Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,427
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusamreeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in mudo todobaad ah oo ka soo bilaabatay maanta la hakiyey howlihii dhismaha maamulka Galmudug, oo balanku ahaa in la guda galo toddobaadkan. Hakinta howshii dhismaha maamulka Galmudug ayaa waxaa la sheegay in looga gol leeyahay in mudadaas todobaadka ah lagu soo af-jaro khilaafka Ahlu-Sunna iyo dowladda federaalka oo ka dhashay qaabka ay dowladdu u rabto in loo dhiso maamulka iyo qoondo ay rabto Ahlu-Sunna inay ku yeelato maamulka cusub ee loo dhisayo Galmudug. Xubno ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa Caasimada Online u sheegay in Muqdisho laga wacay Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, kaas oo isku xire u ahaa dowladda federaalka iyo Ahlu-Sunna. Cabdisamad ayaa la sheegay inay dowladdu ka dalbatay inuu ka qeyb qaato xalinta tabashada hoggaanka Ahlu-Sunna oo uu ugu horeeyo Aabihii Macalin Maxamuud Sheekh Xasan. Ahlu-Sunna ayaa horay dowladda federaalka ugu eedeysay inay uga baxday heshiis ay ku wada gaareen magaalada Dhuusamareeb, waxayna haatan ku howlantahay dhismaha maamul ka madax banaan kan ay gar wadeenka ka tahay dowladda federaalka. Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo maanta ay wasaaradda arimaha gudaha liiska 44 oday oo soo xulaya baarlamaanka cusub ee maamulka Galmudug ay ku wareejisay guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in caawa ay kulamo xal looga gaarayo khilaafkaas ay dowladda iyo hoggaanka Ahlu-Sunna uga bilaawdeen magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan xarunta INJI oo uu ku shaqeeyo Sheekh Maxmed Shaakir oo ka mid ah hoggaanka Ahlu-Sunna.
  2. Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa warbaahinta @PuntlandPost u xaqiijiyay, in uu khilaaf ba’an iyo kala shaki soo dhex-galay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre, tan iyo markii Farmaajo la kulmay madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif. Khilaafkaasi, ayaa sida la sheegayo ka dhashay shaki uu Ra’iisul wasaare Khayre ka muujiyay, kulamadii dhexmaray Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horreeyay, balse isaga aan wax door ah laga siin, islamarkaana booskiisi lagu beddelay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Ra’iisul wasaaraha, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay bilaabay, abaabul xooggan oo ku wajahan in uu loollan adag la galo madaxweyne Farmaajo, isagoo aaminsan in uu jiro heshiis ka qarsoon oo ay si hoose u wada-galeen Farmaajo iyo madaxdii ka horraysay. Dhankiisa, Fahad Yaasiin oo wakiil ka ah madaxweyne Farmaajo, ayaa dadaal badan ku bixinaya abaabul kale oo ka dhan ah Qorshaha Mr Khayre, kadib markii la ogaaday hawlaha uu wado Ra’iisul wasaaraha, waxaana sida la sheegayo labada dhinac la kala safan xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka iyo sidoo kale Xukuumadda. Sidoo kale, Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa saameyn xun ku yeeshay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilaabay kala shaki iyo is kooxaysi ku aaddan in ay la kala saftaan labada mas’uul. Xubno ka war-haya khilaafka Farmaajo iyo Khayre, ayaa rumaysan in uu salka ku hayo loollanka doorashada soo socota ee 2020/2021-ka, taasi oo mid walba shaki ka qabo kan kale, in uu hoose ka wato ajandayaal qarsoon, oo ku wajahan loollanka doorashadaasi. Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre, oo marar kala duwan ku faanay, in ay dhex-dooda muran iyo khilaaf ka ilaaliyeen, waxa haatan la sheegaya in khilaafkoodu gaaray heer aysan wada-hadlin. Inkastoo khilaafka huursan ee labada mas’uul, aysan cidna qiyaasi Karin halka uu ku dambeyn doono iyo cidda libintu ku raaci doonto loollanka adag dhex-dooda ka bilowday. PUNTLAND POST The post XOG: Khilaaf ka dhex qarxay Farmaajo iyo Khayre muxuu salka ku hayaa? appeared first on Puntland Post.
  3. Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa ku ansixiyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka. Kulakii 17aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka sare oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayna goob joog ka ahaayeen Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senator Moowlid Xuseen Guhaad, Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganaacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow iyo Wasuurka Ganacsiga ,Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa dood dheer kaddib waxa ay Golaha meel mariyeen Hindise sharciyeedka Shirkadaha Dalka 27 Senator ayaa Haa ku ogolaatay, waxaana ka aamusay hal mudane mana jirin cid diiday sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Intaas kaddib Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud. Ugu dambeyntii Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo xiray kulanka . Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. MOGADISHU (HOL) - A senior military officer has been shot dead in Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Kamaal Guutaale oo ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay faragalin qaawan ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya. Kamaal ayaa sheegay inay horay isu weydiinayeen su’aalo ku aadan waxa ay dowladdu ciidamada isugu jira, Danab, Gor-gor, Haramcas iyo NISA ugu daabushay Galmudug, iyadoo ay horay u joogeen Militerigii 21aad iyo Daraawiish aad u badan. Waxa uu sheegay in ciidamadaas looga baahanyahay gobolada Shabeellooyinka iyo Banaadir ee aan looga baahnay Galmudug, isagoo sheegay inay taasi soo xasuusinayso xaaladda ka taagan gobolka Gedo iyo awood sheegashadii ka dhacday magaalada Baydhabo. “Ciidamada lagu daabulay Dhuusamareeb run ahaantii waxay muujinaysaa niyad xumo, inaysan dowladdu rabin in doorasho xalaala ay meeshaas ka dhacdo, inagu waxaan rabnay inaan doorashada kala hadlno, laakiin hadii ciidamo Itoobiyaan ah la soo daabulay waxaa dareemi kartaan sidey dowladda ugu adagtahay in doorasho xor iyo xalaal ah meeshaas ka dhacdo” ayuu yiri Musharax Kamaal Guutaale. Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu dowladda ugu baaqay inay ku kal soonaato shacabkeeda, isla markaana aysan Soomaali ku qabsa karin awood, khaasatan reer Galmudug sida uu hadalka u dhigay. “Waxaan rabaa inaan dowladda u sheego inaysan codey doonin ciidamada Itoobiya, marka waxaan leeyahay ku kalsoonaada shacabkiina, waxaa codeyn doona xildhibaano Soomaaliyeed oo odayaal Soomaaliyeed ay soo xuleen, kuwaas ku kalsoonaadabaan lee yahay oo codka ka raadiya, balse haku raadinina ciidamo Itoobiyaan ah, jajuub iyo caburin oo horay Soomaali loogu kari waayey reer Galmudug-na iskaba daa” ayuu yiri Kamaal. Sidoo kale Kamaal Guutaale ayaa sharaxaad ka bixiyey damac uu sheegay inuu ku jiro Itoobiya, isagoo tusaale u soo qaatay isku dayo dhawr ah oo maamuladii u kala dambeeyey hoggaanka dowladda Itoobiya ay ku soo galeen gudaha Soomaaliya, balse aysan horay ugu suurta galin haatana aysan u suurta gali doonin. Halkaan ka Daawo
  6. Muqdisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan dil hoygiisa loogu geystay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya. Jeneraal Yuusuf Cali Qaasay [Yuusuf Cagey] ayaa lagu dhex-toogtay hoygiisa oo ku yaala Warshada Canaaha, degmada Hodan, ee Muqdisho. Ma cadda cidda sida dhabta ah uga dambeysay falkaan. Hase ahaatee, wararka ayaa waxay tibaaxayaan in uu khaarijiyey sarkaal ay murmeen kahor inta uusan rasaasta ku furin. Laamaha ammaanka dowladda federaalka ah ayaa nan wax war ah kasoo saarin falkaan oo dhacay galabnimadii maanta oo Sabti ah. View the full article
  7. Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe heshiis hor-dhac ah kula gashay shirkad Shiineys ah. Qoraal kooban oo farteeda Fecebook soo dhigtay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkadda Frontier Services Group oo Shiinaha laga leeyahay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu hormarinayo garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe. Marka laga yimaado warka Madaxtootada, warar madax bannaan waxay sheegayaan in shirkadda Frontier Services Group lagu wareejin doono garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, taas oo hadda ka dib maamuli doonta. Frontier Services Group Limited waa shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Hong Kong, waxayna ka shaqeysa amniga garoomada, saadka iyo ganacsiga macluumaadka. Shirkaddan ayaa inta badan ka shaqeysa ganacsiga Afrika iyo Yurub, waxayna ku lug leedahay bixinta suuq geynta iyo adeegyada horumarinta ganacsiga, iyo sidoo kale bixinta adeegyada xamuulka rarka. Frontier Services Group Limited waxaa asaasay Erik Prince oo ahaa madaxii hore ee Blackwater. Puntland ayaa sidaan oo kale dhawaan shirkad Imaaraad ah ku heshiis kula gashay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso. PUMTLAND POST The post Puntland oo garoonka diyaaradaha Garowe heshiis kula gashay shirkad Shiineys ah appeared first on Puntland Post.
  8. Muqdisho (SMN) – Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyeha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa dhagax-dhigay Xarunta Gaadiidka iyo Dhul-bixinta Dowladda Hoose ee Xamar oo dib loo dhisayo. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo 30 sano ah kaddib dib loo dhisayo Xaruntan, iyadoo sanadihii la soo dhaafay ay xarummo ku mel gaar ah ku shaqeynaayeen Laanta Gaadiidka iyo Dhulbixinta ee Dowladda Hoose. “Muddadii la soo dhaafay, waxaan xoogga saareynay in aan dib-u-dhisno xarumihii danta guud ee bulshada loogu adeegayay, kuwaas oo ay kaalin weyn ka qaadanayaan bulshada Caasimadda oo si wadajir ah ugu istaagay dib u dhiska dalka iyo ka qeyb qaadashada barnaamijyada isxilqaan ee socda.” Duqa Muqdisho, waxuu tilmaamay in xilligan Gacanta lagu hayo dhismooyin Waddooyin dhowr ah iyo xarumo Maamulka oo qaarkood ay gabo-gabo marayaan, kuwa kalana mashruucooda dhismaha uu socdo. Sidoo kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in dib u dhiska xarunta ay qeyb ka tahay qorshaha horumarinta Caasimadda ee sanadkan oo lagu soo celinayo xarummo dowladood, goobo nasasho iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kuwaas oo muhiim u ah horumarka Caasimadda. View the full article
  9. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Habeen-30112019-sax.mp3 View the full article
  10. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan magaalaeda Dhuusamareeb, waxaa shalay halkaas soo gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo ujeedkoodu yahay iney xoojiyaan ciidamadii AMISOM ee horay halkaas u joogay. Xogo wareedka la helayo ayaa tilmaamaya in xarunta maamulka Galmudug ayaa haatan si weyn u maamulayaan ciidamada Itoobiya kuwaas oo ku sugan xarumaha ugu muhiimsan oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha. Xubin ka tirsan maamulka Ahlu Sunna oo ku sugan Dhuusmaareeb isla markaana aysan suuragalin in magaciisa la helo ayaa ku abaal sheegtay ciidamada Itoobiya, wuxuuna carabka ku adkeeyay iney sanado badan xuduudka uu gobolka la leeyahay Itoobiya ka difaacayeen Al-Shabaab. Wuxuuna aaminsan yahay ineysan ciidamada Itoobiyaanku ku abaal dhaceynin wixii ay u faleen. Sidoo kale warbixinada laga helayo Dhuusamareeb waxey sheegayaan in dowladda Federaalka ay hab siyaasi ah u maamulayaan howlaha ka socda, waxeyna arrintaan imaaneysaa xilli ay qeylo dhaan durba bilaabeen xildhibaanada iyo musharaxiinta mucaaradka. Cabdisa ugu weyn ee ay qabaan dadka reer Dhuusamareeb, mucaaradka, Ahlu Sunna iyo qeybaha kale ee aan ku qanacsaneyn siyaasadda Dowladda waxey tahay iney dhacaan wixii ka dhacay December 2018 magaalada Baydhabo.
  11. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha golaha guurtida ayaa ka hadlay xeerka hawl-gabka ciidammada oo hor-yaalla golihiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. BURCO (HOL) - A 13-year-old boy and a girl of similar age ‘tied the knot’ Friday in Burco in Somaliland to become a husband and wife generating widespread reaction in the social media. Source: Hiiraan Online
  13. BURCO (HOL) - A 13-year-old boy and a girl of similar age ‘tied the knot’ Friday in Burco in Somaliland to become a husband and wife generating widespread reaction in the social media. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in xaafadda Warshada caanaha ee Degmada Hodan ee magaalada Muqddisho lagu dilay Jeneraal ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya. Jeneraalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Qasaay Yuusuf Cagey, waxaana warar is khilaafsan ay ka soo baxayaan qaabk dilka uu u dhacay. Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay qofka dilka gaystay inuu yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka oo Jeneraalka ay wada murmeen sidaasina lagu qabtay, balse weli lama xaqiijin karo. Goobta dilka uu ka dhacay oo ah guriga Jeneraalka ayaa hadda waxaa gaaray Ciidamada dowladda gaar ahaan Booliska oo halkaasi baaritaan ka wada. Jeneraal Cagey ayaa muddo wuxuu ka soo shaqeey Gobolka Shabellaha hoose
  15. Wararkii ugu dambeeyey ee ay Goobjoog News ka hesho magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in shalay ay magaalada soo gaareen ciidamo Itoobiyaan oo xoojinaya qaar isla dalkaasi ah oo horay u sii joogay. Weriyaha Goobjoog News ee gobolka ayaa sheegaya in Itoobiyaanku ku yimaadeen ilaa 6 gaari, mid booyad ah , 2 gaari oo saadka ah iyo 2 kale Uuraal ah, kuwaas oo ujeedkoodu yahay xoojinta ciidamada Itoobiya ee saldhigga ku leh xarunta Dhuusamareeb. Ilo kala duwan ayaa sidoo kale noo sheegay in Xabashida ay la wareegeen goobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka iyo xarumo kale oo ay joogaan dowladda federaalka ah. Mas’uul ka tirsan Ahlu sunna oo codsaday in magaciisa aan la xusin ayaa Goobjoog News u sheegay in Itoobiyaanka ay ogyihiin cidda waxtarka u leh iyaga iyo DF isaga oo intaasi ku daray in 12 sano ay Ahlu sunna ka difaaceysay Adis Ababa kooxda Al-shabaab gaar ahaan xadka min Matabaan ilaa Dhuusamareeb. “Kama sugeyno abaaldhac iyo in maanta naloo adeegsado” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey. Dhinaca kale, Xilli murashaxiinta madaxtinimada ee ka socda dhanka mucaaradka iyo madax kale oo diidan maamulka Villada ay qeylinayaan, Nabad iyo Nolol waxaa ay wadataa shaqadeeda, mar hore ayey odeyaashii saxiixayaasha ee Galmudug gudbiyeen xildhibaannadii ay beel walbo qoondo u laheyd, weliba odeyaasha iyo xildhibaannada la gudbiyey waa arrin maamulkeeda ay gacanta ku hayaan saraakiil ay dowladda federaalka ah wadato, oo ka tagay Xamar, mana jirto hufnaan, madaxbannaani iyo la socod kale. Aqoonyahan, saxafiyiin, Ahlu sunna iyo dadkii aan maanta kala hadlay Dhuusamareeb waxaa ay isku raaceen in Dowladda federaalka ah aaney hadda u baahneynba adeegsiga xoog sidii magaalada Baydhabo ee December 2018, markii aan sababta weydiiyana waxaa uu biya dhaca hadalkoodu ahaa iney muuqato in Villa Somalia ay ku guuleysatay xulista xildhibaanno ku yimid rabitaankeeda, si ay u fuliyaan ujeedka. W/D: Cabdi Caziz Gurbiye. Source: goobjoog.com
  16. (SLT-Hargeysa)-Cabdirashiid Riyo-raac ayaa ka hadlay doorashadiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Cadaado (Caasimadda Online) Odayaasha dhaqanka oo ay wehlinayaan wax-garadka reer Cadaado ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey go’aan kaga gaareen doorkooda ku aadan xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Galmudug. kulanka waxaa kasoo baxay war-saxaafadeed ay ku xaqiijiyeen ineysan cidna u matalin xubnaha odayaasha ee ay wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya soo bandhigtay. Sidoo kale war-saxaafadeedka wuxuu ku qotomay in dowladda Federaalka la ogeysiiyo iney wali jiraan tabashooyin, sidaas darteed aysan ka qeyb gali doonin xulista xildhibaanada inta laga xalinayo. Wararka waxey intaas ku darayaan in kulanka kulmiyay dhinacyada kala duwan ee dadka dega Cadaado ay ugu weyn tahay iney doonayaan in loo xaqiijiyo hadii ay magaalada Cadaado sii ahaaneyso xarunta Baarlamaanka iyo sidoo kale cabasho ay ka yahiin inaan gabi ahaan lagala tashan waxa socda. Maanta ayey aheyd markii dowladda Federaalka ay isku soo aruurisay odayaal la sheegay iney soo xuli doonaan xubnaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug. Doorashada Galmudug ayaa la filayaa in la qabto bisha December, waana mid isha lagu wada hayo maadaama mucaaradku ay durba sheeganayaan in faragalin shisheeye laga dareemayo deegaanada Galmudug.
  18. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo ka hadlayey shirka IGAD ee ka socda Addis Ababa ayaa amaan iyo boggaadin u jeediyey dalal ay ku jirto Soomaaliya Abiy Ahmed ayaa xusay in dalalkaasi ay kaalin muuqata ka qaateen dhinaca maamulka, siyaasadda iyo ka hortagga xiisado colaadeed oo hor leh, kuwaas oo ka dhaca gobolka. Sidoo kale ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa uga mahadceliyey dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD sida ay xarunta ururka ugu aqoonsadeen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya. Abiy ayaa sidoo kale sheegay inuu kala shaqeyn doono howlaha horumarineed ee dalalka xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD. Soomaaliya ayaa kaalin ka qaadatay nabadeynta gobolka, maadaama la xusuusto doorka ay ku laheyn dib u soo celinta xiriirka Eretria iyo Itoobiya. View the full article
  19. Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari, oo shalay ka soo muuqday warbaahinta, iyagoo dhaliilaya xukuumadda Puntland. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Odoyaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ka soo horjeedan Heshiiska DP world iyo garoonka diyaaradaha Boosaaso oo lagu wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka, sida ay hadalka u dhigeen. Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey. Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga gobolka Bari, oo diiday in la xigto magacyadooda, ayaa sheegay in labada nabaddoon ay hadda ku jiraan xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
  20. Waxaa saacadaha soo socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ku wajahan xildhibaano ka tirsan labado gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari). Sidoo kale xubnaha labada gole ee ku wehlinaya socdaalkan ayaa kala ah, Cabdi Axmed Dhuxuloow (Dhagdheer)J awaahir Axmed Cilmi, Dhagay Geele Ugaas, Saciid Nuur (Gariish) iyo Mustafa Sheekh (Dhuxulow). Ujeedka wafdigan ayaa ah sidii ay dhex dhexaadin lahaayeen dhinacyada weli isku haya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug. Doorashada ayaa la filayaa in la qabto bisha December ee beri bilaabaneyso, iyadoo baarlamaan iyo madaxweyne cusub la dooran doono. View the full article
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia ay uga qeyb galay Shir Madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD. Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaannada ka tirsan labada Gole ee dowladda, Wasiiro, cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan. View the full article
  22. Caaqil Abshir Maxamed Xaaji Cali oo kamid ah Waxgaradka gobolka magaalada Boosaaso, oo wareysi kooban siiyay Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay sida loo qabtay laba nabaddoon oo xalay iyo saaka lagu xiray gudaha Boosaaso. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo shalay dowladda Puntland ku dhaliilay heshiisyo ay sheegeen in ay la gashay Imaaraadka Carabta. Caaqilka ayaa sheegay in Nabaddoonada la qabtay midkood ay xalay gurigiisa ugu dhaceen askar ka tirsan laamaha Amniga Puntland, halka kan kalena saaka laga qabtay suuqa magaalada Boosaaso. Sidoo kale, wuxuu sheegay in xarigga labadaasi nabaddoon aan sifo sharciya loo soo marin, isagoo cambaareeyay sida uu sheegay in loola dhaqmay markii la xirayey. Hoos ka dhageyso wareysiga PUNTLAND POST The post Faahfaahin: Sida loo qabtay Nabaddoonada lagu xiray Boosaaso appeared first on Puntland Post.