Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,994
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. HARGEISA (HOL) - Security forces have taken over the headquarters of the Somaliland opposition party Waddani and closed all roads leading to the premises following planned protests set for today. Source: Hiiraan Online
  2. (SLT-Hargeysa)-Saaka salaaddii subax ayay ciidamo aad u tiro badani la wareegeen Xarunta Guud ee Xisbiga WADDANI. Xalay saqbadhkii tobannaan lowdh oo dhagax ayaa ciidamadu ku rogeen waddooyinka Xarunta laga soo galo. Ciidamo aan xaddi lahayn baa lagu soo dubaalayaa deegaanka Xarunta Xisbiga. Shaqaalihii Xarunta ayaa xoog iyo qori caaraddii loogu diiday in ay xafiiska tagaan sida ay sheegayaan masuuliyiin ka tirsan xisbiga WADDANI. Somalilandtoday kala soco wixii ka soo kordha Source
  3. The Middle East’s flagship aerospace expo, famous for record-smashing deals, opened with an underwhelming first day Sunday — a possible indicator of the growing challenges facing the global aviation industry. Source: Hiiraan Online
  4. Libya and Somalia are the most dangerous places on earth for 2020, according to a new map designed for travellers that alerts them to risks abroad. Source: Hiiraan Online
  5. Libya and Somalia are the most dangerous places on earth for 2020, according to a new map designed for travellers that alerts them to risks abroad. Source: Hiiraan Online
  6. Members of Ethiopia's Sidama ethnic group are expected to vote Wednesday to form a breakaway regional state -- a milestone that risks further destabilising the country ahead of next year's national elections. Source: Hiiraan Online
  7. Extension restricts country’s ability ‘to acquire weapons necessary to defeat terrorists,’ says national security adviser Source: Hiiraan Online
  8. Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani on Sunday received a message from Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on bilateral relations and means to develop them, the Qatari royal court said in a statement. Source: Hiiraan Online
  9. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah. Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka. Source: goobjoog.com
  10. Xog-culus:Ilhaan Cumar oo $150,000 siisay Ninka caddaan ah oo xidhiidh ka dhexeeyo Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xiriirka kala dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xiriir jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xiriirka kala dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baarto ayaa sheegtay inaysan sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baaro. Ilhaan iyo Mynett ayaa horey u beeniyey inay xiriir leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, ayada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. Qaran News
  11. Tahriibayaal lacag ay xadeen ku aaday safar Yurub ah oo jab iyo faquuq ka qaaday, dibna ugu laabtay dalkooda Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Galbeedka Afrika ee ku guul dareystay inay gaaraan Yurub ayaa dalkoodii hooyo ku soo laabto, balse waxay noqon kartaa soo noqosho aad u qaraar. Dalka Sierra Leone, muhaajirinta soo laabta ayaa waxaa diida oo caqabad ku noqdo qaraabadood iyo saaxibbadood, oo waxaa loo arkaa inay yihiin dad guul darreystay, sababtooda qaar badan oo ka mid ah ayaa waxay lacagta ay ku tahriibaan ka xadaan qoysaskooda. Fatmata marka ay xusuusato lixdii bilood oo ay xaas la addoonsado u ahayd nin reer miyi ahaa oo u dhashay qomiyadda Tuareg kaasi oo ka qafaashay saxaraha. ”Waxaa logu magacaabi jiray Axmed. Waxaa uu ahaa nin aad u xoog badan,” ayay tiri. ”Waxa uu igu yiri waxaad tahay addoon weliba madow ah, waxaadna ka timaaddeen cadaabta.’ Waxaa kaloo uu igu yiri marka aad haysato addoon, waxaad ku sameyn kartaa waxa aad rabto. Isaga kaligii ma ahan oo mararka qaar saaxibadii ayuu u yeerayaa oo ku dhahayaa, ‘Waad dhadhamin kartaan wax kastoo yaalla gurigeyga.’ Maalinkasta way i jirdilayeen oo waxay rabaan ayay iga sameysanayeen.” Fatmata, oo 28, sano jir ah ayay bilow u ahayd dhibaatadaasi. Waxaa u suuro gashay inay ka baxsato gacanta Axmed balse nasiib darro waxay gacanta u gashay dadka wax tahriibiya ama magafe kuwaasi oo geeyay xaruun iyaga gaar u ah oo ay hayaan muhaajiriinta ku taamaaya inay mar uun Yurub gaaraan. Ka dib markii iyada iyo muhaajirintii kale ay ka baxsadeen xaruntii lagfu hayay,Fatmata, way niyad jabtay waxayna go’aansatay inay soo afmeerto riyadeedii ahayd inay Yurub ka sameysato nolol cusub. Bishii Diseemabar ee sannadkii hore ayay dib ugu soo laabatay magaalada Freetown iyadoo dalkeeda ka maqnayd ku dhowaad muddo laba sanadood ah balse nasiib darro ma aysan helin soo dhaweyntii ay ka sugeysay qoyskeeda oo ay dib ula midowday. Haatan iyadoo xilligii ay dalkeeda hooyo dib ugu soo laabatay laga joogo muddo sannad ah, Fatmata ma aysan la kulmin hooyadeed iyo gabadhii ay dhashay oo haatan siddeed sano jir ah. ”Aad ayaan ugu faraxsanaa markii aan soo laabanayay”, ayay tiri ”Balse maba wanaagsanayn inaan soo laabto.” Markii ay soo laabatay, waxay telefoonka ka wacday aabeheed. Balse jaawaabtii uu siiyay ayaa ka nixisay.” Waxa uu igu yiri, ‘Xitaa ma ahayn inaad dalka dib ugu soo laabato oo waxay ahayd inaad ku dhimato halkii aad aadday, sababtoo ah wax faa’iido ah lamadaan soo noqon.”’ Markaa ka dib, waxay tiri ”Ma lihi wadnihii aan hooyaday ku soo arki lahaa”. Fatmata Laakiinse qoyskeeda kuma aysan diidin oo kaliya inay noqotay qof guul dareystay, waxaa sidoo kale lagu haystaa lacagtii ay ku kharash gareysay safarkeedii tahriibka. Waxay xadday 25 milyan oo leone taasi oo qiyaas ahaan u dhiganta 2,600 oo doolar waa lacag ahaan aaduma badna balse eedadeed waxay u ahayd hanti aad u badan. Waxaa lacagta loogu dhiibay inay ku soo iibiso dhar ganacsi loogu talagalay oo eedadeed ayaa aad u aamini jirtay Fatmata. Sheekooyinka noocaan ah ayaa waxay ku dhacaan qoysas badan oo reer Sierra Leonean ah. Jamilatu Dhanka kale Jamilatu waxay ka mid tahay gabdhaha tahriibay oo lacagaha ka xaday qoysaskooda waa siddeed iyo labaan sano jiro oo ay Fatmata iskala baxsadeen xaruntii magafeyasha ee Algeria, Waxayna qolka hooyadeed ka xadday lacag dhan $3,500 oo doolar balse lacagtaasi xitaa hooyadeed ma lahayn oo waxaa shirkad ku ahaa xaafado badan oo dariska ah. Ka dib markii ay Jamilatu tahriibtay dadkii lacagta lahaa oo careysan waxay qabsadeen hooyadeed iyagoo ugu goodiyay inay dilayaan haddii ay lacata soo celin weyso. Waxaa khasab ku noqotay inay magaalada Freetown ka soo cararto oo ay u soo haajirto Bo. ”Hooyaday ma dooneyso inay ila hadasho lacagtii aan xaday awgeed”, ayay tiri Jamilatu. ”Sidaa darteed tan iyo markii soo laabaty maan arag hooyadey. Waxaan rabaa inaan iyado arko sababtoo ah muddo laba sannadood ah ma arkin”. Jamilatu iyo hooyadeed Waxaan booqday guriga hooyadeed Maryatu oo ku yaalla Bo, wadahadal dheer oo na dhexmaray kaddib waxay ii shegtay iney dooneyso markale iney aragto gabadheeda Jamilatu, maadaamaa ay dhibaata badan la kulantay. Jamilatu waxay toos ugu noqotay magaalada Freetown. “Maanta waxaan ahay haweeneyda dunida ugu faraxsan maxaa yeelay,” ayey sheegtay. Balse uma eko qof faraxsan. Waxayna hooyadeed u sheegtay iney iyada iyo gabdheeda Jamilatu ay guri ku wada noolaaneyn ilaa ay gabdheeda bixiso deynti ay iyada darteed u gashay. Sideey ku suuragaleysaa Jamilatu si l amid ah Fatmata shaqa ma hayso labadooduba waxay taageera ka helaan hay’ad u qaabilsan ka hortagga tahriibka. Sheku Bangura laftiisa wuxuu ka mid yahay dadka tahriibka ka soo laabtay wuxuuna u ololeeyaa iney dowladda Sierra Leon ay wax u qabato dadka wakhti xaadirkan tahriibka ka soo noqday ee dalkooda hooyo ku soo laabtay. Wuxuu soo dhaweeyaa dadka tahriibka ka soo noqda, wuxuuna garab ka siiyaa haddii ay booliska wax dhibah kala kulmaan isla-markaana la talin dhinaca maskaxda uu siiyo. sheku Bangura Alimamy oo 21 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka saxaraha muddo seddex sana ah dhibaata kala soo kulmay. Wuxuuna Alimamy sheegay laba wiil oo ay tahriibka ku wada jireen oo ay saaxibba ahaayeen iney tahriibka ugu dhinteen harraad. Alimamy Alimamy laftiisa aad buu uga niyad jabay safarkiisa tahriibka ee natiija la’aanta ku soo dhammaaday. “Waddanka ayaan ku soo laabtay, wax aan meesha ku hayo, waxaan la mid ahay un qof hadda billow ah oo kale.” ayuu yiri. “Halka aan anigu ku noolaa waxay la mid ahayd cadaab oo kale. Farxad ma dareemayo. dadki aan la noolaana waxay ii arkayeen inaan bani aadamba ahayn.” Seddex qof oo ka mid ah dadka tahriibka ka soo laabtay ayaa ka qayb qaadanaya “wacyigelinta bulshada”. Waxayna marweliba waddooyinka u soo baxaan iyaga oo boorar tahriibka ay kaga soo horjeedaan wato. Qaran News
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta ma jirto xili ay Muqdisho ka amni wanaagsan tahay markii loo eego 10kii sano ee ugu dambeysay waxaana sii xogeysanaya guulaha ay gaareen ciidamada amniga Soomaaliya. Ciidamada amaanka oo ka kooban Booliis iyo NISA ayaa ku guuleestay in magaalada ay ka joojiyaan weerarada Al-Shabaab ee qaraxyada iyo dagaalka isugu jiray, islamarkaana lagu beegsan jiray xafiisyada dowladda iyo hoteelada magaalada Muqdisho. Sidoo kale ciidanka ayaa ku guuleestay in ay joojiyaan weeraradii ay fulin jireen kooxihii gaadiidka watay ee dadka ku hor jari jiray, iyadoo hadda sidoo kale guulo waa wayn ay ka gaarayaan ka daba tagga dilalka qorsheysan oo ay Muqdisho ka geestaan Al-Shabaab. Todobaadkii la soo dhaafay, ciidamada amaanka waxay nolasha ku soo qabteen 4 dagaalame oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo gacanta kula jiray dilal iyo weeraro ay qaadeen halka ay sidoo kale dileen hal dagaalame oo Al-Shabaab ah. Ciidamada amaanka ayaa Wadajir ku qabtay laba dhagar qabe oo dilay Allah ha u naxariistii Askari ka tirsanaa Ciidamada amaanka. Sidoo kale ciidamada amaanka ayaa toogasho ku dilay dhagar qabe Al-Shabaab ah oo isla todobaadkaan dil u geestay Askari ka tirsan Milateriga Soomaaliya waxa uuna falkaasi ka dhacay Xaafadda SII SII ee magaalada Muqdisho. Talaabadii ugu dambeysay oo ay qaadeen ciidamada amaanka ayaa aheyd kadib markii habeen hore ay nolasha ku qabteen laba dagaalame oo Al-Shabaab ah kuwaas oo weerar ku soo qaaday xarunta degmada Deyniile ee gobalka Banaadir, waxaana soo bandhigay saraakiisha amaanka Soomaaliya. Muqdisho ayaa in kabadan 100 maalmood ku jirta daganaansho amni iyo dareen soo kabasho ah markii loo eego bilo ka hor. Maxaa sababay in Al-Shabaab looga adkaado Muqdisho Magaalada Muqdisho muddo badan qaraxyo kama dhicin, gaar ahaan kuwii lagu weerari jiray xarumaha Dowladda iyo kuwii kale ee baabuurta looga xiri jiray saraakiisha Dowladda ka tirsan iyo kuwa kale oo shaqaale hey’adeed ahaa, sidoo kalana waxaa la yareeyey dilalkii ka dhici jiray Magaalada. Waxaa si weydiin mudan sababta keentay in la wiiqo awooddii ay Al-Shabaab ku laheyd Magaalada Muqdisho, Caasimadda Online ayaa ogaatay in sababta ugu weyn ee arrintaas keentay ay tahay in dhammaan Saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir la siiyey qalab dhameystiran oo ka saaciday in saldhig kasta uu sugo amniga dagmadiisa. Sidoo kale Caasimadda Online ayaa ogaatay in dhamaaan Taliyaasha Booliska Saldhigyada loo sheegay in cid kasta lagula xisaabtami doono amniga, iyadoo degmo kasta loo qoray ciidamo dhar cad sirdoon ah oo howgalo ka sameeyo degmooyinka. Waxaa la dilay oo qaarna la xiray kuwii Al-Shabaab u qaabilsanaa inay Gawaarida dadka ugu xiraan waxyaabaha Qaraxo, waxaana ugu dambeysay kuwii lagu beegsaday Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir kadib markii la helay xog ku saabsan sida ay u shaqeeyaan iyo halka ay saldhig ka dhigtaan. Inkastoo magaalada ay galeyso xaalad amni ah hadane waxay dadweynaha cabasho ka qabaan wadooyinka xiran oo dhanka kale sababay hoos u dhac dhaqaale oo aad u balaaran, hase yeeshee xirnaanshaha waddooyinka ayaa loo arkaa mid ka mid ah sababaha amniga u wanaagsanaaday. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. Washington DC (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa lacag ku dhow 150,000 oo dollar oo kale siisay shirkadda uu leeyahay Tim Mynett oo ah ninka caddaanka ah ee la tuhunsan yahay inuu xiriirka kala dhaxeeyo, waxaa sidaas weriyey wargeyska New York Post. Ololaha Ilhaan ayaa shirkadda Mynett uu leeyahay ee E Street Group u dusisay $146,712.63, sida ku cad diiwaankeeda lacagta ololaha. Lacagtan ayaa lagu sheegay in shirkadda Mynett loo siiyey xayeysiin online ah, la-talin lacag ururin iyo soo saaris muuqaallo, oo ay samaysay Ilhaan. Markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan in Ilhaan iyo Mynett ay xiriir jaceyl leeyihiin, ayaa waxaa ka hor ay Ilhaan siisay shirkadda Mynett lacag dhan 223,000 oo dollar, taasi oo tirada lacagta guud ee ay siisay ka dhigeysa 370,000 oo dollar. Dadka kasoo horjeeda Ilhaan ayaa ku dooday in lacaghaan ay sharci darro yihiin islamarkaana Ilhaan u siineyso Tim Mynett xiriirka kala dhaxeeya dartiis. Si kastaba hay’adda federaalka ee qaabilsan inay arrintan baarto ayaa sheegtay inaysan sidaas sameyn karin illaa guddiga qaabilsan uu amro in la baaro. Ilhaan iyo Mynett ayaa horey u beeniyey inay xiriir leeyihiin inkasta oo sawirro qarsoodi ah oo laga qaaday ay sidaas muujinayaan. Ilhaan ayaa bishii October waxay maxkamadda Hennepin County ee Minnesota ka codsatay in laga furo ninkeeda Axmed Xirsi, ayada oo sheegtay in guurkooda uu yahay mid aan dib loo hagaajin karin. Furiinkaas ayaa si rasmi ah loo dhameystiray 5-tii November. caasimada@line.com
  14. Mogadishu (Caasimada Online) – Somalia said Sunday it is opposed to the UN Security Council’s decision to extend an arms embargo on the country. In a statement, National Security Adviser Abdisaid Mohamed Ali said the arms sanctions were “restricting Somalia’s ability to acquire weapons necessary to defeat terrorists.” Ali said Somali is planning to revamp its armed forces to better fight Somali-based al-Qaeda affiliated al-Shabaab militants, so the sanctions need to be lifted. He added that some of Somalia’s “friends” were not interested in supporting the people of Somalia and equipping the country’s troops but creating further sanctions. The UN on Friday passed a resolution extending a more than decade-long arms embargo on Somalia by one year, saying the move was aimed at preventing al-Shabaab from acquiring arms, chemicals and bomb-making components. A panel of experts from the UN said recent investigations had shown that al-Shabaab was manufacturing explosives locally, unlike in the past, where they relied on expertise and materials from outside Somalia. Russia, China and Equatorial Guinea are against the extension of the arms embargo. Somalia’s Permanent Representative to the UN Abukar Osman has also criticized the arms embargo, telling local media that it is outdated and “falls short of taking into account Somalia’s positive new reality on the ground.” Source: Anadolu Agency
  15. Wararka ka imanaaya magaalada Hargeisa ayaa tibaaxaya in saacadihii ugu danbeeyey ee maanta uu khalkhal iyo cabsi xoogani la soo daristay maamulka midowga Qabaa’ilka Jeegaanta [...] Source
  16. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/11/BAr-Qumanha-warka-17112019-sax.mp3 View the full article
  17. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah er WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si kulul uga hadlay mas’uuliyiin ka tirsan xisbigiisa oo xukuumadda xisbiga u taxaabtay. Guddoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku yidhi “Umadda reer Somaliland waxa aan u xaqiijinayaa in goor dhaweyd sifo sharci darro ah oo aan wax cudur daar ah lahayn lagu xidhay Xoghayaha Guud iyo Afhayeenka Xisbiga WADDANI, sida ugu adag ayaan u cambaareynayaa, waana in si degdeg ah xorriyadoodii loogu soo celiyaa. Shacabka dareenkiisa xadhig iyo cabudhin toona laguma joojin karo. Waa inoo aroorta iyo Xarunta Dhexe.” Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhawaan safar ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay, xili uu ku howlanaa dhismaha Galmudug. Wasiirka ayaa la kulmay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wakiilada ee Koonfur Galbeed, waxayna kawada hadleen arrimo xasaasi ah. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in wasiirka uu halkaasi ku tagay amar ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya oo la siiyay isaga iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed kaas oo ah in si deg deg ah doorasho looga qabto Baydhabo. Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Koonfur Galbeed ayaa ah mid ku saabsan Golaha Wakiilada oo waqtigooda uu ku egyahay 31/12/2019, waxaana ka hor loo baahan yahay Xildhibaanadii badali lahaa kuwa hada jooga. Wasiir Sabriye iyo Madaxweyne Lafta Gareen ayaa la filayaa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhismaha Golaha Baarlamaanka ka hor sanadka cusub, waxaana dhawaan lagu dhawaaqi doonaa goorta iyo sida loo qabanayo doorashada Xildhibaanada cusub ee Koonfur Galbeed. Dhamaadka bishii December ee sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii lagu dhawaaqay Baarlamaanka cusub ee Koonfur Galbeed waxaana la filayaa in hada ay bilaabato qorshaha sameynta Baarlamaan cusub. Qorshahan doorashada ayaa imanaya ayada oo warbixinta guddiga khuburada QM ee Soomaaliya ay shaaca ka qaaday fadeexad la xiriirta sida dowladda federaalka u iibsatay doorashadiilagu doorta Lafta-gareen, oo codka halkii xildhibaanba lagu iibsaday 30 kun oo dollar. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  19. Xiisad siyaasadeed ayaa caawa ka aloosan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib markii ciidamada Booliisku ay xabsiga u taxaabeen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI. Booliiska ayaa la sheegay in ay xabsiga dhigeen Xog-hayaha Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen Cabdi iyo Af-hayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, sidoo kale ciidanka ayaa ku hareeraysan xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa. Xiisadda siyaasadeed ayaa ka dambaysay hadal uu maanta warbaahinta ka jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro), kaasi oo taageerayaasha xisbiga ee ku sugan Hargeysa ugu baaqay in ay maalinta berriya dibad-baxyo sameeyaan. Taliyaha Booliiska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi ayaa saacado kadib hadalka guddoomiyaha, waxaa uu sheegay in aysan aqbali doonin, in taageerayaasha Xisbiga waddani ay maalinta berriya dibad-baxyo ka sameeyaan magaalada Hargeysa. Xaaladda ayaa caawa kacsan, waxaana sida la sheegayo arrinta uga sii daray xarigga mas’uuliyiinta ka tisran Xisbiga Waddani oo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan muddaharaadyo rabshada wata. PUNTLAND POST The post Somaliland: Xiisad ka dhalatay mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Waddani oo xabsiga la dhigay appeared first on Puntland Post.
  20. Sri Lanka's former defense secretary Gotabaya Rajapaksa has been elected as the country's new President, winning 52.2% of the vote, according to the chairman of Sri Lanka's Election Commission. Source: Hiiraan Online
  21. Hargeysa-(Caasimada Online) – Kadib markii Xukuumada Somaliland ay caawa ciidamo badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ciidamadaas goor dhaw xabsiga u taxaabeen xubno ka tirsan Xisbigaas. Xog-hayaha guud ee xisbiga Khadar Xuseen Cabd iyo Afhayeenka Barkhad Jamac Batun ayey ciidamada Somaliland caawa xabsiga dhigeen, kadib ciidamo tiro badan oo caawa hareerayay xarunta xisbiga Waddani, waxayna talaabooyinkaan xukuumaddu uga hortagaysaa banaan bax ka dhan ah oo berri ka dhici lahaa xarunta Xisbiga. Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyey xarigga loo geystay labadaas masuul waxuuna ku yiri qoraalkiisa, “Xoghayhii guud ee Xisbiga WADANI Khadar Abdi oo hadda Xabsiga loo taxaabay, Afhayeenkii Xisbiga Barkhad Jamac Batun oo saacad ka hor isna la qafaashay. Aadbaanu u canbaaraynaynaa, waxaanay muujinaysaa kelitalisnimo, jujuub laguma baajin karo dareenka shacabka.” Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi ayaa ka hadlay Banaanbaxa ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi oo uu ku baaqay Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Cirro. Taliyaha Booliska ayaa si weyn uga horyimid banaanbaxaasi, isagoona sheegay in aanay aqbali doonin inuu berri ka dhaco banaanbax xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. Taliyaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ciidamo boolisku ay ka hor tagi doonaan banaanbaxaasi, isla markaana ay ku adkaan doonan sharciga, waa sida uu hadalka u dhigaye. Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Sareeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi oo warbaahinta la hadlayay ayaa waxa uu yiri “Anigoo daba socda hadalkii uu maanta uu jeediyey gudoomiyaha xisbiga Waddani ee uu ku baaqayey in ummadda reer Somaliland ay isugu yimaadaan meel goob ah, waxaan sheegay in aanu sharciga ku adkaan doono hadii alle yidhaahdo. “Marka dad la isugu yeedhayo, wali lama arag mudaharaad Somaliland ka dhacay oo inta badan najaxay, mid walba dhib iyo hawl ayaa ka timaada. Marka la isugu yeedhayo ee ummadd la doonayo in la kiciyo sharcibay leedahay, mudaharaadku sharci buu leeyahay, waxaynu nahay dal sharci leh, waxaan sharci lahayna yeeli mayno. Wuxuuna intaas kusii daray “Madaharaad aan sharci lahayni inuu dhaco ama inta ay umaddi soo ururto oo waxay doonto samayso ma yeelayno, dadku way wanaagsan yihiin, laakiin in xunbaa dhex socoto, ujeedooyinkii la isugu yeedhay ee guracnaana way dhex socdaan”. Taliyaha ayaa soo hadal qaadin ciidamo faro badan oo caawa lagu hareereyay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, inkasta oo uu carabka ku adkeeyay in ciidamadu ay ka hortagi doonaan mudaharaadkaasi, taasi oo u muuqata mida ka dambeysa talaabada ciidamada badan loogu soo rogay Xarunta xisbiga Waddani. Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xukuumada Biixi ciidamo ku soo rogtay xarunta Waddani, taasi oo ay ku macneeyeen mid laga hor istaagayo shacabka xuquuq uu dastuurku u jideeyay. Waxay sidoo kale Mas’uuliyiintaasi xukuumada Muuse Biixi uga digtay inay qalalaase ka abuuraan gudaha magaalada Hargeysa, iyagoona sii xoojiyay baaqii guddoomiye Ciro ee isku baxa berrito. Xukuumada Biixi ayaa isku soo baxaasi uu ku baaqay Ciro si weyn uga biyo diidan, taasi oo sababtay in caawa ay ciidamo tiro badan dul dhigto xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa. caasimada@live.com
  22. HE the Deputy Prime Minister and Minister of State for Defence Affairs Dr Khalid bin Mohamed al-Attiyah met the Prime Minister of Somalia Hassan Ali Khaire, in Doha on Sunday. Source: Hiiraan Online
  23. Xoghayaha Guud & Af-hayeenka Xisbiga Waddani oo La Xidhay Wararka hadda na soo gaadhaya ayaa tibaaxaya in xabsiga loo taxaabay Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi Iyo Af-hayeenka Xisbiga Barkhad Jaamac batuun . Xadhigga Xoghaye Khadar & Af-hayeen Barkhad ayaa waxaa noo xaqiijiyay mas’uul ka tirsan xisbiga Waddani oo nala soo xidhiidhay.ku darsoo weli Xukuumadu wali kama hadal xadhiga mas’uuliyiintan Qaran News
  24. (SLT-Hargeysa)-Wararka aanu helayno hadda ayaa waxa ay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay Xoghayihii guud ee Xisbiga WADDANI Khadar Xuseen Cabdi. Xadhigga Xoghaye Khadar waxa noo xaqiijiyay mas’uul ka tirsan xisbiga WADDANI Waa mas’uulkii labaad ee ka tirsan xisbiga WADDANI oo ay ciidammada boolisku xabsiga u taxaabaan, waxa isaga goor-dhawayd la xidhay afhayeenkii guud ee xisbiga. Xukuumaddu wali kama hadal xadhiga mas’uuliyiintan Source