020. Source: Hiiraan Online
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi. Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa in dhaq dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen deegaanka Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ujeedka dhaq dhaqaaqyadan ayaa ah sidii looga hortagi lahaa weerarada dhaba galka ah ee ay fuliso Al-Shabaab. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo Milatari oo iska soo horjeedo haatan laga dareemayo halkaasi. View the full article
-
Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guddiga doorashada Puntland la horgeeyo baarlamaanka maamulkaasi, oo shaqadii ugu horreysay qabanaya kadib doorashadii guddoomiye Cabdirashiid. Xildhibaannada ayaa codka u qaadi doona guddigan si loo meelmariyo, waxaana guddiga TPEC haddii ay kalsoonida ka helaan baarlamaanka Puntland horyaalla shaqooyin culus. Kulanka maanta waxaa shir guddoomin doona, guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland, C/rashiid Yuusuf Jibriil. Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wixii ka dambeeyey xil ka qaadistii Cabdixakiin Maxamed Dhoobo Daareed aanay qaban shaqooyinkii rasmiga ahaa, marka laga reebo doorashada guddoomiyaha cusub. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulan looga hadlaayo xisaab xirka Miisaaniyadda sanadkii tegey ee 2018-kii. Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa horyaalla Ajandayaal dhowr ah kuwaasi oo kala ah inay akhrinta koowaad marsiiyaan Xisaab xirka Miisaniyadda sanadkii tegay iyo akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedka Daawada. Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb galaan kulanka maanta, si ay mudanayaasha warbixino uga siiyaan xisaab xirka miisanad sanadeedka 2018-ka iyo Hindise sharciyeedka Daawada. Source: goobjoog.com
-
Popular Contributors
