-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal u dhaxeeyey ciidamada xoogga dalka iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Ciidanka xoogga dalka ayaa weerar ku qaaday deegaannadaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka mid ah Al-shabaab, islamarkaana la sheegay in shacabka halkaasi ku dhaqan ka qaadanayeen xoolo badan. Saciid Abshir Cartan, isu-duwaha wasaaradda beeraha Jubbaland ee degmada Baardheere ayaa sheegay in dagaalkan xooggiisa uu ka dhacay deegaanka Baar Macalin oo duleedka ka xiga Baardheere iyo deegaanno kale. Waxaa jira khasaare soo kala gaaray Labada dhinac, wallow saraakiisha ciidanka dowladda ay sheegeen iney dileen ku dhowaad 10 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab. Taliyaha ciidanka xoogga dalka ee degmada Baardheere, Maxamed Cali C/laahi oo isna warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan oo lagu badbaadinayey shacab Soomaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigaye. Al-shabaab dhankooda wax war ah kama aanay soo saarin weerarkan ay kala kulmeen ciidanka dowladda federaalka ah. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyey shabakadda warbaahinta Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka. Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha maamul u sameynta Galmudug iyo dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Dhuusamareeb. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula taliyey dowladda inay si degan ku dhameyso khilaafka ka jira Galmudug, iyada oo fursad la siinayo beelaha dega maamulkaasi. Sidoo kale wuxuu ka digay inay dhacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilligii doorashada ee maamulkaasi. Dhinaca kale Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in aysan caqabad ku aheyn dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynihii hore ee dalka ayaa xusay in kaliya ay doonayaan in la saxo khaladaadka jira, iyadoo aan lagu xadgubin Dastuurtka KMG ah ee dalka. Halkan hoose ka dhageyso Wareysiga. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/wareysi-hassan-sheekh-madaxweynahii-hore-ee-somalia.mp3 View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Subax-1122019.mp3 View the full article
-
Abuurta Rabaaniga ah ee shakhsiga dabadeed, waxa daba socota, marxaladaha kala duwan ee uu waajahayo aadamuhu waa kii noloshu ku sinto e, Cimri na ilaahay siiyo, hadaba imaanshiiyaha qofka ee dunida, waxay tahay nolol cusub oo uu qofka looga baahan yahay inuu la jaanqaado heer korniimo iyo mid caqliyeedba, ilaa uu naftiisa ku hogaamiyo jidka xun ama jidka wanaagsan. Ilaahayna wuxu ina faray inuu qof walba ku dadaalo acmaasha wanaagsan. Aqoonta waxbarashadu waxay qofka bartaa, aqoon masuuliyadeed uu naftiisa ku maareyn lahaa, waxayna bareysaa inuu uga faa’iideeyo dadkiisa iyo dalkiisa, waana qaybta ugu muhiisan inuu ka qaybqaato horumarinta deegaankiisa iyo dadkiiisa dhinac walba. Hadaba qoraalkeyga maanta waxaan si kooban uga hadli doonaa maxaa uu aqoonyahanku ku soo kordhin karaa bulshada? akhrsitoow inkastoo aan halkan lagu soo koobi Karin hadana waxaan isku dayayaa inaan dhawr qodob oo muhiim ah ka soo qaadano. 1. Aqoonyahanka dhabta ahi waa qof ..Wax badan ka qaban kara horumarka bulshada ee dhicana Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka iyo mid Siyaasadeed ba. Waa qof u haga bulshada dhinaca wanaagan iyo wax wada qabsiga kuna dhiiri galiya in bulshadu wax qabsato si ay horumar sare u gaadho, ulana tartanto ummadaha hore u maray. 2. Aqoonyahanku waa qof bulshada uga faa’iideeya wixii uu soo bartay, maadaama uu ka tirsan yahay bulshada, waana qaybta ugu muhiimsan bulshada sababtoo ah maanta dunida horumartay waxa dayaxa gaadhsiiyay waa aqoonyahan, waana qof wixii uu bartay uga faa’iideeyay bulshada laakiin adiga aqoonyahanka Afrikaanka ahoow maxaa helay kaalintaadii!!!?? Aqoonyahan Ogow in maanta bulshadu ku tabayso, lagaana sugaayo wixii ilaahay ku baray inaad dadka iyo dalkaba uga faa’iidayso. Bulsho kasta oo caalamka joogtaa waxay ku faantaa aqoonyahankeeda waayo, waa kuwa Horumarka iyo Barwaaqada ka sheqeeyay,. PROF. MOHAMED AHMED FARAH MATTAN (JAAFAA) ANKARA, TURKEY Qaran News
-
Siddeed Muran oo hore uga Dhashay Magacaabida Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) Muran lagu murmo magacaabida xubnaha KDQ waxa UGU HOREEYEY markii Madaxweyne Cigaal (Alle ha u naxariistee) uu magacaabay xubnahii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ), una gudbiyey Golaha Wakiillada 18kii Disembar 2001. Golaha Wakiilladu wuxuu fadhigiisii qabsoomay 21-kii Jeenawari 2003 ku ansaxiyey lix xubnood, balse Muuse Jaamac Maxamed oo uu soo magacaabay Golaha Guurtidu ayaa waayey codkii aqlabiyada golaha; waxa u coddeeyey 40 xubnood waxaana loo baahnaa in ay u coddeeyaan ugu yaraan 43 Xildhibaan. Asbaabta xubintan lagu diidday waxa lagu sheegay in aan la caddeyn shaqo ka tegida xilka La Taliyaha Sharci oo uu ka hayey Golaha Guurtida, waxana loo cuskaday Qod. 11(1)(d) Xeer Lr. 20/2001 (imika se ah Qod. 12(2)(d) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017). Haseyeeshee, Golaha Guurtidu mar labaad ayuu dib u soo magacaabay oo soo celiyey iyagoo ku andacoonaya in uu shaqadaas wakhti hore ka tegay iscasilaadna soo gudbiyey, waxaanu Golaha Wakiiladdu ku ansaxiyey 50 cod1dii March 2001. Arrintaasi waxay jidaysay in xubin kasta oo uu Golaha Wakiilladu ansaxin waayo mar labaad dib loo soo magacaabo oo golahu uu mar labaad u coddeeyo sidii dhacday 2007-dii. Ma jiro qodob sharci oo sidaas banneeyey. Waxaana sharci ah in Golaha Wakiilladu uu hal mar uun cod u qaado xubin kasta oo haddii ay hesho cod tiradiisu gaadhayso ama ka badan tahay kala-badh iyo hal dheeri tirada xubnaha Golaha Wakiillada ay ansaxayso, haddii se ay hesho cod tiradiisu ay ka yar tahay kala-badh tirada xubnaha Golaha aanay ansaxayn, cidii soo magacoowday xubin aan ansaxmina ay xubin cusub soo magacoowdo. MURANKII 2AAD ee ka dhasha magacaabida xubnaha KDQ wuxuu ahaa markii sannadkii 2004-tii uu geeriyooday Maxamed Sheekh Cabdillaahi oo xubin ka ahaa KDQ, iyadoo ay muddo-xileedkii xubnaha KDQ hadhsan tahay ku dhowaad saddex sanno. Markii la magacaabay xubnahii ugu horeeyey KDQ may jirin Xisbiyo Qaran oo waxaa muddadii loo qabtay diiwaangelinta ururrada oo ku eekayd 21kii Sebtember 2001-dii is diiwaan diiwaangeliyey todoba urur-siyaasaddeed; urur siyaasaddeedkii xukumada ee UDUB iyo lix urur oo kala ahaa UCID, BIRSOL, HORMUUD, ILEYS, SAHAN iyo UMAD. Lixdaas Urur Siyaasaddeed ayaa intii aan la diiwaangelin KULMIYE si wadajir ah u magacaabay laba xubnood oo ay midi tahay xubintan geeriyootay sida ku cad Qod. 11(2)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se waa Qod. 12(2)(b) ee Wax-ka-badelka 6aad ee 2017); 18-kii March 2001 ayaa sababo aan caddeyn dartood loo kordhiyey wakhtigii diiwaangelinta ururrada siyaasadda oo laga dhigay ilaa 17-kii May 2001, waxana muddadaas intii lagu jiray diiwaangelinta lagala noqday urraradii ILEYS iyo UMAD, waxaana la diiwaangeliyey ASAD iyo KULMIYE. Urruradii siyaasaddeed ee xubinta geeriyootay magacaabay waxa wakhtigaas jiray oo xisbi noqday UCID oo keliya. Sidaas darteed, UCID iyo KULMIYE oo ahaa labada xisbi mucaarad ee wakhtigaas diiwangashanaa ayaa si wadajir ah ugu magacaabay Maxamed Xaashi Cilmi in uu noqdo xubinta buuxinaysa booska ka bannaanaaday KDQ. Waxaanay qoraalkii magacaabida u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale 2-dii Oktoober 2004-tii. Madaxweyne Rayaale oo shan bilood kahor wakhtiga magacaabida oo ku beegnayd 3dii May 2004-tii Maxamed Xaashi ka qaaday xilkii Wasiirka Ganacsiga iyo Warshaddaha ee uu xukumadiisa ka hayey, wuxuu qoraal ku taariikheysnaa 14kii Diisembar 2004-tii ku diidday magacaabida Maxamed Xaashi isagoo ku doodday in aanay xubintani dhex u noqon karayn xisbiyada qaranka ama xukumada iyo mucaaradka maadaamaa uu muddo yar kahor ka qaaday xilkii Wasiirnimo ee uu xukumadiisa ka hayey oo uu weliba wakhti xaadirkan aad uga soo horjeedo xukumada iyo in sidoo kale ay magacaabidani dheeli ku keenayso saamigii beelaha ee KDQ maadaamaa xubintan la magacaabay aanay isku beel ahayn xubintii geeriyootay. Ugu dambeyn, markii laysku khilaafay arrintaas ee uu KULMIYE ku adkaystay magacaabida Maxamed Xaashi Cilmi ayuu Xisbiga UCID oo keli ah uu magacaabay Axmed Cabdillaahi Hoori oo Madaxweynaha u gudbiyey si uu buuxiyo jagadii xubinta geeriyootay ee KDQ. Inkastoo ay su’aal sharci ka dhalanaysay magacaabidan, maadaamaa aanu xeerku si cad uga hadal (ilaa hadda oo xeerka lix jeer wax ka badel lagu sameeyey) waxa la yeelayo haddii labada xisbi mucaarid ku heshiin waayaan magacaabida xubinta buuxinaysa jagada KDQ ee ay bannayso xubin ay si wadajir ah u magacaabeen ururro siyaasaddeed oo diiwaangashan, KULMIYE wax diidmo ah kama keenin xubintaas uu Xisbiga UCID keligii magacaabay. Waxaanay sababtu ahayd in heshiis hoose oo siyaasaddeed oo uu xisbiga UCID ka shaqayeeyey ay iskugu soo dhowaadeen Madaxweynaha iyo Xisbiyada Mucaaradku kadib markii Madaxweyne Rayaale uu ogolaaday in 2 xubnood lagu daro tirada xubnaha KDQ oo magacaabistooda la kala siiyo Madaxweynaha oo xubin magacaabaya, xubinta kalena ay xisbiyada mucaaradka si wadajir ah u magacaabaan. Sidaas darteed, KULMIYE muu horistaagin xubintaas ay UCID magacoowday, una gudbisay Madaxweyne Rayaale oo isna Golaha Wakiillada u gudbiyey, iyaguna cod aqlabiyad ah oo bilaa dood ah ku ansaxiyey. MURANKII 3AAD wuxuu ka abuurmay heshiiskaas hoose ee siyaasaddeed oo waxaa dhacday in sidii Madaxweynaha iyo mucaaradku isku afgarteen tirada xubnaha KDQ laga dhigay 9 xubnood. Qodobkii 30aad ee Xeerka Doorashooyinka Golaha Wakiillada (Xeer Lr. 20-2/2005 oo wakhtigaas golaha horyaalay ayaa wax ka badel ku sameeyey magacaabida iyo tirada KDQ ee ku cadayd Xeerka Lr. 20/2001, 2 xubnood ayaanu qodobku ku kordhiyey tirada xubnaha KDQ. Labadaas xubnood oo midna uu magacaabayo Madaxweynahu, xubinta kale na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo xulayaan oo Madaxweynaha ugu soo gudbinayaan. Sidaas ayey labada gole ee baarlamaanku xeerkaas ku ansaxiyeen oo xataa Maddaxweyne Rayaale uu ku dhaqangeliyey xeerkaas. Haseyeeshee, Madaxweynahu 12kii Abriil 2005 ayuu Golaha Wakiilada dib uga codsaday in qodobkaas la laallo. Taasi oo abuurtay khilaaf siyaasaddeed oo ka dhex qarxa Madaxweynaha, mucaaradka iyo Shir-guddoonkii Golaha Wakiillada. 12 casho kadib, 40 xubnood oo Golaha Wakiilada ka tirsan ayaa 24kii Abriil 2005 mooshin ahaan arrintan Golaha u keenay, dood kadibna iyadoo 20 xubnood ay ishortaageen in golahu uu mooshinkaas cod u qaado oo buuq ay ka abuureen, kana baxeen fadhigii Golaha, ayaa loo codeeyey oo uu Golahu ku ansixiyey cod aqlabiyad ah in qodobkan 30aad ee Xeerka Doorashada Golaha Wakiiladda la laallo, magacaabida iyo tirada xubnaha KDQ lagu daayey sidii ay ahayd (ee ku cad Xeer Lr. 20/2001). MURANKII 4AAD wuxuu dhashay iyadoo ay saddex casho oo keliya ka hadhsanayd dhammaadka muddo-xileedkii xubnahii KDQ ee ugu horeeyey oo ku eekayd 21-kii Jeenaweri 2007-dii. Madaxweyne Rayaale wuxuu qoraal uu tixraaciisu ahaa JSL/M/GG/081/2-2757/01/2017 oo soo baxay 18-kii Jeenaweri 2007 labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtida ku faray in ay muddo todoba casho gudahood ah ku soo gudbiyaan 8 xubnood oo 4 uu soo gudbiyo shirguddoonka Golaha Guurtidu, 4-na ay labada xisbi mucaarad si wadajir ah u soo gudbiyaan, kadibna uu isagu mid kasta 2 xubnood ka magacaabi doono, una gudbin doono Golaha Wakiillada si uu u ansaxiyo. Labadii xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo Golaha Guurtidu ba aad bay uga horyimaadeen qoraalkaas Madaxweyne Rayaale, waxaanay ku dooddeen in magacaabida 8-da xubnood ah ee uu Madaxweynahu ka dalbay ay khilaafsan tahay Qod. 11(2)(a)(b) Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12(2)(a)(b) Wax-ka-badelka 6aad ee 2017) iyagoo ku sababeeyey in qodobku uu Madaxweynaha awood u siinayo keliya in uu magacaabo oo Golaha Wakiillada u gudbiyo 4ta xubnood ee ay u soo gudbiyaan xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu, tan uu Madaxweynahu ka dalbayna ay noqonayso in Madaxweynahu uu kelidii awood u leeyahay in uu magacaabo dhammaan xubnaha KDQ. Madaxweyne Rayaale na wuxuu ku doodday in Koomishankii hore ee ugu horeeyey uu Madaxweyne Cigaal magacaabay 4 xubnood oo kamid ah (2 Guurtidu soo xushay iyo 2 ay ururradii siyaasaddu soo xuleen) 8 xubnood oo ay u soo gudbiyeen urraradii siyaasadda ee diiwaangashanaa iyo Golaha Guurtidu, oo uu u gudbiyey Golaha Wakiillada. Sidoo kale wuxuu ku doodday in qodobka ay mucaaradka iyo guurtidu ku dooddayaan uu Madaxweynaha oo keli ah siiyey awoodda magacaabida xubnaha KDQ, xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidana uu siiyey awood soo jeedineed oo keli ah, balse aanu siin awood magacaabiseed iyo in qodobku uu dhigayo in mucaaradku ay si wadajir ah u soo jeedinayaan 2-da xubnood ee xeerku siiyey, balse aan xisbina si gaar ah awood loogu siin in uu kelidii xubin soo xulo. Haseyeeshee, maadaamaa ay iska caddayd in doodda labada xisbi mucaarad iyo Golaha Guurtidu ay sax ahayd marka laga eego dhinaca tirada ay soo gudbinayaan sababtoo ah qodobku si cad ayuu u odhanayaa “2 xubnood oo Golaha Guurtidu soo xulo iyo 2 xubnood oo ay soo xulayaan ururrada/xisbiyada mucaaradka ah ee diiwaangashan”, balse ay su’aali ka taagnayd in xeerka aanay meelna kaga caddayn in xisbiyada/ururrada mucaaradka uu midba xubin magacaabi karo oo xeerku uu si wadajir ah u siiyey xulida iyo soo jeedinta 2 xubnood oo KDQ kamid noqonaya, Madaxweyne Rayaale kuma dhegin dooddaas, waxaanu ogolaaday in Golaha Guurtidu uu gudbiyo 2 xubnood, labada xisbi mucaaradna ay 2 xubnood gudbiyaan oo midba uu hal xubin gudbiyo. MURANKII 5AAD ayaa isna wuxuu ka dhashay markii xisbiga UCID uu xubintiisii gudbiyey, Golaha Guurtiduna ay 2 xubnood gudbiyeen, Madaxweyne Rayaalena uu ku daray 3dii xubnood ee uu magacaabay sidaasna ugu gudbiyey Golaha Wakiillada iyadoo aanu KULMIYE weli soo gudbin xubintii laga sugayey. KULMIYE wuxuu ku doodday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu gudbiyo xubno uu u magacaabay KDQ iyadoo aanay dhammaystirnayn tiradii xubnaha KDQ. Haseyeeshee, majiro qodob sharci oo khasab ka dhigaya in tirada xubnaha KDQ ee la magacaabayaa ay dhammeystirnaato, ama ay ku xusan tahay in aanu Madaxweynahu magacaabi karin xubno tiradoodu ka yar tahay 7 xubnood haddii uu dhinac soo gudbin waayo xubnaha uu xeerku awood u siiyey in uu soo xulo. Waxa dhacday halkii laga sugayey in Golaha Wakiilladu uu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweyne Rayaale u soo gudbiyey, in Golahu uu 23kii Febraayo 2007 go’aamiyey in uu xubnahii KDQ ee ay muddo-xileedkoodu dhammaatay u kordhiyey 2 sanno. Taasi ayaa cirka ku shareertay murankii sharci iyo siyaasaddeed, waxaanu ahaa go’aan sharciga khilaafsan oo aan loo marin habraaca magacaabida ee ku cad xeerka sababtoo ah cusbooneysiintu waxay ku iman kartaa in la maro habraaca magacaabida ee uu Golaha Wakiilladu ku lahaa awoodda ansaxinta oo keliya, balse tani waxay ka dhigan tahay in awooddii magacaabida iyo ansaxinta ba uu Golahu isku darsaday (Ibraahim Hashi). Sidoo kale cusbooneysiin ba muu ahayn go’aanka golahu ee wuxuu ahaa muddo-kordhin. Muddo-xileedna haddii ay jirto cid uu sharcigu awood u siiyey in ay kordhiso, waxaa la kordhiyaa inta aanay dhammaan balse hadday dhammaato wax la kordhiyaa ba kama noola. Mana jiro qodob Golaha Wakiillada awood u siinaya in uu KDQ muddo-kordhin u sameyn karo. Madaxweyne Rayaale wuxuu go’aankii Golaha Wakiillada u gudbiyey Maxkamadda Sarre oo iyadna 6dii May 2007 ka soo saartay go’aan, waxaanay go’aamisay in go’aanka Golaha Wakiilladu uu khilaafsanaa Qod. 11aad iyo 12aad ee Xeer Lr. 20/2001 (hadda se ah Qod. 12aad iyo 13aad, wax ka badelka 2017), waxaanay amartay in golahu cod u qaado lixdii xubnood ee uu Madaxweynahu u soo gudbiyey iyo in xisbiga KULMIYE soo gudbiyo xubinta 7aad ee KDQ si loo mariyo habraaca magacaabida loona ansaxiyo. Waana la fuliyey amarkeedii oo ugu dambeyn Golahu wuxuu cod u qaaday dhammaan todobadii xubnood ee KDQ 2dii June 2007. MURANKII LIXAAD wuxuu ka dhashay fadhigaas uu Golaha Wakiilladu ugu coddeeyey xubnaha cusub ee KDQ 2dii Juun 2007 oo uu golaha ansaxiyey shan xubnood balse labadii xubnood ee uu Golaha Guurtida soo xulay oo kala ahaa Muuse Axmed Maxamed (Muuse Madoobe) iyo Maxamed Axmed Cabdi Xaamud (Nayn) ay golaha ka kala heleen 35 cod iyo 36 cod oo ay sidaas ku ansaxmi waayeen. Golaha Guurtidu mar labaad ayey dib usoo gudbiyeen 8dii Juun 2007, taasi ayaana xamaasad sii gelisay khilaafkii ka dhaxeeyey dhinacyada iska soo horjeeday oo kala ahaa Xukumada iyo Golaha Guurtida oo dhinac ahaa iyo Shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo Mucaaradka oo dhinac ahaa. Waxa muddo laba bilood ah laysku hayey Golaha Guurtida iyo Xukumada oo ku dooddayey waa la soo celin karaa xubnaha uu golahu u coddeeyey ee aan ansaxmin iyagoo daliishanaya in 1dii Maarso 2002-dii uu Golaha Wakiilladu ansaxiyey xubin mar labaad dib loo soo magacaabay isla markaana mar labaad loo coddeeyey iyadoo coddayntii hore ee Golaha lagu diidday, iyo dhinaca kale ee shirguddoonka Golaha Wakiillada iyo mucaaradka oo ku dooddayey lama soo celin karo mar haddii loo coddeeyey oo ay wayday codkii loo baahnaa (42+ xubnaha Golaha). Ugu dambeyn, dhexdhexaadin ay Abwaano, Culimo iyo odayaal ay labada dhinac ku dhexdhexaadiyeen kadib, 27kii Ogos 2007 ayuu Golaha Wakiilladu mar labaad u coddeeyey labadii xubnood oo uu Muuse Madoobe helay 39 cod, Maxamed Cabdi Xaamud (Nayn) uu helay 38 cod, sidaas ayey mar labaad ku ansaxmi waayeen. Asbaabta ay labadan xubnood Golaha uga heli waayeen codkii ay ku ansaxmi lahaayeen labada jeer ee loo coddeeyey wuxuu Golaha Wakiilladu ku sheegay in ay buuxin waayeen mid kamid ah shuruuddaha xubnaha KDQ oo ah in sidii ku cad Qod. 12(3) Xeer Lr. 20/2001 in xubinta KDQ loo magacaabayaa “aanay da’ ahaan ka waynaan 60 sanno” (Wax ka badelkii 2aad ee Xeerka lagu sameeyey 2010 ayaa laga dhigay 70 sanno, Qod. 13(3)), labadan xubnood da’dooduna ay kor u dhaaftay 60 sanno. Haseyeeshee, waxa inta badan la sheegaa in sababta diidmadoodu aanay ahayn mid la xidhiidhay sharci iyo da’da labadan xubnood balse ay ahayd mid siyaasaddeed oo ahayd in labadan xubnood loo tirinayey in uu si gaar ah u watay Guddoomiye Saleebaan oo uu Golaha Guurtida laftiisu ku kala qaysanaa magacaabidooda iyo codeyntan labaad oo uu khilaafaad kale oo siyaasaddeed iyo marxaladdii lagu jiray wakhtigaas oo ahayd mid ficiltanka siyaasaddeed uu wax badan saameyn ku yeeshay. Murankani wuxuu ku dhammaaday in Golaha Guurtidu uu soo magacaabay laba xubnood oo cusub oo ay labadii xubnood ee hore ay isku beelo ka soo jeedaan. Waxaanu Golaha Wakiilladu u coddeeyey 3dii Sebtembar 2007 labadii xubnood ee cusbaa oo kala ahaa Ismaaciil Muuse Nuur oo helay 63 cod iyo Xasan Maxamed Cumar oo helay 62 cod. Sidaas ayaanay ku ansaxeen labadoodu ba. MURANKA TODOBAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu bilaabmay markii komishankii hore ee muddo-xileedkoodu bilaabantay 2dii Juun 2007 uu ragaadiyey khilaaf gudahooda ah iyo khilaaf siyaasaddeed oo ka dhashay doorashadii Madaxtooyada oo dib u dhacday oo oo gaadhay heer khatar ah oo ugu dambeyn ay beesha caalamku dhexdhexaadisay lagana gaaday heshiis 1dii Oktoobar 2009. Waxa qodobada lagu heshiiyey kamid ahaa in wax laga badelo xubnaha KDQ gaar ahaan hoggaanka. Sidaas darteed, maalmo kadibna waxaa iscasilay xubnahii KDQ intoodii badnayd. Madaxweyne Rayaale wuxuu ku dhawaaqay in xubnahii KDQ ay iskood u kala dirmeen, waxaanu xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtida ka dalbay in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xuleen KDQ. Murankan todobaad waa mid ka dhashay xubnahaas cusub ee la magacaabay Oktoobar 2009. Xisbiga UCID wuxuu dib u soo xulay xubintii uu hore u soo xulay ee KDQ ee iscasilay kamid ahayd. Xubintaas oo ahayd Garyaqaan Khadar M. Guuleed (oo hadda ah Raysal-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya) oo isagu hore iskaga casilay xubinnimada KDQ. Haseyeeshee, Madaxweyne Rayaale wuu ku celiyey isagoo cuskanaya heshiiskii ay saddexda xisbi ku heshiiyeen in ay ku jirtay in aan la soo celin xubnahii hore ee KDQ. Sidaas darteed, xisbiga UCID si dhakhso ah ayuu u soo badelay una soo xulay Cabdifataax Ibraahim Xasan. Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey mid kamid ah labadii xubnood ee ay u soo gudbiyeen oo ah Xasan Siciid Yuusuf (oo markii dambe noqday ilaa imikana ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE), waxaanu Shirguddoonka Golaha Guurtida ka codsaday in xubintani aanay siyaasadda ka madax-bannaanayn oo aanu buuxin shuruuddaha uu xeerka dhigayo, sidaas darteedna ay ku soo badelaan xubin cusub oo shuruuddaha buuxinaysa. Guddoomiye Saleebaan wuu ku gacan saydhay in Madaxweynahu dib ugu soo celiyo xubintan ay u gudbiyeen, waxaanu ku doodday in Madaxweynaha waajibkiisu yahay in uu keliya xubnaha ay u gudbiyaan uu isna u sii gudbiyo Golaha Wakiillada oo ah cidda keliya ee ansaxintooda iyo diidmadooda ba awood u leh. Haseyeeshee, maalmo kadib wuu aqbalay go’aankii Madaxweynaha oo Golaha Guurtidu wuxuu ku soo badelay Cabdiraxmaan Dixood. Xubintii uu Xisbiga KULMIYE madaxweynaha u soo gudbiyey oo ahayd Ilhaan Maxamed Jaamac ayuu sidoo kale Madaxweyne Rayaale soo celiyey isagoo ku sababeeyey in ay xubin ka tahay Guddida Fulinta ee KULMIYE, kana qayb-gashay oo abaabulkiisa ka qayb-qaadatay Shirweynahii 2aad ee xisbiga KULMIYE ee Burco ka qabsoomay muddo yar kahor. Sidaas darteedna aanay buuxin shuruuddaha ku cad xeerka ee ay kamid yihiin in aanay xubinta KDQ loo magacaabayaa xil ka hayn, ka tirsanayn isla markaana ka madax-bannaan tahay xisbi siyaasaddeed. Haseyeeshee, xisbiga KULMIYE kuma qancin asbaabtaas oo saddex jeer ayuu Madaxweyne Rayaale dib ugu gudbiyey oo uu isna ku celiyey, waxaanu Guddoomiye Siilaanyo ku doodday “In Ilhaan ay xisbiga ku jirtay, balse aanay hadda ka tirsanayn xilna ka hayn oo ay danteeda uga baxday in Madaxweynahu aanu awood u lahayn in uu soo celiyo xubin ay xisbiyada mucaaradka iyo Golaha Guurtidu magacaabeen, cidda keliya ee diiddi karta ama ogolaan kartaana ay tahay Golaha Wakiillada (oodweynenews.com, warkii 10/10/2009.” balse ugu dambeyn 18kii Oktoobar 2009 ayuu soo badelay oo soo gudbiyey Cali-khadar Xasan Cismaan (kubado). Waxaanu Madaxweyne Rayaale u gudbiyey Golaha Wakiillada maalin kadib 19kii Oktoobar 2009. Golaha Wakiilladu dhammaan xubnahii cusbaa ee KDQ wuxuu ansaxiyey 24kii Oktoobar 2009. MURANKII SIDDEEDAAD ee magacaabida xubnaha KDQ wuxuu yimid markii la magacaabayey xubnaha KDQ ee uu hadda xilkoodu dhammaadka yahay markii Madaxweyne Siilaanyo uu 28kii bishii Ogos 2014 iyadoo ay muddo-xileedkii xubnahii hore ee KDQ ka hadhsan tahay ku dhowaad laba bilood oo keliya (29 Oktobar 2014 oo ay kaga dhammayd muddo-xileedu) uu xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI iyo Golaha Guurtida ba ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u xulayaan in ay kamid noqdaan KDQ. Xisbiyada UCID iyo WADDANI waxay 30kii Ogos 2014 Madaxweynaha u gudbiyeen 2 xubnood oo ay u soo xuleen kamid noqoshada KDQ. UCID waxay dib u soo xushay xubinteedii hore ee kamid ahayd xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayo Cabdifataax Ibraahim Xasan. Xisbiga WADDANI na wuxuu magacaabay oo Madaxweynaha u gudbiyey Dr. Maxamed Cusmaan Fadal oo isla maalintii uu Madaxweynahu xisbiyada ka dalbaday in ay soo gudbiyaan xubnaha ay u soo xulayaan KDQ ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Xoghayaha Arrimaha Dibeda ee Xisbiga WADDANI. Golaha Guurtiduna wuxuu dib u magacaabay labadii xubnood ee hore ugu jiray xubnaha uu muddo-xileedkoodu sii dhammaanayey. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Shirguddoonka Golaha Guurtida ku celiyey laba xubnood oo ay 17kii Sebtember 2014 u soo gudbiyeen oo kamid ahaa xubnaha KDQ ee uu muddo-xileedkiisu dhammaadka ahaa. Inkastoo aanu Madaxwaynahu shaacin asbaabta uu u cuskaday dib u celinta labadaas xubnood, isla markaana sida la sheegay aanu Shirguddoonka Golaha Guurtida gaar ahaan Guddoomiye Saleebaan markii hore ku qancin in Madaxweynahu uu xubnaas soo celiyo, waxa la sheegaa in Madaxweyne Siilaanyo uu ku qanciyey Guddoomiye Saleebaan in komishankan hore loo tirinayey qaskii iyo ceebahii ka dhacay Doorashadii Golaha Deegaanka ee 2012-ka, sidaas darteedna aanu rabin in isaga iyo Golaha Guurtidu ay soo celiyaan xubnahii ay magacaabeen Madaxweynahii hore iyo Golaha Guurtidu maadaamaa Xisbiga WADDANI aanu waxba ka magacaabin xubnaha la badelayo, xisbiga UCID oo keli ah uu xubin ka magacaabay mucaaradka hadda jira, taasna hadduu soo celiyo aanu ku celin doonin isaga. Sidaas darteed, Shirguddoonka Golaha Guurtidu wuu ku qancay soo jeedintaas Madaxweyne Siilaanyo oo waxay soo xuleen oo ay Madaxweynaha u gudbiyeen laba xubnood oo cusub oo kala ah Cabdiqaadir Iimaan iyo Siciid Cali Muuse. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Xisbiga WADDANI ku celiyey xubintii ay soo xuleen ee ay u soo gudbiyeen isagoo sheegay in xubintani ay ka tirsan tahay xisbigan magacaabay, xilna ay ka haysay xisbiga wakhtigii uu xisbiga ka dalbay in uu soo gudbiyo xubin uu u soo xulo KDQ. Haseyeeshee, Xisbiga WADDANI kuma qancin asbaabtaas sidaas darteed mar labaad ayuu dib ugu soo gudbiyey Madaxweynaha iyagoo ku doodday in xubintani aanay hadda ka tirsanayn xisbiga oo xubinnimada iyo xilkii uu xisbiga ka hayey ba uu hore iskaga casilay isku mar. Sidaas darteed, wuxuu Xisbiga WADDANI ku doodday in xubintan ay soo xuleen ay buuxisay dhammaan shuruuddaha uu xeerku dhigayo. Madaxweyne Siilaanyo mar labaad ayuu ku celiyey Xisbiga WADDANI oo dib uga dalbay in ay xubin kale oo buuxinaysa shuruuddaha xeerku jideeyey u soo xulaan KDQ. Wuxuu qoraalka summadiisu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014 ee soo baxay 6dii Oktoobar 2014 ku sheegay “Waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddida Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12aad (hadda se ah Qod. 13aad) ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaanada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid ahayd Xisbiga WADDANI.” Laba casho kadib 8dii Oktoobar 2014 wuxuu Madaxweyne Siilaanyo shaaciyay oo uu Golaha Wakiiladda u gudbiyay liiska lixda xubnood oo uu KDQ u magacaabay oo iskugu jiray saddex xubnood oo uu isagu soo xulay, laba Golaha Guurtidu soo xuleen iyo xubin xisbiga mucaaridka ah ee UCID soo xulay. Xisbiga WADDANI maalin kadib ayuu isna Madaxweynaha u soo gudbiyey xubin uu ku soo badelay xubintii hore ee uu Madaxweynahu labada jeer ku celiyey. Waxaanu Madaxweynahu isla maalintii u gudbiyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada qoraalka magacaabida iyo macluumaadka xubinta cusub ee uu Xisbiga WADDANI u soo xulay in ay kamid noqoto KDQ oo ahaa Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Sagal). Waxaanu ka codsaday in ay waajibkooda ka gutaan. Sidaas ayuu ku dhammaaday murankan magacaabida KDQ oo Golaha Wakiilladuna uu 29kii Nofembar 2014 u ansaxiyey dhammaan todobadii xubnood ee KDQ. Labadii muran ee ugu dambeeyey waa kuwan soo bilaabmay horaantii 2018 ilaa haddana ka taagan magacaabida xubnaha KDQ ee ay Xukumada iyo Mucaaradku isku diiddan yihiin xubnaha uu Madaxweynahu magacaabay, Golaha Wakiiladuna ay ansaxiyeen. Waana markii ugu horeysay ee uu muran/khilaaf ka dhasho xubin uu madaxweyne u magacaabay KDQ. Wixii xog ah iyo faallo faahfaahsan oo khusaysa muranka hadda ka taagan magacaabida iyo ansaxinta xubnaha KDQ waxaad ka akhrisan kartaa https://goodlawyer4.blogspot.com/2019/11/faallo-muranka-ka-dhashay-xubnaha-cusub.html Qalinkii: Garyaqaan Cabdishakuur Cali Muxumed (Good-Lawyer) Email: goodlawyer2014@gmail.com Burco, Soomaaliland. Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, ayaa si adag uga horyimid doorashadii shalay ay xubnaha komishanka Somaliland ay guddoomiye cusub ugu doorteen Cabdirashiid Riyo Raac. Waddani oo hore uga horyimid Riyo Raac in uu ka mid noqdo komishanka, ayaa hadda doorashadiisa u arka mid sii dabar goynaysa Dimuquraadiyada iyo jiritaanka Somaliland. Barkhad Jaamac Batuun, Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaranimada Somaliland ay ku jirto khatar, isla markaana ay dadka iyo dalkuba u baahanyahay badbaado. Barkhad Batuun ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muranka komishanka ka taagan ay arrintu ka weyntahay, isagoona xisbiga Kulmiye ku eedeyay inuu god madow ku sii riday jiritaanka Somaliland, isla markaana uu burburkeeda ku howlan yahay. “Xaaladda Somaliland ma marayso xisbiyoow maxaad qabtaaye, bahashanina Komishana ma taagna, Doorashana ma taagna, Dimuqraadiyadd ma taagna, xisbiyo ma taagna, waar jiritaankiii qaranimada Somaliland ayay jirideedii goynayaan kooxdan Kulmiye” ayuu yiri Afhayeen Barkhad Batuun. Wuxuuna intaas kusii daray “Markaana masiirkii ummaddani 30-ka sano soo dhaqaysay ee intaa aan kuu sheegay lahaa ayaa khalkhal ku jira, markaa talao qaran iyo badbaado qaran ayay maanta taagan tahay”.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Dhowr bilood un kadib markii uu ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Nobel, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa iska difaacaya eedeymo ku saabsan inuu faro-gelin ku hayo arrimaha dalalka deriska la ah. Laba warbixin oo ay soo saareen Guddiga Khubarada QM ayaa Abiy ku eedeeyey inuu xasilooni darro ka abuurayo South Sudan iyo Somalia, oo ah laba dal oo uu arrimahooda gudaha aad ugu lug leeyahay, sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi. Eedeymahan ayaa imanaya ayada oo Madasha Xisbiyada Qaran, iyo maamulka Jubaland ay ku eedeeyeen ciidamada Itoobiya inay dowladda Farmaajo ka caawinayaan inay faro-geliso arrimaha maamul goboleedyada. Dhinacyadan ayaa sheegaya in Ethiopia ay ciidamo aan Amisom ka tirsaneyn kusoo daabuleyso Soomaaliya, si ay u fuliyaan hadafyada madaxweyne Farmaajo uu kula wareegayo maamul goboleedyada. Safiirka Itoobiya ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay Daily Nation ayaa sheegay in eedeymahan aysan xaqiiq ahayn. “Mid ka mid ah tiirarka siyaasadda arrimaha dibedda Itoobiya ayaa ah inaan la faro-gelin arrimaha gudaha ee dalalka kale. Taas waa taariikhdeena,” ayuu yiri. “Waxaan si deris wanaag ah u cayaarnaa kaalin aan wax ku dhiseyno kaliya.” Meles ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta ay dalalka kale, oo Soomaaliya ay ku jirto, u joogaan hanaan nabadeed oo kaliya, islamarkaana ay raacaan xeerarka caalamiga ah. Ciidamada Itoobiya ayaa bishii December ee sanaddii 2018, waxay ayaga oo ay wehliyaan ciidamada Soomaaliya shacab ku xasuuqeen magaalada Baydhaba, si doorashadii madaxweynaha Koonfur Galbeed loo xaqiijiyo inuu kusoo baxo musharaxii dowladda ee Cabdicasiis Lafta-gareen. Ka hor inta aan bishii Febraayo eee sanaddii 2017 loo dooran madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo waxa uu ahaa siyaasi Soomaalida ka gaday inuu neceb yahay shisheeyaha, gaar ahaan Itoobiya. Waxa uu marar badan wareysiyo uu bixiyey ku sheegay in Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya, islamarkaana aysan ahayn in marna ciidankooda ay joogaan Soomaaliya. Si kastaba, markii uu xukunka qabtay kadib, dhammaan mowqifyadiisii hore waa ay is-beddelaan. Waxa uu dowladda Itoobiya u gacan geliyey Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ahaa halgamaa Soomaaliyeed. Waxa uu aqbalay joogitaanka ciidamada Itoobiya, oo uu billaabay inuu dano siyaasadeed u adeegsado, waxaana kadib uu Itoobiya ka dhigtay isbahaysi.
-
Somali Journalists Syndicate (SJS) calls for Somaliland authorities to immediately and unconditionally release Horn Cable TV editor, Abdikadir Saleban Asayr (known as Coday) after the Marodi Jeh Regional Court on Saturday 30 November, 2019 extended his detention for another three days. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saqda dhexe ee habeenkii Arbacada ee todobaadkii hore waxaa kulan xasaasi ah Villa Somalia ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Kulankaan oo ahaa kii ugu adkaa ee dhaca waayihii dambe islamarkaana dhaxmara hogaamiyaashaan ayaa salka ku haayay doorashada Soomaaliya ee dabayaaqada sanadka 2020-ka, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u yeeray labadaan mas’uul, waxa uuna guddoomiye Mursal ku wargeliyay in aysan Villa Somalia aqbali karin sharciga doorashooyinka oo ay diyaariyeen guddiga golaha Shacabka ee sharciga doorashooyinka. Farmaajo ayaa ka soo horjeestay in madaxweynaha ay doortaan labada ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida ku cad qodobka 89-aad ee dastuurka, balse waxa uu sheegay in doorashada soo socoto madaxweynaha ku imaan doono doorasho dadweyne. Guddoomiye Mursal ayaa u sheegay Farmaajo in uusan sidaas qabin dastuurka islamarkaana talooyinkii ay soo aruuriyeen ee mucaaradka iyo maamul gobaleedyada ay diideen in lagu jebiyo dastuurka suurta galna aheyn in doorasho qof iyo cod ah la qabto. Sidoo kale Kheyre ayaa taageeray guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo madaxweynaha u sheegay in aduunyada iyo Soomaalida intuba ka aqbali karin doorasho qof iyo cod ah markii loo eego xaaladda Soomaaliya, sidaasna uusan dastuurka dhigeyn. Dhinacyada ayaa la sheegay in ay isku fahmi waayeen kulankii ka dhacay Villa Somalia ka hor inta uusan Madaxweynaha u bixin Itoobiya. Lama oga sida ay ku dambeen doonto xaaladda siyaasadeed ee dhinacyadaan ka dhax bilaawday. Madaxweyne Farmaajo ayaa doonaya inaysan xildhibaano dooran madaxweynaha xiga, isaga oo rumeysan in haddii sidaas ay dhacdo aan la dooran doonin, maadaama beesha caalamku goobjoog ka noqoneyso, oo uusan wax ku shubasho ah sameyn karin. Doorasho qof iyo cod ah, kama dhici karto Soomaaliya xaaladda jirta, hase yeeshee madaxweynaha ayaa doonaya in shacab dhowr kun ah meel la isgu keeno, oo ay matalaan Soomaalida oo dhan, sidaasna lagu doorto madaxweynaha. Wuxuu rumeysan yahay in haddi ay sidaas dhacdo uu awoodi karo in taageerayaashiisa un uu soo ururiyo oo ay ayaga codeeyaan.
-
Jilib (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn diyaaradeed ay ka dhacday degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo ka kala tirsan Jubada Hoose iyo Jubada dhexe. Duqeynta oo isku mar dhacday ayaa la sheegay in lala beegsaday laba fariisin oo muhiim u ahaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la soo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in Jilib duqeyntii ka dhacday lagu baabi’ayey goob Al-Shabaab u aheyd xarun isgaarsiin oo laga hago weerarada dagaalamayaasha. Sidoo kale Jilib duqeynta ka dhacday ayey saraakiishu sheegeen in lala beegsaday guri la aaminsan yahay in uu daganaa mid kamid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab lamana hubo wixii ka dhashay oo khasaare ah. Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa sidoo kale shalay gelinkii dambe sheegay in duqeyn lala beegsaday xubno Shabaab ah oo ku sugan degmada Jilib. Lama shaacin khasaaraha ka dhashay duqeynta Mareykanka ay sheegeen, waxaana AFRCOM ay sheegtay inay weli qiimeynayaan. Goob joogayaal ayaa sidoo kale warbaahinta u gudaha u sheegay in ay diyaarado dagaal duqeeyeen degmada Jamaame ee gobalka Jubada dhexe, duqeyntaas oo aan ilaa hada la soo sheegin wax qasaare ah oo ka dhashay. Dhowr jeer oo hore ayaa la sidaan oo kale diyaarado dagaal ay duqeyn xoogan ka geesteen Jubbooyinka waxaana mararka qaar ka dhasha dhimasho iyo dhaawac badan.
-
Turkish parliament speaker attends opening ceremony of Abdulhamid Han II Mosque Source: Hiiraan Online
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo dib ugu laabtay magaalada Nairobi ayaa si faahfaahsan u sharaxay sababata loo baajiyay muxaadaradii uu ku qaban lahaa magaalada Muqdisho, taasi oo markii danbe uu go’aansaday in la joojiyo ka dib markii ay mudaharaad kala hor yimaadeen culimada Suufiyada. Sheekh Umal ayaa sheegay in baaqashada muxaadardaas ay isku baheysteen una midoobeen inay ka hor yimaadeen afar koox oo kala duwan. ” Soomaali Shiicawday, qolyo mawjadii kacdaba fuusha oo kursi ka dhex raadiya, daddana Al-Shabaab iyo Suufiyo isu yimid, oo kuligood dagaal ku hayaan calashaan muxadaraasi yaysan dhicin, maxaa ka dhaxeeya bal adiggu is waydii? wax kale oo ay isuggu yimaadaan ma jirto. Sheek Umal oo si dadban ugu jawaabay siyaasiyiin ka falceliayy muxaadariisa ayaa sheeegay in uu ka xun yahay in wax aysan wax ka ogayn ay soo dhex-galaan. “Qaar badan oo siyaasiyiin ah soo maydaan arag, oo dagaalka qayb ka ah, war siyaasiyoow muxaadaro la dhigayo maxaa ka galay, waxaas oo dhan baa yacni isu kaashanaya barnaamijka halaga tago.” Ayuu yiri Sheekh Umal. Gabagabadii Sheekh Umal ayaa ka sheekeeyay dhibaatada baraha bulshadu keeneen, iyo dadka badan ee Soomaaliyeed ee sida qaldan wixii lasoo geliyo u qaata, waxaana uu sheegay in dhowr waxyoobood oo dhacay mudadii uu joogay magaalada Muqdisho laga been sheegay.
-
Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay nawaaxiga degmada Baardheere ee gobolkaasi ku dileen Lix xubnood oo ka tirsanaa dagaallamayaasha Al-Shabaab. Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdullaahi oo taliye u ah ciidanka ku sugan degmada Baardheere ayaa warbaahinta u sheegay in weerar ay iyagu qaadeen kadib markii ay xog ka heleen Dadka degaanka. “Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waxaanu halkaasi kaga dilnay Lix xubnood” ayuu yiri Cali. Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka dowladdu ay halkaasi ku gubeen laba kamid ah gaadiidka nooca dagaalka ah oo Shabaabku wateen isagoo xusay degaanka laga saaray Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu laayay gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha Turkiga ayaa si adag u weeraray dhigiisa dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, kaasi oo ku tilmaamay mid la il daran xanuunka dila maskaxda. Erdogan ayaa Macron ugu baaqay in uu arko dhakhtar si wax looga qabto jirada maskaxeed, kadib markii uu shalay Erdogan ka jawaab celiyay hadalo dhowaan ka soo yeeray Macron oo ku aadanaa kasii mid ahaanshaha Turkiga ee Isbaheysiga NATO. Madaxweyne Erdogan ayaa khudbad uu ka jeedinayay Jimcihii Jaamacada Marmara ee magaalada Istanbul, wuxuuu si toos ah u abaaray madaxweynaha Faransiiska, Macron, wuxuuna yiri “Mudane Macron, fiiri hadda waxan ka hadlayaa Turkiga, waxaan sidoo kale hadalkan ka dhihi doona NATO, waa inaad ugu horeynta soo baarta maskaxdaada dhimatay!”. “Wax ka galay miyaa jirra arrimaha ka saarida Turkiga ee NATO, ama ka sii mid noqoshadeeda?, Awoodna ma u leedahay in aad ka go’aan gaarto go’aamadaasi oo kale?” ayuu yiri Erdogan, isagoo su’aal toos ah u diraya Macron. Wuxuuna intaas kusii daray Erdogan “Faransiisku wuxuu iska indho tirayaa wel-welka uu ka qabo Turkiga ee Suuriya, isagoo isku dayaya in uu raad ku yeesho wadankaasi”. Madaxweyne Erdogan ayaa si adag ugu dhaliilay Emmanuel Marco inuu wado faan cidlo ah, xili uu gabay dalkiisu dhamaan waajibaadkii uu uga baahnaa Isbaaheysiga NATO. “Adigu (Macron) ma gudatid waajibaadka lagaaga baahanyahay ee ka saaran Isbaheysiga, Mana bixisid lacagta kugu waajibtay ee NATO, ugu dambeyntiina waad faaneysa!” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Hadalkan Madaxweyne Erdogan ayaa waxa uu jawaab adag u noqonayaa hadalkii khamiistii uu Macron ku dhaleeceyay howlgaladii Millater ee Turkigu ka fuliyay bishii la soo dhaafay waqooyiga barri ee dalka Suuriya, iyo soo jeedintiisi ku aadaneyd in Turkiga laga saaro NATO.
-
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, oo ka duulaysa yoolkeeda Tayeynta Waxarashada, ayaa Tababar mudda afar maalmood ah socon doona u furtay, qaar kamid ah Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda. Tababarka waxaa lagu baran doonaa casharro la xiriira Qiimaynta akhriska fasallada hore, Qiimayn tirinta iyo xisaabta fasallada hore, Ururinta iyo Saafidda xogta Qorrida warbixinnada iyo wacyigelinta bulshada si loo helo arday mideysan laguna dhiirri-geliyo waxbarashada iyo wax-tarkeeda. Tababarkan, waxa wasaaradda ka taageeraya, hay’adda UNICEF Mashruuca GPE, waxaana Tababarka bixinaya Macallimiin ka socda Waaxda Tayeyntan, Kormeerka iyo Manaahijta ee Wasaaradda. Agaasimaha Waaxda Tayo-dhawrka iyo Kormeerka, Cabdulqaadir Yuusuf Nuux oo ka hadlay ujeedka tababarkan iyo muhiimadda uu leeyahay, ayaa sheegay ujeedkiisu yahay in shaqaalaha lagu hubeeyo aqoonta iyo xirfadda qiimaynta waxbarashada. Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddda Waxbarashada Puntland, Bashiir Jaamac Maxamed oo furay Tababarka Shaqaalaha Wasaaradda, ayaa sheegay in loo baahanyahay sare u qaadidda Tayada Waxbarshada, isagoo ku boorriyay shaqaalaha fursadda u helay in ay wixii ay ka bartaan ay la wadaagaan shaqaalaha kale ee aan fursadda u helin. “Waxaan filayaa in afarta maalmood wax badan ay kasoo bixi doonaan, insha Allah, wixii kasoo baxana waxaan filaa in aad la wadaagtaan Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada iyo shaqaalaheeda kale”ayuu yiri Wasiirka. Sidoo kale, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada iyo Tacliinta sare, Bashiir Jaamac Maxamed ahna ku-simaha Wasiirka, ayaa sheegay in Tayada Waxbarashada kor loo qaadi karo haddii la helo Saacado waxabarashada ku filan, Macallin fiican, Goob Fiican, Manhaj tayo leh iyo Jadwal shaqo. Ugu dambeyntii, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa u mahad celiyey Hay’adda Unicef oo mar walba garab taagan taageeridda Arrimaha Waxbarashada Puntland. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo Tababar u furtay Shaqaalaha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo oo ku sugan degmada Xiingalool ayaa si kulul u cambaareeyay xariga magaalada Boosaaso loogu gaystay laba kamid ah Nabaddoonada gobolka Bari. Labada Nabaddoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax ayaa kamid ahaa odoyaal ku sugan Boosaaso oo xukuumadda Puntland ku dhaliilay Heshiiska DP World ee dekedda Boosaaso iyo sidoo kale heshiisyo cusub oo ay sheegeen in ay Imaaraadka ku wareejisay garoonka diyaaradaha Boosaaso iyo xarumo kale. Mudane Dhoobo ayaa sheegay in Dastuurka Puntland uu xaq u siinayo muwaaddiniinta in ay dhaliilo u jeedin karaan dowladda iyo ay si xor ah u muujin karaan fikirkooda iyo ra’yiga ay ka aaminsan yihiin hadba wixii taagan sidaasi darteedna ay sharci-darro tahay in fikirkooda loo xiro. Sidoo kale wuxuu sheegay in ay jiraan ceebo horay ay xukuumaddu u gaysatay oo aan weli la isaga imaan haddana ay ku sii socoto xarig iyo cabburin loo gaysanayo qof kasta oo dhaliilsan arrimaha qaldan. Hoos ka daawo muuqaalka PUNTLAND POST The post Dhoobo-daareed oo si kulul u cambaareeyay xarigga Nabaddoonada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii dhimashada lahaa ee uu Jimcihii magaalada London ka fuliyey nin ku hubeysnaa mindi, kaasi oo booliiska ay dileen. Daacish ayaa mas’uuliyadda weerarkan ku sheegatay wakaaladdeeda wararka ee Amaq News. “Qofka fuliyey weerarkii London…waxa uu ahaa dagaal yahan ka tirsan kooxda Daacish, wuxuuna u fuliyey isaga oo uga jawaabaya shacabka ay dalalka xulufada ah beegsanayaan,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay kooxda, oo dalalka isbahaysiga ula jeeda kuwa weerarada duqeymaha la beegsada dagaalyahanada kooxdan ee dalalka Iraq iyo Syria. Booliska Britain ayaa sabtidii sheegay in weli “aysan jirin wax caddeymo ah” oo soo jeedinaya in cid aan ka ahayn ninka weerarka fuliyey ee la dilay ay ku lug lahayd, inkasta oo baaritaanka uu weli socdo. Booliska ayaa rumeysan in weerarka uu fuliyey 28 jir lagu magacaabo Usman Khan, kaasi oo toogasho ay ku dileen booliska. Ninkan ayaa horey waxaa loogu xiray “dambiyo” argagixisanimo. Khan oo xirnaa jaakad qaraxda oo been abuur ah ayaa mindida la dhacay dad marayey Buundada London, waxaana uu dilay laba qof, ayada oo saddex kale ay dhaawacmeen, ka hor inta aysan booliska isaga toogan. Khan ayaa waxaa sanaddii 2012 lagu xukumay sideed sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambi inuu ku lug lahaa shirqool lagu qarxin lahaa Suuq Is-waydaarsiga Samiiyada ee London.
-
Farmaajo xaaladda Jubbaland in uu waanwaan iyo wada hadal ku dayo wuxuu ka doorbiday in uu dagaal ku muquuniyo, maamulkaas oo ka mid ah kuwa ugu deggan Soomaaliya. Kismaayo caasimadda maamul gobolleedku waxay ka fayowdahay qaraxyada joogtada ka ah Xamar iyo agagaarka madaxtooyada iyo waliba dilalka qorshaysan ee maalin walba ka dhaca caasimadda dawladda Federaalka, Shabaabku cashuur kama qaado dekedda Kismaayo halka ay dekedda Xamar ka urursadaan lacago ka badan inta xukumadda Farmaajo ka hesho; Kismaayo kama jiro dhul ka madax bannaan maamulka Jubbaland oo dawlado kale ka taliyaan sida: xarunta Xalane oo kale oo ka madax bannaan dawladda Soomaaliya oo xattaa madaxda sarsare ee xukumaddu aanay geli Karin. Xalanaha Xamar waa sida Vatican-ka Roma ku dhex yaalla oo kale (Xarunta Mad-habta Catholic). Farmaajo ma laha awood uu kaga guulaysan karo maamulka la doortay iyo shicibka isku duuban ee Jubbaland laakiin, wuxuu isticmaalaya dhaqaalihii Beesha Caalamku ugu talo gashay dib u dhiska Soomaaliya iyo in lagula dagaallamo ururada Xagjirka ah, wuxuu taageero milatari ka helaya waddamo shisheeye ah oo uu heshiisyo qarsoodi ah la galay oo kaga bedeshay in la siiyo dhul iyo dekedo dhawr ah inkasta oo aanay ahayn heshiisyo laba dawladood wada galeen balse ay yihiin kuwo suuqa madow lagu kala saxeexday sidaa daraadeed ma noqon karaan kuwo ka dhaqan gala dhinaca Soomaalida. Haddaba si uu ugu guulaysto dagaalka qorshaha Farmaajo waxa ka mid ah: in uu shicibka Jubbaland ka cuno qabateeyo baahiyaha daruuriga ah sida cuntada iyo dawooyinka si uu cadaadis u saaro maamulka la doortay. In bulshada wada degta la iska hor keeno si midnimadooda loo wiiqo, in degmooyin ka mid ah Jubbaland laga hoos saaro maamulka Axmed Madoobe isaga oo adeegsanaya ciidamo dawlado shisheeye ah, in uu si qarsoodi ah u aqbalo in dacwaddii badda laga soo saaro maxkamadda ICJ iyo in uu Kenya u ogolaado in ay qaadato qaybta Khayraadka ugu badani ku jiro isaga oo kaga iibsanaya qiimo aad u rakhiis ah oo ah in uu madaxweynaha Kenya ka baryo in uu kala laabto taageerada uu siiyo maamulka Axmed Madoobe. Si kastaba ha ahaatee waa hubaal in ay Jubbaland ka guulaysan doonto dawladda Federaalka ah iyo xulufadeeda haddii se la wiiqo nabadgalyada, xasilloonida, kala dambeynta iyo horumarka ka socda ama ka jira Jubbaland maxaa ka dhalan kara? Waxa ka dhalan kara amni darro gobolka ku baahda iyo iska hor imaadyo dhexmara bulshada la kala qaybinayo, Shabaabka oo la wareega maamulka Jubbaland iyaga oo ka faa’iidaysanaya qalalaasaha, hawlgallada ururada Argagixisada oo ku sii xoogaysta Soomaaliya iyo dalalka jaarka ah, dawladda Federaalka iyo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland oo sii kala fogaada iyo In ay dawladaha Itoobiya iyo Kenya iskaga hor yimaaddaan danaha gaarka ah iyo bililiqaysiga khayraadka Soomaaliya. Waxa se la yaab leh ujeedada Beesha Caalamku ka leedahay Soomaaliya, waxaynu ognahay in ay u soo gurmadeen in ay Soomaaliya ka caawiyaan nabadda iyo in la soo nooleeyo Qarankii burburay waxa se ka hor imanaya siyaasadda Farmaajo oo isagu xasillooni darro ka wada maamul gobolleedyada Soomaaliya iyo Somaliland. Waxa aan u malaynaya in la gaadhay wakhtigii Beesha Caalamku dib u eegis iyo qiimayn ku samayn lahayd siyaasaddooda Soomaaliya iyo taageerada xukumadda Fashilantay ee Farmaajo. W/Q: Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Neighbors gather, promise to help those traumatized to grieve, cope and heal. From behind the counter of Afrik Grocery, manager Mohamed Elmi sees customers grieving over the Wednesday blaze that killed five people and injured four in the Cedar-Riverside neighborhood of Minneapolis. Some claim they heard an alarm go off; others say they didn’t hear it. One patron in a turquoise scarf noted that there is still smoke at Cedar High Apartments, where the fire happened. “Some of them are still traumatized and they don’t talk,” Elmi said of his clientele. “They are in shock.” Members of the East African community are reeling from the fire in the 25-story apartment tower at 630 Cedar St., vowing to help one another through their grief and demanding action to prevent more fire deaths. Assistant Minneapolis Fire Chief Brian Tyner said that although the investigation of the area was complete, a specific cause was not likely to be released before Monday. Authorities have said the fire was likely accidental. Three of the five dead were Somali-Americans: Nadifa Mohamud, 67, Amatalah Adam, 79, and Maryan Mohamud, 69. The fourth victim was Jerome Stuart, 59, and authorities identified Tyler Scott Baron, 32, as the fifth victim on Thursday. At least one of the injured, Salad Samatar, remained in critical condition Friday at HCMC. More than two dozen people attended a forum at Brian Coyle Neighborhood Center to hear from community leaders on Friday afternoon, where they said the trauma from the fire will be difficult to heal and requested mental health resources to help them cope. Rep. Mohamud Noor, DFL-Minneapolis, said he plans to introduce legislation that would require sprinklers in each unit of public housing buildings. Older buildings exempt from sprinkler requirements would need retrofitting. “It should not take a tragedy like this one for us to start changing the laws. … We have lost five lives,” Noor said. “No matter what others will say about this sprinkler requirement for housing, we will get it done and I will keep on fighting for those individuals.” Noor praised the resilience of the community, adding, “We will make sure we all recover from this incident.” The 50-year-old building has smoke alarms but no sprinklers, only “partial sprinkler coverage” on the main floor and lower mechanical equipment rooms. The building is managed by the federal Department of Housing and Urban Development through the Minneapolis Public Housing Authority, which acknowledged the need to upgrade the sprinkler system in its high-rise buildings earlier this year. The agency has 42 high-rises, 40 of which were built in the 1960s and early 1970s, before the state updated its building code to require sprinkler protection in such buildings. In an annual report approved in September, which it must then submit to HUD for approval, the authority identified $152 million in “immediate capital needs,” including $69 million that it required for “mechanical systems (includes plumbing & fire).” “Additionally, as building codes have evolved, we need to address increased life/safety requirements such as retrofitting our high rise buildings with sprinkler systems,” the report said. Abdisalam Mohamed, whose mother, Nadifa Mohamud, died in the fire, said afterward that he supported Noor’s proposal. “The sooner the better,” said Mohamed, who believes his mother’s death could have been prevented. Fartun Abdulle was raised by Nadifa Mohamud after her own mother died when Abdulle was 5 years old. On Friday, Abdulle contemplated ways her aunt’s death could have been prevented. “I wish we didn’t have her live by herself,” said Abdulle, whose eyes were puffy and red from crying. “We should have died together.” Leaders at Dar Al-Hijrah on Cedar Avenue have helped victims’ families deal with questions of burying the dead and offered counseling. “Faith is part of living with trauma and hardship, so we are there to provide that as much as possible,” said Abdisalam Adam, board member and assistant imam at the mosque, at the meeting. Mahod Jama, 15, was one of the first to arrive at the Coyle center. He recounted how his grandfather, who uses a wheelchair, relied on a neighbor to carry him to safety. His aunt, meanwhile, smashed a window in her apartment and held her head out to breathe after finding it too hard to see through the smoke in the hallway to escape. She had to block the bottom of her door to keep more fumes out, he said. The South High School sophomore said it’s important for people to know how to escape fires. He also wants such buildings to be more regularly inspected. Apartment building resident Abdi Mohamed, 89, said that people in the complex didn’t sleep last night, worried what would happen next. In a statement, U.S. Rep. Ilhan Omar, D-Minneapolis, said she was “devastated by the terrible tragedy in Cedar-Riverside.” “My heart aches for the victims and their loved ones. I grew up in this neighborhood and have close personal relationships with many of those directly affected,” she said. “We will be working directly with the federal agencies involved in the coming weeks to make sure that there is accountability for the victims and families affected as well as ensuring that this never happens again, not only in Minnesota, but across the U.S.” An online fundraiser on the victims’ behalf raised more than $65,000 as of Friday afternoon. Community leaders are also collecting gently used socks, blankets and outdoor wear for the fire victims. Donations will be collected 12-4 p.m. Sunday at Brian Coyle Community Center, 420 S. 15th Av., Minneapolis.
-
MOGADISHU, Somalia, 30 November, 2019 – Somali Journalists Syndicate (SJS) calls for Somaliland authorities to immediately and unconditionally release Horn Cable TV editor, Abdikadir Saleban Asayr (known as Coday) after the Marodi Jeh Regional Court on Saturday 30 November, 2019 extended his detention for another three days. According to colleagues in Hargeisa,, early on Saturday, officers from the Criminal Investigations Department (CID) took editor Abdikadir Coday to the court and demanded the judges to allow the police to hold Abdikadir for another three days starting from Sunday. Abdkadir is currently held at the CID in Hargeisa for the 13th day. He was arrested on 18 November. A day later (19 November), the Marodi Jeh Regional Court approved police request to remand him in custody for seven days. “We were not pre-notified about today’s court appearance. When lawyers reached there, they [lawyers] were not given any opportunity to defend. The court gave the decision following the police request,” a Horn Cable TV journalist, who requested to remain anonymous for fear of his security, told SJS. The police did not respond SJS calls seeking further explanation but a human rights lawyer in Hargeisa who attended today’s court session said “the police were planning to bring charges against Horn Cable TV and its editor Abdkadir Coday” Colleagues also told SJS that on Saturday lawyers went to the court to request Abdikadir Coday be freed on bail but denied as the court favoured the police request. “Its unacceptable that media freedoms are under serious threat in Somaliland over judicial harassment contrary to its own laws which guarantee such freedoms.” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate said, “We call for the Somaliland’s Marodi Jeex court to unconditionally release our colleague” The arrest of Horn Cable TV editor and an overturned order of closure against the TV came following an interview with Suldan Abubakar Elmi Wabar who leads an armed separatist militia in Awdal region which was aired on 13 November and a a news report on 2 November about an air safety related incident involving Flydubai, a UAE-owned airline which reportedly complained against the services at Hargeisa’s Egal International.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar-Qumanha-Wararka-30112019-sax.mp3 View the full article
