Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Baydhabo (Caasimadda Online) – Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa Maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay kulan lagu dalbanayay in uu Cadaalad helo Hogaamiyaha Xisbiga Shiekh Mukhtaar Roobow Cali, iyo dadkii lagu Xasuuqay Baydhabo. Dhanka kale kulanka ayaa lagu soo dhaweeyay warbixintii Qaramada Midooobey ee baaristii Xasuuqii ka dhacay Magaalada Baydhabo 13-Dec-2018. Warbixin ay soo saareen khubaro Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in Villa Somalia ay laaluush ku bixisay in ka badan nus Milyan Dollar si ay u soo saarto murashaxiinta ay taageerto doorasho ka dhacday Koonfur Galbeed bishii December ee sanadkii hore. Qoraalka kasoo baxay todobaadkan waxaa lagu xusay in doorashada Koonfur Galabed ay saameeyeen qalalaaso iyo laaluush lagu iibsaday xildhibaannada Maanta oo Khamiis ah waxaa magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay lagu qabtay kulan ujeedkiisu ahaa taageerista warbixintaan iyo sidii xoriyadiisa u heli lahaa Sheikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo u xiran Dowladda Federaalka Somalia. Waxaa lagu sheegay kulankaan in marnaba la iloowi doonin sida ay warka u dhigeen xubnihii isugu yimid kulankan dadkii lagu dillay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, walina ay magaalada ka jirto caburin . Si kastaba kulankan oo uu soo abaabulay xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa lagu dalbay in Dowladda Federaalka xoriyadiisa ay u soo celiso Hogaamiyaha Xisbigaas. Halkaan ka akhriso War murtiyeed kasoo baxay Xisbiga
  2. Several well-known brands of maize flour have been taken off supermarket shelves in Kenya, after a warning about unsafe levels of a poisonous substance known as aflatoxin. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan kasoo qaadey hadal dhowaan kasoo yeeray dhigeeda Kenya. Hadalkaas ayaa wuxuu ahaa in madaxweyne Farmaajo ogolaaday in dacwadda badda lagu dhameeyo miiska wada hadalka kadib kulankii Uhuru Kenyatta. Hase ahaatee, Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladda aysan gorgortan ka galeyn kiiska badda. Mr Cawad ayaa daboolka ka qaaday in kiiskan ay go’aan kasoo saari doonto Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay Nairobi ayaa isla gartay in lasoo celiyo xiriirka labada dal, duulimaadka tooska iyo visaha. View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dhageysteyaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa warka Subax ee idaacadda Shabelle. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Subax-15112019.mp3 View the full article
  5. WASHINGTON (Reuters) - The Republican chairman of the U.S. Senate Foreign Relations Committee said on Thursday he did not want lawmakers to pass legislation imposing sanctions on Turkey for now, to lessen friction during talks over Turkey’s purchase of a Russian missile defense system. Source: Hiiraan Online
  6. Ugandan musician-turned-opposition leader Bobi Wine says he worries about his safety every day as he prepares to oppose President Yoweri Museveni in his country’s 2021 elections. Source: Hiiraan Online
  7. The immigration experiences of four Somali refugees living in Wisconsin are part of a new documentary that premieres this Saturday. Source: Hiiraan Online
  8. Boosaaso (Caasimada Online) – Xaaladda magaaladda Boosaaso ayaa shalay ilaa saaka degan kadib markii arbacadii ay ciidamo ka tirsanaa daraawiishta Puntland iyo ciidamo beeleed wada socda ay si xoog ah gudaha ugu galeen magaalada. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in maamulka Puntland ay ciidamo iyo tikniko fara badan ku daabulayaan gudaha magaalada Boosaaso waxaana jira taxadar badan oo dadweynuhu ka muujinayaan dagaal dhaca. Ilo-wareedyo ku sugan magaalada ayaa Caasimada Online u sheegay in go’aanka xukuumadda Saciid Deni ay ciidamo dheeri ah ugu soo daabuleyso magaalada uu horseedi karo dagaal dib uga qarxa. Dagaalkii arbacadii ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa ahaa mid la saadaalinayay maalmaahaan oo dhan sababo la xiriira tallaabada ay qaaday xukuumadda Deni oo ay kula wareegeyso shirkadda PDG. PDG waa shirkad illaa muddo dheer soo shaqeenaysay, waxaa leh ganacsato reer Bari ah uu ugu tun weynyahay ninka ka danbeeyay abaabulka ciidamada soo galay Boosaaso oo loogu yeero Bashiir C/llaahi Saalax Deer. Shirkadda ayaa ciidamada PMPF-ta ee Imaaraadka taageerto u qaabilsanyihiin wixii loogistika ah, halkaas oo ay macaash fiican ganacsatadaasi ugu jirtay ka hor inta aysan isku dhicin saaxiibbadii markii hore ku shirkoobay. Dhinaca kale, waxaa magaalada ka socda olole nabadeed oo ay wadaan culimada iyo waxgaradka kale ee ku dhaqan si xal looga gaaro xiisadda. Culimada, isimada iyo nabadoonnada gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan dadaal nabadeed oo ay doonayaan in xal laga gaaro wax walba oo nabadgelyo xumo keeni karo. Caasimada Online Xafiiska Boosaaso caasimada@live.com
  9. WASHINGTON — To outward appearances, President Recep Tayyip Erdogan of Turkey enjoyed a genial visit to the White House on Wednesday, where he and President Trump exchanged compliments and resolved to work out multiple policy disputes between Washington and Ankara. Source: Hiiraan Online
  10. Sida ay daabacday wakaaladda wararka ee Itoobiya, madaxa mashruuca korontadhalinta Itoobiya Dr. Abraham Belay ayaa Khamiistii sheegay in mashruucii biyaxireenka Genale Dawa III oo soo bilaawday 2010 uu dhammaad yahay, uuna ku hawlgeli doono laba bil gudahood. Biyaxireenkaan oo laga sameeyey wabiga Jubba oo gudaha Itoobiya looga yaqaanno Genale Dawa ayaa wuxuu saameyn xun ku yeelan doonaa biyaha Jubba oo ah wabiga ugu biyaha badan Soomaaliya. Wabiyada Jubba iyo Shabeelle oo ah isha koobaad ee biyaha Soomaaliya waxay ka soo burqadaan dhulka sare ee buuraleyda Itoobiya, taas oo micnaheedu tahay in dhanka biyaha ay Soomaaliya ku tiirsan tahay Itoobiya. Jubba iyo Shabeelle waxay waraabiyaan beeraha oo ah isha koobaad ee dhaqaalaha Soomaaliya. Warbixin ay 2018 daabaceen Bangiga Aduunka iyo hay’adda FAO ee cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay waxay ku sheegeen in dhaqaalaha Soomaaliya uu 64% ka ku tiirsan yahay waxsoosaarka beeraha dalka. Itoobiya oo qaadatay siyaasad isku-filnaansho oo dhanka cuntada iyo korontada ah waxay xoogga saareysaa maareynta iyo isticmaalka biyaha dalkeeda, taas oo saameyn ku yeelan doonto biyaha webiyada ay la wadaagto dalalka deriska ah oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Soomaaliya waxay maanta beylah u tahay tallaabooyinka horumarineed ee Itoobiya ka fulineyso wabiyada, maadaama ay Soomaaliya ku taallo dhinaca hoose, Itoobiyana ay dhacdo dhanka kore ee webiyada, mana jiro heshiis dhanka biyaha ah oo ka dhexeeya labada dal. Sharciga caalamiga ah ee isticmaalka biyaha wabiyada ee 1966-dii lagu qoray magaalada Helsinki wuxuu Soomaaliya xaq u siinayaa in ay talo ku yeelato tallaaboobinka horumarineed ee itoobiya ka fulineyso wabiyada ay la wadaagto Soomaaliya. Sida ay todobaadkaan daabaceen saxaafadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa magaalada Muqdisho ku soo wajahan wasiirro ka socda dowladda Itoobiya oo u imanaya hirgelinta heshiiskii ay Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo raysulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed bishii Juun ee 2018. Qodobkii todobaad ee heshiiskaas wuxuu ahaa in ay Itoobiya maalgashato 4 dekadood oo ay Soomaaliya leedahay iyo dhismaha laami isku xira Soomaaliya iyo Itoobiya. Haddaba, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in ay fursaddaan ay uga faa’iideysato in ay Itoobiya kala hadasho tallaabooyinka ay ku qaadeyso biyaha wabiyada oo ah khatarka dhanka biyaha ah oo ku soo wahahan Soomaaliya, ayna kala gasho heshiis masiiri ah, si loo badbaadiyo dhaqaalaha dalka, iyo dadka ay noloshoodu ku tiirsan tahay cunnada iyo biyaha ay ka helaan labadaan wabi. Professor Dr. Stephen Scanlan oo ah cilmibaare ka tirsan jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka wuxuu dunida uga digayaa dagaalka saddexaad ee adduunka oo uu sheegay in la isku dagaali doono cunnada iyo biyaha wixii ka dambeeya 2030, wuxuuna ku talinayaa in ay dowladuhu qorshe fig ka yeeshaan arinkan iyo in dalalka biyawadaagga ah ay heshiis ka gaaraan biyaha ay wadaagaan. Itoobiya iyo Masar oo aan xuduud laheyn waxaa hadda ka dhex taagan xiisad ka dhalatay biyaxireen ay Itoobiya ka sameyneyso webiga Niil oo ay Masar diiddan tahay, maadaama uu biyaxireenkaasi cuuryaamin doono biyaha wabiva Niil oo ay Masar ku tiirsan tahay. Haddii aysan Soomaaliya maanta Itoobiya kala heshiin arinkan waxay dhaawici doontaa dhaqaalaha Soomaaliya, waxayna sabab u noqan kartaa dagaal cunnada iyo biyaha ah oo mustaqbalka dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay wabiyadu yihiin isha koobaad ee cunnada iyo biyaha Soomaaliya. Soomaaliyeey toos. Waxaa qoray: Hussein Sabrie Email: Husseinsabrie@gmail.com
  11. Mowqifka Khilaafka badda iyo arrimihii ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Uhuru Labada madaxweyne ayaa Nairobi ku qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxa ay shir jaraa’id si wadajir ah ugu faah-faahiyeen qodobbada ay iskula meel dhigeen wadahadal ay ku yeesheen magaalada Nairobi. Waxay sheegeen inay shirkooda iskula meel dhigeen afar qodob oo muhiim ah, kuwaaoo khuseeya arrimo hareeyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay labada dal. Afarta qodob ee ay Farmaajo iyo Kenyatta hoosta ka wada xariiqeen ayaa kala ahaa: 1- Soo celinta iyo xoojinta xiriirkii labada dal, 2- Dib u howlgalinta duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, 3- In saraakiisha dowladda Soomaaliya fasaxa dal ku galka lagu siiyo gudaha Nairobi iyo 4- In Kiiska khilaafka badda ee yaalla maxkamadda ICJ uusan saameyn ku yeelanin xiriirka labada dal. Wadahadal mira-dhalay Madaxweynaha Kenya, oo marti loo ahaa ayaa billaabay hadalka wuxuuna yiri: “Waxaan fursaddan uga faa’iideysanayaa inaan walaalkey Farmaajo uga mahadceliyo oggolaanshihiisa caasuumaaddii aan u fidinnay ee ahayd inuu nagala qeyb galo shir weynihii tirakoobka dadka ee hadda soo idlaaday. Waxaan maalmihii uu shirkaas socday helnay fursad aan isku aragno walaalkey ugana wadahadalno arrimo la xiriira labadeenna dal, waxaana ku khasbanahay inaan u mahadceliyo walaalkey, sababtoo ah waxaan yeelannay wadahadallo mira-dhalay. Arrinta ugu muhiimsanna waa inaan isku fahannay in uusan jirin nooc xiriir oo ka wanaagsan kan ka dhaxeeya dadka dariska ah, ee darisnimada aan ku noqonin dookhooda balse uu Alle u gartay. Sidaas awgeedna waxaa muhiim noo ah inaan annagoo ah dad isku gobol ah darisna ah isla markaana wadaaga dhaqanno badan oo isku mid ah mar walba xaqiijinno inuu xiriirkeennu si joogto ah u ahaado midka ugu wanaagsan. Nasiib darro dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay waxaa na dhex yaallay arrimo wax u dhimay xiriirkeenna, laakiin maanta waxaan isku waafaqnay aniga iyo walaalkey inaan u baahan nahay inaan sidii caadiga ahayd kusoo celinno xiriirkeenna”. Uhuru iyo Farmaajo ayaa isku afgartay qodobbo dhowr ah Kenyatta ayaa intaas ku daray in isaga iyo Farmaajo ay isku raaceen in hadda wixii ka dambeeya ay ka wada shaqeeyaan sidii xal loogu heli lahaa khilaaf walba oo soo kala dhex gala. “Waxaan isla meel dhignay in muddo isbuuc gudaheed ah dib loo soo celiyo duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi. Dhammaan arrimihii kale ee uu Farmaajo ii sheegayna waan eegi doonnaa qaarkoodna wax waa laga qaban doonaa, waana sii wadi doonnaa wadahadalladeenna”, ayuu yiri madaxweynaha Kenya. Farmaajo oo caddeeyay mowqifka kiiska badda Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isagana dhiggiisa Kenya uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay iyo sida uu Mr Kenyatta diyaar ugu yahay inuu dhawaan booqdo madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay inuu rajeynayo booqasho uu ku tago magaalada Muqdisho Waxaa kale oo uu uga mahad celiyay dowladda Kenya kaalinta ay ku leedahay howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) iyo martigalinta ay Kenya u sameysay kumannaanka qaxootiga Soomaalida ah. “Kenya iyo Soomaaliya waxay sameeyeen xiriir dhow oo taariikhi ah oo ku dhisan xushmad sare iyo wadasinnaan, taasna mar walba waan ka mahadnaqi doonnaa. Sida aad sheegtayba, waxaan ka wadahadalnay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dib loo soo celiyo duullimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, meeshana laga saaro hakadkii Wajeer, waana ka maqdcelineynaa runtii, Waxaan sidoo kale isku waafaqnay in dal-ku-galka lagu bixiyo xilliga imaanshaha, gaar ahaan shaqaalaheenna dowladda ee halkan u yimaada howlaha dowladda. Arrimo badan ayaan ka siman nahay, dadkuna badanaa ma eegaan waxyaabaha aan isku midka ka nahay ee waxay diiradda saaraan waxyaabaha aan ku kla duwan nahay. sidaas darteedna waxaan kuu ballan qaadayaa in arrinta ku saabsan kiiska badda ee ICJ aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin xiriirkeenna labada dal, labada dhinacna waan ka faa’iidi doonnaa wadashaqeynteenna”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sii xumaanayay tan iyo markii uu soo xoogeystay khilaafka lahaanshaha xadka badda ee labada dal u dhaxeeya. Kenya iyo Soomaaliya ayey mid walba ku doodeysaa inay leedahay qeyb ka mid ah biyaha oo ay ku jiraan kheyraad gaas dabiici ah. Hase ahaatee, kiis dacwadeed oo ay Soomaaliya horgeysay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda(ICJ) ayaa la filayaa in go’aankiisa lasoo saaro sanadka soo socoda. Qaran News
  12. Kismaayo (Caasimada Online) – Shirkii golaha wasiirrada Jubbaland ee shalay ayaa intiisa badan diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaanada Jubbaland, sida khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka iyo dhaqdhaqaaqyada ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Luuq, Doolow, Garbahaarey iyo deegaanno kale. Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shirka kadib madaxtooyada Jubbaland warbaahinta kula hadlay ayaa ka digay faragalinta ay dowladda dhexe ka wado gobolka Gedo, isagoo sheegay in dowladda dhexe ay burburinta maamulka Jubbaland u adeegsanayso ciidamada dowladda Itoobiya. “Goluhu waxay siguud walaac uga muujiyeen xaaladaha faragelineed ee lagu hayo dowlad goboleedka Jubbaland, kuwaas oo ka imaanaya dowladda federaalka iyo dowladdo taageera oo si khaldan awoodooda naguula adeegsanayo, waxaa shirka golaha diiradda lagu saaray xaaladaha ka soo cusboonaaday gobolka Gedo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland. Isagoo sii hadlayay ayuu yiri, “Waxaa la yaab leh in saraakiil ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya oo adeegsanaya saraakiil ka socota dowladda aan deriska nahay ee Itoobiya inay ku mashquulsanyihiin sidii loo burburi lahaa ciidanka Jibbaland ee ka howlgala gobolka Gedo si loo wiiqo maamulkii ay ku heshiiyeen dadka deegaankaan, iyaga oo adeegsanaya awood iyo siyaasad guracan. Sidoo kale waxaa layaab nagu noqotay todobaadkii lasoo dhaafay markii maamuladii Jubbaland uga howlgalayay degmooyinka Luuq, Doolow iyo Beled-Xaawo si sharci darro ah shir lagu geeyay gudaha Itoobiya, halkaas oo ay kula kulmeen saraakiil ka socotay dowladda federaalka, kuwaas oo ku qasbay wax sharciga dalka ka baxsan oo ah in ciidamada Jubbaland ee iyaga hoos taga ay ku wareejiyaan dowladda dhexe, si loogu soo daayo wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan”. Ugu dambeyntii Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa yiri, “Waxaa la yaab leh in xukuumadda maanta jirta ay ku mashquulsantahay kaambeyna ugu jirto in dadkii Soomaaliyeed ee doortay ay u adeegsato ciidamo shisheeye oo ay ku bixinayaan dhaqaale iyo waqtiba taasna wax aan qaada karno maaha”. Caasimada Online Xaafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Hawada magaalooyin badan oo ka tirsan gobolada dalka Soomaaliya xalay waxaa laga arkay wax u eg xidigo aad iskugu dhow oo guuraya hawada, isla markaana xawaare dheereeya ku socda. Magaalooyinka lagu arkay waxaa ka mid Muqdisho, Afgooye, Dhuusamareeb, Cadaado, Gaalkacyo, Jigjiga, Diridhaba iyo kuwo kale oo dhaca galbeedka, koonfurta iyo bartamaha gobolada dalka. Dadka ku nool magaalooyinkaas ayaa si isku mid ah u sheegay in waxaas oo u eg xidigo aadna iskugu dhaw ay ka yimaadeen jihada koonfureed una dhaafeen jihada waqooyi. Arintaan ayaa xalay aad loogu falanqeynayey baraha ay bulshadu ku xariirto, iyadoo dadka ku kala nool magaalooyinka laga arkay ay isku si u sheegayeen qaabka waxii guurayay ee ay arkeen. Inta badan dadka adeegsanaya baraha Bulshada ayaa ku tilmaamaya mucjiso Rabaani ah, iyagoo xusaya baryada Allaah. Caasimada Online oo xiriir la sameysay dad ku nool magaalooyinka laga arkay arintaas waxay dhamaantood sheegeen inay arkeen isku xilli, waana intii u dhaxaysay 8:20pm daqiiqo ilaa 9:00pm habeenimo ee xalay. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Puntland khilaafkii siyaasadeed ayaa isu rogay gacan ka hadal. Ciidamada Boliiska Puntland ayaa weerar ku qaaday Xarunta Baarlamaanka Puntland. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay afar ruux, sidoo kale, waxaa ku dhawaacmay dhacdadaas shan ruux oo kale. Waxaa xigay in isla habeenkii madaxtooyada Puntland ay qalqaalisay mooshin xilka looga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Cabdixakiim Dhoobo Daareed. Waxaa farriin qoraaleed loo kala diray xildhibaannada Puntland, taasoo lagu farayo inay soo xaadiraan fadhiga Baarlamaanka ee furmaya subaxa Khamiista, taariikhdu tahay November 7, 2019, si loogu codeeyo mooshin xil ka qaadis laga soo gudbiyay gudoomiyaha, oo ayna ka soo gudbiyeen 44 xildhibaan. Fadhiga waxaa soo xaadiray 53 xildhibaan, 49 xildhibaan waxay u gacan taageen in xilka laga qaado Mudane Cabdixakiim Dhoobo Daareed, kaddib markii goobta laga akhriyay qodobbo dhowr ah, oo ku qornaa mooshinka, halka 4 xildhibaan ay ka aamuseen. Haddaba, hannaanka loo maray xil ka qaadista Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ma waafaqsaneyd Dastuurka Puntland? Qodobbada loo cuskaday xil ka qaadistiisa ma yihiin kuwo jira? Sharcigase muxuu ka qabaa? Qodobbada lagu soo eedeeyay Guddoomiye Cabdixakiim waxay ahaayeen qodobbo culus, balse baaris la soo bandhigay ma aysan jirin. Dood dheer oo uu Baarlamaanka Puntland ka yeeshayna ma aysan jirin, islamarkaasna Gudoomiye Cabdixakiim fursad uu isku difaaco lama siin! Hannaanka cod dhiibashadda ma ahayn mid xeer hoosaadka Baarlamaanka waafaqsan! Baarlamaanka waxuu ku jiray fasax gaaban oo saddex cisho ah. Dhammaan qodobabbadani waxay shaki gelinaayaan saxnaashaha habka xil ka qaadista gudoomiyaha. Qodobbada lagu soo eedayay Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed, waxaa ka mid ah (1) in xarunta Baarlamaanka Puntland uu geeyay ilaalo la heyb ah, (2) inuu Idaacada BBC-da siiyay waraysi, ku saabsan in Puntland jagooyinka sare lagu qaybsaday heyb qabiil, iyo (3) inuu la shaqeen waayey hay’adaha dowladda, Waxaa xaqiiq ah, in qabiilka door muuqata ka ciyaaro siyaasadda Soomaaliya, waxaa jira sharciyo, iyo xeerar lagu dhaqmo oo aan qornayn sida awood qaybsiga 4.5, iyo in saddexda jago ee ugu saraysa dalka, sida, madaxweynaha, gudoomiyaha baarlamaanka, iyo raysal wasaaraha, loo dooran karin shaqsiyaad isku beel ah. Puntland kama aysan badbaadin siyaasadda qabiilaysan, mudaddii ay jirtay. Xilalka ugu sarreeya maamulka gobolka waxaa qabanayey saddex beel, sida, madaxweynaha waxuu ka imanaye beesha degta Mudug, Nugaal iyo Bari. Sidoo kale, madaxweyne ku-xigeenka waxuu ka imanaye beesha Sool, halka beesha degta Sanaag qabanaysay guddoomiyaha baarlamaanka. Haddaba inuu Gudoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ka hadlo hannaanka ay wax u qaybsadeen reer Puntland, ma noqon kartaa qodob uu ku mutaysan karo inuu kursigiisa waayo? Xeerarka aan qornayn ee lagu dhaqmo waxaa ka mid ah, in maamul goboleedyada dhamaantooda ka siman yihiin, laga soo bilaabo madaxweyne, ilaa iyo shaqaalaha rayidka ilaalada waardiyaysa waxay ku hayb yihiin madaxdooda. Dad goobjoogyaal ah waxay xaqiijiyeen in ilaalada madaxtooyada Puntland mar walba ku hayb yihiin Madaxweynihii la doorto! Haddaba Guddoomiye Cabdixakiim xilka ma ku waayi karaa in askarta ilaalisa ay la heyb yihiin oo keliya? Waxaa run ah, in Guddoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed ka biyo-diiday barnaamijyada shirkadaha shisheeyaha, gaar ahaan kuwa Imaaraadka ku hantinayaan dalka, oo ah qorshe hawleedka Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni ku doonaayo inuu ku maamulo siyaasadda iyo dhaqaalaha Puntland. Balse Guddoomiye Cabdixakiim keliya kuma eka diidmada oo waxaa la wadaaga dad badan oo ka mid ah shacabka Puntland. Aqalka wakiilada Puntland, waxaa waajibaadkiisa ka mid ah, kormeerka (korjoogteynta), iyo la xisaabtanka xukuumadda. Sidoo kale, waxuu maamulka gobolka (xukuumadda) Puntland ku ilaaliyaa ku dhaqanka sharciga iyo xeerarka. Balse Mudane Saciid Cabdullahi Deni waxuu doonayaa inuu helo guddoon, iyo baarlamaan rabbaayad u ah madaxtooyada sidii horay u dhici jirtay. Taanna ma aha mid u adeegaysa danta shacabka, iyo gobolka, balse waxay ku biyashubaysaa kelitalis iyo diktatooriyad. Sharciyada, xeerarka, miisaaniyadda, iyo heshiisyada waxaa lagu ansixiyaa ama lagu diidaa cod qaadis gacan taag ah, balse waxaa sharci ah in xilalka loo tartamo lagu helo ama lagu waayo cod qaadis qarsoodi ah. Haddaba sidee bay sharci u noqon kartaa xil ka qaadistii gacan taag ahayd ee baarlamaanka Puntland ku sameeyay Gudoomiye Cabdixakiim Dhoobo Daareed? Guddoomiyaha xilka laga xayuubiyay wuxuu ku andacoonayaa in xildhibaannada “culeys la saaray, lacagna loo qeybiyay,” inkastoo taasi aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin. Khubaraadda siyaasadda gobolka Puntland ayaa aaminsan , “in dhaqaale loo adeegsaday mooshinkii lagu ridayey Guddoomiye Cabdixakiim, taas ayaa keentay in cod qaadistu noqoto mid gacan taag ah si loo xaqiijiyo codbixiyeyaasha fuliyay hawlihii la faray.” Dadka Soomaaliyeed waxa amakaag, iyo fajac ku noqday sida ay siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ugu horeeyaan madaxweynayaashii hore Mudane Xassan Sheikh, iyo Mudane Sheikh Shariif uga aamusnan yihiin afduubka uu Mudane Saciid Cabdullahi Deni ku samaynayo Baarlamaanka Puntland, si loo aamusiyo wakiilada shacabka, iyo dadweynaha ku dhaqan Puntland. taasoo Puntland ka abuuraysa talis keligii taliye ah! Isimada Puntland, oo ah marjaca ugu dambeeya ayaa la filayaa inay arrinkan soo farageliyaan iyagoo ka madax-bannaan siyaasiyiinta is haysta, si xal ugu raadiyaan cakirnaanta ka jirta Puntland, iyagoo ka eegaya danta dadka iyo dalka” ayuu yiri Cigaal Yare. Waxaase ka haboonaan lahayd in maamul-goboleedka Puntland iyo dowladda dhexe u magacaabaan guddi madaxbannaan oo soo baara dagaalkii dadka ku dhinteen ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Puntland. Dunida waxay ka wardhowreysaa sida dowladda dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada u heli doonaan hanaan nabdoon oo waafaqsan dastuurka oo dalka lagu samatabixiyo. W/Q: Saciid Cabdisalaam AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Taliyaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online. Sida aan xogta ku helnay kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Xamay ka degan yahay Sheekh Shariif, oo taliyaha NISA uu ugu tagay, waxaana uu soo dhamaaday abaare 2-dii subaxnimo ee jimcaha maanta curdunka ah. Sida aan xogta ku helnay, waxaa kulanka looga hadlay xiisaddii dhowaanahan ka dhex taagneyd dowladda iyo Shariifka taasi oo xoogeysatay toddobaadkan markii madaxweynihii hore lagu xanibay garoonka Muqdisho isaga oo kusii jeeda magaalada Beledweyne. Xubno xog ogaal u ahaa kulanka ayaa ku qeexay “mid xaalad qaboojin ah” oo lagu dimanayey xiisadda, xalna looga gaarayey wixii dhacay. Waxaa la isku soo qaaday in xal laga gaaro waxyaabihii dhacay islamarkaana la xaqiijiyo inaysan dib u dhicin. Wararka aan kulanka ka helnaya ayaa sheegaya inuu ku dhammaaday is-faham la iskuna afgartay in ay dhacaan kulamo kale oo dheeri ah, oo lagu xaqiijinayo in xaaladdan si buxuda loogu gudbo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Maanta waxaa Dhacay waxyaabo badan oo aan la shaacin ka hor kulankii saacadaha qaatey ee dhexmaray Labada Madaxweyne. Madaxweyne Uhuru Kenyata wuxuu Aqalka Madaxtooyada kula [...] Source
  17. DP World plans to develop an economic freezone in Namibia to grow the country’s role as a southern African hub, marking the Dubai-listed port operator’s latest foray into the continent. DP World and Namibia’s Nara Namib Free Economic Industrial Zone signed an initial agreement for an industry and logistics freezone in the Atlantic coast port town of Walvis Bay, the company said in a statement on Tuesday. They expect to reach a definitive agreement on the project in the second quarter of 2020. “We believe the country has great potential to expand its role as a hub for the region,” Suhail Al Banna, CEO and managing director for DP World’s Middle East and Africa operations, said: The Namibian government’s recent legislation on free zones and efforts to facilitate greater business provides an attractive environment for investment.” In Africa, DP World has operations in Senegal, Egypt, Mozambique, Algeria, Rwanda and Somaliland, according to its website. The ports operator has shown increasing interest in the continent, despite an ongoing legal dispute over its operations in Djibouti. Last year, it signed an agreement with Mali to develop a logistics platform and with the Democratic Republic of Congo for the country’s first deep-sea port. Last month, DP World’s chief executive Mohammed Al Muallem told The National the company continues to see further potential for growth in Africa. The first phase of the Walvis Bay project will span a gross developed area of 50 hectares, expandable to up to 1,500 hectares. The economic freezone will provide businesses with development-ready land for industrial and logistics operations, pre-built warehouses and office accommodation, DP World said. The first phase of the zone has the potential to create 3,000 jobs and help Namibia attract investment of about $237 million (Dh870m), according to the statement. The expanded zone is expected to increase the potential investment to about $1.7 billion with up to 20,000 job opportunities. Developing Walvis Bay as a hub in southern Africa will boost Namibia’s trade flows with surrounding markets such as Angola, the Democratic Republic of Congo, Zambia, Zimbabwe, Botswana, Malawi and South Africa, DP World said, noting that Namibia is in a “prime location” on the Southern African Development Community (SADC) Corridor. Under the terms of its agreement, DP World plans to bring to the project its expertise in establishing and operating global ports, logistics parks and free zones integrated with railways and trucking. “Today’s [agreement] brings us a step closer to fulfilling Namibia’s vast trade and economic development prospects, and we look forward to benefiting from DP World’s global expertise and network in the areas of parks, economic zones, ports and logistics while creating synergies with our strong local footprint and industry reach,” Andre Olivier of Nara Namib said The national ae Qaran News
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay isku raaceen inay dib usoo celiyeen xiriirkooda ayada oo kiiska maxkamadda ICJ ee badda uusan taasi wax saameyn ah ku yeelan. Madaxweynaha ayaa hadalka ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, kadib wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi. Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan waxyaabo badan oo ay ka wada shaqeyn karaan, islamarkaana aysan ahayn in khilaafka dhanka badda uu hor-istaago arrimo badan oo dan ugu wada jira labada dal. “Waa in aan qaadano waxyaabaha guud ee aan ka simanahay, intii aan ay dadku qaadan lahaayeen kala duwanaanshaha, waana sababta aan u hubo in arrinta Maxkamadda ICJ in aynan saameyn ku yeelaneyn xariirka laba geesoodka ah ee labada dhinac” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo. Hadalka madaxweynaha ayaa beenin u ah war kasoo baxay wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma oo qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka kadib kulanka ku sheegtay in Farmaajo uu Kenya u muujiyey “inuu ku kalsoon yahay in kiiska maxkamadda ICJ ee ka dhaxeeya labada dal lagu xalin doono hab ay labada dalba ku wadi qanci karaan.” Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inaysan la yaabeyn in Monica ay qaloociso xaqiiqda kulanka, sababta oo ah horey ay marar badan sidan oo kale u samaysay. “Monica Juma dadka qoraalkeedu ku socdo oo ay la hadleyso waa shacabka Kenya, waxayna isku dayeysaa inay shacabka Kenya caawa ku seexiso niyad wanaag, marka waxay gudaneysa shaqadeeda.” Waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan Villa Somalia oo la hadlay Caasimada Online. Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sidoo kale xaqiijiyey in kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku lahayn soo celinta xiriirka labada dal iyo qodobadii lagu heshiiyey maanta, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay rumeystaan dowladdooda oo aysan rumeysan Kenya. “Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad. Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan horey ugu sheegtay inaysan marnaba wada-hadal ka geli doonin kiiska badda, ayna ku qanacsan tahay in lagu kala baxo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ). Dhageysiga dacwadda oo horey dib loogu dhigay laba goor ayaa hadda la waqtiyeeyey bisha June ee 2020, waxaana maxkamadda ay sheegtay inaan mar dambe dib loo dhigi doonin. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
  19. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Bar___Qubanaha-14112019-sax.mp3 View the full article
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan xiriirkooda. “Kiiskii badda wuxuu jirayaa maxkamadda ICJ, madaxweynaheenuna si cad ayuu u sheegay. Waxaana lagu heshiiyey in xiriirka labada dal lasoo celiyo ayada oo arrinta baddana aysan saameyn.” Ayuu yiri. Cawad oo wax laga weydiiyey hadalka wasiirka arrimaha dibedda Kenya ee ah in Farmaajo ogolaaday in kiiska ICJ laga gaaro xal ay ku wada qanci karaan labada dal ayaa sheegay in taasi aysan jirin. “Aniga waxaan ahay dhigga wasiirka arrimaha dibedda Kenya, marka waxaa is-weydiin mudan maxay Soomaalida u rumeysanayaan hadalka wasiirka Kenya oo aysan u rumeysan wasiirkooda.” Ayuu yiri Cawad. Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/11/d566dd46-87ed-43f9-ba09-16d9b4db07fb_48k.mp3 Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com