-
Content Count
213,994 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo barqanimadii maanta ka dhacay gudaha degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Iska hor imaadka oo muddo socday ayaa waxa uu dhexmaray ciidamo ka kala tirsan talisyada Booliska iyo Milatariga Soomaaliya, kuwaas oo ku dagaalamay xaafadda Bunbacoole ee degmadaasi. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu sababay muran iyo is qab qabsi ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa israsaaseyntan ku dhintay illaa labo askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya, iyadoona uu ku dhaawacmay taliyaha saldhigga Booliska degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir, Cali Culusow. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan, balse waxaa goobta gaaray saraakiil Boolis ah oo kala dhex galay labada ciidan. Xaaladda ayaa hadda ah mid dagan, waxaana si caadi ah ku soo laabtay dhaq dhaqaaqa Bunbacoole degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho. Inta badan askarta Booliska iyo kuwa Milatariga ayaa ku dagaalama Caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa rayid aan waxba galabsan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliyaha Nabad sugidu Fahad ayaasiin oo todobaadkii hore la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa Fahad wuxuu Sheikh Shariif u gudbiyey Fariin [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwaddii uu 6-dii bishii October ee sanadkan 2019-ka gudbiyay xisbiga uu hoggamniyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Himilo Qaran. Dooda ugu horreysa ee maanta ayaa aheyd nooca dacwadda iyo sida loo qaadayo, taasi oo la xariirta arrimo dhinaca maamulka ah. Hoolka maxkamadda waxaa ku sugan guddoomiyaha maxkamadda sare, garsoorayaal kale, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo xubno ka socda xisbiga Himilo Qaran. Dacwaddan ayaa daba socoto is hortaagii kol hore lagu sameeyey, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. Tan iyo wixii ka dambeeyey markaasi ayaa waxaa sii xoogeysanayey khilaafka madaxda dowladda iyo madaxweynihii dowladdii KMG aheyd, kaas oo hadda gaaraya meel xun. Lama saadaalin karo natiijada ka soo bixi karta dacwaddan iyo sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa muuqata inay si aad ah maxkamaddu uga daahday dhageysiga kiiskan oo noqonaya kii ugu horreeyey noociisa oo ay qatabo maxkamadda sare. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Wasiir Cabdisamad Gallan Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd raasaas xooggan isku weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhowaan gadood sameeyay iyo ilaalada wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan. Goob-joogayaal ku sugan degmada Carmo, ayaa Puntland Post u sheegay in ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ay tacshiirad culus ku dhexmartay gudaha Carmo, inkastoo aan la ogayn haddii khasaare kala gaaray labada dhinac. Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa sida la sheegayo markii dambe ku guulaystay in ay kala dhex galaan wasiirka iyo ciidanka Daraawiishta ee halkaasi ku sugan. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxa uu la xiriiray muranka wasiir Cabdisamad Gallan iyo ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalka la yiraahdo Ciise Yulux oo maalin ka hor waan-waan lagaga soo saaray magaalada Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen. PUNTLAND POST The post Wasiir Amniga Puntland oo lagu rasaayeeyay magaalada Carmo appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Warar aynu hadda ka helayno magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa sheegaya in mudaharaadyo hor leh ka bilaabmeen magaaladaasi, kuwaas oo ay dhigayaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Taageerayaasha Wadani ee Burco ayaa la sheegayaa in ay iskugu soo baxeen gudaha magaalada, iyagoo raacaya hadalkii guddoomiye Cirro ee uu shanta gobol ee Somaliland ugu baaqay in taageerayaasha xisbigiisu ay ka dhigaan banaanbaxyo. Dibadbaxyadaasi uu ku baaqay Cirro ayaa waxa looga soo horjeedaa hanaanka maamul ee xukuumadda, iyadoona ay daba socdaan xiisadii muran ee ka taagneyd xubnaha guddiga cusub ee komishanka, ee ay dhowaan ansixiyeen golaha wakiilada Somaliland. Ciidamada Booliska ee maamulkaasi ayaa markiiba bilaabay howlgallo ay ku kala dareerinayaan taageerayaasha xisbiga ee gudaha magaalada Burco ka dhigayay banaanbaxa ka dhanka ah xukuumadda Biixi. Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa sidoo kale waxa lagu arkayey isagoo gaaf wareegaya goobaha ay iskugu soo baxeen taageerayasha xisbiga Wadani, kaasi oo qeyb ka ah kala dareerinta dadkaasi. Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si weyn uga soo horjeeda banaanbaxyada uu ku baaqay guddoomiyaha xisbiga Wadani, taasi oo xiisad xoogan ka dhex abuurtay taageerayaasha xisbiga iyo Xukuumada Somaliland. Xiisadan ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii saaka ay ciidamada Booliska ee lagu hareereyay xarunta xisbiga Wadani ee magaalada Hargeysa ay rasaas ku rideen guddoomiye Cirro iyo taageerayaal la socday, midaasi oo ay kaga hor istaagayeen galida xaruntooda. Cirro ayaa isaguna sii xoojiyay banaanbixii uu shalay ku baaqay, wuxuuna dhamaan xafiisyada gobolada Somaliland ee Wadani ugu baaqay in ay iskugu yimaadaan taageerayaasha xisbiga, si ay u muujiyaan dareenkooda ka dhanka ah xukuumadda. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Xili ay Xukuumadu ka digtay in Mudaharaad la qabto maanta oo isniin ah hada Taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka ee Wadani waxay saaka bilaabeen Mudaharaad ka dhan [...] Source
-
Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani on Sunday received a message from Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on bilateral relations and means to develop them, the Qatari royal court said in a statement. The message was conveyed by Somali Prime Minister Hassan Ali Khayre during a meeting with the Qatari emir at the royal palace. Sheikh Tamim and Khayre reviewed cooperation between the two countries and ways of promoting them. Earlier this month, Qatar organized an airlift for the relief of flood victims in Somalia as water submerged villages and towns and made thousands of families homeless. Earlier, Doha hosted a ministerial meeting of the Organisation of Islamic Cooperation Contact Group on Somalia, attended by 15 member states, to drum up international support for security, stability, and development for the Somali people and alleviate the effects of natural disasters in the African country. View the full article
-
Waxa Xarunta Danbi Baadhista ee CID-da Hargeisa lagu xidhay, Tifatiraha Guud ee Horn Cable TV Cabdiqaadir Saleebaan Casayr ( coday). Xafiiska Danbi baadhista ee CID du waxa uu codsaday in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, bales Xayiradaasi ma soo gadhin Xafiiska talabadasina ma fulin ilaa imika, waxanay kamid ahayd qoraalka loo akhriyay tifatiraha. Maalmihii ugu danbeeyay waxa dacwado kala duwan looga yeedhay Tifatiraha Guud iyo Xafiiska Wararkaba Coday iyo Galaydh Maxkamada Gobolka. Balse waxa loo akhriyaya Tifatiraha Guud intaan la xidhin xafiiska Danbi baadhista, in Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalintu codstay in Xayiraad la saaro Horn Cable TV, iyadoo cabsi ka qabtay in gudbinta wararka iyo xaqiiqoyinka xoriyada Saxaafada ee dhacdooyinka malin laha ah. Maamul ahaan waxanu kasoo horjeedna noockasta oo cabudhin ah, xadhig, handidaad , Xayiraad iyo wixii lamid ah, Xeerarka Saxaafada iyo Dastuurka JSl waxay damaanad qadayaan ilaalinta Xoriyatul Qawlka Warfidiyeenada iyo Xarumaha warbaahinta. Waxaanu sii wadi doona gudbinta baahiyaha bulshada, helida warar sugan, ilaalinta dhexdhexaadnimada, adkaysiga iyo u dhabar adayga gaadhista xoriyad taam ah oo lagu ilaaliyo Xoriyatul qawlka dalka Somaliland. Iyada oo aanan ku raadinayn cunfi iyo caadifad balse aanu u marayno dariiqa xeerarka saxaafadu noo jideeyay. Mohamed Abdi Ilig Agaasimaha Guud ee HCTV. Source
-
Wasiir u Dowlada Bada iyo Dekadaha Puntland Yusuf Maxamed wacays dhedo ayaa maanta xilkiisa loo dhaariyey. Munaasabada Xildhaarita oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xubnaha madasha xisbiyada Qaran oo u warramayey TV-ga Soomaali Cable ayaa ka hadlay qorshe la doonayo inay ku wadahadlaan hoggaanka madashaasi iyo madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya. Cabduqaadir Cosoble ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu xiriir toos ah la soo sameeyey, Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, islamarkaana hadda ah guddoomiyaha madasha xisbiyada Qaran, isagoona ka dalbaday in wadahadal lagu dhammeeyo xiisada u dhexeysa labada dhinac. Sidoo kale Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in Sheekh Shariif uu aqbalay soo jeedintaasi, islamarkaana uu u sheegay inay madashu diyaar u tahay wadahadalkaasi. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in madasha xisbiyadu aysan dooneyn kaliya in Sawir la wada galo, basle ay uga fadhiyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha wax cad oo ay ka yiraadaan diyaaraddii ay la socdeen ee lagu qalgal galiyey hawada Beledweyne. “Marka lala fariisto ma rabno oo kaliya in Sawir la qaato oo la yiraahdo Madaxweynihii ayaa la kulmay kaliya ee la iska tago, ee waxaan rabnaa Madaxweynaha inuu soo saaro dhibka uu noo geystay isaga iyo Ra’iisul Wasaarihiisa diyaaradeenii oo socoto isku dayga dilka ahaa inuu wax ka yiraahdo oo uu dhaho sidaan iyo sidaanee wax u dhaceen ama uu Raali gelin ka bixiyo.” ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali Cable. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin oo Ergo ahaan loo soo diray uu la kulmay, Sheekh Shariif, iyagoo kala hadlay xiisada taagan. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse maalimihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayey xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa labada dhinac, kadib safarkii halista lagu galiyey Madaxweynayaashii hore ee magaalada Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Taliska Qeybta Booliiska gobolka Mudug, ayaa saaka degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo khamriya iyo saddex nin oo doonayey in ay soo galiyaan gudaha Puntland. Khamrigaan oo laga keenay gudaha waddanka Ethiopia ayaa lagu soo qaaday laba gaari oo nooca loo yaqaan Mark 2-ga, waxaana kastamka Tuurdibi ku qabtay ciidanka Booliiska Puntland ee halkaasi ku sugan. Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in khamriga laga soo raray degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana la rabay in la geeyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland. G/sare Jaamac Maxamed, ayaa tilmaamay in isla maanta ay maxkamad la horgeyn doono saddexda nin iyo khamriga ay wataan, si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin. Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Booliisku shalay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ka qabteen ilaa 7 kartoon oo khamriya, taasi oo loo waday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Booliiska Puntland oo degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo Khamriya appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan goor dhow ka qarxay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Dagaalka oo ah mid culus ayaa yimid, kadib markii ciidamada daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ay weerareen hoyga guddoomiyihii xilka laga qaaday ee magaaladaasi, Mudane Ibraahim Maxamed Nuur (Shik-Shigow). Wararka ayaa sheegaya inay iska caabin sameynayaan ciidamo daacad u ah guddoomiyaha oo ka horyimid xil ka qaadista lagu sameeyey. Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka oo weli ka socda qeybo ka mid ah degmada Diinsoor ee gobolka Baay. Xiisadan ayaa sameyn xoogan ku yeelatay dhaq dhaqaaq guud ee magaaladaasi, iyadoo ay xirmeen goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga degmadaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka iyo kan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Sanad ayaa iminka la joogaa markii la doortay guddiga fulinta Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya 15 Novermber 2018 Cabdiqani Saciid Carab oo ah guddoomiyaha Xaririirka Kubbadda Cagta Soomaaliya ayaa Goobjoog u sheegay mudadii sanadka aheyd in ay wax badan ka qabteen arimo badan oo horyaalka wuxuu sheegay in ay wax badan ka qabteen cabshada Maamul Goboleedyada iyo baahinta K.Cagta. Saddex macallin oo kasoo jeeda wadanka Ghana ayaa loo magaacabay geedi socodka iyo horomarka natiijooyinka Xulka Qaranka waxayna kala yihiin Bashir Hayford oo ah tababare Xulka waaweyn,Ignatious Kwame oo isna ah layliyaha Qaranka da’yarta iyo sidoo kale tababare Jerry oo macallinka goolhayaasha Xulka iyo kooxaha Kubbadda cagta guddoomiye Cabdiqani Saciid ayaa sheegay in wax la tabaan karo laga sameeyay dhinaca farsamada xulka qaranka bilooyinkii lasoo dhaafay welin ay radiyaan in lasii horomariyo. “Guddiga fulinta X.K.Cagta mudadii uu joogay xafiiska waxa uu waqti iyo qarash ku bixiyay arimaha horomarinta Maamul Goboleedyada wuxuu ku guulaystay in xafiisyo u furo maamulada kala ah Hirshablee iyo Koonfur Galbeed,sidoo kale Xiriirka wuxuu miisanayada lagu horomarinayo urarada kubbadda cagta gobolada siiyaa dhamaan shanta Maamul Goboleeda,taasina waxay ka mid tahay shaqooyinka adag aan qabanay” ayuu Cabdiqani Saciid Carab u sheegay Goobjoog Sports. 18 July 2019-Guddomiyaha Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab ayaa ka mid noqday guddiga fulinta Qaarada Afrika ee CAF waxaana kusoo laabashada booskan soo dhaweeyay taageerayaasha kubbadda cagta,iyagoo guul u rajeeyay madaxda xariirka ee da’daalka wanaagsan uga jira qabashada joogaooyinka waaweyn ee kubbadda cagta sida FIFA CAF iyo urarada kale ee caalamka Guddiga fulinta Xariirka Kubbadda cagta ayaa u mahad celiyay saaxiibada markasta kala shaqeeya horomarka,iyagoo dhinaca kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhagestaan aragtida ka imaanaysa qof kasta ee ku nool wadanka gudihiisa iyo dibadda,si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta. Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Wixii U Qabsoomay Xariirka Kubbadda Cagta Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wararka aanu hadda helayno ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xayiraad ka soo rogtay Telefishanka HCTV. Xukuumadda ayaa sidoo kale xabsiga u taxaabtay wariye ka tirsan Telefishanka HCTV oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Coday oo a sheegay in uu yahay tafatiraha Telefishanka. Ma jiro warar faahfaahsan oo ka soo baxay xayiraada HCTV iyo xadhiga Wariyaha, balse waxa ay wararka sheegayaan in uu ku xidhan yahay xarunta dambi-baadhista ee CID-da, sidoo kale la xayiray dhammaan xarumaha Telefishanka. Wixii warar ah ee ka soo kordha kala socda Somalilandtoday Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, Cabdiraxmaan Cirro oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay gudaha degmada Hargeysa ayaa si kulu uga hadlay xiisada siyaasadeed ee maanta ka taagan gudaha magaaladaasi. Cirro ayaa ugu horreyn sheegay in la rasaaseeyey, xilli uu sii galayey xarunta xisbiga oo la geeyey ciidamo ka tirsan Booliska Somaliland, wuxuuna tilmaamay in xukuumadda Muuse Biixi ay ku ciyaareyso nabadda gelyada, iyadoo adeegsaneyso ciidanka Qaranka. “Xukuumaddu iyada ayaa nabad gelyada ku ciyaaraysa, xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin.” ayuu yri guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu ka walaacsan yahay xarigga xoghayaha xisbiga Wadani, Khadar Cabdi Xuseen iyo afhayeenka guud ee xisbigaasi, Barkhad Jaamac Batuun, kuwaas oo uu sheegay in loo wareejiyey xabsi kale. Guddoomiyaha xisbiga Wadani ayaa sharci darro ku tilmaamay xariga mas’uuliyiintaasi, wuxuuna sheegay inay ka hor imaaneyso dimuqraadiyadda, sida uu hadalka u dhigay. Sida aan xogta ku helnay xubnaha xisbiga ee xiran ayaa waxaa loo wareejiyey xabsiga Mandheera, taas oo uga sii dareyso xiisada ka taagan magaalada Hargeysa. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaaladaasi, si ay uga hortagaan dibadbax laga cabsi qabo inuu ka dhoco halkaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Popular Contributors
