-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia met in the Kenyan capital with Attorney-General, Dr. Ali bin Fetais Al Marri, who is on a visit to Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
President Mohamed Abdullahi Farmajo of the Federal Republic of Somalia met in the Kenyan capital with Attorney-General, Dr. Ali bin Fetais Al Marri, who is on a visit to Nairobi. Source: Hiiraan Online
-
Kenya and Somalia have agreed to restore bilateral agreements that would allow free movement of people, a move that signals a possible thaw in relations. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta markii u horeysay ka hadlay talaabooyinkii ka dhanka ahaa Madaxweynayaashii hore ee dalka, ee muddooyinkii u dambeeyay ay qaadeysay dowladda federaalka Soomaaliya. Muuse Biixi ayaa sheegay in Farmaajo oo aan xukumin Villa Somalia uu rabo in uu xayiraado saaro socdaalada Madaxweynayaashii hore ee dalka Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh. Biixi ayaa talaabooyinkaasi ay dowladda Farmaajo ugu xanibeyso garoonka diyaaradaha madaxweynayaashii hore ee dalka ku micneeyay kuwa aan xataa dhaqan Siyaasadeed iyo Soomaaliyeedba aan shaqo ku laheyn. Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay weeraro ay dowladda Farmaajo ay ku qaaday Somaliland, markii ay xilka la wareegtay iyo ilaa haddaba, kuwaasi oo uu ku sheegay inay ku curyaaminaysay horumarka iyo kobaca dhaqaale ee Somaliland. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina waxa uu Farmaajo ku eedeyay in uu dhaqaalaha caalamku uu ku taageero dowladda Soomaaliya uu u adeegsado burburinta maamulada ka jira dalka, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda. “Maanta Kismaayo dagaalbaa ka socda Xamar dagaalbaa ka socda oo dowladda Farmaajo labadii Madaxweyne ee ka horreeyay maalin walba way xirtaa waad arkeysaa halka la maraayo iyo Qaraxa ka taagan” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi. Wuxuuna intaas kusii daray “Puntland maanta waad arkeysaan dhibkaas oo dhan waxaa wadda dowladda Farmaajo laakiin wali way ku jirtaa tababar oo waxay kusoo wajahan tahay Somaliland”. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Wasiir Dhabancad Wasiirka Arrimaha gudaha dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa faahfaahin ka bixiyay ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo maalmihii la soo dhaafay gadood ka sameeyay gudaha magaalada Boosaaso, balse markii dambe xal laga gaaray cabashadii ay qabeen. Wasiirka ayaa sheegay, in ciidanka gadoodka sameeyay markii ay galeen magaalada Boosaaso ay isku dhaceen ciidan kale oo booliis ah, halkaasina uu ka dhashay khasaare kala duwan, laakiin aysan dhibaato kale ka gaysan gudaha magaalada Boosaaso mudadii ay ku sugnaayeen. Mudane Dhabancad, ayaa sidoo kale tilmaamay, in mas’uuliyiinta dowladda Puntland oo kaashanaya odoyaasha dhaqanka iyo culimada ay ku guulaysteen in xal laga gaaro cabashooyinkii ay qabeen ciidanka dowladda ee gadoodka sameeyay, islamarkaana maanta dib loogu soo celiyay fariisimihii ay hore ugu sugnaayeen. Wasiirka ayaa u mahadceliyay odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada Boosaaso oo sida uu sheegay door aad muhiima ka qaatay xal u helidda tabashooyinkii sababay in ay gadood sameeyaan ciidanka. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Dowladda Puntland oo shaacisay in xal rasmiya laga gaaray ciidamo gadood ka sameeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Boorama (Caasimada Online) ― Warar aanu helayno ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iyo kuwa Jabhada Wabar uu dagaal ku dhexmaray deegaanka Degmo-Laqas ee galbeedka magaalada Boorama. Dagaalkan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Ciidamada Somaliland ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Jabhada Wabar oo ku sugnaa deegaankaasi, kuwaasi oo ay kala kulmeen iska caabin xoog leh. Wararka aanu helayno ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in is-rasaaseyn muddo socotay kadib ay qaar kamid ah ciidamada Jabhada Wabar ay u baxsadeen dhinaca xuduudka Itoobiya, halka saddex kamid ah ciidankaasina ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa gacanta ku soo dhigay saddex dhalinyaro oo ay ku dhaawaceen iska hor-imaadkaasi, kadib markii ay ka firxadeen ciidamadii kale ee iska caabinta kuwada jireen, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad deegaanka ah. “Ma jirin wax Jabhad la yidhaahdo oo deegaankan deganaa, balse waxa maalmihii u dambeeyay aanu arkeynay dhalinyaro hubeysan oo aan deegaanka hore uga tirsaneyn” ayuu sidoo kale yiri Oday kamid ah dadka deegaanka oo ay la hadashay Caasimada Online. Somaliland ayaa u muuqata mid quus ka taagan wada-hadal ay la furto Jabhada Wabar, kadib markii uu hogaamiyaha Jabhdaasi, Suldaan Abuubakar Cilmi Wabar uu sheegay inuusan marnaba waxba ka sugeyn hogaamiyaha ugu sareeya Somaliland ee Muuse Biixi, maadama uu qarka u saaran yahay in uu kala dareeriyo beelihii Hargeysa. Xukuumada Somaliland ayaa iyadu dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xoog iyo xeeladba ay u burburin laheyd Jabhadaha ka dilaacay degaanadeeda, iyadoona shalay ku guuleysatay inay soo xero galiso Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo dhowaan si weyn ugu hanjabtay xukuumada Muuse Biixi, kuna dhawaaqday dagaal ka dhan ah. Caasimada Online Xafiiska Boorama Caasimada@live.com
-
The Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Hassan Ali Khaire and his delegation have arrived in Doha, Qatar. The PM and his delegation will meet with the government officials Qatar to discuss strengthening bilateral relations and cooperation in the security and economy The Prime Minister has returned from a working trip to France, where he attended the Paris peace Forum and held meetings with some EU leaders in Brussels, Belgium on debt relief. View the full article
-
Somali military engage in clashes with Al-Shabaab militants
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Reports from Lower Shabelle region indicate that fighting broke out between Somali military and Al-Shabaab militants on Saturday. The first attack, which began with heavy weapons and artillery fire took place in the area of El Salini, which is largely controlled by Somali government forces. Local sources said there had been long-hours clashes between the two sides. There was another battle between the government forces and Al-Shabaab, which flared up in Awdheegle vicinity after militants attacked a military outpost, according to the sources. Al-Shabaab has claimed victory in the clashes, and there has been no word from government officials about the attacks. The situation is now calm, and the battlefield is in the control of Somali military View the full article -
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Danjire Ben Fender OBE iyo Wafdi uu hogaaminayo. Kulanka waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadceliyey Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE booqashada uu ku yimi Puntland, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in miro dhalka kulankan uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya. “Wuxuu ahaa kulan muddo badan qaatay oo dhinacyo kala duwan oo arrimaha Soomaaliya iyo dhinacyada ay Dowladda UK kaga taageerto Soomaaliya Guud ahaan iyo Gaar ahaan Puntlandba taabanayey. Waxaana rajeynayaa in miro dhalkiisana uu wax ka tari doono geedi socodka Siyaasadeed ee Soomaaliya dhinaca Amniga iyo Dhaqaalaha intaba, waana uga mahadcelinayaa kulankii quruxda badnaa ee maanta na dhexmaray” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi. Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender OBE oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Madaxweyne Deni ay ka wada hadleen sidii Doorashada Soomaaliya ugu dhici laheyd wakhtigeeda. “Waxaan yeelanay wada hadal miro dhal ah sida Madaxweynuhu sheegay, wuxuuna ku saabsana Iskaashiga ka dhexeeya Puntland iyo UK, Xiriirkaasi oo ah mid qoto dheer oo dhinacyo badan taabanaya, sida Horumarka dhaqaalaha , Shaqo abuurka, Gargaarka Baniáadanimo, Iskaashiga dhanka Siyaasada iyo arrimo kale oo badan.” Sidoo kale waxaan wada hadalo miro dhal ah ka yeelanay , sida ay muhiim u yihiin Doorashooyin ku qabsoomada xiligooda sanadka danbe, iyo in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu heshiiyo hanaanka Doorashada, aysana ka dib dhicin dhammaadka sanadkan iyo inaan hubino in dib loo soo celiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah”. Ugu danbeyn Danjiraha Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender OBE ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu ku soo laabto Puntland, isagoo uga mahadceliyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Guud ahaan Dowladda Puntland soo dhoweynta iyo qaabilaada wanaagsan. Hoos ka daawo muuqaalka iyo sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Boosaaso (Caasimadda Online) – Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa xal ka gaaray xiisadii ka taagnayd magaalada Boosaaso ee u dhaxeysay madaxda shirkadda PDG iyo xukuumadda madaxweyne Dani. Kulamo ay saacadihii ugu dambeeyey isimada gobolka Bari la yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, madaxda shirkadda PDG iyo saraakiishii hogaaminayey ciidamadii Carmo ka yimid ayaa ugu dambeyn is fahan laga gaaray xiisaddi ka taagneed Boosaaso maalmihii lasoo dhaafay. Arrinta ugu weyn ee laysku afgartay ayaa ah in ciidamadii ka soo ruqaansaday Carmo ay dib u laabaan iyo sidoo kale in wada hadal lagu dhameeyo khliaafka sababay madaxda shirkadda iyo xukuumaddu ay is qabtaan, kadibna ciidamo u abaabulan qaab beeleed ay gudaha u galaan magaalada. Sabtida maanta ayaa lagu wadaa in ciidamadii maalmo ka hor gudaha u galay magaalada Boosaaso ay dib ugu laabtaan deegaanka Carmo ee isla gobolka Bari. Ciidamadaas oo isugu jira kuwo ka socda Daraawiish Puntland iyo maleeshiyo beeleed waxaa maanta Boosaaso ka raaci doona isimada dhaqanka gobolka Bari iyo masuuliyiin kale, si aysan isugu dhicin ciidamada ku sugan inta u dhaxeysa Boosaaso iyo Carmo, iyadoo la sheegay in wixii markaas ka dambeeya loo fadhiisa doono xalka kama dambeysta ah ee arintaas. Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
-
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka koowaad oo ku bilowday weerar ay qaadeen dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Ceel Saliini ee gbolkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal socday saacado badan oo labada dhinac uu ku dhexmaray halkaasi. Dhinaca kale agagaarka degmada Awdheegle ayaa waxaa ka dhacay dagaal kale oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, kaas oo isna muddo qaatay. Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalladaasi ayaa guulo ka sheegatay, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ku aadan weeraradaasi. Xaaladda ayaa hadda mid degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta is hortaag lagu sameeyey Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo doonayey inuu gudaha u galo degmada Ceelwaaq ee gobolkaasi. Ciidamada Xoogga dalka ayaa la sheegay inay u diideen inuu u soo gudbo qeybta ay ka maamulaan degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in haatan Sayid Aadan uu ku sugan yahay xero ciidanka Kenya ay ku leeyihiin halkaasi. Korneyl Axmed Maxamuud Mire oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ka warbixiyey xiisada ka taagan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/cc.mp3 View the full article
-
Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeeshay fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub. Waxayna codka ansixinta geliyeen guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland. Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomiyay kulanka ay yeesheen Xildhibaanada. Xildhibaanada ayaana ansixiyay Guddiga doorashooyinka waxayna ka dalbadeen in ay dardargaliyaan shaqooyinka loo idmaday. Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalalaase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo. View the full article
-
Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdi Xasan Xijaar ayaa maanta sameeyey magacaabis cusub, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa. Xijaar ayaa magacaabay taliyeyaasha cidamada Akadeemiyada, saldhigga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Laanta Miina Baarista. Hoos ka Akhrio Magacyada. 1- Gaashaanle Sare Cabdikariin xuseen Mcalin TaliyahaAkadeemiyada Gen.kaahiye 2- Gaashaanle Cabdifitaax Bashiir Cali Taliyaha Saldhigga Airpor-ka 3- Gaashaanle Asad Cabddalla Saciid Taliyaha Laanta Miina Baarista. Sidoo kale taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faray xubnaha la magacaabay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo ogmaday. Tan iyo markii la magacaabay Taliye Xijaar ayaa waxa uu isbedal ballaaran ku waday taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. View the full article
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar. Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray carwo dhinaca caafimaadka ah oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, taas oo lagu soo bandhigayo dhibaatooyinka caafimaad ee dalka ka jira, dedaallada iyo horumarka ay ku tallaabsadeen bahda caafimaadka ku hawlani. Munaasibadda carwada oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiisha ugu sarraysa wasaaradda horumarinta Caafimaadka, kullliyadaha kala duwan ee dhinaca Caafimaadka ee jaamacadaha dalka ka jiraa leeyihiin, hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya, shirkadaha kala duwan ee ka ganacsada agabka caafimaadka, dhakhaatiir iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu caafimaadku nolosha u leeyahay, cudurrada kusoo badanaya bulshada Somaliland iyo dedaalka ay wasaaradda horumarinta Caafimaadku ugu jirto sidii loo daryeeli lahaa caafimaadka bulshada Somaliland. Drs. Edna Aadan Ismaaciil oo ugu horrayn madasha ka hadashay, ayaa ku dheeraatay muhiimadda ay leedahay daryeelka caafimaadka Bulshada iyo ka wada-tashiga sidii looga hortegi lahaa cudurrada halista ku haya nolosha bulshada reer Somaliland, waxana ay hay’adaha caalamiga ee dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ka costaday inay xil gaar ah iska saaraan sidii meesha looga saari lahaa xannuuno aan hore u jiri jirin oo lagu arkay Hooyooyin iyo dhallaanka reer Somaliland. Wasiirka wasaaradda Horumarinta Somaliland, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi oo hadal dhinacyo badan taabanaya madasha ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay wasaarad ahaan ugu jiraan daryeelka bulshada ee dhinaca caafimaadka, isaga oo xusay inay wasaaradda uu masuulka ka yahay ku dedaashay sidii adeegga caafimaadka iyo agabka lagama maarmaanka ahba u gaadhsiin lahayd deegaannada caasimadda ka durugsan ee dalka. Sidoo kale, waxa uu wasiirku shaaciyey in carwada caafimaadka ee ka furantay caasimaddu ay wasaarad ahaan iyagu soo abaabuleen, ugana gol leeyihiin sidii looga wada-tashan lahaa horumarinta caafimaadka oo hawlbawle u ah nolosha ummadda, islamarkaana uu muddo saddex maalmood ah oo ay carwadani socon doonto ay barbar wadayaan shirar kala duwan oo lagu gorfaynayo caafimaadka guud ee qaranka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hadal ka jeediyey carwada caafimaadka lagu furayey, ayaa ugu horrayn bogaadiyey bahda caafimaadka ku hawllan, isaga oo xirfadle kasta oo caafimaadka ka shaqeeya ku sifeeyey mujaahid badbaadinta shacabkiisa nafta u huray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Inaad shirkan isugu timaaddeen oo ka tashanaysaan sidee ummaddiina loo daaweeyaa iyo sidee loo daryeelaa aad iyo aad baan idiinku hambalyeynayaa, waanan idinku garab gelayaa, waanan idinku dhiirrigelinayaa, waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin qiro in Innanta maanta baranaysa Kalkaalisinimada ama ummulisada, ama inanka baranaysa kalkaaliyenimada in haddii cidi mujaahid tahay aad dhammaantiin mujaahidiin tihiin.” Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah xadhiga uga jaray carwada caafimaadka, isaga oo mid mid usoo kormeeray goobo ay kulliyada caafimaadka ee qaar kamid ah jaamacada dalka iyo ganacsatada ka ganacsata agabka kala duwan ee caafimaadku kusoo bandhigayeen waxyaabaha ay qabtaan iyo agabka ay keenaan. Wa-bilaahi Tawfiiq Source
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa muddo hal sano ku kordhiyey cunaqabateynta hubka ee weli saaran Soomaaliya. Dowladda UK ayaa soo jeedisay qaraarkan, iyadoona ay 12 dal u codeeyeen in cunaqabateynta sii saarnaato Soomaaliya. Codeynta oo ka dhacday magaalada New York ee xarunta guud ee QM ayaa waxaa qaraarkaasi ka aamusay dalalka Ruushka China iyo Equatorial Guinea. Qaraarkan ay golahu ku cusbooneysiiyeen cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay inay muhiim tahay in la dhowro. Dhinaca kale danjiraha Soomaaliya u jooga Qaramada Midoobay, Amb. Abuukar Baalle oo ka hadlay muddada sanadka ah ee lagu kordhiyey cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay go’aankaasi. Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horreysay cunaqabateynta la saaray bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii, xilligaas oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/Warka-Duhur-16112019-ok.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmihii uu ku sugnaa Nairobi, caasimadda Kenya, halkaas oo uu kaga qeybgalay shir uu UN-ka soo agaasimay, wuxuu la kulmay xeer-ilaaliyaha guud ee Qadar Dr. Ali bin Fetais Al Marri. Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa dhankiisa wuxuu booqasho ku joogay magaala madaxda dalka dhaca geeska qaaradda hodanka ah ee Afrika. Shirweynaha oo saddex maalin socday ayaa waxaa diiradda lagu saarey sidii horumarinta dadka iyo dhalinyaradda loogu dari lahaa ajandeyaasha caalamka. Madaxweyne Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri ayaa iska wada hadlay xaalada labada dal, xiriirkooda, iyagoo isla gartay in labada dal ay iska kaashadaan xoojinta shuruucda iyo la dagaalanka musuq maasuqa. Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka xukuumadda Doxa u fadhiya waddanka Kenya, kaasoo lahaa qaban qaabada isu keenida labada Mas’uul, sida ay qortay Warbaahinta dalka Qatar. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qarisay kulanka, iyadoo qeybtooda Warfaafinta aysan Saxaafada u soo bandhigin kulanka magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Dr. Ali bin Fetais Al Marri maalin ka hor. Qadar ayaa kamid ah dowladaha aadka ugu dhow maamulka Farmaajo, isla markaana ka taageerta dhanka maaliyadda iyo dhismaha ciidamadda, iyadda oo dhowaan ku wareejisay saanad ciidan iyo gaadiid dagaal. Halkaan ka daawo Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif oo loo ogolaaday banaanbax ay Muqdisho ku qaban rabaan Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
16th November 2019 War-saxaafadeed Ururada madaxa-baan oo war-saxaafadeed ka soo saaray muranka gudida doorashooyinka Is-bahaysiga Ururada Madaxa-banaan ee Somaliland (ISCO Somaliland) waxaay si dhow ula socotay geediga doorashooyinka Somaliland ee looga gol lahaa in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo deegaanka ee dib u dhaca badani ku yimi, gaar ahaan dadaalada ay xisbiyada siyaasadeed ugu jireen inay ka gaadhaan heshiis khilaafka ka dhashay Gudida Doorashooyinka si loo bilaabo diyaar-garawga doorashooyinka. 27 July 2019 sadexda xisbi ee Somaliland waxaay ka heshiiyeen muranka jiitamay ee ku saabsanaa xubnaha Gudida Doorashooyinka, heshiiskaas oo shacabka Somaliland ku abuuray rajo iyo yididiilo ay u qaadeen in la soo af-jaro dib u dhaca qayral dasstuuriga ah ee su’aasha geliyay dimoqraadiyadda Somaliland. Kadib markii Guurtida iyo xisbiayda mucaaradka ahi ay soo magacawdeen xubnohoodii, Madaxawynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu u gudbiyay Golaha Wakiilada todobada xubnood si ay u ansixiyaan. Nasiibdarro, xisbiga Waddani wuxuu ku dhawaaqay inaanu ku faraxsanayn laba ka mid ah sadexda xubnood ee uu magacaabay madaxwaynuhu. Wuxuu ku dooday Waddani in Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) aanu buuxin shuruudaha sharcigu u dhigay, halka uu ku dooday in Kaltuun Xasan Cabdi ay ka mid ahayd xubnihii hore ee Waddani ka cawday. Xisbiga UCID wuxuu ku raacsan yahay Waddani diidmada ka dhanka ah Cabdirashiid Riyo-raac. Xisbiga Waddani wuxuu la noqday xubintii uu soo magacaabay. 12kii November ayuu Golaha Wakiiladu ansixiyay lix xubnood oo uu ka mid yahay kuwii mucaaradku diiday. Labada xisbi ee mucaaradka ahi waxay sheegeen inaanay ka qayb noqon doonin doorashada inta Cabdirashiid Riyo-raac ka mid yahay Gudida Doorashooyinka. Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa-banaani markay derseen ee ay kormeer joogto ah ku sameeyeen arimaha doorashooyinka, waxaay iskugu yimaadeen shir 16 November 2019. ISCO Somaliland waxaay si wayn uga walaacsan tahay halka ay marayso dimoqraadiyadda Somaliland. Dastuur ahaan waa dimoqraadi Somaliland, balse waxaay jebisay dastuurkeedii. Waxaanu si aad iyo aad ah uga xunahay in Somaliland ku guuldaraysatay inay qabato doorashooyinka Golaha Guurtida oo joogay tan iyo 1997, Golaha Wakiilada (tan iyo 2005) iyo Golayaasha Deegaanada (tan iyo 2012). Si dimoqraadiyadu u jirto, ISCO waxaay aaminsan tahay in doorashooyinka lagu qabto xiligooda. Dal iska indho tira isku xukunka sharciga, aan tixgelin siin qanuunka doorashooyinka, islamarkaana ka hor-istaago shacabku inuu doorto hogaankiisa, laguma tilmaami karo dimoqraadi. ISCO Somaliland waxaay soo jeedisay talooyinka soo socda: Xisbiyada mucaaradka ü Inay ka go’naato inay ka qayb-galaan doorashooyin lagu qabto xiligooda oo ay u muujiyaan rabitaan in kor loo qaado qiyamka dimoqraadiyadeed. Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga talada haya ü Inay ixtiraamaan dasatuurka iyo isku xukunka sharciga; ü Inay ixtiraamaan baahida shacabka u qabo inay codeeyaan si ay u helaan cid cusub oo ku metesha Baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada; ü Inay wax ka qabtaan cabashooyinka mucaaradku ka qabo Gudida Doorashooyinka; ü Inay la yimaadeen hab feker cusub oo hal abuur leh oo mudnaanta siinaya in la qabto doorashooyinka raagay si loo af jaro dib u dhaca doorashooyinka iyo mudo kordhimaha la caadaystay iyo in la badbaaadiyo dimoqraadiyadda dalka. Bulshada rayidka ah ü Inay ka ciyaaraan door firfircoon geedi socodka dimoqraadiyada iyo inay xisaabiyaan madaxda. Bulshada rayidka ahi waa inay la saftaan xuquuqda aasaasiga ah ee shacabku u leeyihiin inay codeeyeen iyo inay ka qayb qaataan si loo ilaaliyo mabaadida dimoqraadiga ah iyo in la ilaaliyo dastuurka. Talo ku socota xubnaha lagu muransan yahay ee Gudida Ujeedada Gudida Qaran ee Doorashooyinku waa inay u garnaqaan murashixiinta. Hadii xisbiyada mucaaradka oo ah cidii aad u qaban lahaydeen doorashadu aanay rabin oo aanay kalsooni ku qabin garsoorkiina, waxa haboon oo aanu ku talinaynaa inaad taas ixtiraamtaan oo aad iska casishaan xilka la idiin magacaabay. Baarlamaanka Somaliland ü Ixtiraama isku xukunka sharciga iyo dastuurka; ü Ixtiraama dadka idin doortay 2005 oo taageera dadaalka loogu jiro in la helo xubno cusub. ü Inaad iska fadhidaan kuraasta baarlamaanka iyada oo aan doorasho dhicin waxaay ka soo horjeedda dastuurka, waxaayna su’aal gelinaysaa dimoqraadiyadda Somaliland iyo sharcinimada hay’adaha dalka. ü Waxaanu kula talinaynaa xubnaha Baarlamaanka inay ixtiraamaan dimoqraadiyadda oo ay baneeyaan kuraasta. ü Golaha Guurtid waa inaanay samayn kordhin cusub. Golayaasha deegaanada ü Ixtiraama isku xukunka sharciga; ü Xilkii la idiin doortay wuu dhacay, mana jirto korodhsiimo la idin siiyay. Faldan ixtiraama shacabkii idin doortay shanta sanadood oo ka bilaabmayay sanadkii 2012. ü Baneeya kuraasta oo xilka ku wareejiya xogahayayaasha fulinta. Xubnaha ISO Somaliland 1. Centre for Policy Analysis 2. Centre for Youth Empowerment, 3. COMPAD Human Rights and Community Organization 4. Garsoor Social Development organization 5. Horseed Organization 6. Hope Development organization 7. Human Rights Centre 8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) 9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre 10. Somaliland Women Association (SOWA) 11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD) 12. Voice for Somaliland Women Minority Organization (VOSOMWO) 13. Hodan Women Relief Organization Wixii faah-faahin ah kala xidhiidh: Maria Abdilahi Gahayr Phone: +252 634777044 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomliland 16th November 2019 Press statement ISCO Statement on the Political Parties’ Dispute Over NEC The Independent Somaliland Civil Society Organizations (ISCO Somaliland) has been following closely the Somaliland’s electoral process aimed to hold the long overdue elections of the Parliament and local councilors, particularly, the political parties’ efforts to reach a common agreement about their differences over the National Electoral Commission, which has been the main challenge to commence the preparation of the elections. 27 July 2019, the three political parties reached an agreement on the prolonged dispute over the composition of the National Electoral Commission, which created a hope for the people of Somaliland and raised expectations in ending the unconstitutional election postponements which question Somaliland’s democratic credentials. After receiving nominations from the Guurti (2 members) and the opposition parties (2 members), the President nominated three members and submitted the seven nominees to the House of Representatives for approval. Unfortunately, WADDANI, an opposition party, announced that they are not happy with two out of the three members nominated by the president, arguing that Abdirashid Mohamoud Ali (aka Riyoraac) does not fulfil the requirement set out in the Election Law (Law No. 20/2001), which prohibits a member of a party to be appointed to the electoral body. Additionally, WADDANI opposes Kaltun Hassan Abdi, arguing that she is a member of the current Commission which WADDANI does not trust. UCID, the other opposition party, agrees with WADDANI in its rejection of Abdirashid. As a result of its new complaint, WADDANI withdrew its nominated member and insisted on their position. On 12th November, the House of Representatives approves six members including those rejected by the opposition parties. Both opposition parties, UCID and WADDANI, refused to participate in an election presided by the disputed member, Abdirashid. After election observations and monitoring, the taskforce of ISCO Somaliland discussed on 16th November 2019 the situation. ISCO is very worried about the status of Somaliland’s democracy. Somaliland is a democratic country by the constitution, but practically it violated its constitution. We express our deepest regret that Somaliland failed to hold elections for the Guurti (House of Elders), which has been in office since 1997, the House of Representatives (since 2005) and Local Councilors (since 2012). For democracy to exist, ISCO believes elections must be held on time. A country which ignores rule of law, does not consider its electoral legal process and deprives the people’s representations in the country’s leadership cannot call itself a democratic country. Following are our recommendations: To the opposition Parties ü Come up a full commitment for participating in elections on time and show a willingness to uphold democratic values. To the president and the Ruling Party ü Respect the constitution and the rule of law ü Respect the people’s need to cast their votes to get new representation in the Parliament and local councillors, ü Address the opposition’s complaints against the electoral commission. ü Think out of the box and give priority in holding the long-overdue elections to end the frequent election delays and extensions and salvage the country’s democracy. To the Civil Society ü Play an active role in the democratization process and hold leaders into account. Civil society groups should side with the people’s fundamental right to vote, and should actively engage by upholding the democratic principles and protection of constitutionalism. To the disputed nominated members of the commission ü The aim of the National Electoral Commission is to adjudicate contenders. If the opposition parties which are your stakeholders do not want and trust your adjudication at all, it is better and recommended to respect them, and withdrew yourself from the assigned responsibility. To the Parliament ü Respect the rule of law and the supremacy of the Constitution. ü Respect the people who elected you in 2005, and support efforts to get new parliamentarians. ü Sitting the parliamentary seats without elections is contrary to the constitution questions the democratic credentials of Somaliland and legitimacy of institutions. We recommend to the members of the Parliament to respect the democracy of the country and vacate the parliamentary seats for your own. ü The Guurti (House of Elders) should refrain from making further extension of terms. To the local Councilors ü Respect the Rule of Law ü Your office term is expired and you have no any extended term. Please respect the people who elected you five years in 2012. ü Vacate the office and transfer the responsibilities to the local government’s executive secretaries About ISCO Independent Civil Society Organizations Coalition (ISCO Somaliland) is a coalition for the independent civil Society organization of Somaliland to cooperate on areas of democracy and civil rights. ISCO Somaliland will always act in accordance for the best interest of democracy and civic space based on the constitutional principles and international standards. ISCO Somaliland is committed to sustaining an independent and vibrant network of civil society actors and groups that are responsive and accountable to the people. ISCO members are based on the six regions of Somaliland. Qaran News
-
Popular Contributors
