-
Content Count
215,427 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Akhriso: Sida Loo Ansixiyey Ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xaruntooda Muqdisho, waxaana shir-guddoominaayey gudoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha ahaa marinta Akhrinta 3-aad sedexaad iyo ansixinta misaaniyad sanadeedka 2019-ka oo sanadkii hore ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka ah, saluugitaanka, BFS ayaa keentay in mar kale dib ugu noqdaan misaamiyadda. Marinta Akhrinta 1-aad iyo 2-aad oo horay Baarlamaanka ugu soo mariyey fadhiyo kala duwan ayuu maanta mar kale u fariistay Akhrinta sedexaad iyo waliba meel marinteeda. Kulanka lagu ansixinaayey miisaaniyad sanadeedka 2019-ka ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka ah Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle. Codeyntii xarunta ka dhacday waxaa ogolaaday 118 mudane, waxaa diiday 15 xildhibaan halka 8 kale ay ka aamuseen. Goobjoog News Source: goobjoog.com -
Afhayeenka wasaaradda amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa ka warbixiyey duqeyn maalin ka hor ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Cabdinuur oo wariyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib markii gantaal lala eegtay gaari uu saarnaa. Ma shaacin afhayeenku magaca sarkaalkaasi, balse wuxuu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha sar sare ee Al-Shabaab. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Africom sheegtay in duqeyn ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fulisay gobolka Jubbada Dhexe, walow aysan shaacin khasaaraha. View the full article
-
Labo nin oo hubeysnaa, kuna labisnaa dareeska ciidamada dowladda ayaa maanta dhac baahsan ka geystay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in raggaasi ay dhac ugu geysteen dad shacab ah duhurnimadii maanta waddada Misaajidka Xareed ee Suuqaasi. Sidoo kale wuxuu inoo sheegay qofka aan la hadalnay in burcadda ay xirnaayeen dharka tuutaha ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/cod-mahad-.mp3 View the full article
-
The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, HE Amb. Ahmed Isse Awad, signed in Mogadishu on Sunday evening ( December 01) a memorandum of understanding with the Folke Bernadotte Academy (FBA) in the presence of the Swedish Ambassador to the Federal Republic of Somalia His Excellency Mr. Staffan Tillander and Somali and Swedish diplomats. The Director-General of FBA Mr. Sven-Eric Söder signed the memorandum to promote a multidimensional strategic partnership between the two friendly countries. This partnership will contribute to enhancing cooperation in several areas of common interest, which reflects the common will to strengthen and upgrade bilateral relations to the highest level. The agreement stipulates that Folke Bernadotte Academy (FBA) conducts training and research programs in Somalia, represented by the Swedish Ministry of Foreign Affairs, where political, diplomatic, peace-building and conflict-resolution training are devoted to cadres from the Somali Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation as well as some other governmental institutions. View the full article
-
Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto oo la kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku baaqay wada shaqeyn dhab ah ka hor doorashooyinka soo socota ee dhicidoonta sanadaha 2020-ka illaa 2021-ka. Inta lagu guda jiray kulanka dhex maray Ambassador Yamamoto iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga hadlay muhiimada wadajirka iyo siyaasad loo dhanyahay. Danjire Yamamoto ayaa sheegay in loo baahanyahay in sida ugu haboon in ay uga wada hadlaan madaxda dowladda iyo maamulada xubnaha ka ah sidii loo dardar galin lahaa doorasha soo socota ee qabsoomi doonta 2020/21-k Ka hor doorashada madaxtinimo ee soo aadan Mareykanka ayaa ku baaqay in ay wada hadlaan, islamarkaana ay wax walba uga ashtakoodaan miiska wada hadalka. Markii ugu horreysay Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa doorasho qof iyo cod ah oo ku dhisan qaab axsaab ah oo ay ku tartami doonaan xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa beeniyey in Ciidamo ka mid ahaa Puntland ay ku biireen Ciidammada Somaliland. Wasiirkii hore ee khayraadka biyaha Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo hadda ah Wasiirka Warfaafinta oo Toddobaadkan gaadhay Magaalada Taleex ee Xarunta Gobolka Xaysimo ayaa halkaa ku soo bandhigay Askar uu ku tilmaamay inay yihiin ciidamadii Puntland ee ku sugnaa deegaanka God-qaboobe ee hoostaga degmada Tukaraq. Hase-ahaatee, Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Axmed Sabarey ayaa beeniyay in ciidamo ka tirsan Puntland oo ku sugnaa degmada Taleex ay ku biireen dhinaca Somaliland. Wasiirka warfaafinta oo Garowe kula hadlay warbaahinta maxaliga ah, ayaa sheegay ciidamada lagu soo bandhigay Taleex inay yihiin maleeyshiyo beeleed loo galiyay dirayska Ciidanka. Source
-
Sawirro: Somalia iyo Sweden oo kala saxiixday heshiis cusub
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga,Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa ku saxiixay Muqdisho xalay fiidkii oo Axad ahayd ( 1 December) heshiis is-afgarad Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka Sweden ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Staffan Tillander, diblomaasiyiin Soomaali iyo Sweden. Agaasimaha guud ee FBA Mudane Sven-Eric Söder ayaa saxiixay heshiiska oo sare loogu qaadayo wax wadaag istiraatiijiyadeed dhinacyo badan leh oo u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Wax wadaaggan ayaa waxa uu ka qeyb-qaadanayaa xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee muhiimadda u leh labada dal, kaasi oo ka tarjumaya rabitaanka guud ee hore loogu dhaqaajinayo xiriirka laba-geesoodka oo lagu gaarsiinayo heerkiisii ugu sarreeyay. Heshiiska waxa uu qeexayaa in Akadeemiyadda loo yaqaan Folke Bernadotte Academy (FBA) ay ku qabato dalka Soomaaliya tababarro iyo barnaamijyo cilmi-baaris , iyadoo ka wakiil ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden, waxaana tababarada siyaasadeed, diblomaasiyadeed, nabad-dhisid iyo xalinta khilaafaatka loo qoon-deeyay in la siiyo kaadiriinta ka shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah hey’adaha kale ee dowladda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article -
Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiyeyaal cusub u macagaacay degmooyinka Shangaani iyo Waaberi. Wareegto ka soo baxday xafiiska Cumar Filish ayaa waxaa Aweys Sheekh Maxamed Amiin (Camuudi) loogu magacaabey guddoomiyaha degmada shangaani iyo halka Guddoomiyaha degmada Waaberi loo magacaabay Cabdicasiis Cismaan Jaamac. Camuudi ayaa bedalaya Sahro Markeezi, halka Cabdicasiis uu bedalayo Mahad Cilmi oo labaduba Allaha u naxariistee ku dhintay weerarkii ismiidaamiinta ee 24-kii bishii July ee sanadkaan 2019-ka ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wadajir u magacaabay, Axmed Maxamud Diiriye. Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe uu Duqa magaalada Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo nabad galyada degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal Milatari ah oo wata gaari Cabdi Bile, si uu xaqiijiyo amniga degmadaasi. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Cukuse Oo Ka Hadlay Khilaafka Doorashooyinka, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/12/Warka-Duhur-02122019.mp3 View the full article
-
(SLT-Nairobi)-Dowladda Kenya ayaa markale ku guuleystay kamid ahaanshaha golaha caalamiga ee hey’adda badaha adduunka. Kenya oo horay uga mid ahayd golahan ayaa hataan waxaa ay markale fursad u heleysaa dejinta shuruucda caalamiga ah ee badaha oo ay ku dhaqmaan maraakiibta dunida. Doorashada Kenya loogu doortay kamid ahaanshaha hey’adan oo maalama kahor ka dhacday Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeybqaatay 174 dal, waxaana Kenya ay ku guuleysatay in markale ay dib uga mid noqoto golahaas. Kenya ayaa hataan katirsan qeybta C ee hey’adda IMO oo ay ku wada jiraan 20 dal oo ah kuwa danaha gaarka ah ka leh arrimaha badda, gaar ahaan hagida maraakiibta adeegsada badaha. Hey’addan ayaa kala leh qeybo kala duwan, waxaana Kenya ay qeybta C ka wada tirsan yihiin dalalk badan oo Afrikaan ah oo ay kamid yihiin dalalka Morocco, Koonfur Africa, Liberia iyo Masar. Dalalka leh danaha gaarka ah Xoghayaha joogtada ee Dowladda Kenya u qaabilsan arrimaha badda, Nancy Karigithu ayaa wargeyska the Daily Nation ee ka soo baxa Kenya u sheegtay in Kenya ay dano gaar ah ka leedahay gaadiidka badda ku safra, maadaama ay sheegtay in Kenya ay ku taaloo gobol istaraatejik ah oo geeska Afrika, taasna ay ka dhigeyso mid muhiim u ah in ay ka qeybqaadato arrimaha la xiriira badaha. “In markale dib la inoo doorto waxay xaqiijineysaa wakiilka aan ka nahay geeska Afrika iyo dalalka harooyinka waaweyn oo ay kmid yihiin Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, Jabuuti, Eritrea, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Soomaaliya, South Sudan, Tanzania iyo Uganda,” ayay tidhi Nancy. Golahan ayaa labadii sanaba mar yeesha shirweyne, waxaana ay isla nidaamiyaan qaabka loo wada shaqeynayo, miisaaniyadda ku baxeysa hey’addaas iyo sidoo kale doorashada 40-ka xubnood ee kamid noqonaya hey’adda. Hey’addan oo hoos tagata Qaramada Midoobay ayaa shaqada ugu weyn ee ay qabato waxay tahay in ay dejiso nidaamka iyo xeerarka lagu dhaqo badaha caalamka. Source
-
(SLT- Israa’iil)-Millatariga Israa’iil ayaa wali wada dilalka ay u geysanayaan dadka shacabka ah ee ka soo jeeda dalka Falastiin. Wiil da’yar oo 18 jir ahaa ayaa millatariga Israa’iil ay ku toogteen habeenimadii xalay daanta galbeed. Falkaan ayaa waxaa ka cadhooday hoggaamiyeyaasha Falastiin kuwaasi oo ku baaqay dibadbaxyo xoogan oo saacadihii la soo dhaafay gilgilay daanta galbeed iyo deegaanada kale ee Israa’iil ka heysato shacabka Falastiin. Wiilka la dilay oo wasaarada caafimaadka Falastiin magaciisa ku sheegtay Badaawi Masalmah ayaa milatariga Isreal ay diideen habeeninadii xalay in meydkiisa la Qaado. Ciidanka Israa’iil ayaa aalaaba toogata dadka rayidka ah ee ku nool daanta galbeed iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya in khatar ay ku yihiin Amnigooda. Source
-
(SLT- Yemen)-Hoggaamiyaha ugu weyn xisbiyada mucaaradka UK Jeremy Corbyn ayaa sheegay in uu joojin doono hubka ay UK ka iibiso boqortooyada Sacuudiga oo dagaal kula jirta xuutiyiinta Yemen. Mr Corbyn ayaa balan qaaday haddii xisbiga shaqaalaha uu ku guulaysto doorashada guud ee ka dhaceysa UK uu gabi ahaanba meesha ka saari doono ganacsiga hubka ee kala dhaxeeya wadanka Sacuudiga. Xilli uu khudbad la xidhiidha ololaha doorashada dhaceysa ayaa dhanka kale wuxuu tilmaamay in uu ka shaqeyn doono joojinta dagaalka dhiiga badan ku daatay ee ka socda dalka Yemen. Khudbada Jeremy Corbyn ayaa la xidhiidhay oo kaliya siyaasadda macaamilka arrimaha dibadda UK haddii uu xilka hanto doorashada 12-ka bishan ka dhaceysa UK. Bishii June ee sannadkaan ayaa xisbiga haya talada ee Conservative-ka wuxuu sheegay in uu dib u cusbooneysiin doonin shatiga iibka hubka ee Sacuudiga kadib markii Maxkamada sare ee UK ay ku tilmaantay iibka ceynkani oo kale mid aan sharci Aheyn. Source
-
(SLT- Tunisia)-26 qof ayaa illaa iyo iminka la xaqiijiyey inay dhinteen kadib markii bas ay saarnaayeen uu kula qallibmay meel dooxo ah oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Tunisia, sida ay sheegeen saraakiisha dowlada ee deegaankaas. Wasiiradda caafimaadka Tunisia ayaa sheegtay in ay 17 qof oo kale ku dhaawacmeeen shilkan ka dhacay deegaankaas buuraleyda ah ee dalxiisayashu ku badan yihiin. Waa shilkii ugu weynaa ee ka dhaca dalka Tunisia, oo aad wadooyinkiisa loo dhaleeceeyo Wasiiradda ayaa sheegay in rakaabka baska saarnaa oo dhami ahaayeen dad u dhashay dalkaas. Baskan oo ka socdaalay magaalada Tunis, ayaa usii jeedey magaalada Ain Draham ee buuraleyda ah oo ku taala dhinaca waqooyi ee magaalada Tunis. Madaxweyne Kais Saied iyo ra’iisul wasaaraha xilka ka degaya ayaa booqdey goobta shilku ka dhacay, lama xaqiijin waxa kalifay shilkan goobtana waxa ku sugan baarayaal. Source
-
Wadooyinka magaalada Muqdisho waxaa kolkaad marto aad arkaysaa baahiyo badan ay qabaan dhallinyarada jecel xirfada kubbadda cagta,iyagoo ku dheelo wadooyinka halista ee degmooyinka Gobolka. Yaasmiin Cusmaan Maxamed Kastan oo ku nool wadanka Ingiriisa ayaa dhallinyarada ugu deeqaday kubbadahan waxayna Goobjoog u sheegtay in ay sii wadidoonto howshan mustaqbalka soo aadan. Deeq Xalane oo ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo laabtay ayaa u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay howshan wuxuuna dhinaca kale qurbajoogta kula dardaarmay in ay mas’uuliyada iska saaran fursadsiinta dhallinyarada xirfada wanaagsan ee ku ciyaara wadooyinka halista ah ee magaalada Muqdisho. Qaar ka mid ah dhallinyarada ku ciyaara wadooyinka oo la hadlay Goobjoog bogaadiyay shaqsiyaadka soo gaarsiiyay kubbaddahna ,iyagoo geesta kale madaxda Ciyaaraha iyo dowladda ka dalbaday in ay sameeyaan garoomo aad u wanaagsan oo ay kgaa bad baadin kara goobaha halista badan. Yuusuf Yuusuf oo ka wakiil ahaa Yaasmiin Cusmaan Maxamed kuna wareejiyay kubbadihii loo soo wakiishay dhallinyarada ku ciyaarta wadooyinka caasimada ayaa Goobjoog u sheegay in ay sii wadi doonaan arimahan oo muhiim dhallinyarada,isagoo ganacsatada kula dardaarmay iyo qurabjoogta kula dardaarmay in ay dhiiri gelinyaan dhallinyarada oo u baahan fursad badan. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Caruurta La Siiyay Kubbaddaha W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (HOL) - Somali diplomats will benefit from capacity development and training from the Swedish government’ peace and security agency Folke Bernadotte Academy (FBA) following a memorandum of understanding between the two countries. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Shirkadda baraha bulshada ee Twiter ayaa xirtay akoonka ay barta twiter-ka ku laheyd haweeney lagu magacaabo Danielle Stella, oo katirsan xisbiga madaxweyne Donald Trump. Haweeneydan oo doorashada soo socota dooneysa in kursiga aqalka Kongreska ee Minnesota kula tartanto Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiter-ka kusoo qortay in Ilhaan Cumar la daldalo iyadoo sabab uga dhigtay eedeymo ay u jeedisay. Wargeyska The Washington post ee dalka Mareykanka oo soo wariyay xanibaada lagu sameeyay akoonka haweeneydan u hanjabtay Ilhaan ayaa sheegay in Stella oo ciwaankeeda ololaha doorashada uu ahaa @2020MNCongress ay eedeyn u jeedisay Ilhaan, waxaana twiter-ka ay ku qortay: ” Haddii la xaqiijiyo in Ilhaan ay macluumaad ah xasaasi ah u gudbisay dalalka Iran iyo Qatar, waa in la maxkamadeeyaa, laguna soo ogaa khiyaan qaran oo la daldalaa”. Waxaa kale oo ay Stela sheegtay in Ihaan ay dalal shisheeye u gudbisay maclumaad sir ah oo ku saabsan dalka Mareykanka, waxaana ay intaa ku dartay oo baraha bulshada ay soo dhigtay sawir muujinaya Ilhaan Cumar oo la daldalayo. Waxaa maalmaihii lasoo dhaafay Ilhaan Cumar loo jeedinayay eedeymo ah in dalalka Qatar iyo Iran ay u gudbisay xog sir ah oo ku saabsan Mareykanka, inkastoo aan lasoo bandhigin wax cadeymo ah oo arrintaas la xiriira, Ilhaan ay beenisay eedeymahaas. Wargeyska ayaa kusoo warramay in shirkadda Twiter-ka ay maalma kahor si toos ah u bannaday akoonkaas, iyadoona ku eedeysay Stela in ay ku xadgudubtay shuruucda u degsan. The Washington post ayaa sidoo kale kusoo warramay in Facebook ay tirtirtay isla qoraalkaas ay Stela ku sheegtay in Ilhaan Cumar la daldalo. Hasayeeshee go’aamadaas ay qaateen shirkadaha Facebook iyo Twiter ayaa waxaa kasoo horjeestay Stella. “Xanibaada la saaray dedaaladeydii waxay muujineysaa in shirkadda Twiter ay marwalba dhinac istaagto oo ay u dagaalanto argagixisada iyo dadka wax basaasa,” ayay Stella u sheegtay wargeyska the Washington Post. Qoraal kale oo ay Stela soo dhigtay barteeda Facebook ayay ku sheegtay in marnaba aysan hanjabaad u jeedinin qofkale, waxaana ay sheegtay: ” hadalkeyga ayay ka dhigtay wax uusan ahayn, waxaadna u rogtay arrimo diin iyo midab”. Ma ahan markii ugu horeesay oo ay haweeneydan ay weerarto Ilhaan Cumar, oo waxay ahayd horaantii sanadkan, xilligaas oo ay sheegtay in sharci darro ay tahay in xildhibaan Ilhaan ay ka talabixiso arrimaha muhaajiriinta. Ilhaan Cumar oo culeyso siyaasadeed kala kulmeysay dadka taageera siyaasadaha Madaxaweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa maalma kahor waxaa ay naxariis u muujisay nin horay ugu hanjabay in uu dili doona. Ninkan oo lasoo taagay maxkamad ku taala Magaalada New York ee dalka Mareykanka, laguna magacaabo Patrick Carlenio ayaa horay baraha bulshada usoo dhigay hanjabaad uu u jeediyay Ilhaan, wuxuuna ku dhaartay in uu dili doono Ilhaan Cumar. Hasayeeshee Ilhan Cumar ayaa garsooraha maxkamadda ka codsatay in loo naxariisto ninkan oo aan xukun dheer lagu xukumin. Xigasho: BBC.
-
Bangiga Amal ayaa daahfuray mashruuca xaafada New Garowe taariikhdu markay ahayd 28/11/2019 magaalaada Garowe. Mashruuca Xaafada New Garowe ayaa ah xaafad casri ah una naqshadaysan qaab deegaan iyo ganasiga oo leh adeegyadaan:- 1. Goobo Ganacsi, Suuqyo dhamaystiran 2. Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo tayo leh. 3. Wadooyin laami ah, dhiraysan lehna nalalka cadceeda. 4. Masaajido, Dugsiyo Quraan. 5. Goobo cagaaran oo lagu nasto laguna jimicsado. 6. Biy iyo Koronto la isku halayn karo. 7. Ilaalo Joogto ah 24/7, dayr wareegsan iyo xarun Boolis. Guddoomiyaha Amal Bank Siciid Cali Shire ayaa sheegay in xaafada New Garowe ay noqon doontaa mid la ilaaliyay tayada guryaha iyo dhismayaasha ayna u riyaaqi doonaan soona jiidan doonto macaamiisha iyo dadwaynaha dhamaantood, sidoo kale Guddoomiyaha Bangiga Amal Siciid Cali Shire ayaa iftiimiyay in xaafada New Garowe aysan ahayn mashruuc ku kooban Bangiga Amal ee uu yahay hormar ka dhaxaysa bulshada una furanyahay maalgashi iyo maalgalin intaba. Xaafada New Garowe waxaa la filayaa inay soo kordhiso deegaamayn iyo maalgashi baaxad leh ayna ka faa’iidaysan doonaan dhamaan bulshada qaybaheeda. Daahfurka oo dadweyne kala duwan ka soo qayb galeen ayaa lagu soo bandhigay naqshada Xaafada New Garowe, qaab dhismeedka, nidaamka iibka iyo habka maalgashiga intaba. Sidoo kale maamulka Bangiga Amal ayaa cadeeyay inuu furay xisaabta maalgashiga (investment account) si macaamiisha uga faa’iidaystaan maalgashiga xaafada New Garowe. Dhismaha Xaafada New Garowe oo iskugu jira saddex waji (3 Phases) ayaa noqon doontaa in ka badan labo kun (2,000) oo guryo casri ah lehna tayo, kuwaas oo ku kacaya hanti dhan $90 million. Martida goob-jooga u ahaa daahfurka oo uu ka mid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay guryo casri ah ayna tahay hormar wayn oo wadanka kusoo kordhay taas oo loo baahanyhay in laga faa’iidaysto deegeemaynteedana laga qayb qaato. Sidoo kale Dadwaynaha iyo martida kasoo qabgashay oo hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa amaan balaaran u fidiyay Bangiga Amal hormarka uu wado iyo fursadaha uu u fidiyay bulshada sida maalgalinta iyo maalgashiga mashaariicda dhisamaha, beeraha iyo ganacsiga guud ahaan. Hoos ka daawo muuqaal xafladii daahfurka msharuucan oo dhameystiran. PUNTLAND POST The post Bangiga Amal oo mashruuc $90 million ku kacaya ka fulinaya Garowe appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) -Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa guddoomiye u magacaabay degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay, Aweys Camuudi sida ay ogaatay shabakadda Caasimada Online. Camuudi ayaa bedalaya, Allaha u naxariistee guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Shangaani, marxuumad Sahra Markeyzi oo ka mid aheyd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir 24-kii July ee 2019-ka. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in guddoomiyuhu maalmaha soo socda uu magacaabi doono guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka Waaberi iyo Cabdicasiis oo iyaguna ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar. Arrintan ayaa qeyb ka ah mid uu Duqa Muqdisho ku dar dar gelinayo howlaha shaqo ee uu wado maamulka gobolka Banaadir. Dhowaan guddoomiyaha gobolka, Cumar Filish ayaa shaaciyey inuu xilka ka qaadi doono guddoomiyihii wax ka qaban waayo amniga degmadiisa, uuna u magacaabi doono sarkaal ciidan oo Milatari ah, kaas oo wata gaari Cabdi Bile, sida uu hadalka u dhigay.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdsho, Cumar Maxamuud Filish ayaa guddoomiye cusub wuxuu u magacaabay degmada Shangaani. Aweys Camuudi ayaa wareegto uu soo saaray Filish loogu magacaabay guddoomiyaha degmada Shangaani, wuxuuna bedalay Allaha u naxariistee guddoomiyahii hore Sahra Markeyzi oo ka mid ahayd mas’uuliyiintii ku dhintay qaraxii 24-July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxaa la filayaa in guddoomiye Filish uu soo magacaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka Waaberi iyo C/casiis oo iyaguna qaraxaasi ku dhintay. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
